21-kii Oktoober waa lá Mahdiyay, mana Haboona in lagu Caasiyo Kacaankii Barakaysnaa!!!

1
Saturday October 23, 2021 - 07:43:03 in Wararka by
  • Visits: 1141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    21-kii Oktoober waa lá Mahdiyay, mana Haboona in lagu Caasiyo Kacaankii Barakaysnaa!!!

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Waa cusub ayaa u baryay ummadda Soomaaliyeed xilligii uu curtay Kacaankii 21-kii Oktoobar, si xirfad ku dhisan ayaa loo suuliyay Qabiilkii, Musuq-maasuqii iyo Caddaalad-darradii jirtay, Sharaftii, Wadajirkii iyo Heybadii ummadnimo ayaa loo soo celiyay, nabadgelyo iyo sinnaan ayaa la helay, waxqabad iyo horumar ayaa lagu talaabsadey.



Himiladii Kacaanka oo ahayd mid aad u fog ayaa dhalisay in wadanku uu ka dhismo dhan walba, muwaadin kasta waxaa lagu beeray isku kalsoonaan, Daacadnimo, Fir-fircooni, gumeysi naceyb, Waddaninmo, u heelanaanta difaaca Dalka, illaalinta Midnimada iyo dhawrida sharafta iyo karaamada Wadankiisa, dhabtii Kacaanku wuxuu meel mariyay badan-ahaan ahdaaftii uu u curtay.
 
Dhismaha Dalka ka sakow, Kacaanku wuxuu door lixaad leh ka cayaaray siyaasadda Arimaha Dibadda ee beesha caalamka, Soomaaliya waxay hogaamiye ka noqotay xaqiijinta Xornimo gaarsiinta qeybo ka mid ah Wadamadii reer Afrika ee ku jiray gacanta Gumeysiga.
Macallinkii Kacaanka, ahna Madaxweynihii Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya iyo Xoghayihii Guud ee Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed {X.H.K.S} Jaalle Maxamed Siyaad Barre wuxuu heshiisiiyay Dalal ay colaad ba’an ka dhex jirtay, halka uu kuwa kalana u tabbabaray ciidamadooda iyo shaqaalahooda, xilligaasi waxaa lagu aflaxay inaan ka mid noqono Ururrada ka jira Adduunka oo dhan.
 
Waa dhab Tawradii Oktoober inay halgan u gashay sidii ay Soomaaliya dhaxal wacan uga tagi lahayd, runtii Oktoober waa la Mahadiyay, dhalashadeediina waxay bad-baaddo u aheyd Soomaaliya.
 
Inkasta oo Kacaanku qabtay hawl lagu faani karo ayaa haddana waxaa ka dhacay Qaladaad Taariikhi ah oo dib u cunay horumarkii la sameeyay, xaqiiqdii haddii la is bar-bar dhigo wanaagii iyo qaladaadkii uu Kacaanka ku kacay waxaa Boqol (100) jeer badan samaantii uu ka tagay Kacaankaasi.
 
21 sanno iyo dhawr bilood ayuu Kacaanku Dalka xukumayay 1969-1991-kii intii uu qabtay ma jirto cid sameyn karta, haddaan la is xasdeyn Kacaankii Oktoober oo waqtigaan oo kale loo dabaal degi jirey isla markaana loo fantasyen jirey wuxuu inagga mudan yahay Ixtiraam, mana aha in lagu Caasiyo Kacaankii Barakaysnaa ee u dhashay Soomaaliya!



 
WQ: C/Laahi Shiiqaalow.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip