Safaarada Soomaaliya ee K/Africa oo soo dhaweyn u sameeyay Xildhibaano ka kala socday DF iyo Jabuuti+Sawiro

0
Monday October 12, 2015 - 19:16:54 in Wararka by
  • Visits: 782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safaarada Soomaaliya ee K/Africa oo soo dhaweyn u sameeyay Xildhibaano ka kala socday DF iyo Jabuuti+Sawiro

    Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koofur Africa ayaa casho sharaf u sameysay mudanayaal ka tirsan baarlamaannada Soomaaliya iyo Jabuuti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koofur Africa ayaa casho sharaf u sameysay mudanayaal ka tirsan baarlamaannada Soomaaliya iyo Jabuuti.

Casho Sharaftaan ay Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika ay u sameysay Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda Safaaradda Danjire Jamal Maxamed Barrow, Qunsulka Safaaradda Mudane Maxamed Cali Mire Nabaddoon,Xoghayayaasha koowaad, labaad iyo Sedexaad ayadoo dhinaca kale barbar socotay xog is weedaarsi labada dhinac ah.



Cashada kadib ayay Xildhibaanada waxa ay Safaaradda ugu mahadceliyeen casha sharafta Safiirka iyo madaxda kale ayadoo dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ugu mahadceliyeen magacaabista Safiirka.

Xildhibaan Cabdi Casiis Cabdullahi Cabdi Xukun ayaa sheegay in ay waxweyn tahay in ay Safaaradooda soo dhaweysay waxa uuna yiri.

" Dowladda Soomaaliya iyo Xukuumadda Cumar Cabdi Rashiid runtii wax fiican bay sameeyeen markay soo dedejiyeen magacaabista safiirka, aniga inbadan baan la kulmay Jaaliyadda baahi weyn ayay u qabeen in Safiir loosoo magaacabo”ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Xukun oo ka qeybgalayay Shirka Pan Africa ee ka socda Magaalada Johhanseburg.


Xildhibaan Safiya oo ka tirsan mudanayaasha u matalaya Shirka Baaralamaanada Afrika walaalaha Jabuuti oo iyana casha sharafta kadib Warbaahinta la hadashay ayaa iyana sheegtay inay ku faraxsantahay casha sharafta ay Safaaradda u sameysay.


 
 
 
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip