Xaaji Suudi Yalaxow oo galabta lagu aasay Magaalada Muqdisho

0
Monday October 18, 2021 - 18:53:50 in Wararka by
  • Visits: 338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaji Suudi Yalaxow oo galabta lagu aasay Magaalada Muqdisho

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Alle ha u naxariistee waxaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho lagu aasay Xaaji Suudi Yalaxow, oo ah aabaha dhalay Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.


Marxuumka oo maalmihii ugu dambeysay ku xanuunsanaa Magaalada Muqdisho ayaa maanta ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer.



Aaska Xaaji Suudi Yalaxow ayaa waxaa ka qaybgalay Xildhibaano, Senatoro, Siyaasiyiin, Odayaal Dhaqameedyo, Waxgarad, qoyskii iyo eheladii uu ka baxay.

Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow Ibraahim oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, oo ka qaybgalay aaskaasi ayaa yiri "Waxaa galabta gurigiisa saxda ah gaynay Xaaji Suudi Yalaxow oo maanta ku geeriyooday Isbitaalka Ex Digfeer, waxa Alle (SWT) uga rejeynayaa inuu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, qabrigiisana u waasiciyo, waana meel loo wada socdo.”

Xildhibaan Carabow ayaa Senator Muuse Suudi Yalaxow kaga tacsiyadeeyay geerida ku timid aabihii, isagoona ku samir siiyay in halkaasi loo wada socdo.

"Waxaan muruga la qaybsanaya qaraabada, gaar ahaan Senator Muuse Suudi Yalaxow, samir iyo iimaan Allah naga wada siiyo.” Ayuu yiri Xildhibaan Carabow.

May be an image of one or more people, people standing and outdoors

May be an image of 6 people, people standing, people sitting and outdoors
May be an image of 6 people, people sitting and people standing
May be an image of 7 people, people standing and outdoors
May be an image of 7 people, people standing and outdoors


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip