Kenya oo Al-Shabaab darteed ku weysay dhuun shidaal la marin lahaa dalkeeda

0
Sunday April 24, 2016 - 11:10:02 in Wararka by
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo Al-Shabaab darteed ku weysay dhuun shidaal la marin lahaa dalkeeda

    Dowladda Kenya ayaa ku guuldareysatay in dalkeeda la marsiiyo dhuun shidaal ah oo ka timaada magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, si loo dhoofiyo, iyadoo Madaxweynayaasha dalalka bariga Afrika ay heshiis ku gaareen inay sameystaan dhuun shidaalka qa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya ayaa ku guuldareysatay in dalkeeda la marsiiyo dhuun shidaal ah oo ka timaada magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, si loo dhoofiyo, iyadoo Madaxweynayaasha dalalka bariga Afrika ay heshiis ku gaareen inay sameystaan dhuun shidaalka qaada.

Madaxweynayaasha dalalka Uganda, Tanzania iyo Kenya oo ku shiray magaalada Kampala ayaa waxay go’aan ku gaareen inay dhistaan dhuun weyn oo shidaalka ka qaada Uganda iyo Tanzania,

Dhuuntan ayaa waxaa ku baxeysa lacag dhan afar bilyan oo dollar, waxaana shaqo abuuris ka helaya in ka badan 15-kun oo qof.

Qorshaha dhuuntan ayaa markii hore ahaa in la marsiiyo deegaano ka tirsan Kenya, si loo dhoofiyo, balse waxaa deegaanadaas la sheegay in weeraro ka geysatay Al-Shabaab, taasna ay keentay cabsi ah in hadii dhuuntan shidaalka qaadala marsiiyo ay weerarto Al-Shabaab.

Shirkada TOTAL ee laga leeyahay dalka Faransiiska ayaa dhowaan qandaraas ku qaadatay maal gelinta dhuunta ay sameysanayaan dalalka Kenya, Uganda iyo Tanzania, waxaana ay diiday in meelo ka mid ah Kenya la marsiiyo dhuuntan, sababo amni awgeed.

Uganda oo aan laheyn badd, ayaa waxay ogolaatay in dhuunta shidaalka loo weeciyo dalka Tanzania, iyadoo horay uu jiray Heshiis u dhaxeeyay Uganda iyo Kenya oo ku aadanaa dhuuntan.

Hase ahaatee shirkadaha shidaalka baara ayaa ku adkeysanaya in xilligan aanay suura geli karin in dhuunta shidaal la marsiiyo Kenya, cabsi laga qabo weeraro Al-Shabaab ku qaado.


Dalalka Bariga Afrika ayaa waxaa dhowaan laga helay shidala iyo saliid, waxaana taasi ay soo jiidatay maalgashayaal caalami ah.

Uganda ayaa markii u horeysay waxaa dalkeeda laga helay shidaalka ceyriinka ah, waxaana ay dooneysaa in soo saarida shidalka ay bilowdo sanadka 2018, si ay ugu suuq geyso caalamka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip