HALKAN KA AQRISO W/W MOGTIMES DAILY NEWS PAPER 5-10-2021

0
Tuesday October 05, 2021 - 08:09:06 in Wararka by
  • Visits: 654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W/W MOGTIMES DAILY NEWS PAPER 5-10-2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Addis Ababa


Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dha maaday ee Maxamed C/hi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaminayo ayaa gaaray M/ Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya, iyada oo halkaasi si weyn loogu soo dhaweey ay.

Wafdiga Madaxweyne Far maajo ayaa garo onka diyaaradaha Bole ee M/A ddis Ababa wax aa kusoo dhaweeyay Wasiiru-dawlaha Was aaradda Arrimaha Dibadda Itoob iya Mar wo Burtukan, Wasiirka Maaliyadda Ito obiya & Xubno kale oo ka tirsan dowladda dal kaas.

Farmaajo ayaa kamid noqday Madaxda la gu casuumay caleema saarka Ra’iisul Wasaar aha Itoobiya Abiy Ahmed oo bishii June Xisbigi isa ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhac day.

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed C/hi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay M/Add is Ababa waxaa uu kulan doceedyo la yeelan doonaa Madaxda kale ee ka qeyb galeysa Ca leema saarka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Socdaalka Farmaajo ee Addis Ababa ayaa noqonaya kii u horreeyay oo dal dibadda ah u gu ambabaxo, tan iyo wixii ka dambeeyay 25 April qalalaasihii iyo iska hor imaadyadii ka dha cay Muqdisho ee sababay inuu ka laabto mud do kororsigii labada sannada ahaa.

Ra’iisal Wasaare Rooble oo gaaray dalka Qatar

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ay aa Xalay gaaray M/Doha ee Xarunta Wa danka Qatar.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa la fillayaa inuu ber rito bilaa bo kulamo rasmi ah oo ma gala daasi uu kula leeyahay madaxda dal ka asi. Afhaye enka Xukuumadda Somaliya, Ma xamed Ibra ahim Macalimuu ayaa sheegay in R/Wasaa ruhu uu masuuliyiinta dalkaasi kala hadli do ono xoojinta xiriirka labada dal, arrima ha doorashooyinka dalka iyo horumarka.

"Madaxda Dowladda Qatar waxa uu kala ha dli doonnaa xoojinta xiriirka ka dhaxeeya lab ada dal, doorashooyinka Somaliya iyo horum arka.” Ayuu yiri Macalimuu.

Socdaalka Ra’iisal Wasaare Rooble ee da lkaasi ayaa ku soo aadaya, xilli khilaaf uu kala dhaxeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Warbaahinta ayaana fahamsan in Qatar ay xiriir dhow la leedahay Villa Somalia.

Sheekh Shariif , Cabdi Xaashi & Mahdi Guul eed oo ka wada hadlay Arrimaha doorasho oyinka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh. Shariif Sheekh Axmed sidoo kalena ah Gud do omiyaha Midowga Musharixiinta ayaa Habeen hore wa xaa uu kulan la qaatay Sanoter Cabdi Xa ashi Cabdillaahi siihayaha Guddoomiyaha Aqal ka Sare & Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuu madda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulanka oo ka dhacay Hooyga ay Muqdisho ka degan yihiin Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa looga hadlay si guud xaaladihii ugu dam beeyey ee dalka gaar ahaan arrimaha doora shooyinka.

Sheekh Shariif ayaa uga mahad celiyay lab ada Mas’uul doorkii ay ka qaateen doorashadii kuraasta aqalka sare ee Gobollada Waqooyi iyo biseylka tanaasul ee ay muujiyeen.

"Waxaan la wadaagnay sida aan uga rajeyne yno in sida ugu dhow loo bilaabo dooras hada kuraasta Golaha Shacabka ee Baarl amaanka Soomaaliya ayuu yiri” Shariif Sheekh Axmed.

Kulamada looga hadlayo arrimaha doora shoiyinka ayaa si joogta ah uga dhaca Muqdi sho iyo Gobolada dalka, iyada oo dhawaan ay bilaaban doongo doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.

Hirshabeelle oo Shalay Jowhar kusoo gab agabeeysay doorashada kuraasta Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya

Waxaa Shalay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe lagu soo gabagab eeyay doorashada laba kursi oo ka harsaneyd sideeda kursi ee kuraasta Aqalka sare Senat arada ku matalaya Hirshabeelle Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Kursiga koowaad ee doorashada Shalay ka dhacday Jowhar waxaa ku wada tartamay musharaxiinta kala ahaa Cali Shacbaan Ibr aahin, Cabdiqaadir Xanafi Sheekh Bashiir iyo Cabdalla Cabdi Xuseen waxaana wareega lab aad usoo gudbay musharaxiinta kala ah Cali Shacbaan Ibraahin iyo Cabdiqaadir Xanafi, waxaana wareegii labaad ee doorashada ku guuleystay Cali Shacbaan oo helay 62 cod, halka Xanafi uu ka helay 24 cod.

Kursiga labaad ee doorashada Shalay dha cday oo ahaa kursiga ugu dambeeyay kuraas ta Aqalka sare ee Hirshabeelle ee ka kooban sideeda waxaa ku wada tartamay laba haween ah oo kala ahaa Naciimo Ibraahin iyo Samsam Cabdullaahi, waxaa ku guuleystay doorashada Samsam Cabdullaahi oo heshay 77 cod, halka Naciimo Ibraahin ay ka heshay 8 cod kaliya waxaana xusid mudan in Naciimo Ibraahin ay aheyd Setanaradii ku fadhisay kursiga Shalay looga guuleystay afartii sano ee lasoo dhaafay.

Kursiga ay ku guuleysatey Shalay samsam Ca bdullaahi ayaa waxaa horay isugu soo shara xay inay wax ka tartamayaan labo musha rax oo rag ah kuwaasoo cadaadis xoogan oo ma daxda Hirshabeelle uga yimid kadib isaga tana asuleen tartanka kursigan.Doorashada labada an kursi ayaa ka dhigtay in Hirshabeelle ay dhameystirtay dhamaan 8-dii kursi ee Sen atar ada maamulka Hirshab eelle ku matalaya BFS.

DFS oo ka jawaabtay mushaar la’aantiii ay ka cawdeen Macalimiintii saxay Imtixaanka

Iyada oo Maalmihii la soo dhaafay ay mu shaar la’aan ka cabanayeen, isla markaana ay sheegayeen inay xaquuqdooda ma qan tahay macalimiintii ka qeyb qa atay Imtixaanka dowl adda ayaa waxaa warkaas ka jawabtay Was aaradda Waxbarashada Soomaa liya.

Qoraal kooban oo kasoo bax ay Wasaarad da Waxbarasha da Xukuumadda Soomaaliya ayaa ma rka hore waxaa loogu mahad celi yay macallimiinta had iyo jeer u taagan tayeenta waxbarashada ubadka soo maaliyeed gaar ah aan dajinta, ilaalinta iyo sax ida imtixaanka qar anka ee sanad kasto ay qaado Wasaarad da Waxbarashada.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in ay dada dheer ugu jiraan helida xaquuqda mac alimiinta iyo kuwii saxay Imtixaanka, isla mark aana ay uga maqan tahay dhinaca Wasaarad da Maalliyadda.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Ta cliinta Sare, waxay dadaal dheer ugu jirtaa sidii xuquuqdooda ay u heli lahaayeen macalimiinta u dhabar adeegay ka qeyb-qaadashada imtix aanka qaranka waxayna jawaab ka sugeysaa dhigeeda Wasaaradda Maaliyadda annagoo rajeyneyna in dhawaan aad heli doontaan xaq uuqdiina ku aadan saxida iyo ilaalinta imtixaan ka qaranka ayaa lagu iri” Qoraalka Wasaarad da Waxbarashada.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya aya snad kasta qaada Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare, waxaana mararka qaar ca basho dhanka mushaar la’aanta ah keena Mac alimiintii ka qeyb qaatay saxida iyo ilaalinta imtixaanka.Xigasho:Radiorisaala.Com

Magaalada ugu horreeysa ee laga billaabi karo doorashada Golaha Shacabka oo la shaaciyay

Degmada Baraawe ee G/Sh/Hoose ayaa waxaa ay xilligaan u diyaar garoobeeyso in la gu qabto doorashada Golaha Shacabka ee Aq alka Hoose. Dorraad waxaa degmadaasi bo oqday R/ Wasaaraaraha Xukuumadda xilgaars iinta Max amed Xuseen Rooble oo ay wehlina yeen Xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka Heer Federaal.Guddoomiyaha Gudd iga doora shooyin ka Heer Fe deraal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay in qorshuhu yahay in M/ Baraawe ee Caasimadda Koonfur Galbeed ay noqo to goobta ugu horree ysa ee la gu qabto doora sha da Golaha Shacabka.

Waxaa uu sheegay in uje edka socodkooda uu ahaa inay qiimeeyaan xa aladaha ay ka dha ceyso doorashada & amni gooda, sidoo kalena ay kala kulmeen wax ka duwan wixii ay ka fil ayeen.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga do orashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay inay kormeereen Goobaha ay ka dhacayaan doorashada goobaha ay de gayaan Xubnaha wax dooranayaan, isla mark aana amnigooda ku qanceen.


Senator Dhagdheer oo shaaciyey qor she yaab leh oo ka dambeeya dagaalka hoggaanka AHLU-SUNNA

Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhag dheer oo ka hadlay dagaalka Ahlu-Sunna iyo Galmudug ayaa sheegay in hogaanka ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca dib ugu soo labo ka cleeyay xiligaan sidii madaxtinimada ku heli lahaayeen.

Waxa uu sheegay in Sheekh Shaakir iyo hogaankan kale ee Ahlu-Sunna aysan daacad ka aheyn la dagaalanka Al-Shabaab, oo ayagu sheegay in abaabulkooda ciidan uga dan leeyihiin la dagaalanka argagix isada.

"Sheekh Shaakiroow Shabaab la dagaala mi-meyside Mushkilo ha noo keenin xil baad rabtaaye Qoor-Qoor anagaa dooranay 2-sanaa u dhiman imoow waan ku dooraneynaa laakiin inaad macalimiintii dugsiyada Qur’aanka qoryo kusoo xirto sharaf ku heli meysid, iga qora ha ddii Dhuusamareeb gacanteenna ka baxdo wax Galmudug la dhaho ma jiraan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay hogaanka Ahlu-Sunna oo ugu horeeyo Sheekh Shaakir in xilka ay raadinayaan u soo maraan waddo sax ah, islamarkaana la karaameyn doono, maada ma aytallada wax ku leeyihiin, sida uu sheegay

"Qofka haddii uusan maamul rabin waxaa la yiraahda dowlad diid, anuu waxaa leeyahay ha la wada fariisto oo Sheekh Shaakir ha yim aado Dhuusamareeb oo waxaa leenahay Sheekha ha la karaameeyo.”

Senator Dhagdheer ayaa carabka ku adke eyay in xiisadda lagu dhameeyo wada-hadal, ayada oo la tixgelinayo hogaanka Ahlu-Sunna, oo uu ugu baaqay inay damiyaan xiisada dag aal ee ka taagan deegaano kamid ah maamul ka Galmudug.

Hadalka Dhagdheer ayaa imanaya xili ay xiisada Ahlu-Sunna iyo Galmudug isku bede shay dagaal sababay khasaare iskugu jira dhi masho iyo dhaawac hor leh, islamarkaana dee gaano dhowr ah ay ka baxeen gacanta maam ulka Qoor-Qoor.

Guddoomiyaha Dalladda Waxbarashada SAFE oo ka hadlay geerida Wasiirkii hore ee Waxbarashada

Guddoomiyaha Dalladda Waxbarashada SAFE Md. Keyse Mayoow Abul Xuseen ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo bahda Waxbarashada ay ka geeriyootay Marxuumad khadra Bashiir Cali oo ahayd Wa siirkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada, Hi daha iyo Tacliinta Sare oo Dorraad ku geeriyoo tay Dalka Maraykanka.

Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiye Keyse Mayoow ayaa la gu xusay doorkii wan aagsanaa iyo wadash aqeyntii dhex martay bahda Waxbarashada gaar ahaan Iskuuladda hoos tagga Dalladda SAFE iyo marxuumadda xilligii ay ahayd Wasi irka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare."Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, anigoo ku hadlayo magaceyga iyo magaca guud ahaan Dallada SAFE waxaan ta csi tiiraanyo leh u diraynaa qoyska, qaraabada, bahda Waxbarashada iyo ummadda Soomaal iyeed ee ay ka geeriyootey Alle ha u naxariis tee khadra Bashiir Cali oo ahayd Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada, intii ay ahayd Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada waxa ay door wanaagsan ka soo qaadatay Horumarinta mustaqbalka iyo Waxbarashada ubadka Soom aaliyeed, ka Dallad ahaana waxaa na dhex ma ray wada shaqeyn aad u wanaagsan.” ayuu yiri guddoomiye Keyse Mayoow.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa Marxu umadda Alle u weydiiyey in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada, bahda Waxba rashada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliy eed ee ay ka geeriyootay.

Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo gaar ah ka dejisay M/Dhuusamareeb

M/Dhuusamareeb D/G/Galmudug waxaa Shalay gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Boolis ka gaarka ah ee Haramcad, kuwaas oo laga qaaday Magaalada Muqdisho. Ciidamadaan oo gaaraya ku dhawaad 200 ayaa waxaa ay ka qeyb qaadan doonaan in gacanta Maamulka Galmudug lagu soo celiyo Degmada Guriceel oo jimcihii la soo dhaafay ay la wareegeen Cii damada Ahlusunna Waljamaaca.

Wararka laga helayo M/ Dhu usamareeb ayaa waxaa ay she egayaan in Ciidamada la dejiyay qeyb kamid ah Magaalada, iy aga oo ku biiray Ciidamo dhawaan la geeyay halkaas.

Degaano ka tirsan G/Galgaduud ayaa wax aa ka socda guluf dagaal oo ay wadaan Ciida mada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah & Ciidamada taabacsan Ahlusunna ee la wareegay Guriceel.

Hoggaanka Sare ee Ahlusunna Waljamaa ca ayaa waxaa ay sheegeen in aysan u socon dagaal ay la galaan Ciidamada dowladda & ku wa Galmudug balse ay la dagaalamayaan Al-Shabaab, hayeeshee mas’uuliyiin ka tirsan Gal mudug ay sheegeen in Ahlusunna ay doonaya an inay burburiyaan Maamulka Galmudug.

Maamulka K/Galbeed oo Guddi u saaray dadka laga soo musaafuriyay laas-Caanood

Madaxweynaha D/G/K/Galbeed Cabdi Cas iis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Guddi KMG ah u saaray dadka laga soo musaafuriy ey magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska laftagareen ay aa waxaa lagu sheegay in Guddigaay raadin doonaan hantida dadka laga soo musaafuriyay M/Laas-Canood, kaas oo ah mid balmarsan Di inta & hanaanka dhaqanka dadnimada Soomal iyeed meeldhacna ku ah xaquuqda Aadanaha ee Caalamiga ah oo ay ku kacday Somaliland.

"Markuu texgaliyey:Hab dha qanka aan wanagsaneyn ee ay Somaliland kula dhaqantay muwaadiniin ta K/Galbeed ee ku sugan laascaanood iyo in guddigu sameynt doono gurmad iyo dib-u-dejin dadka lasoo barakiciyey ayaa Madaxweynaha K/Galbeed waxaa uu Magacaabay

Xubnaha Guddiga oo kala ah.

Maxamed Abukar Cabdi Wasiirka Wasaar ad da Arrimaha Gudaha &Dowladaha Hoose ee KGS Guddoomiye Axmed Madoobe Nuu now Wasiirka W/Qorshe ynta & Maalgashiga & Hor umarinta Dhaqaala ha ee KGS Xubin, Ma xamed Cusmaan Xaaji W/ W/Cafimaadka ee KGS Xubin W/W/Gadiidka Cirka iyo Dhulka ee KGS Xasan Xuseen Maxamed

Xubin CabdinAasir Cabdi Caruush Wasirka W/G, Maareeynta & Musiibooyinka ee KGS.

Somaliland ayaa muddo 3 Maalmood oo xiriir ah waxa M/laas-Caanood ee Xarunta G/Sool ka soo musaafurisay in ka badan 2000 oo qof, kuwaas oo degaan ahaan kasoo jeeda Maa mulka K/Galbeed, waxaana falkaas ka car ood ay inta badan Shacabka Soomaaliyeed.

Ololaha wacyigalinta joojinta gudniinka habalaha ee "Gabadhayda Gacalo" oo Muqdisho lagu qabtay

Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka DFS, Xaniifa Xaabsade, ayaa M/Muqdisho ku daahfurtay olole loogu magac daray 'GACALO GABADHEYDAAY' oo ah wacyi galin loogu ta lo galay joojinta gudniinka gabdhaha.

Ololahan oo ay wado hay’adda Ifrah Found ation, ayaa ujeedada laga leeyahay waxay tah ay sidii Soomaaliya looga ciribtiri lahaa gudniin ka hablaha, waana barnaamij ay iska kaashan ayaan wasaaradda haweenka federalka,

UNFPA iyo Ifrah Foundation.

Wasiirka haweenka, Xaniifa Xaabsade, waxay sheegtay in uusan jirin wax qiil ah oo loo hayo gudniinka hablaha, iyadoo ku tilmaamtay inuu yahay dhaqan Soomaaliya meel kale uga yim id, loona baahan yahay in dadka laga wacyi galiyo sidii loo cirib tiri lahaa.

Ifraax Axmed, aas aasaha Ifrah foundation, waxay sheegtay, in ololaha 'GACALO GAB ADHEYDAAY' uu yahay fikir muddo 6sano ah ka dhex guu xayay, kadib markii ay dareen tay culayska iyo xanuunka uu gudniinku hayo bulshada Soomaaliyeed & sida aysan dadku ugu wacyi gashanayn dhibaatadi isa. "Muddo sanado ah ayay igu qaadatay sidii aan Somaliya uga hirgalin lahayn ololaha 'GA CALO GABADHEYDAAY'. Waxaan Shalay ku faraxsanahay, in ololahan uu noqonayo mid federalism ah" ayay tiri Ifrah oo wareysi siinaysay BBC Soomali.

Ifrax waxay sheegtay in ay aaminsan tahay in muddadii ay wadeen wacyi galinta ay wax badan iska beddeleen gudniinka. Balse waxay tilmaamtay in si dhow gudniinka loo ciribtiro ka ro, haddii bulshada si fiican loo wacyi galiyo, oo culimadu isla qaataan in gudniinku yahay dhaqan meel kale ka kaga yimid Soomaaliya.

"Haddii hooyo walba oo Soomaaliyeed ay nala qaadato fikirka ah, in gabadheeda ay ka ba dbaadiso dhibka ay soo martay iyada, Waxaan hubnaa 100% in gabadha dhalandoonta aysan marin dhibaatadaas. Midda hadda lix jirka ah na hooyadeed ka badbaadiso gudniinka," ayay tiri Ifrah oo hadalkeeda sii wadata.Si kastaba ha ahaatee, daraasado la sameey ay ayaa she egaya in, 98% hablaha Soomaali yeed ay mar een nuuc kamid ah gudniinka. Wel ina caada da gudniinka waxay ka jirtaa 30 wad

dan oo ay Somali kamid tahay.


Ciidamada dowlada oo degaano la wareegay

Ciidamada sida gaarka ah u tabaran ee xoo gga dalka Soomaaliyed ayaa markale waxaa howlgal qorsheysan saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen tuulooyin u dhow degaanka Ja naale oo hoosta Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalka oo ay hoggaaminayeen saraaki il ka tirsan ciidanka xoog ga dalka iyo Maamulka degaanka Janaale ayaa waxaa ay kula wareegeen tuulooyinka, Kaayt ooy, Mushaani, Xerta Doonka, Waagadeiyo kabtaanka oo dhamaantood u dhow degaanka Janaale ee Gobalka Shabellaha Hoose.

Taliyaha Ciidamada sida gaarka u tababar an Ee xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdullaa hi Mustafe (Madaale Qaran) ayaa sheegay in Ciidamada dowladda aysan dib uga laaban doonin degaannada ay la wareegeen, isla mar kaana amniga xaqiijin doonaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamada xoogga dalka & Maamulka degaanka Janaale ay u diyaarsan yihiin inay degaannada kale ee Shabeellaha Hoose kala wareegaan Ururka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degaanka Janaale Cabdirax maan Cabdinuur Al –Cadaala oo la hadlayay bulshada degaanka mushaani ayaa u mahad celiyay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliye ed & Bulshada degaanka oo iska kaashaday in tuulooyinka lala wareego.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha degaanka Ja naale ayaa waxaa uu ugu baaqay Dhalinyara da weli ka tirsan Al-Shabaab inay isku soo dhii baan Ciidamada dowlada Soomaaliya, sidoo kalena ay dib u soo celin doonaan horumara dii kajiray.

Inta badan Ciidamada dowladda Soomaali ya ayaa waxaa ay howlgallo kala duwanka sa meeyaan degaano & degmooyin ka tirsan G/ Sh/Hoose, balse ay mararka qaar weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.

Puntland oo soo dhaweeysay dad horleh oo laga soo musaafuriyay laas-Caanood

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug ee Puntland Maxamed Xasan Waloore oo ay wehlinayasn Maamulka Dagmada Gaalkacayo iyo Maamulka Degmada Xarfo ayaa Wajiga la baad soo dhaweyn iyo Dibu-dajin usameeyey Dad Shacab ah oo laga soo Barakiciyey M/ La ascaanood oo Smsoo gaarey Dagamada Xarfo Ee Gabolka Mudug.

Shacabkaan ayaa ah qaybtii 2aad ee Dibu dajin, gargaar isugu jira caafimaad iyo Cuno lo osameeyo, kuwaasoo laga soo barakiciyey M/laascaanood ee Gobolka Sool.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Cabdiraxma an Dhamancad ayaa sheegay in Puntland mar walba soo dhaweeyn eyso, isla markaana dadka doonaya inau aada an degaannada kala ee dalka safarka u fudude eynayaan.

Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Puntland oo uu wehlinayay Madaxweyne kuxigeenka Ma amulkaas ayaa Shalay shir ka yeeshay xaala da daskila ay Somaliland kasoo musaaf urusay laas-Caanood.

Saraakiisha ugu saraysa ciidamada Somali land oo ka hadlay raafka Laascaanood

waraakiisha ugu saraysa ciidamada Somali land oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in howgalka lagu masaafurinayo dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, uu yahay ho wlgal lagu sugayo amniga M/Laasca an ood.

Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Somali land Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in ay jecelyihiin shac abka reer Soomaali ya, isla ma rkaana, u mada reer Somaliland tahay umad la gu dhex noolaan karo, sidasay tahayna howga lkan ay sababtay sugida amniga gobolka Sool.

"Waxaanu nahay umad uu dadku la nool aan karo, uu dhexgali karo, oo uu la ceeshi ka ro, inkastoonu kala tagnay lakiin anagu wa anu jecelnahay shicibka reer Soomaaliya, dow lada uun baanu is haynaa, arrintan waxa keenay ha lkan dil badan ayaa ka dhacay, rag bad an oo hal door ah ayaa lagu laayey oo ilaa 86 qof ah oo rag iyo dumarba leh" ayuu yidhi Ta ani.

"Anagoon cidna waxba yeelin oo dadka reer Baydhabo iyo dadka kale ee ajinabiga ahba xu shamad iyo sharaf u hayna waxaanu go'aan ku gaadhnay in ay sinabada ku baxaan, anaga oo aan cidna waxba yeelin" ayuu Taani hadalkiisa ku daray.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Somaliland Maxammed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa xusay in dilalka qorshaysan ee sanadihii lasoo dhaafay lala beegsanayay haldoorka gobolka Sool ay shabahayeen, dilalka ka dhaca koonf urta Soomaaliya, sida darteedna, ay go'aan sa deen in dadka aan reer Somaliland ahayni ay gobolka ka baxaan.

"Muddo tobaneeyo sanno ah magaalada La ascaanood waxa ka dhici jiray dilal qorshay san, oo aan ka dhicin dalka intiisa kale, taas oo u egayd mashruucan ka socda Soomaaliya oo Somaliland ka nabad qabto, anaga oo amniga u xilsaaran waxa aanu go'aan sanay in aanu gobolka ka suulino kansarkaa dadkii haldoor ka aha laynaya" ayuu yidhi Daba-gale.

"Haddii aanu amniga nahay waxaanu go'a ansanay in wixii aan reer Somaliland ahayn, ay gobolka ka baxaan si aanu gunta u gaadhno, iyagoo nabad qabana ay dalalkoodii ku noqd aan" ayuu hadalkiisa ku daray Daba-gale.

Taliyaha Ciidamada Badda Somaliland Max amed Xuseen Faarax (Xiirane), ayaa sheegay in waajibkoodu uu yahay in ay sugaan amniga gobolka, isla markaana, dadku si nabad ah ku ganacsan karaan, kuna noolaan karaan.

"Waajib kayagu waxa weeyaan in nabad la gu noolaado oo dilalkan la ogaado halka ay sal ka ku hayaan, ayuu waajib kayagu yahay, dad ku in ay nabad ku seexdaan, baabuurtu na bad ku socoto, xoolohooda nabad ku iibsadaan we eyaan, in lasoo afjaro oo waxan la daba ga lo ayaanu iskugu nimid" ayuu yidhi Xiirane.

Waxa magaalada Laascaanood ka socona ya howlgal ay hogaaminayso xukuumada So mali land, oo gobolka Sool lagaga tarxiilayo dadka aan reer Somaliland ahayn, ilaa iyo ha dda inta la hubo waxaa la mastaafuriyay 700 oo qof oo kasoo jeeda maamulka Koonfur Gal beed ee Soomaaliya.

Maxkamad ku taala Puntland oo ayidday dil lagu xukumay 8 nin

Maxkamadda Darajada 1aad ee CQS G/ Mudug & Cayn ee Puntland ayaa xukun dil tog asho ah ku xukuntay dhallinyaradan, 7-dii bi shii July ee sanadkan.

Fadhiga Maxkamadda Rafcaanka oo Dorraad iyo Shalayba ka socday Waq ooyiga M/Gaalk acyo, lag una dhageysanayay eed eymaha loo haystay raggaasi ayaynaan Maxk amaddu wax ka bedel ku samayn go’aankii horey uga soo baxay Garsoorka Maxkam adda Ciidamada.

Puntland ayaa 27-kii bi shii June waxay xu kun dil toogasho ahi ku fulisay 21 tan nin, oo la gu helay inay dilal iyo qaraxyaba ka gaysteen deegaanada Puntland.

Odayaasha Laascaanood "Shaqo kuma lihi n falka lagu masaafuriyay dad reer Koonfur Galbeed"

Qaar kamid ah odayaasha degmada Laas caanood, oo warbaahinta la hadlayay ayaa she egay in aan lagala tashan masaafurinta dadka reer Koonfur Galbeed, isla markaana, anay ku qanacsanayn habka loo maamulay tarxiilka bulshadaa.

Waxay sheegeen in amarka lagu tarxiilay bulshada kasoo jeeda maa mul ka Koonfur Ga lbeed ee Soom aaliya uu kasoo fulay wafti wa siiro iyo saraakiil ciidan ah, oo xukuumada So maliland u soo dirtay xal ka gaadhista amaan darada Laasca anood.

"Waftigaa Hargaysa ka socda oo xukuuma du soo dirtay mar kii ay yimaadeen kadib waxa soo baxday in dadkii la raray, dad kaa la rara yo waa dad de egaanka Laascaanood in bad an daganaa car uurihii ku dhashay ayaa xaa sas ku yeeshay, hadii xataa loo arkay in la raro waxan leenahay sida loo raray si sax ah ma aha" mid kamida odayaasha ayaa sida yidhi.

Odayaasha ayaa soo jeediyay in madaama oo dadka la raafay ay hanti ku lahaayeen mag aalada, hantidaasi oo anay qaadan, in hanti doodii loo ilaaliyo isla markaana, madaxda iyo wax garadka Laascaanood ka wada shaqeey aan sidii dadkaa iyo hantidooda laysku gaadhs iin lahaa. Waxay sheegeen in ay ahayd arrin si deg deg ah loo qabtay.

"Waxaanu u sheegaynaa bulshada in arrin kaa maamulku aanu nagala tashan, oo ay ah ayd arrin la dadajiyay oo si deg deg ah loo qab tay.. dadkaa si qax ah ayaa loo raray qof qu dha oo shay qaatay malahayn, dadkaa hantido odi iyo alaabtoodii waxaanu ka codsanaynaa dadka gobolka Sool ku dhaqan ee masuuliyiin ta ah in dadka hantidoodi gacanta loogu dhigo" sida waxa yidhi mid kamid ah odayaasha.

Xukuumada Somaliland ayaa qaaday howlgal ay ku qab qabanayso isla markaana, gobolka Sool kaga tarxiilayso dadka kasoo jeeda maa mulka K/Galbeed ee Somaliya, ilaa & hadda in ta la hubo waxa la tarxiilay ku dha waad 700

 

Diyaarad Yar Oo Ku Dul Burburtay Guri Ku Yaal M/Milan Dalka Talyaaniga

Diyaarad khaas ah ayaa ku dhacday guri ku yaal M/Milano ee waqooyiga Talyaaniga, wax aana ku dhintay dhammaan sideeddii qof ee saarnaa diyaarada.

Diyaaradda oo ku sii jeeday jasiiradda Sar dinia, ayaa soo dhacday waxyar ka dib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee Lin ate ee M/Milan.

Duuliyuhu wuxuu ah aa bilyaneerka reer Ro mania Dan Petrescu, oo 68 jir ahaa.

Petrescu, oo ah mulkiilaha guryaha, wuxuu ka mid ahaa dadka ugu taajirsan dalka Rom ania. Ka sokow isaga, xaaskiisa iyo wiilkooda oo 30 jir ah ayaa ku dhintey shilkan,sidoo kale ilmo yar ayaa la soo sheegayaa inuu ka mid yahay dadka shilka ku dhintey.

Shilka ayaa gubay xayndaabkii xafiiska iyo dhowr baabuur oo taagnaa. Ma jirto cid dhulka jogtay xilliga ay soo dhacaysay diyaaradda. Ma amulka Milan ayaa sheegay inay bilaabayaan baaritaan ku saabsan waxa sababay shilka.

Abiy Axmed oo loo dhaariyay inuu itoobiya hoggaamiya shanta sano ee soo socota

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa markale loo dhaariyay xilka hoggaamiy aha dalkaas oo uu ku guuleystay ka dib doo

 

rashadii dhowaan ka dhacday Itoobiya, wuxu una shaacin doona golihiisa wasiirada.

 

Doorashada uu guusha ka gaaray waxay ahayd mid la isku khilaafay oo ay qaadeceen axsaabta siyaasadda dalkaas, taas oo sabab tay in Xisbigiisa uu si aqlabiyad ah guul u gaaro.

Balse, guushiisa waxaa daboolay oo daah saaray colaadda gobolka Tigray. Abiy Axmed ayaana xilka Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya sii ha yndoono illaa shanta sano ee soo socota.

Abiy wuxuu hoggaamiyaha dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, noqday sannadkii 2018, ka dib dibadbaxyo muddo socday oo loo ga soo horjeeday dowladdii isaga ka horeysay ee Itoobiya.

Xilligaas Abiy waxbadan lagama garaney nin, wuxuuna si fudud ugu guuleystay quluubta malaayiin qof, kuwaas oo uu ku soo jiitay isbe dello dhanka siyaasadda ah oo Itoobiya uu ka hirgeliyay. Wuxuu sidoo kale heshiis la galay Eritrea. Tallaabooyiinkaas ayuu ku muteystay Abaalmarinta Caalamiga ah ee Nabadda.Laakiin waxaa isla markiiba caqabad ku no qday qalalaasaha qowmiyadeed ee dalkaas ka bilowday. Dhibatada ugu wayn waxay soo waj ahday sannadkii la soo dhaafay ka dib markii uu dagaal ka bilowday Gobolka Waqooyiga ku yaalla ee Tigray. Waxaa la aminsan yahay in kumannaan qof ay ku dhinteen colaaddaas, waxayna hay'adaha caalamiga ah sheegayaan in dhinacyada oo dhan ay geysteen xadgudubyo.

In kastoo mar uu xirtay suunka Abaalmarinta nabadda ee Caalamiga ah (Nobel Peace), haddana maamulkiisa wuxuu wajahayaa dhalleeceyn caalami ah oo la xiriirtay xiyiridda gargaarkii la gaarsiin lahaa Tigray.

Hadda arrinta walwalka ugu wayn uu ka jiro waxay tahay sida dowladda cusub ee Abiy uu soo dhisi doono ay xal ugu heli karto colaadaha uu dhiigga badan ku daatay ee dalkaas.

Abiy Axmed: Nabaddoonkii gobolka muxuu dagaal u doorbiday?

"Aniga waxay ila tahay in Itoobiya aysan hadda dagaal u baahnayn. Ma doonayo in la igu daro dadka jeceyl in ay tallaabo militari qaadaan. Waxa aan doonayo in aan Tigray u diro ma ahan rasaas, ee waa gafuur-xirka cudurka coronavirus", ayuu yiri Abiy Axmed oo ka hadlayay doorashadii ay qabsadeen maamulka Tigray oo dowladda dhexena ay diidanayd, ee bishii September.

Xilligaas wuxuu sheegay in dowladdiisa aysan wax dagaal militari ah la gali doonin Tigray.

Balse hadda, wuxuu Ra'iisul Wasaaraha hoggaaminayaa duullaan ka dhan ah hoggaamiyeyaasha TPLF.

Dagaalka oo galay isbuucii seddaxaad waxaa la soo sheegayaa in boqollaal qof ay ku dhinteen.

Hay'adaha gargaarka waxay sheegayaan in kumannaan qof ay ka barakeceen colaadda. Sidoo kale illaa 40 kun oo qof ayaa u qaxay dhanka dalka jaarka ah ee Sudan. Qaramada Midoobeey waxay ka digeysaa dhibaato bini-aadamnimo.

Abaalmarinta nabadda iyo dagaalka

Abiy Axmed ayaa ku guuleystay billadda Nababadda ee Nobeel-ka, waxayna guddiga sheegeen inuu biladda ku muteystay doorkiisa xalinta khilaafaadka xadka ee kala dhexeeya Ereteriya, iyo kor u qaadista nabada iyo dib u heshiisiinta dalkiisa iyo guud ahaan Bariga Afrika.

Sannadkii 2018-kii Abiy waxaa uu dhaxlay waddan uu hareeyay khilaaf aan la xallin karin oo ka jiray xuduudda dhanka woqooyi, oo ah gobol ay xasillooni darradu si weyn dib ugu dhigtay horumarkiisa dhaqaale.

Dhawr bilood gudahood, wuxuu heshiis nabadeed la saxiixday Eritereya oo ah dal ay Itoobiya la gashay dagaal culus.

Si hadafkaas loo gaaro wuxuu Abiy ballanqaaday in uu wareejin doono dhul si aad ah loogu muransanaa, gaar ahaan magaalada Badme, oo ah halkii ay ka dhaceen dagaalladii cuslaa, sanadihii 1998-kii iyo 2000, kuwaas oo tobannaan kun oo qof ay ku naf waayeen.

Abiy Axmed ayaa sidoo kale lagu amaanay in uu Itoobiya u horseeday isbadallo muhiim oo dhanka dimuqraadiyad ah iyo dadaalkiisa xallinta khilaafaadka meelo kale oo gobolka ka mid ah.

Aabihii Axmed Cali oo geeriyooday sannad ka dib markii uu xilka Ra'iisul Wasaaraha qabtay wiilkiisa, wuxuu Abiy ku tilmaamay "wiil saaxiib la ahaa qof walba." Wuxuu hadlkaas ku sheegay wareysi uu siiyay BBC, bishii July, 2018.

Muddadii yarayd ee uu xafiiska joogay, Abiy waxaa uu door muhiim ah ka ciyaaray dhexdhexaadinta goballada kale ee xiisaduhu ka jireen.

Waxaa uu sidoo kale kaalin muhiim ah ka qaatay in militariga Suudaan ee xukunka dalkaas la wareegay iyo mucaardka ay miiska wadahadalka isugu yimaadaan, ka markiimuddo mucaaradku ay wadeen dibad-baxyo baahsan oo ka dhacay Khartuum iyo meelo kale.

Wadahadallada labada dhinac waxay horseedeen in la sameeyo dawladda ku-meel-gaar ah oo awood wadaag ah.

Intaa waxaa u dheer, in uu isku dayay inuu gacan ka geysto sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Eritereya iyo Jabuuti, ka dib sannado colaad siyaasadeed iyo mid xuduud ay ka dhex jirtay labada dal.

Facebook, WhatsApp iyo Instagram oo saacado badan hawada ka baxay + Sababta

Facebook, iyo baraha kale ee shirkadaas ay leedahay ee Instagram, WhatsApp iyo Mess enger ayaa hawada kusoo laabtay in ka badan lix saac kadib markii ay ka baxeen, ayada oo balaayiin qof oo adeegsan jiray ay dareemay aan saameynteeda.

Dadka isku dayaya inay galaan facebook ayaa waxaa muddo saacado ah ka hor-imanayey farr iin dhaheysa "Waxbaa qal dan. Waan ka shaqeyneynaa, waana xalin doo nnaa, sida ugu deg degta badan oo aan u awoodno.”

Markii ciladda ay bilaabatay ayaa afhayeen u hadlay facebook Andy Stone oo qoraal soo dhigay barta twitter-ka wuxuu yiri "Waxaan ka war haynaa in qaar ka mid ah dadka ay dhib aato ku qabaan inay galaan baraheena.”

Abaare 6:30 pm ee xilliga Mareykanka iyo 1:30am ee xilliga Muqdisho ayey facebook xaq iijisay inay baraheeda dib hawada ugu soo laabteen.

"Dhammaan bulshada shacabka iyo ganacs iyada dunida ee nagu xiran, waan ka xunahay. Si xooggan ayaan uga shaqeyneynay inaan ha wada kusoo celino baraheena, waxaana hadda ku faraxsannahay inaan ku dhowaaqno inaan soo celinay,” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee twitter.

Cilladdan ayaa timid maalin kadib markii ga bar ka shaqeyn jirtay facebook oo ka tagtay ba lse horey u qaadatay dokumentiyo sir ah ay ba rnaamijka 60 Minutes ee taleefishinka CBS ee Mareykanka u sheegtay, in shirkadda ay qari say xogta daraasad ay ku ogaatay in bogagg eeda ay huriyaan naceybka iyo rabshadaha, halisna ku yihiin maskaxda caruurta.

Frances Haugen, oo ah 37 jir kasoo jeeda gobolka Iowa, ayaa sheegtay inay la shaqeysa Google iyo Pinterest balse aysan arag wax loo dhigo sida ay Facebook u xun tahay.

Waxay sheegtay in facebook ay ogolaato in naceybka iyo rabshadaha lagu faafiyo boga ggeeda, ayna iska indho tirto, sababtoo ah "akhbaaraadka noocaas ah waa kuwa aad loo daawado, lacag badan oo xayeysiin ahna usoo xareeya” Facebook.


WARQADAHA PANDORA: XOG KU SAABSAN HANTIDA QOYSKA MADAXWEYNAHA KENYA OO LA FASHILAY

Qoyska Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, oo xukumayay siy aasadda dalka tan iyo xornimadii, ayaa si qarsoodi ah u lahaa shabakad shirkado xeebeed muddo 10naan sano ah, sida ku cad waraaqo maali yadeed oo aad u badan oo la soo dusiyay.

Dukumiintiyada "Pandora Papers" oo ah 12 Milyan oo faylal - ayaa ah kuwii abid ugu badnaa ee la soo du siyo oo noocooda ah.

Mr Kenyatta iyo 6 xubnood oo ka tirsan qoyskiisa ay aa lala xiriiriyay 13 shirkadood oo ku yaalla meelo ka baxsan waddanka Kenya. Wali kama aysan jawaabin codsiyada ku aaddan inay ka hadlaan arintan.

Maalgashiga Kenyatta ee ka baxsan dalkiisa, oo ay ku jirto shirkad leh kayd iyo dammaanad qiimaheedu yahay $ 30m (£ 22m), ayaa laga helay boqollaal kun oo bog oo waraaqo maamul ah oo laga helay kayd ka 14 shirkadood oo sharci iyo adeeg bixiyayaal ah oo ku yaalla Pana ma iyo British Virgin Islands ( BVI) iyo meelo kale.

Hantida qarsoodiga ah ayaa lagu ogaaday baaritaan la sameeyay oo la daabacay goor sii horreysay oo Axaddii ah, oo ay soo saareen dallad da caalamiga ah ee saxafiyiinta wax baara (ICIJ), Finance Uncovered, Africa Uncensored iyo ururro kale oo warbaahineed.

Dukumiintiyada ayaa muujinaya in shirkad samafal oo lagu magicaa bo Varies laga abuuray sannadkii 2003 -dii Panama, iyada oo hooyada Mr Kenyatta, Ngina, oo 88 jir ah, loogu magac daray deeq bixiyihii ugu horreeyey iyo hoggaamiyaha Kenya oo ahaa deeq bixiyihii 2aad, kaas oo dhaxli doona geerideeda ka dib.

Ujeedada aasaaska iyo qiimaha hantidiisa lama garanayo.

Shirkadda Panama ayaa aad loo raadiyaa sababtoo ah kuwa leh ha ntida dhabta ah waxaa yaqaan qareennadooda oo kaliya mana aha inay magacyadooda ka diiwaangeliyaan dowladda Panama, sida ay tabisay dalladda ICIJ.

Hantida ayaa sidoo kale loo qaabayn karaa in lagu wareejiyo cansh uur-dhaaf qofkii beddeli lahaa.

Ma jirto qiyaas lagu kalsoonaan karo oo ah hantida saxda ah ee reer Kenyatta balse danaha ganacsi ee baaxadda leh ayaa ah gaadiidka, caymiska, hoteelada, beeraha, lahaanshaha dhulka iyo warshadaha wa rbaahinta ee Kenya.

Sannadkii 2018-kii, Mr Kenyatta wuxuu u sheegay barnaamijka Hard talk ee BBC-da in hantida qoyskiisu ay dadweynuhu ogyihiin, madaxw eyne ahaanna uu u caddeeyay hantidiisa sida sharcigu farayo.

"Sida aan mar walba sheego, waxa aan leenahay iyo waxa aan hays anno xogtooda waa mid u furan dadweynaha. Anigoo ah shaqaale dowl adeed waxaa la iga rabaa inaan hantideyda ogaado oo aan sannad wal ba caddeynno," ayuu yiri My Kenyatta.

"Haddii ay jirto tusaale qof ku dhihi karo wixii aan sameynay ama aan helnay ma ahayn kuwa sharci ah, soo sheeg, waxaan diyaar u nahay in aan wajaho maxkamad kasta," ayuu raaciyay.

Isla wareysigaas ayuu Mr Kenyatta ku sheegay inuu doonayo la daga allanka musuqmaasuqa iyo horumarinta hufnaanta inay noqoto dhaxal kiisa. Wuxuu ballan qaaday inuu baarlamaanka kala shaqeyn doono sidii loo abuuri lahaa sharci ku khasbaya mas'uuliyiinta dowladda inay shaaciyaan hantidooda, laakiin weli xildhibaannadu ma ansixin hindise-sharciyeedkan.

Hoggaamiyeyaasha kale ee adduunka ee lagu magacaabay Waraaq aha Pandora ayaa waxaa ka mid ah Boqorka Urdun Abdullah II, R/Was aarihii hore ee UK Tony Blair, Madaxweynaha Gabon Ali Bongo Ondim ba iyo Madaxweynaha Congo-Brazzaville Denis Sassou-Nguesso.

Macmiilka 13173

Ma cadda in Madaxweyne Kenyatta, oo xilka wareejinaya sannadka dambe, kaddib 10 sano oo uu xafiiska joogay, uu wax ka ogaa aasaas ka shirkadda Varies laakiin waqtiga la furay ayaa ku aaddanaa mid ay suuragal tahay in lagu wargeliyay.

7 bilood ka hor xilligaas, ayaa wuxuu ku guuldaraystay doorashadii madaxweynenimada ee 2002 -dii, markaasoo uu ka adkaaday mushara xa mucaaradka Mwai Kibaki, oo wacad ku maray inuu hagaajin doono dambiyada taariikhiga ah iyo sidoo kale inuu bilaabi doono dagaal ka dhan ah musuqmaasuqa. Waqtigaas, qoyska madaxweynihii xilka ka degay Daniel Arap Moi, oo ahaa saaxiibka Kenyatta, ayaa la sheegay inay lacag kala baxeen dalka, sida lagu sheegay warbixin la dusiyay 2014-kii oo uu soo saaray la taliyaha caalamiga ah ee dhinaca khatarta, Kroll. Qoyska Kenyatta, ayaa Aas-aasay danahooda siyaasadeed iyo gana csi intii uu talada ha yey madaxweynihii ugu horreeyay ee Kenya, Uhuru aabihiis Jomo. Wax aa lagu eedeeyay inuu jagadiisa u adeegsaday hanti uruursi.

Ka dib geeridiisii 1978-kii, Ngina Kenyatta, oo ahayd xaaskiisa 4aad, ayaa kaalin mug leh ka ciyaartay ballaarinta danaha ganacsi ee qoyska.

Waraaqaha ay aragtay BBC-da, ee Pandora waxay daaha ka rog een in 1999-kii Mrs Kenyatta iyo labadeeda gabdhood, Kristina iyo An na, ay aasaaseen shirkad ka dhisan dalka dibaddiisa- oo lagu magaca abo Milrun Internatinal Limited - oo lagu lammaaniyay BVI.

Sida laga soo xigtay ICIJ, Mrs Kenyatta iyo gabdhaheeda waxaa la taliyay khubaro ku xeel dheer arrimaha hantida caalamiga ah oo khibrad leh oo ka socda bangiga Swiss Union Bancaire Privée (UBP), oo shaqa aleysiisay Alcogal, oo ah shirkad sharci oo laga leeyahay Panama oo ku takhasustay sameynta iyo maamulidda shirkadaha qarsoon ee dibadda.

Dalladdu waxay sheegtay in dalabka lacago adeeg lagu fuliyay oo ay Alcogal u dirtay bangiga ay muujinayaan in la taliyeyaasha u dhash ay Switzerland ay la hadlayeen qoyska Kenyatta iyagoo adeegsnayay af garashada ah "macmiilka 13173".

Alcogal waxay siisay Milrun xafiis ka diiwaan gashan jasiiradaha ugu waaweyn BVI, Tortola, waxayna siisay xubnaha shaqaalaha inay u noq daan agaasimayaasha rasmiga ah ee shirkadda.

Natiijadu waxay noqotay shirkad gebi ahaanba la qariyay oo aan dib loogu raadin karin qoyska Kenyatta.

Shirkadan waxay u isticmaaleen Mrs Kenyatta iyo gabdhaheeda si ay u iibsadaan guri ku yaalla badhtamaha London, kaas oo ay wali leed ahay, sida ku cad diiwaangelinta Diiwaanka Dhulka ee UK oo ay aragtay warbaahinta Finance Uncovered.

Hantida ugu weyn, oo ilaa dhowaan ay kiraysay Xildhibaanadda La bour-ka Ingiriiska Emma Ann Hardy, ayaa hadda lagu qiyaasay in qiima heeda uu yahay ku dhawaad $ 1.3m.

Afhayeenka Ms Hardy ayaa sheegtay in Xildhibaanka, "aysan haba yaraatee aqoon u lahayn" cidda leh hantida.

"Waxay la yaabban tahay waxa uu daahfuray baaritaankan, waxay na rumeysan tahay inay muujineyso sababta daahfurnaan dheeraad ah loogu baahan yahay si degdeg ah," ayaa lagu yiri bayaankeeda.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Finance Uncovered, qoyska Ken yatta waxay isticmaaleen shirkado kale oo ka baxsan dalka si ay uga iib sadaan laba guri oo kale gudaha UK. $ 30m ee kaydka iyo curaarta

La-taliyayaasha hantida gaarka ah ee UBP ayaa sidoo kale ka caawiyay Mr Kenyatta walaalkiis, Muhoho, inuu aasaaso hay'ad Panama laga dhis ay oo la yiraahdo Criselle Foundation sannadkii 2003-dii.

Hay'addaas waxay ka diiwaangashan tahay xafiisyada Alcogal ee Ma gaalada Panama, waxaana magac ahaan maamula xubnaha guddiga ee ka socda shirkadda sharciga ee Panama.

Waxaa loo dhisay danta Muhoho Kenyatta, waxaana ku xigay wiilkii sa Jomo Kamau Muhoho. Shirkad kale oo BVI ah oo uu Mr Muhoho la haa ayaa lagu qiimeeyay inay $ 30m ka joogto suuqa kala iibsiga saam iyada bishii November 2016.

Baaritaan lagu sameeyay diiwaannada dadweynaha ee BVI iyo Pan ama ayaa lagu ogaaday in inta badan shirkadihii ku xirnaa Kenyatta ay hadda yihiin kuwo hurda, qaarkoodna ay sabab u tahay bixin la'aanta khidmadaha sharciyeynta.

Maaha sharci -darro in la maamulo shirkado qarsoodi ah, laakiin qaar baa loo adeegsaday weji hore si lacag loo leexiyo, looga fogaado can shuuraha iyo lacagaha la dhaqay.

Waraaqaha Pandora, si kastaba ha ahaatee, ma muujinayaan wax ca ddeyn ah oo sheegaya in qoyska Kenyatta ay xadeen ama ku qariy een hanti dowladeed shirkadohooda qarsoon ee ka baxsan dalka.

Waraaqaha Pandora waxay shaaca ka qaadeen ku dhawaad 12 milyan

oo dukumiinti iyo faylal fashilaya hantida qarsoon iyo macaamilka

hoggaamiyeyaasha adduunka, siyaasiyiinta iyo bilyaneerada.

Xogta waxaa helay Dalladda Caalamiga ah ee Saxafiyiinta Baarista ee Washington DC oo horseeday mid ka mid ah baaritaannadii ugu weynaa ee abid ka dhaca caalamka. In ka badan 600 oo suxufi oo ka ka la socda 117 dal ayaa eegay hantida qarsoon ee qaar ka mid ah dadka

ugu awoodda badan dunida.

BBC Panorama iyo Guardian ayaa horkacayay baaritaanka UK





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip