HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 2-DA NOVEBAR 2021-KA

0
Tuesday November 02, 2021 - 08:45:13 in Wararka by
  • Visits: 488
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 2-DA NOVEBAR 2021-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xildhibaanadii ugu horeeyey golaha shacab ka oo Shalay lagu doortay

 MUQDISHO

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Ma xamed Guuleed (Khadar) ayaa Shalay ku guu leystay kursiga u gu horreeya ee Golaha Shacabka 11-aad, ka dib doorasho ka dhac day dugsiga tababar ka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Iskool Polisiya

Mahdi Guuleed ayaa ka adkaaday Marwo Mu shtaaq Ibraahim Yuusuf, wuxuuna helay co dad dhan 97 cod, halka musharixii la tartameys ay ay heshay saddex cod oo kaliya, sidoo kale waxaa xumaaday hal cod.

Natiijada soo baxday iyo guusha Mahdi Max amed Guuleed (Khadar) ayaa aheyd mid hore loo sii saadaalinayey oo la filayey, maa daama uu isa gu keensaday gabadha la tart ameysay.

Kursiga labaad ayaa waxaa ku guuleystay Biixi Iimaan Cige oo markale dib loogu doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka. Biixi oo horay ugu fadhiyey kursigan ayaa ka adkaaday Cabdiraxmaan Xasan Ismaaciil.

G/G/doorashada ee gobollada waqooyi (So maliland), Khadar Xariir Xuseen oo shaaciyey na tiijada ayaa sheegay in Biixi Iimaan Cige uu helay 91 cod, halka Cabdiraxmaan Xasan uu is na kee nsaday 9 cod, sidoo kale waxa halaab ay 1 cod.

Ammaanka goobta ay doorashada ka dha cd ay ayaa aad loo adkeeyey, waxaana la gee yey goobta ciidan gaar ah oo ka tirsan kuwa Booliska ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Doorashada xildhibaada Golaha Shacabka ay aa ka duwan mida Aqalka Sare, waxaana xil dhiba anada cusub kursi kastaa soo dooranaya illaa 101 ergo ah.

Doorashada kuraasta gobollada waqooyi ayaa markale lasii amba qaadayaa, iyada oo maal maha soo socda la guda-gali doono do orashada xubnaha kale ee Somaliland.

Sidoo kale waxaa la filayaa in doorashadan ay dhankooda bilaabaan maamul goboleedya da, waxaana ugu horreeya Koonfur Galbeed oo ku qabaneysa Baydhabo iyo Baraawe.

Si kastaba, doorashada xildhibaada Gola ha Shacabka ayaa ka duwan mida Aqalka Sa re, wa xaana xildhibaanada cusub kursi kastaa soo doo ranaya illaa 101 ergo ah.

Rooble oo farriin culus diray ka dib doorasha dii Shalay ka dhacday

 M/Muqdisho

Ra’iisul wasaaraha XFS Md.Maxamed Xuseen Rooble ayaa war kasoo saaray doorashada Gola ha Shacab ka ee Shalay ka bilaabatay magaal ada Muq disho, gaar ahaan dugsiga tababarka ee Janaraal Kaahiye.

Ugu horreyn R/w/raha ayaa hamb alyo u diray ku xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed iyo Biixi Iimaan Cige oo kusoo baxay 2dii kursi ee la qabtay doorashadooda.

Rooble ayaa sidoo kale sheegay inuu ku fara xsan-yahay in la bilaabo doorashada Golaha Shacabka, isaga oo xubnaha la doortay u raj eeyey inuu Alle la garab galo mas’uuliyadda

"Waxaan hambalyo u dirayaa 1. Xildhibaan Ma hdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo 2. Xildhiba an Biixi IImaan Cige oo Shalay loo doortay xub innimada Golaha Shacabka ee BFS. Wa xaan u rajeynayaa in uu Eebbe ku garab galo mas’uuli yadda cusub ee loo doortay,” ayuu yiri R/wasaara ha Soomaaliya oo isagu ah mas’uulka ugu sarree ya ee doorashooyinka. Sidoo kale Roobe ayaa in taasi ka dib, farriin culus u diray hoggaamiy eyaasha maamul gob oleedyada, wuxuuna ka dal baday inay guda-galaan doorashada Golaha Shacabka.

"Waxaan dowlad-goboleedyada ka codsana yaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaa ba an doorashada Golaha Shacabka, anigoo rajeyn aya in howlaha doorashooyinku guul noo gu soo dhammaadaan,” ayuu sii raaciyey ra’ii sul wasa are Maxamed Xuseen Rooble.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa marar badan dib uga dhacday in la qabto waqtigii lo ogu talagalay, hayeeshee Shalay ayey si ras mi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif "Bilaabidda Doorashada Gola ha Shacabka Waa Tallaabo Horay Loo Qaaday”

Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ah na Madaxweynihi hore ee dalka Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa soo dhoweeyey doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Shalay ka bilaabatay Magaala da Caasimadda ah ee Muqdi sho.

Sheekh Shariif ayaa hambalyo u diray laba Xil dhibaan oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo lagu doortay Muqdisho, kuwaasi oo kala ah Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo noqday Xildhibaankii ugu horreeyay ee Golaha Shacab ka iyo Biixi Iimaan Cige oo afar sanno Xildhib aan ahaa.

Md Shariif Sh Axmed ayaa til maamay in bil aabida doorashada Xildhibaanada G/shacabka BF ee Gobolada Waqooyi ee Somal iland ay ta hay tallaabo horey loo qaaday.

"In la gudo galo doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka BFS lagana bilaabo xubnaha matalaya gobolada Waqooyi ee dalka waa tala abo hore loo qaaday” ayuu ku yiri Sheekh Sha riif oo Qoraal soo saaray.

Shariifka ayaa boggaadiyay Senator Cabdi Xa ashi Cabdullaahi, R/W/re ku xigeenka xilga ars iinta Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed iyo Gu ddiga Doorashada gobolada Waqooyi oo qaaday talaabo wadajir oo horay loogu socdo Doorasha da 2da aqal ee Baarlama anka Soomaaliya.

"Waxaan rajeynayaa in Doorashada G/Sac abka ee bilaabatay la dardar galiyo sida ugu dha qsaha badanna u guda galaan D/Go bol eedy ada” ayuu kusoo gaba-gabeeyay Qoraalk iisa Gu ddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Mad axweynihi hore ee dalka ee uu hadlaay ay doo rashada Shalay bilaabatay…

Dadkii ay leysay Amisom oo 3 bil kadib Shalay lagu aasay codsiga

 Cabdullaahi Maxa med Nuur

Waxaa Shalay M/ Muqdisho lagu Aasay Mey dadka 7-dii qof ee 10-kii bishii Agoosto ay ciid amada AMISOM ku laayeen deegaanka Golwe yn ee G/Sh//Hoose, ka dib co dsi ay DFS u gudbi say ehella da dadkii la dilay.

Meydadka 7daas qof oo Ju waano lagu uruuri yey ayaa qa boojiye ku jiray in ka badan 2bil ood iyo 20 cisho, waxaana Shalay lagu Aas ay qabuu ro ku yaalla duleedka M/Muqdisho.

Ehellada dadka Shalay la Aasay ayaa war baahinta la hadlay waxayna sheegeen in DFS, gaar ahaa wasiirka amniga C/hi Maxamed Nuur uu ka codsaday inay meydadka la ’Aaso, islama rkaana ay ka aqba leen.

Sidoo kale ehellada wax ay sheegeen in was iirka ami ga uu ka balan qaaday in mudo 3maa lmood gudahood ah uu jawaab cad ku soo siin do ono, waxayna wacad ku mareen hadii 3-daas maalmood aan lagu soo jawaab celin, inay dagaalami doona an oo AMISOM ay ka aar guda doonaan.

"Maalinkii dadkaan ay naga dishay AMIS OM waxaa laga joogaa ku dhawaad 3 bilood, intaas xuquuqdii dadkaan ayaan raadineynay, waxay AMISOM noo sheegeen lix askari inay xiran yihi in, kuwaas oo maalinkii dadkaan la dilay ciidanka hoggaaminaayey, hadda mey dadkii waan aas nay, waxaana ku Aasnay codsi nooga yimid was iirka amniga oo ka socday xukuumadeenna,” ay uu yiri mid ka mid ah ehel ladii warbaahinta la hadlay.

Ehellada ayaa intaas ku sii daray, "Xukuum adda waxaan ka war sugeynaa mudo 3 maalm ood ah, haddii Maxkamad la soo saari waayo ciidankii dilay dadkeena G/Sh/Hoose waxaan ka bilaabeynaa dibadbaxyo iyo dagaal ka dhan ah AMISOM.”

Sidoo kale qof ka mid ahaa ehelladii Shalay hadlay ayaa yiri, "Nin walaalkaa dilay oo maalin kasta ku hormaya waa dareemi kar taan, in ka badan laba bilood waxaan barkan eyn meydadka walaalaheen, hadii seddax ma almood jawaab nala sii waayo, sheekadu intii hore waa ka sii cuslaa doontaa.”

Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka so cda Uganda ayaa hal goob ku laayey dadkaan oo dhamaantood rag ahaa, kadib mar kii ay ka la soo baxeen beer ay ka shaqeynay een oo ku taalla duleedka degaanka Golweyn.

C/AMISOM oo ka careysnaa weerar jid gal ah oo Al-Shabaab ay kala kulmeen ayaa dadkaas markii ay dileen ka dib waxay ku qarxiyeen Miino, taas oo sababtay in Meydadkooda la is ku soo uruuriyo oo hal jawaan lagu shubo ‘hilb ahooda’ todobadii qof ee la dilay.

Guddoomiyaha Guddi Ka Tirsan Baarlam aanka Maamulka Puntland Oo Is

 Casilay

G/Baarlamaanka M/Puntland, C/rashiid Yuusuf Ji briil oo uu wehliyo G/miye ku-xigeenka 1-aad Md. C/casiis C/hi Cusmaan, ayaa Shalay shir guddoom Iyey fadhiga 3-aad ee Kal-fadhiga 49-aadG /Wakiil lada. Kulanka ayaa waxaa Xil dhibaan nada loogu qaybiyey Ajandaha rasmi ga ah ee Kalfadhiga 49-aad, si waafaq san Qod.42-aad farqadiisa 4-aad ee Xeer hoosaadka G/Wakiillada, kaas oo ay soo diyaariyeen Shir Guddoonka Golaha.

Sidoo kale Kulanka ayaa waxaa Golah la ga hor Akhriyey warbixinta Guddiga joogtada ah ee Kal-fa dhiga 49-aad, warbixintaas oo ku saabsanayd wax qabadka Guddiga joogtada ah ee muddadii u dhax eysay labada Kalfadhi.Dhinaca kalen, ka dib markii uu 3 fadhi ka maqn aa Fadhiyada gudiga joogtada ah,isla markaana Go laha laga hor-akhriyey warqad Is-casilaada uu soo G/Siyaasada, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaala ha & xiriirka caalamiga ah, C/raxmaan Diiriye Carab kaas oo GGW ka aqbalay, ayaa Guddoomiyuhu wa xa uu u soo jeeday in xubintaas buu xinteeda loo marayo habraaca GW, G/Cayn-na ay soo gudbiyaan xubintii bedeli laheyd,



Waa kuma Mahdi Maxamed Guuleed? (Taariikh kooban)

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Ma xamed Guuleed (Khadar) ayaa Shalay ku guul eystay kursiga ugu horreeyey ee Golaha Shacab ka 11-aad, kadib doorasho ka dhacday dugsiga tababarka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Iskool Poliisiya.

Mahdi Guuleed ayaa ka adk aaday Marwo Mushtaaq Ibraah im Yuusuf, wuxuuna helay codad dhan 97 cod, halka musharixii la tartameysay ay heshay saddex cod oo kaliya, sidoo kale waxaa xumaaday hal cod.

HADDABA WAA KUMA MAHDI GUULEED?

Md. Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo taa riikh sannadeedkii 1973 ku dhashay magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu waxbarashadiisii Dugs iga hoose ka qaatay Jeneral Daa’uud, Hargeysa. Halka uu waxbarashadiisii dugsiga Dhexe kusoo qaatay Axmed Guray, Hargeysa, waxbarashadi isii dugsiga Sarena kusoo qaatay Dugsiga Max amuud Axmed Cali, Hargeysa.

Md.Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxbar ashadiisii sare ku sameeyay culuumta Sharciga isagoo ku qaatay Waddanka Ethiopia, sidoo kale na waddanka Ingiriiska ayuu Mudane Mahdi ka soo baxay Jaamacadda Aberdeen ee ku taalla Scotland.

Md.Mahdi Maxamed Guuleed ayaa loo mag acaabay Raysal Wasaare Ku Xigeenka XFS bi shii Maarso 2017, Intii uu xilkaas wuxuu shaqoo yin la taaban karo kasoo qabtay dhinacyada arr imaha bulshada, tiirarka dhaqaalaha, arrimaha ammaanka iyo siyaasaddaba.

Md.Mahdi Guled ayaa qaranka ugu soo shaqe eyay ku simaha raysalwasaaraha dalka oo uu u magacaabay 25 bishii July, 2020, madaxweyna ha DFS Md.Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Far maajo).

Md. Mahdi ayaa hubin iyo taageero ku same yay qabyoqoraalkii Xeerka Deegaanka ee Heer Qaran, Shuruucda Qiimaynta Saameynta Bulshe ed iyo mid Deegaan iyo Shuruucda La xidhiidha arrimaha deegaanka.

Md.Mahdi ayaa la-shirgudoommiyay Shirkii Da neeyayaasha Soomaalida ee ka dhacay Brussels halkaas oo la iskula soo qaatay heshiisyo muhiim ah oo laga sameeyay dhinacyada ammaanka, siy aasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bani’aadant innimada.

Raysalwasaaraha ayaa kasoo shaqeeyay ade egyada dawladda iyo sidoo kale kuwa gaarka loo leeyahay labadaba. Wuxuu aqoon durugsan u lee yahay Sharciga oo kusoo shaqeeyay. Wuxuu wa khti iyo tacab muuqda geliyay hannaanka doora shooyinka ee Somaliland oo si dhaw ugala shaqe eyay Guddida Doorashooyinka Somaliland.

Wuxuu sidoo kale, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, soo noqday Hormuudka Kuliyadda Shar ciga ee Jaamacadda Hargeysa halkaas oo uu ku sameeyay horumar dhanka manhajka ah sidoo kalena uu kor u qaaday tayada kulliyadda iyo Jaa macadda Guud ahaan.

Ka hor inta aanu xilka Raysalwasaaraha qa ban, mudane Mahdi Guled wuxuu la taliye barna amij u ahaa Interpeace, oo ah hay’ad calami ah.

Raysalwasaare kuxigeen, Mahdi, waa aabbo dhalay 8 carruur ah.

Soomaaliya oo laga hirgelinayo Xarunta ladag aallanka Ayaxa

Wafdigan Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XF S iyo Wasiirada Beeraha ee Maamulada dalka ay aa waxaa ku soo dhaweeyay Garoonka diyaar adaha ee Garoowe Xildhibaanno, Madaxdada Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo isbadalka Cimilada ee Puntland iyo Mas’uuliyiin kala duw an. Soo dhawaynta wufuudaani heer Federaal iyo Maamul Gobaleed kadib Wasiir ku-xigeenka Deegaanka, Beeraha iyo isbadalka cimilada Punt land Marwo Faa’isa Cali Ismaaciil ayaa kalmado soo dhawayn ah u jeedisay wafdiga uu hogaam inayay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuum adda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Sic iid Xuseen Ciid iyo Wasiirada Beeraha ee Maa mulada dalka, xustayna inay muhiimad gaar ah u leedahay imaatinka bahda Beeraha ee dalka.

Siciid Xuseen Ciid Wasiirka Beeraha iyo War aabka Soomaaliya ayaa dhankiisa ka mahad celi yay soo dhawaynta Garoowe loogu sameeyay, waxaana uu xusay in socdaalkooda Garoowe ee isaga iyo wafdigiisu ay salka ku hayso furitaanka iyo shaqo galinta xarunta ladagaallanka Ayaxa Soomaaliya oo laga hirgaliyay magaalada Qa rdho, siina raaciyay inay ka soo qayb gali doona an furitaanka xaruntaani wufuud heer caalami ah iyo hay’adaha la dagaallanka Ayaxa Geeska Afri ka iyo Carabta .

Wasiir Ciid ayaa tilmaamay in xaruntaani noq on doonto mid sigaar ah loogala socdo dhaq dha qaaqa Ayaxa ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika siina raaciyay in qordho tahay goobta ugu hab oon ee lagala socon kara xaalada Ayaxa sooga laya dalkeelna iyo la dagaalankiisa intuba.

Dowladda Soomaaliya Iyo Kenya Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Ca alamiga ee Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa Magaalada Mu qdisho kulan kula qaatay Safiirka dowladda Ke nya u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Lt. Ge neral (Rtd) Lucas Tumbo.

Kulanka dhexmaray Was iir Maxamed Cabdirisaaq iyo Saf iir Lucas Tumbo ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee deriska ah u dhexeeya dowladdaha Soom aaliya iyo Kenya.

Inta uu socday kulanka labada dhinac ayaa wa xaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday qaban-qa abada kulan gaar ah oo ay yeeshaan guddiga wa dajirka ah ee iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya.

8 bishii August, Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa kulankoodii Muqdisho waxa ay isku-afgarteen in la dedejiyo qabsoomidda kalfadhiga seddexaad ee Guddiga Wadajirka ah si loo ambaqaado waxyaabaha dano wadaagga sida Ganacsiga, Maalgashiga, Amniga, Gaashaandhigga, Beeraha, Dalxiiska, iyo xiriirka labada dad.

Si kastaba xiriirka u dhexeeya Dowladdaha So omaaliya iyo Kenya ayaa dhowr jeer xumaaday, isla markaana gaaray heer Safaaradaha labada dal ay xirnaadan muddo 6 bil ah, balse markii da mbe heshiis ayey labada dhinac ka gaareen khi laafyadii siyaasadeed ee u dhexeeyay.

Somalia iyo Turkey oo wada-hadallo yeeshay xilli ay soo baxeen cabashooyin

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Ca alamiga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdiris aaq Maxamuud, ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaab ilay Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya, Danjire Mehmet Yilmaz, waxayna labada masuul yeesh een kulan si qotodheer loogu gorfeeyey sii xoo jinta xiriirka Soomaaliya iyo Tu rkiga, sida lagu sheegay qor aal ka soo baxay wasaaradda.

"Kulanka ayaa diiradda la gu saarray sidii la isaga ka shan lahaa kor u qaadidda heerka iska ashiga la ba dhinaclaha ee dhinacyada dhaqaalaha, is-dha afsiga ganacsiga, dhaqanka iyo dalxiiska, iyo sidii loo dhiirigelin lahaa maalgashiga iyo siyaabaha looga gudbi karo dhammaan caqabadaha soo wajaha arrinkan, iyo sidoo kale qaban-qaabinta booqashooyin gana csatada labada dhinac ay is-weydaarsada an,” ayaa lagu yiri qoraal ay kulan kaas ka soo saartay wasaaradda arrimaha diba dda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, "Soomaali ya waxay Turkiga la leedahay xiriir adag oo soo jir een ah oo ku dhisan tiirar taariikhi ah oo faca weyn.”

Turkiga ayaa saaxiib dhow la ahaa dowladda Soomaaliya, wixii ka dambeeyey booqashadii uu madaxweyne Erdogaan ku yimid magaalada Muqdisho sanadkii 2011-kii , xilligaas oo xalad ad ag ay ka jirtay dalkeenna, isla markaana uu caal amku ka jeestay dhibaatadii ka jirtay Soomaaliya oo wajaheysay abaaro sababay macaluul daran iyo colaado daba dheeraaday.

Sidoo kale kulankaan dhexmaray safiirka Turkiga ee Soomaaliya iyo wasiirka arrimaha di badda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, iyadoo mudooyinkii dambe ay soo kordheysay cabasha da Soomaalida ku nool dalka Turkiga, kuwaas oo lagu sameynayo musaafurin iyo dabagal adag oo dhanka sharciyada ah.

MUUSE BIIXI oo xil ka-qaadis iyo magacaabis sameeyey

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cab di, ayaa Shalay wareegta uu soo saaray waxa uu amray in wasiirka Warshadda Horumarinta re er miyiga ee Somaliland uu sii ahaa do Axmed Aadan Jaamac, halka wa reegtada lagu magacabay gudoomi yayaasha Gobalada Sool & Gabileey.

Muuse Biixi ayaa Cabdiqani Maxam uud Jidhe u magacabay guddoomiyaha gobalka Gabiley ee Somaliland halka Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye uu u magacabaay guddoomiyaha goablka Sool ee Somaliland.

Halkaan hoose ka akhriso wareegtada kasoo baxday Muuse Biixi

Markuu Arkay: Dastuurka Somaliland, Qod. 90a ad;Markuu Arkay: Xeerka kala Xadaynta Nidaa mka Xukuumadda &Hay’adaha Madaxa-banna an, Xeer Lr. 71/2015, Qodobka 18aad;

MarkuuArkay: Muhiimadda ay yagleelka W/ Horumarinta Reer Miyigu u leedahay Dhismaha Xukuumadda uu go’aamiyay Madaxweynaha So maliland in Axmed Aadan Jaamac Axmed laga bilaabo taariikhda Shalay uu ahaado W/W/Hor umarinta Reer Miyiga ee Somaliland.

Sidoo kale Md.Biixi ayaa Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo ahaa G/G.ool u bedelay in laga bilaabo taariikhda Shalay uu ahaado Guddoomiyaha G/ Gabiley ee Somaliland, halka Guddoomiyihii G/G ibiley Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye laga bilaa bo taariikhda Shalay uu ahaado Guddoomiyaha G/ Sool ee ee Somaliland. Sidoo kale waxaa xilkii laga qaaday W/Ku-xigeenkii W/Gaadiidka & H/Ji dadka SomalilandMaxamed Cabdi Maxamuud Samatar , waxaana tallaabadaan ay kusoo aade ysaa xilli 7yadii la soo dhaafay uu Madaxweyna ha iMeeynayay xilka qaadis & magacaabis.

Korneel Macow oo shaaciyey in NISA ay keen satay qalab halis ah oo lagu

 beegsanayo…

Korneel C/llaahi Cali Macow oo ka tirsan Sar aakiishii hore ee NISA ayaa shaaciyey in Hay ’adda Nabadsugida ay ke ensatay qalab casri ah oo halis ku ah dhaq-dhaqaaqa ganacsiga xorta ah

Korneel Macow ayaa sidoo kale sheegay in hay’adda ay keensatay dad ha ckers ah oo ay u adeegsanayaan inay ku curyaa miyaan ololaha musharaxiinta xilka madaxweyna ha kula loolamaya madaxweynaha muddo xilee dkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

"Qalabkan waa mid lagu beegsanayo xiriirka ka dhaxeeya ganacsatada iyo xiriirka ka dhaxee ya ganacsiga xorta ah, Nabadsugida waxay ku adeegsanayaan inay culeys galiyaan internetka,” ayuu yiri Korneel Macow.

"Waxay rabaan oo kale inay u isticmaalan marka la gaaro xiligay soo dhowdahay doorasha da madaxweynaha oo xiriir qaldan la isku gud biyo iyo kuwa ololaha ee daneynaya inay u tart amaan xilka madaxweynaha.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in saddexdii ma almood ee u dambeeyay la tijaabinayay qalabk aas, kaasi oo culeys ku keenay internetkii caasi mada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, sida uu sheegay.

"Waxay soo kireysteen dad Hackers ah oo dhi baato u geysan doona isgaarsiinta, xawaaladaha iyo fariimaha la isku gudbinaayo. Waxaa loo sameystay qalabka in lagu dhageysto dadka Soomaaliya iyo magaalada Muqdisho lagu so cdana ganacsiga iyo siyaasadda.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in qalab kaan uu ku wanaagsan yahay in loo adeegsado dagaalka ka dhanka ah argagixisada laguna da ba-galo, balse aan loo adeegsan siyaasada iyo dhaqaalaha oo xad-gudub ku ah sharciga.

Caasimada Online si madax banaan uma xaq iijin karto arrintaan, hase yeeshe waxa uu Korn eel Macow sheegay inuu xogtaan ka helay Sar aakiil muhiim ah oo tirsan Hay’adda Nabadsugida dalka ee NISA. Xigasho Caasimada Online

Ciidanka Puntland Oo Howlgal Ku Qabtay Dad Ku Howlnaa Falal Amni Darro

Ciidanka Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ay saacadihii lasoo dha afay howlgalo ballaaran ay ka sameeyeen guda ha xaafaddo ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Ciidamada Booliska ayaa inta uu socday howlgalka waxaa ay baaritaano kala duwan ku sameeynayeen Guryo iyo Hoteelo bartilm aameed u ahaa, iyagoona sidoo kalena su’aalo la xiriira amniga weydiinayay dhalinyarada.

Ciidanka Booliska Gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay dad la sheegay inay ku howlnaayeen falal amni darro oo ka dhaca Magaalada Boosa aso, waxaana dadkaas la qabtay oo tiradooda la shaaciyay lagu xiray Xarumo ay leeyihiin Cii danka Puntland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in ujeedka howlgalka Ciidamada uu u ahaa mid lagu doonayo in lagu xaqiijiyo am niga Magaalada.

G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa shacab ka Magaalada ka dalbaday inay laamaha amniga kala shaqeeyaan, si looga hortego falalka amni darro, maadaama M/Boosaaso ay kamid ah Magaalooyinka ay ka dhacaan Doorashada B FS

Mahad Salaad oo weerar ku qaaday siyaas iyiin dhowr ah

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa wee rar afka ku qaaday Siyaasiyiinta ay ku kala aragti duwan yihiin xiisada ka dhaxeysa Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo maamulka Galmu dug. Mahad Salaad ayaa waxa uu Siyaasiyiintaas ugu baaqay inay faraha kala baxaan xiisada ka taa gan Galmudug, islamarkaana aan la garab siin hogaanka Ahlu-Sunna oo uu shee gay inay ku soo duuleen nidaam dhisan.

"Nimankan qeylinaya walaalayaalow haddii ay fiican yihiin wadaado in qori loo dhiibo oo xukun meel ka jira afduubtaan horta deegaanadiina ka soo sameeya kadib baa Guriceel iyo Dhuus amareeb ka hirgelinayna,” ayuu yiri Mahad Sala ad..

"Walaalayaal fidno ha noo keenin dadkaan deegaankiisa waa joogan ayaga ayaa yaqaan ma slaxadooda, ayaga horumarkooda ka shaqeyna ya, dhibkiina iyo shidadiina naga daaya, haddii siyaasad dad isku haysaan meeshay jiraan aada.”

Mahada Salaad ayaa kamid ah Siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda in wada-hadal lala galo hogaanka Ahlu-Sunna, ayada oo la rumeys an yahay in degmada Guriceel uga baxeen si mi iska is-fahamka wax loogu dham eeyo.

Hadalkan ayaa waxa uu kusoo aadaya xilli la bada dhinac uu gudi ka dhex wado waan-waan la gu rabo in lagu soo afjaro xiisada maalmo ka hor isku rogtay dagaal uu ka dhashay khasaare bad an.

Wiil Dhalinyaro ah oo Xalay lagu dilay Muqdisho

Kooxo Burcad hubeysnaa ayaa Xalay Xaafa da Jamhuuriyah ee degmada Kaaraan ee G/Ban aadir waxaa ay ku dileen Wiil Dhalinyaro ahaa kana mid ahaa dadka kunool Xaafadaas.

Wiilka oo lagu Magacaabi jiray Mowliid Cali Ma xamed kana mid ahaa Ardaydii sanadkii hore ka baxay Dugsiga Sare ayaa waxaa la sheegay in ra gga Burcadda ah ay ka qaateen taleefoonka gac anta oo uu watay, iyaga oo intaasi ka dib goobta ka baxsaday.

Mid kamid ah dadka Xaafadda Ja mhuuriyah ayaa Risaala u sheegay in ragga Burcadda ah ay Wiilka ku amreen in uu taleefoonka kusoo wareejiyo, balse markii uu isku dayay in uu ka baxsado ay dhowr xabadood madaxa kaga dhufteen, isla markaana dhaawac culus oo soo gaaray uu ugu geeriyo oday Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Maamulka degmada Kaaraan iyo laamaha am niga degmadaas weli kama hadlin dilka Wiilka Dhalinyarada ah, hayeeshee bilihii la soo dhaafay ayaa Kooxaha Burcadda ah waxaa ay Wiilal dhal inyaro ahaa ku dileen Xaafado katirsan degmooyi nka Yaaqshiid iyo Kaaraan ee Gobolkaan Banaa dir, iyaga oo ka qaatay taleefoono iyo Agab kale.

Xigasho:radiorisaala.com

Odayaal lagu xir xiray Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Maamulka Somaliland ayaa waxaa ay M/Laas-Caanood ku xir xireen 3 Oday dhaqameed oo kamid ah Odayaasha Magaalada. Odaya asha la xiray ayaa dhawaan Warb aahinta kasoo muuqday , iyaga oo Puntland ugu baaqayay in kursiga Xildhibaan ay ku fadhiso Ca nab Xasan Cilmi ay kasoo horjeedaan in markale loo doorto, isla markaana ay doonayaan in qof rag ah uu kusoo baxo.

Magacyada Odayaasha la xiray ayaa waxaa kamid ah, Faarax Garaad Ismaaciil, Maxamed Ca wad Baaruuf iyo Mustafe Aadan Gole,.waxaana ay sicad u sheegeen in kursiga ay beeshooda xaq u leedahay ay la doonayaan qof rag ah.

Xildhibaan Canab Xasan Cilmi ayaa waxaa ay tahay xildhibaannada keliya ee si cad u dhal eecaysay dadkii Somaliland ay sida qasabka ah uga soo musaafurisay Magaaladalaas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool.xigasho:-balcad news

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyin ka oo soo saaray habraac cusub

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ayaa Shalay soo saaray habraac cusub oo loo marayo soo gudbinta dacwooyinka ka dhasha Kuraasta Golaha Shacabka oo isla Shalay ka bilaabaneysa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in illaa muddo 7 cisho ah uu baarayo, marka dacwadda lasoo gaarsiiyo, lana waafajiyo habraaca ay soo saareen.

Sidoo kale guddiga ayaa ku wargeliyey musharixiinta iyo codbixiyeyaasha in la qaataan habraaca ay soo saareen oo ku aadan sida loo wajahayo, haddii ay cabasho timaado.

Habraacan ayaa daba socda mid ay soo saareen Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mahdi Maxamed Guuleed oo ku aadan xallinta cabashada doorashooyinka, waxaana qodob ka mid ah ka horyimid guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal.

Doorashada xildhibaada Golaha Shacabka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu daah-furayaa labo kursi oo ka mid ah xubnaha ka imaanaya gobollada waqooyi.

Ammaanka goobta ay doorashada ka dhaceyso oo ah dugsiga tababarka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Janeraal Kaahiye ayaa aad loo adkeeyey, waxaana la geeyey goobta ciidan gaar ah oo ka tirsan kuwa Booliska ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, doorashada xildhibaada Golaha Shac abka ayaa ka duwan mida Aqalka Sare, waxaana xildhibaanada cusub kursi kastaa soo dooranaya illaa 101 ergo ah.


Madaxweynaha Degaanka Soomaalida Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay


 Saraakiisha Amniga

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumm ed Cumar ayaa Shalay ku lan la qaatay saraakiisha sar sare ee hay’adaha ammaan ka deegaanka.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda dee gaanka Soomaalida kulankan ayaa diiradda lagu saaray dhowr qodob oo la sheegay in muhiimad gaar ah ay xilligan u leeyihiin amniga deegaanka.

Qodobada shirka lagu soo qaaday waxaa ka m id ah xoojinta iyo adkeynta amniga gudaha iyo su gidda amniga xuduudaha deegaanka soomaal ida. Kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli uu da gaal xooggan ka socdo gobolka Amxaarada ka asi oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo xoo gagga TPLF.

Dad Aad Ugu Dhawaa Cumar Al-Bashiir Oo Xabsi Ku Yaalla Khartuum Laga

 Sii Daayey

Hoggaamiyeyaasha sida afgembiga ah kula wareegay awoodda Suudaan ayaa xabsiga kasii daayay dad ay isku dhawaayeen Madaxweynihii hore dalkaas Cumar Al Bashiir oo isagu qudhiisa xiran.

Saraakiisha ayaa waxaa ay sha qada ka eryeen dacwad oogaha guud ee Suudaan.

Waxaana kamid ah dadkan lasii daayay madaxii hore ee xisbiga haya talada Suu daan iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, Ibr aahim Ghandour.

Xarumaha ganacsiga ayaa xiran magaalada Caasimadda ah ee Khartoum kadib afgembigii dalkaas ka dhacay toddobaadkii lasoo dhaafay.

Waxaana socdaa wadahadallo ay garwadeen ka tahay Qaramada Midoobey oo la doonayo in lagu soo afjaro xiisadda.

Xoghayaha Warfaafinta Ee Aqalka Cad Oo Sheegtay Inay Qabto COVID 19

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Jen Psaki ayaa sheegtay inuu ku dhacay COVID-19 ayna dareemeyso astaamo fudud oo cudurka ah.

Bayaan ay soo saartay Psaki waxay ku sheeg tay inay xiriirkii ugu dambeeyay la yeelatay Mada xweynaha Mareykanka Joe Biden uu ahaa Tal aadadii, markii ay kula kulantay Aqalka Cad, halk aas oo ay u dhexeeyaan fogaan ka badan 6 fiit isla markaana ay xirnaayeen afxir ama maas karo.

Biden, oo si joogta ah loo baaro, ayaa markii u gu dambeysay la baaray Sabtidii laga waayay Covid, sida uu sheegay Aqalka Cad.

Psaki, oo 42 jir ah, ayaan u raacin Biden safark iisii ​​dibadda uu ku tagay magaalada Rome dham aadka todobaadkan si uu uga qayb galo shirka kooxda 20-aad iyo Glasgow, Scotland, isniinta oo uu ka dhacayo shirwaynaha cimilada ee Qaram ada Midoobay.

Psaki waxay sheegtay inay qorsheynaysay in ay la safarto madaxweynaha laakiin ay joojisay safarkiisa Yurub ka dib markii ay ogaatay in xub no qoyskeeda ka mid ah laga helay cudurka COVID-19.

Biden waxaa safarka ku weheliyay ku xigeenka xoghaye ku xigeenka saxaafada Karine Jean-Pierre. Psaki waa qofka ugu magaca dheer maamulka Biden ee loo yaqaan oo laga helay COVID-19 tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo.

Kenya oo siidaysay nin katirsanaa Alshabaab oo loo haystay weerar lagu

 dilay 11 qof

Dowladda Kenya ayaa xabsiga ka siidaysay Ninka u dhashay dalkeeda oo masuul ka ahaa weerar lagu dilay 11 qof oo ka dhacay saldhigga basaska ee Machakos Country, ee Nairobi.

Maxkamad ku taal magaalada Nairobi ayaa Elgiva Bwire Oliacha, waxay sannadkii 2011 ku xukuntay xabsi daa’in, isagoo la sheegay inuu katirsanaa kooxda Alshabaab.

Sii daynta ninkan oo si bareer ah u geystay falal argagixisanimo si da qorayaan warbaahinta Kenya, ayaa dhalisay dooddo muran ba dan abuuray.

Warbaahinta Kenya ayaa qaarkood qoraysa in ninkan iyo qareenkii u doodayay ay afduubteen dad loo maleynayo in ay katirsan yihiin boliiska. Afduubka ayaa dhacay saacaddo kadib markii xabsiga uu ku xirna lagasii daayay.

Sidoo kale qaar kamid ah qoyskiisa ayaa la af duubtay, inkastoo markii dambe la siidaayay.

Sannadkii 2011-kii, Bwire ayaa la sheegay in uu qirtay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shab aab. Muddo 10 sano ayuu kusoo qaatay xabsi ku yaala magaalada Nairobi.

Sannadkii 2018, maxkamadda ayaa ninkan xu kunkiisa u bedashay 15 sano oo xabsi, kadib mar kii uu ku guulaystay racfaan uu ka qaatay xukun ka lagu riday.

Kooxda Alshabaab oo farriisimo ka samey satay meel ku dhow magaalada

 Wisil

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee Ba dhtamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in AlSh abaab ay fariisimo ka sameysteen meel ku dhow magaalada Wisil halkaas oo todobaadyadii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya ay kula dagaalameen Al-Shabaab.

Dadka ku sugan magaalada Wisil iyo nawaaxi geeda ayaa waxaa soo wajahday cabsi xooggan, iyagoo ka baqaya in Alshabaab ay weerar kusoo qaadaan magaalada Wisil.

Alshabaab ayaa horey duulaan ugu soo qaa day magaalada Wisil, iyagoo halkaas ku laayay dad shacab ah iyo ciidamo katirsan kuwa Galmud ug, hase yeeshee, uma suurto galin in ay gacan ta ku dhigaan, iyagoo iska caabin kala kulmay dadka deegaanka.

Ciidamadii Galmudug ee ku sugnaa aagga Wi sil ayaa intooda badan horey u faarujiyay, iyagoo aaday dhinaca Galgaduud, halk aas oo ay uga qeyb galeen dag aaladdii ka dhacay magaalada Guriceel ee u dhaxeeyay Gal mudug iyo Ahlusunna.

Alshabaab waxay badi la wareegeen deega annada koonfurta Mudug, sida Bacaadweyne iyo Camaara, kadib markii ciiddankii huwanta ahaa ay halkaasi isaga baxeen labo bilood ka hor.

Madaxweyne Macron Oo Ra’iisul Wasaare Dal Ku Eedeeyay Inuu Ka Been Sheegay

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Ma cron ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Aust ralia Scott Morrison uu ka been sheegay heshiis la laalay.

Madaxweynaha oo la waydiiyay in uu u malay nayo in Mr Morrison uu yun sheegayey iyo in kale, waxa uu ku jawaabay: "UmaMaleynaayo waan ogahay

Mr Macron ayaa aad uga cadhooday ka dib markii Australia ay baabi’isay heshiis ku kacaya $37bn (£27bn) oo lagu dhisayo 12 markab oo badda quusa, taa beddelkeedana ay heshiis cusub oo difaac ah la gashay Mareykanka iyo UK – gaar ahaan waxa loogu yeedho Aukus.

Ra’iisul Wasaare Morrison ayaa waxaa uu dafiray in aanu daacad ahayn, Kulankii labadooda ee G20 ayaa ahaa kii ugu horeeyay tan iyo markii uu khilaafku soo shaac baxay bishii September.

Dhinaca isu imaatinka Rome, ayaa madaxweyne Macron waxa uu weriye Australian ah weydiiyey inuu mar kale aamini karo Mr Morrison iyo in kale.”Waan arki doonaa waxa uuu la yimaaddo,” ayuu ku jawaabay Mr Macron.

Erdogan oo qaadacay shirka Glasgow ka dib arrin lagu liidayo oo ay

 sameysay Britain

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Shalay baajiyey ka qeybgalkiisa shirka COP26 ee cimilada adduunka oo ka dhacaya magaalada Glasgow ee gobolka Scotland ee dalka UK, sababo amni dartood.

Erdogan ayaa isaga oo sii koraya duulimaad ka qaaday Rome, oo uu kaga qeyb-galay shirka G20 una socda Turkey, waxa uu sheegay in abaabulayaasha shirka ay ku guul-darreysteen inay wax ka qabtaan walaacyadiisa amni.

"Markii dalabyadeena aan la fulin, waan ka baaqanay inaan aadno Glasgow,” waxaa sidaas Erdogan kasoo xigatay wakaaladda wararka Turkey ee Anadolu.

"Tani ma quseyo oo kaliya amnigeena, balse waxay quseysaa sumcadda waddankeena,” ayuu yiri.

Wargeyska Middle East Eye ayaa ilo-wareedyo Turkish ah kasoo xigtay in abaabulayaasha shirka ay xadideen tirada wafdiga Turkey ee u safraya Glasgow.

Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale sheegay in dowladda UK ay xadiday tirada kolonyada babauurta ee loo ogol yahay wafdiga Erdogan, taasi oo dhalisay walaac amni.

Turkish-ka ayaa dareemay in tallaabadan ay tahay mid lagu liidayo madaxweyne Erdogan, sababtoo ah wax xiddidaad ah laguma soo rogin wufuudda madaxda kale sida madaxweynaha Mareykanka Joe Bide iyo kan Faransiiska Emmanule Macron.

Dowladda UK ayaa Axaddii sheegtay inay ka laabaneyso xadidaadda waxayna mas’uuliyiinta Turkey u sheegeen inay Erdogan ula macaamili doonaa sida Biden.

Si kastaba, Dowladda UK ayaa mar kale haddana is baddashay Shalay, waxayna sheegtay inaan wax laga beddeli doonin nidaamkii ay u dejisay wafdiga Turkey, taasi oo keentay in Erdogan uu go’aansado inaanu shirka ka qeyb-galin.

Turkey ayaa shirka u dirtay wafdi wasiiro iyo saraakiil kale ah, oo ku matali doona.

Baaqashada Erdogan ayaa imaneysa ayada oo dhowaanahan ay sare usii kaceysay xiisadda ka dhex oogan Turkey iyo dalalka Reer Galbeedka.


ABIY oo soo saaray farriin guul-darro iyo Tigray-ga oo qabsaday magaalooyin kale

Ciidamada Tigray-ga ayaa Axaddii ku dhowaaqay inay qabsadeen magaalo muhiim ah oo ku taalla waqooyiga Ethiopia, hase yeeshee dowladda ayaa beenisay ayada oo sheegtay inay "dagaal xooggan kaga jirto magaalooyinka Kombolcha iyo Dessie.”

Haddii la xaqiijiyo qabsashada Kombalcha, oo imaneysa maalin kadib markii mucaaradka ay sheegeen inay qabsadeen Dessie, waxay ka tarjumi doontaa horumar deg deg ah oo ay TPLF ka sameeyeen dagaalka muddada sanadka ah socda.

"Si buuxda ayaan u maamuleynaa Komblacha,” waxaa sidaas yiri afhayeenka TPLF Getachew Reda oo qoraal soo dhigay twitter, taasi oo ka dhiggan duulaan weyn oo ay qadaeen mucaaradka kadib markii ay inta badan gobolka Tigray kasoo saareen ciidamada federaalka bishii June.

Hase yeeshee afhayeenka dowladda Legesse Tulu ayaa shir jaraa’id ku sheegay "in dagaal xooggan uu ka socdo Dessie iyo Kombolcha.”

Dagaalka magaalada Kombolcha, oo ku taalla koonfurta Dessie, ayaa abuuray hadal ku saabsan in TPLF ay ku wajahan yihiin magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Getachew ayaa sheegay in TPLF "aysan laheyn wax ujeedo ah oo aan ka aheyn inay go’doominta ka qaado” gobolka Tigray, oo ay ka jirto xaalad bani’aadamanimo oo daran.

Gudaha Kombolcha, Semira oo ah 36 jir degan magaalada, ayaa sheegtay inay ciidamada mucaaradka Axaddii ku aragtay waddooyinka kadib markii ay kusoo tukatay masjid.

"Waxaan sidoo kale arkay ciidamo baabuuro uga baxaya magaalada,” ayey u sheegtay AFP.

Dukaan iibiye ku sugan magaalada oo magaciisa kusoo koobay Hamdiu ayaa sidoo kale sheegay inuu arkay ciidamada dowladda federaalka Ethiopia oo baabuuro xamuul ah uga baxaya magaalada.

Qoraal uu soo dhigay facebook, ayaa ra’iisul wasaare Abiy Ahmed wuxuu shacabka Ethiopia ugu baaqay inay "qaataan nooc kasta oo hub ah oo ay heli karaan, si ay joojiyaan kooxda TPLF.”

"Inaan Ethiopia u dhimano waa waajib dhammaanteen na saaran,” ayuu yiri isaga oo ku celinaya hadal ay horey u jeedisay dowladda gobolka Amxara.

Maamulka Amxara — oo magaalooyinka Kombolcha iyo Dessie ay ku yaallaan – ayaa Axaddii soo saaray wareegto lagu amray in dhammaan hay’adaha dowladda ay joojiyaan adeegyada caadiga ah, ayna miisaaniyaddooda iyo dareenkooda u weeciyaan "olole badbaado ah.”

Qeybo kale oo ka mid ah gobolka Amxara, mucaarad ka yimid Oromia oo xulufo la ah TPLF ayaa iyagana sheegtay inay qabsadeen dhul ay ka saareen ciidamada dowladda.Xaaladda Ethiopia ayaa u muuqata mid weji cusub yeelatay, waxaana suurta-gal ah in marka la eego dardarta ay ku socdaan TPLF, dib ula wareegaan waddanka oo idil, kadib guul-darrooyinb isdaba joog ah oo gaaray ciidamada Abiy Ahmed.

Ciidanka Kenya Oo Toogasho Ku Dilay Nin Hubeysan Oo Dhac Geystay

Ciidanka Booliska dowladda Kenya ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaan Baarlamaneedka Ruiru ee Ismaamulka Kiambu ku dilay Nin hubeysan oo burcad ahaa oo dad shacab ah dhac u geystay.

Qoraal kasoo baxay Waaxda dambi baarista ee DCI-da ee dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka Booliska ay toogasho ku dileen Nin hubeysan oo dhac u geystay laba qof, kaasi oo markii hore rasaas is dhaafsadeen Ciidanka Booliska, balse la dilay.

Waaxda dambi barista ayaa sidoo kale tilmaamtay in Baaritaan dheeraad ah oo ay Saraakiisha amniga ka sameyeen aagga loo yaqaano Gorofa Chafu ee xaafadda Kihunguro ee Kenya ku soo heleen baabuur laga dhacay labadaas qof.

Waaxda DCI-da ee dalka Kenya ayaa intaas waxaa ay kusii dartay in howlgalka qorsheysan ee laga fuliyay deegaan Baarlamaneedka Ruiru ee Ismaamulka Kiambu ee dalkaas uu qeyb ka yahay xaqiijinta amniga degaanka.

Si kastaba Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa, labo cisho ka dib markii saddex burcad oo hubeysnaa lagu dilay xaafadda Githurai 45 saacado ka dib markii ay dhaceen baabuur la baakimay, kuwaasi oo markii dambe heleen Ciidanka Booliska.

Hoggaamiyiha ugu sarreeya Taalibaan ee mudada la la'aa oo kasoo muuqday fagaare

Hogaamiyaha ugu sareeya Taalibaan, Haibatullah Akhundzada ayaa kasoo muuqda meel fagaare ah oo ku taalla koonfurta magaalada Kandahar, kadib markii la faafiyey warar sheegaya inuu geeriyooday.

Akhundzada, oo loo yaqaano hogaamiyaha aaminka ah ama Amirul Mu’miniin, laguma arag meel fagaarayaasha tan iyo markii Taalibaan ay la wareegtay awooda dalka Afghanistan bishii Agoosto ee sanadkaan, taas oo dhalisay mala-awaalka geeridiisa.

Hogaamiye sare oo ka tirsan Taalibaan oo la socday Akhundzada ayaa sheegay in hogaamiyaha ugu sareeya kooxda uu booqday maalintii Sabtida aheyd iskuul diimeed ku yaalla magaalada Kandahar oo lagu magacaabo Jamia Darul Aloom Hakimia.

Ammaanka goobta uu booqday hoggaamiyahaan ayaa aad loo adkeeyay, mana jiraan wax sawirro ama muuqaallo ah oo laga qaaday, balse waxaa baraha bulshada ee Afganistaan lagu faafiyey cod 10 daqiiqo ah oo uu hoggaamiyaha jeediyey.

Inkastoo kooxda Taalibaan ay Bishii September ku dhawaaqday xukuumad markii ay dalkaas isaga baxeen ciidamadii uu hoggaaminayey Mareykanka, hadana Akhundzada wuxuu weli sii hayaa xilkii loo dhiibay sanadkii 2016-kii, kaas oo siinaya go’aanka ugu dambeeya ee kooxda, sida go’aannada dhanka Siyaasadda, Diinta iyo Arrimaha Milatariga.

Saraakiisha qaar ayaa sheegaya in Akhundzada uu sameeyay muuqaalo aan hore loo shaacin, balse kani waxuu ahaa codkii ugu horreeyay oo si rasmi ah loo shaaciyo, maadaama aan muddo badan warkiisa la helin, taas oo keentay in si joogto ah loo hadal hayo halka uu ku sugan yahay iyo caafimaadkiisa.

Taalibaan ma aysan xaqiijin geerida aasaasihii iyo hogaamiyahoodii ugu sareeyay, Mullah Omars sanado badan, waxaana jiray shaki ku aadan in hoggaamiyihii badalay ee Akhundzada uu isna geeriyooday lana qarinayo geeridiisa.

Akhundzada oo ahaa nin caan ah oo dhanka Diinta ku fiican ayaa si deg deg ah xukunka ula wareegay sanadkii 2016-kii, markaas oo duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka lagu dilay hogaamiyihii ka horreeyay, Mullah Akhtar Mansuur.

Kadib markii Akhundzada loo magacaabay hogaamiyaha Taalibaan waxa uu helay taageerada hogaamiyaha Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri, kaas oo ammaan ugu qubeeyey wadaadka, isaga oo ku tilmaamay "Amiirka mu’miniinta.”

Akhundzada waxaa loo xilsaaray mideynta dhaq-dhaqaaqa Taalibaan oo muddo kooban burburay intii lagu jiray loolankii qaraaraa ee ka dhashay dilkii Akhtar, iyo shaacinta geerida hoggamiye Cumar oo muddo sanado ah la qarinayey.

Muuqaalkiisa guud wuxuu inta badan ku koobnaa sii deynta fariimaha inta lagu jiro ciidaha Islaamka, waxaana Akhundzada la rumeysan yahay inuu inta badan waqtigiisa ku qaato Kandahar, oo ah magaalada ugu weyn ee ku taalla koonfurta wadanka Afghanistan oo ay ku xoogan tahay kooxda Taalibaan.

Farriintiisii ugu dambaysay waxay ahayd 7-dii Sebtembar, markaas oo uu u sheegay xukuumadda cusub ee Taalibaan loo soo magacaabay ee Kabul inay ilaaliso shareecada Islaamka, maadaama ay maamulayaan Afgaanistaan.

Mullah Yussef Wafa, oo ah guddoomiyaha Taaliban ee Kandahar, isla markaana ay aad isugu dhow yihiin Akhundzada, ayaa u sheegay wakaalada wararka France-Presse todobaadkii hore inuu si joogto ah ula xiriiro hogaamiyahiisa.

"Waxaan la leenahay shirar joogto ah oo ku saabsan xakamaynta xaaladda Afgaanistaan iyo sidii loo samayn lahaa dawlad wanaagsan,” ayuu yiri Mullah Yussef Wafa.

"Maadaama uu yahay macalinkeena, iyo macalinka qof walba, waxaan isku dayeynaa inaan wax ka baranno isaga” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

"Wuxuu talo siiya hoggaamiye kasta oo ka tirsan Imaarada Islaamiga ah ee Afgaanistaan, waxaana raacaynaa xeerarkiisa iyo taladiisa, haddii aan helno dowlad horumarsan mustaqbalka waa taladiisa.” ayuu mar kale yiri Mullah.

Hoggaamiyiha ugu sarreeya Taalibaan ee mudada la la’aa oo kasoo muuqday fagaare




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip