Faah faahin:- Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho

0
in Wararka by
  • Visits: 327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah faahin:- Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Rag hubeysan ayaa Maanta waxaa ay Xaafada Xaawa-Taako oo katirsan degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir una dhow Suuqa Weyn ee degmadaas ku dileen Saddex Ruux, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Dadka la dilay ayaa waxaa la sheegay inay laba kamid ah ahaayeen askar ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya halka midka kale uu ahaa Shacab, isla markaana la toogtay xilli ay ku Shaahayeen maqaayad ku taalla Xaafada Xaawa Taako ee degmada Wadajir.

 

Dad ku sugan degnada Wadajir ayaa Risaala u sheegeen in labada Askari ee la dilay Magacyadooda ay kala yihiin Cali Muuse Bulaal (Cali Dahab) iyo Xasan Dacaar oo ahaa Nin Oday ah kana tirsanaa Saldhiga Booliska Wadajir.

Ciidamo ka tirsan Booliska degmada Wadajir ayaa tegay goobta dilka uu ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydadka dadka la dilay, sidoo kalena sameeyay howlgallo baaritaano ah.

Xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir ayaa waxaa horay loogu dilay mas’uuliyiin iyo Askar ka tirsan Ciidamada dowladda, waxaana dilalkaasi intooda badan sheegtay Ururka Al-Shabaab.




SAWIRKA CALI DAHAB



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip