Halkan ka aqriso w.wargeyska MOGTIMES 27-Oct-2021

0
Wednesday October 27, 2021 - 08:46:34 in Wararka by
  • Visits: 647
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkan ka aqriso w.wargeyska MOGTIMES 27-Oct-2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Farmaajo Oo La Xiriiray Gud omiyeyaasha Ururrada Siyaasadda Ee Pun tland Ee Ku Tartamayey Doorashada Dadwe ynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la xiriiray Guddoomiyeyaasha Uru rrada Siyaasadda ee Puntland ee ku tartamay doorashada dadweynaha ayaa ugu hambaly eeyey natiijada dhiirri-gelinta mudan ee ay ka soo hooyeen deegaannada ay ku qabsoontay doorasha du.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Maamulka iyo bu lshada Puntland, Guddiga Do orashada iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qey b-galay sida ay ugu midoobeen ka dhabeynta qorshaha dimuqraadiyeynta Puntland oo tallaa badii ugu horreysay loo qaaday, isaga oo ku adkeeyey in ay sii ballaariyaan tijaabada.

Dhankooda, Guddoomiyeyaasha Ururrada Siyaasadda ayaa uga mahadceliyey Madax weynaha Jamhuuriyadda xiriirka uu la soo sam eeyey iyo sida uu u dhirri-gelinayo hannaanka dimuqraadiyadeed, iyaga oo tilmaamay ifafaal aha wanaagsan ee arrintani ay u leedahay han naanka siyaasadda dalka. ==DHAMMAAD==

Rooble oo tegay xarunta NISA kana hadlay baaritaanka kiiska Ikraan

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaa liya Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo wasiirkiisa amniga Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa Xalay kormeer ku tegay xarunta hey’a dda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka

Qaranka, Rooble oo shir jaraa’id ku dhex qabtay xarunta Habar Khadiija ayaa soo hadal qaaday baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil oo xasaasiya badan uu ku qabo hoggaanka NISA.

Ugu horeyn Rooble iyo wasiirka ayaa warb ixin ka dhageystay agaasimaha KMG ah Yaas iin Farey iyo saraakiisha kale hay’adda, waxuu na Ra’iisul wasaare Rooble ku celceliyey in he y’adaan ay muhiim u tahay amiga qaranka.

"Waxaan rabaa inaan halkaan ka sheego in kiiska Ikraan Tahliil uu weli noo taagan yahay, waxaana Shalay baaritaankiisa ku wareejI nayaa xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida, waxaan rabaa in NISA ay si dhow ula shaqe yso xeer ilaalinta oo waqti kasta albaabka loo furo, hala shaqeeyo qof kasta oo NISA ka tirsan, waxaad ogtihiin in qof kasta oo inka mid ah uu cadaalad u baahan yahay, wasiirka amni ga iyo taliyaha NISA waxaan farayaa in si dhow ay ula shaqeeyaan xeer ilaalinta,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dalbaday sar aakiisha hey’adda NISA inay badiyaan feeji gnaanta, isagoo sheegay in sirdoon la’aan aa nu dalkeenu ka badbaadi karin cadawga dib adda iyo kan gudahaba.

"Waxaan idinku garab taaganahay aniga, madaxweynaha iyo wasiirka amniga, shaqada aad qaranka u heysaan, feejignaan iyo soo je ed badan ayaan idin farayaa, waxaan tacsi u dirayaa saraakiishii iyo shaqaalihii naftooda ku waayey halgankii dheeraa ee aad soo gash een,” ayuu yiri Rooble.

Sidoo kale Rooble waxa uu sheegay in NISA ay tahay hey’adda kaliya ee shaqaalehe ed ay iska uruuriyaan qaaraan, si ay isugu gur madaan markii qaarkood dhib gaaro, isagoo balan qaaday inuu ku biirayo bixinta qaaraan kaas, isla markaana uu hadda bixinayo qaara ankii la iska qaadi lahaa sanadka soo socda.

Dhawaan ayey aheyd markii uu dalka Su dan uu ka dhacey afgambi ciidan oo dhicso obay, taasoo ku abuurtey walwal xubnaha ray idka ah ee ka tirsanaa xukuumadii shaley la afgambiyey.

Rooble oo soo saaray amar cusub oo la xiriira Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaaradaha dek adaha, gaadiidka iyo hay’adaha amniga, kaasi oo looga hadlay dhibaatooyin ka soo noq-no qday ee hay sta gaadiidka xamuulka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray mas’uuliy iinta Wasaara daha dekadaha, gaadiidka iyo hay’addaha am nigaba in jidadka loo furo gaadiidka qaada xam uulka ee ka howl-gala de keda Muqdisho

Sidoo kale waxa uu amray in caqabada hana laga hor qaado gaadiidkaas oo badeecoo yinka geeya kana soo qaada dekadda Muqdi sho, si loo fududeeyo ganacsiga, loona horum ariyo dhaqaalaha dalka.

Amarkan cusub ayaa imanaya maalin kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha uu kormeer ku ta gay dekedda magaalada Muqdisho, taasi oo uu ugu kuur-galayay habsami u socodka howl aha dekedda.

Rooble oo Dorraad warbixin ka dhageystay hay’adaha dhaqaalahah dalka iyo mas’uuliyi inta amniga dekadda ayaa kula dardaarmay hay’adahan in ay xoojiyaan wada shaqeynta dhexdooda ah, tayeynta iyo dardar gelinta ade egyada dekadda ayna dhowraan hufnaanta nidaamka dakhli ururinta.

Qoor Qoor oo markii ugu horreysay ka had lay dagaalka kala dhaxeeya Ahlu-Sunna, kuna dhowaaqay in…

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmu dug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa Shalayeyd markii u horeys ay si rasmi ah uga hadlay daga alka maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ugu horeyntii ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday dagaa lkaas, halka kuwii ku dhaawacmay uu Ilaahay uga baryay caafimaad deg-deg ah, isagoona sheegay in uu aad uga xun yahay barakacinta dadweynaha Guriceel.

Waxa uu sheegay in koox ku been abuuran aysa magaca Diinta Islaamka si ay u fuliso da mac shaqsi ah oo uu ula jeedo Ahlu-Sunna ay bilowday dhibaatada ka dhalatay Guriceel,ay na duulaan ku tahay nabada maamulka.

"Waxaa shacab weynaha Galmudug uga ta csiyadeynaya dhibaatadii ka dhacday Guriceel, si gaar ah waxaa uga tacsiyadeynayna shacab ka Guriceel duulinkii hubeysna ee ay ku qabs adeen kooxda hubeysan ee Ahlu-Sunna Wal jamaaca magaca wanaagsan adeegsata balse aan sidaas ku shaqeynayn,” ayuu yiri Madax weyne Qoor-Qoor.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mowqifka Galmudug uu marwalba yahay in wax lagu xali yo wada-hadal, hase yeeshe ay Ahlu-Sunna ka dhago adeygtay arrintaas, ayna qaateen inay qorsheyaan magaalooyin cusub oo xasiloon, sida uu sheegay.

"22 berri ayay fadhiyeen kooxdaas duula nka soo qaaday, intaas waxa u gudbinayna oo ka codsaneynay inay ka baxaan degmada Gu riceel oo dadka u daayan xasiloonidooda iyo dowladnimadood, waxay qabaan oo tabasho ahna si nabad ah u sheegtaan, taasi badalke ed waxay qaateen in dhufeysyo iyo xeryo cii dan ay ka dhigtaan Guriceel.”

Waxa uu sheegay in dowladda Galmudug ay ku qasbanaatay inay dagaal ku qaado si ay isku difaacdo, maadama uu sheegay in Ahlu-Sunna ay duulaan ku tahay sharciga iyo dowl adnimada Galmudug.

"Waxaa cadeynayna oo ku celinayna mo wqifka Galmudug waa in qof kasta oo muwa adin ah oo tabasho qaba inay la fariisato oo la ga qanciyo waxkasta oo uu tabanayo. Dowlad Galmudug marnaba ma aqbaleyso in dad iyo deegaan lagu qabsado hub iyo qori caaridii lagu kala gooyo Galmudug.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ku dhawaaqay guddi cusub oo ka kooban xubno golaha wasii rada ah iyo maamulka degmada Guriceel oo loo xil-saaray inay gar-gaar deg deg ah gaarsii yan dadweynaha reer Guriceel ee ku Baraka cay dagaalka socda.

"Waxaa ugu baaqeyna dadka reer Galmu dug dal iyo dibedba halka ay joogan inay ca awiyan walaaladooda dhibaatadu ka soo ga artay kooxdaasi dhibtaada ay gaarsiisay, Sidoo kale dowladda federaalka iyo hay’addaha ugu baaqeyna inay gacan ka geystaan xaalada bin i-aadanimo ee ka jirta magaalada Guriceel.”

Xubno Ka Socda Guddiga Hirgelinta Doora shooyinka Oo Gaaray Baydhabo

Mas’uuliyiin ka socda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta ku meel ga arka u ah maamulka K/Golbeed Somaliya

.Gudoomiyaha Guddiga Hir gelinta Doorashoo yinka Heer Federaal Maxamed Xasan Ciro iyo Xubno kale oo ka tirs an Guddiga Hirgelinta Doora shooyinka Heer Federaal aya a gaaray Magaalada.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ayaa kusoo dhaweeyay Baydhaba, iyagoo sidoo akle kulan la leh mas’uuliyiin ka tirsan Koofur Galbeed Soomaaliya.

Ujeedada safarka ayaa daaran Gogol Xaarka iyo diyaarinta Arimaha farsamo ee Do orashada golaha shacabka oo dhawaan bil aaban doonta.


Madaxweynaha Puntland oo ugu hambal yeeyay Shacabka doorashada Golaha deegaanka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Punt land Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shacab weynaha Puntland gaar ahaan bul shada magaalooyinka Qar dho, Eyl iyo Ufeyn ugu hambalyeeyay Doorash ada goleyaasha deegaan ka ee taariikhiga ah ee qab soomtay.

Madaxweynaha Puntland ayaa tallaabadan ku tilmaamay guul Soomaaliyeed oo Puntland ay horseeday, wuxuuna u mahadceliyay Gud diyada ka shaqeeyay, Ciidamada Amniga, Uru rada Siyaasadda, Warbaahinta iyo Shacabka degmooyinka doorashadu ka dhacday.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo soo agaas imay Kulan deg deg ah oo ku saabsan Abaaraha ka jira dalka

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo agaasimay kulan fogaan arag ah oo ku saabsan abaaraha ka jira dalka, gaar ahaan deegaannada Jubb aland.

Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen Guddiga Wasiirrada ah ee u xilsaaran Abaaraha ka jira dalka, Danjireyaa sha Bee sha Caalam ka iyo Hay’adaha Gar gaarka binu-aadantinimo ee ka howl-gala dal ka ayaa lagu soo bandhigay walaac xooggan ee ku aaddan xaaladda abaaraha ee kasii dar aysa, taasoo galaafatay nolosha dad iyo duu nyo fara badan.

Kulanka ayaa wadajir u bogaadiyey dadaal lada iyo gurmadka ay hormuudka ka yihiin shacabka Soomaaliyeed, gudo iyo dibadba, iyagoo ku baaqay in la sii dardar geliyo, lana xoojiyo sidii loo badbaadin lahaa dadkeenna ku dhibaateysan deegaannada ay ku habsad een abaaruhu.

Inta uu socday kulanku, Madaxda ayaa ka dhageystay guddigii Wasiirrada ahaa ee gur madka geeyey iyo Wasiirka Gargaarka Jubbal and warbixin ku saabsan saameynta abaaruhu ay ku yeesheen Jubbaland oo ka mid ah dee gaannada ugu il daran saameynta Abaaraha ka jira dalkeenna.

Gabagabadii, Madaxda ayaa adkeeyey ba ahida degdegga ah ee loo qabo in la xoojiyo dadaallada lagu badbaadinayo nolosha dadka tabaalaysan, iyagoona isla gartay in loo ba ahan yahay qorshe cad oo looga hortagayo ab aaraha soo noqnoqday. ---DHAMMAAD----

Tirada dadka illaa hadda ku dhintay dagaal ka ka socda GURICEEL oo la shaaciyey

Sarkaal sare oo ka tirsan Ahlu Sunna Walj amaaca oo la hadlayey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka warbixiyey inta uu gaarsii san yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka xoogan ee weli ka socda gudaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Sarkaalkan oo lagu magacaabo Xasan Yare ayaa shaaca ka qaaday inay ku dhinteen illaa 120 qof, da gaalka haatan u dhexeeya ciidamada dowla dda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Walj amaaca.

Xasan Yare ayaa sidoo kale u sheegay Re uters in dagaalka ka socda Guriceel oo galay maalintii 4-aad ay ku dhaawacmeen dad gaa raya 600 oo qof, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Ahlu Sunna aysan ka tanaasuli doonin mowqifk eeda, isla-markaana ay dagaallami doonto illaa uu dhinto askarigeeda ugu dambeeyo.

Waxa kale oo uu xusay in weli ay ku sugan yihin gudaha Guriceel, ayna iska caabin doon aan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ee dagaalka ku qaaday magaal adaas.

Marka la eego tirada dhimashada ee ay shaacisay Ahlu Sunna ayaa aad ugu badan mida ay sheegtay Galmudug oo horay u baah isay in dagaalkaas looga dilay 16 akari, loog ana dhaawacay 45 kale, dagaalka culus ee ay haatan kula jirto ururka Ahlu Sunna Waljam aaca.

Dhinaca kale dadka ku barakacay dagaal ka ka socda Guriceel ayaa gaaraya illaa 100, 000 oo qof, sida ay shaacisay QM, kuwaas oo ku dhibaateysan duleedka degmadaasi.

Si kastaba, xaaladda ayaa Shalay deggan, inkastoo labada ciidan ay isku horfadhiyaan aaga Jaamacadda oo ku taal dhanka waqooyi magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Warar intaa dheerna ay ka soo baxayaan oo ah inuu Shalay wada hadal ahlu sunna uu la yeesheya ganacade carrabeey uu ka soco nayo degmada guricel

Qaylo dhaanta ka soo yeeraysa duleedka Guriceel oo korodhay

Xaalad bani’aadanimo ayaa laga soo she egaya inay ka jirto deegaanada ka baxsan Ma gaalada Guriceel, oo dad fara-badan ay ku ba rakaceen toddobaadyadii la soo dhaafay.

Dadkan isaga cararay colaadda Magaalada Gur iceel ayaa la sheegay in xaalad adag ay ku wajahayaan duleedyada magaaladaasi, iya doo aanay haysan hoy iyo adeeg caafimaad, toona.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Gargaarka Bani’aadanimada (OCHA) ayaa to ddobaadkan sheegay in ka badan boqol kun oo qof (100,000) in ay ku barakaceen colaadda Guriceel.

Hay’adda OCHA ayaa qoraal ku sheegtay in dadkaas oo u badan haween iyo carruur ay ga baad ka raadsadeen deegaan ada ku dhow dhow magaaladaasi.

"Xaaladda waxay ku khasabtay in ka badan 100,000 oo qof, oo badankoodu yihiin haween iyo carruur in ay ka barakacaan guryahoodii, isla-markaana ay gabaad ka raadsadaan tuul ooyinka u dhow dhow, kuwaa oo ay saamey say xaaladda abaaraha iyo biyo la’aan halka asi ka jirta.”

Dagaalka Guriceel ayaa horseeday inay xir maan goobihii caafimaadka ee ku yaalay magaalada, waana xilli duleedyada magaalada asi aanay ka jirin goobo kaloo caafimaad. Is bitaalka Guud ee Istarliin oo ahaa kii ugu dam beeyay ee ka hawlgelayay magaalada ayaa xirmay Axaddii, ka dib markii madaafiic ay ku dhaceen qaybaha ugu muhiimsan ee isbita alkaasi. Tani ayaa xoojisay xaaladdii bani’aad animo ee markii horeba ka jirtay deegaanka.

Sidee Urur-Siyaasadeedyadu Ugu Kala Guu leysteen Doorashadii Ka Dhacday Puntland?

Guddoomiyaha guddiga doorashada Pun tland, Guuleed Saalax Barre, ayaa ku dha waaqey natiijada doorashada Golaha Deeg anka ee degmada Qardho ee Puntland.

Doorashadan ayaa loo dareerey 25-kii bi shan October, oo ku beegneyd maalintii Dorraad, taasoo dadka degmada Qardho u aheyd waa cusub,iyo himilo u dhabawdey.

Waxaa soo gudbiyey liiska murashaxiinta ee Qardho ee golaha deegaanka toddobo urur siyaasadeed. Kuwaasoo kamid ah ururada siyaasadda ee maamulka Puntland.

Goobaha codadka laga kala dhiibtey wa xey kala ahaayeen Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Tirada codadka guud ee degmada Qardho ka codeysay waa 16,723 codbixiye. Tirada cod adka ansaxey waa 15,344. Tirada codadka qaldamey waa 1,379.

Wadarta codadka iyo kuraasta ay kala hel een ururada siyaasadda, waxey kala yihiin: –

2-Urur siyaasadeedka Shaqaalaha Xoogsata da ah: Wuxuu helay 29 cod, wax kuraas ahna kuma guuleysan

3-Urur siyaasadeedka caddaaladda iyo sin naanta: Wuxuu helay 4,197 cod, oo u dhiganta 9 kursi

4-Urur siyaasadeedka Kaah, wuxuu helay 5,469 cod, oo u dhiganta 12 kursi

5-Urur siyaasadeedka Mideeye 5,173 cod, oo u dhiganta 11 kursi

6-Urur siyaasadeedka Horseed, wuxu helay 150 cod, wax kuraas ahna kuma guuleysan

7-Urur siyaasadeedka Ifiye wuxuu helay 218 cod, oo u dhiganta hal kursi

Axmed Madoobe Iyo AMISOM Oo Ka Wada Hadlay U Diyaargaroowga Doorashooyinka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Juba land mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa magaalada Kismaayo ku qaabbilay taliyaha cii damada AMISOM Jeneral Diomede Ndegeya, iyo ku xigeenkiisa maj gen w k Shume, oo boo qasho ku tagay Jubaland.

Madaxweynaha iyo sarakiishan kasocotay AMISOM ayaa ka wada hadlay howlaha sugi dda amniga doorashooyinka iyo sidii si wadajir ah loogu fulin lahaa howlgallada nabadgalyada lagu sugayo.

Jubbaland ayaa hadda isu diyaarineysa qa bashada doorashada Aqalka hoose ee bar lamaanka Soomaaliya, markii ay dhow aan soo dhammaystirtay xubnihii ka Aqalka sare ee maamulkaasi ku matalayay baarlamaanka Aqa lka sare ee dalka


Maxkamadda G/Banaadir oo xukun adag ku riday Matt Bryden iyo Sahan Research

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Shalay ku dhawaaqday bilooyin kadib xukun ka dacwadii loo haystay Hay’adda Sahan Re search iyo agaasimaha guud ee hay’adda ee Matt Bryden.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Ban aadir, Cabdikhadar Maxamed Xasan oo xuku nkaas warbaahinta ka hor akhriyay ayaa shee gay in xukun xabsi shan sano ah ku riday max kamaddu Matt Bryden oo hadda ku nool maga aladaNairobi ee dalka Kenya

Sidoo kale waxay maxk amadda xukun ku riday Aja aniib kale oo kamid ah aasa sayasha hay’adda Sahan Re search oo dhamaantood ma qanayaal ah, ayaa waxa laamaha dambi baar ista lagu faray inay soo qabtan eedeysanay aasha.

"Maxkamadda ayada oo raaceysa habka xeerka ciqaabta Soomaaliyeed waxay eedeysa ne Matt Bryden ku heshay qoddobada 215 faq rada 1-aad iyo 328 xeerka ciqaabta Soomaali yeed, waxayna ku xukuntay 5 sano oo xariga ah,” ayuu yiri Guddoomye Cabdikhadar Max amed Xasan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Maxkamad da gobolka Banaadir ay wax dambi ah ku wey say eedeysanayaasha Rashiid Cabdi, Kheyre Cabdiraxmaan, Emmanuel Deiser, David Hopk ins iyo nin kale oo Ajnabi ah dacwadihii ka dhanka ahaa ee loo haystay.

Eedeymaha u weyn ee loo haystay ayaa waxaa kamid aheyd inay bixiyeen xogta ama anka qaranka iyo mida militeriga Soomaaliya, oo ay ku dabaceen bogga Sahan Research. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay basaasnimo.

Dadkan ajnabiga ah ayaa fadhigoodu yahay Kenya, waxayna wax ka qoraan arrimaha siya asadda iyo amniga Geeska Africa, oo Soomaa liya kamid tahay, waxaana lagu eedeeyaa inta badan in ay dusiyaan macluumaad xasaasi ah, oo aan warbaahinta loogu tala-galin.

Hay’adda Sahan Research ayaa waxaa sha qadii gudaha dalka laga joojiyey bishii Dece mber ee 2018-kii, kadib markii uu maamulka Farmaajo u arkay inay khatar ku tahay amniga iyo dowladnimada dalkeena.

Qoraal December 17, 2018 kasoo baxay wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa lagu yiri ” Hadaba inta laga soo gabagabeynayo baar itaanada socda waxaa la farayaa shirkadda Sahan Research in ay joojiso dhamaan shaqo oyinka ay ka hayaan dalka Soomaaliya, isla markaana waxaa lagu wargalinayaa dhamaan dadka ama hay’adaha xiriirka la leh in aanay wax xiriira ama wada shaqayn ah la yeelan ka rin Sahan Research maadaama ay shirkadani ku kacday oo faraha kula jirto arrimaha kor ku xusan oo dhaawacaya xasiloonida dalka iyo qaranimadda Soomaaliya.

Ahlu-Sunna Oo AMISOM Ku Eedeeyay In Ay Qayb Ka Yihiin Dagaalka Ka Socda Guriceel

Xoogagga Ahlu-sunna ayaa war-saxaafad eed kasoo saaray xaaladaha kasoo cusboona aday Gobolka Galgaduud iyo dagaalka kasoo cusboonaad ay Magaalada Guriceel.

War-Saxaafadeedka kasoo baxay Ahlu-sun na ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidanka AMI SOM ay qayb ka yihiin dagaalka, iyagoo eed culus u jeediyay Dowladda Soomaaliya.

Wararkii ugu danbyey Ciidamada Ahlu-Sun na oo ka baxay magaal ada Guriceel

Ciidamada Ahlu-Sunna ayaa ka baxay mag aalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo afa rtii maalmood ee lasoo dhaafay ay kula dag aalameen ciidamada dowladda iyo kuwaGalmudug oo isku dhinac ah.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Ciidanka Ahlu-Sunna oo wata gaadiidkooda dagaal ka ay ku baxeen wad dada deegaanka Go d-Wiil ee aada dhan ka Waqooyi Beri ee magaalada Giriceel.

Ciidamada Ahlu-Sunna ayaa fariisinkii ay ku lahaayeen dhanka waqooyi ee magaalada, sida Jaamacadda waxay uga tageen 2 Gaari oo kala ah Beebe iyo Cabdi Bille oo ay lahaaye en ciidamada dowladda, kuwaas oo ay ku qab sadeen dagaalkii bishii hore ka dhacay deeg aanka Bohol.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamada Ahl u-Sunna ma aysan kaxeysan labadaas Gaari oo waxay uga tageen goobta, iyagoo aan wax aba qabin.

Saraakiil ka tirsan Ahlu-Sunna ayaa laga soo xigtay in ay shegeen in wadahadal ay gar wadeen ka yihiin Ganacsade Xaashi Carabey iyo Senator Cabdi Qaybdiiid ay Guriceel uga baxeen.

Sidoo kale xiriir aan la sameeynay mas’uul iyiin iyo saraakiil ka tirsan dhanka dowladda ayaa iyaguna sheegay in uusan jirrin wax wad ahadal ah, balse ay jiraan ganacsato qaab qab iil magaalada uga saartay ciidankii u dagaal amayey Ahlu-Sunna.

Ciidamada dowladda ayaa hadda la soo werinayaa inay gudaha u galeen dhufeysyadii ay Guriceel ku lahaayeen xoogagga Ahlu-Su nna, halkaas oo saakay ay isku balaariyeen.

Xigasho: Radio Galgaduud

Somaliland iyo Kenya oo kawada shaqayn aya xidhiidh ganacsi oo ay yeeshaan

Xukuumadaha Somaliland iyo Kenya ayaa qorshaynaya in ay yeeshaan xidhiidh ganacsi oo dhexmara, iyadoo Kenya ay danaynayso in ay Somaliland suuq uga hesho qaadka Miraa oo suuqii hore ee Soomaaliya laga xayiray.

Wafti wasiiro iyo saraakiil kale ah oo uu ho gaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Som aliland D.R Ciise Cabdiraxmaan Kayd oo safar ku jooga Nairobi, ayaa kulan ay la qaateen wa siirka beeraha Kenya Peter Munye, kaga wada hadlay suuq u helista jaadka Miraa, arrimaha beeraha iyo xoolaha nool, sida wasiir Munye uu bartiisa Twitterka ku qoray.

"Waxan kulan la qaatay wafti ka socda Jam huuriyada Somaliland, oo uu hogaaminayo wa siirka arrimaha dibadda Ciise Kayd, waxaanu diirada saarnay waxyaabo badan oo aanu iska kaa shanayno, sida daafurka iyo kor u qaadista waddo ganacsi oo qaadka Miraa yeesho, xool aha iyo beeraha" ayuu yidhi wasiir Munye.

Safarka waftiga Somaliland ayaa daba soc da sii xoojinta heshiisyadii ay sannadkii hore kala saxeexdeen madaxweynayaasha Somali land iyo Kenya, ee dhinacyada dibulumaa siy ada iyo ganacsiga.

Safiirka Switzerland ee Soomaliya oo booqa sho ku tegay wasaaradda caafimaadka Puntland

Safiirka dalka Switzerland ee Soomaaliya Valentin Zellweger oo ay wehelinayeen Agaa simaha iskaashiga geeska Africa Thomas Oe rtle iyo lataliyaha maamulka iyo siyaasadda ay aa Shalay booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Wasaaradda caafimaadka Puntland, waxaa na ku soo dhaweeyay Wasiirku xigeenka Was aaradda Md.Cabdinaasir Yuusuf Xaaji iyo Ag aasimaha guud Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan.

Shir kooban oo ay ku wada qaateen xafiis ka Wasiirku xigeenka ayaa looga wada had lay mashaariicda dhanka caafimaadka ah ee ay ka wadaan deegaannada Puntland.

Waxaa sidoo kale inta uu shirku socday lagu soo qaaday mashariicda caafimaadka ee gobol ada Mudug, Sool iyo Sanaag oo gabagabo ma raya iyo sidii loo sii wadi lahaa, loona buuxin lahaa gaabka galaya sanadka dhamaadkiisa.

Mas’uuliyiinta ayaa waxay ugu dambeyn kor meer ku mareen qaybaha kala duwan ee Was aaradda, sida qaybta daawooyinka, qaybta key dka talaalada iyo qaybta Xogta Wasaaradda oo ay soo arkeen.

Shirka ayaa ku soo dhamaaday guul waxa ana inta badan la isku afgartay sidii looga wa da shaqayn lahaa horumarinta adeeguada

Caafimaadka ee deegaannada Puntland.

Ciidanka Xoogga Dalka Oo La Wareegay Magaalo Muhiim Ah Oo Ka Tirsan Shabeellaha Hoose

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay Magaalada Basra ee gobo lka Shabeellaha Hoose, kadib howgallo maa lmo qaatay oo ka socday Gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in haatan ay Cii danka huwanta ah la wareegeen Magaalada, howlgal qorsheysan ayay kula wareegen magaalada sida Saraakiisha Ciidanka hor kac aysa ay sheegeen.

AMISOM dhankooda waxaa ay shaaciyeen in howlgalku uu socday 16-kii illaa 22-kii Oct ober. Saraakiisha AMISOM waxaa ay sheeg een in Magaalada ay qabsadeen ay muhiim u tahay, iyadoo ilaa iyo hadda aan la shaacin khasaaraha ak dhashay howgalka.

Magaalada Basra ayaa ahayd meel ay ku xoogganayeen dagaalamayaasha Al-shaba ab, iyagoo weeraro kasoo qaadi jiray inta badan .

Dhimasho & dhaawac ka dhashay dhisme ku soo dumay M/Muqdisho

Hal Ruux ayaa geeriyooday Afar kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii Shaqa aledhisayay uu kusoo dumay Guri kuyaal Aga gaarka Isgoyska Soobbe ee Waaxda degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir.

Gaadiidka Gurmadka deg dega ee Gobolka Banaadir oo tegay Goobta ayaa ka qeyb qaa tay gurmadka loo sameeynayay dadka uu ku dumay darbiga Guriga, waxaana goobta laga qaaday dhaawaca Afar ruux oo Shaqaalaha kamid ahaa.

Guddoomiyaha Waaxda 1aad Janeraal Da a’uud ee degmada Wadajir Cabdirisaaq Cali Yuusuf & Agaasimaha Gurmadka deg dega ah ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheeg een inay ku guuleysteen in la soo badbaadiyo dadka dhismaha uu ku dumay.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay xireen Milkiilaha Goobta dhismaha uu ka socday oo ah goob loo diyaarinayay Suuq, sidoo kalena la baadi goobayo hal qof oo lagu la’yahay dhismaha hoostiisa.

Mararka qaar ayaa waxaa sidaan oo kale uu dhismo ugu soo dumaa Shaqaale dhisaya, kuwaas oo ku noqda dhimasho iyo dhaawac, si doo kale ay ku burburto hantifarabadan.

Beesha Caalamka oo digniin kasoo saartay dagaalka Guriceel

War-saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa looga hadlay xiisadda ka alo osan magaalada Guriceel ee gobolka Galga duud, halkaas oo seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay uu dagaal lagu hoobtay ku dhe xmaray Ahlu-Sunna iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.Qoraalka beesha caalamka waxaa lagu sheegay in dhibaatada ka taagan Guriceel aysan ku ekeyn xaaladaha bini’aadanimo ee laga soo werinayo, balse sidoo kale ay colaad aasi hagal daacineyso oo khatar ay ku tahay sii socoshada doorashooyinka dalka iyo daga alada lagula jiro Al-Shabaab.

"Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa ka wa laacsan dagaalka ka socda magaalada Gur iceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Cola addu ma aha oo kaliya mid sababaysa dhiba ato bini’aadanimo oo ku dhacda dadka deega anka, ee waxay sidoo kale tubta ka leexinay saa hortabinnada degdegga ah ee dhamaystir ka hannaanka doorashada iyo la-dagaallanka al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka.

Sidoo kale Ahlu-Sunna iyo Galmudug ayaa loogu baaqay inay xiisadda u dhaxeysa wada hadal ku xaliyaan, waxayna xubnaha beesha caalamku qoraalkaan ku balan qaadeen inay diyaar u yihiin inay taageeraan dadaallada na badda, waa haddii ay dhinacyadu ka cods adaan

"Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada diri rtu ka dhaxayso inay si dhakhso leh u joojiyaan dagaalka oo ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafkooda. Saaxiibada caalamku waxay diy aar u yihiin inay taageeraan dadaalladaas had dii ay dhinacyadu codsadaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedkaan waxaa wadajir u soo saaray dowladaha iyo ururrada kala ah, Ha wlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (A MISOM), Belgium, Kanada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Kenya, Jaam acadda Carabta, Netherlands, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Uganda, Boqort ooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay

Qaramada Midoobay Oo War Kasoo Saartay Heshiiskii Ay Gaareen Farmaajo Iyo Rooble

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo Shalay qabtay shir jaraa’id ayaa ka hadlay heshiiskii ay dha waan gaareen Madaxweynaha Dowladda Fed eraalka ah ee Soomaaliya Mxaamed Cab dulalahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare maxamed Xuseen Rooble.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa ka hadlay sida ay labada mas’uul u xaliyeen khilaafkii aksoo dhex Cusboonaaday, waxaaan uu intaasi ku daray in ay soodhaweynayaan tallaabada ay qaadeen farmaajo iyo Rooble.

James Swan ayaa sidoo kale sheegay in Qaramada Midoobay ay gacan ka gaysan doonto sidii heshiisku uu u noqon lahaa mid mira dhala iyo sidii dib loogu laaban lahaa wadadii loo baahnaa, hanaanka doorashada loo amba-qaado.

Madaxweyne farmaajo iyo RW Rooble ayaa dhawaan heshiis ka gaaray arrimo dhowr ah oo ay markii hore isku khilaafeen, waxaana khilaafku uu salka ku hayay xiisaddii ka dhal atay kiiskii Marxuumad Ikraahin Tahliiliyo xil ka qaadistiiTaliyihii nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin, kaasi oo uu Ra’iisul Wasaare maaxmed Xuseen Rooble xilka ka xa yuubiyay kadib dilkii Ikraan tahliil.

Faysal Cali Waraabe "Adduunka saxiibo ka ma samaysan karno kii inoo yimaadana ma xajisan karno"

Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa cambaareeyay, talaabada ay xukuuma da Somaliland ku dhin tay safarada shirkadaha diyaarada ka howlgala madaarka Cigaal ee Har gaysa.

Faysal ayaa sheegay in waddanka Imaraatka Carabtu yahay,

Waddan xidhiidhka iyo maalgashigaSomal iland u badheedhay isla markaana ay mudna yd in lasoo dhaweeyo shirkada Flydubai, isa goo xukuumada ku eedeeyay in anay saxibo samaysan karin kuwa uyimadana anay xajisan karin.

"Inagu adduunkiina saxib kama samaysan karno, kii inoo yimaadana ma xajisan karno, Flydubai waxay kasoo jeeda waddanka inoo badheedhay ee nus bilyanka ina galiyay, mar ka laga yimaado Itoobiya waa tii ugu horaysay ee khadka inoo furtay, waala joojiyay 2 sanno ayay inaga maqnayd hada la fasaxay, 3 du ulimaad baa la siiyay, waxa la yidhi 2 ayaanu kaaga dhignay" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa sheegay in xukuumada Som aliland anay waxba ka galin hadii diyaaraduhu ku khasaarayaan safaradooda iyo hadii ay ku faa'iidayaan, isla markaana hadii safaradu ya raadan uu tigidhka diyaaraduhu qaaliyoobi doo no taasi oo umada Somaliland anay xamili karin.

"Diyaaraduhu haday khasaarayaan iyo ha ddii kale adiga waxba kaama galin, haday 2 qof sido oo ay timaado cashuur baad ka qaa daysa, yaa ku yidhi adiga waa jilaale ka yaree, iyaguna way ka sareen sistem kiiba, markii iya da iyo Airabia inaga tageen tigidhku $1000 kab adan ayuu inagu tagay' lakin, marka tartan jiro wuu inoo jabayaa" ayuu yidhi Faysal.

Xukuumada Somaliland ayaa dhintay saf arada ay madaarka Cigaal ku yimaadaan di yaaradaha Flydubai, Airabia iyo Daallo, halka diyaarada Ethiopian Airline oo maalintii 2 jeer timaada Hargaysa aan iyada jadwalkeeda waxba laga badalin.


Mareykanka oo sheegay inay ka fiir sanaya an taageerada ciidanka DANAB ka dib ka qeybgalkii dagaalka Guriceel

Mareykanka ayaa sheegey inay ka fiir sanayaan taageerada ay siiyaan Ciidanka Danab ee Soomaaliya kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya inay ka qeybgaleen dagaaladii maaalmihii dhawaa ka socdey ma gaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dagaalladan ayaa u dhexeeyey ciidamo taageersan Ahlu-Suna iyo maamulka Ga lmudug oo taageero ka helaya ciidamada xooga dalka ee Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan safaarada Mareykanka ee Soomaaliya oo ka jawaabayey dalab ay VOA-du ku weydiineysey sida ay u arkaan ku lug lahaanshaha ciidamada Danab ee da gaalka Guriceel ayaa sheegey in ay Mar eykanku la socdaan wararka sheegaya in cii damada Danab ay ku lug lahaayeen dagaal ka Galmudug.

Waxaa kale oo ay sheegeen in ay arkeen warar ay warbaahintu ka qortey in taliye Ca bbdilatiif Fayfle iyo askar kale oo ka tirsan dhinacyadii dagaalmayey lagu diley weera rkaas, ayna tacsi gaarsiianayaan qoysaska iyo ehellada dhamaan dhinacyadii uu same eyey weerarkaas.

Qoraalkan uu VOAda ugu jawabayey sar kaalka katirsan safaarada Mareykanka ayaa sidoo kale loogu baaqey in dhamaanba dhin acyada dagaalamaya ay joojiyaan howgall ada Milatari ayna qaataan dhabaha wada-ha dallada siyaasdeed oo lagu gaaro xal naba deed.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu xusey in Mareykanku ay siiyaan tababro iyo taageero kaleba ciidamada xooga dalka qeybtooda Danab si ay u gaaraan hadafka ay wadaag aan ee ah sidii looga adkaan lahaa Al-Shab aab.

Sarkaalka ka tirsan safaaradda Mareykan ka ayaa sheegey in iyagoo eegaya dagaalkii Guriceel ay dib u eegi doonaan taageerada ay siiyaan Danab, si loo xaqiijiyo in taage eradaas loo adeegsado si ku haboon kuna qaabeysan siyaasadda & ujeedooyinka Mar eykanka.VOA

Maxay Ka Wada Hadleen Vladimir Putin Iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Labada hoggaamiye ayaa ka wada had lay arrimaha isbeddelka cimilada, xaaladda Afgaanistaan ​​iyo dib u soo celinta Qorshaha Wadajirka ah ee Waxqabadka (JCPOA), oo loo yaqaan heshiiska Nukliyeerka Iran.

Johnson wuxuu ogolaaday in "Xiriirka UK uu hadda la leeyahay Ruushka uusan ahayn midka aan dooneyno,” isagoo tilmaamay "dh ibaatooyin muhiim ah oo laba geesood ah,” oo ay ku jiraan sunta lagu eedeeyay Salis bury 2018 ee basaaskii hore ee Ruushka Se rgei Skripal iyo gabadhiisa Yulia iyo kala du wanaanshaha Ukraine .

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo dalalka waaw eyn ee dhaqaalaha adduunka oo leh taariikh dheer, oo wadaag ah, UK iyo Ruushka ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay iska kaa shadaan wax ka qabashada caqabadaha la wadaago sida isbedelka cimilada iyo ilaalinta heshiisyada caalamiga ah sida Iran. Heshiis ka nukliyeerka.

Qarax Bas Lala Beegsaday Oo Ka Dhacay Meel U Dhow Magaalada Kampala

Booliska Uganda ayaa sheegay in qarax lala beegsaday bas, kaasi oo ay dhowr qof ku dhaawacmeen, uu ahaa is-miidaamin uu fuliyey jihadi ka tirsan kooxda ADF.

"Dhacdadaas waxaa la xaqiijiyey inay aheyd qarax is-miidaamin ah, oo qofkii fuliyey uu ku dhintay,” waxaa sidaas Shalay yiri afhayeen ka booliska Fred Enanga.

Enanga ayaa sheegay in is-miidaamiyaha uu ku jiray "liiska xubnaha la raadinayo” ee kooxda Xoogagga Isbaheystay ee Dimqor aadiyadda ama Allied Democratic Forces (ADF).

Qaraxa oo ka dhacay bas marayey meel u dhow caasimadda Kampala ayaa yimid la ba maalin kadib markii qarax habeenkii Isniin ta ka dhacay maqaayad ku taalla waqooyiga Kampala uu ku dhintay hal qof.

Enanga ayaa sheegay inay aas-aaseen "isku xirnaan aad u sarreysa” oo ka dhax eysa labada weerar. "Shaqsiyaadkan ama kooxaha diyaarinaya qaraxyada waxay ka ti rsan yihiin isla hal koox,” ayuu yiri Enanga.

Kooxda aadka looga cabsado ee ADF, oo ah koox mucaarad ah oo taraiikh fog ku leh Uganda, ayaa lagu eedeeyey dilka kumana an qof oo ahaa shacab ku nool bariga dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.

Toogasho ka dhacday Maraykanka oo sa babtay dhimasho iyo dhaawac

Labo qof ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday suuq ganacsi oo ku yaal gobolka Id aho ee dalka maraykanka, iyadoo sidoo kale weerarkani sababay dhaawaca afar qof oo uu ku jiro sarkaal boolis ah sida ay sheege en boolisku. Badhasaabka gobolka Idaho Brad Little ayaa sheegay in gobolku uu diy aar u yahay inuu booliiska Boise ka caawiyo baaritaanka toogashada.

Dadka kunool gobolka Idaho ee dalka mar aykanka ayaa waxaa soo wajahday cabsi la xirirta inay kordhaan weerarada kale ee halk aasi ka dhacaya, isla markaana ay waxyeelo kasoo gaarto.

18 Qof Oo Lagu Dhex Diley Masaajid Ku Yaalla Nayjeeriya

Ugu yaraan 18 qof, ayaa lagu dhex diley weerar lagu qaadey masaajid ku yaalla gobo lka Nayjer, ee dhaca galbeedka dalka Nayjeeriya.

Sida ay sheegayaan warar laga soo xig tey dadka deegaanka, rag hubeysan ayaa gudaha u galey masjidka, iyagoo laayey dad kii ku tukanayey salaaddii subax.

Qof ku nool tuulada uu weerarku ka dhacey ee Maza-Kuka, ayaa u sheegay war geyska The Punch, inaaney sheegi karin tiro sax ah, oo la xiriirta dhibaatadii dhacdey, laa kiin waxaa laga soo bixiyey masjidka meydad gaaraya illaa iyo 18 qof.

Dableydii hubeysneyd ee weerarey tuula da Maza-Kuka, ayaa la sheegay iney wateen Dhug Dhugleey ama Mootooyin.

Dad ku dhintey mudaaharaadyo ka dhacay dalka Suudaan

Toddobo qof ayaa ku dhintey mudaa haraad ka dhacey Sudan, kadib markii ay is ku dhaceen ciidankii la wareegay awoodda dalkaasi.

oggaamiyaha afgambiga, General Cabdu lfataax al-Burhan, ayaa kala direy dowladdii kmg aheyd, isagoo ku dhawaaqey in dalka asi la galiyey xaalad deg deg ah.

Ra’iisal wasaarihii Sudan, Cabdalla Xa mduuk, iyo saraakiil sar sare oo ka tirsaneyd xukuumaddiisa, ayey ciidanku xireen.

Kumanaan dad ah ayaa isugu soo baxey waddooyinka magaalada Khartuum, iyagoo muujiyey sida ay uga soo horjeedaan afga mbiga ciidanka.

Dhawaan ayey aheyd markii uu dalka Su dan uu ka dhacey afgambi ciidan oo dhics oobay, taasoo ku abuurtey walwal xubnaha rayidka ah ee ka tirsanaa xukuumadii shaley la afgambiyey.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip