Ra'iisul Wasaare Rooble Oo Booqday Xarunta Safaaradda Soomaaliya Ee Magaalada Doha.
...
Rooble oo weli booqasho ku jooga dalka Qadar ayaa kulamo la yeeshay qaar ka mid ah madaxda dowlada Qadar.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday xarunta safaaradda DFS ku leedahay magaalada Doha ee dalka Qatar.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Qadar isagoo warbixinna ka dhageystay safiirka iyo howl wadeennada.
Danjiraha Soomaaliya u jooga Doxa Cabdirizaaq Faarax Cali ayaa Ra’iisul wasaare Rooble siiyay warbixin ku aaddan habka ay u shaqayso Safaaradda iyo howlaha ay u qabato muwaaddinniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Qadar.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku booriyay shaqaalaha safaarada inay sii xoojiyaan howlaha ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Qadar.
Rooble oo weli booqasho ku jooga dalka Qadar ayaa kulamo la yeeshay qaar ka mid ah madaxda dowlada Qadar.
Ra'iisul Wasaare Rooble Oo Booqday Xarunta Safaaradda Soomaaliya Ee Magaalada Doha.
...