Gaas, Geed ku badalasho.

1
Wednesday October 06, 2021 - 16:46:27 in Wararka by
  • Visits: 1175
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaas, Geed ku badalasho.

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Mudooyinkaan Dambe, Magaalda Mogadishu waxaa batay isticmaalka Gaas-ka wax lagu karsado. Qiimuhu waxa uu ahaa $20 haanta yar, hadda kala go’ ayaa ku dhacay, Qiinhii waxa uu gaaray $42.

Dadkii waxa ey bilaabeen in ey Dib u bilaabeen isticmaalka Dhuxusha. Taa oo kordhinee Nabaad guur iyo in la jaro Geedihii badbaaday Sanadahaan dambe. Si Dab loo shito Magaaladda Mogadishu Maalintii, Qiyaas ahaan waxa ey u baahan tahay in la jaro 80,000 Geed, Loorkii waa 4 Geed, Bacdamaa ey dhirteeno yar yartahay una badan tahay Geed Gaab.
 
Si loo badbaadiyo.
 
Waxa ila haboon in wasaaradda Tamarta, Maaliyadda iyo Dowladda Hoose ey Go’aan ka gaaraan, in la dhimo Cashuurta Gaaska si uu sicirku uga yaraado kan Dhuxusha, Dadkuna ey Door bidaan in ey Gaaska ku bedeshaan Dhuxusha, Dekadda laga dhiso Haamaha keydka Gaaska, in wadamada la diyaarka ah laga codsado in ey dhisaan Haamahaa oo ey diyaar la tihiin, iyo in Dadka ka ganacsado Gaaska la siiyo Talooyin iyo Aqoon la xiriirto Isticmaalka iyo Ka Ganacsiga Gaaska. ( F.S: 1-4aad)
 
Wadama Badan ayaa dhimay qiimaha Gaaska, si baahida asaasigaa ee Dadkooda loo kabo.
Maalintii aad isticmaasho haan yar oo Gaas ah waxaad badbaadisay Geed ku yaal Somaliya.
 
Ogoow ma ihi Ganacsade, Aragtidaada xur ayaad u tahay,wixii ka dhiman ku dar,wixii ka khaldanna ka sax.



 

Qore: Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip