Dadweyne Careysan oo maanta Gubay Guriga Taliyaha Booliiska Gobolka Awdal (SAWIRRO)

0
Monday October 12, 2015 - 18:28:24 in Wararka by
  • Visits: 908
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadweyne Careysan oo maanta Gubay Guriga Taliyaha Booliiska Gobolka Awdal (SAWIRRO)

    Shacab careysan ayaa maanta dab qabadsiiyay guriga taliyaha qaybta booliiska gobalka Awdal ee Somaliland, dabkaas dhaliyay khasaare hanti, balse aan geysan wax khasaare nafeed ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacab careysan ayaa maanta dab qabadsiiyay guriga taliyaha qaybta booliiska gobalka Awdal ee Somaliland, dabkaas dhaliyay khasaare hanti, balse aan geysan wax khasaare nafeed ah.
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail


Wararka ayaa intaas ku daraya in shacabkan ay ka caroodeen dilal ay ciidamada booliiska Somaliland ka geysteen garoon kubbadda lagu ciyaaro oo oo ku yaalla degmada Boorame ee xarunta gobolka Awdan, kuwaasoo laba maalin oo isku xigtay ay ku dhinteen laba qof rasaas ay ciidamadu fureen.

Sidoo kale, goob-joogayaal ku sugan Boorama ayaa sheegay in dab la qabadsiiyay guriga taliyaha qaybta booliiska gobolka, iyadoo la sheegay inay ku amreen dadkii deggen inay bannaanka uga baxaan, kaddibna dab ayay qabadsiiyeen.

"Dabka wuxuu baabi’iyay guriga, waxaana ku gubtay dhammaan alaabihii guriga ku jiray, waxaana ugu dambeyn soo gaaray deegaanka ciidamada dab-damiska ah,” ayuu yiri goob-jooge la hadlay warbaahinta.

Xaaladda guud ee Boorama ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana shacabka weli ay yihiin kuwo waddooyinka buuxa, mana jirto wax faahfaahin ah oo weli kasoo baxay maamulka gobalka Awdal iyo taliyaha gurigiisa la gubay.

Ugu dambeyn, talaabadan waxay ayaa imaanaysaa xilli habeeno ka hor weerar lagu qaaday guriga guddoomiyaha gobolka Awdal, kaasoo sababay dhimashada laba ka mid ah ilaalada guddoomiyaha, inkastoo guddoomiyuhu uu weerarkaas ka badbaaday.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip