HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH AXAD 7-DA NOV. 2021-KA

0
Sunday November 07, 2021 - 08:38:07 in Wararka by
  • Visits: 436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH AXAD 7-DA NOV. 2021-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Agaasimaha Cusub Ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda DFS Oo Xilka La Wareegay

Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaal ka iyo Jinsiyadda ee dowladda Federaalka So omaaliya Cabdulqaadir Cl mi Cali (Cabdul) ay aa Sha lay xilka kala waree gay Agaasimihii ho re ee Hay’ adda Socdaalka Maxamed Aadan Koofi.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhac day Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xilgaarsiin ta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Mas’u uliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaal iya…

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa u raje eyay Agaasimaha cusub

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Cab dulqaadir Clmi Cali (Cabdul) in uu Alle la garab galo mas’uuliyadda loo igmaday, isagoo bedel aya Koofi.

Sidoo kale Mahdi Guuleed ayaa u mahadce liyay Agaasimihii hore ee hay’adda Maxamed Aadan Koofi , isla markaana ku boggaadiyey shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka soo qabtay hay’adda muddadii 6 sanno aheyd ee xilkaas uu haayay.

Gollaha Wasiiradda Xukuumadda xilgaariin ta ayaa dhawaan ansixiyay ansixiyay xilka-qa adista Maxamed Aadan Koofi, oo uu soo jee diyay Wasiirka amniga C/llaahi Maxamed Nu ur, waxaana tallaabadan ay kusoo beegmays aa xili dalka uu ku jiro kala-guur.

Daahir Maxamuud Geelle oo sheegay ‘qor she ka dambeeya’ ceyrinta Simon Mulongo

Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah mu sharixiinta sanadkaan u taagan xilka madaxw eynimo ee Soomaaliya ayaa du ray tallaabadii ay dow ladda Soo maaliya dalka uga ceyrisay ku-xig eenka ergayga Midowga Afrika Simon Mulongo.

Geelle ayaa sheegay in tallaabadii ay qaad ay Dowladda Soomaaliya aysan wax faa’ido ah ku soo kordhin doonaan Soomaaliya, sida uu isaga aaminsan yahay.

Geelle oo xaruntiisa ololaha doorashada kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in maa mulka muddo xileedkiisu dhamaadey uu ku fashilmay in uu dadka la wadaago tafaasiil ku saabsan sababta uu u cuskadey go’aankaas.

"Horta tafaasiil badan lagama bixin. Dowladda waxay u muuqataa in ay rabtay in ay rikoor ka dhigto. Ha dda kahor diblomaasi kale ayay sid aas u ceyrisay. Diblumaasigaas markii la ceyri naayey wax sabab ah ma aysan muuqan laa kiin wararka hadda dhacay wax xaqiiqo ah oo dowladda ay dadka la wadaagtey ma jiraan,” ayuu yiri Geelle.

Musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa tallaabadaan ku sheegay mid lamid ah middii Soomaaliya looga ceyriyey Nicholas Haysom oo ahaa ergayga Qaramada Midoobay u qaabil sanaa Soomaaliya. "Muhiimadu waxay tahay cayrinta waa meesha ugu dambeysa ee diblu ma asiyadda. Habab badan oo loo xaliya ayaa jirta oo wax lagu saxo dowladda waxaa moo daa in ay ka dhacsan tahay hababkaas. Dorr aad lagama faa’iidin ceyrintii diblumaasigii ho re, tanna lagama faa’iidaayo kaliya waxay dha awacaysaa rikoorka diblumaasiyadda Sooma aliya,” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Si mon Mulongo ku eedeysay "inuu ku lug yeesh ay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajib aadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga So omaaliya,” waxayna ku amartay inuu dalka uga baxo toddoba maalmood gudahood.

"Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iska ashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya waxay bogaadin usoo jeed ineysaa Guddiga Midowga Afrika, waxaana sharaf u ah inay la socodsiiyaan Guddiga, in shaqsiga hoos ku qoran [Simon Mulongo] laga dhigay ‘persona non grata’, waxaana lagu am ray inuu uga baxo Soomaaliya muddo 7 cisho gudahood ah,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saa rtay wasaaradda arrimaha dibedda.

Mulongo oo isaga oo Muqdisho jooga khad ka taleefonka kula hadlay wargeyska Daily Monitor ee dalka uu kasoo jeedo ee Uganda ayaa yiri "aad ayaan ula yaabay ceyrinta sab abtoo ah waxaan ogahay inaan sameyn wax khalad ah.”

"Luuqadda lagu adeegsaday qoraalka dibl omaasiyadeed ee dowladda fadeeraalka wax aa ku jira weero aan faah-faahintooda iyo mac nahooda aan garaneyn. Ma aqaan wax sabab ah oo aan ogahay in go’aankan loo qaatay. Wax fikir ah kama haysto waxa ay arrintan ku saabsan tahay. Waxaan doonayaa inaan la ma caamilo xaqiiqooyin ee ma ahan ku-tiri ku-teyn,” ayuu yiri Mulongo.

Bishii Janaayo sanadkii 2019-kii ayay aha yd markii dowladda Soomaaliya ay eriday Ni cholas Haysom oo ahaa ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya kaasoo ay ku eedeysay in uu farageliyey arrimaha guda ha dalka.

Diblumaasigan u dhashay Koonfur Afrika ayaa cambaareeyay xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo u sharaxnaa xilka madaxtin imadda Koonfur Galbeed.

Xiisad uu ku lug leeyahay wasiir Dubbe oo Muqdisho ka taagan iyo beel dacwo ka ah

Cuqaasha iyo Salaadiinta mid kamid ah Beelaha kasoo jeeda Somailand ayaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ku eedeeyey inuu faragelin ku hayo cuqaasha beesha.

Odayaashaan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegay in Wasiir Dubbe uu leey ahay suldaan gaar ah oo saxiixe ah, islamarkaana aan lagu faragelin suldan kiisa, balse uu isaga faragelin iyo xadgudub ku hayo beesha ay iyaga kasoo jeedaan.

Sidoo kale, Odaayash ayaa sheegay inay taageersan yihiin wakaalo kala noqoshada uu Boqor Buur-madow ku sameeyey Maxamed Ja amac Cumar iyo aqbalaada wasaaradda Arri maha Gudaha,

"Wasiirada inay kala garan waayaan xilalkii loo xil saaray oo ahaa shaqada wasaaradiisa iyo arrimaha dhaqanka waa wax laga xuma ado, Ra’iisul Wasaaraha muddo ayuu daganaa Somaliland wuuna kala yaqaan qabiilada waa na ayaan darro in waxaan jirin lagu shubo, sul daanka aan keensaneyno iyo midka aan badal eyno labadaba dooqa anagaa iska leh, waxa ana anaga rabina cid nagu qasbi karto ma jir to,” ayuu yiri mid kamid odayaashii saxaafad da la hadlay.

"Waxaan nahay odayaasha beesha aadka loo yaqaan ee Habar-jeclo, Wasiir Dubbe wux uu leeyahay Suldaan, suldaankiisana waa Sac iid Diiriye Aadan, waa la yaqaanaa, suldaan kiisa maahan Suldaan Boqor Maxamed Jaa m ac Cumar, waa inuu ka dhex baxo beesha Muuse Abukar sharcigooda iyo sida ay ka ye elayaan kuraastooda,” ayuu yiri mid kale oo ka mid ah odayaasha.

Odayaaha ayaa sidoo kale sheegay inay iyaga dacwad ka gudbiyeen suldaankooda, isl amarkaana lagu helay dambiyo badan lana soo taagi doono maxkamad sida ay sheegeyn odayaasha.

Hadalka kasoo yeeray odayaashaan ayaa ku soo aadayo xilli uu khilaaf u dhaxeeyo Ra’I isul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guul eed iyo Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Dubbe oo labadaba kasoo wada jeedo Gobolada Woq ooyi. Dubba ayaa dhowaan duray doorashadii uu kusoo baxay Mahdi Guuleed ee kursi ka mid ah golaha shacabka, isaga oo dhaliilay in ay we jiyada qarsadeen murashaxiinta qaar iyo dadkii codka bixinayey.

Xigasho:-Caasimadda.Net

Xaflad Lagu Maamuusayay 22 Sano Guura di Ka Soo Wareegtay Aasaaska Jaamacada SIMAD Oo Muqdisho Lagu Qabtay

Xaflad ballaran oo lagu maamuusay 22 sa no guuradii ka soo wareegtay marki la Aas Aa say Jamacadda SIMAD oo soo martay marxal ado kala duwan ayaa maanta lagu qabtay xa runta weyn ee Jaamacadda ee M/ Muqdisho.

Munaasabada waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka kala socda mid ah Hay,ada DirectAid, Maa mulka Jaamacda , macalimiin arday iyo marti sharaf la gu casuumay.

Gudoomiyaha ku xigeenka Jaamacadda SIMAD dhinaca Horum arinta Enjineer Maxamuud Maxamed Calasow oo ka hadlay xaflada ayaa sheegay jaamacadu inay tahay hanti dadka Soomaliyeed ay leeyihii oo u baahan in si wadajir ah loo ilaashado.

Gudoomiye ku xigeenka ahna kusimah Gu domiyah hay,da Direct Aid Xafiiskeeda Soom aliya Md. Maxamed Sheekh Bashiir oo ka mid ahaa dufcadi 1aad ee ka aflaxdo SIMAD xili uu haa Machadka ayaa ugu hambaliyeey bahda weynta Jaamacada SIMAD iyo guud ahaa um madda Soomaliyeed 22 sano guuradi ka soo wareegatay marki la Aas-Aasay oo shalay ku beeganeyd.

Inta ay socotay munaasabda waxaa lagu soo dhandhigay madadaalo xiiso galisay dadki ka soo kheybgalay iyada oo dhanka kale shah aadooyin kale duwan la gudoonsiyay dad loo gartay in ay shaqo wanaagsan qabteen sanad kii la soo dhaafay.

Gudoomiyaha Jamacada Md. Daahir Xasan Daahir Cabdi oo ka hadlay gabagabadi munaa sabada ayaa dib u milicsaday marxaladi kala duwanaa ee ay soo martay Jamacada isaga dhanka kale uu diiradasaaray horumar ka ay ja amacada hiigsaneeyo mustaqbalka dhaw.

 


Maamulka Hirshabeelle Oo Sheegay In Aan Weli Laga Soo Jawaabin Baaq Ay Direen

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Hirshabeelle Cabdisalaan Cabdullaahi Angoola oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegey in hay’adaha Gargaarka aysan weli ka jawaabin baaq dhawaan uu u jeediyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Hirshabeelle si loogu gargaaro dadka ay saameeyeen fatahaadda.

Cabdisalaan ayaa sheegay in Madaxda hay’adaha samafalka ee ku sugan Caasimadda Hirshabeelle ee Jowhar ay kala hadleen sidii loo caawin lahaa dadka ay saameeyeen fatahaadda, isagoo intaa ku daray in hay’adaha aan laga ogolaan doonin inay dadku ku fiirsadaan xaaladaha ay iminka ku jiraan.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Hirshabeelle ayaa xusay in dhankooda ay gacan ka geysan doonaan wax u qabashada dadka dhibaateysan ee ku sugan deegaannada Hirshabeelle, isla markaana ay agab gaarsiin doonaan qoysaska uu saameeyay fatahaadda.

Cabdisalaan Cabdullaahi Angoola ayaa markale ku celiyay baaq ah in gurmad dhinac kasta ah lala soo gaaro qoysaska uu fatahaadda iyo roobka ay saameeyeen

Puntland Oo Faah Faahisay Xaaladihii Ugu Danbeeyay Ee Cudurka COVID-19

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Ma amulka Puntland Dr- Jaamac Faarax Xasan ayaa Shalay ka hadlay xaaladihii ugu danbe eyay ee caabuqa COVID-19, wasiirka ayaa xu say in iyadoo la galay waqtiga qaboobaha ah ay jirto in koror uu ku yimid xanuunka Covid19 si gaar ah degmooyinka Qardho iyo Buuhoo dle.WasiirkaWasaaradda Caafimaadka ayaa xusay in labadii tododbaad ee la soo dhaafay dad badan laga helay xanuunka hal ista ah ee COVID-19, sidoo kalena ilaa dhawr qof ugu dhinteen xanuun ka.

Wasiirka ayaa sheegay magaal ada Qardho oo dhawaan ay ka dhacday doora shadii horu dhaca ahayd ee golaha deegaanka ay sababtay safafkii dhadheeraa ee dadweynu hu galeen in xanuunka uu ku fiday sababayna in dad badan laga helay.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraduu de gmada Buuhoodle gaarsiisay Oxygenta sidoo kalena dadweynaha waxa uu kula taliyay inay talaalka qaataan,talaalka waa waxa kaliya ee la hubo in lagu yarayn karo fiditaanka xanuun ka iyo saamayntiisa.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Maa mulka Puntland Dr- Jaamac Faarax Xasan ay aa ugu danbeyn maamulka heer gobol Cayn kula dardaarmay inay kordhiyaan bixinta talaal ka sidoo kalena wadaan wacyigalinta bulsha da.

Qoor Qoor oo cafis iyo balan-qaad u same eyey sarkaal ka tirsan NISA oo kasoo goos tay…

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Xalay cafis u fidiyay Dhamme Nuur-deeq Cali Cabdi Faarax oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Na bad sugidda So omaaliya, qeybta ka howlgasha Galmudug, kaas oo dhawaan u goostay Ahlu-Sunna, kuna biiray dagaalyahanadeeda. Nuur-deeq ayaa Habeen hore ka soo goostay ciidamada Ahlu-Sunna ee fariisimaha ka same ystay deegaanka Bohol ee ga lbeedka magaa lada Dhuusa mareeb, waxuuna kala soo goos tay qori Dhashiike ah.

Madaxwayne Axmed Qoor Qoor ayaa Xalay madaxtooyada loogu geeyey sarkaal kan, waxuuna ku amaanay go’aanka uu qaat ay, isagoo u fidiyey cafis guud, amarna ku bixi yey in loo fasaxo musharkiisa oo laga xanibay markii uu ku biiray kooxda Ahlu-Sunna.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ay aa Dhamme Nuur-deeq u sharciyeeyey qorigii uu Ahlu-Sunna kala soo goostay, kaas oo si shakhsi ah uu sarkaalkaan u lahaan doono, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka qeyb galay ku lanka Qoor Qoor iyo Sarkaalkaan ka tirsan NISA.

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa la socday sarkaalkaan markii Xalay madaxtooyada loogu geeyey madaxweynaha. Axmed Qoor Qoor ay aa u balan qaaday qof kasta oo ka soo goosta Ahlu-Sunna, inuu cafis u fidin doono, sidoo ka le waxa uu balan qaaday in qof kasta hubka uu kala soo goosto uu milkiyadiisa lahaan doono. Kadib dagaalkii cuslaa ee Ahlu-Sunna ay ciidamada dowladda kula gashay degmada Guriceel, hadda waxay dagaalyahanadeedu fa riisimo ka sameysteen deegaan lagu magicaa bo Bohol oo 40 KM waqooyi galbeed ka xiga xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaas waxaa la sheegay in Ahlu-Sunna ay weli ka wado abaabul ciidan.

Sidoo kale waxaa socda wadahadallo ay garwadeen ka yihiin sarkaal ka tirsan militeriga Soomaaliya oo lagu magacaabo Laba-afle oo Sheekh Shaakir ay jufo hoose isla yihiin iyo ganacsato reer Dhuusamareeb ah, kuwaas oo laba maalin ka hor gaaray deegaanka Bohol, illaa hadana lama soo werin wax hormar ah oo wadahadallada socoda laga gaaray.

Golaha Wakiilada Somaliland oo war kasoo saaray doorashada Madaxweynaha Somali land

Guddiga joogtada ah Golaha Wakiilada So maliland ayaa kulan la qaatay Guddiga Doora shooyinka Somaliland.

Guddiga joogtada ee baar lamaanka Somal iland ayaa sidoo kale shee gay in aan marna la aqbali doonin in dib u dhac uu ku yi maado doo ra shada Madax weynaha Somaliland. "Doo rashadii Madaxtooyadu Wakhtigeedii ayey ku qabsoomaysaa doonaa hadii aan wax dhibi ku ahi dhicin” ayay warbaahinta u sheegeen Gudd iga.

Dhawaan ayay aheyd markii xisbiyada Muca araadka ah ay si buuxda ugu guuleysteen door ashada Guddoonka baarlamaanka iyo qaar ka mid ah Gudoomiyeyaasha magaal ooyinka.

Doorashada Madaxweynaha Somaliland oo dhici doontaa 2022 ayaa lagu wadda in ay ku tartamaan Xisbiyada Kulmiye, Wadani iyo Ucid.

Puntland Oo Gacanta Ku Dhigtay Burcad Hubeysan Oo Dhaawac Iyo Dhac Geystay Laamaha Amniga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa dhalinyaro ku u soo qab qabtay dhaca Mobilada, oo Muddoo yinkii la soo dhaafay Cab asho wayn ka Im aanaysay dadwaynaha xaafadaha Bo osaaso.

Ciidamada Booliska ee ka howlgala Magal ada Boosaaso ayaa gac anta ku dhigay dhalinyaro Hab farsamo iyo toorey ku dhacayay shacabka ku dha qan xaafado ka tirsan Magaalada oo Sha lay lagu soo bandhigay Saldhiga Barta maha Boosaaso.

Burcadan ayaa xiliga la qabanayay ku how lanaa dhac ay u geesanayeen dad shacab ah, waxaana saldhiga lagu soo bandhigay Moobe elo ay dad ka furteen iyo toorey ay wateen mar kaas. Qaar kamid ah dhalinyaradaan ayaa wax ay dhaawacyo u geysteen dad shacabka oo ha da xaaladohooda Caafimaad lagu daweenaayo Magaaloyinka Muqdisho iyo Itoobiya, Qabaah ada ragan dhalinyarada u badan ayaa timid, ka dib markii Booliska ay gacan ka heleen shacab ka xaafadaha kuwaas oo ka cabanayeen rag dhac u geysanaaya, iyadoona intaas kadib ay howlgalo ay sameeyeen taliska Booliska Gob alka Bari.

Taliyaha Qeybta Booliska G/Bari G/Sare Xus een Cali Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ragan qabashadooda ay iska kaashadeen shacabka magaalada & ciidam ada Booliska.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in howlga lada raggan lagu soo qabqabtay ay si gaar ah uga dhaceen Xaafadaha oo maalmihii lasoo dhaafay dhac iyo dhaawacyo dad badan loogu geystay Goobahaas, Taliye Xuseen ayaa shee gay in ragaan Maxkamada la horgeyn doono waxa kalo uga digay dhalinyarada ku howlan falkaas in ay ka waantoobaan.

