
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 13-KA OKTOOBAR 2015-KA
Munaasabadan oo ay ka soo qeybgaleen Madaxweyne Xasan Sheekh ra’iisal wasaare Cumar Cabdrashiid Cali Sharma’arke iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kamid ahaa madaxdii kaqeybgashay 61 sano guurada maalintii ugu horeysay ee calan xor ah laga taago dalka Soomaaliya.
"Ma jirto qorshe ay dowlada wax ugaga bedeleyso calanka Soomaaliyeed waana warar been abuur in wax laga bedelayo calanka.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhowaan ayaa waxa ay shabakadaha qaarkood qorayeen warar sheegaya in calanka wax laga bedeli doono ayna qorshahaas wadaan dalalka Kenya iyo Ethiopia. Wararkan ayaa tilmaamayay in labada dowladood ay u gudbiyeen ururka Midowga Afrika ashtako ah in xiddiga shan geeska ah ee dhexda ugaga taal calanka Soomaaliyeed ay tahay mid xadgudub ku ah wadamadooda maadaama ay tilmaamayso in qeybo ka mid ah wadamadooda.
Waa markii ugu horeysay ee ay dowladu beeniso in uu jiro warkaas waxana ay ku soo beegantay maalinta calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago ciida Soomaliyeed.
SHARMA’ARKE: CALANKA JAMHUURIYADU WUXUU METELAA DADKA SOOMAALIYEED OO DHAN
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho oo lagu maamuusayay 61guuradii kasoo wareegtay maalinta Calanka Somalia.
Sharma’arke ayaa ka hadlay muhiimadda dal walba uu u leeyahay maamuuska calankiisa, wuxuuna tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ka qaybgalo munaasabadda lagu xusayo 61sanoguurada calanka Soomaaliya.
"Runtii waa farxad weyn inaan shalay 61sano kadib xusno maalinta weyn ee calankeena, weliba goobtii ugu horreysay ee laga taagay,” ayuu yiri RW Cumar oo intaasina ku daray in markii la sameynayay calanka iyo astaamihiisa oo ay ku jirto xidigta ujeeddeedu aanay ahayn oo kaliya shantii Soomaaliyeed, laakiin uu metelo dhamaan Qowmiyada ku abtirsata Soomaaliya.
Wuxuuna intaa raaciyay. "Calanka sidiisaba markii la sameynayay, xiddigta dhexda uga taalla waxay metelaysay shantii qaybood ee Soomaaliya loo qaybiyay, midabka buluugga ahna waxaa loo ekeysiiyay cirka, waxayna macnaheedu ahayd inaysan jirin xudduud kala qeybisa.”
Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri. "Kow iyo lixdan sannadood kaddib iyo shalay iyo berri Soomaalida oo dhan astaanta mataleysa waa calankaas, waxa loo sameeyayna Jamhuuriyadda kaliya ma ahayn ee waa Qowmiyadda Soomaaliyeed oo dhan meel walba oo ay joogaan.”
"Soddonkii sano ee hore ee dowladnimadeenna, siyaasadeenna gudaha iyo mida dibedda isaga ayaa qeexay, waxaan dadka kula heshiinaynay ama ummad kula dagaalameynay waxay ahayd calankaas,” ayuu hadalkiisa ku daray Sharma’arke.
Ugu dambeyn, RW Somalia ayaa xusay in rajada dalka ay aad u wanaagsan tahay horumar badanna lagu tallaabsaday, laakiinse loo baahan yahay xilligan adag in si wadajir ah looga baxo.
"Annagoo federaal dhisayna, haddana waxaa loo baahan yahay in midnimadeenna aan si dhab ah u ilaalinno, hiigsiga geeddisocodka 2016ka, waa inaan si wadajir ah uga baxno, si caalamku u arko in Soomaaliya ay tahay dal isku tashaday oo horumar gaaraya,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay RW Sharma’arke
GAROONKA MUQDISHO OO LAGA FURAY XAFIIS LAGU KOONTAROOLO AJAANIBTA DALKA SOO GALAYSA
Taliyaha Hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Dowlada Federaalka Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha laga hirgiliyay xafiis cusub oo la soconaya dhaq dhaqaaqa ajaaniibta imaaneysa Muqdisho.
C/llaahi Gaafow wuxuu ku tilmaamay xafiiska cusub inuu yahay mid lagula soconayo dhaq dhaqaaqa ajaaniibta laguna ogaanayo inuu ka dhacay Waqtiga ay dalka joogayaan si loogu cusbooneysiiyo.
Wuxuu sheegay taliyaha Hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha in xafiiska socdaalka ay ku soo kordhiyeen xafiis kale oo cusub,kaasi oo dadka ajaaniibta ah u suurta galinaya in haddii waqtiga dal jooga ah ka dhaco loogu cusbooneysiiyay lana socda dhaq dhaqaaq ooda.
Dhanka kale,Taliyaha Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa ugu baaqay xubnaha maamul goboleedyada ee dalka ka jira iney muhiim tahay la socoshada dadka ajaaniibta ah ee ka degaya garoomada maamul goboleedyada iyo waliba wada shaqeyn dhexmarta Xafiiska waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulada ka jira dalka Soomaaliya si howsha habsi ugu socoto.
Dalka Soomaaliya waxaa ka howlgala shirkado ajaaniib ah,kuwaasi oo iminka la sheegay in lala socon doono dhaq dhaqaaqooda.
FAAH FAAHIN: DIYAARAD XAMUUL AH OO KU DHACADAY DEGAANKA CARBISKA EE DULEEDKA MAGAALADA MUQDISHO...
Diyaarad Xamuul ayaa lagu soo waramayaa in Xalay ay ku dhacaday Degaanka Carbiska ee Duleedka Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in Shilka Diyaaradan uu yimid kadib markii ay awoodi weysay in ay ku degto Garoonka Diyaaradaha ee M/ Muqdisho.
Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdi sho ayaa sheegay in ay arkeen 5 Ruux oo Ajaaniib ah kuwaasi oo la socday Diyaaradii Xamuulka aheyd Shilka gashay.
Dhinaca kale, Taliye ku xigeenka Saldhiga Degmada Afgooye, Cabdullahi Maxamed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Diyaarada laga leeyahay Dalka Masar ay ku soo dhacday Degaanka Carbiska ee Duleedka Magaala da Muqdisho.
Taliye Maxamed ayaa sheegay in dhaawac uu ka soo gaaray 1 Ruux ka mid aha Shaqaalaha Diyaaradaasi waxuuna sidoo kale kale qeexay in 6 kale oo la socday Diyaaradaasi ay haatan bad qabaan.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in halka Shilkaasi uu ka dhacay ay gaareen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya waxaana ay xireen wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa halka Diyaaradaasi ay shilka ku gashay.Degaanka Carbiska ayaa waxuu ku dhow yahay Degmada Afgooye oo qiyaastii 30 Km u jirta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
WARBIXIN: SHACABKA SOOMAALIYEED KUMA WADA BARAAR UGSANA XUSKA MAALINTA CALANKA SOOMAALIYA
Marka laga hadlayo xuska munaasabadaha inta badan dadka Soomaaliyeed waxaa dhagahooda ku badan maalmo kooban oo la isla yaqaano, sida 26ka Juun, 01da Luulyo, 08da Maarso, iyo munaasabado kale oo laga yaabo in badan oo bulshada ah in ay goob joog u soo noqdeen.
Hase ahaatee xuska munaasabada maalinta calanka Soomaaliyeed waxaa la oran karaa waa munaasabadaha dhif iyo naadirka ah ee waayadii ugu dambeeyay soo maray dalka, waana tan keentay in bulshada qeyb weyn oo ka mid ah ku adkaatay in shalay oo kale laga dhaadhiciyo in ay u dabaaldagaan maalinta calanka.
Dabcan markaad dhinac ka eegto layaab malaha waana wax dhici kara in Soomaalida inteeda badan, gaar ahaan kuwa ku gaarsaday waayihii adkaa ee dowlad la'aanta iyo fowdada uu dalku ku jiray inaysanba aamisaneyn jirintaanka calan illaa xad sidaa loo karaameeyo, madaama ay ka hoos dhasheen astaamo kale oo leh midabo kala gadisan kuwaasoo idhaha bulshada Soomaalida ku badnaa waqtiyadii danbe.
Dhab ahaan waxaa xaqiiqo ah in wali Calankii Soomaaliyeed nool yahay, in la xusanna qeyb weyn ka tahay jiritaanka Qarannimada Soomaaliya iyo xasuusta geesiy aashii dhiigooda u daa'diyay siddii uu uga dulbaban la'ahaa gayiga Soomaaliyeed.
Calanka waxaa la sameeyay ama la alifay sannadkii 1954kii, waxaana hindisihiisa lahaa Rabbi naxariisteen janno haka waraabiyee Max'ed Cawaale Liibaan.
Rasmi ahaa marka la eego calanka Soomaaliya ma'aha midabka hadda inta badan lagu arko fagaarayaasha, hasse ahaatee midabka ramsiga ah ee calanka waa cirka oo kale, taasoo ka dhigan in uusan aheyn midabka buluuga ah ee buuxa.
Qaar ka mid bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne oo aan arrintan ku saabsan xuska maalinta calanka wax ka weydiiyay waxay ii sheegeen in wax wanaagsan tahay xusuusta calanka Soomaaliyeed, balse calamada tirada badan leh ee shalay dalka ka abuurmay iyo kuwa kale ee wali jidka ku soo jirra ugu yaraan hoose u dhigi karaan xusuusta iyo qiimaha calanka Buluuga ah maadama uu ku dhax milmay.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max'uud oo shalay ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu maamusayay maalinta calanka, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar maalmihii ugu danbeeyay soo baxayay ee ahaa in wax ka badal lagu sameeyo calanka.
Qaar ka mid ah baraha bulshada Soomaaliyeed ayaa lagu qoray in la qorsheynayo wax ka badal la doonayo in lagu sameeyo astaamaha qaar ee Calankeenna Soomaaliya, waan tan keentay in madaxweynuhu shalay arrintaa ka hadlo.
Dadka sida weyn ula socda taariikhda calanka Soomaaliya ayaa kuu sheegaya in markii horeba micnaha calanka loo alifay aheyn jamhuurayda Soomaaliya oo kaliya, laakiin loo sameeyay qowmiyada Soomaalida meel kasta oo ay joogto taasoo ay ka tarjumeyso xiddigta shanta gees leh ee uu caanka ku yahay calanka oo u taagan shanta qeybood ee gayiga Soomaaliya.
Mar haddii ay sidaa tahay su'aasha si weydiinta mudan ayaa ah shalay malaga xusa ayaa munaasabada calanka shanta gees ee Soomaaliya, dabcan daruufo jira awgood jawaabtu waxaa ay noqoneysaa MAYA.
Ugu dambeyn, muhiimadu waxay tahay in bulshada Soomaalida meel walba oo ay joogaan ku baraarugsanaadaan in sanad kasta marka la gaaro 12 October loo dabaalda gayo xuska maalinta calanka, si aynu u xasuusanno Qarannimadeenna iyo jiritaankeena ummadeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online diini@hiiraan.com
MAGAALADA NAYROOBI OO DHAWAAN LAGU QABANAYO TODDOBAADKA DHAQANKA SOOMAALIYA)
Kulan loogu magac daray toddobaadka dhaqanka Soomaalida ama "Somali Heritage Week" oo socon doono mudo shan maalmood ah ayaa dhawaan lagu wadaa inuu ka dhaco magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya.
Kulanka oo ay soo qaban qaabisay xarunta dhaqanka Aw Jaamac Cumar Ciise, ayaa waxaa lagu daahfuray Xaflad daraad ka dhacday xaruntaas oo lagu soo bandhigaayay ujeedada kulan Dhaqameedkaas oo bisha soo socoto lagu qaban doono Madxafka Qaranka Kenya ee magaalada Nairobi (Nairobi National Museum).
Fardowsa Jaamac Yuusuf oo ka mid ah guddiga xarunta Aw Jaamac Cumar , ayaa sheegtay in kulandhaqameedkaas oo socon doono inta u dhaxeyo 18ka ilaa 22ka bisha November ee soo socota uu iskugu jiri doono qeybo kala duwan oo ay ka mid yihiin dhaqan, hal abuur iyo Bandhig Buuggaag.
"Kulanka toddobaadka dhaqanka Soomaalida wuxuu iskugu jiri doonaa qeybo kala duwan oo ay ka mid yihiin bandhigga buuggaagta, bandhiga dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida, waxaana ka qeyb gali doono Hal Abuurayaal Soomaaliyeed, Ururada dhaqanka, Marti Sharaf ka kala imaan doonto Somalia, gobalka waqooyibari Kenya iyo dunida daafaheeda. Sidoo kale mudada uu socdo kulankaas waxaa ka qeyb gali doono Ardayda Jaamacadaha iyo dad badan oo iskugu jiri doono Soomaali iyo Ajaanib", ayey tiri Fardowsa.
Fardowsa Jaamac oo daraad ka hadleysay xaflad ay ku qabteen Xaruntooda Nairobi, ayaa sheegtay in muddo lix bil ah ay soo wadeen qabanqaabada kulankaas oo ay tilmaamtay in hada uu meel wanaagsan u maraayo.
"Muddo lix bilood ah ayaan barnaamijkaan soo wadnay, hadafkeena ugu weyna wuxuu yahay inaan tusno oo barno dadka aan Somalida ahayn dhaqankeena iyo hal abuurkeena", ayey mar kale tiri Fardowsa oo intaas ku dartay in kulanka lagu soo bandhigi doono sida loo tolo ama loo sameeyo Kabadaha, Danbiilaha, Hararka. Sida loo dhiso Aqal Soomaaliga iyo sida loo qoro Kooraha.
Dhanka kale Maxamed Xasan Ciro oo ka mid ah howlwadeenada Xarunta dhaqanka, Wax akhriska iyo Cilmi baarista Aw Jaamac Cumar Ciise oo ku taallo wadada lixaad ee xaafada Islii, ayaa ka warbixiyay xaruntooda oo uu sheegay iney aasaaseen aqoonyahano iyo Hal abuurayaal Soomaaliyeed bishii August ee sanadii 2013kii. Wuxuuna sheegay Ciro in xarunta ay yaalaan buuggaag aad u tiro badan ayna maalin kasta booqdaan dad boqol qof kor u dhaafaayo.
DOWLADDA SOOMAALIYA OO FASAXDAY XARUNTA TELEFISHINKA UNIVERSAL EE MAGAALADA MUQDISHO
Ka dib dadaal badan oo loo galay sidii dib loogu fasixi lahaa Xarunta Universaltv Ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa xalay suurta gashay in Dowladda Somaliya ay fasaxdo.
Taliska Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka, ayaa Maamulka TVga Universal u sheegay in Xaruntooda laga qaaday xayiraaddii lagu soo rogay 2dii bishan.
Tani waxay daba socotaa dadaalo Arbacadii Xabsiga Godka Jilicow looga sii daayay Agaasimaha Telefishinka Universal Ee Bariga Afrika, C/laahi Xersi Kulmiye iyo barnaamij soo saare, Cawil Daahir Salaad.
Odayaasha Dhaqanka & Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya qaarkood, ayaa waxay dadaal badan ku bixiyen, sidii dib loogu fasixi lahaa Xarunta Telefishinka Universal.
Dowladda Somaliya, ayaa waxay ka carootay Barnaamijka Dood Wadaag oo 30kii bishii hore ee September ka baxay Xarunta Universaltv Ee Magaalada Muqdisho, loogana hadlaayay xaalka uu dalku ku sugan yahay.
Qaramada Midoobe, Britain, Mareykanka iyo Ururada Saxaafadda Somaliya, ayaa si isku midda u cambaareeyay xariga loo gaystay Suxufiyiinta iyo xanibaadda la saaray Xarunta Universaltv.
Warbixin ay Jimcihii soo saartay Hay’adda U Dooda Xuquuqda Suxufiyiinta CPJ, ayaa waxay ku sheegtay in Somaliya ay noqotay dalka ugu halista badan caalamka ee Suxufiyiintu ka hawlgasho
ISBITAALKA KISMAAYO OO LA DHIGAY 100 RUUX OO U BADAN CARRUUR AY DA’DOODU KU YARTAHAY 5 SANO OO UU SOO RITAY CUDURKA SHUBAN BIYOODKA
Ku dhawaad 100 ruux oo u badan carruur ay da’doodu ku yartahay 5 sano oo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka ayaa la dhigay isbitalka guud ee magaalada Kismaayo, waxaana ilaa hadda cudurkani u geeriyootay sedex carruur ah siday ay inoo xaqiijiyeen dhaqaatiirta isbitalka Kismaayo.
Dadkan oo laga kala keenay shanta xaafadood ee ay ka koobantahay magaalada Kismaayo ayaa waxay dhamaantoood la ildaranyihiin cudurka shuban biyoodka, waxaana xaaladooda caafimaad lagula tacaalayaa isbitalka magaalada Kismaayo.
Agaasimaha isbitalka magaalada Kismaayo Dr. Xuseen Sheekh Qaasim oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in cudurka shuban biyoodku soo biloowday bishii aynu kasoo gudubnay ee September, imikana uu sii baahayo, isagoo sheegay in bishan gudaheeda isbitalka lasoo gaarsiiyay 100 qof oo la il daran cudurka shuban biyoodka.
Masuulkan ayaa sheegay in dadka la keenay isbitalka ay isugu jiraan carruur iyo dad waaweyn, waxa uuna intaa ku daray in lala tacaalayo xaaladooda caafimaad.
"Weli ma aynan xaqiijin nooca uu yahay shuban biyoodkan ka dilaacay Kismaayo, laakiin bukaanada isbitalka la keenay waxaa u socoto daweyn, qaar ka mid ahna xaaladoodu aad ayay u wacantahay,” ayuu agaasimaha hadalkiisii raaciyay.
Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada ayaa waxaa ka jira kuleylo aad u daran, waxaana cudurkani uu aalaaba dilaacaa marka la gaaro xilliga kuleeylaha.
Xas
TALIYAHA CIIDAMADA BOOLISKA SOOMAALIYEED OO DEGMADA CARMO EE GOBOLKA BARI OO TABABAR UGU SOO XIRAY ASKAR KA TIRSAN BOOLISKA MAAMULKA PUNTLAND
Taliyaha ciidamada Booliska Somaliyed General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa Degmada Carmo ee Gobolka Bari, tababar ugu soo xiray askar ka tirsan Booliska Maamulka Puntland kuwaasi oo qaatay tababar socday 45 cisho.
Askartan Booliska Puntland ka tirsan ee tababarka Taliyaha uu u soo xiray, ayaa waxa ay gaareysaa tiradooda 800 oo Askari, kuwaasi oo isugu jira rag iyo dumar.
Taliyaha ciidamada Booliska Somaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa sheegay Booliska meel kasta uu joogo in uu u taagan yahay suggida ammaanka iyo ka hor tagga falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka.
Waxa uu sheegay Taliyaha ciidamada Booliska inay ka yimaadaan shacabka, ayna u adeegaan isla shacabka isaga oo intaasi warkiisa ku daray Askarta tababarka loo soo xiray inay ka faa’ideystaan waxyaabihii ay barteen.
Wasiirka Amniga Puntand Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo soo xiray munaasabada tababarka loogu xiraayay askartaasi ayaa isna tilmaamay inay ku da daali doonaan inay ciidamada Booliiska helaan xaqooda, isagoo sheegay inay ka horaysay in masuuliyad uu Askari iska saaro howsha loo igmaday.
Wasiirka Amniga Puntland wuxuu ciidamada kula dar daarmay inay gutaan waajibaadka ku hagoogan si ay u helaan xuquuqda ay ku leeyihiin Maamulka.
Deeganada Puntland dhawaanahan waxaa ka socday gadood ay sameynayeen ciidamada Maamulkaasi oo in muddo ah aanan qaadan wax mushaar ah.
WASIIRKA GAASHAANDHIGA SOOMAALIYA IYO WAFDI UU HOGAAMINAAYO OO SHALAYEYD GAARAY MAGAALADA GARBAHAAREEY
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Wafdi uu hogaaminaayo, ayaa shalayeyd gaaray Magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo.
Ujeedada Safarka Wasiirka Gaashaandhiga uu shalay ku tagay Magaalada Garbahaareey, ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay u kuurgalka xaalada ammaan iyo ciidamada ku sugan Magaalada Garbahaareey.
Iimaan Cadoow Kaarshe Guddoomiyihii hore ee Dowladda Somaliya Magaalada Garbahaareey ayaa u sheegay Warbaahinta wafdiga Wasiirka gaashaandhiga inay ku soo dhaweeyeen Magaalada Garbahaareey, iminkana Wasiirka uu ku jiro kormeer uu ku marayo xarumaha ciidanka Magaalada.
Inkastoo Iimaan Cadoow uusan faahfaahin badan ka bixin qorshaha safarka Wasiirka gaashaandhiga, ayaa hadana wuxuu sheegay ujeedada inay tahay kaliya u kuurgelida xaalada Magaalada Garbahaareey.
Magaalada Garbahaareey waxaa ka taagnaa isqabqabsi dhanka Maamulka la xiriira, iyadoo Magaaladan uu ku sugan yahay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Wasiirka Gaashaandhiga arimaha uu u tagay Magaalada Garbahaareey ay tahay arimo la xiriira xalinta Khilaafka Siyaasadeed ee ka taagan Magaaladaasi.
Magaalada Garbahaareey sidoo kale waxaa ku sugan masuuliyiin uu horkacaayo Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo u jooga Magaaladaasi xalinta khilaafaadka dhanka maamulka ee ka jira Magaaladaasi.
MAAMULKA PUNTLAND OO KA HOR YIMID IN XAYIRAAD LAGU SOO ROGO GANACSIGA SHIDAALKA SOOMAALIYA
Hay’adda batroolka Puntland ayaa kasoo horjeestay warbixintii kooxda Qaramada Midoobay ee la socodka cunnoqabateynta hubka ee dalalka Somalia iyo Eritrea ee ahayd in xayiraad la saaro heshiiyada shidaalka, si aanay qalqal u galin xasilloonida Somalia.
Agaasimaha hay’adda Batroolka Puntland, Ciise Maxamed Faarax ayaa sheegay inaysan aqbali doonin isku day kasta oo la doonayo in lagu curyaamiyo jirtaanka iyo Qaranimada Soomaaliya.
"Waxay aheyd qalad in Qaramada Midoobey ay xayiraad saarto qaran mar dhow ka soo baxay dagaal sokeeye, diyaarna u ah inuu sameeyo horumar siyaasadeed iyo mid dhaqaale”ayuu yiri Ciise Maxamed Faarax.
Sidoo kale, Ciise Dholowaa ayaa ugu baaqay QM inay ka caawiso nidaam lagu maamuli karo dakhliga tamarta. Iyadoo Warbixin ku saabsan Soomaaliya oo ay dhawaan lasoo bandhigi doono ayaa ku celisay talosoojeedin ay 2013kii soo saartay, taasoo ahayd golaha ammaanka uu mamnuuco heshiisyada ganacsiga shidaalka iyo saliidda Somalia.
Kooxda la socodka xayiraadaha hubka ee Somalia iyo Eritrea ayaa ku doodaysa in Somalia aysan lahayn qaab sharci iyo nidaam ah oo ay ku kormeeri karto ka mirodhalinta dakhliga tamarta Somalia.
Xukuumadda Somalia iyo shirkadda Soma Oil & Gas oo fadhigeedu yahay Britian oo la siiyay qandaraaska baarista shidaalka Soomaaliya ayaa iyagana ku gacansayray soo jeedintan.
Shirkadda Soma Oil & Gas oo 40milyan oo doollar ku bixinaysa fulinta sahamin shidaal oo ay ka sameysay xeebaha Somalia ayaa waydiisatay dowladda Britian inay gacan ka gaysato sidii loo xannibi lahaa soo jeedinta kooxda Qaramada Midoobay ee warbixinta cusub soo bandhigaysa.
Ugu dambeyn, xafiiska ka hortaga musuqmaasuqa ee dalka Britain ayaa furay dhawaan baaritaanka eedeymo la xiriira musuqmaasuq ay shirkadda Soma Oil & Gas ku kacday, kuwaasoo ay ka mid yihiin laaluush.
DAD CAREYSAN OO DAB QABAD SIIYAY GURIGA TALIYAHA QEYBTA BOOLISKA GOBOLKA AWDAL
Wararka ka imaanaya gobolka Awdal ayaa sheegaya in dad careysan shalay dab qabadsiiyeen guriga Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Awdal Cabdi Barkhad Araweelo ,waxaana Dadka Careeysan ay Dadka ku sugnaa guriga ku Amray in ay ka baxan iyadoo intaa ka dib Guriga Taliyaha dab qabad siiyay.
Inkastoo la ogeyn qasaaraha dabkaasi uu dhalay ayaa hadana sawir la soo qaaday wuxuu muujinayaa dadweyne careysan oo guriga Taliyaha dab qabadsiinaya,waxayna isku gadaameen guriga oo gubanaya.
Mudaaharaad xoogan ayaa hadana mar kale shalay ka dhacay magaalada Boorama ee gobolka Awdal oo daba socota rabshado daraad magaaladaasi ka dhacay oo uu ku dhintay Wiil yar,halka ilaa Labo Qof oo kale ay ku dhaawacmeen rabshadahaasi.
Xaalamada Boorama ayaa maalmihii u danbeeyay ahayd mid kacsan,waxaana dad careysan ay isugu soo baxeen bartamaha magaaladaasi.
HAY’ADA SWDC OO SHALAY DAAHFURTAY BARNAAMIJ LAGU CAAWINAYO HAWEENKA SOOMAALIYA
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay lagu Daahfuray barnaamij isgaarsiineed lagu caawinayo haweenka loo geysto xadgudbyada, kaasoo loogu magacdaray CEEBLA, iyadoo munaasabaddii lagu daahfurayay ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda SWDC, saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliya, qareenno, haween, maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, horjoogayaasha xeryaha ay ku nool yihiin barkacayaasha iyo bulshada rayidka ah.
Barnaamjkaan ayaa waxaa fikirkiisa lahayd hay’ada Somali Women Developments Center (SWDC), Waxaa ugu horreyntii halkaas warbxin ku saabsan barnaamjka CEEBLA kasoo jeedisay Sahro Maxamed Axmed oo ka mid ah sraakiisha sare ee SWDC, waxayna si aad ah ugu dheeraatay ujeeddada barnaamijkan, waxayna sheegtay inuu barnaamijkan yahay mid lagu caawinayo haweenka Soomaaliyeed ee loo geysto xadguduyada.
"Adeegga Isgaarsiinta ee Ceebla waxay leedahay hawlwadeenno joogto ah oo caawinaya dadka soo wacaya inay ku hagaan dhamaan adeegyada kala duwan ee deegaannadooda ka jira. Haddaba, sida ay u soo codsadaan ama baahidooda ay tahay, waxay diirada saaraysaa caawinta haweenka ku dhacay xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo meel ka dhacyada kala duwan,” ayay tiri Sahro Maxamed Xasan.
Xubnihii kale ee ka hadlay waxaa ka mid ahaa taliyaha qaybta Waliyowcade, Maxamed Daahir iyo taliyaha saldhiga degmada Wadajir C/baasid Maxamuud Cageey oo si weyn u soo dhaweeyay barnaamijka CEEBLA iyagoo ku tilmaamay barnaamijkan mid wax weyn ka taraya dhibaatooyinka haweenka loo geysto, iyagoo ballanqaaday in ciidanka booliiska Soomaaliyeed ay ka qaybqaadan doonaan sidii uu uga miradhali lahaa barnaamijkan.
Sidoo kale, waxaa iyagana halkaas ka hadlay mas’uuliyiin ka socotay degmada Wadajir, Maxemed Cali Faarax oo ka socday dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo qaar ka mid ah horjoogayaasha xeryaha barakacayaasha Muqdisho, iyagoo ugu horreyn u mahadceliyeen hay’adda SWDC oo ay sheegeen in barnaamijka Ceebla furitaankiisa uu ku soo beegmay xilli loo baahnaa, iyagoo goobta ka ballanqaaday inay la shaqeyn doonaan hawlwadeenada barnaamjika Ceebla.
Ugu dambeyn, agdeegan isgaarsiinta cc Ceebla wuxuu ku saleysan yahay mabaadi’i iyo qiyam kala ah;
1. Waxay bixinaysaa wax qabasho tayo sare leh, kala sooc lahayn oo ku saleysan tixgelin buuxda ee ilaalinta sirta iyo qarsoonida qofka.
2. Waxay bixinaysaa adeegyada kulminaya nidaam caawinaad; kana maran caburis.
3. Waxay bixinaysaa adeegyo lagu caawinayo haweenka, taageerana raadsadaan.
4. Waxay kaashanaysaa adeeg bixiyeyaasha kale; sida ururrada bulshda rayidka, booliiska, bahda caafimaadka iyo cadaaladda.
5. Adeega Ceebla wuxuu kaashanayaa hay’adaha ammaanka Qaranka iyo kuwa caalamiga ah.
SAFAARADA SOOMAALIYA EE K/AFRIKA OO CASHO SHARAF U SAMEYSAY MUDANAYAAL KA TIRSAN BAARLAMAANNADA SOOMAALIYA IYO JABUUTI. ..
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koofur Africa ayaa casho sharaf u sameysay mudanayaal ka tirsan baarlamaannada Soomaaliya iyo Jabuuti.
Casho Sharaftaan ay Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika ay u sameysay Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda Safaaradda Danjire Jamal Maxamed Barrow, Qunsulka Safaaradda Mudane Maxamed Cali Mire Nabaddoon,Xoghayayaasha koowaad, labaad iyo Sedexaad ayadoo dhinaca kale barbar socotay xog is weedaarsi labada dhinac ah.ashada kadib ayay Xildhibaanada waxa ay Safaaradda ugu mahadceliyeen casha sharafta Safiirka iyo madaxda kale ayadoo dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ugu mahadceliyeen magacaabista Safiirka.
Xildhibaan Cabdi Casiis Cabdullahi Cabdi Xukun ayaa sheegay in ay waxweyn tahay in ay Safaaradooda soo dhaweysay waxa uuna yiri.
" Dowladda Soomaaliya iyo Xukuumadda Cumar Cabdi Rashiid runtii wax fiican bay sameeyeen markay soo dedejiyeen magacaabista safiirka, aniga inbadan baan la kulmay Jaaliyadda baahi weyn ayay u qabeen in Safiir loosoo magaacabo”ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Xukun oo ka qeybgalayay Shirka Pan Africa ee ka socda Magaalada Johhanseburg.
Xildhibaan Safiya oo ka tirsan mudanayaasha u matalaya Shirka Baaralamaanada Afrika walaalaha Jabuuti oo iyana casha sharafta kadib Warbaahinta la hadashay ayaa iyana sheegtay inay ku faraxsantahay casha sharafta ay Safaaradda u sameysay.
WARARKA CAALAMKA
DOWLADA TURKIGA OO KU EEDEYSAY IN QARAXYADII KA DHACAY MAGAALADA ANKARA AY SUURTOGAL TAHAY INAY KA DAMBEEYEEN URURKA IS.
Ra’iisal Wasaaraha Turkiga Ahmet Davutuglu ayaa sheegay in qaraxyadii ka dhacay magaalada Ankara ay suurtogal tahay inay ka dambeeyeen ururka IS.
Tirada ku dhimatay qaraxyada ismiidaaminta ayaa dowlada Turkiga waxa ay ku sheegtay inay gaarayaan 97 halka kooxaha ka qeybgalayay banaanbaxa qaraxyada ay ka dhaceen ay ku sheegeen inay gaareyso 128 ruux.Aaska dadka ku dhintey qaraxyadan oo waxaa la qorsheeyay inay dhacaan shalay oo Axad ah iyadoo qaraxyadan ay ka dhaceen meel banaanka ka ah xarun tareenada laga raaco ee caasimada dalka Turkiga.
Dadka banaanbaxayay ayaa waxa ay dalbanayeen in la joojiyo shaqaaqooyinka u dhexeeya dowlada Turkiga iyo Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan(PKK).
Ra’iisul wasaaraha Turkiga oo ka hadlayay taleefishinka ayaa ku tilmaamay qaraxyada in ay yihiin kuwa lagu doonayo in lagu wiiqo doorashooyinka soo socda kuwaaoo la filayo inay ka qabsoomaan dalka Turkiga bisha November kadib markii doorashadii dhacday bishii June uu xisbina a
Inta badan dadka qaraxa wax ku noqday ayaa waxaa ka tirsanaayeen xisbiga HDP, waxana hogaamiyaasha xisbiga ay sheegayaan in ay ka fiirsanayaan in ay ka qeybgalaan doorashada soo socota iyo inkale.
Mr Davutoglu ra’iisul wasaaraha Turkiga ayaa sheegaya in ay rajo ka qabaan in ay aqonsadaan mid kamid ah dadkii isku miidaamiyay dadka banaanbaxa dhigayay.
DIYAARAD AY LEEYIHIIN CIIDAMADA DOWLADA UK OO KA MID AH CIIDAMADA NATO EE AFGHANISTAAN OO KU SOO DHACDAY AIRPORKA MILITARIGA EE MAGAALADA KABUL.
Diyaarad nooca Helicopter ah oo ay leedahay Dowlada UK oo kamid ah ciidamada NATO ee Afghanistaan ayaa ku soo dhacday Airporka Militariga ee Magaalada Kabul.
Ugu yaraan 5 kamid ah ciidamada NATO ayaa burburkan ku dhintay oo ay ku jiraan labo u dhashay UK oo ahaa duuliyayaasha waday diyaarada.Diyaarad ayaa waxaa ku yimid cilad farsamo, xilli diyaarada ay ku degaysay Saldhiga ciidamada NATO ay ku bixiyaan tababarada la xiriira dhanka Militariga.
Wasiirka Gaashaandhiga dalka Brtain, ayaa xaqiijiyay labo ka mid ah Askarta dalkiisa inay ku dhinteen diyaaradaasi ku bur burtay Magaalada Kabul ee dalka Afghanistan.
Weli faah faahin lagama bixin nooca cilada ee qabsatay diyaaradan.diyaarada nooceed waa Puma Mk 2.Ciidamada dalka Ingiriiska ka socda ayaa ku sugan dalka Afghanistan, kuwaasi oo bixiya tababaro kala duwan oo ay siiyaan ciidamada dalka Afghanistan.
IRAN OO XUKUN KU RIDAY SUXUFI U DHASHAY MAREYKANKAEE AH JASON REZAIAN, OO KA TIRSAN WARGEYSKA WASHINGTON POST
Maxkamad ku taala dalka Iran, ayaa waxa ay xukun ku riday Jason Rezaian, oo ka tirsan Wargeyska Washington Post oo ka soo baxa dalka Mareykanka. Ninkan la xukumay ayaa u dhashay Mareykanka.
Telefishinka Qaranka Iran, ayaa waxa uu baahiyay Suxufiga u dhashay Mareykanka in lagu xukumay, xukun aan weli noociisa la garanayn, islamarkaana uu xukunku riday qaadi Irani ah.
Afhayeen u hadlay Maxkamadda, ayaa sheegay in Wariyuhu uu racfaan ka qaadan karo xukunkaasi, walow aan illaa iyo hadda la aqoon waxa uu xukunkaasi yahay.
Wargeyska Washington Post, ayaa xaqiijiyay inaanu kala cadayn xukunkaasi, maadaama aan weli la baahin xeerka ciqaabta ee Wariyaha lagu riday.Afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo lagu magacaabo John Kirby, ayaa sheegay in aanay weli Dowladda Iran ka helin macluumaad la xiriira xukunka la sheegay in Suxufiga 39 jirka ah lagu xukumay.
WASHINGTON POST REPORTER DETAINED IN IRAN
Jason Rezaian, ayaa waxaa bishii July ee sanadkii hore lagu xiray Magaalada Tehran Ee Xarunta Iran, xilli la sheegay in socdaal uu ku tagey, iyadoona ay Iran ku eedeysay in falal basaasnimo la xiriira uu u yimid dalkeeda.
Xukuumadda Washington, ayaa waxay horey u beenisay eedeymaha ay Iran u soo jeedisay ninka Wariyaha ah, iyadoona Xukuumadda Tehran weydiisatay in oodda laga qaado Wariyahaasi.
MAXKAMAD SHALAY AMARTAY IN XABSIGA LAGA SII DAAYO WIILASHA MADAXWEYNIHII HORE EE MASAR
Maxkamadda ku taalla dalka Masar ayaa shalay amar ku bixisay in la sii daayo wiilasha madaxweynihii hore ee Masar, Xusni Mubaarak, Calaa Mubarak iyo Jamaal Mubarak, kuwaasoo horay ay maxkamadi ugu xukuntay saddex sano oo xabsi ah, kaddib markii la sheegay inay musuqmaasuq ku kaceen.
Qareenka difaacaya wiilasha Mubarak, Farid alDeeb iyo garsooraha ayaa sheegay inay sii dayntooda ka dambeysay kaddib markii ay shaqooyin badan qabteen tan iyo markii la xiray sannadkii 2011kii, haatanna ay maxkamaddu si rasmi ah u amartay in la sii daayo.
"Haa… Maxkamaddu waxay amartay in la sii daayo,” ayuu yiri alDeeb oo kula hadlayay warbaahinta magaalada Qaahira, isagoo intaas ku daray in labadaan wiil ee uu Mubaarak dhalay ay shaqo badan qabteen intii ay xabsiga ku jireen.
Sidoo kale, saraakiisha ammaanka Masar ayaa sheegay in labadan walaalaha ah la sii dayn doono shalay oo Isniin ah ama berri oo Talaado ah, howsha siidaynta Jamaal iyo Calaa ay socoto haatan.
Madaxweynihii hore ee Masar, Maxamed Xusni Mubarak iyo wiilashiisa ayaa 2011kii la xiray, bilooyin kaddib markii kacdoono ay shacabka Masar ay wadeen 18 casho oo xiriir ah xukunka looga tuuray, wuxuuna Mubarak ka talinayay dalka Masar muddo soddon sano ku dhow.
Bishii May ee sannadkan 2015ka ayay maxkamadi ku xukuntay saddexdooda min saddex sano oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay inay xadeen 21.6 milyan oo doollar oo loogu talogalay in lagu dayactiro madaxtooyada Masar.
Waxaana lagu ganaaxay Mubarak iyo wiilashiisa lacag dhan 3.6 milyan oo doollar iyadoo lacagtii horay loo sheegay inay lunsadeen loogu daray lacag kale oo gaaraysa 21milyan oo doollarka Mareykanka ah.
Dhanka kale, bishii Jannaayo ee sannadkan ayaa muddo kooban xabsiga laga sii daayay Calaa iyo Jamaal Mubarak kaddib markii xukunkoodu dhammaaday, balse waxaa dib loo xiray bishii May ee isla sanadkan, kaddib markii dambiyo kale lagu helay.
Sidiidayntooda ayaa loo malaynayaa inay keentay si aanay u soo bandhigin eedeymo ka dhan ah madaxweynaha xilka haya Cabdulfataax AlSisi oo ahaa madaxa ciidamada dalka Masar, intii uu xukunka hayay Xusni Mubarak.
AlSisi ayaa xukunka dalka Masar kula wareegay awood, kaddib markii uu xilka ka tuuray madaxweyinihii ugu horreeyay oo ay dadweynaha Masar si dimuqraadi ah kusoo doortaan sannadkii 2013kii, Maxamed Mursi, kaasoo haatan xiran.
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 13-KA OKTOOBAR 2015-KA
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BEENIYAY IN CALANKA SOOMAALIYEED QAABKIISA WAX LAGA BEDELAYO Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay munaasabad shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho oo lagu xusayay maalinta calanka ayaa beeniyay in calanka Soom