HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES EE MAANTA OO AH ARBACO 20-KA OCTOBAR 2021-KA

0
Wednesday October 20, 2021 - 09:17:46 in Wararka by
  • Visits: 411
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES EE MAANTA OO AH ARBACO 20-KA OCTOBAR 2021-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalka Kuwait

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Fed eraalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Ku wait ayaa kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalka Kuwait Sheekh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah. Kulanka intii uu socday ayaa looga hadlay xariirka labada dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.
Dhanka kale wasiirka ar rimaha dibadda Soomaali ya mudane Maxamed Cab dirisaaq Maxamuud ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Kuwait Dr. Axmed Nasser Al-Mohammed Al-Sabah. Labada dhinac ayaana ka wadda hadlay iskaashiga iyo xariirka labada, iyagoo dib u eegis ku sameeyay horumaraddii ugu mu hiimsanaa ee ka dhacay fagaarayaasha Gobol ka iyo kuwa caalamiga ah.


DF oo shaacisay shirkado kalluumeysi shar ci darro ah ka wada biyaha Soomaaliya

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Sooma aliya Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inay jir aan dowlado shi sheeye iyo hey’a ddo kale oo ku howlan kaluumey si sharci da rro ah oo biyaha Soomaaliya ay ka wadaan.
Suleymaan ayaa xusay inay jiraan dadka Soomaaliyeed oo hey’adahaas iyo dalalkaas ku gacan siinayo kaluumeysi sharci daro, taa soo uu ku tilmaamay inay tahay wax aan la aqbali karin.
Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si dhameystiran uga go’an tahay inay ka hor tagto kalluumeysiga sharci darrada ah oo ay biyaha Soomaaliya ka wadaan shirkadaha shisheeye. Wuxuu xusay in Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii loola dagaalami lahaa kal luumeysiga sharci darrada ah.
" Kalluumeysiga sharci darrada ah ee ka so cda dalka wuxuu kamid yahay musiibooyinka waaweyn ee ka jira Kheyraadka dalka, waxa ana Soomaal iya usoo shaqo tagay dad rabo in ay si shar ci darro ah uga fa a’ideystaan khe yra adka dalkee na” ayuu yiri xeer ilaaliyaha. Ugu dambeyn Xeer ilaaliyaha Qaranka ay aa waxaa uu faray Ciidamada Badda Soomaal iya inay soo qabtaan maraakiibta shisheeye ee sida sharci darrada ah uga kalluumeysta xee baha Soomaaliya si loo marsiiyo caddaaladda.
Hadalka kasoo yeeray xeer ilaaliyaha Qar anka Soomaaliya ayaa kusoo aadayo xilli 12-ka bishaan ay maxkamadda Cadaaladda Add uun ka ay Soomaaliya u xukuntay murankii ka taagnaa qeybo kamid ah Badda Soomaaliya oo ay sheegatay Kenya.
Xaaji Suudi Yalaxow oo Shalay lagu aasay Magaalada Muqdisho

Alle ha u naxariistee swaxaa gelinkii dambe ee Dorraad M/Muqdisho lagu Aasay Xaaji Suudi Yalaxow, oo ah aabbaha dhalay Senator Mu use Suudi Yalaxow oo ka tirsan Golaha

Aqalka Sare ee Baarl amaanka Somaliya.
Marxuumka oo maalmihii ugu dambeysay ku xanuunsanaa Magaalada Muqdisho ayaa Dorraad ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer.
Aaska Xaaji Suudi Yalaxow ayaa waxaa ka qaybgalay Xildhibaano, Senatoro, Siyaasiyiin, Odayaal Dhaqameedyo, Waxgarad, qoyskii iyo eheladii uu ka baxay.
Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow Ibraah im oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Sha cabka, oo ka qaybgalay Aaskaasi ayaa yiri "Waxaa Shalay gurigiisa saxda ah gaynay Xa aji Suudi Yalaxow oo Dorraad ku geeriyood ay Isbitaalka Ex Digfeer, waxa Alle (SWT) uga rej eynayaa inuu Janatul Firdowsa ka waraab iyo, qabrigiisana u waasiciyo, waana meel loo wa da socdo.”
Xildhibaan Carabow ayaa Senator Muuse Suudi Yalaxow kaga Tacsiyadeeyay Geerida ku timid aabbihii, isagoona ku samir siiyay in hal kaasi loo wada socdo.
"Waxaan muruga la qaybsanaya qaraab ada, gaar ahaan Senator Muuse Suudi Yalax ow, samir iyo iimaan Allah naga wada siiyo.” Ayuu yiri Xildhibaan Carabow.
Maxaa kasoo baxay kulankii la isugu keen ay Cusmaan Xaadoole iyo Saney Cabdulle?

Waxaa Shalay markii ugu horeysay laga wadahadlay dagaalka maalmihii lasoo dhaafay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku dhex-maray ciidamo kawada tirsan militeriga
Soomaaliya, kuwaas oo ay kala hoggaamin ayaan G/Sare Saney Cabdulle iyo Col. Cism aan Xaadoole.
Ugaaska beelaha Mudulood Ugaas Maxa muud Cali Ugaas ayaa Shalay is ugu yeeray labadaan sarkaal, wa xaana kulankaas lagu ga aray is faham hor dhac ah, sida aan xogta ku helnay.
Ilo ku dhaw kulankii Shalay dhexmaray Ug aaska iyo labada sarkaal ayaa Caasimada Online u sheegay in is faham hordhac ah laga gaaray shaqaaqadii maalmihii lasoo dhaafay ciidamada kala taabacsan saraakiishan ku dhex-martay deegaanka Gubadley ee deg ma da Kaaraan.
Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa ku gu uleystay inuu isu keeno labadan Sarkaal ee xu rgufta u dhaxeeysay, waxaana gogol uu maa nta u dhigay is faham hordhac looga gaaray wi xii dhacay, waxaana hadda muuqda is dhexgal ay muujiyeen labada ciidan ee kala taabacsan G/Sare Saney Cabdulle iyo Col. Cismaan Xaa doole.
Sidoo kale xogta aan ka helnay kulankii Shalay waxay intaas ku dareysaa in maalma ha soo socda loo balamay in la fidiyo gogol bal laaran oo lagu soo afjarayo xiisadda sababta gacan ka hadalka ee dhex-martay ciidamada ay kala hoggaamiyaan G/Sare Saney Cabdulle iyo Col. Cismaan Xaadoole.
Sida xogaha aan helnay ay sheegayaan, waxa ugu weyn ee dagaalka labadaan sarkaal uu salka ku hayo waa gacan ku heynta deega anka Gubadley oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kaas oo dhawaan la fil ayo in loo aqoonsado degmo kamid ah degm ooyinka Gobolka Banaadir.
Qorshaha degmo looga dhigayo Gubadley waxaa sidoo kale ku lammaansan in iyagana degmooyin laga dhigo Garasbaaley iyo Daaru-Salaam oo ah laba deegaan oo soo buuxiyey shuruudihii loogu aqoonsan lahaa degmooyin ka gobolka Banaadir.
QM oo hal arrin ku bogaadisay Axmed Madoobe

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubba land, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Ax med Madoobe) ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaa bilay ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoob ay ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho oo Shalay gaartay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.
Axmed Madoobe iyo wafdigan ka socday Qarmada Midoobay ayaa ka wada-hadlay xaa ladda dalka, gaar ahaan arrimaha doora shooyinka iyo ammaanka guud ee dalka.
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubba land ayaa lagu yiri "Kulanka ayaa lagaga had lay arimaha Doorashooyinka oo Dowlada Juba land ay Habeen hore soo dhamaystirtay xubnahii ku dhimanaa er Aqalka Sare taas oo dardar ga in doonta howlaha Doorashooyinka 2021-ka”
Marwo Anita Kiki Gbeho madasha ka hada shay ayaa ku boggaadisay hoggaanka dowlad goboleedka Jubbaland, sida ay u ilaalisay qoondada haweenka ee aqalka sare, maadaa ma afarta kursi ee uu liiskooda Habeen hore shaaciyey Axmed Madoobe lagu soo daray dumar.
Sidoo kale ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qa aday in QM ay tageerayso howlaha doora shooyinka iyo sidii loo dardar galin lahaa.
Kulankan ayaa ku soo aadayao, iyada oo haatan Jubbaland ay soo gaba-gabeyneyso do orashada Aqalka Sare, waxaana la dooran afarta senatar ee ku harsan maamulkaasi.
Soomaaliya ayaa waxa ay ku jirtaa marxalad kala guur ah iyo xaalad doorasho, waxaana do wlada federaalka iyo dowlad goboleedyada ay wadaan dadaalkooda ugu dambeeyey.Si kasta ba, dhowaan ayaa la filayaa in la guda-galo do orashada G/Shacabka oo ka xiiso & xamaasad
badan mida Aqalka Sare ee B/Somaliya.
 
Batulo Gaballe "Waxaan rajo wayn ka qa baa xaqiijinta qoondada haweenka ee Go laha baarlamaanka…”

Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ee golayaasha Baarlamaanka Federaalka Soom aaliya, ayaa soo dhaweeyey in labo kursi oo ka mid ah murashaxiinta Aqalka Sare ka soo ga laya maamul goboleedka Jubbaland loo xiro du marka.Tani ayaa ka dhigeysa haweenka illaa haatan kamid noqonaya Aqalka Sare 14 Xilidhibaan.
Boqolleyda boqolkiiba sod donka aheyd ee loo qoondeey ay haweenka, ayaa marka la ee go 14-ka hadda kamid no qonaya Aqalka Sare, waxay muujineysaa iney soddonka kusii dhawaaneyso, inkastoo aanan yoolkaas wali la gaarin.
Guddiga ayaa qaba haddii labo kursi oo ka le dumarku ay ka helaan Jubaland iyo Galmu dug, iney taasi dhamaystiri doonto yoolkoodii ahaa in boqolkiiba soddon haweenku ku yee shaan Aqalka Sare, ee Baarlamaanka Feder aalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Guddiga Xaqqjinta Qoonda da Haweenka, Batuulo Sheekh Axmed Gaba lle, ayaa u sheegtay weriyaha BBC-da ee Muq disho, Ibraahim Maxamed, in loo dhaw yahay bartilmaameedkii ahaa 30% ee qoondada haw eenka, uggu danbeyntiina ay rajeynayaan in in ta dhiman lasoo buuxin doono.
Tababar loo soo xiray Ciidamo sugaya Am niga doorashada Golaha Shacabka

Guddiga Doorashadda Heer dowlad Gob oleed ee Galmudug ayaa Shalay booqday xarun hawlgalladda Amniga Doorashooyinka gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, halkaa oo ay tababar ugu soo xireen saraakiil iyo ciidamo loo tababaray sugidda xarunta hawlaha am niga ee magaalada Gaalkacyo.
Munaasabada xiritaanka waxaa kala qeyb galay guddiga Doorashooyinka heer federaal, maamulka Gobolka Mudug, Duqa Degmadda Gaalkacyo iyo ku xigeenkiisa.
Munaasabadaa ayaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyey ciidanka iyo saraakiisha loo tababaray maamulka iyo gacan ku haynta xarunta amniga Doorashooyinka magaaladda Gaalkacyo.
Wararkii ugu dambeeyey Guriceel iyo ciidamada Anas Cabdi oo u dhaqaaqay…

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Guriceel ee gobolkaasi, halk aas oo ay dhaq-dhaqaaqyo is ka soo horjeedo ka wadaan ciidanka Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna.
Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in xaalad du ay aad u kacsan tahay, isla-markaa na laga cabsi qabo in dagaal uu ka dhaco halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidanka Ahlu Sunna. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa haatan wada barakicii ugu xooganaa, si ay uga foga adaan waxyeelo kasoo gaarta colaaddaasi
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciida mo uu hoggaaminayo guddoomiya Guriceel An as Cabdi Macalin oo horey ugu sugnaa deeg aanka Odaale ay fariisin cusub ka sameysteen deegaanka Hareele oo hoostaga magaalad aasi halkaas oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaq aaq.
Dhanka kale ciidamada dowladda Soomaa liya oo horey ugu sugnaa deegaanka Gowd Wi il oo waqooyi ka xiga Guriceel ayaa ruqaansad ay dhanka magaalada, kuwaas oo haatan sal dhig milatari ka sameystay meel qiyaastii 7 KM u jira magaalada Guriceel.
Ahlu Sunna ayaa lagu soo warramayaa In ay dhinaceeda ay guluf ka wado magaalada, iy ada oo billowday inay baaris ku sameyso gaa diidka isaga kala goosha halkaasi.
Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa uga sii daraya xaaladda Guriceel, waxaana hakad galay dha q-dhaqaaqa ganacsiga iyo waxbarashada iee magaaladaasi. Dib u soo rogaal celinta Ahlu Sunna aya weji kale u yeeshay xaaladda Galm udug oo horey dagaal ugula jirtay kooxda Al-Shabaab oo ku sugan gobollada Galgaduud iyo Mudug.
Xiliga ay dhacayso Doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi oo la shaaciyay
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Gobollada Woqooyi (Soomaaliland) Khadar Xariir Xuseen, ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay bilaabi doonaan doorashada xil dhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jee da Soomaaliland, ka dib kulan uu Shalay uu R/ Wasaare Rooble la yeeshay guddiyada doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo SIET Sooma aliland.
"waxaa la isla qaatay in lab ada isbuuc ee soo socota door ashooyinka si fiican oo hufan ay u bilowdaan, waxaa la isla qaatay in goobtii doorashada la soo qiimeeyo Odayaashii iyo ergadii soo xuli la heedna la dadejiyo , iyo in kuraasta ugu horee sa ay qabsoomi doonaan labada isbuuc gudah ood la islana gartay qorshe hoowleed dhame es tiran oo ku qotama shaqa walba iyo xiliga laqaban doono”
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Gobollada Woqooyi ayaa sheegay in ay ballan qaadayaan in doorashada waqtigeeda aysan dhaafin si fiicana ay u qaban doonan.
FIQI oo WEERAR ku qaaday Jeneraal Odo waa kana digay arrin uu damacsan yahay

Wasiirkii hore Amniga ee maamulka Gal mudug, Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale Md. ka tirsan golaha shacabka ayaa weerar culus ku qaaday Taliyaha Ciidamada Xoogga Soom aaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage oo ku sugan caasimada maamulka Galmudug.
Axmed Fiqi ayaa ku eedeyay Od owaa in uu kal hore hogaa minayey dagaalkii muddo korors iga qasabka ahaa ee Muqdisho, uu Shalay dagaal u aaday ma amulka Gal mudug, gaar ahaan Guriceel oo ay isku haya an maamulka Qoor Qoor iyo hog aanka Ahlu-Sunna Waljamaaca.Waxaa uu ku tilmaamay taliyaha mid aan fah amsaneyn waajibaadka xilka loogu dhiibay, isa goo sheegay inuu qaadayo mas’uuliyada tallaa booyinka guracan ee ay wadaan, sida uu hadal ka u dhigay.
"Odowaa wuxuu dagaal u aaday Guriceel asagoo sheeganaya taliyaha ciidanka XDS, Dorraadna wuxuu hogaaminayey dagaalkii mud do kororsiga qasabka ah ee Muqdisho iyo kii banaanbaxyada lagu diidanaa!. Wuxuu dhabar ka u ridanayaa oo lagula xisaabtami doonaa mas’uuliyadda ficilkiisa gurracan ka dhalata, ayadoo ay muuqato inuusan fahamsanayn wa ajibaadka xilka loo igmaday!,” ayuu Fiqi ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
"Dhammaan wuxuu soo joojiyay furimihii dagaalka ee ciidamada XDS ay kula jireen arg agixisada, uma malaynayo taliye ka mid ah ku wii soo maray XDS inuu yeeli lahaa waxa Odo waa yeelayo iyo sida loo isticmaalayo. Waa nasiibdarrada ciidamadeena ku habsatay!.”
Axmed Fiqi ayaa xilkii Wasiirka amniga Gal mudug iska casilay kadib markii laga dhag eysan waayey in laga baaqsado dagaal, isla markaana ay isku fahmi waayeen madax weyne Qoor-Qoor in xilligaan aan lala dagaalin Ahlu-Sunna.
Saraakiil uu kamid yahay Odowaa ayaa ma daxweynaha maamulka Galmudug la wada qor she dagaal looga saaray Guriceel ciidamada ay wataan Ahlu-Sunna oo kal hore looga adka aday maamulkaas.
Maleeshiyo beeleed Shalay ku dagaalamay welina isku horfadhiya Muqdisho + Khasaaraha

Maleeshiyaad hubeysan oo u abuulan hab beeleed ayaa haatan isku horfadhiya qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan de gmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kuwaas oo Shalay ku dagaalamay gudaha deg mad aasi.
Iska hor imaadka oo khas aare geystay ayaa ka dhacay xaafadda loo yaqaano 77 oo ka tirsan degmada Dayniile, waxaana weli isku horfadhiya maleeshiyaadka labada dhinac.
Dagaalka ayaa waxaa sababay muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaas oo ay isku hay aan maleeshiyaadka diriraya oo weli isku horfadhiya halkaasi.
Inta la xaqiijiyey ugu yaraan 2 qof oo uu mid ka mid ah ka tirsan yahay maleeshiyaadka ayaa dhaawacmay, halka qof kale ay tahay ha weeney ka mid ah dadka deegaanka.
Xaaladda goobta lagu dagaalamay ayaa weli aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay haatan wadaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horj eedo.
Dhinaca kale dadka deegaanka ayaa bilaa bay inay isaga barakaacaan guryadooda, si ay san waxyeelo uga soo gaarin iska hor imaad kaasi.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay sar aakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Dayniile oo ku aadan israsaaseynta asi geysatay khasaaraha.
Xaafadda 77 ee Dayniile waxaa marar bad an ku soo noq-noqday dagaallada u dhexeeya maleeshiyaad oo isku haya arrimo dhul, waxa
ana ka dhashay khasaare kala duwan.
DFS oo gudbisay warbixin ku saabsan xaal adaha Bini’aadanimo ee Soomaaliya

Waxaa Magaalada Geneva ee dalka Swit zerland Shalay lagu soo geba-gabeeyay shir ka Arrimaha Bini’aadanimada, waxaana Soo maaliya uga qeyb gashay shirkaas Wasiirka Wasaaradda Gargaarka, maareynta & musiibo oyinka ee Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye. Shirka oo ay ka qeyb galeen Wasiiro ka soc da waar kamid ah wadamada Caalamka ayaa waxaa diirada lagu saaray dhi baatooyinka ba ni’aadannimo ee jira iyo sida looga gudbi karo.
W/W/Gargaarka, Maareynta & musiibooyin ka ee Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ku matalayay Shirkaasi Soomaaliya ayaa ka jeedisay warbixin ku saabsan xaalada ha Bini’aadanimo ee Soomaaliya.
Hoos Ka Akhriso Khudbadda Wasiir Khadiijo.
Dowladda Shiinaha oo horumarin ku samey naysa Mashaariicda ay ka fuliso Soomaa liya
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS. Xasan Xuseen Xaaji ayaa Shalay Xafiis kiisa ku qaabilay Danjiraha Dowla dda China u fadhiya Sooma aliya FEI Yengchao.
Kulanka ayaa waxaa loo ga hadlay Xoojinta Xiriirka laba-geesoodka ah ee labada Dowlad ood iyo sidii loo dar da rgelin lahaa mashaarii cda horumarineed ee dowladda China ka wa ddo Soomaaliya.
Shiinaha ayaa doonaya in galangal xoogg an oo dhanka ganacsiga iyo siyaa sadda uu ku yeesho Afrika, waxaa na Sooma aliya ay ak mid tahay dalalka xiriirka dhow la leh Shiin aha
Jaaliyadda SOOMAALIDA UK oo ay soo wajahday halis
Soomaalida ku nool UK ayaa sheegay in ay soo gaareen Fariimo hanjabaad ah oo uga im aanaya Dad ka xun dilka loo geystay Xil dhibaan David Amess oo dilkiisa loo xiray Wiil Asal ahaan Soomaali ah sida ay xaqiijiyeen Hay’adaha ammaanka Britain.
Jaaliyadda Soomaalida ee UK ayaa bila ab ay iney Soomaa lida u sharaxaan sidii ay u wajihi lahaayeen xaaladda soo cusboonaatay, ka dib markii dhawaan ruux Soomaali ah uu diley xildhibaan Ingiriis ah.
Jaaliyadda Soomaalida ayaa sheegtay in tiro kamid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay soo gaartay hanjabaad qaarkood lagu wargel iyay in loo dili doonno sabab la xiriirta Cali Xar bi Cali oo ku eedeysan dilka Xildhibaan David Amess.
Hoggaamiyayaasha jaaliyadda ayaa bilaa bay inay ka wacyi galiyaan Soomaalida nida ambkii ay ula dhaqmi lahaayeen, haddii bool iisku ay la kulmaan, ama su’aallo in la weydiiyo loo baahdo.
Kaahiye Cilmi oo ah Afhayeenka guddiga ay ku mideysan yihiin Jaaliyadda Soomaalida Ingiriiska oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Dowladda ay u gudbiyeen wax ka qaba shada Caga-jugleynta lagu hayo Muwaadiniin ta Soomaaliyeed.
"Warbaahinta ayaa nagu bidhaameysa Dad ka Hanjabaya, Dadka waddankaan degen wax a ay fiirinayaan Magaca Soomaaliya oo ma eegayaan kan British, Dadka neceb Ajaanibta gaar ahaan Muslimiinta ayaa bilaabay in ay dir een Waraaqo Hanjabaad ah, waxaana la xiray Xafiisyada qaar si looga feejignaado sheekad aan socota” ayuu yiri Kaahiye Cilmi.
Waxaa xiran wiil asalkiisu yahay Soomaali, kaasoo lagu magacaabo Ali Harbi Ali, da’diisu na tahay 25 sano jir. Wiilkaan ayaa ku dhashay Ingiriiska, wuxuuna diyaarinayey takhasus dha khtarnimo.Sidoo kale, waalidka ruuxa xiran ay ey dhawaan booliiska Ingiriiska ka qaadeen taleefankiisa gacanta, si baaritaan dheeraad looggu sameeyo.
Uganda oo soo bandhigtey gawaari dagaal oo gaashaaman oo ay farsameysay.

Taliyaha ciidanka Uganda, Gen Muhoozi Kainerugaba, ayaa soo galiyey barta uu ku lee yahay Twitter-ka sawiro, uu ku sheegay inay yi hiin gaadiidka dagaalka oo qafilan, ee ciidanka lugta ee uggu horeeeyey, kuwaasoo lagu sa meeyo gudaha dalkani Uganda.Wuxuu sheeg ay in si buuxda looggu naqshadeeyey, loogana soo saarey gudaha dalkani, laakiin ma aanu bixin faah faahinta astaamaha baauurkan qa filan iyo qiimahiisaba.
Gaarigan oo loo bixiyey magac laga keenay afka Sawaaxiliga, oo ah Shabeel, ayaa waxaa shaacintiisa usoo wakiishay taliyaha aabihii, oo ah Madaweynaha Uganda, Yoweri Museveni.
Ciidanka Uganda, ayaa ku lug lahaa sanad kii hore hawlgal bahalnmo ah, oo lagaga soo horjeeday mudaaharaadyo gilgiley caasimadda magaalada Kampala, kadib markii la xirey mu rashax madaxweyne Bobi Wine.
Saraakiisha dalkani, ayaa difaacey adeegsi ga xabadda, iyagoo sheegay in taa loogga gol lahaa in ciidanka iyo booliiska ay xakamee ya an xiisad markaa jirtey.
Wasiir Cabdilaahi Abokor "Faysal Cali Wara abe maxkamad ayaan la tiigsanayaa"

Wasiir howlaha guud iyo guryaynta Somalil and Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa sheeg ay in uu maxkamad la tiigsanayo guddoom iyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo ku eedeeyay in uu ku kacay musuq maasuq xiligii uu ahaa wasiirka jidadka.
Wasiirka ayaa Faysal ku eedeeyay in uu ma rkasta fagaarayaasha ka sheego, hadalo aanu iska hubsanin oo been abuur ah, isla marka ana uu hagardaamo ku yahay Somaliland.
"Faysal waa weel madhan, weelka madh ana wuu shanqan badanyahay, waxaynu ara gnaa Faysal waxyaabo gola kafuul ah oo aan ji rin meelaha ka sheegaya, qarankana waa ku hagar daamo waayo waxad ogtihiin in uu yidhi qarankani qorshe maleh" ayuu yidhi Wasiir Abokor.
Wasiirka ayaa sheegay in uu gacanta ku hayo dhamaan dhukumantiyadii iyo xogta howl ihii uu ka masuulka ahaa intii uu joogay wasaa rada jidadka, isla markaana uu maxkamada u gudbinayo, si Faysal ay garsoorka ugu kala baxaan.
"Eedaha aad isoo jeedisay dukumentigoodii waa kaas, waxan u gudbin doonaa garsoorka Somaliland, waxan u baahanay caddaymaho ogii in aad keento garsoorka Somaliland, wax anan ku ogahay in markasta oo aad wax sam ayso aad ergo soo dirsato, abtiyaashayna wa xan leeyahay ninkaa ergadiisu yaanay ii ima nin" ayuu yidhi wasiir Abokor.
Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa hadal uu jeediyay 17 October wasiir Cabdillaahi Abokor Cismaan ku eedee yay in uu ku kacay musuq maasuq wakhtigii uu maamulayay wasaarada jidadka ee Soma liland.
Meydka Muwaadin Soomaaliyeed oo la aqo onsan waayay oo laga helay Koofur Afrika

Waxaa Xaafadda Delf oo ka tirsan Maga alada Cape Town ee Koonfur Afrika laga helay Maydka Muwaadin Soomaaliyeed oo ila iyo ha dda aan la aqoonsan eheladiisa iyo caddeymo kale oo muujinaya aqoonsigiisa.
Waxaana sida la sheegay uu marxuumka ku dhintay guri ay deggan yihiin Qoys koofur African ah, kuwaasi oo Soomaalida ku ganacs ata Magaaladaasi u sheegay geeridiisa, waxaa na ay intaas ku dareen in ay kor ka yaqaaneen oo kaliya, iyadoo magaciisa lagu soo ko obay Maxamed Daahir.
Soomaalida dukaa mada ku leh Tuulada Delf oo ka tirsan Mag aalada Cape Town ee Koonfur Afrika aya an ilaa iyo hadda garan Maydka marxuumka, wa xaana ay intaas ku dareen baaritaan dhee ra ad ah aysameyn doonaan, iyagoo Booliska kaashanahaya, si loo aqoonsado halka uu ka yimid marxuumkaasi Soomaaliga ah ee ilaa hadda la garan la’yahay Maydkiisa.
Dalka Koofur Afrika ayaa waxaa ku gana csada Soomaali aad u tiro badan, kuwaasi oo ku leh ganacsiyo waa weyn, waxaana sidoo ka le jira dhibaatooyin kala duwan oo ay la kulm aan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool, waxaana joogta ka ah dilalka iyo dha ca loo gaysto Soomaalida.

 
XOG: Maxaa fashiliyey waa-waantii Ahlu Sunna iyo Galmudug?
Waxaa fashil ku soo dhammaaday waan-waantii laga dhex waday Ahlu Sunna Walja maaca iyo maamulka Galmudug, si loo qabooj iyo xiisadda dagaal ee haatan ka taagan mag aalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Wararka ayaa sheegaya in fashilka uu yim id, kadib markii ay Ahlu Sunna ka laabatay go’ aankeedii hore ee ahaa in ciidamadeeda laga saaro magaalada, in gaadiidkii ay ka qabsatay Galmudug wareejiso, sida ay ay innoo xaqiiji yeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.
Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa ka biyo diiday in Guriceel lagu soo celiyo maamulka degma daas ee Galmudug, sida aan xogta ku helnay.
Waa-waantan ayaa waxaa waday odayaa sha dhaqanka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Galm udug, waxaa na gabi ahaan ha kad galay dadaalladii socday
Arrintani ayaa uga sii dareyso xaaladda caki ran ee haatan ka taagan gobolka Galgaduud, taas oo u dhexe yso Ahlu Sunna iyo Galm udug.
Dhinaca kale wararka ka imaanaya Guric eel ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaaladaasi oo ay ka so cdaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.
Ahlu Sunna ayaa lagu soo warramayaa in ay haatan xirtay waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa magaaladaasi.
Ciidamada dowladda ayaa dhankooda isku hareereeyey Guriceel, waxayna wadaan guluf ka dhan ah Ahlu Sunna Waljamaaca.
Xigasho:casimadda.net
Dacwadda Badda iyo laba guul-darro oo kale oo ay la kulantay xukuumadda Uhuru
Dacwadda Badda iyo laba guul-darro oo kale oo ay la kulantay xukuumadda Uhuru
Go’aankii maxkamadda ICJ ee kiiska badda waxa uu ahaa xukun kii saddexaad ee ay max kamad ku dhawaaqday oo niyad jab ku noqday dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Uhuru Kenyatta, sida uu qoray wargeyska Standard ee ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer dal ka Kenya.
Hal isbuuc gudihiisa ayay xukuumadda Ke nyatta guul darro kala kulantay labo kiis oo wa aweyn, kuwaas oo mid uu la xiriiray arrimaha gudah, halka mid ka kalena uu ahaa dibadda.
Waxay guul darrooyinkaas ku mid yihiin arrin kale oo dhowr bilood ka hor ahayd:
Dacwadda Badda
Kiiska ku saabsanaa muranka xadka badda ee u dhaxeeyay Ken ya iyo Soomaaliya ay ay 12-kii bishan Octob er go’aan kasoo saa reen garsooreyaasha maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, ICJ.
Kenya ayaa ku gacan seyrtay xukunka max kamadda oo aaggii lagu muransanaa badan kiis u sharciyeysay dhinaca Soomaaliya. Ka hor inta uusan go’aanka ugu dambeeya soo bixin ayay dowladda Kenyatta shegetay in ay san aqoonsan doonin natiijada, iyadoo doo neysay in kiiska dib loogu dhigo, balse maxk amadda ayaa ku gacan seyrtay codsigaas.
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Ca bdullaahi Farmaajo, ayaa dhankiisa xukunka maxkamadda ku tilmaamay "guul usoo hoyatay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed”.
Diiwaangelinta shacabka Kenya
Kiiska labaad ee isla toddobaadkan gudihiisa ay dowladda Kenya caqabadda kala kulantay waxa uu ahaa mid maxalli ah oo la xiriira ma shruuc weyn oo ay dowladda ku howlaneyd.
Mashruucaas oo sannado badan laga war dho wrayay ayaa waxba kama jiraan laga soo qaa day kaddib markii amar ka soo baxay maxk amadda sare lagu diiday in lasii wado.
Sida uu tabiyay wargeyska Standard, xukun ka maxkamadda sare ee Kenya waxaa lagu sheegay in mashruucaas oo ku aaddanaa diiw aangalinta dadweynaha uu ka hor yimid xeerka keydinta xogta rayidka.
Mashruuca ay maxkamaddu sharci darrada ku tilShalayy ayay dowladda ku kharash garey say lacag gaareysay 10 bilyan oo shilin oo u dhigantay in ka badan $90 milyan oo doolar.
Mashruuca BBI
Kani waxa uu ahaa mashruuc siyaasadeed oo horseedi karay in isbaddal weyn lagu same yo hannaanka siyaasadeed ee Kenya iyo das tuurka.
Maamulka waddanka Kenya ayaa u ololey nayay in wax laga baddalo dastuurkii la ansixi yay 2010-kii, si dowladda loogu yeelo waji kale.
Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah shacabka go bollada ayaa ka soo horjeestay mashruucan, balse waxa uu u muuqday mid dadaal badan lagu bixinayay.
20-kii bishii August ayay maxkamadda sare ee Kenya ku dhawaaqday xukun gabi ahaanba meesha ka saaraya mashruuca BBI.
Waxaa tallaabada garsooreyaasha maxkamad da racfaanka loo arkayay mid dhabarjab ku ah madaxweyne Uhuru Kenyatta oo markii hore miiska soo saaray hindise sharciyeedkaas.
Sida uu xusay Wargeysku, dowladda Kenya ayaa hadda u baahan inay isbaddal ku sam eyso qorsheyaasheeda si ay uga soo kabato culeyska soo wajahay inkastoo dad badan ay lama filaan ku noqotay guul darroonyinka dhin aca sharciga ee is xigay ee ay la kulmeen qa reennada firfircoon ee dowladda.
ISha: BBC SOMALI

TPLF oo war kasoo saartay duqeynta ay diyaaradaha Itoobiya ee gobolka Tigray

Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa sii xooj iyey weerarada iyo gulufka ka dhanka ah Tigrayga oo ay ka geysaneyso gudaha gobal ka iyo qeybaha ay ku sugan yihiin Jabhadda.
Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Federaal ka Itoob iya ayaa weeraar dhanka cirka ah wa xay ka fuliyeen magaalada Caasimadda u ah Gobolka Tigrayga ee Mek’elle. Sida ay baahiy en warbaahinta Afka Tigrayga ku hadasho, weerarada dhanka cirka ah ayaa waxay khas aaro u geysteen dadka shacabka oo ku sugan magaalada duqeynta laga fuliyey.
Maleeshiyada TPLF ayaa awoodi waayey inay iska caabiyaan weerarada ay geysanaya an ciidamada Federaalka Itoobiya kadib markii jihooyin kala duwan ay kaga yimaadeen diya aradaha dagaalka.
In ka badan 4 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen weerarada lagu qaaday xaafad aha Mek’elle, waxaana dhaawaca lagu sheeg ay illaa 10.
Dhakhaatiirta Isbitaalka weyn ee Magaala da oo la geeyey dadkii ku dhaawacmay duqe ymaha ayaa sheegay in magaalada laga geystay xadgudubyo ka baxsan xuquuqda aadanaha.
TPLF ayaa dhankeeda shaacisay in weerarka ciidamada Itoobiya ay soo qaaden in aysan jirin cid ciidamadooda ka tirsan oo waxyeello ay ka soo gaartay
Gobalka ayaa laga soo warinaya in ay ka taagan tahay 24-ki saac ee la soo dhaafay xaalad kacsanaan ah kadib markii ciidamada Itoobiya ay bilaabeen howl gallo ka dhan ah TPLF.
Midawga Yurub iyo Mareykanka ayaa ku baaqay in dhinacyada dagaalka uu ka dhaxeeyo ay sameeyaan heeshiis xabad joojin ah lana ilaaliyo xuquuqda aadanaha.
BOGGA CAYAARAHA

Tababarihii Xulka Kubadda Cagta Jabuuti Oo Sabab La Yaab Leh Xilkii Ku Waayay
Xiriirka Kubadda Cagta ee dalka Jabuuti, ay aa shaqadii tababaranimo ka eryey, Julien Mat hieu, oo u dhashay dalka Faransiiska, kaasoo xulka dalkani laylinayey saddexdii sano ee ugu danbeysay.
Tababarahan ayaa xulka kubadda Cagta Jabuuti, usoo saarey markii uggu horeysay tart anka is reeb-reebka ee Koobka Addunuka lo ogu soo baxayo, kaasoo ka dhici doonna dalka Qatar sanadka danbe ee 2022-ka.
Xiriirka ayaa soo saarey bayaan ay shaqa da ugga eryeen tababaraha, iyadoo BBC-duna ay heshay nuqul kamid ah, wuxuuna u qornaa sidan:
Ka dib natiijooyinkii filan waaga ahaa ee la soo darsay kooxda qaranka Jabuuti, ee isreeb-reebka Koobka Adduunka ee Qatar 2022-ka, iyo falalka guracan ee dabeecadaha aan ku ha bboonayn xirfadda tababare heer sare ah.
Xiriirka kubadda cagta ee Jabuuti, ayaa go ’aan sadey iney shaqada ka ceyriyaan tababari hii xulka qaranka ee Mudane. Julien Mette.
Madaxa Xiriirka Kubadda Cagta dalka Jab uuti, Suleymaan Xasan Waaberi, ayaa sheeg ay in shaqo ka ceyrinta tababaraha ay timid, ka dib markii guul darooyin is daba joogga ay xul ka qarankani soo wajaheen, taasoo uu ku eedeeyey inuu mas’uul ka ahaa tababaraha.
Xulka qaranka Djibouti, ayaa laga mamnuucey iney dalkooda kula ciyaaran kooxaha kale, iya goo hoy ay u tahay dalka Morocco.
 
 
MUUQAALO LA SOO BANDHIGAY CALI XARBI OO LOO HAYSTO DILKA XILDHIBAAN INGIRIIS AH
Kaamirooyinka CCTV ayaa muujinaya ninka la tuhunsan yahay inuu diley xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Ingiriiska Cali Xarbi Cali oo mara ya waddo ku taal Waqooyiga London saacado uun ka hor inta aan la
Sheeg in inuu tooreey ku dilay xildhibaan Sir Da vid Amess kulan ka dhacay deegaanka Essex.
Fiidiyowgu wuxuu u muuqdaa inuu muujinayo 25-jirkan, oo ay booliisku u hayaan tuhunka dilka Sir David, isagoo si tartiib ah u socda laamiga su baxnimadii Jimcaha isagoo sita boorsada dhabar ka iyo jaakadda baarkinka cagaaran iyo muraaya daha indhaha.
Waxaa la fahamsan yahay in muuqaalka laga duubay banaanka dukaanka Highgate Road 8.44am. Cali, oo ku noolaa dhowr waddo oo ka durugsan, ayaa loo malaynayaa inuu xilligaas u socday saldhigga tareenka ee Gospel Oak.
Booliisku waxay hadda baarayaan dhaq dhaq aaqyada Ali saacadaha ka horreeya weerarka wa xayna eegayaan inuu tareen ka raacay Gospel Oak si uu ugu safro Leigh-on-Sea, halkaas oo Sir David uu ku qabanayay kulan kaniisadda Belfairs Methodist.
69-jirka ruug-caddaaga ah ee Tory, oo ah nin katoolik ah oo si weyn u taageersan Brexit oo markii ugu horreysay loo doortay baarlamaanka 1983, ayaa la sheegay in tooreey lagu dhuftay 17 jeer Shalaynimadii Jimcaha.
Maamulaha dukaanka ayaa Sky News u shee gay in boolisku codsaday in la arko muuqaalka CCTV subaxnimadii Sabtida. Wuxuu sheegay in ay si gaar ah u codsadeen in la arko waqti u dhex eeya 8.30am ilaa 9am subaxnimo oo uu ku ware ejiyay nuqulka muuqaalka.
Saaxiibadii hore ayaa ku andacooday in ninka looga shakisan yahay dilka Sir David uu noqday mid xagjir ah isagoo daawaday YouTube -ka ee wacdiyihii Anjem Choudary oo booliis iyo MI5 ay sidoo kale eegayaan in Sir David loo doortay tag eerada uu u hayo Qadar, oo muran ka taagnayd saamaynteeda Soomaal iya, dalkii uu ku dhashay aabihiina xilal ka soo qa btay.
Baarayaasha hadda waxay rumeysan yihiin ina ysan jirin ujeedo gaar ah oo loo bartilmaameed saday Sir David, iyo in 69-jirkan tooreey lagu di lay maxaa yeelay ninka la sheegay inuu dilay wu xuu ku guuleystay inuu ballansado kulan fool-ka-fool ah oo uu kula yeesho kaniisadda Leigh-on-Sea Jimcihii.
Waxaa Shalay shaaca laga qaaday in aabaha tuhmanaha dilka xildhibaanka ay hanjabaad dil ah u direen ururka argagaxisada ee Alshabaab xilli uu ku sugnaa dalka Soomaaliya.
Xarbi Cali Kullane ayaa mar ahaa dhakhtarka isboortiga ee ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ka hor inta uusan u cararin London wax yar ka hor in ta uusan curadkiisa Cali ku dhalan Southwark sa nnadkii 1996. Waxaa sidoo kale ugu dhalatay sad dex carruur ah dalka Ingiriiska.
Ilo amni ayaa yiri: ‘Wuxuu si aad ah ugu lug la haa ka hortagga farriinta al-Shabaab ee ku aadd an xilka agaasime-ku-xigeenka, wuxuuna ka hel ay hanjabaad dil ah oo ku aaddan arrintaas, taa soo ah wax iska caadi u ah qof kasta oo ku lug leh jago sare oo ka tirsan Dowladda’ .ayaa lagu daabacay wargeyska DailyMail.
Mr Kullane ayaa la sheegay inuu la hadlay booliska la-dagaallanka argagixisada ee Scotland Yard oo ay la socdeen khubaro la shaqeeya MI5 iyo MI6 si ay u falanqeeyaan taleefankiisa si ay u eegaan haddii ay wax sharraxaad ah ka bixi nayso ujeedka wiilkiisa ama dhaqdhaqaaqiisa ma almo iyo saacado ka hor inta uusan Xildhibaanka Tory lagu dilay kaniisad Leigh-on-Sea.
Ilo ku dhow dhow baaritaanka ayaa rumeysan in Cali laga yaabo inuu ku fikiray inuu dilo xil dhi baanno kale, oo ay ku jiraan siyaasiyiinta Shaqa da iyo Tory, ka hor inta uusan dooran Sir David, sida uu qoray The Telegraph.
Mid ka mid ah dadka u dhuun daloola dawlad da ayaa u sheegay wargeyska: ‘Nasiib ma lahay n.Lama bartilmaameedsan xisbigiisa siyaasade ed dartiis. David Amess si gaar ah looma bartil maameedsan. ‘
Xigasho;DailyMail.
 
MOWLIIDKA: "NABI MUXAMMAD NNKH ISAGA AYAA BILLAABAY INUU XUSO DHALASHADIISA”
Sanad walba bisha Rabiicul-Awal waxaa inta badan dalalka muslimiinta ee sunniga ah laga xusaa dhalashada Nabi Muxammad Nabadgalyo iyo Naxariis Korkiisa Ha ahaatee, inkastoo ay jiraan dad kale oo kasoo horjeeda fikirkaas.Magaalooyinka
Soomaalida, oo tahay caasimadda ay ka mid Muqdisho ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq yo la xiriira dabaaldagga maalintii uu dhashay Rasuulka.
Sidaba caadada ah waxaa la sameeyaa xaflado lagu qalaa xoolo u badan geel, isu soo bax ballaaran, masaajidyada ay gacanta ku hayaan muslimiinta fikirkan xoojiyana waxaa laga akhrigaa nabi amaan iyo muxaadarooyin la xiriira mowduucan.
Sida siirada ku xusan, Nabiga wuxuu dhashay Sannadkii Maroodiga – oo taariikhda milaadiga ay ku beegnayd intii u dhexeysay 570 iyo 571 AD.
Marka la waafajinayo taariikh xisaabaha Hijriga oo la aasaasay dhalashada nabiga kaddib, inta badan tixraacyadu waxay muujinayaan in Nabiga uu dhashay bisha Rabiicul Awal. Balse dabaaldegyada sunniyiinta waxaa la qabtaa 12-ka bisha. Haddaba, waxaa loo arkaa in bishan ay tahay midda dabaaldegyada.
Soomaaliya iyo xuska Mowliidka
Xilligii uu noolaa hoggaamiyihii Masar ka talin jiray ee lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Baasha, xuska dhalashada Nabiga waxa uu kusoo koobmay culimada loo yaqaanno Suufiyada.
Marar badan hoggaamiyeyaasha dariiqada Suufiyada waxay aad u xoojiyaan in xuska dhalashada nabiga NNKH uu yahay mid muhiim ah, ayna sax tahay in maalintaas la weyneeyo.Laakiin culimada Salafiyiinta oo ah dadka doodda ka qaba arrintaas waxay ku tilmaameen ficil "bidco” ah oo aan waafaqsaneyn diinta Islaamka. Maxay tahay Sababta ugu weyn ee loo xuso dhalashada Nabiga?
Sheekh Xuseen Sheekh Dayib Cabdi oo ka mid ah culimada ku sugan magaalada Nairobi ayaa BBC-da u sharraxay sababta loo xusayo dhalashada Nabiga.
"Dhalashada rasuulka CSW dadka Muslimiinta ah markii bisha Mowliid lasoo gaaro sanad walba, khaasatan maalintii isaga uu dhashay waxay u xusaan shukrin lagu shukrinayo nimcadan oo Rasuulka ah CSW, maxaa yeelay haddaan nahay Muslimiin waxaan aaminsan nahay inuu yahay nicmo loogu talogalay dhammaan basharka, marka nimcadaas ayaa lagu shukrinayaa,” ayuu yiri Sheekh Xuseen.
Sheekh Xuseen Sheekh Dhayib
Waxyaabaha loo daliishado ayuu sheegay inay ka mid tahay ficillo uu nabigu laftiisa sameeyay.
"Culimadu waxay usoo daliishanayaan xadiiskii Bukaari iyo Muslim ay warinayeen, kaasoo sheegaya in rasuulku uu yimid magaalada Madiina, wuxuu u yimid yuhuuddii meelaha kala duwan dagganeyd oo soomeysa, soonkooda waxa uu ku beegnaa maalinta Caashuura ee 10-ka bisha Muxarram.
"Rasuulku wuu weydiiyay sababta ay u soomayeen waxayna u sheegeen in ay xusayaan iyagoo Alle ku shukrinaya maalintii uu Nabi Muuse CS Alle ka badbaadiyay fircoon iyo ciidankiisa, kuwii kalena la halaagay. Markaas ayuu nabigeennu yiri ‘annaga ayaa idiinka xaq leh nabi Muuse, sababtoo ah idinku waad i beeniseen laakiin annagu waan rumeysan nahay nabi Muuse iyo kitaabka Tawraat.
"Rasuul wuu soomay, dadka muslimiinta ahna wuu faray inay soomaan. Xadiiskaas waxaa laga faa’iideysnaayaa, sida uu Xaafid Ibnu Xajar ku leeyahay Kitaabkiisa Al Fatxul Baari, in la sameynayo ficil shukriga ku tusinaya oo Alle looga ahad celinayo nimco la isku galladeystay,” ayuu yiri.
Sida Soomaaliya looga xusaySheekh Xuseen ayaa intaas ku daray in Rasuul NNKH "dabaaldaggiisa lasii billaabay isagoo dhalanin, oo lagu sheegay kitaabadii ka horreeyay ee Towraad iyo Injiil”.Daliil kale ayuu sheegay inuu yahay markii nabiga la weydiiyay mid ka mid ah maalmihii uu soomi jiray oo Isniin ah, "taasoo uu ku jawaabay inay tahay maadaama ay tahay maalintii la dhalay oo uu xusayo”.
"Nabiga isaga ayaa billaabay xuska dhalashadiisa”
Sheekh Halliru Maraya, oo ah aqoonyahan diinta Islaamka ku xeel dheer oo saldhiggiisu yahay gobolka Kaduna ee dalka Nigeria ayaa BBC-da laanteeda Hausa u sheegay in Nabi Muxammad NNKH uu isagu billaabay xuska maalinta dhalashadiisa.
"Nabi Mucammad (NNKH) waxaa la weydiiyay sababta uu u soomo maalinta Isniinta ah. Nabiguna wuxuu ku jawaabay taasi waa maalintii aan dhashay,” ayuu yiri Sheekh Halliru.
SHEIKH mARAYA
Waxa uu intaas ku daray in Muslimiinta laga doonayo inay dabaaldagaan bisha Mowliidka, "maadaama ay tahay bil uu Alle Adduunka siiyay hadiyad aan wax la mid ah jirin, oo ah dhalashada Nabiga, nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ah aatee.
Aqoonyahankan ayaa ku taliyay in si loo xuso dhashada rasuulka la sameeyo dhowr waxya abood oo kala ah:
In la isu imaado si loo muujiyo mucjiso oyinka Nabiga iyo in sunnadiisa la raaco
In la soomo
In saaxiibbo cusub la yeesho
In la booqdo bukaannada ku jira isbitaal lada,
In lacag la sadaqeysto,
In dadka la quudiyoCulimada ayaa ka digay in xuska laga ilaali yo isdhexgalka ragga iyo dumar ka iyo xumaatoo yinka kale.
Soomaaliya iyo Moowliidka
Ka sokoow xusaska Moowliidka ee ka dhacaya Soomaaliya, dowladda Soomaaliya ayaa maalin fasax qaran ka dhigtay maalinta moowliidka, iyada oo xitaa dowlad goboleedyada qaar ay sidoo kale fasaxeen shaqaalaha rayidka ah. Waxaa ka mid ah dowlad goboleedka Jubbaland oo soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegtay in maainta
Moowliidka awgiis loo fasaxay shaqaalaha.
Xigasho:BBCsomali



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip