
Garoonka Muqdisho oo laga furay Xafiis lagu koontaroolo Ajaanibta dalka soo galaysa
C/llaahi Gaafow wuxuu ku tilmaamay xafiiska cusub inuu yahay mid lagula soconayo dhaq dhaqaaqa ajaaniibta laguna ogaanayo inuu ka dhacay Waqtiga ay dalka joogayaan si loogu cusbooneysiiyo.
Wuxuu sheegay taliyaha Hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha in xafiiska socdaalka ay ku soo kordhiyeen xafiis kale oo cusub,kaasi oo dadka ajaaniibta ah u suurta galinaya in hadii waqtiga dal jooga ah ka dhaco loogu cusbooneysiiyay lana socda dhaq dhaqaaqooda.
Dhanka kale,Taliyaha Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa ugu baaqay xubnaha maamul goboleedyada ee dalka ka jira iney muhiim tahay la socoshada dadka ajaaniibta ah ee ka degaya garoomada maamul goboleedyada iyo waliba wada shaqeyn dhexmarta Xafiiska waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulada ka jira dalka Soomaaliya si howsha habsi ugu socoto.
Dalka Soomaaliya waxaa ka howlgala shirkado ajaaniib ah,kuwaasi oo iminka la sheegay in lala socon doono dhaq dhaqaaqooda.
Garoonka Muqdisho oo laga furay Xafiis lagu koontaroolo Ajaanibta dalka soo galaysa
Taliyaha Hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Dowlada Federaalka Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha laga hirgiliyay xafiis cusub oo la soconaya dhaq dhaqaaqa ajaaniibta