Saddex nin oo loo soo qabtay qaraxii Magaalada Liverpool

0
Monday November 15, 2021 - 09:39:39 in Wararka by
  • Visits: 178
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex nin oo loo soo qabtay qaraxii Magaalada Liverpool

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Booliska la dagaalanka argagixisada ee dalka Ingiriiska ayaa Axaddii saddex nin u soo qabtay qaraxa ka dhacay afaafka hore Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Magaalada Liverpool ee waqooyiga dalkaasi.

Gaari Taksi ahaa ayaa ku qarxay ka soo horeedda Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka. Inta la xaqiijiyay hal nin oo gaariga saarnaa ayaa ku dhintay, wadihii gaarigana uu dhaawac fudud soo gaaray, ka dib markii uu gaarigaasi ka booday.

Saraakiisha Booliska ayaa xaqiijiyay in saddex nin loo soo xiray falkaasi, inkastoo aanay kala caddayn in raggaasi ku lug leeyihiin qaraxaasi, balse ay weli baaritaan wadaan.

Ciidamada Booliska ayaa xalay u dhacay guryo ku yaala xaafadaha magaalada qaarkood, oo ay ka soo qab qabteen raggaasi.

Cabdnuur Ibraahim Cabdalla oo ah Soomaali degan Magaalada Liverpool ayaa sheegay in darawalka uu ka booday gaariga, ka hor intii aanu is qarxin ninkii rakaabka ahaa, ee uu siday.

"Waxaa qarxiyay qof rakaab ah oo Taksiga la socday. Darawalkii waday gaariga ayaa ka booday, qofkii ku dhex jiray ayaana is qarxiyay, sidaa ayuuna ku qarxay gaariga, sida la xaqiijiyay.” Ayuu yiri Cabdnuur Ibraahim oo VOA la hadlay.

Cabdnuur Ibraahim ayaa yiri "Dareenka magaalada waa iska cabsi cabsi oo arrintani arrin aan horey u jirin bay ahayd, magaalada ugu fiican wada noolaashaha bay ahayd, marka UK guud ahaan loo fiiriyo.”

Xaafadaha laga soo xiray raggaasi ayaa waxaa ku badan Muslimiinta, waxaana xusid mudan in Liverpool ka mid tahay magaalooyinka ay Jaaliyadaha Muslimiinta ugu badan yihiin dalkaasi, iyadoona ay degan yihiin Soomaali fara-badan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip