Wasiirka Gaashaandhiga iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo
Wararka naga soo gaaray gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/qaadir Sheikh Cali Diini uu maanta gaaray degmada Garbahaareey ee xarunta gobolkaasi.
Wasiirka ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay xubnaha maamulka degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, iyo xubno ka tirsan maamulka Jubbaland oo uu kamid yahay madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Fartaag.
Wararka aan ka heleyno degmada Garbahaareey ayaa sheegaya in ujeedada wafdiga ee magaalada ay tahay sidii kulamo ula qaadan lahaayeen xubnaha maamulka ee ku sugan degmada Garbahaareey.
Sidoo kale waxaa wararka ay sheegayaan in wafdiga ay halkaasi u tageen dhameynta khilaafka u dhaxeeya xubnaha maamulka Jubbaland iyo masuuliyiinta gobolka Gedo ee dhawaan xil ka qaadista lagu sameeyay.
Magaalada Garbahaareey oo xarun u ah Gobolka Gedo ayaa dhawaan laga saaray ururka Al-shabaab oo mudo sanado ah halkaasi xukumayay,waxaana hada socda dadaalo lagu doonayo in dib magaaladaasi loogu soo celiyo hanaankii adeegyada Bulshada.