
Rooble "Waad ogtihiin Hibaaq, howsha baaxadda leh ee xafiiskan ka waday"
Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho kaga qaybalay kulan loogu duceynayay Alle ha u naxariistee Hibaaq Abukar Xasan.
Hibaaq oo ahayd La-taliyihii Arrimaha Haweenka ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa 25-kii bishan ku geeriyootay weerarkii ismiidaaminta ee ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee Magaalada Muqdisho.
"Hibaaq iyo intii maalintaa la geeriyootay dhammaantood naxariistii janno Allaha siiyo, dembigooda Allaha dhaafo, qabrigooda Allaha u waasiciyo. Anagana Ilaahay nagama dhigo kuwii fitnooba gadaashood.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.
Ra’iisal Wasaaraha oo kulankaasi ka hadlayay ayaa yiri "Hibaaq Abukar horaa loo sheegay waxay ka mid ahayd shaqaalaha ugu kartida badan, ugu dadaalka badan, ugu soo wax saarka badneyd. Waad ogtihiin howsha baaxadda leh ee xafiiskan ka waday, runtii waa howl culus oo ku saabsaneyd howlaha haweenka ama jinsiga oo maanta lagu guda jiro doorashooyinka, qaybna ku laheyd sidii dumarka Soomaaliyeed qayb muhiim ah oo muuqato ay uga qayb qaadan lahaayen doorashooyinka dalka ka dhacaya.”
Rooble ayaa yiri "Insha’Allah, waan guuleysanaynaa, wadankan doorashuu u socdaa, dadka yar ee isku dayaaya inay carqalad naga geliyaan, oo ay argagixisadu ka mid tahay waan ka hortageynaa Insha’Allah, Ilaahayna wuu jebinayaa. Marka horey haloo socdo, qalbigana hala adkeysto.”
Rooble ayaa intaasi ku daray "Dhammaan Ciidamada Soomaaliyeed meel kasta ay jooggaan waa ku mahadsan yihiin dadaalkooda iyo kartida ay muujiyeen. Dhibaatooyinka dhacaya aad bay u yar yihiin, marka loo fiiriyo xilliyadii hore, taasina waa Ilaahay mahadiis, waxaana rajeynayaa inay dadaalkooda laba laabaan.”














Rooble "Waad ogtihiin Hibaaq, howsha baaxadda leh ee xafiiskan ka waday"
...