Labo qof oo ka mid ahaa dadkii saarnaa diyaarada ayaa la sheegayaa in uu dhaawac fudud ka soo gaaray diyaarada, guud ahaan dadkii saarnaa Diyaarada iyo Shaqaalaha waxa ay gaarayaan tiradooda lix ruux oo sida la sheegay u dhashay dalka Masar.
Magacyada dadka saarnaa diyaarada ee ka bad-baaday shilkaasi ayaa lagu kala sheegay.
Taariq Bayonmay.
Saalax Cabdi Saadaq.
Axmed Baradaj.
Maxamed Subxi.
Calaa Raflax.
Shaxata Shanoni.
Dowladda Somaliya weli si rasmi ah ugama aysan hadlin diyaaradan oo ah mid qaada xamuulka, waana diyaarad weyn oo lagu magacaabo Tri-StarAir Cargo.
Dadka reer Muqdisho ayaa saaka si aad ah u hadal haayo diyaaradan oo xalay dareen baqdin leh ku abuurtay dadka Magaalada ku nool, kolkii ay muddo saacad ku dhaw hawada Magaalada Muqdisho ku dul wareegaysay, maadaama cagaha ay u bixi waayeen oo ay degi weyday diyaarada.
Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Diyaarada ku dhacday deegaanka Carbiska ee Gobolka Shabeellaha hoose
Ciidamada Amisom, ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka goobta ay diyaaradan ku soo dhacday oo ah deegaanka Carbiska, gaar ahaan dhulka banaan ee u dhaxeeya Carbiska iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose.