Madaxweynaha Mareykanka Obama oo gaaray Sacuudi Carabiya

0
Wednesday April 20, 2016 - 19:14:28 in Wararka by
  • Visits: 737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Mareykanka Obama oo gaaray Sacuudi Carabiya

    Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa maanta oo Arbaco ah gaaray dalka Sacuudi Carabiya, halkaasoo uu maalinta berri kaga qeyb geli doono shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa maanta oo Arbaco ah gaaray dalka Sacuudi Carabiya, halkaasoo uu maalinta berri kaga qeyb geli doono shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka.

Obama ayaa waxaa soo dhoweeyay Duqa magaalada Riyadh, taasoo sare u qaadeysa xiisada Mareykanka iyo Sacuudiga u dhaxeysa.

Waxaa uu la kulmay Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis, isagoo kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay iskaashiga, la dagaalanka Argagixisada.

Mareykanka ayaa ku dhaliilay Sacuudiga in aanu xilligan daacad ka aheyn dagaalka ka dhanka ah Daacish, isla markaana dhankaas daciif ka yihiin.

Arrinta ugu weyn ee labada dal xiriirkooda shaki gelineysa ayaa ah walaaca laga qabo hadii Aqalka Congress uu meel mariyo in weerarkii 9/11 uu Sacuudiga ku lug lahaa,maadaama 19kii dhalinyaro ee afduubtay diyaaradihii loo adeegsaday weeraradaas ay 15 ka mid ah ka soo jeedeen Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa ku hanjabay hadii Aqalka Congresska uu meel mariyo arrintaas uu iibinayo dhamaan wixii hanti ah ee uu ku leeyahay Mareykanka.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in hadii Aqalka Congresska ay meel mariyaan tallaabadaas aanu saxiixi doono Madaxweyne Obama.

US President Barack Obama (R) shakes hands with Prince Faisal bin Bandar bin Abdelaziz al-Saud, Governor of Riyadh, as he arrives at King Khalid International Airport in the Saudi capital, on April 20, 2016. During his two-day visit, the fourth of his eight years as president, Obama is to meet Saudi King Salman and attend a Gulf summit, in which he hopes to focus discussions on the fight against jihadist groups and efforts to end wars in Syria and Yemen. / AFP PHOTO / Jim Watson

obama saudi (2)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip