HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES EE MAANTA OO AH TALAADO 26-KA OCT. 2021-KA

1
Tuesday October 26, 2021 - 05:51:15 in Wararka by
  • Visits: 397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES EE MAANTA OO AH TALAADO 26-KA OCT. 2021-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

R/W Rooble Oo Ka Hadlay Doorashada Ka Soco ta Qaar Ka Mid Ah Degmooyinka Puntland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Maxamed Xuseen Rooble ayaa bu lshada, hoggaanka dowlad-goboleedka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hamba lyeeyay doorashada golaha deegaanka ee ka bilaa batay Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

"Waa tallaabo taariikhi ah, ku da yasho mudan, muhiimna u ah han naanka dimoqraadiyadda iyo maam ul daadejinta dalkeenna. Waxaan rajeynayaa in doorashadu ku soo dhammaato si nabdoon oo hufan”

Shacabka ku nool Saddexda degmo ayaa Cod kooda dhiibtay, si ay u doorteen Golaha degaanka degmooyinkaas oo ka kala socda 8 Urur siyaasa deed ee kajira degaannada Puntland.

Midowga Musharixiinta oo lix qodob kasoo saar ay Colaada Guriceel

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa shaaci yay inay aad iyo aad ugu xun yihiin dagaalada ka aloosan Dowlad Gobaleedka Galmudug gaar ahaan Guriceel, kuwaas oo u dhaxeeya Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah & xoogaga Ahlusunna

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayay ku dalbadeen in si deg deg ah xabada loo jooj iyo, sidoo kalena ay ka damqanayaan dhibaatada ka dhalatay dagaaladaas ee ah dhimasho, dhaawac iyo barakaca dad badan oo Soomaaliyeed.

Xubnaha Golaha Midowga Musharixiinta ayaa waxaa aybsoo jeediyeen lix qodob oo xal u noqon kara joojinta dagaalka degmada Guriceel ee Gobol ka Galgaduud, kuwaas oo kala ah.

1. In si deg-deg ah xabadda loo joojiyo.

2. In wadahadal siyaasadeed lagu xaliyo wixii khilaaf ah ee jira lana tixraaco heshiiskii hore ee Ahlu Sunna iyo dawladdu wadagaleen uuna

saldhig u noqdaa wadahadallada cusub.

3. In la dhowro xasiloonida, midnimada iyo jiritaanka dowladeed- goboleedka Galmudug oo dadaal dheer loo soo maray qeybna ay ka

ahayd Ahlu Sunna.

4. In dowladda dhexe ay joojiso ciidanka- ay u daabuleeyso Galmudug isla-markaana qaadato kaa linta uga aaddan xallinta khilaafaadka gaar

ahaan Ra’iisulwasaaraha Xukuumdda.

5. Xukuumadda Dowladda Federaalka waa in ay- dowrkeeda waajibka ah ka gudataa joojinta cola adda, nabadeeynta, iyo xasilinta Galmudug.

6. Waa in laga fogaadaa wax kasta oo sii hurin- kara colaadda, wixii khilaafaad ah ee soo kordhana lagu dhameeyo miiska wadahadalka.

Saddex Maalin oo xiriir ah ayaa waxaa degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ka socda dagaalo khasaaro badan geystay oo u dhaxeeya Ciidanka dowladda & kuwa Galmu dug oo dhinac ah & xoo gaga Ahlusunna

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Kormeer Ku Tagay Dekadda Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Ro oble ayaa kormeer ku tagay dekadda Muqdisho isagoo u kuurgalay habsami u socodka howlaha dek adda. Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay wasiirrada hay ’adaha dhaqaalahah dalka iyo mas’uuliyiinta Amniga dekadda ayaa ka dhageystay warbixin ku saabsan horumarrada dekadda iyo wada shaqeynta hay’d aha kala duwan ee ka howl gala dekadda oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kula dardaarmay hay’adahan inay xoojiyaan wada shaqeynta dhexd ooda ah, tayeynta iyo dardar gelinta adeegyada dekadda ayna dhowraan hufnaanta nidaamka dakhli ururinta.

FIQI oo is-barbar ku sameeyay tallaabo oyin ay qaadeen Qoor Qoor iyo Deni

Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa isbar-bar dhig cajiib ah ku sameeyay tallaabooyinkii u dambeeyay ee ay qaade en madaxweynayaa sha Galmudug iyo Puntland.

Fiqi ayaa waxa uu madaxw eyne Qoor-Qoor ku si feeyay inuu yahay hogaami dagaalka iyo dilka dad kiisa raba inuu guul ka raadiyo, halka taasi bad alkeed uu ku sifeeyay Deni hogaamiye gudanaya mas’uuliyadii loo igmaday.

Sidoo kale waxa uu si weyn ugu amaanay madax weynaha Puntland, Siciid Deni doorashada qof iyo codka ah ee Shalay deegaano kamid ah maamulkaas looga dareeray.

Hoos ka aqriso qoraalka Xildhibaan Fiqi

Farqiga u dhexeeya caqliga labada hogaamiye.

Meel waa nabad iyo mustaqbal dimuqraadiyad, meelna waa abaabul colaad iyo mahadhooyin mu rugo leh!. Meel waa hogaamiye caqli fayow oo dad kiisa iyo deeganadiisa mas’uuliyadii Iagu aaminay sidii ay aheyd u gudanaya, meel kalena waa hoga amiye dagaalka iyo dilka dadkiisa raba inuu guul ka raadiyo!.

Meel hogaqmiyaheedu Shalay wuxuu beeray rajo iyo raad loo aayi doono, halka meesha kale uu bee ray uur-ku-taallo iyo rajo xumo.

Muddo saddex maalin tacsi, agoonnino iyo asay ayaa la deris ahayd qoysas Soomaaliyeed oo ay sa bab u tahay go’aan qaldan oo arrin nabad lagu xallin karo laga qaatay, Lana kala dooranayey noocyada hubka ee loo adeegsanyo gumaadka shacabka, hal ka dhanka kale saddex maalmood ay u ahayd olole doorasho, soo bandhigid barnaamij iyo aragtiyo si yaasadeed oo la kala doorto!Galmudug Allaha u gar gaaro, saddex maalmood warka u weyn wuxuu ahaa Guriceel gacanta ayaa lagu dhigay!. Baaqigahala caymiyo!

Tirinta Codadka Doorashadii Ka Dhacd ay Puntland Oo Bilaabatay

Tirinta codadka doorashadii dowladaha hoose ee Shalay ka dhacday Puntland ayaa ka bilaabatay qaar ka mid ah goobihii codadka laga dhiibtay

Shalay ayaa lagu wadaa in goobaha harsan ee ka kala tirsan degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn iyagana laga bilaabo tirinta codadka.

Doorashooyinkaan Shalay ka dhacay saddexd aas degmo ee Puntland ka tirsan ayaa ah doorasha dii ugu horraysay ee qof iyo cod ah ee deega anadaas ka dhacda tan iyo intii la aas aasay dowlad goboleed Puntland.

Doorashadan goleyaasha deegaanka ayaana ah mid si weyn indhaha loogu hayo

CIA ayaa is-hortaagtay cunaqabateyn la saari lahaa Fahad Yaasiin

Warbixin dheer oo wargeyska New York Times uu ka qoray howgallada hay’adda sirdoonka Mare ykanka ee CIA ee Muqdisho ayaa shaaca ka qaa day sida ay hay’addan ugu dhex milantay siyaa sadda Soomaaliya.

New York Times ayaa shaacisay in CIA-da ay is-hortaagtay isku day la doonayey in hadda kahor cunaqabateyn lagu saaro taliyihii hore ee haya’dda NISA Fahad Yaasiin, oo hadda ah la-taliyaha amn iga qaranka ee madaxweyne Farmaajo.

Warbixinta New York Tim es ayaa sheegtay in sababta Fahad loo saari lahaa cuna qabteynta ay tahay inuu taa geeray isku daygii uu mada xweyne bishii Febraayo ku sameeyey muddo kororsiga, kaasi oo horseeday dagaal ka dhacay Muqdisho.

"Saraakiil Mareykan ah ayaa soo jeediyey in Fa had la saaro cunaqabateyn si loogu qabso inuu ka laabto, sida ay sheegeen laba sarkaal oo reer galbe ed ah. Hase yeeshee CIA-da ayaa si daacadnimo leh uga soo horjeesatay fikraddaas, ayada oo mu uqata inay ilaalineyo danaheeda ka hortagga arg agixisanimada,” ayey tiri warbixinta New York Times.

CIA-da ayaa saldhig ku leh garoonka Muqdisho, waxayna si dhow ugala shaqeysaa hay’adda NISA dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Tallaabada CIA ayaa farriin qaldan u dirtay sar aakiisha Soomaaliya oo ku saabsan ahmiyadadaha Mreykanka, sida uu sheegay mid ka mid ah sara akiisha reer galbeedka. "Waxay arkeen in afka iyo jir ka ay kala sameynayaan laba wax oo kala duwan. Waa jahwareer.”

Dhinaca kale, warbixinta ayaa sheegtay in CIA-da ay howlgallo qorsheysan xilliyada habeenkii ka fuliso magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu ugaar sado xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Mid ka mid ah howlgalladaas ayaa waxaa bishii November ee sanadkii tegay ku dhintay sarkaal CIA ah oo lagu magacaabay Michael Goodboe oo 54 jir ahaa.

Goodboe ayaa ku dhaawacmay qarax gaari oo uu sameeyey sarkaal Al-Shabaab ah oo la erynayey xilli habeen, waxaana loo qaaday isbitaal militariga Mareykanka ay ku leeyihiin Jarmalka, oo u uku dhintay 17 maalmood kadib.

Xigasho:- New York Times

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka hadlay falkii Al-Shabaab ka geysteen Waajid

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa ka hadlay dhibaatooyinka Al-Shabaab ay mararka qaar u geystaan Shacabka

Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Koonfur Galb eed iyo falkii ay ugeysteen Ganacsatadii Degmada Waajid ee Gobolka Bakool oo raashin ay wateen la gu bay.

laftagareen waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ka soo horjeedaan noloshada dadka, ayna doonayaan in qofka nolosha lagu ciqa abo.

"Waad ogeydeen maalin dhaweyd in xayaawaan kii xitaa dilayaan gaari dameerada raashiinka wa dey, maxaa looga baqayaa in la isku tashado oo cadowga Dowlada lagu garabsiiyo iney meesha ka saarto, Qof waddada u taagan in bulshada dhibaat eeyo waa in la iska dhiciyaa oo lagu shahiidaa oo la iska dhiciyaa, hadii leedihiin laftagreen ayaa madfac keenayo Waad og tihiin dalka Cunaqabateyn ayaa saaran, Marka wixii aan heli karno oo hub ah waa in la isaga dhiciyaa, waana iska difaaci karaa, Marka shacabka doorkooda ha qaataan ayuu yiri” lafat agareen.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur

Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ugu dambeyn sheegay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay sidii loo fulin lahaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab. Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbe ed waxaa uu Shalay ka sheegay kulan uu ku saxi ixay qorshaha horumarinta DGKGS


MAREYKANKA OO SHAACIYEY DAKHLI MAANKU DIID AYO OO AL-SHABAAB USOO XAROODAY 2020

Warbixin dheer oo wargeyskaNew York Times uu ka qoray howgallada hay’adda sirdoonka Mar eykanka ee CIA ee Muqdisho ayaa shaaca ka qa aday xogta dowladda Mareykanka ee ku aadan dha qaalihii sanadkii hore soo galay kooxda Al-Shabaab.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in qiyaa stii dowladda Mareykanka ay muujineyso in dakhliga Al-Shabaab usoo xarooday sanadkii 2020 uu yahay 120 milyan oo dollar.

Sida ay warbixinta tiri, Al-Shabaab ayaa Soomaal iya ka sameysay dowlad dadban oo dhina c socota tan federaalka, taasi oo soo xareysay lac agtan oo badankeed ka timaada canshuurta iyo lac agta kale ee baadda ah ee laga qaado shacabka.

Canshuurta xooggeeda ayaa Al-Shabaab uga soo xaroota dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada shacab ka.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa New York Timesu sheegay in Al-Shabaab ay kontee nar kasta oo kasoo dega dekedda Muqdisho ka qa ado 90-dollar midka caadiga ah iyo $150 midka weyn.

Sarkaalka ayaa sidoo kale la wadaagayNew York Timesrasiit ay ku qoran tahay 250-dollar oo Al-Shabaab ay siisay muwaadin degan Muqdisho oo iibiiyey dhul uu lahaa, kaasi oo canshuur ay ka qaa day kooxda.

Dakhligan ayaa ka dhigan awoodda Al-Shaba ab ay Shalay taagan tahay halkii ugu xo ogan eyd, sida warbixintaNew York Timesay tiri.

Dakhliga ay Al-Shabaab kasoo xareyso lacagta ay ka qaado dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada ka le ee gaaraya $120 milyan ayaa ka dhigan inay aad ugu dhowdahay midka dowladda federaalka.

Miisaaniyadda 2021 ee dowladda federaalka, oo ay Caasimada Online ku noqotay kadib warbixin tan, ayaa waxaa ku qoran in dakhliga gudaha ee dowladda federaalka ee 2020 uu ahaa $269 milyan, oo $182 milyan oo ka mid ah ay aheyd canshuurta gudaha.

Tani waxa uu macnaheedu yahay in Al-Shabaab ay soo xareyso dakhli ku dhow laba meelood meel guud ahaan dakhliga dowladda federaalka Soomaali ya, iyo 65% dakhliga canshuurta ee dowladda fed eraalka.

Mareykanka oo shaaciyey dakhli maanku diid ayo oo Al-Shabaab usoo xarooday 2020

Cabdikariin Xuseen Guuleed: Doorashada ka so cota Puntlad waxay tusaale cad u tah ay in dalka laga hirgalin karo muddo kooban doorasho qof iyo cod ah

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo amniga So omaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa boga adiyay doorashooyinka golayaasha deegaanka ee ka socda deegaannada Puntland.

Md. Guuleed ayaa tallaabo ku day asho mudan ku tilmaamay, daadajinta hannaanka dowladnimo, dimuqradiyen ta iyo in shacabka dib loogu celiyo in ay go'aan ka gaaraan hogaamintooda. "Doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Shalay looga dareeray degmooyinka Qardo, Eyl iyo Ufeyn ee Puntland waa bogaadinayaa, waana talaabo wa naagsan oo dhanka dimuqradiyadda iyo dowlad wa naagga loo qaaday,” ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Guuleed ayaa sheegay doorashada ka socota Puntlad inay tusaale cad u tahay in dalka laga hi rgalin karo muddo kooban doorasho qof iyo cod ah, haddii uu jiro rabitaan iyo qorshe dhamaystiran oo hoggaanka dalka uu la yimaaado.

Wuxuu sheegay in doorashadani ay tahay tallaa bo horumarineed iyo muunad lagu dayan karo. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in hannaanka matalaa da ee doorashada tooska ah ay horey u marin karto kalsoonida shacabku ku qabaan dawladda.Puntland ayaa 53 sano kadib noqotay meeshii ugu horraysay ee Soomaaliya ee laga qabanayo doo rasho qof iyo cod ah, marka laga reebo Somaliland oo isku aqoonsan in ay aanay kamid ahayn Soom aaliya.

Taliyaha militariga Soomaaliya iyo saraakii sha kale ee ku lugta leh dagaalka Guriceel

Waxaa maalinkii saddexaad xiisad dagaali ka jirtaa magaalada Guriceel ee Galmudug. Weli wa xaa la soo sheegayaa dagaal goos-goos ah in uu ka dhacayo halkaas.Dagaalka wuxuu u dhexeeyaa cii damada maamulka Galmudug oo kaashanaya kuwa dawladda federaalka, iyo malleeshiyaad taabacsan ururka Ahlu Sunna.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay halka 40 qof ay ku dhawaacmeen dagaalkii cuslaa ee illaa shaley Guriceel ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna, sida laga soo xigtay ilo wareedyo dhanka caafimaad ah iyo kuwa ciidanba.

Saraakiisha ku dhintay dagaalka waxaa ka mid a haa taliyihii ciidamada Danab ee Galmudug, G/le Cabdiladiif Axmed Culusow (Feyfle), iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ahlu Sunna.

Ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka sheeganaya dagaalkaasi.

Ilo wareedyo ayaa BBC u sheegay in taliyaha guud ee militariga Soomaaliya, Jana raal Odawaa Yuusuf Raage, uu ku sugan yahay Guriceel hal kaas oo maalmihii la soo dhaa fay uu ka socday dagaalka, laa kin BBC si madaxbannaan uma xaqiijin karto arrintaas.

Jan.Odowaa inta aanan loo magacaabin taliyaha militariga, Wuxuu ka tirsanaan jiray ururka 60-aad ee madaxtooyada, ama loo yaqaanno koofiyad guduudda.

Darajadiisa waxay ahayd gaashaanle markii uu xilka kala wareegayey taliyihii ururkaas uga horree yey, Axmed Maxamed cali (Af-caddeey).

In yar ka dib waxaa loo dallacsiiyey Gaashaanle dhe xe, darajadaas ayuuna ku ahaa taliyaha ciidanka madaxtooyada.

Taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliya Sidoo ka le, waxaa jiro warar sheegaya in taliyaha booliska ee gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole, uu ka mid yahay saraakiisha ku sugan maagalada Guriceel oo ay ka taagan tahay xiisadda dagaal.Farxaan Qar oole wuxuu horey u ahaa taliyihii ciidanka Harm acad, wuxuuna xilka taliyaha booliska Gobolka Ban aadir qabtay bishii April ee sannadkan, markii awoo dda laga xayuubiyay taliyihii hore ciidanka booliska Banaadir, Saadaq Joon.

Taliyaha Guutada 5-aad Qeybta 27-aad Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay

Taliyaha Guutada 5-aad, gaar ahaan Qeybta 27-aad, Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay, oo madax u ah ciidammo saldhgoodu yahay G/Hiir ana ayaa sidoo kale la sheegay inuu ku sugan yah ay Guriceel, uuna qeyb ka yahay dagaalka ka dhan ka ah Ahlus Sunna.

Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim, ayaa hogga aminayay howlgalka ay ciidamada dowladda Sooma aliya ay mar hore Al shabaab kaga saareen deegaa no dhowr ah oo ku yaalla inta u dhaxeysa Maxaas, Matabaan iyo Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Xiisadda gobolka ka taagan ayaa cirka isku sii shareeraysay tan iyo Khamiistii markaas oo dagaal khasaare badan dhaliyay uu ku dhexmaray ciidam ada dawladda iyo kuwa Ahlu-Sunna, deegaanka Bo hol oo isna ku dhaw Dhuusamareeb.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay ka dib markii horraan tii bishan ciidamada ururka Ahlu Suna Waljamaaca ay qabsadeen magaalada Guriceel.

Xilliggaas wuxuu dagaal culus ka dhacay deegaan ka Bohol oo qiyaastii 30Km u jira magaalada Dhuus amareeb, waxaana dagaalkaas ku dhintay ku dhawaad 10 qof halka dad badan ay ku dhawaacm een, waxaana dagaalka lagu kala qabsaday gaadiid dagaal. Dagaalka kasoo cusboonaaday gobolka Ga lgu duud ayaa salka ku hayaa khilaaf u dhexeeyay ma amul goboleedka Galmudug iyo ururka Ahlu Su na Waljamaaca. Xigasho:-BBCSomali

Maamul goboleedyada iyo DF oo qoraal cusub soo saaray

Dowladda dhexe ee federaalka iyo dowlad gobo leedyada dalka ayaa warsaxaafadeed ay soo saar een si wadajir ah uga hadlay arrimaha soo kordhay, gaar ahaan xaaladaha bani’aadanimo ee dalka.

Kulan ay isugu yimaadeen wasiirka gar gaarka iyo maareynta musiibooyinka ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleed yada ayaa lagu gorfeeyey xa aladaha abaaraha, fatahaadaha iyo dhi baatooy inka kale ee bani’aadanimo ee ka jira gud aha dalkeena.

Sidoo kale wasiirada heer federaal iyo heer do wlad goboeed ayaa diiradda saaray, sidii loogu gur man lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha haatan ka jira gudaha Soomaaliya

Halkan hoose ka aqriso:-

1. Xaaladdaha abaaraha iyo biya-yarida dalka.

Sida aan la wada socono qeybo badan oo ka mid ah dalka waxaa saameyn ku yeeshay Biya-yarida baahsan taas oo sababtay inay Xoolaha macluul iyo haraad u dhintaan.

Deegaanada ay sida aadka ah u sameeysay Bi ya-yarida iyo Abaarta waxaa ka mid ah:- Jubboo yinka, Gedo, Mudug iyo Galgaduud.

2.Cuna-Yarida

In ku dhow 7.7-Milyan oo ruux ayaa wajahayo Cu na-yari daran taas oo ka dhalatay saameyntii ay re ebeen Abaarihii, Fatahaadihii iyo Ayaxii saxaraha ka yimid kaas oo galaaftay dalag badan islamarkaana baajiyay xilli badan oo ay dadka tabcan lahaayeen Beerahoodda.

Waxaa kale oo xaaladda sii cakiray faafida caa buqa COVID-19 iyadoo hirkii u dambeeyay uu same eyay dhaqaallaha waxa uu sarakac ku keenay macii shada quutul-daruuriga ah.

3. Fatahaaddaha

Deegaanada Hirshabeelle, gaar ahaan tuulloo yin ku dhow dhow Baledweyne iyo Jowhar waxaa sa ameyn ba’an ku yeeshay fatahaadihii kal hore ku dhuftay kuwaas oo sababay barakaca dad badan oo beeraleey ahaa oo aan beerahoodda tabcan xilli-ro obeedyadii lasoo dhaafay taas oo keentay

Xaaladdo Bini’aadanimo.

4.Nafaqa-darada

In badan oo ka mid ah Haweenka, Caruurta iyo dadka da’da ah ayaa dhibtoonayo nafaqa-daro iyo macluul aad u daran oo ka dhallatay raadadkii xu maa ee isbeddelka cimiladda.

Hoos u dhaca wax soo saarka, qiimo kororka maciishada iyo biya-yarida ayaa weli sii kordhinayo macluusha.

Mukhtaar Roobow oo shaaca ka qaaday in ta jeer oo uu la kulmay Farmaajo – ” Hada lkiisa aad buu u macaa, laakiinse….”

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo weli xabsi guri ku ah M/Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, kadib markii uu la xir iiray, isla-markaana uu wareysi gaar ah siiyey laanta Afka Somaaliga ee Idaac adda VOA-da. Q/2aad ah.

Wareysiga oo dhammeysitan oo lasii daayey ayuu Roobow uga hadlay arri mo dhowr ah oo dhex-maray isaga iyo madaxda u gu sarreysa ee dowladda federaalka ah ee Soomaa liya, xilligii u ahaa musharrax madaxweyne oo u tag an hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Immisa jeer ayey kulmeen Farmaajo iyo Roob ow? Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa wareysigan ku sheegay in muddo lix jeer ay kul meen isaga iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Max amed (Farmajo), kadib markii uu ka soo goostay Kooxda Al-Shabaab.

Sheekha ayaa sheegay inuu aad u hadal maca an yahay Farmaajo, balse uusam laheyn ficil fulin eed, sida uu hadalka u dhigay. "Illaa lix marbaan ku lanay arrimo badan ayaan ka wada-hadalnay hadalk iisa aad-buu u amacaanaa, laakiinse wax fulin ah ma uuna laheyn,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in markale ay khadka Taleefanka ku wada-hadleen, intii uu joogay Baydhabo, ayna ka wada hadleen doorashadii Koo nfur Galbeed ee xilligaas.

"Markii aan hadda ololaha galnayna marbuu is oo diray Allaha u naxariistee Ugaas Maxamed Weli oo la wada yaqaano Ugaasku waa ii yimid wuxuu i yiri Farmaajo ayaa isoo diray, waa wada-hadalnoo Taleefoon baa ku wada-hadalnay, kadibna wuxuu dhaafin waayey khalad baa dhacee imow,” ayuu markale yiri Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo weli xabsi guri ah.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal-qaaday sheeko kale oo dhex-martay isla xilligaasisaga iyo Fahad Yaasiin wuxuuna yiri "Doorashada intaan ku jiray Fahad waa nool yahay ha’igu beeniyo waa isoo wa cay wuxuu igu yiri codadka oo dhan haddaad hesho lagu aqoonsan maayo. Waxaa kale oo igu yiri haddii lagaa raayo oo lagaa soo badiyo dowladda ku soo dhex noqon meysid,”.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey "Waxaa kuu furan ayuu igu yiri saaxibadaadii hore inaad aado, mana kuu sahlano,”.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa kiiskiisu waxa uu soo maray marxalado kala duwan, kadib markii uu kasoo goostay Al-Shabaab, wuxuuna haatan mudo u xiran yahay dowlada dhexe.Xigasho:-VOA

Indha-Cadde oo QorQor u jeediyey ta lo yaab leh oo la xirirta Ahlu-Suna

Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo ka hadlay dagaalka ka socda M/Guriceel ee G/Galga duud ayaa taageero u muujiyey dowlad goboleedka Galmudug, isagoo tilmaamay in Ahlu-Sunna aysan mudneyn in wadahadal lala galo.

Indhacadde waxuu Ahlu-Sunna ku macneeyey Kaankare aan xal laheyn in la gooyo maahane, isa goo ku taliyey in dagaalka lagu wado illaa inta laga guuleysanayo oo la soo afjarayo ciidanka Ahlu-Su nna ee Guriceel ka dagaalamaya.

"Nimanka Ahlu-Sunna la leeyahay waa Kaank aro fidni waaye, Kaankaro in la gooyo maahee xal kale maleh, wixii dhimanaya ha dhinte en waa in ay adkaato Galmudug ama waa in laga adkaado Galmudug, xal kale iyo wadahal majiro,” ayuu yiri Jen eraal Indhacadde.

Sidoo kale waxuu sheegay in Ahlu-Sunna ay dhowr dowladood gorgortan la gashay, oo horay loo siiyey xilal, dalacsiin ciidan iyo lacago badan, balse haatan aan laga ogolaan karin inay gorgortan sii wadaa. "Dhibaatada Guriceel waxay Aabbe ledahay nimankaas Ahlu-Sunna, waxaan qabaa waa in laga taqaluso ama Galmudug ay burburto, waxaan leeya hay madaxweynaha Galmudug ha gelin wax gorgort an ah, meel adag ka istaag arrintaan, qaladaad dha nka dagaalka ah ayaa jira oo Galmudug ay geleyso, nimanka waxaa u furan wadadii caabuswaaq oo dhaawaca ay ku qaadanayaan, gurmadkuna uga im aanayo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Yuusuf Indhacadde. Xigasho:-caasimadda.net

Warbixin: Waa sidee Xalay xaaladda Guriceel, halkeesa la kala joogaa?

Waxaa fiidkii hore ee Xalay si iskiis ah u istaa gay dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda Soo maaliya iyo kuwa Ahlu-Sunna ee ka socda M/Guri ceel ee gobolka Galgaduud, kaas oo socday sedda xdii maalmood ee lasoo dhaafay, isla markaana sababay khasaare aad u badan.

Dagaalka xoogiisa ayaa Shalay ka dhacay inta u dhaxeysa Dabaqa Erkolle, dhismaha Sheekh Sala ad Xeydar, Xero Birmad, ilaa xarunta loo yaqaano Jaamacadda, halkaas oo ciidanka Ahlu-Sunna ay aad uga dagaalamayaan.

Dhinacyada dagaalamay ayaa mid walba dhan kiisa waxuu dagaalkii Shalay ka sheegtay inuu hour mar ka sameeyey oo ay qabsadeen meelo aysan markii hore joogin ciidamadooda.

Hase yeeshee xogta rasmiga ah ee ka madaxa bannaan 2da dhinac oo Caasimada Online ay ka he shay Guriceel waxay tilmaameysaa in dhinacyadu ay kala joogaan dhufeysyadii Habeen hore, waxay na isku hor-fadhiyaan Isbitaalka Cubeyd illa Dabaqa Erkolle.

Si kale haddii loo dhigo aagga ay ciidamadu isku hor-fadhiyaan waa inta u dhaxeysa laamiga iyo xar unta Jaamacaadda oo ah saldhigga ugu weyn ee cii danka Ahlu-Sunna. Ciidamada dowladda ayaa Sha lay isku deyey inay gudaha u galaan xarunta Jama cadda oo Ahlu-Sunna ay difaac uga jirto, waxayna is ugu dareen duqeyn iyo weerar toos ah, balse iska cabin adag ayey kala kulmeen ciidanka Ahlu-Sunna.

Haatan ciidamada dowladda waxay si buuxda gac anta ugu hayaan aagga saldhigga dhexe ee boolis ka, xarunta degmada, dhismayaasha Beder 1 iyo Beder 2, ilaa Ceelka Shimbara-Oonshe.

Waxaan ilaa hadda si rasmi ah loo tira koobin khasaaraha ciidamada labada dhinac ka soo gaaray dagaalkaan oo noqday mid lagu hoobtay, waxaana ciidamada dowladda dhaawacooda loo kala daabul ay Muqdisho iyo Dhuusamareeb.

Dhanka Ahlu-Sunna ma jirto xarun caafimaad oo si rasmi ah ay u geysan karaan dhaawacyadoo da, balse askar aad u yar oo dagaalka uga jirtay dhankooda ayaa maalmihii hore ee dagaalkaan la kala gaarsiiyey isbitaallada Dhuusamareeb iyo Gaa lka cyo, inkastoo dhaawacyadii Ahlu-Sunna ee Gaa lkacyo la geeyey ay isbitaalka kala baxeen ciidanka dowladda.

Wararka ay Caasimada Online ka heleyso dagaa lka Guriceel waxay intaas ku darayaan in dowladda Soomaaliya waxay weli Muqdisho ka soo daabuley so ciidan hor leh oo ka tirsan Gorgor, waxaana Sha lay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho diyaarado looga qaaday cutubyo hor leh oo ka tirsan Gor Gor.

Ciidanka Ahlu-Sunna ayaan heleynin gurmad ku fi lan, lamana saadaali karo inta ay iska sii caabi kar aan weerarka adag ee uga imaanaya ciidamada no oc kasta leh ee dowladdu isugu geysay Guriceel, si loo soo afjaro Ahlu-Sunnada 1-dii bishaan qabsatay magaaladaas

Kumaa ahaa korneyl Cabdiladiif Axmed Culusow (Feyfle)

Allaha u naxariistee G’/e Cabdiladiif Axmed Cu lusow {Feyfle} Taliyihii ururka 6-aad, guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab, waxuu ka mid noqday tobanaankii qof ee naftooda ku waayey dagaalka maalmahaan ka socda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Waayihiisii nolosha Korneyl Feyfle Waxaa uu ahaa halgamaa ay cadawtinimada iyo arxan darrada Al-Shabaab ay ku kaliftay inuu ka haajiro dadkii iyo deegaankiisii.

Sanadkii 1981-kii ayuu ku dhashay degmada Xa rardheere, waxuuna barbaarintiisii ugu badneyd ku qaatay deegaan lagu magacaabo Dumaaye oo hoos taga Xarardheere, halkaas oo dugsiga sare uu uga baxay sanadkii 1998-kii.

Waxuu ahaa xerow aad u bartay culuumta diin ta Islaamka iyo maadiga intaba waxuu noloshiisa inta ugu badan ku soo qaatay degmada Xaradheere ee Koofurta gobolka Mudug iyo deegaanada hoos taga.

Bilowgii Sanadkii 2008-dii xilli ay argagixisadu ta bar heysay ayuu Feyfle ka hor yimid xukunkooda gu racan, weliba isagoo degganaa magaalada Xara rdheere oo ay argagixisadu maamuleysay.

Xarardheere ayuu ka abaabulay dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo xiligaas maamuleysay in ta badan koonfurta iyo bartamaha dalka,dagaal ka dib Isaga iyo dhowr wadaad ayaa u baxsaday maga alada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaas oo dhowr bilood ay ku noolaayeen.

sla sanadkii 2008-dii Allaha u naxariistee Feyfle waxuu safka hore ka galay dagaalkii Culumada Ah lu-Sunna Waljamaaca ay gobollada dhexe uga xore ysay arxan laawayaasha ,dhowr jeer ayuu ku dhaaw acmay dagaaladii adkaa ee kooxda looga saaray Gurceel iyo Dhuusamareeb.

Wixii ka dambeeyey sanadkii 2010-kii waxuu u soo wareegay oo uu ku biiray ciidanka xoogga dalka waxaana uu ku haminayay in mar un lagu dhaqaaqo xoreynta magaaladiisii cadawgu ka soo hayaamiyay ee Xaradheere.Sanadihii 2012-kii ilaa 2013-kii wa xuu ka mid noqday ciidankii ugu horeeyey ee lagu xareeyay saldhigga Balidoogle ee Sha beellada Hoose kuwaa oo Mareykan ku tababaray, sidaas ayuuna qeyb u ga noqday aas-aaskii ciidanka kumaa ndooska Soomaaliya ee Danab.

Gudaha Danab waxaa looga xushay sarkaal qaa bilsan wacyi-gelinta ciidanka, maadaama uu ahaa nin aad u yaqaanna diinta islaamka kuna xeeldhee raa naqdinta fikirrada guracan ee argagixisada.

Bilowgii sanadkaan 2021 ayaa loo magacaabay Taliyaha ururka 6-aad ee kumaandooska Danab oo ka howlgala gobollada Mudug iyo Galgaduud, kadib markii bishii December ee sanadkii hore qarax lagu dilay saraakiil uu ku jiray taliyihii ururka 6-aad ee Danab Allaha u naxariistee Korneyl Mukhtaar Cabdi Aadan.

Markii uu tegay Mudug oo hoggaanka Danab uu la wareegay, isagoo kaashanaya madaxda dow lad goboleedka Galmudug, waxaa uu juhdi badan galiyay in gacanta lagu dhigo magaaladii uu ku dha shay ee Xaradheere oo cadawgu uu la haray umase suura galin in magaaladii la qabto.

23-kii bishaan October oo ah maalinkii 1aad ee dagaalku ka qarxay magaalada Guriceel ayuu ku dhaawacmay dagaal si kadis ah uga bilaawday go ob ay ku sugnaayeen isaga iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Qaranka.

Dhaawaciisa ayaa loo qaaday Dhuusamareeb, balse waxaa uu geeriyooday intii loo sii waday isb itaalka,Axadii Dorraad ayaana meydkiisa lagu aasay qabuuro ku yaalla Dhuusamareeb.

Allaha u naxariistee G/le Cabdiladiif Axmed Culusow {Feyfle} waxaa uu ku geeriyooday da’aada 40 sano jir, waxaana uu ifka uga tagay 3-xaas iyo dhowr iyo toban caruur ah.xigasho:-SNTV


.Bannaanbax xooggan oo Shalay ka dhacay Muqdisho M/Muqdisho

Waxaa Shalay M/Muqdisho ee caasimada dalka ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo dagaalka magaalada Guriceel ee u dhaxeeya ciidamada maamulka oo kaashanaya kuwa dowladda iyo Ahlu-Sunna oo dhinac ah.

Dadka dhigayay bannaanbaxa ayaa isugu soo baxay Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan, waxayna taayiro iyo qashin ku gubeen wadada, ta asi oo keentay isku socodka gaadiidka uu istaago.

Banaanbaxayaasha oo u badnaa Haween ayaa waxay ku dhawaaqa yeen erayo ay uga soo horjeedan dagaalka khasaaraha badan ka dha shay ee ka socda Guriceel, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen "Qoor iyo Farmaajo doonim eyno”, "Dhiig sokeeye doonimeyno” iyo ereyo kale oo ka dhan ah maamulkaas.

Waxay sheegen qaar kamid ah banaanbaxayaa sha oo la hadlay warbaahinta inaysan ogolaan doo nin in lagu sii dagaalmo Guriceel, iyaga oo ku eedey ay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaa day iyo madaxweynaha Galmudug inay colaada sii hurinayaan.

Sidoo kale qaarkood ayaa sheegay inay taageer san yihiin hogaanka Ahlu-Sunna ee xooga ku qabs aday Guriceel, islamarkaana ay maalmahan dagaal ka kula jiraan ciidamada maamulka oo kaashanaya dowladda.

Dagaalka ka socda Guriceel ayaa galay maalin tiisi saddexaad, waxaana weli qeybo ka mid ah mag aalada laga maqlayaa rasaas teel-teel ah oo u dhaxeysa labada dhinac.

Somaliland oo gobolka Sanaag ka bilow day raaf ka dadka kasoo jeeda maamul ka Koonfur-galbe ed ee Soomaaliya

Ciidamada Booliiska Somaliland ee gobolka Sa naag, ayaa bilaabay howlgalo ay ku qab qabana ya an dadka aan Somaliland u dhalan ee gobolka ku dhaqan, khaasatan dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, iyadoo ay Dorraad ku ekayd mudadii ay xukuumada Somaliland u qaba tay in dadkaasi gobolka kaga baxaan.

"Umada aan Somalil

and u dhalan ee gobolka joogta ee aan sharciga hay san siday dadkii hore u baxeen ee ay nabadgalyada ugu baxeen ha u baxeen baanu leenah ay, qofka ka bixi waayana sharciga ayaa qabanaya" waxaa sidaa yidhi taliyaha la anta socdaalka ee gobolka Sanaag ga shaanle Siciid Cige.

Badhasaabku xigeenka ahna ku simaha badhas aabka gobolka Sanaag Maxamed Khaliif Nuur, ayaa sheegay in mudadii xukuumada Somaliland ay u qa batay bulshooyinka gobolka la saarayo ay dhamaa tay, isla markaana ay amar ku qabaan in ay qabtaan cidii wali gobolka baaqi ku ah.

"14 kii cisho Dorraad ayay ku ekayd, Shalay wa ajibkeenu waxa weeyi in aynu qabano cid alaaliyo cidii aan Somaliland u dhalan, cid alaaliyo cidii aan sharci ku joogin dalkan waxaad waajib u haysataan in aad qabataan, Shalay laga bilaabo cidii aan u dha lan Somaliland in aad qabataan ayaad waajib qaran u haysataan" ayuu yidhi Khaliif.

Dhamaan meheradihii ay dadka reer Koonfur-gal beed ku lahaayeen magaalada Ceerigaabo, ay aa Shalay oo Isniin ah albaabadu u wada xidhan yihiin, dadkii lahaa ayaa qaar koodna horayba u qa xeen iyadoo la rumaysan yahay in dadka qaar kood ay wali gobolka ku dhuumaalaysanayaan.

Ra’isul Wasaaraha Dalka Suudaan Oo Xabsi Guri La Geliyey

Ra’isul wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xa mduuk ayaa xabsi guri la geliyay Shalay oo Isniin, sida uu baahiyay TV Alxadath ee dalkaas.

Askarta ka tirsan ciidanka dalka Suudaan ayaa isku gedaamay hoyga Ra’isul wasaaraha, arrintan ayaa daba socota xarigii saraakiil dowladda ka tirs an ay xir xireen ciidanka, dadka la xirey waxaa ka mid ah golaha sare ee xukuma dalka iyo lataliyaha arrimaha warbaahinta Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

aljazeera wariye ka tirsan oo Suudaan jooga ay aa ku soo waramaya in isgaarsiinta dalkaas ay xad idan tahay taas oo muujinaysa xaaladda murugsan ee Suudaan.

Dalka Suudaan waxaa ka jira hubanti la’aan siy aasadeed tan iyo markii xukunka laga tuuray mada xweynihii dalkaas Cumar Albashiir bishii Abriil 2019.

Bishii hore qaar kamid ah military Suudaan ayaa isku dayay afgembi inkastoo uu fashilmay isku day gaas.

Wararkii ugu dambeeyey xaaladda Suudaan iyo Af-gembi ka socda dalkaasi

Xaaladda waddanka Suudaan ayaa Shalay aad u kacsanaa, waxaana Shalay shacabka ay ku soo waa bariisteen Afgembi ka socda gudaha dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in milatariga ay xabsi guri geliyeen madaxda xukuumadda rayidka oo uu ugu horreeyey Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi, Md. Cabda lla Hamdok. Milatariga ayaa sidoo kale xir xiray afar mid ah golaha wasiirada ee xukuumadda Suudeaan iyo xubno rayid ah oo ka tirsan dowladda kumeel gaarka ah ee dalkaasi.

Waxaa sidoo kale xabsiga loo taxaabay la taliyihii dhanka warbaahinta ee Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan.

Ciidamada Afgembiga wada ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay la wareegeen xarunta Tel efishinka, tan Idaacadda iyo qaar ka mid ah xaru maha kale ee dowladda.

Dhinaca kale waxaa hawada laga saaray khadkii Internetka ee magaalada caasimada ah ee Khar toum, sida ay tabinayaan qaar ka mid ah warbaahinada caalamka.

Dadweynaha kala qeybsan ee Suudaan ayaa sidoo kale isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee dalkaasi, kuwaas oo dhigaya banaan-bax ay uga soo horjeedaan Afgembiga socda.

Ujeedka ka dambeeya Afgembiga haatan ka socda dalka Suudaan ayaa lagu sheegay in milatar iga ay ku doonayaan inay meesha uga saaraan xukuumadda Cabdalla Hamdok oo ah xukuumad rayid ah, kuna dhisan awood qeybsiga xisbiyada ka jira gudaha wadankaasi.

Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ciidamada milatariga iyo dhanka dowladda eoo ku aadan xaaladda cakiran ee Shalay ka taagan dalka Suudaan.

Midowga Africa Oo Baaq Kasoo Saaray Xaaladda Dalka Suudaan

Guddoomiyaha Midowga Africa ayaa walaac ka muujiyay xaaladda dalka Suudaan kadib markii ciid amada milaterigu la wareegeen xukunka dalka.

Guddoomiyaha Africa Muuse Faki ayaa ku baaqay in la sii daayo ra’iisal wasaare Cabdullaahi Xamd uuk iyo dhammaan mas’uuliyiintii la xiray

Bayaan kasoo baxay Midowga Africa aaya lagu yiri: "waxaan si hoose ula soconaa xaaladda dalka Suudaan, waxaana ku baaqaynaa in la ixtira amo heshiisyadii hore loo gaaly iyo xuquuqda siyaa siyiinta”

Bayaanka ayaa intaas ku daray, in wada hadal lagu dhammeeyo dhammaan waxa la isku khilaaf sanyahay si loo ilaaliyo dimuquraadiyada xilliga kala g uurka ah ee dalka Suudaan.

Dalka Suudaan waxaa Shalay ka dhacay afg ambi xilka looga tuuray xukuumadii rayidka, waxa ana la xiray R/ wasaarihii dalka iyo dhowr wasiirro.



SOOMAALIYA



CALAAMAD GANACSIGA – OGAYSIIS GUUD

 

 

 

OGAYSIIS WAXAA HALKAN LAGU BIXIYAY in calaamadda ganacsiga ee sare (HEX Logo (midabka)) ay tahay summada ganacsiga: :KHEMANI DISTILLERIES PVT. LTD ofRinganwada, Kachigam Road, Daman, 396 210, India waxaana loo adeegsadaa:

 

Fasalka 33: Cabitaanka khamriga, marka laga reebo biirka; diyaarinta khamriga ee samaynta cabitaannada.

OGAYSIIS SIDOO KALE WAXAA LA SIIYAY in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad kasta oo adeegsata calaamadda ganacsiga ama wax kasta oo ku dayasho ah ama haddii kale ku xad gudubta xuquuqda shirkadda la sheegay.


SOOMAALIYA


 

CALAAMAD GANACSIGA – OGAYSIIS GUUD

 

 

 

 

OGAYSIIS WAXAA HALKAN LAGU BIXIYAY in summada ganacsiga sare (HYSSOP’S Logo (midabka)) ay tahay summada ganacsiga: KHEMANI DISTILLERIES PVT. LTD ofRinganwada, Kachigam Road, Daman, 396

210, India waxaana loo adeegsadaa:

 

Fasalka 33: Cabitaanka khamriga, marka laga reebo biirka; diyaarinta khamriga ee samaynta cabitaannada.

 

OGAYSIIS SIDOO KALE WAXAA LA SIIYAY in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad kasta oo adeegsata calaamadda ganacsiga ama wax kasta oo ku dayasho ah ama haddii kale ku xad gudubta xuquuqda shirkadda la sheegay.



SOOMAALIYA

CALAAMAD GANACSIGA – OGAYSIISKA GUUD

 

 

 

 

OGAYSIIS WAXAAN HALKAN LAGU BIXIYAYin calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan (KAMANDA Logo (madow iyo caddaan) ay tahay summada ganacsiga: KHEMANI DISTILLERIES PVT. LTD ofRinganwada, Kachigam Road, Daman, 396 210, India waxaana loo adeegsadaa:

 

Fasalka 33: Cabitaanka khamriga, marka laga reebo biirka; diyaarinta khamriga ee samaynta cabitaannada.

 

OGAYSIIS SIDOO KALE WAXAA LA SIIYAYin dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad kasta oo adeegsata calaamadda ganacsiga ama wax kasta oo ku dayasho ah ama haddii kale ku xad gudubta xuquuqda shirkadda la sheegay.


 

SOOMAALIYA


 

CALAAMAD GANACSIGA – OGAYSIISKA GUUD

 

 

OGAYSIIS WAXAA HALKAN LAGU BIXIYAY in summada ganacsiga ee sare (LOTTERY Logo (midabka)) ay tahay astaanta ganacsiga KHEMANI DISTILLERIES PVT. LTD ofRinganwada, Kachigam Road, Daman, 396 210, India waxaana loo adeegsadaa:

 

Fasalka 33: Cabitaanka khamriga, marka laga reebo biirka; diyaarinta khamriga ee samaynta cabitaannada.

 

OGAYSIIS SIDOO KALE WAXAA LA SIIYAY in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad kasta oo adeegsata calaamadda ganacsiga ama wax kasta oo ku dayasho ah ama haddii kale ku xad gudubta xuquuqda shirkadda la sheegay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip