RA'YI: Xamar Waa la kala Leeyehee Xaqa Dadkuu Sheega
Haddii si caddaalad ah wax loo qeybsanayo Xamar Dadka Dega Diyaar ayey u yihiin, waxaana kufilan waxa ay heystaan sida Badda iyo Barriga.
Haddiisa la yiraahdo haleys Boobo sida hadda ka socoto meelo badan oo Somaliya Gobaleeda ka mid ah iyo Magaalada Muqadisho Dadka Dega Xamar inteey heystaan ayeey intooda kale ku darsankaraan, Sidaas iney Sameeyaanna awood ayeey u leeyihiin laakiin waxey xushmeynayaan Martida la Nool.
Xamar Cidna looma Diiddana iney ku noolaato laakiin waxaa Gardarro Cad ah oo aan Geedna loogu soo Gambanin ah Teydana anaa iskale Taadana kula lihi,,,,
Dib U Mlicso Gabaygii Qiimaha lahaa ee Abwaan Subkane
GABAY:-
Adduunkoo dhan waa kala Xirmoo leeys Haqiri Waayay
Xadka Duulimaadka iyo Maraakiibta Xiraneyso
Birrinka kuwii kala Xirtaa Xaye ah oo Noole
Xayeeskiiska Maantaahu Waakii Naka la Xiraye
Xamar Waa la ka la Leeyehee Xaqa Dadka u Sheega,
Xig-Maddaa Qofkii Garanayoow dib iyo xusuus yeelo
Midkeey ka xiltahoow ka Xagjiroow Duubo xarigaaga
Ima Xigo Nin Xaaraan Cunoo Xarig Ilaah Gooyay
Ima Xigo Nin Xoog igu Dayoo Xulufo Ii doonta
Xeel Dheerayaasha iyo Shacbigaan Xarafka Gaarsiine
Xukuummad u dhaxeeysana Oggole Xamar ineey Joogto
Xisaab loo dhan yahay aan Jeclaa Xubin inaan yeesho
Xayesiiska beentaahu waa kii nahala xiraye
Xamar Waa la Kala Leeyihee Xaqa Dadka u Sheega,
Xeer- Beegti Aanan dooranbaa Xabadka Ii taagtay
Xaabada iyo Cowskaan Dhax Gali igula soo xuubtay
Anna Xarafka miinkaan ka Maray Inaan Xilkaa Dhiibo
Xishood kii Horaa Iigu Filan Xarigna kii Xiise
Xayesiska Maantaahu waakii naka la Xiraye
Xamar waa la kala Leeyehee Xaqa Dadkuu Sheega,
Xaq la Duugo iyo Baadilkoo Xididdo loo yeelo
Xaqiraadda iyo Beeta iyo Xummo la Taageero
Xaqiiq laga Fogaadiyo Runtoon Xaabka laga Qaadin
Xaashaa Lilaahiye waa wax Gobi ka xarrakootaahe
Xamar waa la kala Leyehee Xaqa Dadkuu Sheega
Waxaa Qoray: Sayid Hassan Ali
RA'YI: Xamar Waa la kala Leeyehee Xaqa Dadkuu Sheega
Maalin kasta waxaa dhegaheena ku soo dhaco ama aan maqalnaa Maqaam gooni ah ayeey yeelaneysaa Magaalada Mogadisho.