Documentiyo Dhacay Oo Lagu Gubay Goob Fagaare Ah Oo Ku Taalla Magaalada Muqdisho

Agaasimaha Waaxda diiwaan-galinta Gaa diidka (Rayidka) ee (PRA) ee W/ Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Xukuumadda xilgaarsiinta Mawliid Xuseen Cumar ayaa Shalay Goobjo oge ka ahaa fagaare lagu gubayey Documenti yo dhacay. Documentiyadan ayaa isugu jiray (liinsannada) Garaawida (taarikooyinka) baa buurta (Buugaagta) baabuurta) iyo Waraaqo Docume ntiyo ah oo dha cay.

Tan iyo burburkii Dawladii dhexe ee Soomaa liya kadib ayey Wasaaradda Gaa diidka iyo Duulista Hawada, si toosa ugu hawl gashay (2007) Xarunta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo dhismaheedu ku yaalo D/Shangaani Ee magaalada Muqdisho.

Sida uu sheegay agaasimaha Waaxda diiw aan-galinta Gaadiidka (Rayidka) Mawliid xus een documentyadan ayaa lagu urrurinayey (Maqsinno) Loogu talagalay in lagu kayd iyo_laga soo bilaabo (2007) ilaa (2021) Waxa ana keenntay in looga maar,may madaama Hada lagu shaqeeyo (electronic) (Computer) Wax walbana halkaa lagu kaydiyo.

Arintan ayaa imanaysa xili Wasaaradda Ga adiidka & Duulista Hawada Xukuumadda Fed eraalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ay ka sa maysay dib u habaynt Xafiisyada u adeega da dwaynaha.


Maamulka Galmudug Oo Qeylo-Dhaan Deg-Deg Ah U Diray Dowladda Federaalka

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay ab aaro baahsan oo ka jira degaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Mudug gaar ahaan kuwo ho ostega Magaalada Gaalkacyo ee Xaruntaas, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay dadka dega anada.

Duqa degmada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo la hadlay wa rbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in abaaro darran ay ka jiraan degmooyinka Jariiban iyo Goldogob ee Mudug, isla markaana saameyn xoogan ku yeelatay abaarta dadka iyo duuny ada oo ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah.

Waxaa uu Duqa Gaalka cyo sheegay in dadka ay abaarto heysto ay u baahan yihiin in gargaar la gaarsiiyo, maadaama aysan heysan wax ay cunaan, wuxuuna Carab ka ku dhuftay in dadka beeraha lahaa uu san adkaan Ayax ka xaalufiyey dalagoogii ay beer teen.

Duq Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa ugu baaqay Dowladda Fedeeaalka, Maamulka Gal mudug, Hay’addaha Samafalka iyo dadka wax haysta inay gargaar deg deg ah la gaaraan da dka abaaraha ku saameeyeen degaano ka tir san Gobolka Mudug.

Si kastaba deegaano iyo degmooyin ka tir san Gobolada dalka ayaa waxaa xiligaan ka jira abaaro iyo biyo la’aan baahsan oo saamee yay dadka iyo duunyada, waxaana abaarta u gu adeg ay ka jirtaa Gobolada Maamulka Jubb aland, iyadoona ay la’deen xoolo badan.

Waa kuma Maxamuud Ugaas? – Soomaal iga ka mid noqday isbahaysiga ka dhanka Abiy?

Sagaal koox oo ka mid ah mucaaradka Eth iopia ayaa sameystay isbaheysi cusub oo ka dhan ah dowladda, kaasi oo ujeedkiisa uu yah ay inay xukunka ka tuuraan ra’iisul wasaare Abi Ahmed.

Isbaheysiga ayaa waxaa ku jir urur Soomaaliya ah oo la gu magacaabay Somali St ate Resi stance (Muqaawama da Gobolka Soomaalida), wa xaana hoggaamiya Maxamuud Ugaas Mux umed.

Maxamuud Ugaas oo hadda ku sugan mag aalada Washington ee dalka Mareykanka, oo ah halka lagu aas-aasay isbaheysiga ayaa BB C-da u sheegay in ujeedka loo asaasay uu yah ay in "qofkasta uu helo xuquuqdiisa madaxban aanida oo sidaa lagu wada joogo ama lagu ka la tago.”Waxa uu yiri dhammaan ururada isba haysigan waxay ka mideysan yihiin hadafka ah in lagu wada noolaado Itoobiya loo dhanyahay ama in lakala tago.

"Waa sagaal qowmiyadood waana sagaalkii awal dagaalami jirtay oo dhargiga la dagaalan tay tan Abiy Axmed-na ka hor timid oo doora shooyinka aan gelin marka waxa aan ku dhaw aaqnay waa in la badbaadiyo dowladda shac abka oo laga hortago inuu dhaco dagaal soke eye,” ayuu yiri Maxamuud.

Maxamuud waxa uu sheegay in Abiy ay dan ugu jirto inuu wadahadal la galo shacabka gadoodsan ee matalayo isbahaysiga sababtoo ah, "waxa uu garabsaday Amxaaro oo 20 mil yan ah marka boqolka milyan ee kale ee Itoo biya ayaa ku mideysan barnaamijkaan.”

"Wadahadalkan ka dib waa inuu si qabow oo nabad-gelyo ah kaga baxo waddanka ama xukunka dhiibo ama xataa dowlad ku meel ga ar ah dhiso oo uu yirahdo doorashooyin hala galo oo hala heshiiyo, hadduu sameyn waaya na dagaalka Addis Ababa ku wareegeysan ya hay hadda dhulka inta kale oo dhan waa la qab tay caasimaddana waa la qabanayaa,” ayuu yiri.

Mar wax laga weydiiyey xiriirka la sheegay inuu la leeyahay ONLF, Maxamuud waxa uu ku jawaabay ONLF waxay xiriir la leedahay cid kasta oo Soomaali ah oo halganta.

Maxamuud oo sidoo ka jawaabay su’aal ahayd in uu ciidamo haysto isaga maaddaa maa ururada kale ee Isbahaysiga ku jira ay ha ystaan ciidamo oo qaarkood ay haatan dagaal kula jiraan xukuumadda Itoobiya ayaa sheegay in hawshan aysan ciidan keliya u baahnayn oo ay u baahantahay "caqli, farsamo, aqoon, gara ad iyo istaraatijiyad haddii loo baahdana wax aa joogta 10 malayan oo Soomaali ah oo hays ta hal malyan oo qori oo u baahan in abaabulo oo keliya.”

Mabda’iisa ku aadan TPLF

"TPLF hadda waa waaya arag, dhibaato badan dadka waa ay u soo geysatay, kufsi, dhac iyo dilba wax inooga hiilinaya oo ka hadlayana ma aysan jirin, intii yarayd ee hadda lagu duulay, gabdhahoodii la kufsady oo iskuulada la gub ay, adduunka oo dhan ayaa dhawaaqaya laak in hadda TPLF Cadawganaga ayay cadaw u tahay awalba 70 sannadood waxa na haystay Amxaara ayay ahayd, 30 sannadoodna waxaa ina haystay TPLF marka isuma ayna kaaya roonayn,” ayuu yiri Maxamuud.

"TPLF dastuurka ay sameysay qodobka 39 bay ku dartay oo aan horay ugu jirin, xuduudka aynu Soomaali la leenahay ee ilaa canfar, ilaa Mooyaale ilaa Jabuuti, ma aqoonsano amxa ara inaan xuduudkaas leenahay marka haddi ay isku keen qabato TPLF iyo amxaaro waxa an aadeeynaa dhanka TPLF oo qeybteena aya y inoo ogol yihiin, iyagana kamaba baryeyne waa waxaan kula midownay inaan xaqeena helno.”

Waa kuma Maxamuud Ugaas Muxumed?

Maxamuud waxa uu ku dhashay gobolka Soomaalida ee Itoobiya. Waxa uu macallin ka ahaan jiray Lafoole ka hor inta aysan dowladdii Soomaaliya burburin.

Markii uu Canada tagayna waxaa sii ahaa macallin. Waxa uu la soo shaqeeyay dowladdii ugu horreysay ee laga dhiso degaanka Soo maalida.Waxa sidoo kale sii watay waxbara shad iisa ilaa shahaadada PHD.

Waxa uu Dowlad Deegaanka ka soo noqd ay wasiirka qorsheynta isagoo la soo shaqeey ay 3 madaweyne. Maxamuud waxa uu muddo shan sannad ood la soo shaqeeyay hay’adda Qaramada Midoobay ee UNDP. Hadda waa aqoonyahan madax-bannaan oo cilmi baare ah.Isha: BBC

Ilmo labo bilood jira oo qoys reer Afghanis tan ka lumay xilli ay ka baxsanaayeen Taal ibaan

Ilmo yar oo laba bilood jir ah oo reer Afgaa nistaan ah ayaa weli la’yahay in ka badan labo bilood ka dib markii waalidkiisa oo baxsad ah aa ay u dhiibeen askari Maraykan ah oo ku sugnaa xayndaabka albaabka garoonka diyaar adaha ee Kabul dhawr maalmood ka dib markii caasimadda Afgaanistaan ay gacanta u ga shay kooxda Taliban.

19kii Ogosto, afar maalmood uun ka dib markii ay Taliban qabsadeen Kabul, Mirza Ali Ahmadi iyo xaaskiisa Surayya oo ay weheliyaan shan carruur ah ayaa isku dayay in ay baxsaddaan waxaa la sheegay si ay darbiga uga boodaan in cunuga yar ay u dhiibteen Askariga ka dibna ay kala lumeen, balse ujeedkooda ayaa ahaa in ay helaan waddo ay ka gudbaan maadaama uu cunugoodii gudaha ku jiro.

Mr. Ahmadi, xaaskiisa oo 32 jir ah iyo caru ur kale oo ay dhaleen, 17, 9, 6 iyo 3 sano jir ah, ayaa ugu dambayntii la saaray diyaarad u socotay Qatar ka dibna Jarmalka oo ugu da mbeyntii ka degtay Mareykanka. Qoyskan ay aa hadda ku sugan Fort Bliss ee Texas iyadoo ay la socdaan qaxooti kale oo Afgaanistaan ​​ah oo sugaya in la dejiyo meel ka mid ah wadd anka.

Axmed waxaa uu muddo dheer Ilaalo ka ahaa Safaaradda Mareykanka eek u taalla Kaabul.

Waxaa uu sheegay in uu u qabay in wiilkiisa yar la saaray qeybta diyaaradda ee Askarta balse markii ay diyaaradda ka degeen in uu waayay Askarigii iyo sidoo kale cunugiisii yaraa.

Waxa uu aad ugu dadaalay sidii uu u heli lahaa raadadka Sohail, isaga oo gargaar ka raadsanaya qof kasta oo uu la kulmo, sida shaqaalaha gargaarka iyo saraakiil Maraykan ah.

"Qof walba waxa uu ballan qaadayaa in uu samayn doono wax walba oo karaankiisa ah, laakiin waa ballanqaadyo,” ayuu yidhi.

"Waxa kaliya ee aan qabanayo waa ka fikirida ilmahayga. Qof kasta oo i soo wacaya, hooyaday, aabbahay, walaashay, dhammaan tood way ii qalbi qaboojiyaan oo waxay igu yi dhaahdaan, Ha welwelin, Ilaah baa roon, wiilk aaga waa la heli doonaa,” ayay tidhi Surayya.

Labo mid ayay u badan tahay in cunugiisa uu ku maqan yahay in gudaha dalka wali uu ku jiro oo aan diyaaradii la saarin iyo in kooxda Taalibaan ay gacanta ku dhigtay oo ay geysay goobaha carruurta lagu xanaaneeyo.


Dowladda MAREYKANKA oo $19 milyan ku raadinaysa AFAR ka mid ah madaxda Al-Shabaab + Magacyada

Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa mar kale dib usoo saartay abaal-marin 19 milyan oo dollar ah oo ay ku yaboohday Akhba araad la xiriira halka ay ku sugan yihiin afar ka mid ah madaxda Al-Shabaab.

Qoraal afartii bishan lasoo dhigay twitter-ka Rewards for Justice (Abaal-gudka cadaaladda) oo ah barnaamij ka tirsan wasaaradda arrima ha dibedda ayaa lagu sheegay in afarta hogg aamiye ay kala yihiin; Abu Cubeydah, Mahad Karate, Fu’aad Maxamed Khalad iyo Jacfar Abu Cubeydad oo magaciisa saxda uu yahay Axmed Diiriye ayaa hoggaaminayey Al-Shab aab tan iyo markii duqeyn diyaaradeed lagu dil ay hoggaamiyihii uu xilka kala wareegay ee Ax med Cabdi Aw-Maxamed oo la yaqiin Axm ed Godane, bishii September 2014. Mareykanka ayaa madaxa Abu Cubeydah dul dhigay 6 Milyan oo dollar.

Mahad Karate oo magaciisa saxda uu ya ay Cabdiraxmaan Maxamed Warsame ayaa ah ku-xigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab. Waxa uu sidoo kale mas’uul ka yahay qeybta amni yaatka ama sirdoonka kooxda Al-Shab aab. Mareykanka ayaa Mahad Karate ku raad inaya 5 milyan oo dollar.

Fu’aad Maxamed Khalaf waxaa la rumeys an yahay inuu yahay fududeeyaha dhanka ma aliyadda ee kooxda. Sanadihii ugu dambeeyey waxaa la sheegay inuu u wareegay dhanka da cwadda ee kooxda. Waxay Mareykanka ku ya booheen 5 milyan oo dollar ciddii usoo gudbey sa aakhbaaraad la xiriira Fu’aad.

Jafar o sidoo kale loo yaqaan Amar, wax xog badan ah lagam hayo hase yeeshee wax aa la rumeysan yahay inuu yahay madaxa how lgallada ee kooxda Al-Shabaab, waxaana Mar eykanka ay madaxiisa dul dhigeen 3 milyan oo dollar.

Mareykanka ayaa sababta uu u doonayo madaxdan ku sheegay qaraxyo ka dhacay So omaaliya iyo Kenya iyo inay "weli wadaan dha q-dhaqaaqyo halis ku ah ammaanka, nabad-galyada iyo xasilloonida” gobolka.

Wararkii ugu dambeeyey QARAX Shalay ka dhacay MUQDISHO + Khasaaraha

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya kha saaraha ka dhashay qarax khasaare geystay oo barqanimadii Shalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada So omaaliya, kaas oo geystay khasaare kala du wan.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay wadada xir iirisa magaalooyi nka Muqdisho iyo Afgoo ye, gaar ahaan dhan ka deegaanka Garasba aley.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan labo qof oo shacab ahaa, halka uu ku dhaawacmay mid kale, kadib mar kii ay miinadu qabsatay mooto ay saarnaa yeen.

Dadka ay waxyeelada soo gaartay ayaa ka soo jeeda degmada Afgooye, waxaana ku jiray Macalin aad looga yaqiinay halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda oo waxyar ka hor maray halkaasi, siday ay Warb aahinta u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, iyaga oo howl-gallo kooban ka sameeyey wadada uu qa raxu ka dhacay.

Al-Shabaab ayaa inta badan jidka Afgooye oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha ka fulisa weeraro qaraxyo ah, waxaana khasaar aha ugu badan uu kasoo gaaraa rayidka.

MAREYKANKA oo farriin u diray MADAXDA maamul goboleedyada Soomaaliya

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ay aa qoraal ay soo saartay kaga hadashay door ashooyinka 2021-ka, gaar ahaan mida Golaha Shacabka Soomaaliya oo dhowaan ka bilaaba tay M/Muqdisho ee caasima da Soomaaliya.

Warka kooban ee kasoo baxay safaaradda ayaa wax aa si gaar ah farriin loogu dir ay madaxda maamul gobole edyada ka jira dalka, iyada oo laga dalbaday in ay dardar-geliyaan qabashada doorashada xi ldhibaanada Golaha Shacabka ee baarla maanka Soomaaliya.

Safaaradda ayaa shaaca ka qaaday in si doo kale loo baahan-yahay in doorashooyinka ay noqdaan kuwa lagu kalsoonaan karo, ayna dhacaan ka hor dhammaadka 2021-ka.

"Waxaan ku boorineynaa Madaxweyne Said Abdullahi, Madaxweyne Axmed Madoobe, Mad axweyne Qoor Qoor, Madaxweyne Ali Gudl awe yo Madaxweyne Lafta Gareen

si loo dhamaystiro doorashada Golaha Shacab ka oo loo dhan-yahay laguna kalsoonaan karo ka hor dhamaadka 2021. Waa in la dardar gel iyo hanaanka doorashada” ayaa lagu yiri qor aalka.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida u dhow ula socda xaaladda Soomaaliya, wuxu una si aad ah ula socdaa doorashooyinka dal ka ee 2021-ka.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo dib u dhac ballaaran ku yimid doorashooyinka Go laha Shacabka oo aad uga daahay waqtigii loo asteeyey, marka la eego jadwalkii hore.

Si kastaba, warka kasoo baxay safaaradda Ma reykanka ayaa kusoo aadayo, iyada oo Dor raad Beesha Caalamka ay walaac ka muujisay dib u dhaca doorashooyinka dalka.

Weerar Tooreey Loo Adeegsaday Oo Shal ay Lagu Qaaday Dad Saarnaa Tareen Safra yey

Afhayeen u hadlay Booliska Federaalka Ja rmalka ayaa sheegay in Shalay oo Sabti aheyd weerar mindi loo adeegsaday lagu qaaday dad saarnaa Tareen isaga kala gooshayay ma gaalooyinka Regensb urg iyo Nuremberg ee gobolka Bavaria ee ko onfurta Jarmalka.

Sida uu sheegay Afhay eenka Booliska xilliga la weeraray Tareenka ay aa waxuu taagnaa xarunta Tareenada ee Zui persdorf, weerarka lagu qaaday Tareenka ay aa waxaa ku dhaaw acmay dhowr qof oo Rak aab ah.

Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganey sa jariidada Jarmalka ee Bild ayaa sheegtay in Sedax qof ay ku dhaa wacmeen weerarka.

Lama oga ilaa hadda waxa sababay weerar kan iyo cida fulisay, waxana durbadiiba gobta soo garay Ciidamada Booliska Jarmalka, oo halkaas baaritaano ka waddo.

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq oo lagu qaaday weerar drone loo adeegsaday iyo xaaladdiisa

R/Wasaaraha Ciraaq Mustafa Al-Kadhimi ay aa ka badbaaday isku day lagu dili lahaa kadib mar kii diyaarad drone ah, oo laga soo buuxi yey qaraxyo lagu weeraray gurigiisa xalay.

"Diyaarad drone ah ayaa lala bee gsaday guriga Rw/ ha, oo aan wax dhaawac ah kasoo gaarin,” ayaa la gu yiri ba yaan kasoo baxay xafiiskii sa. Wararka qaar ayaa shee gaya in Mustafa uu soo gaa ray dhaawac fudud.

Mustafa Al-Kadhimi ayaa goor dambe she egay inay xaaladdiisa wanaagsan tahay, wuxu una codsad ay "deganaan iyo is-xakameyn,” ayada oo xaaladda siyaasadeed ee dalka ay aad u kacsan tahay.

"Aad ayaan u wanaagsanahay, Alxamduli llah, waxaana ku baaqayaa deganaan iyo in qof kasta uu is xakameeyo, danta Ciraaq da rted,” ayuu Mustafa kusoo qoray bartiisa twit ter-ka.

Guriga Rw/ha ayaa ku yaalla aagga cagaar aan ee (Green Zone) ee Baghdad, halkaasi oo sidoo kale xarun u ah safaaradda Mareykanka, islamarkaana marar badan lala beegsaday weeraro gantaallo ah.

Ciidamo aad u badan ayaa la geeyey aagga ka dib weerarka, sida ay sheegeen ilo-waree dyo amni.

Weerarka ayaa yimid ayada oo xiisad siyaa sadeed oo kacsan ay ka jirto Ciraaq, taasi oo ka dhalatay doorashooyinkii dhacay 10-ka Oct ober.

Natjooyinka hurudhaca ee doorashada ayaa muujiyey in isbaheysiga Fatah, oo ah garabka siyaasad eed ee kooxda Iran ay taageerto ee sida militariga u tababaran ee Al-Xashad Al-Shacbi ay lumisay kura as badan oo baarla manka ka mid ah.

Taageerayaasha kooxda ayaa dhalleeceey ey natiijada waxayna ku tilmaameen "khiyaa no.” Boqolaal ka mid ah taageerayaasha ko oxdan iyo booliska ayaa isku dhacay Sabtidii ayaga oo dibadb ax ka dhigaya Greene Zone-ka, kana careysan natiijada doorashada.

Fatah ayaa ku guuleysatay 15 ka mid ah 329-ka kursi ee baarlamanka, taasi oo aad uga yara 48-ka kursi ee ay horey u haysteen.

Guusha ugu weyn ee doorashadii ugu damb eysay ayaa waxaa gaaray dhaqaaqa wadaad ka Shiicada ah ee Moqtada Sadr oo kooxdiisa ay heshay 70 kursi, kadib markii uu olole ku ga lay waddaniyad iyo inuu kasoo horjeedo Iran.

Natiijada kama dambeysta ah ayaa la filayaa in lagu dhowaaqo toddobaadyada soo socda.


ABIY AHMED oo war cusub soo saaray xilli mucaaradku kusoo dhowaadeen Addis

Shacabka Ethiopia waa inay "naftooda huraan” si ay "u badbaadiyaan” dalka, waxaa sidaas Shalay yiri ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ayada oo uu xoogeystay dagaalka u dhaxeeya ciid amada dowladda iyo mucaaradka kusoo si qaya caasimadda.

Dhowaqiisa ayaa yimid maalin kadib markii sagaal koox oo mucaarad ah ay sameysteen is baheysi ayaga oo ku biiraya dagaalka ay ko oxda TPLF hoggaamineyso ee ka dhanka ah dowladda.

Wakiilka TPLF Berhane Gebre-Christos, ay aa isaga oo saxiixaya heshiiska isbaheysiga oo lagu dhisay magaalada Washington Jimc ihii, waxa uu sheegay in isbaheysiga uu dama csan yahay "inuu meesha ka saaro taliska,”,.

"Waa in naf hurnimo la sameeyo, hase yee shee naf-hurnimadaas waxay badbaadin doon taa Ethiopia,” ayuu ku yiri Abiy qoraal uu soo dhigay twitter.

"Horey ayaan u aragnay caqabadahan iyo imtixaanaadkan, waxayna naga dhigeen kuwa xooggan,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray "waxaan leenahay xulufo ka badan kuwa dhab arkooda nasoo xijiyey.”

"Haddaan nahay reer Ethiopia, u dhimasha da qarannimadeena, midnimadeena iyo aqoo nsigeena, waa sharaf. Ma jirto Itoobiyenimo naf hurnimo la’aan.”

Saraakiil sar sare oo shaqo looga eryey wiil Soomaali ah dartiis iyo sababta keentay Sara akiil sar sare oo shaqo looga eryey wiil Soom aali ah dartiis iyo sababta keentay

Toddobaadkii tegay TPLF ayaa qabsatay laba magaalo oo muhiim ah oo ka tirsan go bolka Amxaarada, ayaga oo kadibna usoo ruq aansaday caasimadda Ethiopia, waxayna joo gaan meel u jirta qiyaastii 300 km.

Addis Ababa ayaa waxaa lagu qabsan kar aa "bil gudahood haddiiba aanay aheyn toddob aadyo,” waxaa sidaas sheegay kooxda Oroma da ee OLA.

Afhayeenka OLA, Odaa Tarbii ayaa she eg ay in kooxda ay damacsan tahay inay riddo do wladda Abiy, wuxuuna in xafiiska laga eryo Ab iy Ahmed ugu yeeray "dhammaad aan laga ba aqsan karin.”"Haddii xaaladda ay sidan ku soc oto, waxaan ka hadleynaa bilo, haddiiba aanay aheyn todd obaadyo,” ayuu yiri

Somali Banaanbax lagu taageerayo Ciidan ka difaaca Itoobiya oo ka dhacay magaala da Godey ee dowlad degaanka Soomaalida

Shacabka ku dhaqan magaalada Godey ayaa Shalay isugu soo baxay banaanbax ay ku taageerayeen ciidam ada qaranka Itoobiya, ka gana soo horjeedaan fallaagada TPLF, ee dag aalka kula jirta dowladda Itoob iya.

Shacabka ayaa watay boo dhadh ay ku qor naayeen hal ku dhagyo muujinaya sida uu shacabku uga soo horjeedo kooxda dagaalka kula jirta dowladda.

Banaanbaxyada noocan oo kale ah ayaa maalmahan kasocda inta badan magaalooyin ka waawayn ee dalka Itoobiya, waxayna sheeg taa dowladdu inay shacabka oo dhan dhinac uga soo jeesteen kooxda TPLF.

Geesta kale dowladda ayaa wada abaabul ballaaran oo shacabka loogu she egayo inay da lkooda ka difaacaan waxay dowladdu ku til Shalay kooxaha argagaxisada ee raba inay dal ka burburiyaan.

Magaalooyin kale oo Itoobiya kamid ah ayaa maalintii labaad wada banaanbaxyo noo can oo kale ah.

Abiy Axmed "Saaxiibbo Badan Oo Aan Lee nahay Ayaa Dhabarka Noo Jeediyey Xilli gan Adag”

Ra’’isul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ax med oo culeyso xooggan uga imaanaya ururo isbaheystay ayaa qiray jabka is daba jooga ah ee ka soo gaaraya gulufka dagaal ee ka dhan ka maamulkiisa.

Abiy Axmed ayaa qiray iney jiraan saaxiibo badan oo uu lahaa, kuwaasoo sida uu carabka ku adkeeyay dhabarka u jee diyay xiligan adag ee uu wjaah ayo, isagoo tilmaamay iney taa geero siiyaan iska daayee ay san xitaa soo had al qaadin col aada ka socota wadankiisa.

Labadaasi mas’uul ayaan il aa iyo haatan ka hadal colaada ka sii holceysa Itoobiya, iyadoo caasimadda Adis-Ababa ay mucaaradka u jirsadeen 300KM, iyagoo ku han jabaya iney qab sanayaan saacadaha soo aad an. Sagaal Urur oo ka mid ah mucaaradka dal ka Itoobiya ayaa kaga dhawaaqay magaalada Washington isbaheysi cusub oo ka dhan ah Ra’Iisul wasaare Abiy Axmed, iyada oo xuku umaduna ay shaacisay in isbahaysigan aanu haysan taageerada shacabka.

War kasoo baxay safaarada Mareykanka oo muujinaya in Abiy uu xaalku ku xun yahay

Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa ugu baaqday dhammaan dadka Marey kanka "inay deg deg” uga baxaan magaalada, sababo la xiriira in mucaaradka ay kusoo dhow aanayaan, ayada oo sagaal koox ay ku dhow aaqeen isbaheysi ka dhan ah dowladda.

Qoraal kasoo baxay safaaradda ayey uga di gtay "in xaaladda amni ee Ethiopia ay tahay mid faraha kasii baxeyso.”

Waxay ugu baaqday dhammaan muwaa diniinta Mareykanka ee ku sugan Ethiopia inay uga baxaan sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan.

Digniinta ayaa timid kadib markii sagaal koox oo ay ku jiraan kooxda Tigray-ga ee TP LF, iyo tan Oromada ee OLA ay Jimcihii ku dhowaaqeen isbaheysi cusub oo ujeedkiisu ya hay inay xukunka ka tuuraan ra’iisul wasaa raha Abiy Ahmed.

TPLF ayaa Arbacadii sheegtay in dagaal-yahanadeeda ay soo gaareen magaalada Kem issie ee gobolka Amxaarada oo 325 km waq ooyi bari kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa.

Berhane Gebre-Christos, oo ah wakiil ka tir san TPLF, oo heshiiska isbaheysi ku saxiixay Washington, ayaa sheegay in waqtiga uu kasii dhammaanayo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

"Waxaan damacsanahay inaan meesha ka sa arno taliska,” ayuu u sheegay weriyayaasha.

Wasaaradda difaaca Ethiopia ayaa Jimcihii ugu baaqday askarta howgabka ah inay dib u soo howlgalaan "si dalka looga badbaadiyo shi rqoolka lagu kala dhantaalayo.”

Isbaheysiga cusub ayaa la mid ah kii ay dhammaadkii sideetamaadkii ay dhistay koo xda TPLF kahor inta aan xukunka laga tuurin kaligii taliyihii muddada fog Mengistu Hailem ariam, 1991-kii.



SOOMAALIYA



CALAAMAD GANACSIGA – OGAYSIISKA GUUD



 

CHEVRON

 



OGAYSIIS WAXAA HALKAN LAGU BIXIYAYin calaamadda ganacsi ee sare ay tahay astaanta ganacsiga:

 

Chevron Intellectual Property LLC, a limited liability company organised and existing under the laws of the State of Delaware (U.S.A.) of6001 Bollinger Canyon Road, San Ramon, California 94583, United States of America

waxaana loo adeegsaday:

Qaboojiyaha, qaboojiyaha matoorada, dareerayaasha ka-hortagga daxalka ee nidaamyada qaboojinta injiinka, qaboojiyeyaasha matoorada leh ka-hortagga daxalka, ka-hortagga-barafka iyo guryaha-karrinta; qaboojiyeyaasha, ka-hortagga daxalka, ka-hortagga-barafka, dareeraha karkarinta ee qaabka xoogga leh; waxyaabaha lagu daro shidaalka, nadiifiyeyaasha shidaalka, nidaamyada shidaalka iyo matoorada; dareerayaasha, dareerayaasha haydarooliga, dareerayaasha nidaamka bireega, dareerayaasha korantada isteerinka, dareerayaasha gudbinta, dareeraha gudbinta tooska ah, dareeraha hakinta baabuurta iyo nidaamyada qaboojinta; dareerayaasha shaqada birta; dareeraha ka hortagga barafka ee muraayadda; adjuvants; adjuvants si loogu isticmaalo kiimikooyinka beeraha iyo herbicides; caaryada [caaryada] waxay sii daayaan saliidaha iyo isku-dhafka; waxyaabaha lagu daro iyo sidayaal loo isticmaalo saliidaha, saliidaha, khadadka, midabada, caagadaha iyo balaastikada; fidiyeyaasha iyo jilciyayaasha caagadaha iyo caagadaha; saliidaha saliidda iyo dufanka, saliidaha qalabka, saliidaha kala duwan, saliidaha gudbinta, saliidaha badda, saliidaha dhululubo, saliidaha habka, saliidaha wareega, saliidda dhagaxa dhagaxa, saliidaha warshadaha, saliidda goynta iyo dareeraha, saliidaha macdanta, saliidaha impregnating, saliidaha ka hortagga boodhka, cuntada saliidaha fasalka; shidaalka, shidaalka, gaaska propane.

 

OGAYSIIS SIDOO KALE WAXAA LA SIIYAY in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad kasta oo adeegsata calaamadda ganacsiga ama wax kasta oo ku dayasho ah ama haddii kale ku xad gudubta xuquuqda shirkadda la sheegay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip