HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSWKA M.TIMES EE MAANTA OO AH ARBACO 6-DA OCTOBAR 2021-KA

0
Wednesday October 06, 2021 - 08:21:32 in Wararka by
  • Visits: 548
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSWKA M.TIMES EE MAANTA OO AH ARBACO 6-DA OCTOBAR 2021-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay aa dalka dib ugu soo laabtay ka dib booqasho la bo maalmood qaadatay oo uu magaalada Addis Ababa kaga qayb galay caleemasaarka Xukuum adda Cusub ee Dowladda Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Addis Ab aba waxaa uu kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoo biya Mudane Abiy Axmed oo uu ugu hambalyeeyey dib-u-doora shadiisa, sidoo kale, waxa uu shir doceedyo la qa atay madaxdii ka qayb gashay Caleemasaarka oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha Dalka Ugan da Md. Yoweri Museveni oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacy ada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo arrima ha Gobolka

Maxaa kasoo baxay kulanii ra’iisul wasaare Rooble iyo amiirka Qatar?

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xu seen Rooble, oo safar shaqo ku jooga dalka Qat ar,ayaa Shalay Magaalada Doha kulan la yeesh ay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Amiir Tamiim ayaa Is ka wareystay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoo jinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo sidii ay So omaaliya uga sii taageeri lahaayeen dib u dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Amiirka ku am maanay taageeradooda dhinacyada horumarinta kaabayaasha dalka, maadaama ay Soomaaliya ka taageeraan dhinacyadaas.

Eng. Rooble ayaa xusay in Qatar ay tahay sa axiib muhiim ah oo leedahay Soomaaliya, kuna garab siinaya sidii dalku dib uga kaban lahaa dhi baatooyinkii ka dhashay burburka. Isagoo ka cod saday inay sii wadaan dadaalkooda ku aadan horumarinta kaabayaasha dalka.

Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bog aadiyey dadaalkiisa ku aadan qabsoomidda door ashada, waxuna balan qaaday inay sii wadi doon aan taageerada ay la garab taagan yihiin dowlad da iyo shacabka Soomaaliyeeed.

Sidoo kale, R/Wasaare Rooble ayaa M/Doha ee dalka Qatar kulan kula yeeshay Ra’iisul Was aaraha Qatar Sheekh Khaalid Bin Khaliifa Al-Thani, kaa soo looga hadlay xoojinta xiriirka laba da dal iyo kordhinta mashaariicda horumarineed ee dalkaas uu ka fuliyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa bogaadiyay da daallada Xukuumadda ee ku aadan qabsoomidda doorashooyinka, isagoo sheegay in dowladda Qa tar ay ka go’an tahay adkayna xariirka soo jireen ka ah ee labada dowladood.

Duqa Muqdisho oo kulan kula qaatay Danjira ha Dowladda Turkiya u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxa med (Cumar Filish) ayaa xarunta Safaaradda Tur kiya ee Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Turkiya u fadhiya Soomaa liya Amb. Mehmet Yilmaz.

Duqa Muqdisho Mudane Cumar Filish iyo Danjire Me hmet Yilmaz ayaa ka wada hadlay xoojinta Xiriirka Saf aarada Turkiya iyo Dowlad da Hoose ee Xamar iyo Sidii Safaarada Turkiya ay Gacan ugu geysan laheyd baahiyaha dadka Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Turkiya ka ga Mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaali ya, iyagoona horay dhowr mashaariic oo horumar ineed ugu fuliyay Muqdisho, sida dhismaha wad dooyinka, xarumo caafimaad iyo kuwo waxbara sho

Shariif oo dalbaday in laga wareejiyo hogg aanka Midowga Musharaxiinta

Hoggaamiyaha Midowga Musharaxiinta Sh.Shariif Sheekh Axmed ayaa xubnaha Midow ga Musharaxiinta mucaaradka ka dalbaday inay doortaan hoggaan cusub, isagana uusan intaan ka badan sii hoggaamin karin golaha.

Sida ay xog ku sheegtay in ay heshay Caa simada Online, kulan se ddex cisho kahor ka dhacay M/ Mu qdisho ayuu Sh.Sha riif ku wargel iyey xubnaha go laha inuu ahaan do ono xubin caadi ah oo golaha ka tirsan, islamar kaa na uu kasoo qeyb geli doono kulama da. Sida ay illo wareedyo ka tirsan golaha Midow ga Mu sharaxiinta u xaqiijiyeen Caasimadda Onl ine, dood adag ayaa ka dhalatay codsiga uu soo gud biyey Sheekh Shariif ee ah in laga wareejiyo hoggaanka Golaha.

Inta badan xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa diiday inay aqbalaan codsiga madaxweyni hii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, taasoo ay ku tilmaameyn inay sababi karto burbur ku yima ado Golaha Midowga Musharaxiinta.

Xubnaha golaha Midowga Musharaxiinta ayaa Sheekh Shariif ka codsaday inuu dib u dhigo is casilaadiisa, islamarkaana golaha uu isugu yimaa do kulan kale oo looga xaajoonayo arrintaan soo korortay.

Sida ay Caasimadda Onlinesheegtay in ay og aatay, Sheekh Shariif ayaa waxaa ka go’an inuus an sii hoggaamin golaha, waxaana fasiraado kala duwan laga bixiyey sababta keentay go’aankiisa.

Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa aad u xoog eystay tuhunada ku saabsan in Shariif Sheekh Ax med uu ku milmay kooxda madaxweyne Maxa med Cabdullaahi Farmaajo, taasoo dhaawaceyo mabaadii’da loo sameeyey Golaha Midowga Musharaxiinta.

Dadka xogtan badankeed faafiyey ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin Golaha Midowga Mu sharaxiinta iyo dad kale oo aad ugu dhow, waxa ana la sheegay in Sheekh Shariif uu dhibsaday tu hunkaas iyo fariimaha laga faafinayo taasoo keen tay inuu go’aankaan qaato. Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa hadda qorsh eenayo inuu si gooni u baxo oo uu toos u billaabo ololihiisa doorashada oo uusan waqti badan isa ga lumin mucaaradnim ada Farmaajo

Farmaajo oo saddex qodob kala hadlay Abiy Axmed

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaa day, Md.Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farm aajo) oo inta uu ku suganaa magaalada Addis Ababa ayaa kulan gaar ah la qaatay ra’iisul was aaraha dalka Itoobiya, Md. Abiy Axmed.

War kooban oo ka soo baxay Villa Soomaaliya ay aa lagu sheegay in Farmaajo iyo Abiy Axmed oo haatan ah saaxibo siyaasadeed ah ay ka wada hadleen saddex qodobo oo kala ah:-

2- Xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal

3- Iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab

"Madaxweynaha Jamhuuriyad da Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Addis-Ababa kulan doceed kula qaatay Ra’ii sul Wasaaraha dib loo doortay ee dalka Itoobiya Md Abby Ahmed oo ay iska xog wareysteen xaa ladda Gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka labo gee soodka ah ee labada dal oo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Soomaaliya.

Farmaajo ayaa Addis Ababa u tegay ka qeyb-galka munaasabadda caleema saarka Abiy Axmed oo markale loo dhaariyey xafiiska, wuxuuna ka jeediyey khudbad xasaasi ah oo hadal badan dhalisay, maad aama uu ka been sheegay xir iirka Soomaaliya iyo Itoobiya.

"Itoobiya iyo Soomaaliya waxay ku raaxeysta an xiriir laba geesood oo taariikhi ah iyo xiriir sax iibtinimo oo xooggan oo ku dhisan is-ixtiraam, xir iir shacab-ka-shacab oo xooggan iyo isku xirnaan sii kordheysa,” ayuu yiri Farmaajo.

Soomaaliya iyo Itoobiya weligood ma yeelan xiriir wanaagsan, ka hor Farmaajo iyo Abiy Ahm ed, waana laba dal oo weligood caddaawad iyo lo olan uu ka dhaxeeyey, tan iyo intii ay Ethiopia gu meysaneysay dhul Soomaaliyeed.

Si kastaba, Farmaajo iyo Abiy waa saaxiibo dhaw oo siyaasadeed, waxay kol-hore hoggaami yaha kaligii talis ka ah ee Eritrea la yeesheen is kaashi abuuray tuhun, balse waayaahaan ma kul min oo mid kasta xasarada ka oogan xukunkiisa ayuu ka badin waayey.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan laqa atay danjiraha DFS u jooga Itoobiya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ahna Senator la doortay Avv.Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan kula qaaday Magaalada Adis-ababa Xarunta Dalka Itoobiya Danjiraha DFS u jooga Itoobiya Danjire Cabdillaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir), iyo u qeybsamaha Arimaha Ciidanka Ee Safaaradda

Wasiirka Wasaaradda Ga ashaandhigga XFS ayaa ka dhageestay Masuuliyiintan Da daaladda Safaaradda ee ku aadan arimaha Ciidanka , gaar ahaan iskaashiga ka dhexeeya Ciidanka XD & Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Amisom ee Dagaalka kula jira argagixisadda


Farmaajo oo kulamo gooni-gooni ah ka bilaabay Magaalada Addis-Ababa

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soom aaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulamo kala duwan ka wada magaalada Adis-Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Farmaajo ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, Waxaana ay ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee ku qot oma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka, iyaga oo xoojiyey iskaashi ga dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu Madaxweynaha Jamhu uriyad da Federaalka Soomaal iya Maxamed Cabdullaahi Farm aajo magaalada Addis-Ababa ku lan doceed kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha dib loo doortay ee dalka Itoobiya Abby Ahmed.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arimo dhowr ah oo ku aaddan, xaaladda siyaasadeed ee Gobolka.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Abby Ahmed ayaa iska xog wareysteen xaaladda Gob olka Geeska Afrika iyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal oo ay saldhig u tahay daris wan aag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Dorraad gaaray Adis-Ababa, waxaana uu halkaasi kaga qayb gal ay caleema saarka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo mar kale loo dhaariyay RW Itoobiya, Isagoo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jee diyay Munaasabadda xildhaarinta, taasi oo uu ka ga hadlay xaaladda guud ee Gobolka iyo xiriirka labada dal.

Kheyre oo markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka Rooble iyo Farmaajo

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xa san Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay ka had lay khilaafka mudooyinkii ugu dam beeyey u dhaxeeyey Ra’iisul Was aaraha Soomaaliya Maxamed Xu seen Rooble iyo madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxa med Cabdullaahi Farmaajo.

"Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa dalkeena ka dhacay xaalado aan qaran ahaan noo qaadm in, bulsho ahaan noo qalmin, oo aan dhamm aanteen ku qasbanahay inaan qeyb ka qaadano xal u helidooda,” ayuu yiri Kheyre.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay khilaafka u dhaxeeyo Rooble iyo Farmaajo, isagoo sheegay inuu khilaafkaan dalka u horseedi karo dib u dhac.

"Waxan aad uga xumahay khilaafka siyaasad eed ee ka dhex jira xafiisyada dalka ugu sar reeya, waxyeelo xoog leh ayey u geysteen dalka, waxaa luntay xasilloonidii dalka, waxaa dhaawac gaaray dhaqaalihii dalka, waxaa halis galay ha y’adihii ammaanka, waxaa sii daciifeysa rajadii Beesha Caalamka ay ka qabtay geedi socodka dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.Kheyre ayaa sheegay in khilaafka madaxwey ne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble uu saa meyn xoog leh ku yeeshay doora shadii la filayey inay dalka ka dhacdo, taasina ay fursad u noqot ay kooxaha argagixisada ah ee ku howlan daad inta dhiigga.

Wuxuu ku baaqay in si deg deg ah loosoo af jaro khilaafka u dhaxeeyo labada mas’uul ee dal ka ugu sarreeya si dalka loo badbaadiyo.

"Waxaan ku baaqayaa in si deg deg ah loosoo afj aro khilaafka si dalka looga badbaadiyo xaal adaha qalafsan ee hadda taagan, waxaana ka di gayaa in caalamka uu Soomaaliya uga quusto si dii uu uga quustay Afghanistan,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Kheyre ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxda Maamul Goboleedyada inay dadajiyaan doorashada si dalka looga badbaad iyo xaaladda halista ah ee uu wajahayo.

"Xalka Soomaaliya waa hal mid oo kaliya, laba maahan, seddex maahan, xalka waa doora sho, waxaan ugu baaqayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda Maamul Goboleedyada inay dadajiy aan doorashooyinka iyo in wax walba la iska dhi go oo muhiimada la saaro doorashada, si dalka looga saaro xaaladda cakiran, waxaan sidoo kale guddiyada doorashada ugu baaqayaa inay shaqa dooda u gutaan si hufan,” ayuu yiri Kheyre.

Ugu dambeyntii Kheyre ayaa xubnaha bee sha caalamka ugu baaqay inay Ra’iisul Wasaara ha iyo guddiyada doorashada kala qeyb qaataan fududeynta doorashada iyo bixinta dhaqaalaha ku baxayo doorashada.

Ugaaska Cayr oo si lala yaabay uga noqday baaqiisii nabadda ee xiisada Galmudug

Ugaaska beesha Cayr, Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo mar kale ka hadlay xiis adda ka soo cusboonaatay gobollada dhexe ee u dhaxeysa Galmudug iyo ururka Ahlu-Sunna ayaa sheegay in maamulka Axmed Qoor Qoor uu wax kasta uga dambeeyn doono, isagoo raali gelin ka bixiyey baaqiisii wadahadalka.

"Dowlad ayaa jirta reer Galmudug ay dhisteen, madaxweyne ayey leedahay, waxaana cadeyna yaa in dowladda ay dhisteen reer Galmudug ay amniga iyo waxqabadka deegaanka masuul ka tahay, waxaan go’aansaday inaan dowladda Galmudug la shaqeeyo oo aana ka harin, maadaama aan Ugaaskii beesha caasimadda deg ta aan ahay, wixii dhib wada oo u jeed kale lehna, waa la arki doo naa,” ayuu yiri Ugaaska beesha Cayr.

Ugaaska oo maalin ka hor soo jeediyey in xiisadaan wadahadal lagu dhameeyo oo la joojiyo gulufka colaadeed iyo hub isku uruursiga deeega anka ka socda, ayaa hadda sheegay in hadalka as uu raali gelin ka bixinayo, taas oo dad badan ka yaabisay.

"Maadaama aan arkay saan-saan colaade ed, dad qaxaaya iyo dhibaato muuqata, waxaan go’aansaday inaan arrintaan ka hadlo, beesha aan ka dhashay iyo cidii kale ee dhib u qaadatay hadalkeygii hore waxaan rabaa inay ka daawoo baan oo raali ka noqdaan,” ayuu yiri Ugaas Xasn.

Inta badan dadka ka fal-celiyey hadalkaan dambe ee Ugaaska waxay la yaab ku tilmaameen sabab ta ku kaliftay in Ugaas Xasan uu raali gelin ka bix iyo baaqiisii wadahadalka oo u muuqday dariiqa kaliya ee u furaa, maadaama hadii la dagaalamo dhibka ugu badan uu soo gaaro beeshiisa Cayr, markii loo eego reer Galmudugta kale. Dad badan oo doonayey ama jeclaa inaan la gu dag aalamin magaalooyin ay ugu horeyso Gur ceel oo Ahlu-Sunna ay dib u qabsaday ayaa la fa jacay hadalka Ugaaska oo ka laabtay baaqiisii wa an-waanta.

Ciidankii ugu badnaa ayaa Muqdisho laga soo daabulay, kuwaas oo la isugu geeyey Dhuusama reeb,waxaana la sheegay in Qoor Qoor uu qorsheynayo in Ahlu-Sunna lagu weeraro Gurc eel. Dadkii deganaa ee shacabka ahaa ayaa sa acadihii u dambeeyey isaga cararay magaalada Gurceel, kuwaas oo deegaameystay dhulka fog ee miyiga ah, si aan loogu dul dagaalamin. XIGASHO:CAASIMADDA.NET

Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar oo soo jeedi yey hab loola macaamilo Ahlu Sunna

Shiikh Cabdulqaadir Cali Cumar oo ka mid ah aa hoggaamiyayaashii Maxkamadaha Islaamiga ee Shabaabku kasoo ifbaxeen ayaa ka hadlay xii sadda cusub u dhaxeyso ma daxda Ahlu Sunna iyo Maa mulka Galmudug.

Sheekh Cabdulqaadir, oo ahaa guddoomiye ku-xigeen kii Maxkamadaha Islaamiga, ayaa wax aan la aq bali karin ku tilmaamay in madaxda Ahlu Sunna ay mar kale isa soo abaabulaan oo ay hub soo qaataan.

"Ra’isul Wasaarihii hore ee Xasan Cali Khey re shaqo fiican ayuu qabtay, ciidamadii Ahlu Sun na wuxuu ku daray kuwa dowladda isagoo heshi is la gaaray madaxda Ahlu Sunna, wax la aqbali karo maahan inay hadda hub soo qaataan, haddii qaar ka tirsan dadka Galmudug aqbalaan ma shaqeeneyso,” ayuu yiri Sheekh Cabdulqaadir.

Sheekh Cabdulqaadir ayaa ku baaqay in Ahlu Sunna lala heshiiyo haddii ay heshis rabaan had dii kalana la iska celiyo, sida uu hadalka u dhi gay. "Cid kasta oo wax garaneyso waa inay ka ho rtagaan Ahlu Sunna oo la diido, haddii ay diyaar u yihiin in la qanciyo la qanciyo haddii kalana la iska eryo waa markii dhabta loo hadlo, wax gar la yiraahdo ma jiraan, maamul waa maamul waa in la taageeraa,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyntii Sheekh Cabdulqaadir ayaa ugu baaqay waxgaradka Galmudug inay u caqli celiyaan madaxda Ahlu Sunna isla markaasna ay Shalay badbaadiyaan Maamulka Galmudug.

Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay Maandooriye iyo dadkii watay

Ciidamada Booliska Caasimadda Garoowe ee Maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay maandooriye si qarsoodi ah lagu soo galiyay deg aanada Maamulkaasi iyo sidoo kale dadkii watay.

Taliska Booliska ayaa soo bandhigay Khamri fara badan iyo Gaari siday, waxaan alagu soo bandhi gay Saldhigga Galbeedka Magaaladaasi garo owe

Xiddigle Cabdullaahi Cali Wada ad (Qoob) oo ah Taliye ku xige enka Saldhigga ay aa warbaahin ta kaga warbiyay Khamriga ay soo qabteen Ciidan ku, waxaana uu sheega y in ay gacanta ku haya an dadkii ku lug ta lahaa Maand ooriyaha, balse waxaa uu xusay in qaar ka mid ah dadkii waday Khamriga ay ka baxsadeen.

Waxaa uu intaasi ku daray in ay baadi goob ugu jiraan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen rag aasi baxsa day ee Magaalada Khanriga soo galiyay, waxaan uu digniin u diray shaqsiyaas uu sheegay in ay ku howlan yihiin sidii degaanda Puntl and ay u soo galin lahaayeen mandoriya ha


Qoor Qoor oo go’aan culus ka qaatay xaaladda Guriceel

Madaweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa go’aamiyey in da gaal lagu qaado M/Guriceel ee G/Galgaduud oo dhawaan gashay gacanta xoogag ga Ahlu-Suna, sida ay sheegtay in ay ogaatay Ca asimada Online.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa qaatay go’aankaan kadib kulamo uu la qaatay Xildhibaanada maa mulka Galmudug iyo Ugaaska Bee sha Cayr, waxaana ugu dambeyntii lagu heshiiy ey in Ahlu-Sunna dagaal looga saaro M/Gurceel.

Ciidamada maamulka Galmudug ayaa la filay aa inay saacadaha soo socda dhaqaaqaan dhina ca M/Guriceel, waxaana boqolaal ka tirsan ciidam adaas kulan dardaaran ah la qaatay madaxwey ne Qoor Qoor.

Ciidamada Galmudug ee qorsheenaya in lagu weeraro M/Guriceel ayaa waxaa laga reebay cii damadii ka tirsanaa Ahlu-Sunna ee horay loo qar ameeyey, iyadoo laga cabsi qabo inay dhabar ja bin ku sameeyaan ciidamada dowladda, sidii dha cday markii la weeraray Bohol.

Madaxda Ahlu-Sunna ayaa M/Guriceel ku di yaarisaday ciidamo u dhaxeeyo 300 illaa 400 oo askari oo u badan wadaado daacad u ah Sheekh Shaakir iyo Macalin Maxamuud, waxaana laga cabsi qabaa inuu magaalada ka dhaco dagaal khasaaro xoog leh geysta.

M/Guriceel ayaa waxaa ka bilowday barakac xooggan, waxaana magaalada ku haray xoogga Ahlu Sunna oo aad u hubeysan iyo dad shacab ah oo daacad u ah madaxda Ahlu-Sunna.

Qoor Qoor ayaa ka war haynta maamulka Ga lmudug ugu dambeysay markii la doortay, waxaa na mudadii uu xilka hayey xarun u aheyd M/Muqd isho, isaga oo ka shaqeynaya danaha Farmaajo, taasi oo sahashay in Al-Shabaab iyo Ahlu-Sunna ay deegaano badan ka qabsadaan maamulkiisa.

Xigasho:caasimadda.net

Maxaa looga baahnaa dadka reer LAASCA ANOOD, kadib tallaabadii SOMALILAND?

Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo mar soo noqotay R/wasaare ku xigeen ayaa si ad ag uga hadashay dhacdadii Laascaanood, kadib markii ay Somaliland magaaladaasi kasoo masa afurisay dad ka soo jeeda koonfurta.

Fowsiya ayaa marka hore si kulul u cambaareysay tallaaba da ay qaadday Somaliland ee lagu soo daabulay dadkaasi, waxaana sheegtay in arrintan ay tahay qalad weyn oo dhacay.

Sidoo kale Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa shaaca ka qaadday in shacabka ku dhaqan M/ Laacsaanood looga baahnaa inaysan ogoglaan tallaabadaasi, isla-markaana ay aheyd inay is hor taag ku sameeyaan gawaarida lagu soo qaaday dadkaasi shacabka ah.

"Waxaan ku cambaareynayaa sida ugu adag waa qalad weyn oo dhacay aniga ila ma’aha in Ummadda Somaliland oo dhami inay waxaan ra alli ku yihiin. Waxayse aheyd in shacbiga reer La ascaanood ay is hortaagaan baabuurtaasi oo aan ay ogolaanin,” ayey tiri Fowsiya

Waxa kale oo ay intaasi ku sii dartay in dhac dadan ay tahay mid xanuun badan, isla-markaa na ay bar madow ku noqon doono taariikhda Soo maaliyeed, sida ay hadalka u dhigtay.

"Waa dhacdo xanuun leh oo bar madow ku no qon doonto taariikhda Soomaaliyeed. Weli lama arag waxaan oo kale waxa ay ku dhacdo,” ayey hadalkeeda sii raacisay.

Ugu dambeyn Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ay aa ugu baaqday madaxda Somaliland inay dadka la soo masaafuriyey u ogolaadaan inay ku noqda an Laascaanood, si ay ugu yaraan uga soo qaat aan hantidooda, ugana soo rartaan wixii alaab ah ee ka yaalla magaaladaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo dadkii u gu badnaa oo ka soo jeeda koonfurta ay Somal iland ka soo masaafurisay Laascaanood, kuwaas oo gaaray deegaanada Puntland.

Odayaasha Xawaadle oo ka digay qorshe lala damacsan yahay Saraakiishii Ciidamada Badbaado Hiiraan

Kulan ay Shalay ku yeesheen M/Baledwey ne ee xarunta G/Hiiraan Odayaasha Beesha Xaw aadle ayay kaga digeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle in xilka qaadis iyo be egsi gaar ah ay ku sameeyaan sarakiishii Badb aado Hiiraan.

Odayaasha ayaa ku goodiyay haddii ay dhac do in beegsi lagu sameeyo saraakiishii ciidamada Badbaado Hiiraan, waxii cawaaqib xuma ah ee ka dhasa masuuliyadeeda ay qaadi doonto dowla dda Soomaaliya.

"Hiiraan awalba Hirshabeelle waxba uguma darsaneen Fedaraalkana waxaan u sheegeyna in eysan ku fududaan waxa Hirshabeelle ay doney so sababto ah Hirshabeelle horay ayay u boobay xaqii reer Hiiraan" ayuu yiri Nabadoon Xarrago.

Odayaasha ayaa sheegay iney ka war heleen qorshayaal lagu doonayo in xilalka looga qaado qaar ka mid ah saraakiishii hoggaamineysay kac doonkii ciidamada Badbaado Hiiraan ee dhawaan hor istaagay safar si qasab ah uu Baledweyne ku imaan rabay madaxweynaha Hir shabeelle Cali Guudlaawe.

"Madaxda Hirshabeelle wa xaan horay uga ballanay inaan cii damada iyo saraakiishii Badbaa do Hiiraan aanan la bartilmaameedsan lakiin ha dda waxaa muuqata in ballankii laga baxay hadd ey arintaasi dhacdana, dowlad haddii ay dumey so Hiiraan ayay ka dunta haddii ay dhismeysana Hiiraan ayay ka dhismataa, marka waxaa cadeyn eyna haddii nimankaas la taabto in Hiiraan go' eyso" ayuu yiri Nabadoon Daahir Magan.

Hadalkaan kasoo yeeray waxgaradka Beesha Xawaadle ayaa imaanaya xili warar hoose oo su uqa soo galay ay sheegayaan in dowladda Soo maaliya xilka qaadis la damacsan tahay qaar ka mid ah saraakiishii ciidamadii la baxay Badbaado Hiiraan ee Baledweyne u diiday inuu si xoog ah ku yimaado madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.XIGASHO:HIIRAAN.COM

Madaxweyne Lafta gareen oo si kulul ugu hadlay dadka laga soo masaafuriyay Laasacaanood.

Madaxweynaha maamulka K/Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (lafta gareen) ayaa si ku lul uga hadlay dadka kasoo jeeda K/ Galbeed ee Somaliland maalmi hii la soo dhaafay ka musaafuriney say M/Laascaanood ee xaruunta G/ Sool.laftagareen ayaa sheegay in arrintaanay tahay mid aad iyo aad looga xumaa do sida arxandarada ah loola dhaqmey, taas oo ah in la kala geeyey Waalidiin, Carruurtooda iyo hantidooda, waxaana uu Somaliland uu ugu ba aqay iney jawaab deg deg ka bixiyaan arrinta ay geysteen Madaxweynaha K/Galbeed ayaa sheegay in ay soo saareen Guddi heer Wasiiro ah, kuwaas oo baaritaan dhab ah ku saneeynaya hantida ka maqan dadka Guryahoodii laga soo saaray ee Mavaalada laas-Caanood.

Feysal Cali Waraabe oo Somaliland ku cam baareeyay dadkii laga soo musaafuriyay Laascaanood.

Iyadoo dhawaan Soomaaliland ay boqolaal qof oo ka soo jeeda koofurta Soomaaliya ay kasoo musaafurisay magaalada Laasacaanood ee gob alka Sool ayaa waxaa soo badanaya mas’uuliyi inta cambaareeynaya tallaabadaas kuna tilmaa maya mid laga wanaagsa naa

Masuuliyiinta arrintaa cambaaree yay waxaa ka mid ah Guddoomiy aha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ee Soomaaliland Faysal Cali waraabe oo dhaliilay habka loo maray waxaase uu sheegay in arrintaan ay ka dambeysay kadib markii magalaada Laasacaanood ay ku soo bat een falalka amni darro oo sida uu sheegay keen ay in dadka deegaanku ay dalbadaan in ay amn igooda hagaajistaan oo dadka aan u dhalana laga saaro.

"Dadkii degganaa deegaankaasi waxay yira ahdeen nabad galyadeenii khatar ayay ku jirtaa waxaan doonaynaa inaan hagaajisanno dadka ajanabiga hanalaga saaro” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Wuxuu sheegay in dad la musaafuriyo aaney Soomaaliland ugu horeyn oo ay arrintaasi ka dhacdo meelo badan oo caalamka ka mid ah isa ga oo tusaale u soo qaatay dalka Sacuudiga.

Habka loo maray musaafurinta dadkaan ka soo jeeda koofurta Soomaaliya ayaa guddoomiye Faysal Cali Waraabe wuxuu ku tilmaamay hab aan cilmiyaysneyn isaga oo muujiyay inuu ka xun yahay.

Wareegto ka soo baxday Maamulka Galmudug.

Wasaaradda degaanka iyo isbedelka Cimilada ee D/G/Galmudug ayaa soo saartay amar lagu jo ojinayo Jarista, gubista, ka ganacsiga dhuxusha iyo ugaarsiga duur-joogta.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaa radda degaanka iyo isbedelka Cimilada Galmud ug Sanoter Siciid Siyaad Shirwac ayaa waxaa la gu amray hay’adaha kala duwan ee Galmudug in ay ka gutaan amarkaan waajibkooda kaga aad an, isla markaana ay qabtaan sharcigana horge eyaan dadka aan u hoggaansamin amarkaan.


Haweenka Laascaanood "Umada ka timid koonfur hub qarsoon ayaa laga helay"

Qaar kamid ah haween waynaha M/ Laas caanood ee gobolka Sool, ayaa soo dhaweeyay raafka ay xukuumada Somaliland ku masaaf uri nayso dadka reer koonfureedka ah ee ku dhaq naa gobolka, waxayna ku eede eyeen in bulshadaasi ka danbe eyeen dilalkii ka dhacay Laas caanood.

Haweenka oo iskugu yimid mid kamid ah hoteelada M/Laa scaanood, ayaa muujiyay inay xukuumada ku ga rab taaganyihiin howgalka lagu tarxiilayo dadka reer K/Galbeed, Soomaaliya.

"Waxaanu halkan u joognaa in aanu taageerno oo isku dhinac taagno xukuumadayadu talaabada ay qaaday, madaxweynaha qaranka, wasiirka am niga, badhasaabka, taliyaha qaybta iyo ciidama da amaanka ee jiidaha hore ku jira" haweenay ka mid ah haweenka ayaa sida tidhi.

Haweenka ayaa si gaara bulshada reer K/Ga lbeed ee gobolka ku dhaqnaa ugu eedeeyay amn idarada iyo dilalka qorshaysan ee ka dhici jiray M/Laascaanood, iyagoo codsaday in dhulkooda si nabad ah loogu celiyo.

"Ummada ka timid koonfur, ee walaalaheena waxa laga helay hub qarsoon, oo aynaan inagu ogayn, oo fara badan, hubkaa faraha badani waa kii lagu layn jiray rageena, yaynaan cabaninin, markii hore waxaynu lahayn amniga suga, amn igiina la sug, umadiina dhulkoodii ayaa lagu nab ad celiyay, markaa, waxaanu leenahay dhulkiina ku nabad gala anana kaayaga" sidaa waxa tidhi gabadh kamid ah haweenka.Waxay sheegeen in Somaliland iyo Soomaaliya kala laba dal yihiin is la markaana loo bahan yahay in qolo waliba wa ddankeeda iyo maamulkeeda ku noqoto.

"Dadka Soomaaliya ka soo hadlaya waxaanu leenahay, Somaliland iyo Soomaaliya waa laba kala dal, madaxweyne la yidhaa Lafta-gareen ayay leeyihiin ha aadeen Lafta-gareen, anaga ma daxweynahayagu waa Muuse Biixi Cabdi, xuku umadayadu waa Somaliland, ciidamadayada wa anu ogolnahay" haweenay kamid ah haweenka ayaa sida tidhi.

Xukuumada Somaliland ayaa 2 bishan M/La ascaanood ka bilowday howlgal lagu masaafuri nayo dadka kasoo jeeda maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya, iyadoo ilaa hada inta la habu la tarxiilay 700 oo qof oo iskugu jira, rag, haween iyo caruur. Dadkan ayaa dib u dejin ku meel ga adh ah loogu sameeyay deegaanada maamulka Puntland ee Soomaaliya.

Biyo yaraan baahsan oo laga digay inay duni da wajihi doonto

Ururka caalamiga ah ee biyaha ayaa ka digay xasarad biyo oo guud ahaan dunida ka dhici ka rta taas oo lala xiriiriyay isbeddelka cimilada.

Wuxuu ururuku ku qiysaay in wixii loo gaaro sa nadka 2050-ka ay in ka badan ka la bar bulshada adduunka aysan heli doonin biyo ku filan ugu yar aan muddo bil ah.

Ururka WMO ayaa sheegay in dhibaatada helidda biyaha lala xiriirinayo abaara ha iyo daadadka, oo galaaftay nolosha xoolaha is la markaana saameyn ba’an ku yeeshay bul shooyinka xoolo-dhaqatada ah.

Ururka ayaa dowladaha ugu baaqay inay isku dhafaan siyaasadahooda cimilada iyo biyaha ay na iska kaashadaan maamulka biyaha. Wuxuu si doo kale sheegay in loo baahan yahay maalga shiyo badan oo lagu sameeyo hannaanka ka dig ista daadadka iyo abaaraha.

Uhuru muxuu ka yiri baaritaanka kashifay han tida uu qarsaday qoyskiisa?

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Isniintii sheegay in baaritaanka kashifay hog aamiyayaasha caalamka ee lacagaha ku qar saday dalal dibadda ah "uu sare u qaadi doono daah-furnaanta maaliyadeed,” ha se yeeshee wux uu diiday inuu ka jawaabo eedey maha ku saa bsan in qoyskiisa ay dibadda ku leeyihin 11 shirkado od uu u dhi gma malaayiin dollar

Qiyaastii 11.9 Milyan oo doc ument oo la dus iyey, islamarka ana uu helay ururka suxufiyiinta caalamiga ah ee daba-galka ee ICIJ, ayaa la daabacay Axaddii, waxaana warqadahan oo loo gu magac daray "Pandora Papers” ay shaaca ka qaadeen hantida ay dibadaha ku qarsadeen boqolaal siyaasiyiin iyo bilyaneero ah.

Baaritaanka ayaa muujiyey sida Kenyatta – oo u ololeeyey la-dagaalanka musuq-maasuqa – lo ogu eedeeyey isaga iyo lix xubnood oo qoyskiisa ka mid ah inay dibadda ku leeyihiin 11 shirkado od, oo lagu qiimeeyey inay haystaan hanti dhan 30 Milyan oo dollar.

"Warbixinadan waxay wax weyn ka tari doona an sare u qaadidda hufnaanta maaliyadeed iyo furfurnaanta aan uga baahan nahay Kenya iyo dunida oo dhan,” ayuu Kenyatta ku yiri bayaan uu soo saaray.

"Dhaq-dhaqaaqa lacagaha sharci-darrada ah, ee ka dhasha dembiyada iyo musuq-maasuqa, waxay ku horumaraan jawi qarsoodi iyo mugdi ah,” ayuu sii raaciyey, isaga oo aan ka jawaabin eedeymaha isaga ka dhanka ah.

Inkasta oo hanti la dhigto dibadaha iyo ade egsiga shirkado qarsoon aysan sharci-darro ka aheyn dalalka badankood, haddana shaac ka qaadistan waxay ceebeysay hoggaamiyayaal u ololeynayey miisaaniyad dhimista dowladda ama qaaday dagaal ka dhan ah musuq-maasuqa.AFP

UNOCHA oo ka hadashay dadka ay Somalil and ka masaafurisay Laasacaanood.

Qoraal ay soo saaratay Hay’addaha arrimaha bini’aadantinimada ka shaqeeya ee qaramada Mi doobey ayaa si adag ah u cambaareeyay xarigga iyo barakicinta khasabka ah ee in ka badan 1,000 qof oo isugu jira haween, carruur iyo rag, kuwaas oo ay Somaliland kasoo barakaci say magaalada Laascaanood

ee caasimadda gobolka Sool.

Hay’addda ayaa sheegtay inay wadaan dada llo loogu gurmanayo dadka sahcabka ah, isla mar kaana ay qiimeyn bani’aadamnimo oo deg -deg ah sameyn doonaan, si loo dejiyo tirada dadka ay dhibaatadu saameysey, baahidooda degdegga ah, iyadoo lala kaashanayo maamulka Puntland, si loogu helo hoy ku-meelgaar ah.

"Waxaan aad uga walaacsannahay warbixinn ada barakac khasab ah oo la qorsheeyay maa lmaha soo socda. Waxaan ugu baaqeynaa hay’a daha samafalka inay bixiyaan oo dedejiyaan garg aarka degdegga ah, iyadoo lala kaashanayo maa mulada maxalliga ah, si loo helo xal waara,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda isku-darid ka gargaarka QM ee UNOCHA,

UNOCHA ayaa ku boorisay Somaliland inay si taxaddar leh u dhaqmaan oo ay helaan xal waara o lagu xushmeynayo xuquuqda iyo sharafta dha mmaan dadka ay dhibaatadu saameysey.

Iraan oo lagu eedeyay shirqool ka dhan ahaa Maal-qabeen u dhashay Israa’iil

Israail oo ku eedeysay Iiran inay ka dambey say shirqool ka dhan ah maal-qabeen rer Israail ah Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Is raa’iil Naftali Bennett ayaa ku eede eyay Iiraan in ay ka dambay say shirqool la shee gay in lagu doona yay in lagu khaar ajiyo maalqabe en u dhashay Israa’iil oo ku sug naa Qubrus.

Xafiiska Mr Bennet ayaa isku dey gan khaarijin ku tilmaamay mid argigixiso ah oo ay dowladda Iiran amarkeeda lahayd.

Mr sagi ayaa loo sheegay in lagu raadjoogo saas awgeedna uu ka baxsaday dalka qubrus ka hor inta weerarka lagu qaadin, dowladda iiran ay aa eedeymahaasi ku tilmaam tay kuwo aan raad iyo sal ytoona lahayn. Dhac dadan ayaa la shee gay in loo qabatay nin kasoo jeeda dalka Azerb aijani balse watay basaboor rush waxaana lagu qabtay barstool aan dhawaa qeeda la maqlayn

CODSI: KU WAJAHAN DADKA LAGA SOO MASAAFURIYAY LAASCAANOOD.

Dad ayaa Laas caano laga soo masaafuriyay Sabab kasta ha noqotee. waxaa ey heleen Laba tallaabo kuwo Cambaareeynayo Falka lagula ka cay iyo kuwa leh waa mudan yihiin. Labaduba Xal uma ahan dhibanaha Dhaxanta joogo.

Dadkii waxa ey Daadsan yihiin Banaanka. Waxa ey u baahan yihiin Gurmad deg deg ah. haddii Qof wal iba ka aamustay oo ey Ca mbaareeyn ku ekaatay, yaa laga sugaa in ey wax u qabtaan?

Masuuliyadda 1aad

Aawday Dowladii dhexe, waxa ey aheyd in ey mar horeba u dirto wasiiro, Aaway Gudigii musi ibooyinku, Aaween Culumadii Dadka haloo gurm ado dhihi jirtay, Aawday Beeshii Caalamka iyo hayadihii dhihi jiray, Beni aadan nimaan ka shaqe ynaa, Aaween shirkadihii isgaarsiinta, Ganacsat adii iyo Haweenkii. Masuuliyadda 2aad

Kaba darane Aaween Madaxweynihii Maamul Gobaleedka K/Galbeed iyo Xildhibaanadiisii, waxaa la filayay in mar hore ey qaataan Dayaar ado u gaar ah oo goobta ey tagaan, Dadkaana la wadaagaan Xaaladda ey ku sugan yihiin , una soo Daad gureeyaan Deegaanadoodii, Aaween Gudoomiyayaashii hore ee Golaha shacabka ee Reer K/ Galbeed iyo Xildhibaanadii Deegaanku, Aaween Ganacsatadii Iyo Madaxdii kale ee K/ Galbeed.

Haddii Labadaas Masuuliyadood la dayacay, waa in Shacabka muslimiinta ahi ey talaabo qaa daan, Waayeel iyo ilma saqiiraa Cambaareynu Nolol uma noqoto.

Codsi : aan u gurmano, Qof waliba wixii uu u tari karo ha u taro, Alla darstiisna ha loo kaalme eyo dhibanayaasha.

FG: Horeba waa iigu qorsheeysneed in aan tago Magaalada Gaalkacyo Maalmaha soo soc do, wixii tabarteeydaana waan qaban doonaa, Haddii Alla idmo. 

Qore: Yahya Amir



LAMA YAABIN, LAAKIN WAXAAN LA YAABAY. ADAABA YAABI DOONTIDE.

قال تعالى : ﴿ وَأَمَّا الَّذِينَ كَفَرُوا فَيَقُولُونَ مَاذَا أَرَادَ اللَّهُ بِهَٰذَا مَثَلًا ﴾ قال تعالى :

﴿ إِنَّ اللَّهَ لَا يَسْتَحْيِي أَن يَضْرِبَ مَثَلًا مَّا بَعُوضَةً فَمَا فَوْقَهَا ﴾Markii aan arakay Culumadii Sayniska ee Caalamku waxa ey la yaabeen oo ey Qur’aanka ku arkeen, wa xaan isku dayay in aan dib u akhriyo, waxa Qur’aanku uu ka sheegay Ka neecada, kadibna waxaan baadi goobay Qoraalo badan ee la xiriiro Aqoonta Kaneecada, si aad Adiguna uga faa’iido.

A) Lama Yaabin. ( F.S: 1& 2aad)

1. Hal mar ayaa Qur’aanka lagu sheegay Magaceeda, waana tan dhidig.

2. Waxa Madaxeeda ku yaal 100 indhood oo ey wax ku aragto.

3. waxaa Afkeeda ku yaal 48 ilkood.

4. waxa ey leedahay 3 Wadne oo dhameystiran.

5. Sankeeda waxaa ku yaal 6 Mindiyood "Knives” mid kastana si gooni ah ayey u isticmaashaa.

6. Dhinac kasta waxa ey ku leedahay 3 Baal oo ey ku duusho.

7. Gudaha Jirkeeda waxa ey ku leedahay Raaje ” X-RAY machine” kaa oo u kala soocayo Maqaarka Dadka Wakhtiga mugdiga ah, iyada oo isticmaalee "violet colour”.

8. waxa kale oo ey leedahay Dareen dhumiye "Anaesthetic” ey ku shubto jirka Dadka si uuna u dareemin marka ey tubadeeda dhiig dhuuqa ku mudee.

9. Waxa ey leedahay qalab ey ku baarto kuna xulato Dhadhanka Dhiiga "an instrument for blood test” sababta oo ah ma jeclo dhiiga oo dhan, mid gaar ah ayey rabtaa.

10. Waxa ey isticmaashaa hab dedejinayo socodka dareerinta dhiiga si ey dhakhsi ugu dhuuqdo.

11. Lama yaabin in Cumriga Kaneecadu yahay 7ba Cisho, in kasta oo la yiraa Kaneecada Lab, qaar ayaa noolaa karo 10-20 Cisho, kuwa Dhidigna Qaar ayaa noolaa karo ilaa 100 Cisho.

12. Kaneecada Dhidigu markeey dhiiga dhuuqdo 2-3 Cisho ayeey nasa taa, inta eynan Ukunta dhalin, dhiigana waxa ey u dhuuqee in ey ku nafa qeyso Ukunta inta eyna dhalin.

13. Waxa ey jeceshahay Dhiiga Haweenka Uurka leh sababta oo ah "Metabolic rates” keedu waa ka sareeyaa kan Haweenka aan Uurka leheyn. Waxa ey Dadka ka nuugtaa 0.01 -0.001 Mililiters oo Dhiig ah.

14. Maalinta Kaneecada Aduunka ayaa loo aqoonsaday 20 August. waxaana Aduunka ka Jiro 3000 nuuc oo kaneeco ah badankoodu wax dhibaataa male. Faa’iidada Kaneecada Lab iyo dhidigba waxaa ka mid ah bacriminta Ubaxa dhirta oo ey ka qeyb qaadato.

15. Baalasheeda waxa ey dhaqdhaqaajisaa 500 jeer halkii il biriqsi, taa Shimbirihu ma samey karaan, waxa ey u dhaqdhaqaajisaa, si ey u sameeyso Shanqarta kaneecada. taa oo mar mar loo isticmaalo soo jiidashada Kaneecada kale, Labka ey xulanee tan Dhidigi, waa kan Baalashiiso ey sameeyaan Shanqarta ugu wanaagsan.

16. Waa noolaha ugu badan Aduunka oo dhan ee Dilo Beni aadamka, in kasta oo hadda ey yaraatay khatarteeda oo Malaayin Qof ey hore u dili jirtay Kaneecadu Sannadkiiba ( F.S: 3aad).

Tira koobtii ugu Dambeeysay ee Sanadkii 2018 kaneecadu waxa ey dishay 750,000 Qof. Beni Aadamkuna isla dhaxdiisa waxa uu Sanadkaa iska dilay 437,000 Qof. Masaskuna 100,000. Eeyuhuna 35,000. tisxiga "tsetse flies” 10,000. Gooryaanka "Ascaris” 4,500, Yaxaaska 1000 Qof. Gooryaanka "Tap eworm” 700 Qof. Maroodiga 500 Qof, Jeerta 500 Qof. Libaax 22 Qof oo kal iya.

Sidaa ayeey kaneecadu 2018 ilaa hadda u tahay dilaaga ugu weyn ee Beni aadamka. 17. Qur’aanka waxaa lagu sheegay Caaro, Duudo, Quraan sho, Shini, Sac, Maroodi, Gaaladdii Reer Qureesh ayaa ku jeesjeestay. Ma xaa kitaab la leeyahay Samaduu ka soo degay, Kaneeco loogu sheegayaa oo wax ka muhimsan loogu sheegi waayay, waxa ey ka fiiriyeen Kaneecada Muuqaalka ee kama fiirin Macnaha looga jeedo. waxaa soo degtay Aayadda :قال تعالى : ﴿ وَأَمَّا الَّذِينَ كَفَرُوا فَيَقُولُونَ مَاذَا أَرَادَ اللَّهُ بِهَٰذَا مَثَلًا ﴾ Waxaan la yaabay. Tan iga yaabisay waxay tahay.قال تعالى :﴿ إِنَّ اللَّهَ لَا يَسْتَحْيِي أَن يَضْرِبَ مَثَلًا مَّا بَعُوضَةً فَمَا فَوْقَهَا ﴾ Aayadda ayaa leh: Allaah kama xishoon/ Gaabsan in uu Tusaaleeyo Kaneecad iyo waxa Dusheeda ah. Aayadda Qur’aanku waxa ey ka ha dashay Kaneecada Dhidig ” Bacuulatu ” Tu” waa Taa’u ta’niith . Aayaduu wa xa kale oo ey leedahay "Foowqahaa” . "Haa” waxa ey muujinee Dhidig oo la ma dhihin "Foowqahu” "Hu” oo lab muujin leheyd. C. Yaabka yaabkii

Tan ugu yaanba badan. Aayadu waxa ey leedahay: famaa foowqahaa, (waxa Dhusheeda ah). Taa oo Culumida qaar Wakhtiyadii hore ay ku macn eeyn jireen Noolaha ka waaweeyn kaneecada ee Qur’aanka tusaalaha loo gu soo qaatay sida: Maroodiga, Geela, Iwm. Hadda markii La soo saa ray Qalabka Casriga ah ee aad iyo aadka Boqolaal jeer u weeyneeyo muuqaalka Noolaha yar yar si loo arko ayaa…..

Hadaba maxey yihiin waxa dul saaran kaneecada ee ilu ma aragtada ah?

Waxaa la ogaaday oo la Arkay in Kaneecada uu Dul saaran yahay, No ola kale oo aad u yar oo iyada ku sii dul nool, iyadana dhiiga ka sii dhuuqo. "Microscopic insect”.

Miyeeyna aheyn Mucjisada Qur’aanka ee Kalmadda "Famaa Foowqa haa”.. waxa Kaneecada Dul saaran ee Naloo sheegay ka hor 1400 Sanno, iyada oo uuna jirin qalabka aan Shalay ku ogaanay, in Shalay la arkay Noolahaa ku sii dul nool kaneecadii yareed.

Awooda iyo Uunka Alle ayaa noogu filan Mucjiso, Qur’aanka ayaa noo soo koobayo Cilmi aan naqaan iyo Mid aanan Aqoonba. Alloow, Qur’aanka kuwii Barta kuna Camal falo naga dhig. Aamiin.

FG: Wixii aan ka khalday iga sax wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir


 

Warbixin:Taliban oo lagu eedeeyay dilka 13 xubnood oo ka tirsan qowmiyadda Hazara

Warbixin cusub oo ka soo baxday xafiiska Amnesty International ee xuqu uqul Insaanka ,ayaa lagu sheegay in wax yar ka dib markii awoodda Dalka Afganistaan ​​ay la wareegeen Taalibaan , ay qudha ka jareen 13 xubnood oo ka tirsan qowmiyadda Hazara,isla markaana ku sug naa bartamaha gobolka Daykundi .

Amnest, ayaa sheegtay in dilkaasi uu dhacay 30 -kii bishii Ogosto ee la soo dhaafay,ka dib markii kolon yo ciidamo ah oo ka kooban 300 dagaalyahanno ah ay galeen degmada Khidr,halkaana ay ku dileen 13 ruux. Dadka la dilay ayaa ahaa 11 xubnood oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada qaranka iyo la ba ruux oo kale oo ay ku jirtay gabar 17-sano jir ah.

Warbixintaan oo la daabacay aanta oo Talaado ah ayaa lagu sheegay in dadka la dilay inta badan ay ahaayeen kuwo isku soo dhiibay kooxda Taali baan,waxaynay da’doodu u dhaxaysay 26 ilaa 46 jir.

Waa dilkii labaad ee loo geysto qabiilka Hazaras ,ka dib kolkii Daalibaan ay sagaal qof ku dileen gobolka Ghazni bishii Luulyo ee la soo dhaafay ,sida lagu shaagay warbixinta Amnest International ee xuquul Insaanka Qarama da Midoobay.

Oowmiyadda Hazara waa dadka ugu badan Shiicada ee Dalka Afganis taan,waxaana la sheegay in qabiilkaasi ay la kulmeen waxyeello ka soo gaartay Taalibaan sanadihii u dhaxeeyay 1996 iyo 2001-dii.

Mark Zuckerberg Milkiilaha Shirkadda Faceb ook oo khasaaray Balaayiin Doollar

Adeegyada aaladaha baraha bulshada ee dadku ku wada xiriiraan ee Facebook, WhatsApp iyo Instagram ayaa dib hawada ugu soo laabtay ka dib markii uu hawada ka maqnaa ku dhawaad ​​6 saacadood,sida ay shirkadu sheegtay.

Shirkadda ayaa sheegtay in sab abta ay ahayd cillad ku timid han naanka ay shirkadahani u shaqee yaan.

Dhammaan saddexdan aalad ee baraha bulshada ayaa wax aa is ka leh shirkadda Facebook. waa muddadii ugu dhee reyd ee barahani buslahada ay hawada ka maqnadaan sida ay shirkadu sheegtay.

Dad tiradoodu ay gaarayso 10.6 Milyan oo ku kala sugan guud ahaan caalamka ayaa soo shee gay in ay dhibaatadani saameysay.

Mark Zuckerberg Milkiilaha Shirkadda Facebo ok ayaa qasaaray $6 bill ion oo dollarka Mareykan ka ah saacado yar gudahood kadib markii ay ha wada ka baxday Aaladda Facebook oo cilad ku timid iyo baraha kale ee ay Shirkaddu leedahay.

Zuckerberg oo ka mid ah dadka ugu taajirsan Dunida ayaa waxaa soo wajahday culeys dhanka dhaqaalaha, maadaama saacado yar un qasaa ray balaayiiin dollar ka Mareykanka ah. Shirkadda Facebook ayaa Isniintii 4 October lumisay 49% dhaqaalaha Shirkadda, marka loo eego 15% oo ay

qasaartay bartamihi bisha Sep tember.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip