Baafin: Musharixiintii iyo Saamileeydii Siyaasadda.=Faallo=

0
Monday November 08, 2021 - 10:45:04 in Wararka by
  • Visits: 1117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baafin: Musharixiintii iyo Saamileeydii Siyaasadda.=Faallo=

    Waxaa la Baafinayaa Musharixiintii iyo Saamileeydii Siyaasadda. Waxaa la waayay Meel ey Jaan iyo Cirib dhigeen, kadib markii Musharixiintii, laga waayay doorkii ey ku lahaayeen, Xiriirka Beesha Caalamka, Siyaasadda Gudaha, iyo Xiriirka Dadweynaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa la Baafinayaa Musharixiintii iyo Saamileeydii Siyaasadda. Waxaa la waayay Meel ey Jaan iyo Cirib dhigeen, kadib markii Musharixiintii, laga waayay doorkii ey ku lahaayeen, Xiriirka Beesha Caalamka, Siyaasadda Gudaha, iyo Xiriirka Dadweynaha. Markii ugu War dambeysay waxa ey joogeen "Hotel Jazeera", iyaga oo wato Dhar Suud ah oo isku eg, Afkana "Mask" ugu xiran yahay, iyaga oo u muuqday, "wada jirayaal kala jiro". Markii hore, waxaa lagu qanciyay Saamileey ayaad tihiin, Laakin Shirkadda Siyaasadda Somaliya, Saami kuma lihidiin. Siyaasaddana kala socda FB iyo Websites-yada. Taageerayaashooda ayaana uga horeeyo, Fahamka iyo Jahada ey u socoto Siyaasadda Dalku. Qaarkood dhaqaala xumo badan ayaa laga soo sheegayaa, Qaarna Cabsi badan, muuddo Sannada ahna kuma tukan Masaajidda, mana tagaan Xaafadaha Qaraabada iyo Asaxaabtoodu degan yihiin. Sumadihii Beelahu ku sunteen, Musharaxiintu waa iska badaleen, Sumad Xisbi ayeey isku sunteen, in kasta oo tii Beeshu ey hoosta uga qoran tahay. Sheeybaarku waxa uu sheegay in uu hayo Cudur la yiraa 5C ( Cudurka…Caajiska… ee Carrabka… Caqliga….. iyo Cududda). Dhakhaatiirto waxa ey u qoreen Cirbadda " OXYTOCIN" ee Foosha dadajiso, si loo ogaado waxa ey foolanayaan ee ku dhax qarsan. Culumaduna waxa ey leeyihiin hala saaro, 400, oo Suuratul "Camo" ah midkiiba, Culumo 40 jir u yar yahayna ha saareen. Musharixiintu, Waxa ey ka war sugayaan Xildhibaano aan la arag Ergada soo dooratay Wajiyadooda, laguna Doortay Habka ah "Sheeydaankii waa codeeyay" Xaruntii Golihii shacabka waxaa ka socdo dayac tir Casri ah. ( F.S: 1aad). Aqalka Sarena Darbiyadda ayaa dayac tir ku socdo, ( F.S: 2aad). Waxaana u soo socdo Xildhibaano iyaguna Burbursan oo u baahan dayac tir. Qofkii arko Musharixiintu, hala soo xiriiro, Taageerayaashoodii hore oo ku sugayo Xarunta "Fadhi ku dirirka wax ma tarayaasha". Weli waxaan fileeynaa in ey wataan Suudkii iyo San xirkii, Hadeeyna ilaa hadda Dharka tuuran.( F.S: 3 & 4aad). Haddii aad aragtid Musharixiinta haku deg degin, Qaarkood lama hubo Xaaladooda dhimirka, marka hore la xiriir Qaraabadooda iyo Taageerayaashooda, ama Tel.No. MMS 0002021/ 202100. Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip