
Dowlad Deegaanka Soomaalida oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta
Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa saaka looga dareeray goobaha codbixinta, si dadka ay codkooda uga dhiibtaan doorashada guud ee dalkaasi.
Dowlad Deegaanka Soomaalida, Magaalada Harar iyo gobolka ay dagaaladu ka socdaan ee Tigray ayaan bishii June laga qaban Doorashada Xildhibaanada Golaha Deegaanka iyo Heer Federaal, xilli dalkaasi intiisa kale ay doorashada ka qabsoomtay.
Guddiga Doorashada ayaa bartamihii bishii June iclaamiyay in Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo Magaalada Harar ay doorashada ka qabsoomi doonto bishan September.
Muuqaalo lagu baahiyay barraha bulshada ayaa muujinaya dadka ku dhaqan Magaalada Jigjiga oo safaf ugu jira goobaha codbixinta.
Soomaalida Itoobiya ayaa dooranaysa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka iyo xubnaha kale ee Golaha Deegaanka.
Doorashadan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee laga qabto Dowlad Deegaanka Soomaalida, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed, bishii April ee sanadki 2018.
Dowlad Deegaanka Soomaalida oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta
...