
hALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES EE MAANTA OO AH ISNIIN 11-KA OCT, 2021-KA
..
RW Rooble oo kulan la yeeshay wafdiga ka socda DFS ee ku sugan Magaalada Hague
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fed eraalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga ku lan kula yeeshay wefdi ka socda dowladda Fed eraalka oo ku sugan Magaalada Hague ee dalka Nederland.
Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, iyagoona ka qeyb galaya go’aanka Maxkamad da Caddaaladda Adduunka ee ICJ ee kiiska da cwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Md. Rooble ayaa wafdiga ka socda dowlad da ku dhiirrigeliyay ka qeyb galka fadhiga Max kamadda, isagoo guul u rajeeyay Ummadda Soomaaliyeed, xili go’aanka Maxkamadda ICJ la wada sugayo.
Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ ayaa Go’aankeeda kama dambeynta ah ee kiiska badda ku dhawaaqti doonto 12-ka bish an Oktoober oo ku beegan maalinta talaadada ah ee soo socota.
Dowladda kenya ayaa maalmo ka hor she egtay in aysan aqoonsan doonin go’aan kasta oo ka soo baxa Maxkamadda Caddaaladda Ad duunka ee ICJ, isla markaana aysan u hoggaa nsami dooninka Go’aanka Maxkamadda kasoo bixi doona.
Wafdi ka socda Soomaaliya oo tegay Hague iyo wararkii u dambeeyey kiiska badda
Wafdi uu hoggaaminayo R/Wasaare ku-xi geenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gaaray magaalada Hague ee dalka Holand, si ay uga qeyb galaan go’aanka Maxkamadda Ca ddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwad da badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Wafdigan oo ka baxay Muqdisho, ayaa u te gay magaalada Hague sidii ay goobjoog uga noqon lahaayeen go’aanka kama dnabeysta ah ee kiiskan oo soo jiitamayay tan iyo sanad kii 2014, xiligaas oo dowladii madaxweyne Xa san Sheekh ay dacwadan geysay maxkamada horteeda.
War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’ iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ay aa lagu yiri "Wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gaaray magaalada Hague, si ay uga qeyb galaan go’aanka Maxkamadda Cadd aaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan Oct ober ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.”
Kenya ayaa todobaadkii hore sheegtay in aysan aqoonsan doonin go’aanka lagu wado in uu ka soo baxa maxkamadda caaalamiga ah ee ICJ ee ku saabsan muranka soohdinta bad da ee kala dhexeeya Soomaaliya.
Kenya ayaa in muddo ahba ku adkeysanay say in dacwadda badda lagu xalliyo wadahadal halka Soomaaliya ay doorbiday in lagu xalliyo maxkamadda ICJ oo xukunkeeda soo saare ysa todobaadkan.
Xukunka Maxkamada Cadaaladda ee ICJ waxaa isha ku haya Muwaadiniinta Soomaaliy eed iyo Madaxda DFS, kuwaas oo ay ku jirto rajo ah in Maxdamada Soomaaliya ay u xukun to Badda, maadama Dowladda Kenya ay mur an galisay markii hore.
Xiisadda ururka Ahlu-Sunna iyo GA LMUDUG oo laga soo saaray shan qodob
Dhalinyarada aqoonyahanka ah ee be esha degta magaaooyinka Gurceel iyo Dhuusa mareeb ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa soo saaray baaq ka kooban shan qodob, iyaga oo farriin u diray Madaxw eynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo hoggaanka xoogagga Ahlu-Sunna.
Warqadda ay xaaladda ka taagan deegaan adaas ka soo saareen dhalinyada aqoonyahan ka ah ee ku sugan Muqdisho oo ogeysiis ka he ysata R/W/re Rooble ayaa walaac xoog leh lo oga muujiyey dhibaatada ka dhalan karta saan –saanta colaadeed ee Galmudug ay cagaha la gashay.
Waxay sheegeen in dadkii reer Gurceel ay ka barakeen magaalada oo ay istaagtay nolo shii aas-aasiga aheyd ee bulshada, iyagoo cad eeyey in midnimada Galmudug ay u arkaan lama taabtaan.
Madaxda dowladda federaalka ayey ugu ba aqeen inay deg deg u farageliso xaaladda sii cakirmeysa ee Galmudug, si looga baaqsado isku dhacyo hubeysan iyo xaalado bini’aadani mo oo ka dhasha.
Sidoo kale madaxweynaha Galmudug Ax med Qoor Qoor ayey ugu baaqeen in maamul kiisu uu ka baaqsado wax kasta oo uga sii dari kara xaaladda colaadeed ee ka taagan Gurc eel. Dhalinyaradaan ayaa maamulka Qoor Qo or ka dalbatay inuu fursad siiyo waan-waanta iyo wadahadallada socda, si looga baaqsado dagaal iyo dhiig ku daato oo ka dhaca Galmu dug.
Dhanka kale ururka Ahlu-Sunna ayey dhali nyaradaan ka dalbatay in wadahadal ay ku ra adiyaan wax kasta oo ay ka tabanayaan, isla markaana ogolaadaan maamulkii sharciga ahaa oo ka arriminaayey deegaanada ay qabs adeen.
Halkee marayaa dhismaha maamulka cusub ee Jubaland?
Wasiirkii hore ee Caafimaadka Jubbaland, Cali Xaaji Nuur Cali ayaa ka warbixiyey shirar maalmihii u dambeeyay u socday Golaha isku magacaabay Aayo ka tashiga iyo dib u dhiska Jubbaland.
Cali Xaaji ayaa sheeg ay in golaha uu xo oga sa arayo sidii loo heli lahaa maamul cusub oo loo wada dhan yahay, maa dama uu ku doo dayo in labadii sano ee shar ciga aheyd u dhamaa tay madaxweyna ha Jub baland, Axmed Madoobe.
"Golaha waxa ku mideysan dhamaan aqo on-yahanka, odayaasha dhaqanka, dhalinyara da iyo dhamaan waxgaradka kasoo jeeda Ju bbal and, waxaana la aas-aasay 2019-kii, una taa gan yahay Jubbaland la wada leeyahay,” ayuu yiri Cali Xaaji. "Maamulka Jubbaland asal kiisa ba kuma imaan rabitaanka dadka, qaabkii loo gu qabtay doorashada Kismaayo waxay ah eyd mid laga soo abaabulay Kenya oo dowl ado shi sheeye gadaal ka riixayeen, kumana shaqeeyo siyaasadda dadka deegaanka.”
Sidoo kale waxa uu sheegay in Golaha uus an aqoonsaneyn maamulka Jubbaland ee had da uu hogaamiyo Axmed Madoobe, islamarkaa na ay dhisi doonaan maamul loo wada dhan ya hay marka ay kulamadaas soo dhamaadaan, lana dhisi doono guddi ka shaqeeya, sida uu sheegay.
"Maamul goboleed waxaa noqon kara labo gobol wixii ka badan. Gedo gacan kuma jirto oo waa cadeysteen warkooga in maamulka Ax med Madoobe u hogaansaneyn markii ay cad aalad ka waayeen, Jubbada Dhexe-na awal gacan kuma jirin, meesha kali ah ee Axmed Madoobe joogo waa Kismaayo, labo degmana ma noqon karto maamul.”
Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday do wladda in doorashada la dadajiyo si Jubbaland loogu dhiso maamul loo dhan yahay, isagoona ka dalbaday shacabka reer Jubbaland inay qeyb ka noqdaan Golaha lagu dhisayo maamu lkaas.
Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo Shir uga qeyb galaya dalka Serbia
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo War shadaha xilgaarsiinta Khaliif Cabdi Cumar oo u dhoofay wadanka Serbia oo uu kaga qeyb-galaayo shirka iyo xuska sanad-guurada 60 aad ee dalalka dhex-dhexaadka ka ah isbahay siyada ka jira caalamka ee loo yaqaano Non-al igned countries, ayaa Shalay si heer-sare ah looggu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Tesla ee caasimadda Belgrade.
Wasiirka oo garoonka ay ku qaabileen Ma dax ka tirsan dawladda Zerbia ayaa waxaa dhex maray kulamo hor-dhac ah, waxaana soc daalkiisa ku wehelinaayey Madaxa Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi, Diblomaasiyiin ka soc otay Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS iyo La-taliyaha Wasiirka.
Shirka ayaa qabsoomi doona 11ka illaa 12-ka Octoober 2021, iyadoo looga hadli doono danaha iskaashi ee u dhaxeeya wadamada ku bahoobay dhaq-dhaqaaqaasi oo ay Soomaali ya ka mid tahay aas-aaseyaashii isbahaysiga.
Sidoo kale shirka iyo xuska sanad-guurada 60-aad ee dalalka dhex-dhexaadka ka ah isba haysiyada ka jira caalamka ee loo yaqaano Non-aligned countries ayaa waxaa ka qeyb gal ay Madax kala duwan oo ka kala socda dalal dhowr ah.
FIQI oo shaaciyey ujeedka dhabta ah ee Qoor Qoor ka leeyahay dagaalka Ahlu-Sunna
Wasiirkii hore Amniga ee maamulka Galmud ug, Axmed Macalin Fiqi oo Shalayeyd qab tay shir jaraa’id ayaa waxa uu si faah-faahsan ujeedka uu madaxweyne Axmed Qoor Qoor uu ka leeyahay dagaalka Ahlu-Sunna Waljamaa ca. Fiqi ayaa ugu horeyntii sheegay in hogaan ka Ahlu-Sunna ay diyaar u yihiin wada-hadal, islamarkaana ay la soo xiriireen, oo uu albaab ka ka xirtay Qoor Qoor oo asagu raba in daga al xoogan uu ku qaado.
Waxa uu sheegay in sababta uu madaxwey naha Galmudug u qaatay waddada dagaalka ay tahay mid lagu doonayo inay colaad iyo dag aal Galmudug lagu abuuro, sidaasina doorash adii lagu qaban waayo oo muddo kororsi uga shaqeyso.
"Wuu ka diiday (Qoor Qoor) wax wada-ha dal ah inuu la galo (hogaanka Ahlu-Sunna), ma daxdooda ayaa wada-hadalnay wuxuuna ii dhii bay furaha, waxay rabaan in si nabad-galyo ah ku noolaadan oo maamulka Guriceel dib loogu soo celiyo maamulka, laakiin meel uma socda an” ayuu yiri.
"Madaxweynaha waxa uu yiri nimankaas wax aan dagal aheyn oo anfacaya ma jirto wey nagu soo noolaanayaan oo nagu dhex koraya an oo kobcayaan, taasi waxay noqotay Galmu dugtii badhaadheheeda aan ka shaqeynayay la yiraahdo madaxweynaheedii ayaa dadka ba rakicinaya.”
Wuxuu ku eedeeyay Axmed Qoor Qoor in uu dagaalka A-Shabaab ku fiirsaday dadka Ga lmudug, siiba Ahlu suna. "Waxaa isku dayey in aan ku qanciyey inuu ka baaqsado dagaal uu ku qaado Ahlu Suna, laakiin wuxuu ku adkeys ay inuu la dirirro oo uu sheegay inay uga dar ran yihiin Alshabaab, kadibna isagoo ila tashan ayuu ku daabulay ciidamo gorgor iyo Haramc ad isugu jira, iyadoo Farxaan Qaroole uu Dhu usamareeb u tegay inuu weerar ku qaado Ahlu Suna,” ayuu yiri Axmed Fiqi.
Wasiirkii hore Amniga ee maamulka Gal mudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in hogaanka Ahlu-Sunna uu xiligan di yaar u aheyn dagaal dhex-mara maamulka, hase yeeshe ay rabaan in la iska kaashado la dagaalanka argagixisada.
Wuxuu sheegay inay Madaxweyne Qoor Qoor kula ballameen maamul fadhiid ah oo ma rkasta daba taagan Villa Somalia, laakiin arrint aasi ay ka fuli weysay dhinaca Madaxweyna ha, wuxuuna ku dooday inay waxqabad muuq da gaareen oo ay ka mid tahay dagaalka Al-Shabaab.
Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in xil ka uu iska casilay kadib markii soo jeedintiisa iyo in laga baaqdo dagaal uu iska dhago tiray madaxweynaha Galmudug, islamarkaana uu markasta ku taagan yahay wadada wada-hadalka.
Mahad Salaad oo si xun ugu jawaabay Fiqi
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa soo saaray qoraal uu ugu jawaabayo wasiirkii is-casilay ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi, wa xuuna qoraalka Mahad Salaad ku soo aadayaa, iyadoo Axmed Macal in Fiqi uu Shalayta qabtay shir jara a’id, kaas oo uu ku weeraray siya asiyiin uu ka mid yahay Mahad Salaad.
Fiqi ayaa sheegay in dadkii Dorraad hor taa gaanaa mudo kororsiga ay hadda Dhuusamare eb ka dheheen nidaamkii dowladda Galmudug ayaa lagu cayaarayaa, "Wax ka jira maleh , la guma cayaarayo nabad geliyada Galmudug ee faa’iidaa ugu jirta Ahlu-Sunna inay joogto, 10-kii maalmood oo ay joogeena waa laga dare emay deegaanka oo Al-Shabaab waa carar een,” ayuu yiri Fiqi.
Waxa uu sheegay in dadkii Dorraad Farmaa jo ka diiiday mudo kororsiga ay Shalay u muu qdaan kuwo kala wareegay, oo dhahaya Ahlu-Sunna dagaal halagu qaado, "Soo u ekaa ma ayaan niman Dorraad diidanaa nidaamkii iyo ma daxweynihii jiray? Laakiin Dorraad waan ku raa csanaa go’aankaas, balse kan kuma raacsani,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Sidoo kale Fiqi oo u muuqday inuu si gaar ah u weerarayo Mahad Salaad ayaa yiri, "Wa xaan aragnaa musharax xil ku raba in dadka re er Gurceel la barakiciyo, aniga waan fahmi wa ayey kursiga Gurceel yaalla ee dadka loo wee rarayo oo nin musharax ah inta meel soo istaa go uu leeyahay dadkaas waa in la weeraro, janadii Al-Shabaab naga raadinayey ayuu noo la mid yahay kursigaas, musharaxiinta waxaan leeyahay ka fiirsada fidnada socota qeyb haka noqanina.”
Mahad Salaad oo u soo jawaabay Axmed Macalin Fiqi ayaa qeyb ka mid ah qoraalkiisa ku yiri, "Abtigey Fiqi waxaan leeyahay durbaan ka aad tumeyso waan fahamsanahay Abtiyow ee Ilaahey haku soo nabad aruursho!.”
Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad oo dhameystiran
Abtigey Fiqi waxaan leeyahay! Waxa jiray nin oday ah oo mingiska ka tumi jiray deegaan ada Galmudug, lana dhihi jiray Dalays oo Cayr ahaa. Waxa xarun u ahaan jirtay meel LACA SO la yiraahdo oo Gadoon agteeda ah. Laco so-na habeenka marka la gaaro nalal ayaa ka shidma, durbaan cid garaacaysa aan la aqoo na waa ka yeeraa. Marka waxa la yiraahdaa jin ka ayay hoy ama guri u tahay.
Dalays meeshii ayuu ku shiiday marka wu xuu go’aansaday inuu ka guuro, farsamadii sana ku shaqaysto. Baanankana inuu u baxo ma rabo ee inuu Cayrka ka dhex qaraabto ay uu rabaa. Marka qolodii Cabsiiye ayuu inta ka soo tagay, ayuu soo dhex degay kuwa kale oo Ayaanle ah!
Wuxuu rabaa marka inuu sheego in Jinkii soo guuray isagana soo raacay. Berrin ayuu in ta xaarxaartay oo durbaankiisii la soo baxay ayuu ku dhuftay hees uu rabo dadka inuu ku hogga tusaaleeyo in jinigii soo guuray hadana safar ku marayo dhulka Ayaanluhu degan ya hay. Marka wuxu yiri:
Jinigu Lacasow ka yimid cabsiiyow labo ka dilay, hadana laanlow maraa lag iyo bariyow ra baa ayaanlowna lurahayaa! Abtigey Fiqi wax aan leeyahay durbaanka aad tumeyso waan fa hamsanahay Abtiyow ee Ilaahey haku soo nab ad aruursho!
Madaxweynaha Galmudug oo AMISOM kala hadlay amniga Doorashada dhaceysa
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Gal mudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Shalay Xarunta Madaxtooyada M/Dhuusamar eeb kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM Jeneraal Diome de Ndegeya iyo wafdi Saraakiil uu hogg aaminayay.
Kulanka dhexmaray Mada xweyne Qoorqoor iyo Taliye Diomede Ndegeya ayaa wa xaa looga hadlay Arrimaha amniga guud ee deegaanada Maamulkaas iyo doorashada soo socota ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qo orqoor ayaa Taliska Ciidanka AMISOM ka dalbaday inay ka qeyb qaatan sugida amni ga goobaha lagu qabanayo doorashada Xil dhibaanada Galmudug ku metalaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.
Kulanka kadib, Saraakiisha uu hoggaamin ayay Taliye Diomede Ndegeya ayaa kormeer ku tagay goobaha loo asteeyey inay ka dhacdo doorashada Golaha Shacabka ee lagu qaban ayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimad da Maamulka.
Kulankaan dhexmaray Madaxweyne Qoor qoor iyo Taliska Ciidanka AMISOM ayaa wax aa uu ku soo aaday, iyada oo weli taagan tah ay xiisada u dhexeeysa Maamulka Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna Waljameeca oo qabs aday Magaalada Guriceel iyo deegaano kale.
Khasaare dhimasho leh oo ka dhashay wee rar Habeen hore ka dhacay degaanka Janaale
Faha faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar loo ad eegsaday bambaanooyin oo Habeen hore ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Janaale oo ka ti rsan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed.
Weerarka ayaa waxaa lagu soo warrama yaa in lala beegsaday bar-koontarool oo ciid amada ammaanka ay ku leeyihiin gudaha dee gaankaasi, waxaana ka dhashay khasaare xoo gan.
Ugu yaraan labo askari oo ka tirsanaa ciida mada ammaanka iyo wiil yar oo 12 jir ahaa ay aa ku dhintay, sida ay Caasim ada Online u xaqiijiyeen ilo dad ka deegaanka ah.
Askarta geeriyootay ayaa waa rdiye ka hayey koontaroolka uu Habeen hore weerarka ka dhacay, waxaana goor dambe meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan ku wa amniga.
Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in weer arka, kadib ay howl-gal qaadeen ciidamada do wladda, isla-markaana ay dileen nin lagu tuhm ayo weerarka, kaas oo la sheegay inuu caan ka ahaan Janaale, isla-markaana marar badan lagu xiray saldhigga deegaankaasi.
Xaaladda ayaa Shalay deggan, hayeeshee ciidamada Xoogga dalka ayaa isku fidiyey ag agaarka deegaanka Janaale, kadib weerarka Habeen hore lagu soo qaaday deegaankaasi.
Weli ma jiro wax faah faahin ah oo ay sar aakiisha ammaanka ka bixiyeen weerarka iyo howl-galka xigay, waxaana si aadi ah Shalay u socda dhaq-dhaqaaqa dadaka & gaadiidka.
Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro
ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose, iyaga oo beegsado xarum aha ciidamada dowladda & kuwa AMISOM.
Maamulka Gobolka Hiiraan oo Dalab u diray Guddiga Doorashooyinka heer Federaal
Wafdi ka socday Guddiga doorashooyinka Federaal oo Shalay gaaray M/Baladweyne ee Xarunta G/Hiiraan ayaa kulan kula qaatay Ma gaaladaas Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Ma s’uliyiinta Baladweyne.
Kulanka ayaa waxaa uu ahaa is mid xog-war eysi ah oo ku aadan qaabka doorashada Xil dhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaan ka Federaalka ay uga dhici karto Magaalada Bal adweyne oo kamid ah magaalooyinka lagu qab anayo doorashooyinka dalka.
Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doora shooyinka heer Federaal Mowliid Mataan oo hoggaaminayay wafdiga Shalay ayaa sheegay in kulamo kala duwan ay la qaatan doonaan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo qeybaha Bulsh ada Baladweyne.
Guddoomiye Mowliid ayaa tilmaamay inay Maamulka iyo Bulshada kala hadli doonaan sidii Baladweyne uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana heshiis lagu wada yahay, ayna ka shaqeyn doonaan arri ntaas inta ay ku sugan yihiin halkaas.
Dhinaca kale Guddoomiye Cali Jeyte Cis maan ayaa sheegay in dadka kunool M/aladw eyne ay ka cabsi qabaan hal arrin oo ah in doorashada laga wareejiyo Magaaladaas oo ku qabto meel kal, xili uu xusay inay u diyaar garoowen doorashada dhaceysa.
Cali Jeyte ayaa Guddiga doorashooyinka Fed eraal ka dalbaday inay xaliyaan cabashooy in ka jira, isla markaana si Cad ugu sheegaya an in doorashada Xildhibaanada Golaha Shac ab ka ee Hirshabeelle lagu qabanayo Baladwe yne, isagoona u mahadceliyay Guddiga.
Saraakiil Reer Galbeed ah oo shaaciyey la ba xog oo xasaasi ah oo ay ogeyd Ikraan
Warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka, oo soo xiganeysa il-wareedyo reer galbeed iyo saraakiil ka tirsan QM, ayaa qortay warbixin ku saabsan xog ay haysay Ikraan Tahliil Faarax, oo ay suurta-gal tahay in loo dilay iyo in do wladda Soomaaliya ay isku dayey so inay qariso xaqiiqda dhimasha da Ikraan.
Waxaa gudaha Soomaaliya aad looga rumeysan yahay in dowlad da ay qarineyso xaaladaha ku hareereysan dhi mashada Ikraan, sida ay sheegeen saraakiil Reer Galbeed iyo taxliiliyeyaal la socday kiis kan, ayaa lagu yiri warbixinta Bloomberg.
Ikraan ayaa xog hoose ka heysay heshiis amni oo sanadii 2018 dhex-maray Eritrea, Ethi opia iyo Soomalaiya, heshiiskaas oo faah-faah intiisa ay saddexda dal doonayaan inay sir aha ato, sida ay sheegeen saddex sarkaal oo Reer Galbeed iyo QM ah oo ka shaqeeya Soomaali ya, kuwaas oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin, sababo la xiriira inaan loo ogoleyn Inay ka hadlaan qiimeynta sirdoonka.
Soomaaliya ayaa muddo ku tuhmeysay do wladda Eritrea inay taageerto kooxda Al-Shaba ab, waxaana heshiiska uu yareeyey xiisaddii hay’adaha amniga labada dal, sida ay sheeg een saraakiisha la hadashay Bloomberg.
Ilo-wareedyada la hadlay Bloomberg ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska uu dhigayo in saraakiil sirdoon oo Eritrean ah ay saldhigyo ka sameystaan Soomaaliya iyo Ethiopia, taasi oo madaxweyne Isaias Afwerki siisay inuu saa meyn ku yeesho gobolka. Eritrea ayaa taageer eysay dagaalka uu ra’iisul wasaraaha Abiy Ah med kula jiro mucaaradka Tigray ee waqooy iga dalkiisa.
Shaac ka qaadista nuxurka heshiiska iyo sababaha ka dambeeya dhimashada Ikraan, waxay horseedi karaan xiisad diblomaasiyade ed oo ka qaraxda Geeska Afrika, waxaa sidaas Bloomberg u sheegay Omar Mahmood oo ah khabiirka hay’adda xasaradaha adduunka ee International Crisis Group u qaabilsan Soo maaliya.
Ikraan oo tababar dhanka ammaanka inte rnet-ka (cyber-security) kusoo qaadatay xarun ta booliska Scotland Yard ee London, 2019, ay aa sidoo kale haysay xog ku saabsan qiyaastii 5,000 oo askari oo Soomaali ah oo loo diray Er itrea, si ay tababar ugu soo qaataan, sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha la hadlay Bloomberg.
Ikraan "waxay diyaar u aheyd inay kashifto” ho wlgalkan militari ee muranka dhaliyey, sida lagu sheegay warbixin ay bishii tagtay baahis ay International Crisis Group.
Bloomberg oo la xiriirtay xafiisyada madaxw eynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ka ma aysan jawaabin su’aalo ku saabsan heshiis ka saddex geesoodka ee Soomaaliya, Eritrea iyo Ethiopia. Sidoo kale, wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel, iyo Billene Sey moum, oo ah gabar afhayeen u ah Abiy Ahm ed ayaan jawaabin.
Qoyska Ikraan Tahliil iyo xildhibaano matala ayaa Dorraad sheegay in baaritaan lagu waday in Maxkamadda Ciidamada ay ku sameyso kii skan uu socon waayey kadib markii uu is-hort aagay madaxweynaha muddo xileedkiisu dha mmaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xigasho:caasimadda.net
Maalinta dhimirka oo laga xusay Muqdisho.
Munaasbadda Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhimirka Adduunka ayaa Shalay lagu qabtay magaalada
Muqdisho.Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Caafimaadka Drs Fawziya Abik ar Nur, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ca afimaadka Dr Abdinasir Mukhtar Ibrahim, Se nator Dr Dufle, Agaasimaha Wasraadda Dhali nyaradda, Agaasimaha Waxaad Caafim aad ka Maamulka Gobolka Banadir, xoghaya ha Joogtada ee Xafiiska Ra, iisul Wasaaraha, Gudoomiyaha Culimada Soo maaliyeed, Gudoomiyaha xar unta Dhi mirka Dr Xabeeb, Ma daxda ururada Caafimaad ka, dhaqaatiirta Soomaali yeed, iyo Hay’addaha Caalmiga ah ee taagee ra Caa fimaadka Soomaaliya iyo Bulshadda rayidka.
Waxaa munaasabadda Maalinta Caalami ga ah ee Caafimaadka Dhimirka sanadkan diir ada lagu saaray dhibaatooyinka keena xanuun ku dhaca Caafimaadka Dhimirka iyo sida ugu macquulsan ee loo yarayn karo waxyeelada ke eno dhibaatada Caafimaadka Dhimirka.
Shalay oo ay ku asteysan tahay 10 Octob er, waxay ku beegan tahay maalinta dhimirka adduunka, sanad walbana Shalay oo kale waa laga xusaa guud ahaan dalalka caalamka ku yaalla.
Ganacsade Soomaaliyeed oo caan ka ahaa dalka Koofur Afrika oo la dilay
Burcad hubeysan oo Koofur Afrikaan ah ay aa Habeen hore magaalada East London ee dalkaasi Koofur Afrika waxay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa waxgaradka si da weyn uga dhex muuqday Jaaliyada Soom aaliyeed ee dalkaasi. Ganacsadahaan oo ahaa Odey Soomaaliy eed ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Ismaaciil Kiish, waxaana burcada ay ku dhex dileen goobtiisa gan acsi. Burcada ayaa dilka kadib wa xay qaateen dhamaan waxii hanti ahaa ee dukaanka dhex yiilay, iya goona jebiyay kaamero CCTV oo ku xirneyd dukaanka si aanan loo aqoonsan.
Ciidamada Booliska Koonfur Afrika ayaa ta gay goobta dilka ka dhacay markii ay burcada isaga baxsadeen sida caadada u aheydna wa xay sameeyeen baaritaano aan wax natiijo ah aan kasoo bixin, iyagoona markii dambe hal kaas isaga tagay.
Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Is maaciil Kiish ayaa waxaa uu muddo dheer ku noolaa Gobolka Eastern Cape oo ka mid ah go bolada ay Soomaalida aadka u degan tahay, islamarkaana ay ku leeyihiin ganacsiyo xoogan
GAALKACYO: WAXAA KU CUSUB WAA IN WADDO KASTA AAD KU ARKEE, SAWIRRADA MUSHARRIXIIN HAWEEN AH OO KA TIRA BADAN RAGGA.
Waxa ku Cusub Gaalkacyo, waa In Waddo kasta aad ku arkee, Sawirrada Musharrixiin Haween ah oo ka tira badan Ragga.
Bajaajlayaasha ayaa ku leh, Xageed rabtaa ma waddada Sawirka Musharraxad Heblaayo mise Heblaayo. waxaan is iri: 30% Qoondada Haweenka waxaaba laga wada helayaa Gaalkacyo.
Ka dibna, Nin Reer Gaalkacyo ah ayaan ku iri Waad ku mahadsan tihiin Reer Gaalkacy oow, in aad Qoondada Haweenka aad ka badiseen 30%-kii loogu tala galay.
Wuxuu igu yiri: Isinka ilaaheey in eyna 1% heleeyn, Ma Raggiibaa la waayay, illeeyn Rag bey wax nagala dhexeeyaane.
In kasta oo aanan Galkacyo u tagin Arrimo Doorasho iyo Siyaasad oo aan u tagay Arrimo wax barasho.
Haddana, isla Su’aashaa Berri ayaan Haw eenka Gaalkacyo weeydiinayaa.
Qore:- Yahya Amir
Mucaaradka oo diiday qorshe uu Farmaajo usoo jeediyey Talaadada
Soomaaliya ayaa sugeysa natiijo wax ku ool ah oo ka timaado Maxkamadda Cadaala dda Adduunka (ICJ) taasoo la filayo inay xaq iijiso in Soomaaliya ay leedahay xad badeedka lagu muransanaa waqtiga dheer.
Dowladda Kenya ayaa ka baxday dacwad dii kala dhaxeysay Soomaaliya ee taalay Max kamadda, iyadoo sheegtay inay maxkamadda hal dhinac u janjeerto iyo inaysan ixtiraami doo nin wax walba oo go’aan ah oo kasoo baxa Maxkamadda.
12-ka bishaan 4-ta Shalaynimo xilliga gees ka Africa ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo nat iijada maxkamadda. Soomaaliya ayaa wafdi u dirtay kulanka maxkamadda halka Kenya ay u dhaqaaqday jiho ay kaga baxeyso heshiiska dalalkii saxiixay aqoonsiga maxkamadda cada aladda Adduunka.
Guul weyn ayaa ummadda Soomaaliyeed u soo hoyaneysa asbuucaan. Hase yeeshee Dood weyn ayaa ka taagan sida siyaasiyiinta Soomaalida uga farcelin lahaayeen guusha laga filayo Maxkamadda Cadaaladda Adduun ka 12-ka bishaan.
Waa munaasabad weyn, sidoo kalana wax ay ku aadan tahay maalinta Calanka Sooma aliya. Madaxda Soomaalida muddo ayey isku ugaarsanayeen qadiyadaan oo si gaar ah loo gu dhaawacay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdir ashiid Cali Sharma’arke.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uu qaban qaabinayo xaflad weyn oo lagu soo dhaweenayo guusha Soomaaliya marka max kamadda 12-ka bishaan sii deyso natiijada, isa ga oo doonayo inuu uga faa’iideysto inuu sum caddiisa sare ugu qaado.
Waxaa la sheegay inuu Farmaajo rabo inuu damaashaadka noqdo mid loo dhan yahay oo xitaa mucaaradka kasoo qeyb galaan, laakiin waxaa jiro warar sheegaya in xubnaha mucaar adka isku khilaafeen inay ka qeyb galaan xafl adda uu Farmaajo qaban qaabinayo.
Midowga Musharaxiinta mucaaradka ayaa la xaqiijiyey inay iyaga go’aansadeen inay ha beenka Talaadada ah ee 12-ka bishaan qabs adaan kulan gaar ah oo ay ugu dabaal dagay aan guusha Soomaaliya kasoo gaartay dacw adda Maxkamadda Cadaaladda Adduunka.
Waxaa la aamisan yahay inay arrintaan ku fiicneyd in si qaranimo leh oo wada jir ah loogu farxo looguna dabaaldago. Fikirka madaxwey ne Farmaajo ee ah inuu kulanka wadajir noqdo oo hal meel habeenkaas madaxda ku dabaal dagto ayaa u muuqda mid macno weyn oo wa naagsan ku fadhiya, laakiin ujeedka dhabta ah ee Farmaajo ayaa mucaaradku rumeysan yi hiin inay tahay inuu guusha sheegto, inkasta oo dowladdiisa aysan aheyn midda furtay dac wadda
Maadaama dalka uu xilli doorasho ku jiro waxaa musharixiinta qaar walaac ku heysa in hab maamulkaas xafladdaasi uu noqdo mid ko ox gooni ah u sahla inay sheegato guusha badda, oo haddii qof sheegan karo uu yahay madaxweyne Xasan Sheekh, oo kiiskan Max kamada geeyey.
Intii u taagnaa kiiska Badda, madaxda So omaalida waxay ku guul-dareysteen inay si qar animo leh oo siyaasadesneyn u wajahaan kiisk aan, waxaana badnaa is ugaarsigooda, hadda na waxaa muuqata in mar kale lagu guul-dare ysan doono in si wadajir ah loogu dabaaldago guusha oo halkaas habeen madaxda mujiyan M/qaran. Xgasho:-Xgasho:Caasimadda.net
Wararkii ugu dambeeyey QARAX ka dhacay Kismaayo
Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubba da Hoose ayaa sheegaya in Shalay qarax noo ca miinada ah uu ka dhacay gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo oo xarun kumeel gaar u sii ah dowlad goboleedka Sooma aliyeed ee Jubbaland.
Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay xaaf adda Farjano, gaar ahaan guri uu degan yahay sarkaal ka tirsan nabad-sugida Jubbaland, sida aan xogta ku helnay.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uusan geysan wax khasaare ah, isla-markaana uu ka dhacay albaabka guriga uu degan yahay sar kaalkaas oo aan weli magaciisa la shaacin.
Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Jubbaland oo ho wl-gallo kooban ka sameeyey agagaarka mee sha ay wax ka dhaceen, balse ma jiro illaa iyo wax faah faahin ah oo ay saraakiisha amniga ka bixiyeen qaraxaasi iyo howl-galka xigay.
Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, wax aana si caadi ah ku soo noqday dhaq-dhaqaa qa meesha ay wax ka dhaceen, kadib baaritaa no kooban oo ay sameeyeen ciidanka Juba land.
Kismaayo ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka dhacayey falal amaan dari oo isugu jiro qaraxyo iyo sidoo kale dilal qorsheysan oo qaarkood ay fulisay kooxda Al-Shabaab.
Si kastaba, magaalada Kismaayo ayaa wa xaa ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyey doorashooyinka, waxaana la filayaa in dhowa an lagu qabto doorashada afar kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Aqalka Sare, gaar ahaan kuwa ka imaanaya maamulka Jubbaland.
Madaxweyne loola cararay qaybta lagula ta caalo dadka xaaladooda ay aad u liidato
Madaxweynaha Czech, Milos Ze man, ayaa loola cararay qaybta la gula tacaalo dadka xa aladooda aya ad u liidato ah ee isbitaal ku yaal ma gaalada Prague.
Inta uu ku guda jiro go’aan ka ga ar ista cidda uu ku casuumi doono Inay soo dhisto dowlad cusub, kadib door ashadii baarlamaaniga ee dhawa an soo gebagaboowday.
Mr.Zeman, oo da’disu tahay toddoba iyo tod 70 sano jir , ayaa muddo heer qabay dhi baat ooyin caafimaad, laakiin dhakhaatiirtu sha aca kama aysan qaadin xaaladdiisa cafimaad. Inta uu xanuunka ku dhicin waxaa uu wad aha dalo kula jiray Ra’iisul wasaaraha, Andrej Bab isoo saaxiibkiis dhow. Mr Babis iyo xisbigiisii ANO ee ayaa natiijo xu mi kala kulmay doora shadii dhawaan la qabt ay ah, waxayna u muuqata in aysan u suuroga layn inuu sameeyo isbahaysi si uu xukunka u sii haysto
Madaxweynaha Taiwan oo si caro leh uga Jawaabtay Digniin uga timid Xi Jinping
Madaxweynaha Taiwan, Tsai Ing-wen, ayaa si caro leh uga jawaabtay digniin ka timid ho ggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping, oo ahayd in Jasiiradda ay la midowdo Shiinaha.
Khudba ay ka jeedisay munaasabadda Maalinta Qaranka Taiwan ayaa imaanaysa kadib markii Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinp ing uu wacad ku maray inuu dabayaaqada tod obaadka midayn doono Shiinaha iyo Taiwan, kadib todobaad ay cirka isku sii shareeraysay xiisadda u dhaxaysa labada dhinac.
Madaxweyne Tsai waxay khudbaddeeda ku sheegtay in Taiwan ay sii wadi doonto xo ojinta difaacyadeeda si aysan cidina ugu qas bin inay aqbasho waddada Shiinaha u dhigay.
Waxay sheegtay in qofna uu san rumaysan in dadka Taiwan ay u suj uudi doonaan cadaad iska Shiinaha. Beijing ayaan meesha ka saarin su urtogal nimada adeegsiga xoog si loo gaaro qorshaha mideynta.
Tan iyo bilowgii bishan Shiinaha ayaa ku dhowaad 150 diyaarado oo ay ku jiraan kuwa wax duqeeya iyo kuwa wax basaasa u diray ha wada Taiwan.
Madaxweynaha Hirshabeelle oo Guddoom iye cusub u magacaabay Maxkamadda Sh/Dhexe
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Guddo omiyeb cusub u magacaabay Maxkamadda Gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoona xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamad da.
Cabduqaadir Cadaay Axmed ayaa loo ma gacaabay inuu noqdo Guddoomiya ha cusub ee Maxkamadda Gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib wareeg to uu soo saaray Madaxweyne Guu dlaawe, taasi oo ku taariikheysan 9-kii bishaan Oktoober oo Dorraad ku beegneyd.
Guddoomiye Cabduqaadir Cadaay ayaa be del u noqonaya Sheekh Xuseen Maxamed Cu smaan oo in muddo haayay xilka Guddoomiya ha Maxkamadda Shabeellaha Dhexe, balse uu xilka qaadis ku sameeyay Madaxweyne Guud laawe.
Waa wareegtadii labaad ee magacaabis oo Shalay kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle, isagoona wareegtadii tan ka hor reeysay ku magacaabay Guddoomiyaha Hay’ adda Qaxootiga Hirshabeelle iyo ku-xigeen kiisa.
Halistii ugu xooganeyd oo soo wajahday xu kunka Erdogan kadib markii loo heshiiyey
Lix xisbi oo mucaarad ah ayaa sare u qa adaya wada-shaqeyntooda si ay xukunka uga tuuraan madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo xisbigiisa AKP, doorashada dhaceysa 2023.
Madaxweyne Erdogan ayaa markii horeba wajahayey cadaadis ayada oo co dadka ra’yiga ay muujinayaa inay sii wiiqmeyso taageerada shacab ka ee isbaheysigiisa xukunka ha ya. Ayaga oo ballaarinaya wada-shaqeyntii ka caawisay inay dhaawac ku gaar siiyaan madaxweyne Erdogan doorashooyinkii dowladaha hoose ee 2019, ayaa xisbiyada wa xay kulan kale qabteen Talaadadii, waxayna qorsheynayaan kulamo toddobaadle ah, si ay isugu raacaan mabaad’i kahor dhammaadka sanadkan.
"Mucaaradka Turkey waxay isku dayayaan wax aan horey la isugu dayin: In si mideysan loo wajaho dowladda,” waxaa sidaas yiri Murat Yetkin, oo ah fallanqeeye siyaasadeed.
Taageerada dowladda Erdogan ayaa hoos ugu dhacday sababo la xiriira sida ay ula tacaa leyso dhibaatooyinka dhaqaale ee dalka sida sare u kaca shaqo la’aanta iyo sicir bararka, cu durka COVID-19 iyo dab ka kacay kaymaha dalka.
Ra’yi ururin la sameeyey ayaa muujineysa in taageerada xisbiga AKP ay tahay 31-33%, taasi oo aad uga hooseysa codadkii uu xisbiga ka helay doorashooyinka baarlamanka ee 2018 oo aheyd 42.6%, halka xisbiga xulufada la ah ee MHP ay taageeradiisa tahay 8-9%, ta asi oo ka yar heerkii 2018 ee 11%.
Wada-hadallada mucaaradka ayaa ujeedk oodu yahay in lagu helo mabaadi’ ay wadaag aan, intii ay isku raaci lahaayeen musharax madaxweyne, ayada oo hadafka uu yahay in meesha laga saaro nidaamka madaxweyne ee la billaabay 2018, laguna laabto nidaamka baa rlaman.
Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga CHP, Mu harrem Erkek oo ka qeyb-galay wada-hadall ada ayaa sheegay in nidaamka madaxweyne uu qar ka tuuray Turkey, oo uu awoodo badan geliyey gacanta madaxa dowladda.
"Xaaladda shacabka waxay kusii xumaane ysaa nidaamkan halka shaqsi ah. Xoojinta awoodda baarlamanka waxay soo celin doont aa kalsoonidooda,” ayuu yiri.
Hase yeeshee ku-xigeenka madaxa AKP Bulent Uran ayaa ku gacan seeray wada-hada lladan ku saabsan soo celinta nidaamka baarl amaaniga, isaga oo sheegay in nidaamka cu sub uu shaqeeyey, islamarkaana yareeyey xas illooni darradii siyaasadeed.
Isbaheysiga ay sameysteen xisbiga midigta fog ee IYI iyo bidix-dhexe ee CHP ayaaa 2019 horseeday in xisbiga Erdogan ee AKP looga adkaado doorashooyinkii magaalooyinka Ista nbul iyo Ankara, taasi oo meesha ka saartay fikraddii aheyd in Erdogan aan laga adkaan karin.
Isbaheysiga ayaa waxaa hadda kusoo bii ray xisbiga Future Party ee ra’iisul wasaarihii hore Ahmet Davutoglu oo xulufo la ahaan jiray Erdogan iyo xisbiga Deva Party ee wasiirkii ho re ee dhaqaalaha Ali Babacan.
Taalibaan oo dalab xasaasi ah u gudbisay Mareykanka
Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa ku boorriyay Mareykanka Sabtidii in uu fasaxo kaydka bangiga dhexe ee Afghanistan, intii uu socday kulan ay la qaadanayeen wafdi Marey kan ah oo ku sugan wahadahallada ka socda Qatar.
Wadahadlkan Mareykanka iyo Taalibaan ay aa ah kii ugu horreeyey oo fool-ka-fool ah tan iyo markii kooxda Taalibaan ay la wareegtay ta lada dalka, kadib bixitaankii Mareykanka ee dabayaaqadii bishii Ogosto.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Taalibaan Amir Khan Muttaqi, oo hoggaaminaya dhinacooda wadahadallada labada maalm ood ah ee ka socda caasimadda dalka Qatar ee Doha, ayaa sheegay in wafdiga Mareykan ka ee fadhigii furitaanka shirkan ay ballan-qaa deen inay sii wadidoonaan gargaarka bani’aa damnimo ee dalkiisa, ayna sidoo kale dadka reer Afghanistan siindoonaan tallaalka corona virus.
Farriin maqal ah oo Taalibaan ay la wadaa gtay suxufiyiinta, ayuu Muttaqi ku sheegay inay ka wadahadleen "billowga waa cusub” oo u dhexeeya labada dhinac oo iska soo horjeeday muddadii ku dhawaad 20-ka sano ee Marey kanku uu haystay Afghanistan.
"Baahida loo qabo in si isku mid ah loo ab uuro xiriir wanaagsan ayaa wadahadalkan la gu xoojinayaa. Waxaan carrabka ku adkeynay baahida loo qabo in la sii daayo hantida maali yadeed ee Afghanistan kadib duruufo adag oo soo wajahay Afghanistan, ”ayuu yiri wasiirka ar rimaha dibadda Taalibaan Amir Khan Mu ttaqi.
Washington ayaa xannibtay balaayiin doo llar oo ah hantida Afghanistan, taas oo inteeda badan ay ku jirto keydka federaalka Mareykan ka, tan iyo markii Taalibaan ay la wareegtay tal ada Afghanistan.
Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sidoo kale hor-istaagay gargaarkii horumarineed, iyaga oo u sababee yay walaacyada xuquuqda aadanaha ee xukun ka Taaalibaan.
Bixitaanka ciidammada uu hoggaaminayay Mareykanka iyo deeq-bixiyeyaal badan oo caa lami ah ayaa Afghanistan ka jaray deeqihii ma algelinayay 75% kharashaadka dadweyna ha, sida uu sheegay Bangiga Adduunka, taas oo caqabad ku noqotay maamulka Taalibaan inay bixiyaan mushaarka shaqaalaha dowlad da.
Iran oo ku dhowaatay inay hesho Nukliyeer iyo xog cusub oo ay Shalay shaacisay
Iran ayaa soo saartay in ka badan 120 kg, oo ah macdanta uranium-ka ee la kobciyey 20 boqolkiiba, waxaa sidaas habeenkii Sabtida tal eef ishinka dowladda u sheeg ay madaxda hay ’adda tamarta atoomiga ee dalkaas.
"Waxaan ka gudubnay 120 kg,” ayuu yiri Mohammad Eslami, maaxda Ururka Tamarta Atoomiga Iran. "Waxaan hadda haysanaa tira daas ka badan.” "Shacabkeena way ogyihiin in ayaga (Quwa daha Reer Galbeedka) laga do onayey inayna siiyaan shidaal la kobciyey 20% si aan ugu isticmaalno warshadda Tehran, hase yeeshee taas ma aysan sameyn,” ayuu yiri. Bishii September, Wakaaladda Tamarta At oomiga Caalamiga ah (IAEA) ayaa sheegtay in Iran ay uranium-keeda kobcisay in ka badan in tii loogu ogolaa heshiiskii ay la gashay quwad aha caalamka.
Waxay sheegtay in Iran ay haysatay 84.3 ki lo oo ah macdanta uranium-ka ee la kbociyey 20 boqolkiiba, taasi oo ka badneyd 62.8 kilo oo hayadda IAEA ay werisay bishii May. Heshiikii la gaaray 2015, ayaa dhigayey in Iran aysan uranium-keeda kobcin karin wax ka badan 3.67%, taasi oo aad uga yar tirada loo baahan yahay si loo soo saaro hub nukliyeer, oo ah 90 boqolkiiba.
Heshiiskaas oo Iran ay la galeen Russia, China, France, Germany, UK iyo Mareykanka, ayaa Iran ka qafiifay cunaqabteenada dhaqaa le, taasi oo ay ku beddelatay inay dhinto barn aamijkeeda Nukliyeerka.
Hase yeeshee, madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa heshiiska ka saaray Washington 2018, waxaan kadib The ran ay joojisay u hogaansamidda qodobada heshiiska.AFP + VOA
Xoogaagga Tigray-ga oo ka hadlay tallaab ada uu Abiy qaaday iyo dagaalka cusub
Ciidamada dowladda federaalka Ethiopia iyo xulufadooda ayaa billaabay weerar cir iyo dhul ah oo ay ku qaadayaan gobolka Amhara, oo qeybo ka mid ah ay haystaan ciidamada Tig ray-ga.Afhayeen u hadlay Jabhad daTigrayga ee TPLF ayaa Shalay xaqiijiyey inuu jiro dhaq-dhaqaaq xo oggan oo ka dhan ciidamadooda.
Warbixinadan ayaa yimid maalmo kadib markii ra’Iisul wasaare Abiy Ahmed loo dhaariyey mu ddo xileed cusub Isniintii, isaga oo wacad ku maray inuu difaaci doono "sharafta Ethiopia,” xilli sii kordheyso cambaareyn caalami ah oo loo jeedinayo dagaalka 11 bilood jirsaday ee waqooyiga dalkaas.
Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa sheegay in weerarada ay illaa hadda yihiin "du qeymo cirka oo ay fulinayaan drone iyo madaafiicda artillariga. Getachew ayaa sidoo kale sheegay in "kumanaan askari lasoo dhoo bay” waqooyiga gobolka Amhara, oo ay ku jir aan aagga Gondar iyo Waqooyiga Wollo.
"Waxaan ku kalsoonnahay inaan iska caab in doonno weerarka iyo jiho kasta oo nalaga soo weeraro. Waxaan ku taagnaan cago adag illaaa qabsashada nalaga qaado,” ayuu yiri.
Weerarada ayaa ka dhacay dhowr goobood oo ku yaalla gobolka Amhara Khamiistii iyo Jimc ihii, sida ay sheegeen ilo-wareedyo la hadlay wakaaladda wararka AFP, ayada oo ay sii kordhayaan wararka ku saabsan in dowladda ay qaadeyso dagaal culus oo ka dhan ah Tig ray-ga.
Dagaalka Tigray ayaa billowday November 2020, markaasi oo ciidamada Abiy ay deg deg ku qabsadeen gobolka. Hase yeeshee, Tigray ga ayaa soo rogaal celiyey oo dib u qabsaday caasimada gobolka ee Mekele, dabayaaqadii June. Dagaalka ayaa wixii markaas ka dambe eyey ku fiday gobollada Amhara iyo Afar, wux uuna dhaliyey wax ay QM ugu yeertay "musii bo bani’aadaminimo,” ayada oo boqolaal kun oo qof ay wajahayaan xaalad macluul ah. Wax aa jira warar sheegaya in dagaal culus uu had da dib u qarxi karo maadaama uu dhama aday xilli roobaadka, waxaana dalka oo dhan, gaar ahaan gobolka Amhara ka socda ciidan urursi.
hALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES EE MAANTA OO AH ISNIIN 11-KA OCT, 2021-KA
..