HALKAAN KA KAHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES EE MAANTA OO AH SABTI 6-DA NOV. 2021-KA

0
Saturday November 06, 2021 - 08:16:21 in Wararka by
  • Visits: 434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA KAHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES EE MAANTA OO AH SABTI 6-DA NOV. 2021-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

R/W/Rooble oo ka qayb galay munaasabad tababar loogu soo xirayo hablo ka tirsan Booliska Haramcad.

"Aniga Ra’iisul wasaare Rooble ahaan aan sida ugu dhaqsaha badan u faarujiyo xafiiska uguna wareejiyo qofka Ilaahay u calfo, "

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Max amed Xuseen Rooble oo Dorraad ka qeyb-galay munaasibad tobabarka loogu soo xirayay qaar ka mid ah ciid amada Soomaaliya Ra’iisul Wasaaraha XFS Md. Max amed Xus een Rooble ayaa ka qeyb galaya mun aasabad tababar loogu soo xirayo gabdho ka tir san ciidan ka Haramcad ee booliska Sooma aliyeed isla ma rkaana derajooyin loogu xirayo sa raakiil tababar layli sarkaal ku soo qaadatay dalka Masar.

Dhinaca kale R/Wasaaraha Rooble ayaa ball an qaaday in Xarunta Barbaarinta Agoonta Boolis ka Soomaaliyeed lagu kordhiyo dugsi sare isagoo faray W/Waxbarashada in howshaas u fuliso sida uga dhaqsiyaha badan Rooble ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in xilka si dhaqso ah u war eejiyo.

Rooble ayaa sheegay in uu faarujin doono xaf iiska uu xiligan joogo, kadib marka uu si rasmi ah u dhameystiro doorashooyinka dalka oo muddo badan wajaheyay dib u dhacyo dhowr ah.

Aniga ra’iisul wasaare Rooble ahaan aan sida ugu dhaqsaha badan u faarujiyo xafiiska uguna wareejiyo qofka Ilaahay u calfo, wey iga go’an ta hay arrintaas,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale waxa uu faray madaxda dowlad goboleedyada dalka in si dhakhso ah u dardar-geliyaan doorashada Golaha Shacabka, oo dhaw aan laga bilaabay magaalada Muqdisho oo lagu doortay kuraas kamid ah kuwa gobolada Waqo oyi ee Somaliland.

"Waa in shacabka Soomaaliyeed uu culeys ku saaro (Madaxda) in doorashada la boobsiiyo, si dalka uu uga gudbo marxalada uu ku jiro oo uu galo nidaam iyo dowlada cusub.”

Rooble ayaa ku bogaadiyey ciidanka booliska Soomaaliyeed sida ay u garab istaageen xiliga ka la guurka, isaga oo ku amaanay qeybta ay ka qa adanayaan amaanka doorashada oo muhiim u ah qabsoomideeda.

"Waxaa rabaa in halkaan uga mahad-celiyo guddiga doorashooyinka heer federaal oo Shalay diray agabkii u dambeeyay ee doorashoo yinka oo u kala diray tobanka magaalo ee doora shada ka dhaceyso.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina da rajooyin u xiray saraakiil tobabar layli sarkaal ku soo qaadatay dalka Masar, kuwaas oo lagu wado inay qeyb ka noqdaan howl-galada ka dhan ka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka iyo sugida Amniga doorashooyinka.

Dowladda Somaliya Oo Faah Faahin Ka Bixis ay Sababta Ay Dalka Uga Ceyrinayso Simon Mulongo

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya md Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo wareysi siiyey Radio Muqdisho ay aa faahfaahin ka bix iyey sababta dalka looga ceyrinayo ku xigeenkii wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Mr Mul ongo uu ku dhaqaaqay wax ka baxsan sharciga loo igmaday ee uu dalka ku joogo, isagoo xusay inuu horey u qabay digniin dhowr ah;, balse ha dda ay Dowladda ka qaadatay go’ aan cad oo ah in uu dalka uga ba xo muddo todobaad ah.

"Wax ka baxsan howlihiisa gaar ka ah ayuu fara la galay, waana mid ka baxsan heshiiska uu dalka ku joogay, si daas ayaana keentay inaan dalka ka erino”. Ayuu yiri Wasiir Cabdi risaaq.

Md. Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Wasii rka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in tani ay muujineyso sida dowladda Soomaaliya ay san u ogoleyn diblomaasiyiinta inay iska same ystaan wax iyaga u gaar ah oo baal marsan he shiiska ay dalka ku joogaan, isla markaana aysan waxba u dhimeynin cilaaqaadka ay dowladdu la leedahay Ururada caalamiga ah.

"Qaranimadeena, qabkeena, iyo dowladnim adeena waxaa sharaf u ah, in Soomaalidu ugu da mbeys ay iyagu mas’uul ka noqoto amnigeeda”. Ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Simon Mulongo oo jawaab ka bixiyey go’a ankii ay DF dalka uga ceyrisay

Ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo oo Dorraad ay dowladda Soomaaliya ka ceyrisay dalka ayaa markii ugu horreysay ka hadlay go’aankaas.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Simon Mulongo ku eedeysay "inuu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMI SOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaal iya,” waxayna ku amartay inuu dalka uga baxo toddo ba maalmood gudahood.

"Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashi ga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya waxay bogaadin usoo jeedineysaa Gud diga Midowga Afrika, waxaana sharaf u ah inay la socodsiiyaan Guddiga, in shaqsiga hoos ku qor an [Simon Mulongo] laga dhigay ‘persona non grata’, waxaana lagu amray

inuu uga baxo Soomaaliya muddo 7 cisho gudahood ah,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda.

Mulongo oo isaga oo Muqdisho jo oga khadka taleefonka kula hadlay wargeyska Dai ly Monitor ee dalka uu kasoo jeedo ee Ugan da ayaa yiri "aad ayaan ula yaabay ceyrinta saba btoo ah waxaan ogahay inaan sameyn wax kha lad ah.”

"Luuqadda lagu adeegsaday qoraalka diblom aasiyadeed ee dowladda fadeeraalka waxaa ku jira weero aan faah-faahintooda iyo macnahooda aan garaneyn. Ma aqaan wax sabab ah oo aan ogahay in go’aankan loo qaatay. Wax fikir ah ka ma haysto waxa ay arrintan ku saabsan tahay. Waxaan doonayaa inaan la macaamilo xaqii qooyin ee ma ahan ku-tiri ku-teyn,” ayuu yiri Mulongo.

Mar wax laga weydiiyey tallaabada xigta, Mul ongo waxa uu sheegay inuu hoggaanka Midowga Afrika ka sugayo inay jiheeyaan, sidaas dar teed na uusan waxba oran karin.

Dhammaan arrimahaas ayaa keenay in dalka laga eryo Simon Mulongo, sida oo ay aysheegtay in ay ogaatay Caas imada Online.

Mulongo ayaa noqonaya diblomaasigii labaad ee dalkeenna laga baaciyo muddo 2 sano gud ohood ah, iyada oo la dul dhigay amarka ah "Dal kan lagaama rabo”, (Persona Non grata), loona qabtay xigaSsho:caasimadda.net

Xildhibaan Sakariye Xaaji: Dowladda maxk amad ayaan horgaynayaa haddii xoog lagu sii haysto dayuuradahayga

Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo katirsan barlamaankii hore, ayaa sheegay inuu furanyo dacwad ka dhan ah dowladda, isagoo sheegay in si xoog ah loogala wareegay lix dayuuraddood oo Drones ah oo uu Muqdisho kalasoo dagay.Xildhibaan Sakariye ayaa shee gay in diyaaraddahan loogu talo galay buufinta cayayaanka beeraha iyo sa hminta dhulka, balse wuxuu tilmaamay in laga dhigay in ay yihiin dayuurado basaas ah oo amn iga qatar ku ah.

"Maxkmad ayaan dowladda geynayaa haddii aysan isiinin waxayga, haddii kale ha iga iibsato dhammaantood, waayo qarash badan ayaa iga galay, waxaana ugu talo galay in dalka loogu sha qeeyo,” ayuu yiri xildhibaanku.

Wuxuu sheegay inuu u tagay madaxweyne Far maajo uuna kala hadlay in lagusoo wareejiyo qal abka dowladdu ka haysato, wuxuuna sheegay in madaxweynhuhu ku yiri, "Maraykanka ayaa daba joogta qalabkan, lama bixin karo."

"Madaxweynaha markaan u tagay wuxuu igu yiri "Maraykanbaa meesha soo galay waxaas la ma bixin karo. Waxaan ku iri, " madaxweyne, dal ka ma adigaa xukuma, mise Maraykan?, ayuu yiri xildhibaan Sakariye.

Wuxuu sheegay xildhibaanku ujeedada loo qa atay qalabkiisa in ay tahay in dambi been ah loo sameeyo, oo sumcadiisa dhibaato loo geysto, si looga reebo tartanka doorashada madaxtinimada Soomaaliya.

Xigasho:casimadda.net

Villa Somalia oo ka jawaabtay eedeynta xildhi baan Zakariye ee la xirirta diyaradaha droneka

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisay ee deymaha uga yimid xildhibaan Zakariye Max amuud Xaaji Cabdi kadib markii hay’adda NISA ay garoonka Mu qdisho ku qabatay diyaarado dr one ah oo uu sheegay inuu isa gu lahaa.

Xildhibaan Zakariye ayaa shee gay in diyaaradahaas aysan aheyn kuwa militari, balse loogu talo-galay in lagu waraabiyo beeraha iyo in lagu buufiyo ayaxa, wuxuuna madaxtooy ada ku eedeeyey inay arrimo siyaasadeed dar tood u beegsatay.

"Madaxweynaha ayaa arrinta u sheegay, go’a an waxaa lagu gaaray in la i ceebeeyo, oo been la iga sheego, arrinta haddaan daba-galayna arr in siyaasadeed weeye. Madaxweyne ayaa isku sharaxay, waxaa la ogyahay inaan dadka Sooma aliyeed sumcad ku dhex leeyahay, tartanka yuu gelin oo aan ceebeyno ayaa loola jeeda, waana dulmi afar sano lagu hayey shacabka Soomaali yeed, oo hadda aniga la igu soo afmeeray,” ayuu yiri Zakariye.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soom aaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa wax ba kama jiraan ku tilmaamay eedeynta xildhibaan Zakariye, wuxuuna sheegay in arrintan ay tahay mid amni, oo khuseysa laamaha amniga.

"Madaxtooyada Soomaaliya waxa ay beeninay saa eedahan mala’waalka ah ee uu soo jeediyey xildhibaanku, waxaanna garowsannahay in arrant ani ay tahay mid khuseysa laamaha ammaanka, sidaas darteed ma habboona in la siyaasadeeyo ama la hareer maro hannaanka ay laamaha amm aanku u gudanayaan waajibaadkooda ku aaddan hubinta waxyaabaha dalka soo galaya, si aysan u noqon kuwo waxyeeleeya amniga iyo xasilloon ida dalka,” ayuu Cabdirashiid ku yiri qoraal uu u soo diray Caasimada Online oo la xiriirtay.

"Waxaan ku hagaynaa xildhibaanka u dooda ya badeecaddan ay gacanta ku hayaan laamaha ammaanku inuu iyaga kala xiriiro oo uu dhowro baaritaannada ay ku hubinayaan, una fududeeyo wixii lagu ilaalinayo amniga dalkeenna,” ayuu yiri.

Ilo-wareedyo ka tirsan hay’adda NISA ayaa Caasimada Onlinesheegtay in uu u sheegay in tuhun weyn laga qabo diyaaradahan, oo ay ka mid tahay in loo wado Xuutiyiinta dalka Yemen.

XIGASHO:CAASIMADDA.NET

Wasaarada Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta Oo Beenisay Warar Alshabaab Ay Baahiyeen

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xu kuumada Soomaaliya ayaa ka hadashay ba rnaamijyo taxane ah oo Alshabaab ku baahiyaan afkaartooda.

War-saxaafaddeed kasoo baxay wasaaradda aw-qaafta ayaa lagu sheegay in muuqaallada Alshabaab baahinayso ay cudur daar ugu raadi nayso fikradaheeda qaldan ee kasoo horjeeda diinta.

Ugu dambeyntii war Saxaafadeedka ayaa wasaar adu ku baaqday shirweyne ay isugu yimaadaan culumaa’udiinka Soomaaliyeed.

Daahir Geelle Oo Ku Eedeeyay Ra’iisul Was aaraha Iyo Madaxda Dowlad Goboleedya da Dib U Dhaca Doorashada

Musharax Daahir Geelle oo Shir jaraa’id ku qa btay Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dib u dhaca ku yimid doorashada dalka.

Daahir Geelle ayaa ku eedeeyay Ra’iisul Was aare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Dow lad Goboleedyada inay mas’uul ka yihiin dib u dhaca doorashada, wixii ka dhasha dib u dha caas ay mas’uuliyadeeda qaadi doonaan.

Musharax Madaxweyne Daahir Geelle waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dadka Soom aaliyeed mar walba ay isweeydiinayaan in dalka ay ka dhacayaan doorashooyin, balse nasiib dar ro ay tahay in aysan jirin cid Soomaali ah oo su’aashaas ka jawaabi karta.

Shirka jaraa’id ayuu sidoo kale Musharax Daahir Geelle ayaa ku sheegay in hubanti la’aanta siyaas adeed ee dalka kajirta ay sababt ay in aan la ogeyn xilliga ay dhacayaan doorasho oyinka, taasi ay keeni karto xasilooni la’aan dalka ah, wuxuuna si cad u sheegay in dowladda Soom aaliya looga baahan yahay in waqti kooban ku qabato doorashooyinka

Waqtiga Ay Doorashada Golaha Shacabka Ka Bilaabaneyso M/Goboleedyada Oo La shaaciyey

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa shaac iyay in 7yada soo socda doorasha da Xildhibaanada G/Shacabka ay si rasmi ah uga bilaabaneyso D/Gobol eedyada dalka.

G/ye Cirro oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inuu soo dhammaaday diyaar ga roowga doorashada G/Shacabka, isla markaana doorashada ka bilaabatay M/Muqdisho, ayna 7y ada soo socda ka bilaabaneyso degaanada ma amulada dalka.Wuxuu intaas hadalkiisa kusii da ray Md. Cirro inay Magaalooyinka maamul Gobol eedyada ee loo qorsheeyay inay ka dhacaan do orashooyinka ay u daabuli doonaan agabka doo rashooyinka oo dhameystiran sida Warqadaha Cobixinta, San duuqyada iyo agabyo kale oo muh iim ah.

G/ha ayaa tilamay inay rajo wa naagsan ka qa baan in doorashooy inka G/Shacabka ay kusoo dhamma ato waqti aan badneyn, ma adaama uu di yaar garoowga doorashada ee Guddiyada heer Federaal &heer maamul uu ka soo dhammaaday.

"Hannaankeena doorashada waqti badan ayuu soo jiitamayey, rajada haatan waa ay wanaagsan tahay, waxaana ballan qaad ku galnay Madaxda M/mulada &Guddiyada doorashooyinka in sida ugu dhaqsiyaha badan loo guda galo doorashada G/Shacabka” ayuu yiri G/ye Cirro.

Doorashada GSh/ka ayaa 7kaan ka bilaabatay M/Muqdisho, waxaana Xildhibaankii ugu horree yay ee kasoo jeeda G/Somaliland loo doortay Ma hdi Maxamed Guuleed Khadar, halka kan 2aad uu noqday Biixi Iiman Cige, wallow la hakiyey nat iijada doorashadii uu kusoo baxay Mahdi Guu leed.

Booliis gaar ah oo loo sameeyay la dagaalan ka maandooriyaha iyo anshax xumada

Taliyaha ciiddanka Booliiska Soomalaliya, Jeneraal, Cabdi Xasan Xijaar ayaa sheegay inay sameeyeen booliis gaar ah oo ka shaqeyndoona ilaalinta diinta iyo dhaqanka, si looga hortago dhaqamada foosha xun ee kusoo ba danaya Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciiddanka booliiska wuxuu sheegay in ay ciiddankaan iyo leh talis gaar ah u howgali doo naan sidii wax looga qaban lahaa dhal linyarada maa ndooriyaha isticmaasha iyo kuwa sameeya falal ka anshax xu mada ah.

"Waxaanu gurmad rasmi ah u gal aynaa inaa nu gacanta ku dhigno dhal linyaradeena oo aan ka badbaadino waxa kusoo socda mustaqbal kooda,” ayuu yiri taliyaha ciiddanka booliiska Soomaaliya.

Sanadihii ugu dambeeyay, Muqdisho waxaa ku soo badanayay dhallinyaro waddooyinka ku isticmaalaya daawooyin maandooriye ah oo ay is ku mudayaan, taasoo marka ay isticmaalaan qa tar weyn ku ah naftooda.

Taliyaha wuxuu sheegay in qaar badan oo ka tirsan hay’addaha dowladda iyo maamulka gobol ka Banaadir ay ka qeyb qaadanayaan taageera da ciiddankan, wuxuuna sheegay inuu howlgalk ooda ugu horreeya dhawaan billaabanayo.

Saraakiil ka tirsan DF iyo Ganacsato gaaray Bohol iyo Sheekh Shaakir oo lagu wado

Waxaa deegaanka Bohol ee G/Galgaduud oo saldhig ay ka dhigteen Ciidamada Ahlu Sunna ga aray Taliyaha Ururka 6-aad ee Guutada 60-aad ee CXD Gen. Aadan Abshir Nuure Laba-Afle oo wehliyaan ganacsato, Odoyaal iyo Xildhibaan Cali Dhoof.

Sida ay sheegtay in Caasimada Online ogaat ay, ujeedka wafdiga ayaa ah xal u helida dagaal adii ka dhacay Guriceel iyo deega anka Bohol ee G/Galgaduud ee u dhexeeyay ciidanka Ahlu Sunna iyo ciidamada Galmudug oo garab ka hel aya kuwa DFS.

Mid kamid ah xubnaha gaaray Bohol, oo la had lay Caasimada Online, islamarkaana codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in Sh. Shaakir lagala hadli doono sidii xiisadda taagan loogu dhameyn lahaa wada-hadal maadaama uu sheegay inaan wax aan khasaaro aheyn laga dhaxlin dagaalkii ka dhacay Guriceel.

Wafdiga gaaray Bohol ayaa waxaa ka mid ah Ganacsade Xaashi Carabeey, oo horay u gu guulaystay in uu joojiyo dagaalkii Guriceel la guna qanciyo Ahlu Sunna in ay magaaladda ka baxdo, waxaana la rajeenayaa in xiisadda lagu dhammeeyo wada-hadal iyo isfaham.

Sheekh Shaakir oo ka hadlay sababta ay uga bexeen Guriceel ayaa sheegay in ay magaaladda ugu bexeen codsi uga yimid Culimada, Ganacsa tada, bulshada rayidka, Senataro iyo Siyaasiyiin reer Galmudug ah ayna sugayaan in wada-hadal lagu dhameeyo dagaalka.

Ciidamadii Ahlu Sunna ee isaga baxay Guric eel ayaa saldhig weyn ka sameystay deeganka Bohol, waxayna xogta sheegeysaa in Ahlu Sunna ay waddo hub aruursi iyo diyaar garow dagaal ay mar kale la gasho ciidamada Galmudug.

Madaxda Ahlu Sunna ayaa dhawaan ciidama dooda u qeybiyey mushaar gaarayo illaa 300 oo Dollar askari kasta, mana la ogo halka ay lacagt aas uga timid.Xigasho:Caasimada.Net

Kulan Laga Yeeshay Dagaal Ka Dhacay M/Baraawe

Kulan looga hadlaayay amniga M/ Baraawe ee G/Sh/Hoose ahna Xarunta Maamulka K/ Galb eed ayaa ka qabsoomay Magaaladaas, ka dib da gaal kooban oo maalin kahor ka dhacay gudaha Baraawe

Kulankaan oo uu shir guddoominayay Gudd oomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Cabdiraxiin ayaa waxaa diirada lagu saaray xo ojinta amniga Baraawe iyo kahor tegida wax kasta oo carqaladeenaya amma anka Magaalada.

Faah Faahin Kasoo Baxes ay Koox Hubeysan Oo We erar Khasaaro Dhaliyey Ka Fulisay Kenya

Guddoomiye Maxamed Cabdiraxiin ayaa laam aha amniga Maamulka iyo kuwa DF ee ku sugan M/Baraawe faray inay dardar-geliyaan howlaha nabadgalyada, isla markaana laga hortego falalka amni darro ee xiliyada qaar dhaca.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur galbeed Saraakiisha amaanka Baraawe iyo gudoomiye ku-xigeenada G/Sh/Hoose ee Maamulka K/G/Soomaaliya.

Si kastaba Maalin kahor ayey aheyd mar kii dag aal u dhexeeyay Ciidanka amniga M/Baraawe iyo rag hubeysan oo maleeshiyaad ah uu ka dhacay Magaaladaas, waxaana maleeshiyaadka ay ka soo horjeedeen qaabka loo qeybsaday kuraasta Golaha degaanka ee Baraawe.

Madaxweynaha Puntland oo diiday in uu si gaar ah ula kulmo Wasiir Xuseyn Ciid

Madaxweye Deni waa iska diiday in uu si gaar ah ula kulmo Wasiirka Beeraha Fadaraalka ee Qardho u tagay Xarunta Ayaxa ee xariga laga jar ayay.Md. Ciid waa mid ka mid ah Siy aasiyiinta Puntland ka soo jeeda oo hadana khatarta ku ah Amnigee da iyo horumarkeeda.

Waxuu qayb ka ahaa qorshaya yaal ka dhan ah Puntland

oo Dowlada Farmaajo 4-tii sano ee ay xukunka haysay ay fulisay,sidoo kale waxuu door ku lahaa siyaasada Fadaraal diidka ah.

Ina Ciid hada waxuu isku dayayaa in uu soo dhex raaco Mashruuca Ayaxa si uu uhelo Xildhib aan uu Puntland ku dhibaateeyo markale.

Madaxweyne Deni waa ku amaanan yahay ho os udhigistiisa iyo in uu iska diido la kulankii gaar ka ahaa ee uu codsaday,sida ay qabaan haldoor

badan oo reer Puntland ah.


Dowladda Soomaaliya oo shaacisay kiisaskii ugu dambeeyay ee cudurka Karoonaha

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaa liya ayaa shaacisay kiisaskii ugu dambeeyay ee cudurka Karoonaha ee laga helay dalka gaar aha an Afartii isbuuc ee lasoo dhaafay.

Tirada 4-tii asbuuc ee u dambayay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 22,846

Laga Helay: 1424

Somaliland: 960,o Puntland: 313, Hirshabelle: 69, Konfurgalbeed: 36, Banadir: 25, Jubbaland: 20, Galmudug: 1, Lab: 696

Dhedig: 728, Bogsashada: 840, Dhimasho: 114 (Somaliland:94, Puntland:9, Banadir:5, Jubb aland:5, Hirshabelle:1)

Tirada Guud ee Laga Helay: 22,693, Bogsa shada Guud: 10,767 ,Dhimashada Guud: 1,294

DF oo jawaab ka bixisay diyaaradaha SOO MAALIYA ee KENYA ay xaraasheyso

Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horey say ka hadashay diyaarado qiimo hoose ku iibine yso Kenya, kuwaasi oo ay lahaayeen ciidamada xoogga Soomaaliya.

Taliyaha ciiddamada cirka Sooma aliya Maxamuud Sheekh Cali oo la ha dlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in diyaaradaha la xaraasho ay ciladoo ben, kadib markii ay ka dageen dalkaas markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya.

"Diyaarad 30 sano meel taallay oo duur la dhigay, oo aan dayactir helin, waxay hadda ka dhigan tahay wax la tuuray,” ayuu yiri Taliyaha ciidamada cirka Soomaaliya, Maxamuud Sheekh Cali.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Ke nya aysan xiriir kala soo sameyn xaraashida diy aaradahaas, oo ay lahaayeen ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

"In ay diyaarado Soomaaliya leedahay ay xar aashayaan waan arkay, laakiin cid nala so xidhi idhay oo Kenya ahi ma ay jirin.”

"Adigu haddii aad baabuur inta meel dhigto u ga tagto oo uu 30 sano yaallo, baabuurkaasi waa wax la tuuray saw maaha? Markaa waxaa la gad ayaa waa birihi, ee maaha wax hadda diyaarad ahaana loo iibinayo.”

Kenya ayaa soo bandhigtay diyaarado ay ku sheegtay inay yihiin kuwa aan la isticmaalin mu ddo dheer, kuwaas oo kala yaalla garoomada dal keeda, sida Jomo Kenyatta International Airport, Moi International Airport, Lokichoggio Airport iyo Wilson Airport.

Waxay dowladda Kenya sheegtay in dhamma an diyaaradahaan la xaraashi doono marka la ga aro 17-ka bishaan November, waxaana lasoo dhi gay goobaha lagu iibiyo diyaaradaha, waxaana kamid ah laba diyaaradood oo ku diiwaan-gashan 3C-ZZA iyo 8204 oo ah nooca AN24 oo ay lahaa yeen ciidamada Cirka ee Soomaaliya. Sida lagu qoray qarasha lagu doonayo mid weliba waa KShs. 73,000 oo u dhiganta $730.

Diyaardihii ay laheyd Soomaaliya ayaa gacan ta u galay dowlado kale, kadib burburkii ku yimid dowladdii uu hoggaaminayey Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, mana jirto illaa hadda hal diyaarad oo lagu soo celiyey gacanta Sooma aliya.

Golaha Wasiirada Maamulka Jubbaland Oo Ansixiyay Mas’uul La Magacaabay

Madaxweyne kuxigeenka1aad ee DG/Jubba land ahna kusimaha Madaxweynaha Maxamuud Sayid Aadan oo shir gudoom iyey kulanka 7adlaha ah ee /Wasiirada Jubaland oo ka qabs oomay Magaalada Kismaayo.

Shirkan ayaa intii uu socday waxaa warbixino ka la duwan looga dhageestay Wasaarado kala du wan oo ay ugu horeyso Wasaaradda Amniga Gu daha Jubaland, Wasaaradda Caafimaadka iyo xe er ilaaliyaha guud ee Jubaland Maxamed Sh. Cusmaan kaas oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee uu ku tagay Dalalka Eithopia iyo Seychelles.

Sidoo kale shirkan ayaa waxaa Shalay lagu an sixiyay xisaabiyaha guud ee Maamulka Jub ba land Cabdicasiis Maxamed Ilkacase, iyadoo loo ansixiyay qaab gacan taag ah

Madaxwaynaha D/G/J/Land Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa 30-ka bishii ina soo dhaaftay ee Octobar ee sanadkaan 2021 magacaabay Xisaabiyaha guud ee Jubbaland.

Xisaabiyaha guud ee Maamulka Jubbaland Ca bdicasiis Maxamed Ilkacase ayaa waxaa laga da lbaday inuu si toos ah u guto waajibaadkiisa sha qo ee loo dhiibay, kadib markii Shalay lagu ansix iyay Shirka Golaha Wasiirada.

Safiirka Soomaaliya ee Masar oo la kulmay Agaasimaha xarunta Caalamiga ah ee xalinta khilaafaadka Masar

Safiirka Soomaaliya ee Qaahira ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Md. Ilyaas Sheekh Cumar ayaa Shalay kulan la qaa tay Agaasimaha Xarunta Caalamiga ah ee Xalli nta Khilaafaadka iyo Nabadeynta ee Qaahira Md.Danjire Axmed Cabdiladiif.

Safiirka ayaa sheegay in agaas imaha uu kalla hadlay sidii loo ko rdhin lahaa tababarada la siiyo Soomaaliya ee ay bixiso Xarun taan, kuwaas oo la xiriira dib u dhiska dalka iyo ta yeynta shaqaalaha Dowladda iyadoo la xoojinayo iskaashiga labada dhinac iyo labadda shacab.

Safiirka Soomaaliya ayaa carabka ku adk eeyay muhiimadda ay leedahay doorka ay Xar unta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabadeynta ee Qaahira ay ka ciyaareyso dhis maha awoodaha dalalka soo koraya ee dhinac yadda nabadda iyo amniga,; gaar ahaan ka hort agga xagjirnimada horseedaya argagixisanim adda, la dagaallanka socdaalka sharci darrada ah iyo tahriibinta dadka, kaalinta haweenka ee Nabadda iyo Amniga, Isbeddelka Cimiladda iyo xiriirka ay la leeyihiin Amniga iyo Horumarka.

Safiirka ayaa ka Mahad celiyay kaalinta wax ku oolka ah ee Masar ee Nabadda Adduunka iyo dadaalka aan kala joogsiga lahayn ee iskaashiga Caalamiga ah isla markaana Wuxuu bogaadiyay shaqada Xarunta Qaahira ee Gobolka iyo Aduu nka si kor loogu qaado xaqiijinta Nabadda iyo Hor umar waara.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed & Guddoo miye Mursal oo ka wada hadlay Arrimaha doorashooyinka

Madaxweynaha DGK/Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen wyaa hoyga uu ka degan Magaalada Muqdisho waxaa uu kulan ku la qaatay Guddoomiyaha Gol aha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxaman. Kul anka oo isugu jiray qada sharaf iyo kala war qaadasho, ia markaana saacado qaatay wa xay iska xog-wareysteen Xaalada Dalka iyo Ari maha Doorashooyinka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed booqashada uu ugu yimid iyo kulanka ay yeeshee.

Laftagareen ayaa inta uu ku sugan yahay Mag aalada Muqdisho waxaa kulamo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ka socda dalka.

Waa Immisa Miisaaniyad Sanadeedka 2022 Ee Maamulka Puntland?

Golaha Wasiirada Maamul Goboleedka Punt land ayaa ansixiyay Miisaaniyad Sanadeedka 2022ka iyadoo ay ka badan tahay miisaaniyad sa nadeedka haatan sii dhamaanaya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo todobaad kan lagu ansixiyay Miisaaniyad da dowladda ee sanadkan oo dhan $354,039,039.

Kulanka oo uu ka qey bgalay Madax weyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cis maan Karaash, waxaa sidoo kale lagu ansixiyay Siyaasadda Kaabista Ci idamada dowladda Puntland iyo Xeerka Faya dhowrka Caanaha Xoolaha Puntland.

Shirka Golaha Wasiirada waxaa kale oo looga hadlay Doorashaddii goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomtay degmooyinka Ufeyn , Eyl iyo Qa rdho, doorashadaasi oo ahayd guul taariikhi ah oo Puntland ku hoggaamisay Soomaaliya inteeda kale, waxaana ka go’an Dowladda Puntland in ay dhameystirto hirgelinta nidaamka dimuqraadi yadda oo dhakhso loo guda galo qabashada Doorashadda goleyaasha deegaanka ee degmooyinka kale ee Puntland.

Sarkaal ka rsan Al-Shabaab oo isku dhiibay laamaha Amniga Galmudug.

Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa isku soo dhiibay Xubin ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kaas oo lagu Magacaabo Deeq Cabdul Maciin, Al-Shabaab dhexdoodana looga yaqaanay Shiine.Ninkaan ayaa muddo ka howlgalayay degaano kuy aal Koonfurta Gobolka Mudug, xilligii ay ka socdeen dagaaladii u dhaxeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dbinac ah & Al-Shabaab.

Deeq Cabdul Maciin oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al-Shabaab uu u qaabilsanaa dhigista miinooyinka, sidoo kalena sababta uu uga soo baxay Al-Shabaab ay tahay dhibaatooyin kala duwan uu kala kulmay Al-Shabaab intii uu ka tirsanaa.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale Ciidama da dowladda iyo kuwa Galmudug waxaa isku soo dhiibay Saraakiil iyo Xubno ka tirsanaa Al-Sha baab, kuwaas oo ka howlgeli jiray degaannada

Galmudug.


Wiil Soomaali oo caan ka ah YouTube oo hal maalin ku ururiyey hal milyan oo dollar

Wiil Soomaali ah oo caan ka ah YouTube, isla markaana degan dalka Kuwait, ayaa muddo hal maalin gudaheed ah wuxuu in ka badan hal mil yan oo dollar ugu ururiyey qaxootiga ku barak acay dalalka Syria, Lebanon, Iraq iyo Jordan.

Wiilkan oo magaciisa saxda ah uu yahay Xas an Suleyman balse YouTube ku adeegsaday cin waanka AboFlah ayaa ka mid ah dadka ugu ca ansan dunida Carabta, waxaana cinwaankiisa uu haystaa ku dhowaad 21 million oo followers.

Waxa uu cinwaankiisa abuuray 2016, wuxuun a inta badan xoogga saaray inuu dib u eegis ku saameyo video games-ka.

Waxaa la rumeysan yahay inuu yahay qofka u gu followers-ka badan YouTube ee Soomaali ah, iyo mid ka mid ah kuwa ugu taageerayaasha ba dan dunida Carabta.

Ololaha uu lacagta ku ururiyey ayaa waxa uu kala shaqeeyey hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR, wuxuuna 28 saac gudahood kusoo xareeyey $1 milyan.

"Tani waxaa mahaddeeda oo dhan iska leh ta ageerayaasheeda, dhammaan waxaan idin kugu mahad-celinayaa si qalbi ah,” ayuu AboFlah oo 23 jir ah ku yiri wareysi uu siiyey AFP.

Waxa uu sheegay in tabarucaadda ay dhaaftay intii uu filayey.

Xasan ayaa billaabay ololaha oo loogu magac daray "Diiriya Qalbiyadooda,” isaga oo u dabaal-degaya markii uu gaaray 20 milyan oo followers.

Malaayiin qof ayaa ku barakacay gobolka Bar iga Dhexe, gaar ahaan Syria iyo Iraq.

Qaxooti badna oo Suuriyaan ah ayaa hadda degan xerooyin ku yaalla dalalka Jordan iyo Leb anon, oo sidoo kale marti-geliya qaxooti Fala stiiniyiin ah.

Lacagta uu ururiyey AboFlah ayaa waxaa lagu wadaa inay cunno, dhar iyo gaaska loo adeegs ado in guryaha lagu kululeeyo xilliyada qabooba ha siiso 17,000 oo qof.

Nasreen Rabieann oo ah wakiilka UNHCR ee Kuwait ayaa amShalayy hindisaha Xasan oo ku qeexday "ruuxda mas’uuliyad la wada wadaagay iyo is-garab qabad.

uddo 7 maalmood ah inuu dalka isaga boxo.

Beesha Caalamka oo ka hadashay heshiis ka Farmaajo iyo Rooble iyo dib u dhaca…

War-saxaafadeed ka soo baxay beesha caalamka ayaa walaac looga muujiyey dib u dhaca doorashooyinka dalka, waxaana madaxda dowladda federaalka

iyo kuwa dowlad goboleedyada loogu baaqay inay deg deg ugu dhaqaaqaan dhameystirka doorasho loo dhanyahay, inta aan la gaarin dham aadka sanadkaan 2021-ka.

Sidoo kale beesha caal amka ayaa ugu baaqday maamulka Galmudug in labada kursi ee Aqalka Sare uu deg deg u soo doorto, saaxiibada caal amka ee Soomaaliya waxay sidoo kale sheegeen in si dhaw ay ula socdaan heshiiska madaxw eyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

"Waxaan ugu baaqaynaa labada hogaamiye Inay si degdeg ah u fuliyaan qodobbada lagu he shiiyay, oo ay diiradda saaraan arrimaha mudna anta u leh qaranka, gaar ahaan dhammaystirka geedi-socodka doorashada,” ayaa lagu yiri qor aalka Beesha Caalamka.

Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka Beesha Caalamka oo dhameystiran:

Saaxiibada beesha caalamka waxay aad uga walaacsanyihiin dib-u-dhaca kusii socda geedi-socodka doorashada Soomaaliya. Inkastoo bil lowga dhowaan la billaabay doorashada Golaha Shacabka ay ahayd horumar wanaagsan, ayaa haddana jadwalka doorashada wuxuu si aad ah uga dib dhacay waqtigii loogu talagalay, waxaana loo baahan yahay in la dardargeliyo.

Waxaan ku boorrinaynaa madaxda heer qaran iyo kuwa Dowlad Goboleedyada iyo hay’adaha daadihiya doorashada inay si dhakhso leh ugu dhaqaaqaan dhameystirka doorasho loo dhan yahay laguna kalsoonaan karo ee Golaha Shac abka ka-hor dhamaadka 2021-ka, iyadoo la ixt iraamayo qoondada haweenka ee ugu yaraan 30 boqolkiiiba.

Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa maamulka Galmudug in uu soo doorto labada kursi ee ha rsan si loo dhameystiro geedi-socodka door ashada Aqalka Sare.

Saaxiibada caalamku waxay ogsoonyihiin ku-dhowaaqistii dhowaan lagu dhawaaqay in xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweyna ha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Waxaan ugu baaqaynaa labada hogaamiye in ay si degdeg ah u fuliyaan qodobbada lagu heshii yay, oo ay diiradda saaraan arrimaha mudnaanta u leh qaranka, gaar ahaan dhammaystirka geedi-socodka doorashada.

Saaxiibada caalamku waxay mar kale ku baaq ayaan in si buuxdo oo dhakhso ah loo fuliyo he shiisyadii 17kii Sebtembar 2020kii iyo 27kii Maajo 2021ka.

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jar malka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, No rway, Qadar, Sacuudiga, Suudaan, Iswiidhan, Isw isarland, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Taliyaha militariga Kenya oo si kulul uga had lay go’aankii maxkamada ICJ ee badda Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya (KDF), Jen eraal Robert Kibochi ayaa sheegay in Kenya iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xuduud wadaag ah, sidaas darteedna loo baahan yahay in si wadajir ah xal loogu helo muranka ka dhaxeeya.

"Soomaaliya iyo Kenya waa deris, waxaa loo ba ahan yahay in aan ku heshiinno inaan ku wada noolaanno si wadajir ah, sababtoo ah rumee ama ha rumeysan, Carruurta Soomaaliyeed waxay aadaan iskuullada Mandheera, oo ay daryeel caafimaad ka helaan”, ayuu yiri Kibochi.

Wuxuu sheegay in haddii wada hada lka labada dal uu fashilmo, in ciiddama da difaaca Kenya xaqiijin doonaan in ta ako ka mid ah dhulka Kenya loo oggolaan doonin in lagu daro Soomaaliya.

Jeneraal Robert Kibochi wuxuu sheegay in Ke nya ay ka hortagi doonto dhammaan khataraha ku soo wajahan, oo ay ku jiraan kuwa ka imaana ya dacaayadaha iyo macluumaadka baraha bulsh ada.

Dowladda Kenya ayaa aad uga caraysan go’a ankii bishii hore kasoo baxay maxkamadda ICJ, taasoo lagu go’aamiyay in Soomaaliya ay leeda hay dhul baddeedka labada dal ay ku muransana ayeen.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka hadlay walaaca ku saabsan xaaladda deg degga ah ee dalka Itoobiya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ant onio Guterres oo ka hadlay walaaca ku saabsan xaaladda degdegga ah ee dalka Itoobiya.

Guterres "waxa uu aad uga walaacsan yahay rabshadaha sii kordhaya ee Itoobiya iyo ku dha waaqista xaalad degdeg ah oo dhowaan lagu soo rogay,” afhayeenka madaxa Qarama da Midoobay, Stephane Dujarric, ayaa bayaan ku yiri. "Xasiloonida Itoobiya iyo guud ahaan gobolka ayaa halis ku jira.”

Xaalada degdega ah ayaa timid kadib shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirada xili ay sii kordhayaan iska horimaadyada ay kula jir aan jabhada Tigray People’s Liberation Front (TPLF) iyo Jabhada Oromada ee Shene (OLA-shene). Dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah 29-kii Juun, waxayna kala baxday ciidamadeeda Tigrayga, ka dib ciidammada fallaagada ayaa isku fidiyay gobollada ay dariska yihiin ee Amxaarada iyo Canfarta.

Malaayiin qof ayaa ku barakacay cola dda, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, iya doo ka digaysa masiibo bini’aadantinimo.

Guterres ayaa ku celceliyay ” baaqiisa ku aa dan in si deg deg ah loo joojiyo colaada, gargaar bini’aadantinimo oo aan xadidneyn si loo gaarsi iyo gargaar nafo lagu badbaadinayo oo deg deg ah, iyo wadahadal qaran oo loo dhan yahay si loo xaliyo dhibaatadan loona abuuro aasaaska naba dda iyo xasiloonida dalka oo dhan,” ayuu hadal kiisa raaciyay afhayeen Dujarric.

MAXKAMAD XUKUN KU RIDAY SARAAKIIL KENYAN AH OO DILAY HAWEENEEY SOOMAALI AH.

Maxkamadda Sare ee Ismaamulka Garissa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa10 sano oo xabsi ah ku xukuntay labo sarkaal oo booliiska Kenya ka tirsan, kuwaas oo lagu eedeeyay inay saddex sano kahor Cabdiya Cumar Aadan

ku dileen deegaanka Ramu ee Ismaamulka Man dheera.Labada sarkaal oo lagu kala magacaabo Denis Langat iyo Kennedy Okuli ayaa markii uu dil ku dhacay la soo taagay maxkamad, balse maxk amadda oo eegeysa xaalado gaar ah sida halka uu dilku ka dhacay ayaa go’aansatay in dilkaasi uusan ahayn mid ula kac ah.

Bishii July ayaa dembi lagu helay la badan nin, kaddib markii ay baa ritaan sameysay Waaxda Kormeerka Booliiska (IP OA). Waaxda oo xukunka kaddib warbixin soo saa rtay ayaa sheegtay inay ka go’an tahay caddaalad u raadinta dadka la midka ah Cabdiya.

Cabdiya oo 63 jir ahayd ayaa la toogtay 10-kii November, sanadkii 2018, kaddib howlgal ay bool iisku ka sameeyeen gurigeeda, iyagoo doonayay inay soo xiraan wiilkeeda oo looga shakisanaa inuu daroogada ka ganacsado.

Labada sarkaal ee dilka geystay ayaa kaddib la soo xiray, waxaana la soo taagay Maxkamadda Sa re ee Garissa, iyadoo markii dambe damaanad lagu sii daayay.

Sida uu qoray wargeyska The Star ee Kenya ka soo baxa, baaritaan lagu sameeyay meydka Cab diya ayaa wuxuu muujiyay inay u dhimatay dhiig-bax ka dhashay rasaastii lagu dhuftay. Rasaaska ay aa Cabdiya kaga

 


 


=NASASHADA JIMCAHA.Q- 277.=SOMAL IDU IYAGA OO INTAAN KA BADAN HELI KA RO MIYEY ISKA FADHI IYO MAAM ULO FADHIID AH KU QANACDAY!!!.


1. Nin Beeraley ahaa iyo Xaaskiisa ayaa waxa ey lahaayeen Hal wiil iyo Hal Dameer. wiilkii ayeey Qurbaha u direen. Maalin iyaga oo Gurigii ka maqan ayaa Tuug Beeraleey ahi ka xaday Dameerkii. Saddax Maalin ayuu raadinayay soo mana helin.

Tuugii ayaa Saddax Maalin kadib, Dameerkii Khudaar ku soo Rartay, si uu Suuqa ugu iib geeyo. Ninkii Tuuga ahaa ayaa Makhaayad galay. intii uu Makhaayadda ku maqnaa ayaa Dameerkii iska soo dhaqaaqay oo uu yimid Gur igii laga Xaday.

Ninkii lahaa Dameerka ayaa Banaanka u soo Baxay oo arkay Dame erkiisii oo Khudaari ku raran tahay. Xaaskiisii ayuu u yeeray, kuna yiri: Damee rkeenu Saddax Maalin oo kaliya ayuu maqnaa, intaan oo Khudaar ah isagoo sido ayuuna noo yimid. Laakin Wiilkeenu Saddax Sano ayuu maqnaa welina wax nooma keenin.waxaa Fiicneed markaan Wiilkeena Qurbaha u direynay, in aan Dameerkaan Qurbaha u dirno.( F.S:1aad).

(Wiilasha iyo Gabdhaha Qurbaha joogoow, Ha hilmaa mina Waalidkii Qurbaha idiin soo dirsaday, yaan Dameerku idinka roonaan).

2. Dad badan ayaa yiraa: Qof aan khaldamin wax ma sa xo, iyo khaldku waa tilaabta ugu horeeyso ee guu sha…..Maya, Maya, in Khalad la galo oo kaliya Guul ma ahan ee khaladka oo la saxo ayaa ah talaabta ugu horeyso ee guusha.

Madaxdu yeyna ku khaldamin Dadka ey xil u magacaabayaan. Saaxiibkaa, Xoolo waad sii kartaa, Xilna waad u magacaabi kartaa, laakin Xirfad iyo Xikmad uu ku maamulo ma sii kartid.

(Somaliyeey, Khalad yaan khald lagu sixin, Saaxibadaana yaan la siin sad ummadeed oo eyna iyagu leheyn, oo eynan Maamuli karin).

3.Nin Muddo Xanuunsanaa oo aan fadhiisa karin, ayaa xoogaa Caafimaad ah helay, oo Fadhi bilaabay. waxaa lagu yiri: sii duceyso in Alla kuu sii siyaadiyo Caafimaadka oo aad istaagto ayaa dhici karto. waxa uu yiri: Aniga intaan aan helay ayaa igu filan, in aan jiifkii ka kacay oo aan iska Fadhisan karo. ( F.S: 2aad).

(Somalidu iyaga oo intaan ka badan heli karo miyey iska Fadhi iyo Maamulo fadhiid ah ku qanacday).

4.Axmed ayaa Macalinkiisii u dhigayay Maadada Joqoraafigu ku yiri: waxaa ii muuqato in aadan Maadada Joqoraafiga baraneeyn, waa maxaay Sababtu.

Axmed ayaa yiri: waxaan maqlay Aabaheey oo leh: Aduunku isbedel joogta ah ayuu ku jiraa Maalin kasta. markaa ayaan Go’aansaday in aan iska sugu Bar ashada Joqoraafiga inta Aduunyadu ka xasilayo. ( F.S:3aad)

(Somalidu Dowladnimada ma waxay sugee inta Aduunku ka xasilayo, waa goormee?)

5.Axmed oo aad u walwalsanaa, ayaa Macalinkii oo Natiijada imtixaanka Akh rinayay yiri: waxaan liiska ka soo bilaabaa hoos. waxa uu akhriyay Magacyada Ardayda points-koodu u dhexeeyso 0- 10, kadibna 10- 30, kadibna 30- 50 inta asi waa dhacday.

ka dibna 50-70, kadibna 70 -97. waxaa la sugayay Sadax Arday ee hartay oo kaliya oo points-koodu ka sareey karto 97 points. Axmed ayaa aad u farxay. Ma calinka ayaa ku dhawaaqay magacyada Labadii Arday ee points-koodu ahaa 98 iyo 99 . Axmed oo magaciisu dhinaa, ayaa aad u farxay Ardaydii oo dhan ayaa u hambalyeeysay. Macalinkii ayaa yiri: waa kuma Nacaska Zero keenay ee aan warqadda Magaciisa ku qorin. ( F.S:4aad)

(waa kuma Musharaxa helay Halkii cod ee Xumaaday).

6.Nin Xamar weyne Degan oo Sac ugu xirnaa Dabaqa hoose ayaa Xaaskiisu Daaqadda ka aragtay Tuug. Ninkeedii ayeey ku tiri : war ka kac, Sicii, Tuug ayaa u sii galaye. waxa uu ku yiri: Sug inta uu ka furanayo Adigaa la yaabi doono sidaan Tuuga u galo. war waa furtay Sicii ayeey ku tiri: waxaa uu ku yiri: Sug in ta uu la baxo. waxa ey ku tiri: war waa la baxay. waxa uu ku yiri: iska dhaaf Be eri ayuu Suuqa geeynayaa, waana soo gadaneynaa. ( F.S: 5aad)

(Musharax Madaxweyne ayaa taageerayaashiisu ku yiraahdeen: Guddi Do orasho oo aan Dhaxdhaxaad noqo karin ayaa la magacaabay. waxa uu Mush arixii yiri: suga, waxba qaadi maayaan, inta Ergada laga magacaabayo, waxaa lagu yiri: war Ergo aan la aqoon ayaa la magacaabay. waxa uu yiri: Suga inta Xil dhibaanada laga Dooranayo. waxaa lagu yiri: Waxaa la magacaabay Xildhiba ano Liiskoodu hore u diyaarsanaa. waxa uu yiri: Xildhibaano Baahan wax ma Do ortaan ee Suga inta Lacagta Qatar ka imaane. waxaa la yiri: Lacagtii waa timid, Xildhibaanadiina waxa ey doorteen, Ninkii Liiskooda markii horeba soo qortay. waxa uu yiri: Iska dhaafa, 4 Sano kadib sidaan u galo ayaad la yaabi Doontiin) 

Qore: Yahya Amir

DOWLADDA ITOOBIYA OO WACAD KU MARTAY INAY KA ADKAANEYSO JABHADDA TIGRAY

Dowladda Itoobiya ayaa wacad ku martay inay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto xoogaga fallaagada Tigreega,

inkastoo ay sii kordhayaan baaqyada caalamiga ah ee ah in xabbad joojin la

sameeyo. Warbixin lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu she egay in Itoobiya ay ku jirto dagaal ay ku badbaadinayso jiritaanka waddan ka, isla markaana aysan ku joojin doonin dacaayad shisheeye.

Waddamada Afrika, Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa ku celceli yay baaqyada ku aaddan xabbad joojinta, iyo in wada-hadalal lagu soo afjarayo colaadda. Waxaa Itoobiya booqasho ku jooga ergeyga gaarka ah ee Marayk anka u qaabilsan Geeska Afrika, Jeffrey Feltman, kaasoo ku dedaalaya in wadahadal lagu dhameeyo colaadda Itoobiya.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa sheegtay inay ka wal aacsan tahay dagaalka sii xoogeysanaya ee Itoobiya, ayna si dhaw indhaha ugu hayso xaaladda waddankaas.

Dhanka kale Xooggaga Tigray ee la dagaallamaya dowladda Itoobiya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin gelitaanka caasimadda Addis Ababa, walow aysan dooneyn inay xukunka la wareegaan.

BANAANBAXYO WAAWAYN OO LOOGA SOO HORJ EEDO KOOXDA TPLF OO KA DHACAY MAGAALO OYIN KAMID AH DALKA ITOOBIYA

Shalay oo Jimce ah, Banaanbaxyo waawayn ayaa ka dhacay dhawr magaalo oo kamid ah dalka Itoobiya, banaanbax yadan ayaa ahaa kuwo looga soo horje edo TPLF, isla markaana lagu taageerayo dowladda.Meelaha ay banaanbaxya du ka dhaceen waxaa kamid ah, magaalooyinka waawayn ee degaanka Oromiya oo shacab aad u tiro badan isugu soo baxeen waddooyinka, iyagoo watay boodhadh ay ku qornaayeen odhaahyo ay ku cabirayaan sida ay uga soo ho rjeedaan kooxda TPLF.

Magaalooyinka kale ee laga banaanbaxay waxaa kamid ah magaalada Diridh abe, oo dad badani isugu soo baxeen garoonka wayn ee kubadda cagta, halka as oo ay isugu yimaadeen shacabkii magaalada oo ay weheliyaan qaar kamid ah masuuliyiinta ismaamulka Diridhabe.

Guud ahaan banaanbaxyada Shalay ayaa ahaa kuwo dadku kaga soo horjee deen kooxda TPLF, isla markaana lagu taageerayay hawlgallada dowladda ee ka dhanka ah TPLF. waxayna kusoo hagaagayaan banaanbaxyadan xilli xaalka Itoobiya uu meel adag marayo, iyadoo dalkuna uu ku jiro xaalad deg deg ah, dowladduna ku adkaysanayso inay meel saarayso kooxda TPLF.

WARARKII UGU DAMBEEYEY WEERARKA KU WAJAH AN ADDIS ABABA EE LAGU QABSAN RABO

Dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu weecinayo weerar lagu qaado caa simadda Ethiopia ee Addis-Ababa ayaa Shalay xoogeystay kadib markii cii damada Tigray-ga ay toddobaadkan u siqeen dhanka caasimadda.

Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Jeffrey Feltman ayaa Shalay gaaray magaalada Addis Ababa, si uu u cadaadiyo in la hakiyo howlgallada militari loona billaabo wadahadallo xabad joojin ah.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku baaqay kulan ay hog aamiyayaasha Bariga Afrika isugu yimaadaan 16-ka November si looga wad ahadlo dagaalka dowladda Ethiopia iyo kooxda Tigrayga ee TPLF.

Sidoo kale, ururka goboleedka IGAD ayaa ku baaqay xabad joojin deg deg ah, wuxuuna dhinacyada ku booriyey inay muujiyaan isxakameyn.

Xogyahaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa isna sheegay inuu la hadlay ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, una yaboohay taageerada xafiiskiisa si loo abu uro jawi wadahadal loona joojiyo dagaalka.

Dhinaca kale, safaaradda Mareykanka ee Addi s Ababa ayaa Dorraad ogolaatay inay qaar ka mid ah shaqaalaha iyo qoysaskooda ka bixi karaan magaalada sababo la xiriira colaadda.

Washington ayaa Arbacadii sheegtay "inay si xooggan uga walaacsan tahay” xaaladda, waxayna ku baaqday in la hakiyo howlgallada militari.

"Waaxda Arrimaha Dibedda waxay ansixisay in shaqaalaha aan lagama maarmaanka aheyn iyo qoyasaskooda ay ka tagi karaan Ethiopia sababo la xiriira dagaalka hubeysan, kacdoonka shacabka iyo suurta-galnimada ga abis ku yimaada sahayda,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee Addis-Ababa.

Dowladda Abiy ayaa Talaadadii waxay xaalad deg deg ah gelisay dalka kadib markii Tigray-ga ay ku hanjabeen inay qabsan doonaan caasimadda.

Ciidamada Tigray-ga ayaa ku sugan magaalada Kemise ee gobolka Amxaarada oo 325 km u jirta Addis-Ababa, sida uu sheegay afhayeenka TPLF Getachew Reda.

Caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa ayaa waxaa lagu qabsan karaa "bil gudahood haddiiba aanay aheyn toddobaadyo,” waxaa sidaas sheegay kooxda Oromada ee xulafada la sameystay kooxda Tigrayga.

Kooxda Tigrayga ee TPLF iyo kooxda Oromada ee OLA ayaa sheegtay in maalmihii tegay qabsadeen dhul badan, kadaal dagaal xooggan oo ay la galeen ciidamada dowladda Abiy Ahmed.

Afhayeenka OLA, Odaa Tarbii ayaa sheegay in kooxda ay damacsan tahay inay riddo dowladda Abiy, wuxuuna in xafiiska laga eryo Abiy Ahmed ugu yeeray "dhammaad aan laga baaqsan karin.”

"Haddii xaaladda ay sidan ku socoto, waxaan ka hadleynaa bilo, haddiiba aanay aheyn toddobaadyo,” ayuu yiri.

Afhayeenka dowladda Legesse Tulu kama jawaabin codsi jawaab celin oo loo diray. Reuters + VOA




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip