Hayeey Ciidamada Badbaado Qaran. is ka jira. !!!!!

1
Wednesday September 29, 2021 - 11:55:20 in Wararka by
  • Visits: 880
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hayeey Ciidamada Badbaado Qaran. is ka jira. !!!!!

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Sida ku qoran Buugga ” Al kaamil Fi Taariikh” ee uu qoray Ibnu Athiir.

Jenghis Khan, waxa uu ku dhashay Magaalada Tenujin ee Dalka Mongolia ee Asiyada fog.( 1158- 18 August 1227) . ( F.S: 1aad).
Waxa uu Sameeystay Ciidamadii loo yaqiin Tataar. Tataar oo Macnaheedu yahay ” Naar” si Dadka loogu cabsiiyo, sida maantaba Ciidamadeena qaar loogu bixiyay Magacyo Dadka lagu Cabsiiyo.
 
Qabaa’iiladii yar yaraa ee Mangolia, ayuu mideeyay si uu Dagaalka ugu isticmaalo, Waxa uu u ogolaaday in ey iyagu qaataan Cashuurta laga qaado Ganacsatada gaar ahaan Ganacsiga ka yimaad dhinaca Shiinaha iyo Hindiya ee u gudbayo wadamada kale, gaar ahaan dhinaca Carabta, xirfadaa oo uu isticmaalayay ilaa uu dhul badan ku qabsaday. Ciidamadii uu soo uririyayna waxaa lagu laayay, Wadamo ka fog deegaanadooda.
 
Hogaamiyihii Mangooliyiinta Md. Jinkis khan ayaa weeraray Magaaladda Bukhaara. Magaalada oo difaac Adag leheyd, Darbina uu ku wareegsanaa umana suura galin Jinkis Khaan in uu dhufeyskaa jabiyo. ( F.S: 2, 3,4 & 5aad)
 
Warqadii 1aad.
 
Jinkis khaan, Warqad ayuu u qoray Dadkii Magaalada waxa uuna ku qoray Warqada: ((
Dagaalka nagu Gacan siiya, Markaan guuleysano waxaan Badbaadi doonaa Naftiina iyo Maalkiina)).
 
Dadkii Magaalada wada degenaa ee Markii hore ku mideysnaa Dagaalku, Labo ayeey u kala jabeen, Qeyb Facaa Tuug noqotay oo raacday Codsigii Jinkis khaan oo diiday Dagaalka iyo Qeyb sii waday Dagaalkii.
 
Warqadii 2aad.
 
Mar 2aad ayuu Qeybtii Facaa Tuuga u soo diray Qoraal kale isaga oo leh: (( Haddaad Nagu Gacan siisaan sidii looga guuleysan lahaa kuwa diiday in ey is dhiibaan, Annaguna marka aan Magaalada qabsano waxaan idinka dhigi Doonaa Mutaqbalka, Madaxda Magaalada xakumidoonto)).
 
Kuwii Facaa Tuuga ahaa ayaa hubkii qaatay, Dagaal ayaana ka dhax bilaawday iyaga iyo kuwii Magaalada Badbaadinayay. Ciidamadda Jinkis khaana Dusha ayeey ka fiirsanayeen Dagaalka Dhax marayay Dadkii Magaaladda wada deganaa.
 
Ugu dambeeyn kooxdii Facaa Tuug ayaa guuleysatay. Ciidamadii Jinkis khaanna iyaga oo aan dagaal galin ayeey Magaaladii Bukhaara qabsadeen, kadibna Ciidamadii Jinkis khan ayaa Facaa tuugii Hubka ka dhigay, kadibna meel fagaaraa ayey isagu keeneen Facaa tuugii oo dhan, Qoorta ayeeyna ka wada jareen dhamaantood.
 
Jinkis khan ayaa la weeydiiyay Sababta uu sidaa ugu laaynayo kuwii Gacanta ku siiyay in uu Magaaladda Bukhaara qabsado. Markaa ayuu Jinkis khan yiri, Hadalkiisii Taariikhda galay ee ahaa: ((( Haddii ey yihiin kuwo la Aamini karo, Walaalahood ma khiyaani leheyn))).
 
Ujeedo.
 
Ma ahan Badbaado Qaran oo kaliya, ee Qof kasta oo Dalkiisa iyo Dadkiisa khiyaano waxaa dhici karto in Maalin uu dhagahiisa ku maqlo Hadalkii Caanka noqday ee Jinkis khan, hadal la mid ah.
 
Dhacdadaasi, waxa ey dhacday 800 Sanno ka hor ka fiiri. Buugga Al Kamiil Fi Taariikh ee uu qoray Ibnu Athiir.
 
waa iga Talo, Dalkaaga iyo Dadkaaga iyo Diintaada ha khayaanin.
 
Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip