Faarax Qare, wuxuu soo jeediyay in caro tuur weyn laga sameeyo Afaafka hore ee Badda, si hadii biyaha Badda ay banaanka ugu soo baxaan Caro tuurkaasi ay u celiyaan.
Taliyihii hore ee ciidamada Badda Somaliya ayaa xaalada kacsanaanta biyaha Badda u sababeeyay Dabeylo xoogan oo xilligaan ka jira Badweyne Hindiya.
Mowjadaha Biyaha Badda ee shalay ayaa saameyn ku yeeshay Dekada Magaalada Muqdisho, kadib markii biyaha ay soo galeen dekada, sidoo kalena ay isku dhaceen labo markab oo dekada ku xirnaa.
Sida shalay badda u kacsaneyd ayeey dadka sheegeen inaysan sanadahan arkin badda oo sidaasi u kacsan iyo Biyaha Badda oo Banaanka u soo baxay.
Xuquuqda Sawirada SONNA



0 














Admiral Faarax Qare oo ka digay qatar ka dhalata Dabeylo ku dhuftaan Xeebaha Somaliya (SAWIRRO)
Kadib markii shalay Mowjado biyo ah oo wata Dabeylo ay ku dhufteen Xeebaha Magaalada Muqdisho, ayaa Taliyihii hore ee ciidamada Badda Somaliya Admiral Faarax Qare wuxuu ka digay qataro ka dhalan karo Mowjadaha biyaha badda.