Mudanayaal iyo Marwooyin: Saddax Su'aal

0
Sunday November 14, 2021 - 22:28:19 in Wararka by
  • Visits: 1141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudanayaal iyo Marwooyin: Saddax Su'aal

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

A. Libaax, Dawaco iyo Dameer ayaa sameystay Xisbi Siyaasadeed. waxaa loo baahday in laga diiwaan galiyo Wasaaradaha ey khuseyso. Dawaco ayaa tiri: Anigaa Galaangal iyo Xirfad badan oo soo dhameynayo Diiwaan galinta. waa ku soo Guleysan weyday.

Libaax ayaa yiri: Anigaa Xoog iyo Haybad leh, oo soo dhameynayo. waa baxyay, Kuma soo guuleysan.
 
Dameer ayaa yiri: Anigaa soo dhameynayo. waa ku soo Guuleystay. waxaa lagu yiri: Sideey ku dhacday?. Wuxuu yiri: Madaxda Wadaaradaha ka shaqeyso 2/3 ayaan isku Aragti nahay.
 
Su’aasha 1aad:
 
Adiga oo aan u fiirin, Qabiil, Aqoon, khibrad. waa maxaay Aratida ey ka mideysanyihiin Dameerka iyo Madaxda Wasaaradaha qaar.
 
B. Dameer iyo Shabeel ayaa isku Qabsaday Midabka Cirka, Shabeelkii wuxuu yiri: Cirka Midabkiisu waa Buluug u eg Calanka Somalida. Dameerkii ayaa yiri: Maya, Cirka midabkiisu waa Cagaar Cowska u eg. Libaax ayaa loo tagay, Gartii ayaa loo bandhigay. Libaaxii ayaa yiri: Dameer ayaa gar leh, Cirkuna waa Cagaar, Shabeelna waxaan ku xakumay 3 Bilood oo Xabsi ah. Dameerkii isaga oo Faraxsan ayuu iska tegay. Shabeelkii ayaa yiri: Aw Libaaxoow, waa u jeedaa in Cirku Buluug yahay ee maxaad igu xukuntay.
 
Libaaxii ayaa yiri: waxaan ku xukumay markii aan ogaaday in aad khaldan tahay. waan ogahay in Cirku Buluug yahay ee Adigu Maxaad Dameer ula Murantay, waad ogtahay in uu Jaahil, Madax adag yahay.
 
Su’aasha 2aad.
 
Qofkii ku yiraa: waxaan u hambalyeeynayaa, Doorashada Aqalka Sare, waxa ey ku soo Dhamaatay Cadaalad, Hufnaan iyo Guul, tan Aqalka Hoosena waxaan u rajeeynayaa Sidaa oo kale, Hala murmin, Hadaadan Caqli Dameer leheyn, yaan 3 Bilood laguugu xukumin. Weli mala murantay?.
 
C. Su’aal ayaan rabaa in aan weydiiyo Saaxiibadeyda FaceBook. Indhahaaga iyo Dhagahaaga i amaahi, iigana Jawaab, Su’aashan muhimka ah.
 
Horta mexeey aheyd Su’aashii aan ku weeydii rabay. waan hilmaamay su’aashii, Markaan soo xasuusto ayaan ku weeydii doonaa.
Su’aasha 3aad.
 
Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip