HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO SABTI 2-DA OCTOBAR 2021-KA

0
Saturday October 02, 2021 - 00:00:00 in Wararka by
  • Visits: 416
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO SABTI 2-DA OCTOBAR 2021-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Muxuu R/W ROOBLE ka yiri doorashadii Shalay lagu soo gaba-gabeeyey Afisyoone?

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Md. Maxamed Xuseen Roobe ayaa war kasoo saaray do orashada kuraasta gobollada waqooyi ee Aqalka Sare, taas oo Shalay lagu soo gaba-gabeeyey gu daha M/Muqdisho.

Ugu horreyn Rooble ay aa farriin u diray Senata radii u gu dambeeyey ee Shalay lagu doortay Teendhada Afisyoone oo ku dhex-taallo Xerada Xalane.

"Waxaan hambalyo u dirayaa mudaneyaasha Shalay la doortay ee Aqalka Sare ee BFS ku matala ya Somaliland,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumad da Soomaaliya.

Rooble ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan-yahay in lasoo gaba-gabeeyo doorashada So maliland ee Aqalka Sare oo uu muddo ka taagaan khil aaf xoogan. "Waa ku faraxsanahay in doorashadii Aqal ka Sare ee Gobollada Waqooyi ku soo idlaatay guul,” ayuu markale qoraalkan ku yiri Maxamed Xuseen Roo ble.

Ugu dambeyn wuxuu bogaadiyey ergadii ka qeyb-gashay doorashada iyo sidoo kale guddigii maamul ay eydorashada kuraasta G/lada waqooyi ee Somaliland.

"Waxaan hambalyo iyo ammaan u jeedinayaa ergo oyinkii wax doortay iyo guddiyada doorashada ee sida hufan ee xilkasnimada leh doorashada u maamulay,” ayuu raaciyey.

Hadalka Rooble ayaa ku soo aadayo, iyada oo Shalay la dhammeystiray doorashada 11-ka xubnood ee ay Somaliland ku leedahay golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Rooble Iyo Swan Oo Socod Majo-Baxsi Ah Ku Sa meeyey Xeebta Muqdisho

R/Wasaaraha XFS Md.Rooble oo uu weheliyo Erge yga gaarka ah ee Q/Midoobay ee Somaliya James Sw an ayaa gelinkii dambe ee Shalay socod majo baxsi ah ku ku maray xeebaha badweynta India ee garoonka Aadan cadde ee M/ Muqdisho.

Afhayeenka xukuumada Somaliya Maxamed Ibraah im Nuur ayaa ku tilmaamay socodkan inuu ahaa mid majobaxsi ah oo lahaa labo ujeedo.

" R/Wasaare Rooble iyo Ergeyga Q/Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa Shalay socod minjo baxsi ah waqti dheer "passeggiata " ku Lugeeyay Xeebta Xalane, Uje edka 1aad waxa uu ahaa guu shii dhamaystirka Aqalka Sare ee Somaliland oo Shalay soo idlaatay” ayuu yiri Macalimu.

Ujeedada 2aad ee socodka ayuu ku tilmaamay af hayeenka inuu ahaa mid loogu diyaargaroobayay doo rashada xildhibaanada golaha shacabka;

"Ra’iisul Wasaaraha oo hogaaminaya doorashada dalka ayaa u sii alamiinteynaya hirgalinta doorashada Gollaha Shacabka oo Eebe idinkii uu rajeynayo inuu nabad ku soo gabagaboobo inshallah. Waxana isaga oo Allah talo saaranaya uu la kashanayaa Gollaha Wa datashiga Qaran, Musharaxiinta iyo Guud ahaan Shac abka Soomaaliyeed” ayuu yiri afhayeenka.

Waxaa Shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho doorashada senatorada Aqalka Sare ee gob olada waqooyi ee dalka iyadoo uu sheegay Guddoom iyaha guddiga doorashooyinka in toddobaadka soo so cda ay bilaaban doonaan doorashada golaha shacab ka.

Somaliland oo u hanjabtay ergadii afka duub atay ee doorashada kaga qayb gashay Xamar

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdirax maan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in xuk uumada Somal iland ay og tahay ergadii wajiga duubtay ee ka qa yb galay doora shada aqal ka sare ee Soomaaliya, isla markaana, talaabo laga qaadi do ono. Saylici ayaa sheegay in xildhibaannada la do ortay ee dowlada Soomaaliya ay sheegtay in ay So maliland metal aan, anay Somaliland matalin, isla markaana, anay xukuumada Somaliland aqbali doo nin.

"Reer Soomaaliya waxan leeyahay, waxan aad meesha yar ee halka kiilo mitir ee ajaanibku ilaali nayo, ku wal walaaqaysaan, kama aqbalayno, ina mana qabato in 20 inan oo qarankan ka falaagoo bay la yidhaa way ina matalayaan, inamana ma tal aan; lakiin, nimanka wax dhoob dhoobanayee hal ka fadhiya ayaa magaceena mar marinaya" ayuu yidhi Saylici.

Saylici ayaa intaa raaciyay in xuukamada So maliland ay ka xuntahay, in Qaramada Midoobay ay goob joog ka tahay doorashadaa isla markaana, anay waxba ka odhan, isagoo sheegay in Somalil and ay ogtahay ergada wajiga qarsatay, isla marka ana, la xidh xidhi doono markay Somaliland kusoo noqdaan.

"Waxan, laakiinse, aad uga xunahay in Jimciya dii Quruumaha ka dhaxaysay ay markhaati ka no qoto, oo ay aaminto in 20 iyo 30 qof oo qarankan falaago ka ah in ay u aragto in ay na matalaan, do wladi indho qudhaanjo ayay leedahay, waxaanu warka ku hayna kuwa indhaha qarsanayay waa ku wo Somaliland ka tagay, oo berri raba in ay soo no qdaan, waa dambiilayaal qaran kuwaasi, yaan la arkin reer Somaliland oo qaylinaya marka berri la xi dho" ayuu yidhi Saylici.

Ergada u codaynaysay xubnaha Somaliland ka soo jeeda ee u ordayay doorashada aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa afka duubtay, iyaga oo iska qarinaya warbaahinta maadama ay ahayeen dad reer Somaliland ah oo raba in ay berri ka maalin Somaliland kusoo noqdaan.

Amb: Safiina oo ah afhayeenka Guddida Doora shooyinka Soomaaliya, oo MMTV way diiyay sab abta ergadu madaxa u duubteen ayaa ku jawaabay "in xubnaha ergadu ka taxadarayeen caabuqa Cov id-19, oo ay yara qalad fahmeen habka loo xidho af saabka, isla markaana, ay siin doonaan wacyigalin dheeraad ah".

JAWAARI oo farriin Culus kasoo saaray doora shada golaha shacabka Somalia

Guddoomiyihii hore golaha shacabka Soomaal iya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kh udbad ka jeediyey munaasabad ka dhacday M/ Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arimaha doorashooyinka.

Jawaari ayaa marka hore soo saaray fariin la xiriir ta doorashada golaha shac abka ee baarlamaanka Soomaaliya, taas oo qorshuhu yahay in dhowaan la guda-galo.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka ayaa sha aca ka qaaday in golaha shacabka uu saldhig u yahay dowladnimada, maad aama lagu go’aamiyo xal ka gaarista go’aanada culus.

"Golaha shacabka waa meeshii saldhigga u ah eyd dowladnimada dad badan ayaa yasaayo mar arka qaarkood, laakiin ha ddii ay mas’ala adag dhac do meesha la eegan aayo waa golaha shacabka oo la leeyahay go’aan ka gaara oo arrintaas xalliya,” ayuu yiri Prof. Jawa ari.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baah an-yahay in xubnaha la soo xulayo ay noqdaan ku wa leh karti iyo aqoon, si loo doorto xuldhibaano ta yo leh.

"Waxaa loo baahan-yahay in xubnaha golaha shacabka ay ahaadaan xubno qiimo iyo qadarinta asi leh, aqoontaas iyo fikrad dheer leh in meesha loo soo xulo waa lagama maarmaan,” ayuu marka le yiri guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Sooma aliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu amar ku bixiyey in si deg-deg ah loo bilaabo qabashada doorashada go laha shacabka ee Soomaaliya.

Si kastaba doorashooyinka Soomaaliya ayaa ha atan maraya meel wanaagsan, waxaana heer ga bagab ah jooga doorashada aqalka sare oo marx alado kala duwan laga soo maray.

Saraakiisha Ahlu-Sunna ee qabsaday Guriceel oo shaaciyey qorshahooda, soona rogay amarro culus

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada Ahlu-Su nna ee Shalay la wareegay degmada Gurceel ee gobolka Galgaduud ayaa soo saaray amarro dhan ka socdaalka ah, sidoo kale waxay faahfaahin ka bixiyeen dagaalkii qaraaraa ee Dorraad ay ciidama da dowladda kula galeen deegaanka Bohol ee waqooyiga magaalada Dhu usamareeb.

G/Sare Cali Faarax Maxamed Bilaal oo ah Tali yaha hogaaminaya ciidamada Ahlu-Sunna ee Sha lay qabsaday degmada Guriceel ayaa warbaa hi nta la wadaagay amarro ay ku soo rogeen dhaq dhaqaaqa garoonka diyaarada ha ee degmada Gurceel.

"Shalay waxaan la ware egnay guud ahaan gac an ku heynta degmada Gurceel, waxaana na soo dhaw eeyey bulshada deegaanka, horay waxaan u gu shaqey jirnay dadkaan iyo deegaankaan, hada na waxaan diyaar u nahay inaan u adeegno shac abkaan oo difaacano, waxaana ugu baaqeynaa in ay is-dejiyaan,” ayuu yiri Sarkaalkaan u hadlay Ahlu-Sunna.

Sidoo kale Sarkaalkaan ayaa amar ku bixiyey in garoonka diyaaradaha ee degmada Gurceel ay san ka soo degi karin diyaarad sida hub iyo ciidan.

G/Sare Cali Faarax oo faahfaahin ka bixiyey daga alkii ay Dorraad ciidamada dowladda kula galeen de egaanka Bohol ayaa sheegay inay ka guuleyst een weerar gardarro ay ku soo qaadeen ciidamadii uu Turkigu u tababaray Soomaaliya ee Gor Gor.

"Bohol waxaa ku sugnaa ciidamada AHSWJ, waxaana ku soo weeraray kuwo ku qaraabanaaya shaatiga dowladda, waxay ciidankii Qaranka ee do wladaha caalamka ay noo tababareen, sida Gor Gor oo kale ay u adeegsadeen si qaldan, laakiin cii dankii Ahlu-Sunna waa ka guuleystay duulaankaas ,”ayuu yiri G/Sare Cali Faarax oo Gurceel warba ahinta kula hadlay.

MUXUU YAHAY UJEEDKA AHLU SUNNA EE GALMUDUG?

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljama aca ayaa si faah faahsan uga hadlay xiisadda u dhexeysa ciidamadooda iyo kuwa Galmudug ee ka taagan gobollada dhexe ee dalkeena.

Shaakir oo wareysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa marka hore ku eedeeyey dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug in meeshii ay kala dagaalami laheyd kooxda Al-Shabaab ay soo weerartay Alhu Sunna, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuuxuu Sheekhu faah faahi yey ujeedada ay dib ugu soo laabteen Galmudug oo ay hadda ka wadaan abuul ciidan, wuxuuna til maamay inay doonayaan in loo midooobo Al-Al-Shabaab, si looga saaro deegaanada ay weli ka jog aan gobolada Galgaduud iyo Mudug.

"Hadafkeena ugu weyn ee aan ka leenahay wa ddankeena Soomaaliya, gaar ahaan Galmudug wa xaa weeye in loo midoobo khawaarijta Al-Shabaab, lagana xoreeyo waddanka oo idil, Ummaddana ay hesho amni hadafkeeno kaas weeye,” ayuu yuri Sheekh Shaakir.

Waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in madax da Galmudug ay ka gaabiyeen mas’uuliyaddii loo igmaday, isla-markaana ‘ay NJO iska noqotay’ shaqadii maamulka.

Galmudug system-keedii ayaa waxa uu noqday NJO dibadda inta looga yimaado mas’uuliyaa laga qaato haddane lala cararo. Mas’uuliyad Ummaddii loogu khidmeynayo ma aysan noqonin marka sidaas daraadeed in la helo mas’uuliyiin Ummadda u adeegayo oo diyaar u ah inay dadka wax u qabtaan taas waa muhiim,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan carqalad ku aheyn Galmudug horumarkee da, balse ay doonayaan kaliya in la helo amni iyo xasiloonid waarta.Annagu ma nihin kuwa Galm udug carqalad ku ah ee waxaan ka shaqeyneynaa amnigooda iyo horumarkooda, ” ayuu markale wareysigan ku yiri hoggaamiyaha Ahlu Sunna.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ciidama da taabacsan Ahlu Sunna ay la wareegeen mag aalooyinka Guriceel iyo Matabaan, taas oo uga sii dartay xiisadda ka taagan Galmudug

Mahad Salaad oo war kasoo saaray dagaal ka Galmudug iyo soo rogaal-celinta Ahlu-Sunna



Xildhibaan Mahad Salaad, oo baarlamanka So omaaliya kasoo galay deegaanada Galmudug, ay aa ka hadlay dagaalka dib uga soo cusboonaaday halkaas ee u dhaxeeya ciidamada maamulka iyo kuwa Ahlu-Sunna.

Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri "Galmudug waxay leed ahay maamul iyo madax la doortay. Ciidamada Qaranka iyo kuwa Galmudug oo furimo cadow ku furanyihiin kuwa dhabarka xabadda ka saaraya waa cadow dadka iyo dowladnimada Ga lmudug ku soo duulay waana waajib in gacan bir ah lagu qabto.”

Waxa uu intaas ku daray "Siyaasiinta maslaxada ka dhex raadinaya kala dhantaalidda iyo cuuryaami nta maamulka Galmudug waxaan ugu baaqayaa in ay ka waantoobaan. Guul ayaan u rajeynayaa reer Galmudug!”

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Bohol oo waqooyi ka xigta magaalada Dhuusamareb ee g obolka Galgaduud, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka laga helayo deegaanka Bohol ayaa sheegaya in dagaalkii uu sababay khasaare dhima sho iyo dhaawacba oo dhinacyada dagaalamay ah, waxayna xogtu sheegeysa in ugu yaraan 10 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ay ku dhinteen dagaal ka, ayada oo dhaawacuna uu ka badan yahay 20 qof.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka uu iska istaagay, islamarkaana ay dhinacyadu isko od ugu kala tageen deegaanka Bohol, waxaana loo badinaya in lagu kala tagay qorax dhaca.

Dagaalka ayaa imanaya xilli madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu iska hilmaamay shaqadiisa, islamarkaana noqday fadhiid degan M/ Muqdisho oo ka shaqeeya danaha madaxweyne Farmaajo.

Tan iyo markii uu xukunka qabsaday Qoor Qoor waxaa xoogeystay weerarada Al-Shabaab ay ka ful iyaan deeganadaas, kuwaas oo laga nabad qabay muddadii ay Ahlu-Sunna joogtay, waxayna taasi dhalisay in Ahlu-Sunna markale ay taagero hesho.

Madaxweyne Qoor-qoor iyo Sanataro katir san Galmudug oo si degdeg ah ku gaaray Dhuusomareeb

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor-qoor iyo Sanataro katirsan Galmdug oo Muqdisho kasoo duulay, ayaa si degdeg ah ku gaaray magaalada Dhuuso-mareeb ee caasimadda Galmudug.

Safarkooda ayaa kusoo aaday saacaddo kadib markii Ahlusunna ay la wareegeen degmada Guric eel, isla markaana uu gobolku ka socdo dhaqdhaq aaqyo ciiddan oo iskasoo horjeeda.

Madaxweynaha Galmudug waxa uu Muqdisho kala yimid ciiddamo aad u hubaysan oo katirsan cii ddamada Gorgor, waxaana aad loo adkeeyay am maanka magaalada Dhuusomareeb.

Madaxweyne Qoor-qoor ayaa Muqdisho ku maq naa muddooyinkii ugu dambeysay, isagoo waday dadaalo xal loogu helayo khilaafka siyaasadeed ee madaxda dowladda federalka.

Hase, yeeshee wuxuu haatan wajahayaa caqab ad weyn oo dhinaca Ahlusunna kaga imaanaysa, xilli uu dalku jiro arrimo doorasho.

Sheekh Shariif oo War kasoo saaray Colaa da kasoo cusboonaatay Galmudug

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Gud doomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xaaladda Colaad eed ee maalmihii lasoo dhaafay kasoo cusboonaa tay dowlad Goboleedka Galmudug.

Qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif ayaa wa xaa uu ku sheegay inuu aad uga xun yahay dag aalka iyo Colaada kasoo cusboonaatay deegaan ka Bohol iyo M/Guriceel ee u dhexe eysa Ciidanka Galm udug iyo kuwa Ahlusunna Waljameeca oo dib loo abaabulay.

Sheekh Shariif ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo Col aada Galmudug ee u dhexeeysa Galmudug iyo Ahl usunna, isla markaana wax kasta oo khilaaf ah la gu dhammeeyo wadahadal, si uusan u daadan dhiig.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa shac abka Soomaaliyeed ka dalbaday inay xoojiyaan na badda, kana feejignaadan wax kasta oo keeni kara inuu daato dhiig Soomaaliyeed, lana joojiyo abaa bulka iyo dagaalka.

Xiisad u dhexeeysa Ciidanka Galmudug iyo ku wa Ahlusunna Waljameeca ayaa kasoo cusboona atay Galmudug, iyadoona dhinacyada uu dhexmar ay dagaal khasaaro dhaliyey, sidoo kalena Ahlusu nna ay qabsadeen gacan ku heynta Magaalada Guriceel.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Sheekh Shariif

Faroole oo weerar culus ku qaaday xukuum adda Deni

Madaxweynihi hore maamul goboleedka Puntl and, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faro ole) ayaa xukuumadda Siciid Deni iyo dowladda hoose ee Garoowe ku eede yay waxqabad la’aan baahsan.

Faroole ayaa sheegay in xukuumad da Deni ay ka gaabisay daboolida baah iyaha bulshada maamulkaas, asaga oo tusaale u soo qaatay duufaan kal hore ka dhacday degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Waxa uu sheegay in dowladda hoose ee Gar oowe ay qorsheynayso inay dib u soo celiso Cagaf degmadaas la geeyay xili uu tagayay madaxweyne Deni, aysan dan ka laheyn wado xumada iyo xaal ada ka taagan degmadaas.

"Eyl duufaan ayaa ka dhacday 7-dii December hal qof ma tagin, Xildhibaan, Wasiir iyo wax u dhaq aaqay ma tagin, aniga oo yaaban ayaa tagay, wel ina kama soo kaban oo dhul duufaan, waxaa la ii sheegay in Cagaf geeyen si wadada u mariyaan xili uu imanayay Deni,” ayuu yiir.

"Cagaftaas maxaa loo geyn waayey maalinkii ay labada Eyl kala xirmeen, xagee maalinkaas jire en, waxaa u sheegaya Dowladda hoose ee Garoo we waa isku imaan doonaaye, Cagaftaas Eyl ayaa qaadatay ee xoghayihiina ceshada, halkaas ayuu oolaya, waxaa u sheegaya madaxweynaha iyo was iirka dowladaha hoose Cagaftaas reer Eyl ayaa leh.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda Deni iyo maamulka dowladda hoose ee Garoowe ay ka gaabiyeen shaqadii loo igmaday, xili lagu wa do in maamulkaas ka qabsoomto doorasho.

Musharax Madaxweyne Daahir Geelle oo ka had lay Munaasabad ku saabaan Shidaalka

Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya Da njire Daahir Maxamuud Geelle ayaa khudbad ka jeediyay munaasabad lagu qabtay Muqdisho oo looga hadlay Shidaalka.

Daahir Geelle ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay hoggaamiye fahansan sidii loola soo bixi lahaa kheyraadka Soomaaliya oo shidaal ka uu ka mid yahay.

"Waxaan Shalay ka qaybgalay ma dal cilmiyeed ay soo qabanqaabisay bahda Somali Magazine oo lagu fala nqeeyay dood uu ciwaankeedu ahaa "Soomaaliya Shidaalkeeda Ma La Soo Bixi Kartaa Xelligan”.ayuu yiri Daahir Geelle.

Waxaa uu intaasi kusii daray "Waxay ahayd ma dal qiimo badan oo aan fursad u helay in aan ku soo bandhigo aragtidayda ku aaddan ka faa’iid aysiga khayraadka dalkeenna. Way mahadsan yih iin saaxibbada igu casuumay”

Khasaaro ka dhashay dabkii ka kacay Suuq Boocle ee D/ Dharkeenleey

Dabkaan oo geystay khasaaro hantiyadeed ayaa Barqanimadii Shalay wwxaa uu ka kacay qe yb kamid ah Suuq Boocle oo ku yaal degmada Dha rkeenleey ee Gobolkan Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dabka uu ka dhashay koronto, isla markaana uu baabi’iyay dhowr duk aan oo kuyaal Suuq Boocle, iyada oo Shalay inta badan Suuqa uu xirnaa maadaama ay jimce tahay.

Mif kamid ah Ganacsatada Suuq Boocle ayaa Risa ala u sheegay in Ganacsatada qaarkood iyo Maam ulka degmada oo iskaashanaya ay ku guuleysteen inay demiyaan dabka.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale uu dab uga kacay Suuq Boocle ee degmada Dharkeenl eey, isaga oo baabi’iyay dhowr dukaan oo ku yaalla Suqaas.

Hirshabeelle oo ka hadashay dhalinyaro M/Jow har loogu xiray Calanka Hiiraan State

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo ka hadlay xarig magaalada Jowhar loogu geystay wiilal dhalinyaro ah.

Wasiirka ayaa sheegay in dhalinyar adan markii la xiraayay ay ahaayeen ilaa lix ruux sadax ka mid ahna lasii daayay markii dambe, isagoona shee gay in dhalinyarada ay wadeen kicin iyo abaabul dadweyne.

"Wiilasha la xiray waxay ku howlanayeen kicin dadweyne, abaabul rabashado iyo iska horkeen bulshada iyo maamulka, hadii cadeymo loo helana waxaa lagu wareejinaya garsoorka si loo maxk amadeeyo" ayuu yiri wasiir Kheyre.

Ehalada dhalinyarada xiran ayaa waxay sheeg een in caruurtooda ay u xiran yihiin sifo sharci dar ro ah islamarkaana wali xabsiga ugu jiraan si aan an sharci aheyn.

Xariga wiilashaan ayaa yimid kadib markii mid ka mid ah uu kusoo labistay funaanad ka samey san Calanka Hiiraan State, waxaana xisid mudan in maamulka Hirshabeelle uu wajahaayay mudada uu jiro kacdoono dadweyne iyo kacdoon dagaal in taba oo ay kala kulmayeen shacabka gobolka Hiiraan.

SADDEX ARRIN OO CADDEYN U AH IN MAHDI GUULEED UU KA BAXAY TAAGEERADII FARMAAJO

Saddex arrin oo caddeyn u ah in Mahdi Guul eed uu ka baxay taageeradii Farmaajo

Wuxuu mar ahaa siyaasiga ugu weyn ee taageer san, mar kalena wuxuu noqday hoggaamiyaha xi sbiga aan dhalan ee Nabad iyo Nol ol, laakiin ha dda waxaa muuqata inuu isbedel ku yimid.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka xu kuumada xilgaa rsiinta Mahdi Ma xamed Guuleed ayaa kusii noqdo awood gaar u taagan, kana baxo isbaheysigii siya asadeed ee uu kula jiray madaxweynaha waqtigii su dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farma ajo, isagoo la noqday taageeradii weyneyd ee doorashada.

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Mahdi Guuleed uu si cad isugu muujiyey inuu leeyahay rabitaan u gaara oo ka duwan dhismaha iyo dib u doorashada Farmaajo, waxaana maalmihii ugu danbeeyay soo baxay shaki ay kooxda Farmaajo ka qabaan.

Arrimaha soo socda waxay caddeyn u yihiin si da Mahdi Guuleed ugu xuub siibtay hoggamiye mowqif u gaara leh oo aan lagu tiri karin inuu la socto Farmaajo iyo kooxdiisa Doorashada:

QORISTA LIISKII SENATOORADA

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed wuxuu liiska Musharixiinta Senatorada kasoo jeeda Somaliland ku qoray xubno isaga aad ugu dhow, isagoo iska fogeeyay xubno aad ugu dhowaa Farmaajo oo uu doonayey inuu noqdaan musharix iin kusoo baxa Doorashada Aqalka Sare.

Shan Senator oo kusoo baxay Aqalka Sare ee Somaliland oo hadda loo tirinayo inay taageere u yihiin Farmaajo waxaa 3 ka mida soo saartay Ma hdi Guuleed oo dhinacyo kale gorgortan kula ga lay, waxaana Farmaajo markaas usoo haraya laba senator oo weliba midkood shaki laga gelin karo.

Tusaale Kooxda Farmaajo ayaa dooneysay inay Liiska Musharixiinta kusoo baxdo Naciima Abwaan Qorane oo ka mida taageerayaashooda, laakiin waxaa dhacday inuu Mahdi Guuleed liiska ku qo ray aabaheed Abwaan Qorane, iyadoo abwaanka la filayo inuusan ahayn qofkii ay rabeen kooxda Farmaajo.

AAMINAAD LA’AANTA MAHDI GUULEED

Shakiga ay kooxda Farmaajo ka qaadeen talla abooyinka uu ku dhaqaaqay Mahdi Guuleed, wux uu xoogeystay markii ay ku aamini waayeen Khar ashkii ay ugu talogaleen inay kusoo saaraan Senat oorada Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi, kaa soo ay maamulkiisa wadeen xubnaha xafiiska Farmaajo sida agaasime ku xigeenka Madaxtooya da. Mahdi Guuleed ayaa ka faa’iideystay hoos u dhaca awoodii Maxamed Farmaajo ee timid kadib khilaafkii ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil ee kee nay inuu dagaal siyaasadeed dhex maro isaga iyo iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna helay awood iyo xoriyad dheeraad ah.

XIRIIRKA MUSHARIXIINTA MUCAARADKA

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxa med Guuleed waxaa la ogaaday inuu iskiis u soo saartay Senatooro, isla markaana uu doonayo inuu soo saaro xildhibaanada Golaha Shacabka, isagoo wadahadal la furay ugu yaraan laba ka mida Mu sharixiinta Mucaaradka ee waaweyn, lana xaqiij iyey inay midkood is fahmeen.

Arrintan waxay caddeyn xoog leh u tahay inuu si aan la dareemin uga baxay taageeradii Farma ajo, haddana isu bedelay awood si gaara u taagan oo isbaheysiyo doorasho la galayo dhinacyada ka le, hadba ciddii ay is fahmi karaan.

GABAGABO

Ugu danbeyn Mahdi Guuleed oo garabka Far maajo ka baxa sida muuqata waxay soo afjari doontaa rajadii uu ka qabay in dib loo doorto ama uu saameyn weyn ku yeesho Doorashada, taasoo horeba daqarro waaweyn u soo gaareen. Xigasho: Goobjooge.net

HORMUUD SALAAM FOUNDATION OO KEENTAY WARSHADDA DHALISA OGSIJIINTA

Magaalada Muqdisho, waxaa Shalay lagu qabtay xaflad lagu daah furey warshad dhalisa Ogsijiinta,

oo aay ku deeqdey Hormuud Salaam Foundation, warshadaasoo dhawaan dalka la keenay, ayaa waxaa laga soo iibiyey wadanka Turkiga, waxaana aay soo saari doontaa usbuucii 51,004 (konton iyo kow kun iyo afar litir oo Ogsijiin ah, taasoo wax weyn ka tari doontaa Ogsijiin yarida ka jirta Somalia, taasoo dhibaato weyn ku heysey dadka uu soo rito xanuunka Covid-19.

Xafladda lagu daafurayey warshadaas ayaa waxa kasoo qeybgalay masuuliyiin kala duwan sida Wasiirka Caafimaadka Somaliya, Wasiirudowlaha Amniga , Wasiir ku xigeenka Caafimaadka, Gudomiyaha Hormuud Telecom, Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Safiirka dowlada Turkiga ee Somalia, madaxda ganacsatada, madaxda bullshada rayidka, madaxda Isbitaalada, qeybaha kala duwan ee saxaafada, iyo marti sharaf kale.

Dhammaan dadkii ka hadlay goobta ayaa aad iyo aad uga mahad celiyey Hormuud Salaam Foundat ion, soo iibinta warshadaan dhalisa Ogsijiinta, taa soo dabooli doonta baahida Ogsijiin yarida ee ka jirtey Somalia. Waxaa la xusay in dad badan aay u dhinteen Ogsijiin la,aan, ayna culeys weyn ku heysey dhammaan dadka Soomaaliyeed, haatanse aay warshadaan ka fududeysey culeyskaas, waxee yna ugu duceeyeen Hormuud Telecom iyo Salaam Somali Bank in ilaaheey u barakeeyo maalkooda.

Gudoomiyaha Hormuud Telecom Mudane Ahmed Mohamud Yusuf, ayaa sheegey ineey damqisey, dhibaatadii Ogsijiin la,aanta ee heeysatey dadka Soomaaliyeed, taasna aay keentey ineey soo iibi yaan warshadaan, kuwo kalena aay keeni doonaan insha allah.

Dhanka kale Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, ayaa sheegey in warshadaan khara shaa dka ku baxay aay dhan yihiin $465,000 ( afar boqol iyo lixdan kun dollar), ayna bixin doonaan kharashaadka ku baxaya iyo dayactirkeeda, si howshi loogu talo galay aay u sameeyso.

asiirka Caafimaadka Somaliya Dr Fawsiya Abiikar Nuur, ayaa aad uga sheekeeysey dhibaatadii aay kala kulmeen ogsijiin la,aanta, iyo xanuunkii aay ku heysey, Shalayna aay ku faraxsan tahay in Hormuud Salaam Foundation aay ku deeqdey warshadaan dhalisa Ogsijiinta, waxaana aay aad ugu duceeysey in ilaaheey xoolahooda u barakeeyo.

Wasiirudowlaha Amniga Somaliya, Mudane Farxaan Ali Ahmed, ayaa asigana goobta ka sheegey ineey tahay wax aad loogu farxo in warshad Ogsijiin dhalisa aay Hormuud Salaam Foundation ku deeqdey oo keentay, haatan aay shaqeeyneeyso.

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir ayaa sheegety dhibaatada aay ku heeysey Ogsijiin la,aanta, balse Shalay wixii ka danbeeya aay dhibaatadaas ka saartey Hormuud Salaam Foundation, waxaana allah ugu barisey in xoolahooda u barakeeyo, aayna aad iyo aad ugu mahad celineyso.

KALUUMEYSTO SOOMAALIYEED OO MUDDO 5 BILOOD AH LA LA’AA OO LAGA HELAY DALKA SRI LANKA.

Kaluumeysatadan oo la waayay bilooyiin ka hor ayaa sida la sheegay wxaaa soo badbaadiyay Mar kab laga leeyahay dalka Sri Lanka. Kaluumeysat adan ayaa ka tirsanaa Iskaashatada Dan-kulmis ee xeebaha Soomaaliya.

Kamaal Maki Aweys oo ah Guddoomiyaha Iska ashatada Dan-kulmis oo BBC la hadlay ayaa shee gay in kaluumeysatadani ay imika doonayaan in dib loogu soo celiyo Soomaaliya. "Doonta ilaa 2 bil ayay biya maalkaasi ku jirtay oo biyaha korkooda sabeyneysay cimiladii oo ku xun baddi oo ku xun koley qaababkaas ilaah waa ka gudbiyay,” ayuu yiri Mr Kamaal.

Mr Kamaal ayaa intaa ku daray in kaluumeysatad an markii ay bilooyiin badda ku wareersanaayeen ay la kulmeen markab laga leeyahay dalka Sri Lan ka sidaa-na lagu badbaadiyay.Waxaa uu farta ku fiiqay in markii ay markabka kaluumeysiga heleen ka dib uu muddo dheer hadana ay badda ku sii jire en oo aan horey Sri Lanka laga geynin. Kamaal Ma ki Aweys oo ah Guddoomiyaha Iskaashatada Dan-kulmis ayaa xusay in muddo markii ay kaluumeysa tadan badda ku sii jireen uu markabka gaaray dal ka Sri Lanka. "Markaas waxay qaadatay nimanka inay in mudda ah ka dib ugu dambeyn ay heleen markab kaluumeysi oo Sri Lanka laga leeyahay markii ay qabteena islamarkiiba ma geynin magaa ladii iyo wadankii sababtoo ah markabka shaqo ay uu soo aaday oo shaqadiisa ayuu sii guda galay,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha Iskaashatada Dan-kulmis Kamaal Maki Aweys "Ugu dambeyna markii ay sha qadooda sii guteen ayay geeyeen wadanka Sri Lan ka sidaa ayay noo sheegeen,” Kaluumeysatadan gaaray dalka Sri Lanka ayaa waxaay tiradooda ka kooban tahay 4 qof.

Magacyadooda ayaa lagu kala sheegay Cab dulaahi Cabdi Cilmi,faxaan Cabdulaahi Maxamuud, Xasan Cabdulaahi xirsi iyo duraan Salaad Cism aan.

Guddoomiyaha Iskaashatada Dan-kulmis Kama al Maki Aweysoo ah ayaa sheegay in imika ay wa daan dadaalo ku aadan sidii kaluumeysatadaasi dalka dib loogu soo celin lahaa."Marka dhibabkan oo kale na qabsadaan waxaan la kaashanaa wa saarada Gaadiidka,Dekadaha iyo Kaluumeysiga oo si toos ah noogu qaabilsan inay nagala shaqeyso dhacdooyiinkaas oo kale marka ay nagu dhacaan Inay nagala qeyb qaataan sidii dadkaasi loo soo ba dbaadin lahaa loona keeni lahaa,” ayuu yiri Mr Kamaal. Mr Kamaal ayaa sheegay in dowladda Sooma aliya aysna safaarad ku lahayn dalka Sri Lanka isl amarkana safaaradda ugu dhaw ay tahay dalka Hindiya. "Xiriirkaa markii aan sameynay wa xaan ogaanay in wadanka Sri Lanka aan laga heli Karin safaarad oo aysan ku oolin ugu dambeyna wadanka Hindiya safaaradda ku taalla in la geeyo,” ayuu intaa ku daray.

Waxaa uu Kamaal intaa raaciyay in ay ka cabsi qabaan in kaluumeysatadan lagu eedeeyo burcad badeednimo taasi oo marar hore dhowr jeer dhac day. Gudoomiyaha ayaa carabka ku dhuftay in ay jiraan doomo wlai badda ku maqan oo ay dabeylo qaadeen inkastoo dadkii saarnaa la soo badbaa diyay. Xilliyadda ay badda kacsan tahay ayaa wa xaa dhacda in doomo iyo kaluumeysato Soomaali yeed ay duufaanta la tagto islamarkaana qaarkood ay ku dhinteen.rrintan ayaa sabab looga dhigay in badda aad u kacsan ay doomahani badda ay gala an islamarka na domahooda ay yihiin kuwa aan awood badan lahayn taasi oo keenta in ay badda ku qaraqmaan.

Xigasho:BBCSomali

 

Faahfaahino kasoo baxaya weerar lagu qaaday hoyga Taliyaha Booliiska gobolka Nugaal

Wararka ka imaanaya M/Garoowe ee Caasima da dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegaya in Habeen hore saqdii dhexe la weeraray hoyga taliyaha cii danka Booliiska gobolka Nugaal Maxamed Aadan Jaamac.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay iney weerarka ku qaadeen hoyga Taliye Maxamed Aad an uu ka degan yahay Xaafada 1-da Agoosto ee magaalada Garoowe oo ka mid ah xaafadaha ugu amaanka adag magaalada Garoowe.

Dadka degan xaafada 1-da Agoosto ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka lagu qaa day guriga Taliyaha uu ahaa mid waqti kooban soc day oo rasaas farabadan ay isku adeegsadeen lab ada dhinac, balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay rasaastaasi.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Malee shiyadii Habeen hore weerartay hoyga taliyaha Booliiska ay ahayeen Maleshiyaad ka careysna xarig loo ge ystay askari ka tirsan ciidanka Puntland oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilka Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Badda ee maamulka Puntland.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Taliska Bool iska gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland oo la xiriira weerarka lagu qaaday guriga uu Xaafadda 1-da August ee magaalada Garoowe uu ka degan ya hay Taliye Maxamed Aadan.

Jaamacadda Carabta oo Shalay Qalab iyo Daa wooyin ku wareejisay Dowladda Somalia

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr Fawziya Abikar Nur oo uu wehliyo Wasiir xigeenka Dr Axmad Xus een macalin (Dr.Gureey) ayaa Shalay ka gudd oomay Golaha Wasiirada Caafimaadka ee Jaamac adda Carabta agab Caafimaad oo isugu jira qalab iyo Dawooyinka lagula tacaalo Bukaanada uu soo rito cudurka COViD-19.

Agabkan ay Jaamacadda carabta ku deeqday dowladda Soomaaliya ayaa dhan 11 Ton,waxaana fud udeeyey soo daabulidiisa Dawl adda Masar.

Munaasabad lawareegida agabkan waxaaka soo qeyb galay Safiirka Jaamacadda Carabta u fa dhiya Soomaaliya, Siihayaha Safaaradda Masar ee Soomaaliya, Wasiiro iyo Masuuliyiin kasocotay Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya. Ugu danbeyntii Wasiiradda Caafimaadka Dr Fawziya Abikar ayaa uga mahadcelisay golaha Wasiirada Caafimaadka ee Wadamada Carabta oo deeqdan soo gaarsiiyay Wasaaradda caafimaadka Federaal ka ee Soomaaliya, waxeey sidoo kale mahadcelin iyo bogaadin u dirtay Dawladda Masar oo fududey say soo daabulida deeqdan.

Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa dhawaan kamid noqotay golaha fulinta Wasiirada Carabta kaasi oo ay ku midaysanyihiin lix wadan. Dr. Fawziya Abikar ayaa ku muujisay muhiimadda ay u leedahay dawooyinkan gaar ahaan xakame ynta COVID-19.

Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya So oma aliya Salaax Al Junaid ayaa balan qaaday in la jog teeyn doono deeqaha ka yimaada Jaamacadda Car abta.

Dad farabadan oo Cudurka COVID-19 ugu geeriyooday Gobolka Hiiraan

Dhaqaatiirta Caafimaadka degmada Farlibaax ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay faah faahin ka bixiyeen kiisaska Cudurka COVID-19 ee laga diiwa angeliyay degaankaas oo la sheegay inay dad badana ugu dhinteen.

Dr Cumar Saney oo kamid ah Dhaqaatiirta Gaa rtay Degmada Farlibaax ayaa sheegay in degmada ay ku dhinteen 11 Ruux, kuwaas oo badankood la gu arkay caalamadaha Cudurka COVID-19. Wa xaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ay deg mada ka billaabeen baritaanka Cudurka COVID-19, isla markaana 13 qof ee laga baaray cu durka laga helay2 Ruux, sidoo kalena ay jiraan dad kale oo la gu arkay calaamadaha COVID-19.

Ugu dambeyn waxaa uu she eg ay inay wadaan dadaalo ku aad an sidii dadka ku nool degmada Farlibaax u heli lahaayeen Xarumo lagu latacaalo dadka laga helo Cudurka, isaga oo bulshada ugu baaqay inay taxadar muujiyaan.

Degaano iyo degmooyin kuyaal Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa dad badan ay ugu dhinteen Cudurka safmareenka ah ee COVID-19 halka dad kale oo badan ay la jiifaan.

Soomaali dhimasho & dhaawac ku noq otay Shil ka dhacay Australia

Shilka oo ahaa mid gaari ayaa waxaa uu ka dhacay Galbeedka Magaalada Melbourne ee dalka Australia, waxaana ku dhintay 5 Ruux oo isugu jira Soomaali iyo Suudaan.Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen Gaari weyn oo ah nooca loo yaqaano (truck) iyo Gaari yar oo ay wa teen Dhalinyarada, waxaana ku dhintay laba Dhal inyaro Soomaali ah iyo Saddex u dhashay dalka Suudaan halka uu dhaawac culus uu soo gaaray Wiil Soomaali ah.

Qaar kamid ah bulshadda Soomaaliyeed iyo warbaahinta magaaladda Melbourne ee dalka Australia ayaa sheegaya in dhacdadaan ay aad uga nax een, isla markaana weli baar itaano lagu haayo sida uu u dhacay Shilka.

Mid kamid ah Waalidiinta Dhalinyarada shilka ga shay ayaa sheegtay in shilalka gaari ay kusoo bat een dalka Australia, waxaana ay ugu baaqday do wlad da inay arrintaan wax ka qabtaan.

Labadii Sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa la sheegay in gudaha dalka Australia in ka badan 20 Dbalinyaro Soomaali ah ugu geeriyoodeen Shilal Gaari.

QM oo walaac ka muujisay Go’aanka Itoobiya ku ceyrisay 7 Sarkaal

Dowladda Itoobiya ayaa amar ku bixisay in dal keeda laga saaro toddobo sarkaal oo oo ka tirsan Qaramada Midoobay, sidda lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arr imaha Dibadd maal inimadii Dorraad oo Khamiis aheyd.

Grant Leaity, ku -xigeenka isku –duwaha arrimaha bani’aadamnimada ee OCHA, iyo Adele Khodr, oo ah wa kiilka UNICEF ee Itoobiya, ayaa ka mid ahaa kuwa la eryay.

Xukuumadda Itoobiya ayaa sara akiiisgaasi ku eedeeyay in ay wadeen faragalin, waxayna u aqoo nsatay in ay yihiin kuwo aan u qalmin shaqada ay u hayaan Qaramada Midoobay( persona non gra ta).

Dowladda Itoobiya waxay amar ku bixisay in muddo 72 saac gudohood ah ay ku baxaan shaqa alahaasi ka tirsan Qaramada Midoobay .Xoghay aha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gute rres ayaa sheegay in uu ka naxay cayrinta saraa kiishaasi,sida uu ku waramay afhayeenka Qara mada Midoobay Stephanie Tremblay.

Ciidamada Kenya oo gacanta ku dhigay hub iyo Rag watay

Ciidamada Hay’adda Dambi baarista dalka Kenya ee DCI ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Hub iyo rasaas fara badan, kuwaas oo lagu qariyey Vuri kuyaal de gaanka Garbatulla, ismaamulka Isiolo.Howlgal gaar ah oo ay Ci ida madu ka sameeyeen barq ani madii Shalay guri ku yaal duleedka magaalada Kinna ayay Cidamadu kusoo qabteen Saddex qori oo AK-47 ah, hal qori Mark4 ah, 203 wareeg oo ah 7.62X39mm callibre khaas ah iyo sagaal wargeys oo AK-47 ah iyo rag watay.

Sidoo kale War kasoo baxay Hay’adda Dambi baarista dalka Kenya ee DCI ayaa waxaa lagu she egay in Ciidamadu qabteen lix dhagax oo xashiish ah h iyo laba mooto oo aan taargo ahayn, oo looga shakisan yahay in ay ka baxsadaan dadka la tuhunsan yahay oo watay.

Dadka howlgalka lagu qabtay ayaa waxaa ay kala yihiin Cabdi Guyo oo 35 jir ah iyo Aamina Ma xamed oo 30 jir ah, kuwaas oo hataan ay su’aalo weeydiinayaan ayaa sidoo kale la xiray weerarkii aroort Dambi baarayaasha fadhigoodu yahay Mavaalada Garbatulla.

Banaanbax ka dhacay degaano kuyaal Waqooyiga Itoobiya

Boqolaal Ruux Shacab ah oo kunool Waqooy iga dalka Itoobiya ayaa waxaa ay Shalay banana anbax ka dhigeen Banaan Magaalada Mekelle’ Caasimada Gobalka Tigray.

Banaan baxayaasha ayaa waxaa ay dalbanay aan in lala so gaaro Cuno iyo in Gargaar deg deg maadaama dhibaatooyin kala duwan ay wajahay aan xilligaan.

Suuqa Magaalada Makelle ayay isugu soo bax een Dhalinyaro badan oo Gargaar dalbanaya, kuw aas oo watay boorar ku ku vudbinayeen cabasha dooda ku aadan dhibaatada bani’aadanimo ee heeysata.

Mgaalada Makelle iyo degaano badan oo ku yaal Waqooyiga Itoobiya ayaa waxaa dadka kunool saameyn ballaaran ku yeeshay dagaalada u dhax eeya Ciidamada Federaalka Itoobiya iyo kuwa Tigr eega, iyada oo ay ka barakaceen Boqolaal Qoys.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlam aanka Malawi oo is dilay

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlam aanka Malawi ayaa khamiistii isku toogtay gudaha baarlamaanka, halkaas oo uu kaga qeybgalayay kulanka xildhibaannada, sida uu sheegay baarlam aanka dalkaasi.

Clement Chiwaya, oo 50 sa no jir ahaa, ayaa isku dhex dilay xarunta baarlamaanka. Intuusan is dilin ka hor wuxuu ka qeybga lay kulan looga hadlayay faa’ii dooyinka gaadiidka ee uu xaqa u leeyahaa, xildhibaan ahaan, markii uu xafiiska ka tagayay sannaddii 2019.

Afhayeenka booliiska, James Kadadzera, ayaa xaqiijiyay dhacdadaas, laakiin wuxuu diiday inuu faahfaahin ka bixiyo illaa uu warbixin buuxda ka he layo baarayaasha kiiska.

Baarlamaanka "wuxuu ka qoomameynayaa in uu shacabka ku wargeliyo in guddoomiye ku-xig eenkii hore uu isku dhex dilay xarunta baarlamaan ka,” ayaa lagu yiri bayan ka soo baxay Baarlama anka Malawi.Waxaa sidoo kale bayaanka lagu she egay in arrintaas ay la xiriirto "niyad-jab uu ka qa aday in la fulin waayay waxyaabihii uu dalba na yay.”Chiwaya wuxuu iibsaday gaarigiisii, dham ma adkii shantii sannadood ee uu xilka hayey

ee sannadka 2019, sida ku cad qandaraaska.

YEY YIHIIN SENATORADII DORRAAD LAGU DOORTAY MUQDISHO?

Magaalada Muqdisho waxaa Dorraad lagu doortay lix ka mid ah 11-ka sena tor ee gobollada waqooyi ka soo geleysa golaha Aqalka Sare ee baarlama anka Soomaaliya, waxaana hartay shan kale oo lagu wado in berri la doorto.

Xubnaha Dorraad lagu doortay Afisyooni ayaa kala ah: 1- Guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, 2- Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, 3- Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac, 4- Wasiirka warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe, 5- Layla Axmed Ismaaciil, 6- Iyo Bilaal Idiriis Cabdullahi.

Hadaba waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa afarta Senator ee ugu caansan taariikh nololeedkooda.

WAA KUMA CABDI XAASHI?

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulahi, Waxaa uu ku dhashay Baabiley , Itoobiya sanadkii 1946-dii.

Waxbarasho:

1964-1968: Dugsi sare, Madahania-Alam, Harar

1975-1977: Kuliyadda siyaasadd, Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, Muqdisho

1980-1981: Machadka Maamulka iyo Maareynta, SIDAM, Muqdisho

1985-1990: Kuliyadda Dhaqaalaha, Jaamacadda Umadda, Muqdisho

Shaqo:

1972-1974: Macalin Ceel Jaalle

1974-1975: Qasnajiga guud ee Wakaaladda ONAT, Muqdisho.

1977-1979: Xogheyaha xarumaha waxbasrashada UDHKS

1979-1980: Kaaliyaha 1aad ee gobolka Waqooyi beri, Hargeisa.

1979-1980: Guddoomiyaha degmada Marka

1981-1990: Maareeyaha guud ee golaha murtida iyo madadaalada ama Theater-ka

1979-1990: xubin golaha shacabka Soomaaliyeed.

1991-1992: Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta.

1992-1996: Agaasimaha Maareynta ee Hey’adda Afri-Action.

1997-2004: Agaasmiha Maareynta Tubta Nabadda.

2004-2009: Xubin Baanrlamaan.

2005-2007: Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka.

2008-2009: Wasiirka Caafimaadka

2012-2016: Xubin Baarlamaanka, iyo guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee golaha shacabka.

HADDABA WAA KUMA SAALAX AXMED JAAMAC?

Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac: Waxa uu dhashay sanadkii 1980-kii, waxaa uu ku dhashay Ceerigaabo Sanaag, dhanka waxbrashada Degree-ga koobaad iyo Master ee cilmiga siyaadda ka heysta Jaamacadda Carleton University.

Waxaa uu ka shaqeeyey barnaamijkii New Deal , Booliska Soomaaliya hay ’adda Qaramada Midoobay iyo xubin ka tirsan guddidii doorashooyinka, waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 10aad, 4-tii sano ee lasoo dhaafay waxaa uu soo qabtay labo wasaarad oo xukuumadda federaalka ah, wasaaradda sha qada iyo shaqaalaha iyo wasaaradda dastuurka. Waxaa uu sidoo kale isku duwe ka ahaa guddi dhanka Farsamada ka taagerayay doorashooyinkii 2016 kuwaas oo ka kala socday dowlad gobaleedyada dalka iyo dowladda Federa alka. Saalax ayaa sidoo kale horay uga soo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Arrimaha Federaalka isagoo ahaa La -taliyaha Sare ee Doorashada oo loo xilsaaray hirgelinta ajendaha dimuqraadiyadda ee D/Federaal ka.

Intii uu ka shaqaynayay Wasaaradda, Saalax wuxuu kaloo noqday La-taliyaha horumarinta Istiraatiijadda siyaasadda Siyaasadda.

Saalax Axmed Jaamac, ka hor inta uusan dowladda ku biirin waxa uu ka shaqeyay Adeegyada horumarinta Bulshada.

Waxa uu sidoo kale wasiirka ka shaqeyay arrimaha dowlad dhisidda, Nabadeeynta, Xalinta khilaafaadka, isagoo qoraallo ka sameeyay Dimoqora adiyadda iyo fursadaha dowlad dhiska ee dalalka nugul.

WAA KUMA PROF. CABDI ISMAACIIL SAMATAR?

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Taariikhda Prof. Cabdi Samatar waa 59 jir ku dhashay magaalada Gebiley ee waqooyi galbeed, ee Somaliland.

Xagga waxbarashada, cilmiga waxbarashada ayuu ka bartay Univ ersity of Wisconsin–La Crosse, cilmiga qorshaha magaalooyinka ayaa waxaa uu ka diyaariyey Masterka Jaamacadda Iowa State halka PhD uu ka dhigtay UC Berkeley. Hadda waxaa uu Geography ka dhigaa University of Minnes ota, cilmi baarana ka ah University of Pretoria, buugaag badan ayuu qoray waxaa ka "Africa’s First Democrats’. Prof. Samatar waxaa uu caan ku yahay falanqeynta siyaasadda, isaga horay qeyb ka ahaa doorashada, noqdana gud doomiyaha guddiga anshaxa iyo hufnaanta, waxaa Dorraad loo doortay Senator baarlamaanka 11-aad.

Haddaba Waa Kuma Cismaan Abuukar Dubbe ?

Wasiir Cismaan Abokor Dubbe wuxuu horaantii todobaatanaadkii ku dhash ay degaanka Shan-Shacadde oo ka tirsan dagmada Burco ee Gobolka To gdheer. Tacliinta dhexe iyo Sarena waxa uu ku dhamaystay dugsiyada 1da Maajo iyo Kaasa-Bobolaare ee dagmada Hodan, ee magaalada Muqdisho.

Sanadkii 1990kii ayuu galay dugsiga Tababarka Xalane, kaddibna wuxu macallin ka noqday dugsiga sare ee Hawl-Wadaag ee magaalada Muqdisho. Dabayaaqadii 1990kii wuxu helay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Kulliyadda Caafimaadka (Medicine), laakiin dagaalkii ayaa suurta gelin waayey in uu bilaabo.

Sanadihii Sagaashamaadkii oo dhan Cismaan Dubbe Wuxu ahaa suxufi iyo tafatire ka hawl-gala wargeysyada Somaliland.

October 1998kii ayuu galay Koolejka la yidhaahdo Tower Hamlets College, ee London. Machadkaas oo uu ka qalin jebiyey July 2000, isaga oo ka qaatay Social Science Diploma.

June 2003dii ayuuna ka qalin jebiyey Jaamacaddii Westminster, isaga oo ku takhasusay culuumta siyaasadda (Political Science).

September 1999kii ayuu Professorku kow ka noqday aasaasayaashii Xisb igii ugu horreeyey xisbiyadii Somaliland, xisbigaas oo la odhan jirey Xisbiga Ilays, waxaanu noqday guddoomiyihii ugu horreeyey ee xisbigaas.

Sanadihii uu Professor-ku joogay UK Wuxu ahaa dadka ka shaqeeya adeegga dadweynaha (Community Work), iyo la’ taliye sharci, gaar ahaan arimaha immigrationka, sidoo kalena wuxu kaaliye ka noqday cilmi-baadhis mug weyn oo jaamacadda LSE ku samaynaysay nolosha dadka waaweyn ee ka soo jeeda bulshooyinka laga tira badan yahay ee UK. Isla xiliyadaasna (2003-2005) Prof. Dubbe wuxu magaalada London ka soo saari jirey jariirad la odhan jirey Ocean Somali Voice oo ku wada qornayd Af-ingiriisi iyo Af-Soomaali, waxaanu Internetka iyo wargeysyada kale ee madaxa bannaan ku daabacay maqaallo si joogto ah ugu soo baxay oo cinwaankoodu ahaa Badweynta Nolosha.

September 2006 ayuu shahaadada Master of Law (LLM Law) ka qaatay Jaamacadda East London (University of East London)

Bilowgii sanadka 2008 Cismaan Abokor wuxu mar kale kow ka’ noqday abaabulkii iyo aasaaskii Xisbiga HANOOLAATO oo ujeedadiisu ahayd midaynta, walaalaynta iyo soo celinta qaranimadii weynayd ee Soomaaliya (Great Somalia) waxaanu noqday Hoggaamiyahii koowaad ee Xisbiga HANOOLAATO. Intii uu hayey hoggaaminta Xisbiga Hanoolaato Cismaan Dubbe wuxu kor u qaaday isku xirka xubnaha iyo baahinta afkaarta Xisbiga.

December 2011kii ayay Hay’adda IOM u qaadatay Prof. Cismaan in uu noqdo khabiir Wasaaradaha dalka ka caawiya qoraalka sharciyada iyo tababarka shaqaalaha. Hawshii ugu horreysayna wuxu ka bilaabay Wasaar adda Cadaaladda Somaliland oo uu la shaqaynayay illaa 2013kii.

Wejigii labaad na wuxu ka shaqo bilaabay magaalada Muqdisho gaar ahaan Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka oo uu la shaqaynayey sana dihii 2014 iyo 2015.

Muddadaa uu ku shaqaynayey khabiirka wuxu qoray sharciyo badan oo ay ansixiyeen Baarlamaanada Somaliland iyo ka Federaalka.

Prof Cismaan Abokor Dubbe 2012kii illaa 2018kii wuxu ahaa macalin jaamacadeed. Waxaanu soo noqday Hormuudka Kuliyadda Social-ka iyo Siya asadda ee Jaamacadda Golis. Sidoo kale wuxu booqashooyin macalinimo ku tegey jaamacadaha Hargiesa University, Abaarso Tech University iyo Golis University Burco. Sidoo kale wuxu muxaadooriyin cilmi oo waaweyn ku qabtay Jaamacadaha Simad iyo City University oo ku yaal Muqdisho.

Hogaamiye Cismaan wuxu qoray laba Buug oo kala ah (Felegmeer) oo uu qoray 2009kii kana hadlaya Qaladaadkii Siyaasadeed ee Soomaaliya burburiyey iyo xalka midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, iyo Bu ugga labaad oo uu ka Qoray Suugaantiisa, oo uu ku ururiyey 100 maanso, he eso iyo gabayo oo uu Professorku hal-abuuray. Buuggaas oo hadda daab acadda ku jira lana yidhaahdo (Suugaanta Mangalool).

Professsor Osman Abokor Dubbe, wuxu bilowgii sanadkan 2020 Magaalada Muqdisho ku aasaasay Xisbi la yiraahdo Xisbiga HILOW. Laakiin waxa saameeyey Shirkii Samareeb oo lagu heshiiyey in aan doorashada 2021 lagu gelin Xisbiyo.

Prof Osman Abokor wuxu bartay, si mug lehna u dhex-galay Culuu mta Siyaasadda, Sharciga, Taariikhda, Suugaanta, Diinta Islaamka, Juqraa figa, Qoraalka iyo Saxaafadda. Waxa kale oo uu aqoon durugsan u leeyahay, Dhaqanka iyo Abtirsiinta ama Anthropology-ga Beelaha Soomaaliyeed ee Ge eska Africa oo dhan. Waxaanu Professorku ku hadlaa isla markaana qoraa 5 luqadood oo caalami ah.

XIGASHO:CAASIMADDA.NET



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip