=Nasashada Jimcaha. Q-273 =Xaasaska Xildhibaanadoow, Ninkii Kitaab uu ku dhaartay ka baxay, wax kasta ka filo..!!!

1
Friday October 08, 2021 - 22:09:53 in Wararka by
  • Visits: 1149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    =Nasashada Jimcaha. Q-273 =Xaasaska Xildhibaanadoow, Ninkii Kitaab uu ku dhaartay ka baxay, wax kasta ka filo..!!!

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

1. Cabdi, oo qoslaayo ayaa Saaxiibkii ku yiri: Saaxiiboow Xalay Tuugaa ii soo dhacay. Saxiibkii ayaa yiri: Ma Gurigaaga oo Tuug kuugu soo galay ayaad qoslee ? wax ma kaa qaatay? Cabdi ayaa yiri: Haa, wax aan lahaa ayuu qaatay.

Xalay Guriga ayaan ka soo daahay, Xaaska oo igaadee iina xanaaqsan oo Albaabka laabkiisa Garuun kula jirto ayaa ku bilaawday Tuugii, Aniga ayeey ii maleeyneysay, Laftuu qaadaba waa jabisay. ( F.S:1aad).
 
( Garuun Masuul, Siyaasadda ka soo daahay loo waday, ayaa ku dhacay, koo Xatooyo xaaraana u ……. waa kuma?)
 
2. Nin Xabsi ku jiray 12 Sano, ayaa Xabsigii ka soo baxsaday. Markii uu gurigiisii soo galay ayaa Xaaskiisii si caro leh ku tiri: Nin xun ayaad tahay, Lagumana aamini karo, TV-ga ayaa laga soo daayay in aad Xabsiga ka baxsatay 11kii fiidnimo, haddana waa 4tii, 5 Saac ayaad maqneed, inteed ku soo daahday? waxa uu la yaabay Shakiga Dumarka.


 
Ninkii waxa uu u yeeray Boliskii si Xabsiga loogu celiyay.( F.S:2aad).
 
( Ummadda aad Darteed khatarta ugu bareeree, wakhtiyada qaar waxay ku dareensiinayaan, …… ha ka niyad jabin).
 
3. Naag ayaa Dhakhtarkii ku tiri: Datoore Ninkeeygu waa xanuunsan yahay, markii uu seexdo ayuu bilaabaa in uu isla hadlo.
 
Dhakhtarkii ayaa yiri: Marka uu soo jeedo sii fursad uu ku hadalo. ( F.S:3aad)
( Siyaasi ayaa yiri: Shacabku Habeenkii marka ey Xaafadaha joogaan ayey i xantaan. Siyaasiyoow u ogolaaw Shacabka, Maalintii, Marka ey wadada marayaan in ey Banaanbaxaan).
 
4. Cabdi yare ayaa ku yiri: Saaxiibkii Cumar, Maxaa ku dhacay Saaxiibkeen Axmed, Maanta shaqada maba imaanee?.
 
Cumar ayaa yiri: Axmed Isbitaal ayuu ku jiraa.
 
Cabdi ayaa yiri: Maxaa dhacay, Anigabaa Shalay Galab arkay isagoo Gabar darbi la fadhiyo.
Cumar ayaa yiri: Sababta uu isbitaalka u galay ayaaba intaa ah. Markii aad aragtay ayaa xaaskiisuna aragtay.
 
( Dhinacyada iska fiiri, ama isbitaalka)
 
5.Axmadey Kuusoow ayaa yiri: Xildhibaanka aan Gurigiisa ka shaqeeyo waa Nin wanaagsan, Makii uu TV-ga Cusub soo iibsaday waxa uu i siiyay kiisii hore, Markii uu Mobile- ka Cusub soo iibsaday waxa uu i siiyay kii hore, Markii uu Kabaha cusub soo iibsaday waxa uu i siiyay Kuwii hore, Shalay waxa uu soo Guursaday Xaas kale. ilaa Hadda waan sugayaa waxa uu sameey doono. ( F.S: 4aad).
 
( Xaasaska Xildhibaanadoow, Ninkii Kitaab uu ku dhaartay ka baxay, wax kasta ka filo, Raggina kula taliya,in ey dhowraan Dhaartii ey ummadda u dhaarteen, Haddii kale tii ey adinkana idiin dhaarteena waa….., waxa uuna idinku wareeji doonaa xil suge Axmadeey Kuusoow )
 
6. Shuruudaha Ninka ey Ragga ugu jecelyihiin Haweenku:
1. waa in uu soo tooso 5ta Subaxnimo, iskuna diyaariyo in uu cibaadeysto. 2. waa in uu Gogladaa Sariirtiisa.3. waa in uu Qolka uu degan yahay Nadiifiyo.4. waa in uu u dhaqaaqo Shaqa kasta oo loo diro uuna si fiican u qabto. 5. waa ka mamnuuc mukhaadraadku.6. Weelasha uu wax ku cuno waa in uu nadiifiyaa.7.Waa in uu wakhtiga ilaaliyo.8. waa in uu u dhaga nuglaado Amar kasta oo la siiyo.9. Ma aadayo meel aadan ogeyn oo aan loo fasixin. 10. waa in uu Sariirta jiifo 9:00 Fiidnimo oo gaw ah, iskuna diyaariyo Jiif.
 
Ninkaa Amar qaadashada ku wanaagsan ee Daacada ah ee 24ka Saac Amarkii la siiyo qaato ee Haweenku baadi goobyaan ma la helaa? Haa waa la helaa. Xagee laga Helaa? Xabsiga dhexe.
 
Qore: Yahya Amir

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip