HALKAAN KA AKHRISO :- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 3-DA NOV. 2021-KA

0
Wednesday November 03, 2021 - 08:38:31 in Wararka by
  • Visits: 417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO :- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 3-DA NOV. 2021-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

11 Beel oo Rooble u gudbiyey Diidmo ka dhan ah mid ah deegaan doorashada

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Odayaasha dha qanka 11 beel oo ka mid ah kuwa daga gob olka Hiiraan si looga wada hadlo kuraasta aqalka hoose ee taalo Magaaladaas .

Sida xogta sheegeyso, oday aasha dhaqanka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ka codsaday in kuraasta ka taalo magaalada Be ledweyne loogu soo wareejiyo caasimadda ma amulkaas ee Jowhar maadaama madaxweyn aha HirShabelle Cali Guudlaawe loo diiday in uu tago halkaas.

25-ka Kursi ee taalo magaalada Beledwe yne waxaa 8 kamid ah iska leeh beesha Xaw aadle ee diiday inuu Cali Guudlaawe tago mag aalada Beledweyne halka 17-ka kursi ee kale ay leeyihiin Beelaha ay odayaashooda u tag een Ra’iisul Wasaare Rooble.

Odayaasha la kulmay Ra’iisul Wasaare Ro oble ayaa gudbiyey walaacooda ku aadan in haddii Cali Guudlaawe uu tagi waayo Beledw eyne ay, taas ka dhigan tahay in Beesha Xa waadle ay maamuli doonto kuraastooda mid aas oo ay ku tilmaameyn wax aan la aqbali karin.

Sida ilo waareedyo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Caasimada Online Ra’isul Wasaare Rooble ayaa odayaasha dhaqanka u ballan qaaday in dib u eegis lagu sameyn doono ku raasta taalo Beledweyne haddii ay Beesha Xa waadle ku adkeysato go’aanka ay Cali Guudla awe ugu diideyn Beledweyne.

Doorashada Golaha Shacabka ee Baarlam aanka Soomaaliya ayaa bilaabatay Dorraad iy adoo lagu bilaabay laba kamid ah kuraasta reer waqooyiga ee taala Caasimadda Soom aaliya ee Muqdisho.

Inkastoo ay ceebo badan hareeyeen doora shadii Dorraad haddana waxay dhinaca kale ka dhigan tahay in toos loo guda galay doora shadii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Arrimaha aan weli la helin ee ku gadaaman doorashada Golaha Shacabka waxaa kamid ah khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Hir Shabelle Cali Guudlaawe iyo Beesha Xawa adle oo si weyn uga hortimid awood qeysiga maamul Goboleedka Hirshabelle.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Oo Hakiyey Natiijada Doorashadii Uu Kusoo Baxay Mah di Guuleed

Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyi nka ayaa hakiyay ku dhawaaqista Natiijada rasmiga ah ee kursiga Nambarkiisu yahay HOP239 oo Dorraad doorashadii ka dhacday Xarunta Tababarka Booliska Gen. Kaahiye loo gu doortay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mah di Maxamed Guuleed Khadar.

War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga Xali nta Khilaafaadka ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga uu qabtay dacwad uu soo gudbiyay Musharax Xuseen Carab Ciise oo kurisga loo doortay Mahdi Guuleed ku fadhiyey afartii sa nno ee lasoo dhaafay.

Guddiga ayaa faray Guddiga hirgelinta door ashada heer Federaal in la haliyo ku dhawaa qista natiijada rasmiga ee kursigaas laga bila abo 2 November inta Guddiga Xalinta Khilaaf aadka uu go’aan ka gaarayo dacwada laga soo gudbiyay kursigaas.

Sidoo kale Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa caddeeyay in dhageys iga dhinacyada ay khuseyso dacwada iyo Go’ aan ka gaarista dacwada ay ku dhameystiri doonaan muddo 7 maalmood gudahood oo ka bilaabaneysa 2 November 2021.

Ugu dambeyn Guddiga Xalinta Khilaafa adka ayaa Guddiga doorashada heer Federaal iyo kuwa Gobolada Waqooyi ee Somaliland ka dalbaday inay arrintaan si dhow ugala shaqeey aan xubnaha gacanta ku haaya dacwada ee ka tirsan Guddiga Xalinta Khilaafaadka door ashooyinka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saareen Guddiga Xalinta Khilaafaad ka

Puntland oo qaaday tallaabo ka dhan ah gu ddoomiyaha guddiga doorashada dalka

Maamulka Puntland ayaa joojiyay Madal la gu martiqaaday Guddoomiyaha guddiga doora shada federaalka, Maxamed Xasan Cirro, taasi oo qorshuhu ahaa in Xalay ay ka dhacdo magaalada Garoowe.

Amar kasoo baxay maam ulka Puntland ayaa waxa lagu wargeliyay Madaxda Warbaa hinta Daljir inaysan bishan qa ban karin Madasha Daljir, oo ay ku casuumen Guddoomiye Cirro.

Amarka lagu joojiyey Madasha ayaa waxay maamulka Puntland ku sheegtay in barnaam ijka uu la socon karin siyaasadda maamulka Puntland.

Madaxda Daljir aya sidoo kale shaaciyey inay u hogaansameen amarka uga yimid ma amulka Puntland, islamarkaana ay joojiyeen barnaamijkaas, ayaga oo sheegay in uusan ku saabsaneyn siyaasad. "Barnaamijka Madasha Daljir ee Xalay wax siyaasad ah kuma lug laheyn, fikirkana anaga ayuu naga yimid, balse waa u hogaansameena amarka xukuumadda Puntland,” ayuu yiri Maxamed Welcome oo ka mid ah mas’uuliyiinta Daljir.

Puntland ayaa u aragta barnaamijka lagu casuumay Guddoomiye Cirro mid siyaasadeed oo dano gaar ah laga leeyahay, taasi oo ay u cuskatay amarka gebi ahaanba lagu joojinayo

Dowladda Shiinaha oo sheegtay inay xooj ineyso Xiriirka kala dhaxeeya Somaliya.

Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa So omaaliya u soo magacawday Danjire cusub oo nuqul ka mid ah Waraaqaha aqoonsiga ku wa reejiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashi ga Caalamiga XFS Maxamed Cabdirisaaq Cumar.Kulan gaar ah oo dhe xmaray Wasiir Cabdiri saaq iyo Danjire Fei Shengchao wa xay uga wada hadleen xiriirka labada geesoodka ah ee ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Dhi ggeeda Shiinaha sida lagu sheegay qoraal la gu daabacay Barta Wasaaradda Arrimaha Dib adda XFS.

Danjiraha cusub ayaa ballanqaaday in uu sii wadayo dedaallada uu hayay Safiirkii lagu bedelay oo ah xoojinta Xiriirka u dhaxeeya Xuk uumadaha Beijing & Muqdisho oo waqti fog soo jireen ahaa sida hadalka loo dhigay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa soo dhaweeyay dedaalka xooggan ee Danjiraha uu ku muujinayo in uu kusii wado iskaashiga ku suntan Dhinacyada Dhaqaalaha, Ganacsiga, Beeraha, Waxbarashada, Caafimaadka & Tam arta.

Xiriirka Diblumaasi ee u dhaxeeya Jamhuur iyadda Soomaaliya & Jamhuuriyadda Shacab ka Shiinaha ayaa jirsaday 60-sano, Xukuumad aha Beijing iyo Muqdisho ayaa sheegay in ay diiradda saarayaan ka faaiideysiga cilaaqaad kooda.

Dowladda Somalia Iyo Mareykanka Oo Ka Wada Hadlay Doorashooyinka Dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda xilgaarsiinta Maxa med Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho la qaatay Siihayaha Safaaradda Mareykanka Soomaaliya Marwo. Colleen Crenwelge.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iska ashiga, si la mid ah hor umarka laga gaaray amn iga iyo siyaasadda, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Kulanka ayaa la iskula eegay xaaladihii u gu dambeeyay ee dunida iyo Gobolka, sidoo kale arrimaha doorashooyinka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaal ka Soomaaliya, iyo u diyaar garowga qabasha da doorashada Madaxweynaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa Siihayaha Safaaradda Mareykanka Warbixin guud kasiiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee siy aasadda dalka gaar ahaan Arrimaha

Doo rashooyinka dalka ka dhacaya.


Shabaab oo soo bandhigtay askar iyo saraa kiil ciidan oo ‘isku dhiibay’ + Magacyada

Kooxda Al-Shabaab ayaa munaasabad ka dhacday deegaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan ku soo bandhigtay askar iyo saraakiil ay sheegtay inay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad gob oleedka HirShabelle.

Askarta iyo saraakiisha ‘is dhiibtay’ ayey Al-Shabaab ku sheegeen inay gaarayaan illaa 9 ruux, isla-markaana ay ka how-galayeen de gmooyinka Beledweyne iyo Jalalaqsi.

Qaar ka mid ah askarta lasoo bandhigay oo wareysi lala yeeshay ayaa sheegay inay ka howl-galayeen dowladda hoose ee Beledwe yne iyo xarumo kale oo ku yaal Hiiraan.

Sidoo kale askarta qaar ee la wareystay ayaa magacyadooda waxa ay ku kala shee geen:- Ibraahim Cabdi Kariin Maxamuud, Cab dirisaaq Cali Aadan, Cabdi Xasan Maxamed, Cabdi Maxamuud Cagey, Bishaar Axmed Abii kar iyo sidoo kale Cabdifitaax Aadan.

Cabdirisaaq Cali Aadan oo ka mid ah ask arta hadlay wuxuu wareysigiisa ku sheegay in uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa dowladda hoose ee degmada Beledweyne, marna uu soo noqday hoghaye ka tirsan xafiiska guddo omiyaha gobolka, sida uu hadalka u dhigay.

"Beledweyne ayaa ka imaaday walaal dowlad da hoose ayaan ka shaqeynaayey xogheyn ayaan ahaa,” ayuu yiri Cabdirisaaq.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray "Xafi iska guddoomiyaha gobolka ayaa kow ka sha qeyn jiray, qeybta soo dhoweynta,” ayuu hada lkiisa sii raaciyey.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maam ulka Beledweyne iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Hiiraan, kuna aadan ar rinta askartaas ‘isku dhiibtay’ Al-Shabaab.

Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoog an tahay Al-Shabaab, waxaana ugu yaalla xar umo waa weyn, sida maxkamado iyo saldhigyo ay dagan yihiin dagaalyahanadeeda

Xigasho:Caasimadda.Net

Maamulka Hirshabeelle Oo Baaq Gurmad U Diray DFS

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Gob oleedka Hirshabeelle Dr Cabdixakiin Lukmaan Maxamed ayaa kormeeray qeybo ka mid ah xaafadaha iyo hareeraha Magaalada Jowhar oo ay go’doomiyeen roobabkii maalmahan ka da’ayay Caasimadda Jowhar.

Guddoomiye Cabdixakiin Lukmaan iyo Mas ’uuliyintii kormeerka ku wehlineysay waxey u kuur galee xaaladda dhabta ah ee ka jirta xa afadda badda cas ee Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe. Sido ka le waxaa ay booqdeen Isbitaalka waabyarey ee Hooyada iyo dhallaanka ee Xafadda Hanti wadaag, isla markaana gaarsiiyay deeq daawo ah oo loogu tala-galay dadka fatahaadaha saa meeyen.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamaan ka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ugu baaqaya Bulshada Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka iyo cid walba oo wax heysta inay usoo gurmadaan dadkan fatahaada Webiga iyo Roobabka saameeyen.

Madaxweyne Deni Oo Taliye Cusub U Mag acaabay Ciidanka Booliska Puntland (Ware egto)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntl and Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 32 ee 1-da November 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciid anka Booliska Puntland ee Maamulkaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ma daxweyne Saciid De ni ayaa waxaa xil ka Taliyaha Ciidan ka Maamulka Puntland loogu magacaabay in uu noqdo S/Guuto Maxamed Cali Xaashi, ka asi oo bedelaya Taliyihii hore ee Ciidanka Boo liska Guuto Cabdi Xasan.

Ciidamada Booli ska dowlad Gobol eed ka Puntland ay aa waxaa la faray in ay la shaqeeya an Taliyaha cusub ee la magacaabay, sidoo kalena waxaa Taliye Maxa med Cali Xaashi laga dalba day inuu si toos ah u guto wa ajiba adkiisa shaqo.

Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista ee uu soo saa ray Deni.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobk iisa 80-aad.

Markuu la tashtay: Madaxweyne Ku-xigeen ka Dowladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

1- Waxaa S/Guuto Maxamed Cali Xaashi loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay DHAMMAAD

Goodax: Shacabka waxay mar dhow dowla dnimo u raadsan doonaan Shabaab

Wasiirkii hore ee wasaarada waxbarashada xukuumada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo sidoo kalena ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay gacanta ku hayso maamulka magaalada Muqdisho.

Goodax Barre ayaa dow ladda federaalka ku tilm aamay mid ka liidata Al-Shabaab, islamar ka ana bulshada Soomaaliye ed ku kalifay inay Shabaab u doontaan cadaalad, sida uu she egay.

"Umadda Soomaaliyeed ayey ku kalifeen Inay cadaalad u doontaan Shabaab, hadda do wladnimada ayey u doonanayaan sida ay had da ku socdaan haddii ay kusii socdaan,” ayuu yiri Goodax Barre.

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaal iya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay ka taliso magaalada Muqdisho, ayna u harsan tahay in calanka madow laga ta ago oo keliya.

"Aamin ha aaminin Shalay Shabaab isaga ka taliya Xamar, waxay ka doodayaan keliya calankii madow miyaa soo celinaa mise kuwan waa xoolo amay nagu kacaan gaalada, hadda waa maamulna ee aan ka joogno, noocaas ay ey Shabaab u maamulan Xamar.”

Hadalkan ayaa imanaya xili muddooyinkii dambe laga deyrinayay canshuuraha tirada ba dan ee kooxda ay ka qaatan ganacsatada ma gaalaada Muqdisho, ayada oo ay joogto dowladda federaalka Soomaaliya.

Puntland oo joojisay kulan dadweyne oo su'aallo lagu weydiin lahaa guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliya

Puntland ayaa Shalay joojisay kulan dadweyne oo guddoomiyaha guddiga hirgalinta doora shooyinka Soomaaliya lagu weydiin lahaa su’ aallo ku saabsan arrimaha doorashooyinka dal ka iyo halka ay wax marayaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland iyo dim uqraadiyaynta, Maxamed Cabdiraxmaan Dhab ancad, ayaa lagu eedeeyay inuu bixiyay am arka lagu joojiyay kulan ka dadweyne ee gud doomiye Maxamed Xa san Cirro.

Lama garanayo uje edada loo joojiyay kul ankaan, wuxuuna ku soo beegmay maalin ka dib markii madaxw eyne Deni iyo guddoomiye Cirro ay kaw ada hadleen dardar galinta qa bashada doorashooy inka golaha shacabka.

Bulshada rayidka ah ee kulankaas kasoo qeyb galay ayaa si weyn u cambaareeyay tall aabada lagu joojiyay kulankaas, waxayna ku tilmaamay arrin mujinaysa dowladdu in aysan raali ka ahayn in dadweynuhu ka wax ogadaan geeddi socodka doorashooyinka dalka.

Madaxda barnaamijkan qaban qaabinayay ayaa sheegay in markii goobta la isugu yimid oo kulanku bilaaban lahaa uu wasiirka arri maha guduhu amar kusoo bixiyay in kulankaas la joojiyo, mana bixin wasiirku wax sabab ah oo loo joojiyay.

Puntland oo deegaannadeeda ka mamn uucday diyaaradaha loo yaqaan Drone

Puntland oo deegaannadeeda ka mamnuucday diyaaradaha loo yaqaan ‘Drone) ee dhul ka laga hago ku waas oo ay Warbaahintu u adeeg sato Muuq aalada & Sawi rqa adista.

Warxaafadeed kasoo bax ay Wasaaradda Amn iga ay aa lagu sheegay in cidii la gu arko tilaabo shar ciga wa afaqsan laga qaadi doono.

C/HI DHEERE: "HADDII LA I DOORTO WAXAAN LABA LAABAYAA HOWSHII AAN BULSHADA U HAYAY”

Cabdullahi Axmad Maxamad (Cabdullahi Dheere) oo ka mid ah xubnaha caanka ka ah gobolada Hirshabele iyo Banaadir ayaa ku

 dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxa ka dalbaday xildhibaanada Hirshabelle, waxgaradka iyo odayaasha inay u doortaan kursiga aqalka hoose ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka sumadiisu tahay hOP106.

Musharax C/llaahi dheere oo muddo toban sano ka badan howlo kala duwan ka hayay gobolada sh/dhexe iyo Banaadir oo ay degaan beesha uu ka soo jeedo ee Galmaax Yoonis sida dib u heshiisiinta iyo nabadeynta beelaha dirirtu dhex marto, isagoo ka qeyb qaatay dhab u heshiisiinta beelo wada dega degmooyin ka tirsan Sh/dhexe.

Haddii la i doorto waxaan laba laabayaa howshii aan bulshada u hayay” ayuu yiri Musharax C/llaahi dheere oo ku caan baxay u ololeynta matalaad dhab ah oo dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir ay ku yèeshaan Dowladda dhexe ee Federaalka ah, wuxuuna tilmaamay in arrintaasi ay dib u dhac ku keentay horumanka beesha Galmaax Yoonis oo degta labada gobollada Shabeelooyinka ee deriska ah.

C/llaahi dheere ayaa sheegay bacdamaa aanay jirin u doodeysa beesha Galmaax Yoonis amaba u mataleysa Baarlamaanka uu isagu go’aansaday inuu isku sharxo Xildhibaanimada aqalka hoose ee Baaralamaanka Federaalka, wuxuuna ballanqaaday inuu wax ka qabanayo dhibaatooyinka ka jira degaan doorashadiisa.

"Degaanada aan ka soo jeedo waxaa ka jira dib dhac weyn mana jiro adeegyadii asaasiga ah ee nolosha sida caafimaadka, waxbarashada iwm” ayuu yiri musharaxa oo sheegay in haddii la doorto uu wax ka qabanayo sanadka ugu horeeya baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan dadka ka soo jeeda degaanadaasi.

Musharax C/llaahi dheere oo si dhow ula socda xaaladaha ay ku sugan yihiin bulshada degta gobolada Banaadir, Sh/hoose iyo Sh/dhexe ayaa nasiib darro ku tilmaamay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta dowladda u matala ay dayaceen mas’uuliyadii ka saarneyd u adeegida shacabka balse taasi bedelkooda ay ka shaqeeyeen danahooda oo kaliya.

"Ma noqonayo masuul dantiisa raacda hase yèeshee waxaan noqonayaa sida horay la iiga bartay shaqsi si dhab uga soo dhalaala howsha loo igmaday” ayuu yiri Musharax C/llaahi dheere. Dhinaca hadalka musharxa ayaa ku soo beegmay iyadoo la doortay labadii xildhibaan ee ugu horeeyay aqalka hoose ee golaha shacabka oo la filayo in doorashooyin ay ka dhacaan gobolada dalka oo dhan.


DAGAAL SABABAY DHIMASHO IYO DHAAWAC OO SHALAY KA DHACAY GOBOLKA MUDUG


Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal khasaare geystay oo Shalay aroortii hore ka dhacay qeybo ka mid ah koonfurta gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalka si gaar ah uga dhacay deegaanka Dhagtuur ee gobolaasi, wuxaana la sheegay inuu salka ku hayo kufsi loo geystay Gabar yar oo Shalay gurigeeda lagala baxay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi oo ka dhacay duleedka deegaanka Dhagtuur uu ku dhintay ugu yaraan 1 qof, ayna ku dhaawacmeen 2 kale, sida ay sheegeen ilo degaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in weli xiisad ka dhalatay dagaalka ay ka taagan tahay miyiga deegaanka Dhagtuur oo dhaca koonfurta gobolka Mudug.

Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka ayaa lagu soo warramayaa inay ku baxeen falkaasi dilka ah, waxaana haatan ay wadaan howl-gal lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey dilkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi sababay dhimashada ee Shalay aroortii hore ka dhacay deegaanka Dhagtuur ee Mudug.

Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa deegaanada Galmudug ku soo badanayey dagaallada, waxayna salka ku hayaan aano qabiil oo ka taagan gobollada Galgaduud iyo Mudug.


CIIDAMO KA TIRSAN PUNTLAND OO HAL ARRIN DARTEED SHALAY U XIRTAY WADDO MUHIIM AH


Wararka aan ka heleyno wadada laamiga ah ee u dhexeeya Magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa ku warramay in duhurnimadii Shalay wadadaas ay xirteen Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Maamulka Puntland.

Ciidamada oo ah kuwo ka gadoodsan Mushaar la’aan soo wajahday bilihii lasoo dhaafay ayaa jidgooyo dhigtay wadada, isla markaana xannibay isu-socodka laamiga dheer, iyadoona ay hakad galeen isku socodka gaadiidka mari lahaa halkaas.

Dad ayaa soo weriyey inay arkayeen Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Maamulka Puntland oo ay u xiran tahay wadada xiriirisa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland iyo Laascaanood, kuwaasi oo watay gaadiidka nooca dagaalka.

Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa la tilmaamay inay xiligaan ku xaniban yihiin wadada, isla markaana Ciidamada ay u diideen gaadiileyda inay wadada maraan, iyagoona u sheegay in aysan marin wadada oo dib uga laabtaan.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in dadaalo kala duwan ay socdaan oo lagu doonayo in Ciidanka gadoodsan lagu xaliyo, lana siiyo Mushaaraadkooda ay xaqa u leeyihiin, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Daraawiishta Maamulka Puntland.


 


CUTUBYO KA TIRSAN DANAB OO TABABAR LOOGU SOO XIRAY BALLI-DOOGLE


Cutubyo ka tirsan Xoogaga Kumaandooska Soomaaliyeed ee Danab ayaa Shalay tababar loogu soo xiray Xerada Tababarka Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha Hoose. General Cabaas Amiin Cali, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa tababarka u soo xiray ciidankan, oo noqonaya dufcaddii 7aad ee Kumaandooska Danab.

Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab, G/dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare) ayaa sheegay in ciidamada tababarka loo soo xiray ay u badan yihiin ardayda sanadkii hore ka qalin jebisay fasalka 12aad ee dugsiyada dalka.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabaas Amiin Cali oo ka hadlayay munaasbadda tababarka loogu soo xiray ciidankaasi ayaa kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, isla-markaana ay ka dhabeeyaan difaaca Qaranimada Soomaaliyeed.Kumaandooska Danab oo Mareykanka uu tababaro ayaa u tababaran la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.


 Madaxdii La Afgembiyay Ee Suudan Oo La La’yahay, Xili Ay Ku Jiraan Xaalad Halis Ah

Qareeno matalaya hoggaamiyayaasha rayidka ah ee Suudan ee lagu xabisay afga mbigii Militari ee dalkaas ka dhacay todd obaadkii tegay ayaa sheegay inaan la garaneyn meel ay ku sugan yihiin, ay na ku jiraan xaalad sharci oo halis ah.

Toddobaad kahor, ciidamada ayaa xiray Ra’iisul Wasa are Cabdalla Hamduuk, Wasii radiisa iyo hoggaamiyayaasha Rayidka ee hoggaaminayey xaaladda kala guurka ee Suudan ay ugu gudbeysay nidaam dimoqr aadi ah kadib markii xukunka laga tuuray ma daxweyne Cumar Al-Bashiir 2019-kii. Wixii markaas ka dambeeyey koox qareeno ah oo ay taageerayaan qoysaska madaxda ayaa sheegay inay matalayaan madaxda. Gizouli ayaa walaac ka muujiyey badqabka maxaabi ista, wuxuuna ku baaqay in la shaaciyo hal ka lagu hayo.

Jeneraalka ugu sareeyay Sudan Cabdifa taax Al-Burhaan ayaa 25-kii October sheeg ay inuu kala diray golaha wasiirada iyo go laha qaranimada oo ka koobnaa militariga iyo rayidka.

Cabdalla Xamduuk ayaa hadda ku jira xabsi guri, hase yeeshee waxaan waxba la ga ogeyn xaaladda xubnaha kale ee golaha wasiirada. Burhan ayaa golaha qaranimada hoggaaminayey tan iyo 2019, isaga oo ka dhinac shaqeynaya Xamduuk, taasi oo qeyb ka aheyd heshiis awood qeybsi

Dad Badan Oo Loo Xir-Xiray Qarax Khasa aro Dhaliyey Oo Ka Dhacay M/Kampala

Dowladda Uganda, ayaa xirtay 48 ruux, oo loogga shakisan yahay qarax bambaano, kaasoo uu ku dhintey hal qof, magaalada caasimadda ee Kambala, taasoo lala xiriiriyey Kooxda Dowladda Islaamiga.

Sida laga soo xigtey barta Daily Monitor, dadka laga shakisan yahay, ayaa lagu eedeeyey falkii ay ku kaceen inuu yahay mid argagaxisnimo, iyadoo lagu xirey dadkani hawlgal ay sameysay hey’adda nabad sugidda.

Madaxweynaha Uganda ayaa ku dhawaaqey in weerarka qaraxani yahay mid argagaxisnimo, laakiin booliiska Uganda ayaan wax weyn kasoo qaadin sheegashada Kooxda Dowladda Islaamiga ee qaraxani.

Xiligaa kadib, ayaa dalka Yugandha, waxaa ka dhacey qarax kale oo lala beeg sadey bas, kaasoo u socdey magaalo ku taalla bartamaha dalkani ee Mbigi, taasoo uu Madaxweyne Musefeni sheegay in qaraxaasi uu ku dhintey dhagar qabihii.

Booliiska dalka Yugandha, ayaa kal hore xirey laba qof, kuwaasoo loogga shakiyey iney maal galiyaan kooxda ADF oo saldhig ku leh dalka Kongo DR, laguna eedeeyey iney ka dambeeyeen labada qaraxba.

Dowladda Itoobiya Oo Ku Dhawaaqday Xaalad Deg-Deg Ah

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xalaad degdeg ah oo dalka oo dhan saamaynaysa xilli uu sii kululaanayo dagaalka ka soconaya waqooyiga dalkaasi.

Dhanka kale warbaahinta qaranka Itoobiya ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Addis

Abab ay dadka ku boorinayaan inay labada maalmood ee aaddan ku diiwaangashadaan hubkooda gaarka ay u leeyihiin.

Arrintan ayaa imanaysa xilli uu isbahaysiga fallaagada sheegay inuu ka baaraan degayo inuu u ruqaansado dhankaas iyo caasimadda Itoobiya.

Fallaagada Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) oo tan iyo sanadkii tagay la dagaalamaysay dowladda ayaa haatan waxa ay isku xirmeen dagaalyahano ka tirsan Oromada, arrintaas oo si wayn u kaabaysa awoodooda ay guluf ugu ekayn karaan magaalada Addis Ababa.

Afhayeen u hadlay TPLF ayaa BBCda u sheegay in isbahaysigu uu isugu tagay waqooyiga caasimadda.

Horumarka ay samaynayaan ciidammada fallaagada ayaa waxa ay horseedday in ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu ku baaqo in dadku ay hubka qaataan, halka gobollada Amxaarada iyo Oromiyadana lagu soo rogay xaalad degdeg ah

Dabley aan la aqoonsan oo dad shacab ah ku laysay dalka Burkina Faso.

Dabley aan la aqoonsan ayaa weerar ku qaaday dad rayid ah oo ku sii jeeday suuq ku yaal waqooyiga Burkina Faso subaxnimadii hore ee Isniintii, halkaas oo ay ku dhinteen 10 qof, afar kalena waa la la’yahay, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Markoye ee gobolka Saaxil, sida ay wakaaladda wararka ee Anadolu u sheegeen ilo ka tirsan wasaaradda amniga oo diiday in magacooda la shaaciyo.

gu yaraan shan sarkaal oo booliis ah ayaa Axaddii lagu dilay weerar la mid ah waqooyiga dalka waxaana sidoo kale lagu dilay 15 "argagixiso” sida ay sheegtay Wasaaradda Amniga.

Weerarkii ugu dambeeyay ayaa dhacay iyadoo Burkina Faso ay u dabaal dageysay sanadguuradii 61-aad ee ka soo wareegtay aas aaska ciidamadeeda iyadoo xaflad diiradda lagu saarayay la dagaalanka argagixisada.

Hoos U Dhac Kalluumeysiga Oo Soo Wajahday Kalluumeysatada Kenya

Hubanti la’aan ayaa soo wajahday bulshooyinka kaluumeysiga xeebaha dalka Kenya kadib go’aan kasoo baxay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee Qaramada Midoobay (ICJ) oo inta badan baddii la isku haystay u xukmisay dalka Soomaaliya.

Dhulkan xeebta ku fadhiya oo dhan 100,000 kiiloo mitir laba jibaaran ayaa ah xuddunta muranka badda ee u dhexeeya labada dal ee deriska ah tan iyo sannadkii 2014-kii.

Ururada Kalluumeysiga Kenya iyo hogaanka dowlad goboleedka Lamu ee dalka Kenya ayaa soo saaray qoraalo ay ku muujinayaan dareenkooda ku aadan go’aanka maxkamada ICJ.

"Waxaan lumin karnaa ilaa 7.5 bilyan KES (EUR 57.6 milyan USD 67.1 milyan) oo dakhli qiimahiisu yahay sannadkii,” ayuu sheegay Madaxa Kalluumeysiga Lamu Simon Komu.

Guddoomiyaha Ururka Kalluumeysatada Lamu Somo Bin Somo ayaa sidoo kale sheegay in waayista goobaha kalluumeysiga, gaar ahaan aagga kalluumeysiga ee Kiunga, ay ku qasbi doonto kalluumeysata badan in ay gebi ahaanba isaga tagaan kalluumeysiga.

"Ma aha oo kaliya in boqolkiiba 80 dhaqaalaha Lamu uu ku tiirsan yahay qaybta dhaqaalaha buluugga ah, laakiin 65 boqolkiiba goobaha kalluumeysiga ee qaniga ah ee Lamu waxay ku salaysan yihiin biyaha badda ee lagu muransan yahay ee degaanka Kiunga.”

Gobolka Lamu ayaa diiwaan geliyay 7.2 boqolkiiba hoos u dhac ku yimid dhaqaalaha sanadka 2020, sida laga soo xigtay Xafiiska Tirakoobka Qaranka ee Kenya

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE SOO AFJARID DA TACADIYADA LALA BEEGSADO SUXUFIYIINTA (WARBIXIN)


Dalalka caalamka ayaa manta u dabbaaldegaya xuska munaasabadda maalinta caalamiga ah ee soo afjaridda ciqaab la’aanta dambiyada ee loo geysto qeybaha suxuufiyiinta ee ka howlgala dubida .Xuska 2-da Novembar waa maalin caalami ah oo

qaramada Midooay ay u aqoonsatay in loo dabbaaldego,isla markaana dadka lagu baraarujiyo waxtarka iyo qiimaha ay leeyihiin qeybaha suxuufiiinta iyo weliba tacadiyada lala beegsado xilliyada ay ku jiraan shaqooyinka lagama maarmaanka u ah warbaahinta.

Iyadoo la raacayo go’aanka Golaha ee tirsugiisu yahay A/RES/68/163,soona baxay 2-dii November 2013-kii ,waxa uu dhigayaa in dalka Soomaaliya iyo dunida kalebba,ay isu taagaan qodobo ay ka mid yihiin ka hortagga tacadiyada ku dhaca suxuufiyiinta iyo soo afjaridda dhaqanka la xiriira ciqaab la’aanta dadka ka dambeeya dambiyadaasi.

Haddaba,Dalka Soomaaliya,waxa uu ka mid yahay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee daneynaya in maalinta caalamiga ah ay noqoto mid lagu soo afjarayo isla xisaabtan la’aanta dambiyada dagaal ee ka dhanka ah suxufiyiinta.

Waa dhab in dalka Soomaaliya uu ka mid yahay dalalka ay sida xoogan uga jiraan tacadiyada loo geyso suxuufiyiinta,gaar ahaan dilalka,hanjabaadaha, rabshadaha iyo dembiyada abaabulan ee lala beegsado qeybaha warbaahita.

Waxaa xaqiiqo ah in sanadihi u dambeeyay Warbaahinta Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar weyn,waloow,ay barbar socdeen gumaad iyo xasuuq loo geysanaayey dadka xirfadlayaasha ah ee fursadda u helay in ay abuurtaan mustaqbal wanaagsan.

Inkasta oo dilku yahay nooca ugu xun ee hakin kara xowliga ay ku socdaan qeybaha warbaahinta,waxaa waajib ah in la helo cid u howlgasha dhowrista xorriyadda hadalka,gaar ahaan gudbinta macluumaadka iyo fikradaha dadweynaha ee lagama maarmaan u ah warbaahinta dunida.

i looga baaqsado xadgudubyo dhalin kara cabsi iyo hakad shaqo, waa in ay jiraan heyado amni oo wax ka qabta tacadiya ay ka mid yihiin afduubka, jirdilka iyo weerarada kale.

Dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay gudaha dalka Soomaaliya iyo caalamkaba,waxaa ku dhintay in ka badan 1848 ruux oo isugu jiray shaqaale warbaahin iyo suxufiyiin,kuwaas oo ku howlanaa tabinata warar iyo barnaamijyo loo gudbinaayey bulshada.

Ciqaab la’aantu, waa mid dhaawaceysa arrimaha bulshada,isla markaana dhiirigelineysa in la qariyo xad-gudubyada xuquuqda aadanaha, musuqmaasuqa, iyo dembiyada kale

In la soo gabagabeeyo ciqaab la’aanta dambiyada ee laga galo saxaafiyiinta waa tallaabada ugu muhiimsan ee dammaanad qaadaya xorriyadda hadalka iyo helitaanka macluumaad dhameystiran oo ay u baaham yihiin muwaadiniinta.

Ujeedada guud ee xuska maalita caalamiga ah ayaa ah in la isku baraarujiyo wax ka qabashada dambilayaasha ka dambeeya xagudubyada suxuufiyiinta, iyo in la helo xal lagu badbaadiyo dadka ka shaqeeya qeybaha warbaahinta .

Gabagabadii farriinta muhiimka ah ee aan gudbineyno ayaa ah in dowladda fedeaalka ah iyo bulshada Soomaaliyeed ay garab istaagaan suxuufiyiinta,isla markaana ay qaataan doorka kaga aadan badbaadinta saxafiga. WQ: Shire Xasan Kulmiye


NINBA SI U SAADAALI !!!=DOORASHADII UGU HOREYSAY EE AQALKA HOOSE AYAA SHALAY LA

 QABTAY=


Laba Xildhibaan ayaa ku tartamayay, Anigu Midkoodna ma aqaan, kii la yiri: waa guuleystay taageerayaashiisu waxa ey leeyihiin, Doorashadu si xaq ah ayeey u dhacday. kii la yiri: waa laga guuleystay iyo kii laga xirtay tartanka, taageerayaashoodu waxa ey leeyihiin xaq daro ayeey aheyd.

Haddii si Madax banaan loo fiiriyo, Aduunka waa ka dhacdaa Doorasho Lacag lagu kala raayo, Doorasho Farsamo khiyaano lagu kala raayo.

Tan Somaliya, Shalay waxa ey ku bilaabatay is boob aan la fiirineyn Sharci iyo Midaam doorasho. Xildhibaanadda Dhimanna sidaa ayeey ku dhamaanee Doorashadoodu, iyada oo la sii ogyahay Qofka la wato ee ku guuleysan doono.

Kadibna, Afhayeenadda Labada Aqal ayaa iyagana loo sii xiri doonaa Xilka, kuwo la sii ogyahay iyo Doorasho ah "iska keey dhici ama Dharka ii dhaq” ayeey ku dhamaanee. Madaxweynaha ayaa isagana loo sii xiri doonaa Qof la ogyahay, Xildhibaanadii loo xiray Kursiga ayaa iyana u sii xiri doono Kursiga Madaxweyne. Minxiis madaxweyne oo kaliya ayaa la tartami karo.

Waxaa kale oo jiro, kuwo Badan Musharixiin Madaxweyne iyo Xildhibaano ah oo aan xil rabin, laakin ku qanacsan in ey noqdaan Musharax oo kaliya, waxa dhacaayana ka dhoohan, Talaabna aan ka qaadeyn waxa socdo, Doorashada kadibna Calaacal iyo is caasis bilaabi doono.Beesha Caalamka ayaa leh, wixii soo baxo, haddaan laga daba qeylineeyn waa la shaqeeysaneynaa, Danteenana waan ku fushaneynaa.kadibna Dowlad la sii ogyahay ayaa dhalan doonto, Amaanka guud ayaa faraha ka bixi doono, wixii la soo dhisay ayaa lagu kala tagi doonaa, Qofba halkii uu Dan iyo Amman bido ayuu aadi doonaa.

Shacab iyo Siyaasi yaa dhib ku qabo? ( F.S:1aad)

Aayadii Alif wax ma leh ayey ka wareertay iyada oo loo wada jeedo.Xanuunka Al Baqro hala wada sugo, Amma Alifka hadda hala saxo.

waa Saadaal qofeed oo kaliya. Adigu Sideed u saadaalin leheyd?

FG: Arragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii ka dhiman ku dar, wixii ka khaldan ka sax.

Qore: Yahya Amir


SOOMAALIYA OO KAALINTA 5AAD KAGA JIRTA TIRADA UGU BADAN EE CARRUURTA LAGU DILAY AMA LAGU NAAFEEYAY DAGAALLADA


Warbixin ay soo saareen kooxda dabagal ku sameysa Carruurta ay saameeyeen colaaddaha hubeysan ee ka jira Soomaaliya ayaa walaac xooggan looga muujiyay khatarta ay xilligan wajahayaan carruurta Soomaaliya.

Kooxdan oo magacooda loosoo gaabiyo CAAC, waxay warbixintooda ku sheegeen in loo baahan yahay in xuquuqda carruurta ay qeyb ka noqoto dadaallada caalamiga ah si loo helo nabad waarta oo ka dhalata Soomaaliya.Wadarta guud ee xadgudubyada la xaqiijiyay ee loo geystay carruur ku nool Soomaaliya, ayaa gaaraysa 23,374 kiis, waxayna ka badan tahay dhammaan dalalka kale, 5-tii sano ee la soo dhaafay (2016-20).

Xogta ayaa muujinaysa in Soomaaliya ay tahay dalka ugu badan ee carruurta la qafaashay oo dhan 6,553 carruur ah.

Tirada ugu badan ee carruurta ka badbaaday xadgudubyada kufsiga ayaa lagu sheegay 1,606 kiis, halka tirada carruurta la shaqaaleysiiyay ay gaarayaan 9,533 kiis.

Soomaaliya ayaa ku jirta kaalinta 5-aad ee tirada ugu badan ee carru urta lagu dilay ama lagu naafeeyay dagaallada (4.883). Inta badan Al Shabaab ayaa gaysta falalkan sida warbixinta lagu sheegay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip