Maxamuud Cadaawe Salaad Afhayeenka maxkamada Ciidamada maamulka Gobolada Dhexe, ayaa Warbaahinta u sheegay in Askartaasi lagu riday xukuno xabsi ah oo u badan saddex sano.
Wuxuu sheegay Maamulka inay si toos ah ula wareegeen hubkii iyo gaadiidka lagu qabtay intii dagaalka uu socday Askartaasi la xukumay.
"Nimankaan wax walbo Saanad Milatari oo laga qaaday sida gaadiidka dagaalka, qoryihii yaryaraa waxaa la wareegay maamulka Gobollada dhexe” ayuu yiri Afhayeenka.
Askarta la xukumay ayaa lagu haayaa Xabsi ku yaal Magaalada Dhuusamareeb oo ciidamada Ahlu Sunna ay gacanta ku hayaan.
Sarkaal Liibaan Madaxweyne oo ciidankaan hogaaminaayay ayaa Ahlu Sunna kula dagaalamay Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ugu dambeyn Liibaan Madaxweyne iyo ciidankiisa laga adkaaday.



0 



Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna oo xukun ku riday Askartii Liibaan Madaxweyne
Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe, ayaa xukun ku riday Askartii uu watay Sarkaal Liibaan Madaxweyne ee lagu qabtay dagaaladii ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb 2-dii Bishii Maarso.