
Codsi: ku wajahan Dadka laga soo masaafuriyay Laascaanood.
..
Dad ayaa Laas caano laga soo masaafuriyay Sabab kasta ha noqotee. waxaa ey heleen Laba tallaabo kuwo Cambaareeynayo Falka lagula kacay iyo kuwa leh waa mudan yihiin. Labaduba Xal uma ahan dhibanaha Dhaxanta joogo.

Dadkii waxa ey Daadsan yihiin Banaanka. Waxa ey u baahan yihiin Gurmad deg deg ah. haddii Qof waliba ka aamustay oo ey Cambaareeyn ku ekaatay, yaa laga sugaa in ey wax u qabtaan?
Masuuliyadda 1aad
Aawday Dowladii dhexe, waxa ey aheyd in ey mar horeba u dirto wasiiro, Aaway Gudigii musiibooyinku, Aaween Culumadii Dadka haloo gurmado dhihi jirtay, Aawday Beeshii Caalamka iyo hayadihii dhihi jiray, Beni aadan nimaan ka shaqeynaa, Aaween shirkadihii isgaarsiinta, Ganacsatadii iyo Haweenkii.
Masuuliyadda 2aad
Kaba darane Aaween Madaxweynihii Maamul Gobaleedka K/Galbeed iyo Xildhibaanadiisii, waxaa la filayay in mar hore ey qaataan Dayaarado u gaar ah oo goobta ey tagaan, Dadkaana la wadaagaan Xaaladda ey ku sugan yihiin , una soo Daad gureeyaan Deegaanadoodii, Aaween Gudoomiyayaashii hore ee Golaha shacabka ee Reer K/ Galbeed iyo Xildhibaanadii Deegaanku, Aaween Ganacsatadii Iyo Madaxdii kale ee K/ Galbeed.
Haddii Labadaas Masuuliyadood la dayacay, waa in Shacabka muslimiinta ahi ey talaabo qaadaan, Waayeel iyo ilma saqiiraa Cambaareynu Nolol uma noqoto.
Codsi : aan u gurmano, Qof waliba wixii uu u tari karo ha u taro, Alla darstiisna ha loo kaalmeeyo dhibanayaasha.
FG:Horeba waa iigu qorsheeysneed in aan tago Magaalada Gaalkacyo Maalmaha soo socdo, wixii tabarteeydaana waan qaban doonaa, Haddii Alla idmo.
Qore: Yahya Amir
Codsi: ku wajahan Dadka laga soo masaafuriyay Laascaanood.
..