HALKAAN KA AQRISO WARGEYKA MOGTIMES DAILY MAANTA OO AH AXAD 24 OCTOBER 2021

0
Sunday October 24, 2021 - 11:25:30 in Wararka by
  • Visits: 539
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO WARGEYKA MOGTIMES DAILY MAANTA OO AH AXAD 24 OCTOBER 2021

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Raysal wasaaraha Soomaaliya oo Bashiir Goobe xil cusub u magacaabay

Ra’iisul Wasaaraha DFS Md.Maxamed Xus een rooble, ayaa wareegto uu soo saaray shalay ugu magacaabay Bashiir Maxamed Ja amac (Goobbe) Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska.

"R//Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xus een Rooble ayaa wareegto uu soo saaray shalay oo ay taarr ikhdu tahay 23//10/2021 ugu mag icaabay Bashiir Maxamed Jaa mac (Goobbe) Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska, isagoo u raj eeyay in uu xilkiisa Eebbe u fududeeyo". ayuu yidhi Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibra ahin Macalimuu.

Magacaabidda Bashiir Goobe, ayaa qeyb ka ahayd qodobadii dhawaan kasoo baxay is-afg aradkii madaxweyne Farmaajo iyo raysal was aare Rooble ka gaareen khilaaf siyaasadeed ee ka dhex taagnaa.

Bashiir Goobe ayaa laga qaaday xilkii taliya ha nabad sugida ee uu raysal wasaaruhu u ma gacaabay, kadib markii uu xilkaas ka qaaday Fahad Yaasiin.

Xilka shalay loo magacaabay Bashiir Go obe, waxaa bishii january ee sannadkii 2020 is ka casilay madaxwyene Qoorqoor, ka hor inta aan loo dooran xilka madaxweynaha Galmu dug.

Wasiir Beyle: Haddii Somaliya January 2022 madaxweyne yeelan weydo waxaa suurtag al ah inay istaagan mashariicda haa socda

Wasiirka W/Maaliyadda XFS Md.C/raxman Ducaale Beyle oo shalay daah-furay Shirka Wadatashiga Miisaaniyadda Dowladda ee 2022-ka ayaa sheegay in hadii aanay Sooma aliya January 2022 ka hor an la soo gabo-gabeynin doorashada madaxtini mo ee dalka ay suurtagal tahay inay istaagaan dhamaan masha ariicda yar ee hadda ka socda dalka.

Wasiir Beyle ayaa dhanka kale sheegay in miisaaniyadda qaranka loo qoonde eyay sanadka soo socda ay ka wanaagsan ta hay sanadkii hore marka la eego kororka dakh liga gudaha ee dalka. Wuxuu intaas sii raaciy ey in odoroska misaaniyadda 2020 aanay ku jir in midda dowlad goboleedyada dalka.

Wasiir Beyle ayaa kulanka ka sheegay in deyntii laga cafiyey Sooomaaliya awgeed ay suurtagalisay in loo fududeeyo mashaariic dha nka horumarinta ah in loo ogolaado Sooma aliya, kuwaas oo sida uu sheegay u xayiran in ay dalka ka hirgasho doorasho dhameystiran oo hannaan la isla ogolyahay ku dhamaata.

Hadalkan uu shalay wasiir Beyle ka jeed iyay Shirka Wadatashiga Miisaaniyadda ayaa ku soo beegmaya xilli uu dib u dhac weyn ku y imid guud ahaan hannaanka bilaabashada doorashoyiinka heer federaal ee dalka, iyadoo wali aanay bilaabanin doorashada xubnaha Go laha Shacabka ee barlamaanka Soomaaliya

Ra’iisal wasaare Rooble oo xafiiskiisa ku qa abilay Safiirka Sacuudiga ee Kenya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaa lka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Ro oble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dow ladda Sacuudiga ee Kenya

Mudane Khaalid Cabdalla Alsalmaan oo dalka soo gaarsiiyay deeq macaawino ah oo ka timid Xarunta Gargaar ka Boqor Salmaan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Do wladda Sacuudiga iyo Boqor Sal maan uga mahadceliyay taageeradooda joogt ada ah ee Soomaaliya.

Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo guddoomiyay shirka Agaasi meyaasha Guud ee dalka

Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dr.Mohamed Ibrahim Nuur ayaa shalay guddoomiyay shir ay ka soo qeyb galeen agaasimeya asha guud ee Wasaaradaha kala du wan ee dalka, kaas oo looga hadlay dardar gelinta howlaha wasaaradaha iyo adeegyada ay bulshada u hayaan xilligan uu dalku doora shada ku jiro.

Ganacsade Caan ahaa oo ku dhintay israsa aseyn Suuqa bakaaraha ku dhex martay cii damada dowladda iyo burcad hubeysan

Israsaaseyn muddo kooban socotay oo ku dhexmartay gudaha Suuqa weyn ee Bakaraa ha ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo la sheegay iney dhac u geysanayeen dadka shacabka ah ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah ganacsatada Sooma aliyeed.

Ganacsadaha ku dhintay rasaasta ay is we edaarsanayeen labada dhinac ayaa lagu mag acaabi jiray Cabdulle Cawaale Fiidow oo ku magac dheeraa Sandheere, kaasoo si weyn looga garanaayay inta badan gobola da dalka Soomaaliya.

Marxuum Cabdulle Cawaale Fii doow ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray rasaasta ay is weedaarsanayeen ciidamada dowlada iyo bu rcada hubeysneyd ee is rasaaseynta ku dhe xmartay gudaha Suuqa Bakaaraha.

Iska hor imaadyada noocaan oo kale ah ee dhexmara ciidamada dowladda iyo buracada hubeysan ayaa inta badan ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho, waxaana ku geeriyooda rasaasta ay isku adeegsadaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Axmed Madoobe Oo Daah-Furay Hanna anka Adeeg Dadaajinta Ee D/daha Hoose

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxa med Islaam Axmed Madoob, ayaa daah furay hanaanka Adeeg daadajinta dowlada Hoose oo ay hirgalinayso Wasaarada arimaha guda ha Federaalaynta iyo dib u heshiisinta Jubb aland.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in barna amijkan uu ahmiyad weyn u leeyahay bulsha da loona baahan yahay inay u diyaar garooban sidii ay usoo dooran lahaayeen dadka metal aya taas oo ay garab socoto in hanaanka adeeg bixinta hoos loo dhaadhiciyo oo qof walba uu meesha uu joogo ku helo adeega Dowlada.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in han aanka maamul ee dalku uu yahay mid heerar kala duwan ah, isagoo ka kooban Dowlada Fe deraalka ah Dowadaha xubnaha ka ah iyo Do wladaha hoose, sidaasna hanaanka adeeg bixintu uu u yahay mid u baahan in lasii dhaa dhiciyo oo is kabaya. Madaxweynahu wuxuu sheegay barnaamijka JPLG-gu uu yahay mid wax badan kusoo kordhin doona Jubaland ga ar ahaan mashaariicda iyo adeegyada aas aas iga u ah nolosha, iyadoo Dowlada Jubbaland ay dhinaceeda qeyb ka qaadanayso sidii uu u hirgali lahaa gaar ahaana Madaxweynahu uu soo dhisayo Xafiiska Wasaaradaha shaqadan qabanaya la shaqayn lahaa.

Waxaa Madaxweynahu uu faray Wasaara da arimaha gudaha iyo deeqbixiyaasha barna amijkan fulinaya inay soo dhisaan golayaasha deegaanka oo lagu bilaabayo Degmada ceelw aaq ee gobolka Gedo oo hada diyaar u ah iya doo lagu xijin doono degmooyinka kale si sha cabku ay usoo doortaan dadka matalaya oo ayna magacaabis ugu iman.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Wasaarada arimaha gudaha Fe deraalaynt iyo dib u heshiisinta shaqadii wan aagsanayd ee ay kasoo qabatay bilowga bar naamijkan taas oo ah mid bogaadin mudan.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Iyo Jemes Swan Oo Afar Qodob Ka Wada Hadlay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobey u qa abilsan Arrimaha Soomaaliya Ambasador Je mes Swan.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Guudlaa we iyo James Swan ayaa looga hadlay dade jintahowlaha Doorashooyinka, Amniga, Bini’a adanimada, iyo dardargalinta Mashaariicyada UN-ka u hayaan Hirshabeelle.

Ambassador Jemes Swan ayaa uga mahad celiyay Madaxweyne Cali Guudl aawe Xuseen doorashadii Senato rada Aqalka Sare ee Baarlamaan ka Federaalka ee dhawaan Mag aalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka uga qabsoontay si daa hfurnaan ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle Gu udlaawe ayaa dhankiisa Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ambasador Jemes Swan uga mahadceliyay ta geerada uu la garan taagan yahay Maamulki isa iyo dowladda Federaalka.

Jemes Swan ayaa sidoo kale Shalay kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gar een, iyagoona ka wada hadlay Arrimaha door ashooyinka iyo dadaalkii uu ugu kala dab qaad ay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasa are Rooble.

Galmudug oo sheegtay in ay la wareegtay Guriceel

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay aa sheegay inay si buuxda ula war eegeen gacan ku haynta M/Gurice el ee G/Galgaduud oo saaka ay ka fuliyeen howlgal lagu soo celinayo magaaladaas gacanta dowladda.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Shide Falag ayaa sheegay in ciidanka Galmudug ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada.

Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa banaanka magaalada oo la sheegayo inay ku sugan yihiin kooxdii Ahlu sunna ee magaalada laga saaray.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maam ulka Ahlusunna oo ay kula dagaallameen ciid anka dowladda Guriceel.

Taliyihii Ciidanka DANAB Ee Galmudug Oo Lagu Dilay Dagaal Rogaal Celin Ka Dhacay Guriceel

Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca ayaa dag aal rogaal celin ah gabaldhicii galabta kusoo qaaday M/Guriceel ee G/Galgaduud oo duhurn imadii Shalay ay la wareegeen Ciidanka dowl adda iyo kuwa Maamulka Galmudug.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaal kii dhacay gelinkii dambe ee galabta uu ahaa mid xoogan oo Ciidanka Ahlusunna dib ugu qa bsadeen Saldhigga Booliska iyo Xarunta degm ada Guriceel oo saaka ay ka saareen Ciidanka is garabsanayay ee dagaalka la galay.

Khasaaro kala duwan oo isu gu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaaladii ka dhacay Guriceel oo soo kala ga aray dhinacyada dagaalamay, waxaana dhaawacyo farabadan la geeyay Xar umo Caafimaad, si loogu daaweyo.

Taliyihii Ciidanka DANAB ee Galmudug Ca bdiladiif Feyfle ayaa la xaqiijiyay in dagaalkii galabta ee rogaal celinta ahaa lagu dilay, isa goo markii hore la sheegay inuu soo gaaray dhaawac, balse uu ugu geeriyooday, sida ku warrameen Saraakiil.

Xaaladda Magaalada Guriceel ee G/ Galg aduud ayaa Xalay aad u kacsan, waxaana Magaalada 2da dhinac ka kala jooga Ciidanka DFS,kuwa Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna oo gurmad uga yimid degaano ka tirsan Go bolka Galgaduud.

Xildhibaan Fiqi oo war kasoo saaray dagaal ka Guriceel

Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Galmud ug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay daga alka Shalay ka qarxay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galdaduud ee u dhaxeeyo ciidamada maamulkaas iyo kuwa Ahlu Su nna. "Shalay waa maalin u adag dadka Gal mudug, gaar ahaan dadka Guric eel, waa maalin ku adag ciidam ada dagaalamayo, runtii waan ka tacsiyeynayaa dhibaatada ka dhalatay dagaalkii micndarada ahaa ee lagu qaaday Guriceel,” ayuu yiri.

Fiqi ayaa xusay in mas’uuliyadda dagaalka iyo dhibaatada ka dhalata ay qaadayaan kuwa uu sheegay inay ciidamo kasoo daabuleen Mu qdisho, islamarkaana mooday in dagaalku xal yahay.

"Mar kale waxaan ka xumahay waxa Guri ceel ka socda oo burbur iyo dhimasho ah, dha awac iyo barakacin ah, colaad iyo mahadho ah, muuqaalka laga soo duubayo Magaalada waa midka aan ka digayey laakin ay doorteen kuwa dagaalka danta mooday ee ciidamada Muqdisho ka daabuley! Caqligu ha shaqeeyo oo dagaalka hala joojiyo, wadahadalna arrinta halagu dayo ayadoo loo turayo dhiigga dadka reer Galmudug iyo shacabka guryahooda uga barakacay cabsi ay ka qabeen waxa shalayy dhacay oo kale,” ayuu yiri.

Axme Macalin Fiqi ayaa sheegay inay jiraan dad kasoo jeedo deegaanada maamulka Ga lmudug oo uu caqligoodu fooraro islamarkaana ay dhibeyso in lagu baaqo nabad.

"Waxaan arkeynay sawirada guryo iyo sha cab ah oo lala dhacay hoobiyaal, labada dhi nac ee dagaalamayo waa dad ehel ah oo qar aabo ah, maalintii aan waxaan ka digayey waa la ila yaabayey, waxaa jiro dad kasoo jeedo Galmudug oo qalbigooda uu foorarsamay oo dhibsanayo in nabad lagu baaqo,” ayuu sii raa ciyey.

Wuxuu sheegay in ciidamada lagu weeraray magaalada Guriceel loo baahnaa in la geeyo deegaanada ay Al-Shabaab go’doomiyeen oo ay u diideen in la gaarsiiyo raashin.

"Dadka joogo Guriceel cadow maahan, waa la yaqaan cadowga iyo meesha uu joogo waa Al-Shabaab, waa la ogyahay inta ay u jira an magaalada Guriceel, ciddii dhibsaneyso ha dhibsato, mar kale ayaan leeyahay xabadda hala joojiyo, ciidamada lagu daabulay Guriceel waxaa looga baahan yahay Waajid iyo gobola da kale oo ay Al-Shabaab go’doomiyeen,” ayuu yiri xildhibaan Fiqi.

Fiqi ayaa Taliyaha Ciidamada xoogga Oda waa ku eedeeyey inuu mas’uul ka yahay ciid amada weerarka ku qaaday Guriceel, wuxuuna xusay inuu u shaqeenayo dad cawaan ah sida uu hadalka u dhigay.

"Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Oda waa runtii uma qalmo xil, wixii shalay ka same eyey Muqdisho ayuu Shalayna ka wadaa Gur iceel, wuxuu qaadanayaa talada iyo amarka Villa Soomaaliya iyo cawaanteeda.”

Hadalka Axmed Macalin Fiqi ayaa imaan ayo xilli Shalay ciidamada Dowladda ay wee rar kusoo qaadeen Magaalada Guriceel oo ay 3 Asbuuc ka hor la wareegeen ciidamada Ahlu Sunna, waxaana weli Magaalada ka socdo da gaal u dhaxeeyo labada dhinac

.Xigasho:Xaasimadda.Net

Ciidanka Ahlusunna oo dib ula wareegay Guriceel

Ciidanka Ahlusunna ayaa dib ula wareegay gac an ku heynta M/Guriceel ee G/Galgaduud ka dib markii shalay dagaal qaraar uu ka dhacay Magaalada .

Khasaare xoog leh ayaa ka dhash ay dagaal shalay ka dhacay m/ Guriceel.

Dadkii ugu dambeeyay ee kunoolaa M/Guriceel ayaa iska baxay waxaana hadda ku sugan kusoo haray dhinacyada Ciidamada dagaallamaya oo kaliyah.

Dagaalka galabta ayaa yimid markii Ahlusunna ay gurmad ka heshay ciidamo uu hoggaaminaayo Saadaq Sheekh Yuusuf oo kamid ah madaxda Ahl usunna ay soo gaareeGuriceel iyagoo gurmad u ah xoogagii Ahlusunna ee la dagaalamaya ciid amada Dowladda.

Wareysi: Sheekh Mukhtaar Roobow oo arrimo xasaasi ah shaaca ka qaaday

Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo war eysi siiyey Idaacadda VOA isagoo xabsi guri ugu jira dowladda Feder aalka Soomaaliya ayaa ka hadlay nolosha uu ku jiro iyo haddii ay jir aan wax iska badalay mowqifkiisa.

Roobow oo isaga lasoo xiriiray VOA ayaa sababta ku sheegay inuu ku jiro xaalad adag islamarkaana uu go’aansaday inuu dad ka la wadaago xaaladiisa inta uusan dhiman.

Mukhtaar Roobow oo horey usoo noqday ku-xigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab ayaa walwal weyn ka muujiyey badqadka noloshiisa, wuxuuna ciidamada ilaaliyo guriga lagu xiray uu ku sheegay inuu yihiin maleeshiyo beeleed.

"Amnigayga mar xaalado kala duwan ayuu soo maray, balse waxaa mar walba gacanta ku hayey ciidamada Waran. Hadda kuma dhihi ka ro ammaankeyga iyo nolosheyda way sugan yi hiin,” ayuu ku yiri wareysiga uu bixiyey.

Mar wax laga waydiiyey sida ay ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ilaaliyo guriga lagu xiray u noqdeen ciidamo beeleed ayuu shee gay in ciidamada ilaaliya laga soo kala xulay seddex magaalo oo kala ah Gaalkacyo, Dhuu samareeb iyo Cadaado oo ka tirsan maamulka Galmudug, wuxuuna xusay inay mar isku da gaaleen gudaha gurigiisa markii dambana laga soo badalay.

Roobow ayaa wareysi uu bixiyey wuxuu mar kale ku celiyey inuu ka tanaasulay fikirkii xagjirnimada ahaa ee Al-Shabaab oo xiriir dhow la leh ururka Al-Qaacida, wuxuuna xusay in uu nabad wax ku raadinayo haddii aan la qasbin.

"Aniga nabad baan wax ku raadiyey waana ku raadin doonaa haddii aan la i qasbin, aniga waxaan ahay qof ogol in la tartamo wixii Ilaa hey ku siiyay la kala helo,” ayuu yiri Rooble.

Mar wax laga waydiiyey haddii uu mowqifk iisa isbadalay oo uu iska dhaafay xilkii uu raa dinayey ayuu sheegay inuusan isbadalin wel ina uu ku taagan yahay mowqifkiisa waligiisna uusan niyad jabi doonin.

Mukhtaar Roobow waxa uu tan iyo bishii De cember 2018-kii ku jiray gacanta dowladda So omaaliya, isagoo mar lagu hayey xarunta ha y’adda nabadsugidda ee NISA, sannadihii u dambeeyeyna ku jiray xabsi guri.

Ka hor inta aan la xirin wuxuu isku soo sharaxay xilka madaxweynimo ee maamulka Koonfur, isagoo qaatay shahaadada diiwaan-gelinta, waxaana xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed kasoo xiray ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee AMISOM.

Soo qabashadii Roobow ayaa waxaa ka dhashay banaanbax weyn oo gilgilay Magaalada Baydhabo, waxayna ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya xasuuqeen dad Shacab ah oo gaaraya illaa 15 qof halka dhaawaca uu intaas ka badnaa.

Xigasho:Caasimadda.Net

Xubno horey xilal kala duwan kasoo qab tay dawlad degaanka Soomaalida shalay xabsiga Jigjiga laga siidaayay

Wararka naga soo gaaraya dowlad dega anka Soomaalida ayaa sheegaya in shalay xa bsiga M/Jigjiga laga sii daayay, siyaasiyiin hore oo muddo ku xidhnaa magaalada Jigjiga.

Siyaasiyiintan shalay la siidaayay ayaa qaar kamid ah waxay horey xilal kala duwan kasoo mareen dowlad degaanka Soomaalida, waxa ana ka mid ahaa ragga xilalka kasoo maray deg aanka, Cabdulaahi Itoobiya oo madaxwa yne kasoo maray dowlad degaanka Soomaal ida.Haddaba siyaasiyiinta shalay la siidaayay ayaa waxay kala ahaayeen:-

1: C/Fataax Maxamuud 2: C/laahi Itoobiya 3: Cabdi Kuus 4: Cabdiwahaab 5: C/fataax Sulub

Sii daynta raggan ayaa waxaa soo dhaweeyay dhammaan shacabka ku dhaqan dowlad dega anka Soomaalida, waxayna sii dayntoodu ku soo beegmaysaa xilli degaanka isbaddal laga

sameeyay, lagana hirgaliyay dowlad

cusub oo ay shacabku soo dhaweeyeen.

Ciidanka DANAB oo howlgal qorshey san ku dilay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabab

Wararka ka imaanaya G/Jubbada Hoose ee k/ta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab oo ka ashanaya daraawiishta Jubbaland ay howl-ga llo culus ka sameeyeen gobolkaasi.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ay aa waxa ay ciidamadu ka sameeyeen deegaan ada Hiloshiid, Janay Cabdale, Kubokibir, iyo de egaanka Canjeel oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dagaalyahanada hubeysan ee koo xda Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay howl-gallada ayaa shaaca ka qaaday inay dileen illaa saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa shaaca ka qaaday inay si wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay haatan ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda deegaanada ay howl-gallada ka socdaan ayaa ah mid kacsan, waxaana ka jira dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda, kuwaas oo ay wadaan labada dhinac.

Maalmihii dambe ciidamada huwanta oo ay qeyb ka yihiin kuwa AMISOM ayaa kordhiyey dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland.

Madaxweyne Lafta-Gareen Oo Sheegay Inay Bilaabayaan Doorashada Golaha Shac abka

Madaxweynaha DGK/G/S.Md.Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu ho gaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sug naa M/Muqdisho ayaa gelinkii dambe Shalay dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo

Md.Laftagareen ayaa socdaalki isa Magaalada Muqdisho waxa uu ahaa sidii Garwadeen uga no qon lahaa khilaafka u dhaxeeyey Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Ma daxweyne Farmaajo oo ugu dambayn Madax weyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagar een ku guulaystay in khilaafkaas ay ka heshii yaa Madaxda ugu saraysa Dalka.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Labada Golle Dowlada, saraakiisha Laamaha Amniga, Maamulka Gobolka kan Baydhabo iyo qeyba ha kala duwan ee Bulshada uga Mahadceliyey soo dhoweynta ay usameeyeen.

"Kulamada aan Muqdisho kula qaatay qaar kamid ah Danjiriyaasha dalalka Caalamka wa xaan uga wada hadalnay sidii loo dardargelin lahaa doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo la dagaalanka Al-shabaab” ayuu yiri Lafta-gareen.

Madaxweyne Laftagareen ayaa xusay in kan DGK/Galbeed ahaan ay ka go’an tahay in sida ugu dhow ay u bilaabaan doorashada Xil dhibaanada Shacabka Baarlamaanka Feder aalka Soomaaliya.

XASAN Daahir Aweys: Waa wax lala ya abo inuu Sheekh BASHIIR isku mid ka dhigo mushrikiin iyo Ahlu Towxiid

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xabsi guri ugu jira dowladda Soomaaliya ayaa jawaab ku lul usoo diray guddoomiyaha hay’adda culumada Sooma aliyeed Sheekh Bashiir Ax med Salaad kaasoo dhawaan sheegay in Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna ay isku mid yihiin.

Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in Sheekh Bashiir uu isla meel dhigo Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna oo uu ku kala sheegay inay kala yihin mushrikiin iyo Ahlu Towxiid.

"Waxaan aad ula yaabay hadalkii kasoo ye eray Sheekh Bashiir ee ahaa in Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna isku mid yihiin, runtii waa wax laga xumaado, Al-Shabaab waa dad Ahlu To wxiid ah haba ku qaldanaadaan inay daadiya an dhiigga muslimiinta, Suufidana waa Mushr ikiin cad oo aan wax cudur daar ah laheyn,” ay uu yiri Xasan Daahir.

Wuxuu sheegay inay jireen hoggaamiy ay aal muslimiin ah oo daadiyey dhiigga mu slimi inta, kuwaas oo aan lagu tilmaamin inay yihiin mushrikiin, sida uu hada lka u dhigay.

"Suufida waxay caabudaan qabuuraha, si toos ah ayey ilaahey wax ula wadaajiyeen, xatt aa Ta’wiil malahan isku midna maahan iyaga iyo Al-Shabaab oo iyaga macsi bis sameeyey, balse ma jirto cid Al-Shabaab ku tilmaamtay in ay mushrikiin yihiin,” ayuu sii raaciyey hadal kiisa.

Xasan Daahir ayaa wax lala yaabo ku tilm aamay inay isku meel wada joogaan oo ay hal hey’ad ka wada tirsan yihiin Sheekh Bashiir iyo Sheekh Soomow, isagoo Soomow ku tilmaam ay inuu yahay nin mushrik ah halka uu Sheekh Bashiir ku eedeeyey inuu difaacan la’yahay fikradda uu aamisan yahay, sida uu hadalka u dhigay

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlayey xiisadda ka taagan M/Gurceel ee G/Galgaduud ayaa sheegay in wadaadada gacanta ku dhig ay magaaladaas ee Ahlu-Sunna ay la mid yih iin Al-Shabaab, taas oo caro badan ku abu urtay culumada dariiqada Suufiyada ee Ahlu-Sunna oo aad ula dagaalama fikirka Al-Shab aab.

"In qof sheeganaya hoggaanka culumada So omaaliyeed uu ka soo yeero war ah in Ahlu-Su nna iyo Khawaarijta dadkeena dhameysay ay isku mid yihiin, waa arrin yaab leh oo lala faj aco, waxaan leenahay Sheekh Bashiir war kaas waa mid kugu kooban kaligaa,” ayuu yiri Sheekh Soomow.

Sidoo kale Afhayeenka hey’adda culumada Soomaaliyeed Sheekh Soomow ayaa sheegay in guddoomiyahooda Sheekh Bashiir uu heysto fursad uu ku sixi karo qaladkii ka dhacay, isa goo ka dalbaday in raali gelin deg deg ah uu ka bixiyo.

"Sheekh Bashiir hadalkaas adigana kuuma qalmo, cid kalena kuma meteshid, waxaad ka mid tahay hoggaanka culumada Soomaaliy eed, waxaad kaalin weyn ka qaadan kartaa in dadka la kala celiyo, laakiin hadii adigu aad xu kun rido, ninka Sheekha ah kalaankii afkiisa ka soo baxa Fatwo waaye,” ayuu yiri Soomow. 

Xigasho:caasimadda.net

Xisbiga Waddani oo soo dhaweeyay qoraal ay waddamada reer galbeedku kaga hadle en doorashooyinka Somaliland

Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Wadd ani, ayaa soo dhaweeyay qoraal ay soo saaren qaar kamid ah waddamada reer Yurub iyo Mar aykanka, oo ay ku sheegeen in xukuumada Somaliland ay door ashada madaxweynaha wakhtige eda ku qabanayso isla markaan, ay diyaarisay kharash ke eda.

Xogeeyaha guud ee xisbiga Wad dani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Fac ebook ku sheegay in ay soo dhawaynayaan qoraalka isla markaana, ay dhinacooda diyaar u yihiin in ay ka qayb galaan doorashada.

"Waxaan soo dhawaynaynaa qoraalka ay soo saareen saxiibada Somaliland ee beesha Caa lamku. Waxaanu caddaynaynaa sida qoraalk aba lagu sheegay xisbi ahaan inaanu diyaar u nahay doorashada madaxtooyada ee 2022. Waxaan ugu baaqayaa taageerayaasha xibiga Waddani inay u diyaar garoobaan doorashada" ayuu yidhi Khadar.

Warbixin ay si wada jir ah Jimcihii, 22, Octo ber usoo saareen waddamada Maraykan ka, Denmark, Ingiriiska, Finland, Germany, Neth erlands, Sweden iyo Midowga Yurub, ayaa la gu sheegay in xukuumada Somaliland ay diy aar u tahay qabashada doorashada madaxt ooyada ee sannadka 2022, isla markaana, ay miisaaniyada sannadka danbe ku dartay kharashka doorashada.

Kolonyo Gaadiid Siday Gargaar Oo Lagu Qabsaday Dowlad Deegaanka Soomaalida

Kolonyo baabuur ah oo sidday raashin gar gaar ah ayey shacab gadoodsani ku horjoog sadeen Gobolka Sitti ee dawlad deegaanka Soomaalida waddanka Itoobiya.

Shacabkan ku nool deegaannada ku yaal xuduudda u dhaxaysa labada deegaan ee Can farta iyo Soomaalida dalka Itoobiya ayey war arku sheegayaan in ay ku andacoodeen in ga rgaarka ay baabuurtaasi sidaan yahay kaalmo ka tagtay deegaanka Soomaalida oo iyaga oo u baahi qaba inta la iska indha tiray la quu dinayo qoomiyaddii ay is haye en, hase yeeshee maamulka dawlad deegaanka ayaa been iyey in arintaasi ay jirto.

Dhanka kale QM ayaa wala ac ka muujisay xaaladda bini’aadannimo ee ka sii daraysa gobolka Tigray ee Itoobiya ka dib markii ay sii korodhay colaadda ka taagan gob olka, oo bilaabatay ku dhawaad 1 sano ka hor.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in malaayiin qof ay halis ugu jiraan nafaqo -darro halka kumannaan kalena u baahan yihiin gar gaar bani’aadamnimo.

Duqeyn xagga cirka ah oo ay qaadeen mila tariga Itoobiya ayaa ku qasabtay duulimaadkii bini’aadanimo ee Qaramada Midoobey in joogsamaan.

Lammaane kamid noqday Golaha Wasiirada ee xukuumadda Madaxwayne Mustafe cagjar

Waxaa kasoo dhex muuqday dawladda uu

soo dhisay Madaxwayne Mustafe cagjar, lam maane markii hore ku midoobay nolosha, hadd ana isugu yimid siyaasaddii degaanka.

Lammaanahan oo lagu kala magacaabo Warsan Cawil iyo Abokor Daakir ayaa loo kala magacaab ay Wasiir iyo ku xigeen laba xafiis, iyadoo War san laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Macdan ta degaanka Soomaalida, halka saygeedana oo ah Abokor Daakir loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Xafiiska Waraabka iyo dooxoo yinka ee Dowlad Degaanka Soomaalida.

Arrintan ayaa ah mid dhif iyo naadir ah in la mmaane markii hore ku midoobay nolosha iyo guri, haddana ay isugu yimaaddaan siyaasad dii degaanka, waxayna arrintani noqotay mid dadku aad u hadal hayaan.

Dad Afduub Loogu Geystay Magaalo Ka Tirsan Koonfur Afrika Oo Lasoo Badbaadiyey

Dad laga shakisan yahay oo dhalashadooda lagu sheegay Itoobiyaan ayaa lagu qabtay M/Johannesburg ee dalka Koon fur Afrika, kuwaasi oo lagu eede eyey inay maleegaan afduubka dadka ay isku waddanka yihiin ee ku nool dalkaas.

Dembi baarayaasha Western Cape iyo dhi ggooda Gauteng ayaa 11 nin ka soo badbaa diyay goob wax lagu keydiyo oo ku taal Meado wlands oo ka tirsan Magaalada Johannesburg, intii lagu guda jiray howlgal saacadihii lasoo dhaafay dhacay.

Afhayeen u hadlay Ciidanka Booliska Joha nnesburg Col Andrè Traut ayaa sheegay in shan ka mid ah dhibanayaasha laga qafaashay meelo kala duwan oo ka tirsan Western Cape ee koonfur Afrika.

"Dadaalada aan kala joogsiga lahayn ee ay wadaan dembi -baarayaasha Western Cape si ay ula dagaallamaan baadda baadiyaha ee go bolkan waxaa ugu dambeeyey qabashada laba tuhmane subaxnimadii hore ee shalay Meado wlands, Johannesburg,” ayuu yiri Traut Sabtida shalay ah.

Baaritaan xooggan oo lagu sameeyay dur uufaha kiiska afduubka ee muwaadinka Itoobiy aanka ah lagu afduubtay Harare [Khayelitsha] 16 -kii Sebtember ayaa hogaamiyeyaasha de mbi -baarayaasha u tegey Gauteng, halkaas oo ay ka sii wadeen baadi -goobka dhibanaha ka dib markii ay dalbadeen lacag madax fura sho ah si dhibanaha logu soo celiyo si nabdah.

Shirkada FlyDubai oo joojinaysa duuli maa dyadii ay ku iman jirtay Hargaysa

Shirkada diyaaradaha FlyDubai ee laga lee yahay dalka Imaaraatka Carabta, ayaa go'aan satay in ay joojiso duulimaa dya dii todobaadkiiba 3 ci sho ay ku iman jirtay magaalada Hargaysa, kadib ma rkii xukuumada Somaliland u sheegtay in ay safaradeeda 2 cisho kusoo koobto. areeyaha Hay'ada Duulista iyo Madaar ada Somaliland Cumar Sayid Cabdillaahi, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in shirkada FlyDubai, ay go'aansatay in ay joojiso gabi ahaanba duul imaadyadeedi Hargaysa kadib markii, xukuu mada Somaliland ay ku amartay in ay yarayso duulimaadyadeeda.

"Madaama oo jilaal lagalay oo rakaabku ho os u dhacayo, waxaanu dib u qaabaynay duul imaadyadii, waxaanu siinay shirkada FlyDubai laba duulimaad, sidookale waxaanu siinay shir kada AirArabia laba duulimaad, Daallo na laba duulimaad, laakiin shirkada FlyDubai ayaa na gu soo celisay in madaama aad laba duulim aad nasiiseen in aanu duulimaad yadii joojin doono, waa go'aan iyaga u gaara" ayuu yidhi maareeyuhu.

Maareeyaha ayaa sheegay in xukuumada Somaliland anay shirkada ka joojin duulimaad keeda marka laga reebo in ay usoo jeedisay in ay dhinto safaradeeda."Waxan halkan ka shee gayaa in Hay'ada Madaaraha iyo Duulista So maliland iyada oo ka wakiilada dowlada Somal iland anay wax duulimaadyo ah ka joojin shir kada FlyDubia, garoomada Jamhuuriyada Som aliland waxay u furanyihiin dhamaan shirkada ha caalamiga ah iyo kuwa muxaliga ah, lakiin taasi nooma diidayso in duulimaadyada qaar dib loo eego" ayuu yidhi maareeyuhu.

Dhammaan shirkada kale ee ka howlgala madaarka Cigaal ee Hargaysa ayaa aqbalay dhimista lagu sameeyay safaradooda marka la ga reebo FlyDubai sida uu maareeyuhu sheeg ay.

Qaramada Midoobay Oo Shaacisay Tirada Ku Barakacay Xiisada Ka Jirta Guriceel

Xafiiska Qaramada Midoobay ee xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada ee OCHA ayaa shaaciyay tirada dadkii ka barakacay Magaa lada Guriceel ee Gobolka Galgaduud,kuwaasi oo isaga cararay xiisada Colaadeed ee u dhexeeysa Ciidanka dowladda Federaalka iyo Ahlusunna Waljamaa ca.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoob ay ayaa waxaa ay ku sheegtay in Colaada Guriceel ay ku Baraka ceen In ka badan 100, 000 oo qof oo kamid ah aa dadka degaanka Ma gaaladaas, iyagoona aa day degaano nabad ah oo ka tirsan Galgad uud.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada ee OCHA ayaa si doo kale Warbixinta ku xusay in xiisada Cii danka Galmudug iyo kuwa Ahlusunna ay ku fid ay 28 tuulo oo miyi ah, ayna dadkii joogay ka barakaceen.

Qaramada Midoobay ayaa tilmaamtay in dadka barakacay qiyaastii 1,005 ay yihiin Car ruur iyo 2,009 oo dad naafo ah, iyagoona shee gay in dadkaas ay heli la’yihiin Cuntada, Biya ha, fayadhowrka iyo adeegyada Caafimaadka.

Xiisada maalmihii lasoo dhaafay u dhexeeysay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamul ka Galmudug iyo Ciidamada Ahlusu nna Walj amaaca ayaa saaka isku bedeshay da gaal xo ogan oo dhinacyada dhexmaray, waxaana dag aalka ka dhashay khasaaro isugu jira dhim asho iyo dhaawac.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Guriceel ayaa sheegaya in xaaladda ay weli ka csan tahay, isla markaana la maqlayo dha waqa rasaas xoogan oo la isku adeegsanayo dagaalka socda, waxaana Magaalada isaga ba rakacay dadkii deganaa.

Mareykanka oo dilay hogaam iye sare oo ka tirsan Al-Qaacida

Militariga Mareykanka ayaa dilay Cabdul Xamiid Al-Matar oo ahaa hogaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Qaacida, kadib duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Siiriya, sida uu sheegay afhayeenka taliska dhexe ee Mareykanka.

Duqayntan ayaa imanaysa laba maalmood ka dib markii la tilmaamay in kooxda Al-qaacida ay weerareen fariisin mileteri oo Maraykanku ku lahaa koonfurta dalka Suuriya.

Ma jiro khasaare kale oo la ogyahay oo ka dhashay duqeynta diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Droniska ayuu yiri Afhayeen u hadlay Pemtagoonka , isaga oo intaas ku daray in la adeegsaday diyaarad nuuceedu yahay MQ-9.

Bishii Sebtembar, Pentagon-ka ayaa sidoo kale weerar ku qaaday waqooyi-galbeed Suuriya oo ay maamulaan kooxaha fallaagadu, waxaana lagu dilay hoggaamiye kale oo sare oo ka tirsan Al-Qaacida, kaas oo lagu magacaabi jiray Salim Abu-Ahmad.

Inkastoo colaadaha ka ujira Siiriya ay dhaliyeen dagaallo adag oo ay ku lug leeyihiin ciidamo shisheeye, maleeshiyaad iyo kooxo hubeysan oo ku xiran al-Qaacida iyo Daacish,haddana, qeybo badan oo ka mid ah Idlib iyo Aleppo waxay weli ku jiraan gacanta mucaaradka hubeysan ee Suuriya,

Wasiir Lagu Eedeeyay Inuu Muhaajiriin U Diiday Dalkiisa Oo Lasoo Taagay Maxkamad

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee Talyaaniga, Matteo Salvini, ayaa la soo taagay maxkamad ku taalla Sicily, isaga oo lagu eedeeyay inuu ka hor istaagay dooni muhaajiriin sidday in ay soo xirto bishii August 2019.

Mr Salvini, oo ah hoggaamiyaha xisbiga garabka midig ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta afduub iyo in uu ka gaabiyay waajiba adkiisa.

Tiro kale o hore wasiir uga ahaa Taliyaaniga ayaa loo yeeray si ay ugu marqaati furaan.

Haddii Mr Matteo Salvini lagu helo dacwadaha

lagu so oogay waxaa uu wajahi karaa 15 sano oo xabsi ah.


SHIRKADDA ISGAARSINTA SOMTEL OO XAFLAD WEYN KU GUDDOONSIISAY GAARI HYUNDA AH MACMIIL KU GUULEYSTEY


 


Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa xaflad balaaran u qabatay mac amiilkii ku guuleystay gaarigii 2aad Hyunda-ga ololaha ku shubo oo guul eyso 10,000 hadaiyadood.

Munaasabada ayaa waxaa lgu qabtay Hoolka casriga ah ee Xayat market Hall iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka socoto DFs, Bahda awaxbarashada, ururada dhalinyarada, ururada haweenka ,Ma amulka gobalka banaadir Ururka ay kumideeysanyihiin jaamacadaha qa arkood (Somali Ren), ururka macalimiinta soomaaliyeed

Sidoo kale waxaa munaasabada soo xiray guuleystihii lagu abaalmari yay gaariga 2aad oo shirkadda Tikit ay ujartay Si uu uga soo qeyb-galo munaasabada isagoo ka yimid magaalada buur-hakaba ee xarumta gobalka baay

Ugu horeyntii waxaa munaasabada daah-furay madaxa waaxda gan acsiga somtel Mudane;c/Laahi Cali Caamir oo soo dhaweeyay mart isharafta ka soo qeyb-gashay munaasabada

" Waxaan Xalay marag ka ah bulshada soomaaliyeed in gaarigii 2a ad aan ku wareejineeyno macaamiilkii ku guuleystay oo aan ka keenay buur-hakaba si loo gudoonsiiyo gaarigii uu ku guuleystay sanadkaan wa xaa soo kordhinay adeegyo casri ah sida adeegga (eSum) oo isticmaali karto adigoo wax simcard ah Telefoonkaaga gelinin si gaar ah ma caamiishii isticmaasha Mobilada IPhonada Waxaan sidoo kale soo kor dhinay adeegyada kaabe, keydso,eDahab Chatbot waxaa intaas sii dhe er inan xarigii 2aad ee internet ah kaasoo badda hoostiisa mara oo aan ka hergelinay dalka Shirkadda ololaha ku shubo oo guuleyso 10,000 ha diyadood waxa ay ku qarash- gareysay ku dhawaad 1Million oo doolar si ay wax ugu celiso bulshada soomaaliyeed waxan hubaal ah in somtel hadiyado wax ku ool ah ay bulshada ku celisay sida gaari Hyundai qiim ihiisu uu yahay ku dhawaad &40,000 bajaajyo midkiiba qiimihiisu uu yah ay ku dhawaad $4000 & hadiyado kale oo qiimo badan sida Dahab, lapt op-yo Mobiules .i.w.m) waxaan sidoo kale bixinay inta ololaha socday ku dhawaa d 6,000 hadiyadood oo ka kooban hadiyaha kor ku xusan iy adoo macaamiisheenna an wali la abaalmarin aan u rajeyneyno nasiib wacan bisha ka harsan ololaha Marka uu dhamaado waxa loo tartami doonaa Dhismaha Dahab Tower Appartments & xafiisyo ka mid ah dabaqa ugu dheer soomaaliya ee muqdisho laga dhisaayo”

Waxaa sidoo kale munasabada ka hadlay Mudane: Sh C/Xayi Sh Ad am Xasan oo ku dheeraaday ah miyada munaasabada & in somtel buls hada soomaaliyeed wax ku celiso

" Waxaa xusid mudan inan xaadir u ahaa habeenkii la daah-furay olo laha ku shubo oo guuleyso munaasabadii lagu qabtay Elite Hotel Wax aan qirayaa ololahaan ku shubo oo guuleyso inuu yahay mid daah-furan oo macaamiisha ku shubashada sameeysa si daah-furan loo abaalmar inaayo Xalay gaariga waxaa ku guulweystay oo la gudoonsiinayaa ma caamiil reer arlaadii ah oo buur-hakaba ka yimid waxaan leeyahay ham balyo tani waxay tusaale cad u tahay in ololahaan u ku dhisay daah-fur naan & cadaalad iyadoo macaamiishu fursado isku mid ah ay heystaan halkuu doono ha joogo xamar & gobolada inataba Sida i macaamiishii ku guuleysatay labada gaari ee Hyundai-ga ah labadii bilood ee la soo dhaafay oo bil walba 1 gaari lagu guuleystay iyadoo nunaasabada lagu abaalmariyay mamo beeralley danyar ah oo ku nool baadiyaha gobalka hiiraan iyadoo bulshada hortooda lagu abalmariyay dharaar cad”

Waxaa sidoo kale munasabada ka Gudoomiye ku xigeenka jaamaca da simad Dr Mxed Mxud oo ka dhawaajiyay

"Waxaan xalay ku faraxsnahay inaan ka soo qeyb-galo xaflada lagu abaalmarinaayo macaamiilkii aan gacanteyda ugu Generate gareeyay labo todobaad ka hor waliba nasiib wanaag macaamiilkaas maka imaa nin gobalkii an ka imid nasiibkiisa ayaa saaciday Macaamiilka waxaan leeyahy nasiib wacan C/raxmaan nuur maxamed waxaan rajeeynayaa in gaariga so socdo sidaan oo kale aan xaadir ugu noqdo xafladaha tod obaadlayaasha ee lagu kala saarayo macaamiisha sameysay ku shu bashada todobaad walba Somtel waa shirkaddi ganacsi ugu horeeysay ee bulshada ku celisay10,000 hadiyadood iyadoo la timid hal abuur ga nacsi & istaraatiijiyado ku cusub suuqa ganacsiga soomaaliya”

Waxaa ugu dambeyntii munaasabada soo xiray Maareeyee ku xi geenka Somtel ahna Madaxa howl-fulinta guud ee shirkadda Mudane: Adan Xaji Yusuf oo ku timaamay munaasabadaan

"waxaa Sharaf weyn inoo ah in xalay aan abaalmarineyno macaa miilkii mku guuleystay gaariga labaaad ololaha ku shubo oo guuleyso 10,000 hadiyadood olalahan Taabagalay oo shirkaddu soo waday mudo sedex bilood ah waxaana ku abalmarina macaamiil kasta Isticmaalkiisa & ku shubashadii uu sameeyay waah ab ganacsi oo ku cusub dalka Waxaan halkaan ka xusayaa in bahda waxbarashada aan u diyarinay xa run tababar aan ugu magac Darnay ( Somtel technology training center) oo lagu tababari dooni ardayda wax kabaratajaamacadaha dalka oo (Int ernship)-ka ku siin doono somtel iyadoo kaalin nug leh ka geysaneeyso waaxda farsamada somtel oo isku howli doonta fududeynta tababarada arday kuliyadaha (Engineering & information technology,Computer scie nce) intaba waxaa tababaro ku siin doonaa hoolkan ardayda wax ka ba rata kuliyadaha (Busines Adminstarion, Marketing) oo loo fidin doono tababaro kuwooda kalimaha hore ka gala imtixaanka shirkadda shaqa aleeysiin doonto marka ay soo dhameeystan (Casual Marketing Train ing) Waxaan ku soo g unaanadayaa in shirkadda Dahabshil ay badba adisay shirkaddii telco moo burbur qarka u saarneynd Markii uu Maxa med Saciid Ducaale uu iibsaday waxa uu badbaadiyya 600 sahaqaalee oo xuquuqdoodii la siiyay loo ogolaaday inay shaqadoodoo si wataan Shalay awaxaa somtel ka shaqeeysa ku dhawaad 1300 shaqaale shirkaddu hormar balaaran ayey ku talaabsay ilaah mahadii

Waxaan ugu baaqayaa in macaamiisheena ay u tartamaan gaariga sedexaad oo aan bixin doono dabayaaqada bisha November 2021 sida an oo kale xaflad balaaran oo aan ku casuuni doono bulshada qeeybah eeda kala gedisan

Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysay ay somtel mac aamiisheeda ku abaalmariso gari Hyundai dabayaaqadii bisha august ayey shirkaddu gaari Hyundai qiimihiisu uu yahay ku dhawad 40,000 ku abaalmarisay maama Madiino Xuseen Yaxye ooo ku nool baadiyaha go balka hiiraan iyadoo xalay gaarigii 2aad la gudoonsiiyay C/raxmaan Nu ur Mxamed oo ka yimid magaalada buur-hakaba ee gobalka bay waxa uu nasiib u yeeshay gaarigii 2aad oo ay somtel macaamiisheeda ku aba almarisay iyadoo la filaayo bisha November in loo tartamo gaarigii 3aad waxan u rajeeyneeynaa macamiil ka mid ah macaamiisha shirkadda oo kuguuleysta gaariga Hyundai-ga gobal,degmo & tuulo halkii uu doono ha joogee.

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip