HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES TALAADO 28-AK SEBTEMABR 2021-KA

0
Tuesday September 28, 2021 - 08:36:51 in Wararka by
  • Visits: 458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES TALAADO 28-AK SEBTEMABR 2021-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Farmaajo iyo Rooble oo war kasoo saaray geerida Majaajiliiste Ajakis

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Md.Maxamed C/hi Maxamed (Farmaajo) ay aa war ka soo saarayu geerida naxtinta leh ee Shalay ku ti mid Allaha u naxariistee Jilaagii Cabdi Muriidi Dhee re (Ajakis).

Ugu horreyn Farmaajo yaa tacsi tiiraanyo leh u dir ay qoyska, qaraabada iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Ajakis oo ku geeriyooday Muqdisho.qoraalka kasoo baxay Villa Soomaaliya ay aa lagu yiri "Madaxweynaha ayaa marxuumka Alle u ga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa. Aamiin”

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Md.Maxamed Xuseen Rooble ayaa isna ka hadlay geerida ku timid Marxuumka oo maalmahan ku xanu unsanayey Muqdisho. Rooble ayaa ehellada marxu umka, bahda fanka, saxaafadda iyo guud ahaan Um madda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida ku ti mid Jilaa Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis).

"Allaha u naxariisto jilaagii caanka ahaa Cabdi Mu riidi Dheere oo ku magac dheeraa Ajakis oo Shalay ku geeriyooday Muqdisho. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska marxuumka, asxaabtiisii, bahda fanka iyo sa xaafadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri.

AUN marxuumka ayaa sidoo kale caan ku ahaa jil iinka iyo madadaalada, isaga oo tabin jiray barnaa mijyo toos ah, kuwaas oo ay jeclaayeen dadka Soo maaliyeed.

Gen. Muhoozi oo Villa Somalia kula kulmay Farm aajo & Rooble, xilli la faro-geliyey khilaafkooda

DowladdaUganda ayaa soo faro-gelisay khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble, ayada oo taliyaha Ciidamada lugta Uganda Lt. Gen eral Muhoozi Kainerugaba iyo Sar aakiil ciidan uu hoggaaminayo ay Shalay soo gaareen M/Muqdisho.

Sida ay sheegtay in ay ogaat ay Caasimada Online, Generaal Muhoozi oo uu dha lay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa la geeyay madaxtooyada, ayada oo uu la kulmay ma daxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Max amed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxay Muhoozi iyo Saraakiisha ku we hlinayay safarkiisa kulan la qaateen R/Wasaare Ma xamed Xuseen Rooble, xili uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyo madaxweynaha.

Ujeedka wafdigaan ayaa lagu sheegay in uu la xir iiro hoos u dhigista khilaafka labada mas’uul iyo ar rimaha amaanka.

Si kastaba, Wafdigan ayaa imanaya xili uu dhawa an madaxweynaha Ugand uu sheegay inuu ciidam adiisa kala baxayo Soomaaliya, haddii aan xal loo he lin khilaafka madaxda sare ee dalka, taasi oo wax u dhimeysa howl-galada amaanka.

Museveni oo xiligaas la hadlay warbaahinta gu daha ayaa sheegay inuu ka daalay muranada siyaa sadeed ee aan dhammaadka laheyn ee ka socda M/Muqdisho Waxa uu sheegay in hoggaamiyeyaa sha Soomaalida looga baahan-yahay inay ka fakira an sidii looga gudbi lahaa caqabadaha haatan tag an, si xal loogu helo khilaafaadka iyo is-jiid-jiidka weli ka jira qabsoomida doorashooyinka dalka.Uganda waa dalka ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada ugu badan marka loo eego ciidamada waddamada ku jira howl-galka nabad ilaalinta ee Ururka M/Afrika.

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii Dorraad isku qarxiyey Ceel Gaabta

Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay wareysi uu bixiyey ninkii isku qarxiyey Koontaroolka laga ga lo madaxtooyada Soomaaliya ee Isgoyska Ceel Gaabta ee M/Muqdisho, kaasi oo uu kaga hadlay qorshaha uu naftiisa ku dilay.

Wareysiga uu bixiyey naftii haligahaan ayuu ku sheegay in lagu magacaabo Maxamed Amiin Xaaji Xubbi loona garan ogaa (Carafaat).

Ninkaan ayaa sheegay inuu kasoo jeedo M/Mu qdisho ee Caasimadda Soomaaliya, islamarkaana uu ka dhashay Beesha Shabeelle, gaar ahaan Reer Geedow.

Ninkaan oo ahaa 20 jir ayaa markii hore ka tirsan aa qeybta Jabhadaha Al-Shabaab ee ka dagaalamo G/Sh/Hoose ka hor inta uusan ku biirin qeybta is-qar xinta, sida uu ku sheegay wareysiga uu bixiyey.

Kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay ma s’uuliyadda weerarka, waxayna sheegtay inay la be egsatay kolonyo ay la socdeen saraakiil ka tirsan dowladda, iy adoo sheegtay inay ku dishay 16 qof oo ka tirsan Dowladda.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya ayaa isna dhanki isa sheegay in ugu yaraan 8 qof ay ku dhinteen, ku dhawaad 9 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee 25 Bishaan ka dhacay nawaax iga Madaxtooyadda Soomaaliya.

Weerarkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen digniino ku saabs an weeraro ka dhici kara magaala madaxda kuwaa soo loo diray shaqaalaha hay’addaha caalamiga ah.

Qaraxyada loo adeegsado gawaarida waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyo ayaa muddooyinkii u da mbeeyay yaraaday, hase ahaatee waxaa kordhay qa raxa qofka jaakadaha qarxa soo xirta ee goobaha dadka fariistaan isku qarxiya.

Qaraxyadaan ayaa sidoo kale ku soo aaday iya da oo uu jiro khilaaf xooggan oo u dhexeeya Xafiiska wasiirka 1aad ee xukumadda iyo madaxweynaha wa qtigu ka dhamaaday dalkuna uu isku diyaarinayo doorasho.

Taliska Booliska Galmudug oo hoggaanka Ahlus unna uga digay Abaabul dagaal

Taliska Guud ee Ciidamada Booliiska D/G/ Gal mudug ayaa ugu baaqay hoggaanka Ahlusunna ga ar ahaan Macalin Maxamuud & Sheekh Shaakir in ay joojiyaan abaabulka dagaal oo ay ka wadaan deg aanka Huurshe oo ay ku sugan yihiin.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in ho gganka ahlusunna ee degaanka Huurshe soo gaar ay 12-kii Bishaan ay bilaabeen abaabul iyo kicin dag aal , iyaga oo iska dhigaya kuwo u yimid Siyaarada Sheekh Yuusuf Direed, isla markaana ay kasoo ho rjeedaan horumarka iyo Amniga.

"Taliska wuxuu uga digayaa Culimada aan maga cyadoda korku soo xusnay inay joojiyaan ababulka iyo Colaada ay ka hurinayaan degaannada Galmud ug gaar ahaan Gobolka Galgaduud ayaa lagu yiri” Qoraalka taliska Booliska Galmudug.

Sidoo kale Taliska Booliska Galmudug ayaa fara y sarakiisha iyo Ciidamada qeybahooda kala duwan ee ku sugan degaanka Huurshe in ay xeryohooda dib ugu soo laabtaan muddo 24 saac gudahood oo aysan qayb ka noqon abaabulkaasi, iyaga oo wata dajaada iyo dareyska Ciidan, isla markaana cidii u hoggansami weysa laga qaadi doono tallaabo sharci ah. "Waxaan u sheegaynaa shacabka, ganacsatada, siyaasiyiinta iyo qof walba oo ku howlan gacan siinta kuwa ka shaqeynaya colaadda Iyo duminta Maamul Goboleedka Galmudug in ay faraha kala baxaan abaabulka iyo kicinta dadweynaha, ogaadaanna in ay tahay fal-danbiyeed, taliska ciidanka Booliskuna uu la socdo dhaqdhaqaaqooda, waxaana sidoo kale baaq u direynaa waalidiinta caruurtooda loo adeegsa naayo hurinta xiisadaha colaadeed iyo dhibaateynta dadka shacabka ah oo abaarta la ildaran oo si aysan raali ka ahayn deegaanadooda ay u soo kor dageen ragga hurinaaya dhibaatada in ay ka ceshadaan ca ruurtooda ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay taliska Booliska Galmudug. Warkan kasoo baxay Taliska C/ B/Galmudug ayaa waxaa uu kusoo aa dayaa xilli ma almihii la soo dhaafay aad loo hadal haayay in hogg aanka Ahlusunna degaanka Huurshe ka wadaan ab aabul dagaal oo ka dhan ah Maamulka Galmudug.


Itoobiya ‘oo usoo socota’ Shabelle iyo Jubba iyo farriin loo diray DF Soomaaliya

Biyo xireenka ay ka sameysatay Itoobiya webiga Nile-ka ayaa muddo badan waxaa ka taagana khilaaf, kaasi oo saameyn ku yeelan doona mustaqbalka Soomaaliya, sida uu sheegay Aqoonyahan Prof. Xasan Macalin.

Prof. Xasan oo PHD ka haysta xiriirka caalamiga ah ayaa sheegay in arrinta muranka biyaha ee Masar iyo Itoobiya aysan ku koobnaan doonin labada dal, maadama uu ku doodayo in Itoobiya ay u soo jeesan doonto Jubba iyo Shabeelle, kadib marka ay kasoo dhamaato Nile-ka.

"Haa, muranka Itoobiya iyo Masar, waxa uu saameyn nagu yeelan doona waqti fog, waayo hadda Itoobiya biyaha ay muran gelisay waa Nile oo galbeed ah, marka dhanka bari usoo jeesato, oo Jubba iyo Shabeelle soo aado ayey saameynta iman doontaa,” ayuu yiri Prof. Xasan Macalin.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in Soomaaliya ay hadda taageero u muujiso Masar oo ay si weyn biyo xireenka Nile-ka iskugu hayaan Itoobiya, oo ayadu saaxiib dhow la ah madaxda sare ee dalka.

"Haddii ay Masar heshiis uga baxdo, Soomaaliyana waa uga bixi doontaa, sidaas darteed Soomaaliya waa iney taageerto Masar, waayo waa isku dan, haddii Itoobiya ay ku guuldareysato kiiska Masar, Soomaaliya berri waa ay ku doodi kartaa.”

Ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya iyo Masar ay isku dan yihiin, saameyn xoogana ay bulshadooda ku yeelan doonto qorshaha Itoobiya ee keli faa’iideysiga.

Muranka biyo xireenka Nile-ka ayaa muddo badan ka dhex taagna dalalka Masar, Sudan iyo Itoobiya, ayada oo muddooyinkii dambe ay si weyn uga dhex tafantay Masar iyo Itoobiya, mana jiro ilaa

hadda heshiis rasmi ah oo laga gaaray arrintaas.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dha shay qarax ka dhacay Kismaayo

Wararka aan ka heleyno M/ Kismaayo ee G/Jubb ada Hoose waxay sheegayaan in Xalay qarax xoog leh oo ka dhacay gudaha Maqaayad ku taalla Magaa lada ay ku geeriyoodeen dad u badan rayid, kuwo kale ay ku dhaawacmeen.

Inta la xaqiijiyey shan qof ayaa ku geeriyootay Qa raxa, halka u gu yaraan lix kalena ay ku dhaaw acmeen, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, waxa ana haatan dhaawacyada dadkaas lagu da bii bayaa isbitaalada magaalada Kismaayo.

Qaraxaas ayaa noociisa lagu sheegay miino lagu sii diyaariyey gudaha Maqaayada uu ka dhacay oo lagu magacaabo Xeebta Cagaha Gali, halkaas oo dad badan ay ku caweynayeen. Sida aan xogta ku helnay Maqaayada waxaa iska leh sarkaal ka tirsan ciidamada booliska Jubbaland, kaas oo dadka nala hadlay magaciisa noogu soo koobeen Mafoofe.

Maqaayada qaraxu ka dhacay waxay ku taallaa xaafad lagu magacaabo Qoryooley oo ka tirsan xaa fadaha M/Kismaayo ee G/Jubbada Hoose.

Wararka ayaa waxaa ay intaas ku darayaan in Ci idamada Booliska iyo Nabadsugida Jubbaland ay du rba tageen halka uu qaraxa ka dhacay, waxayna ha atan xaafadaas ka wadaan howlgallo ay ku baacs anayaan kuwii ka dambeeyey qaraxaas Maqaayada gudaheeda lagu sii diyaariyey.

Xiliga hadal jeedinta Musharixiinta Aqalka sare ee Gobolada Waqooyi oo la shaaciyay

Guddiga Hirgelinta doorashada 2-da Aqal ee Gob olada Waqooyi ayaa waxay ay shaaciyeen xiliga ras miga ah ee ay dhacayso hadal jeedinta xubnaha mu sharixiinta ah ee u tartamaya kuraasta Aqalka sare ee Somaliland. Xubnaha isdiiwaan galiyay ee u tar tamaya kuraasta Aqalka Sare ay aa lagu wargaliyay inay maalinta berri ah ay Xarunta Afisyooni ka bilaaban doonto hadal jeedinta Musharaxiinta.

"Guddiga maamulka Doorashada kuraasta gobol ada waqooyi Somaliland waxay ogaysiinayaan dha maan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Door ashada Aqalka Sare ee Somaliland in berrito oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28-09-2021(Talaada) ay si rasmiya u bilaaman doonto hadal jeedintii (khudb adihii) musharixiinta. Goobta: Xerada Afisiyoone Saacada: 8:00 Am, su baxnimo. Fadlan Waxa Laga codsanayaa musharix iinta inay dhowraan wakhtiga” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Guddiga.

Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Galmudug & Fahad Yaasiin?

Waxaa Habeen hore M/Muqdisho kulan xasaasi ahaa ku yeeshay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) iyo la-taliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Kulanka ayaa ka dhacay hoyga uu ka degan yahay nawaaxiga Ga roonka diyaaradaha Madaxweynaha Galmudug, waxaana kulanka qeyb ka ahaa Wasiiru Dowlaha Gaadiidka C/raxmaan Dheere iyo Wasiirka Boostada Galmudug Aadan Qoryooley oo lagu tilmaamo shaqsiyaadka aadka ugu dhow ee kulamada gorgortanka siyaasadeed uu u dirsado.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in 2da dhinac ay ka wada hadl een arrimaha weli taagan ee la xiriira khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Farma ajo iyo R/Wasaare Rooble.

Kulankaan ayaa loo arkaa inuu yahay mid villa Somalia ay ku dooneyso in xal laga gaaro khilaafka Farmaajo iyo Rooble, waxaana Madaxweynaha Galmudug uu yahay hoggaamiyaha kaliya ee geli kara arrintaas dhowr jeerna isku dayay.

Kulankaan Habeen hore Muqdisho ku dhexmaray la-taliyaha Amniga Qaranka ee Ma daxweyne Farmaajo Fahad Yaasiin iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Dorraad Fahad Yaasiin munaasabad ka dhacday Madaxtoiyada uu kula wareegay xilka la-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha.

Taliye ka tirsan Ciidanka Somaliland oo dagaal lagu dilay

Wararka naga soo gaaraya degmada Xudun ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal ka dhacay halkaasi lagu dilay Taliyihii Ciidamada Somali land ee degmadaas.

Taliyaha ayaa waxaa uu ku dhintay dagaal Ciidamada Somaliland iyo rag hubrysan oo la sheegay inay ka Ganacsanayeen waxyaaba ha maanka dooriya ku dhex-maray degmada Xudun.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in dagaalka ay sidoo kale ku dhaawacmeen askar kale oo ka tirsan Ciidamada Somaliland, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka degmada Xudun.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Xudun ayaa waxaa ay sheegauaan in Ciidamada ay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah dableeydii hubeysneyd halka kuwo kale ay baxsadeen.

 

Taalibaan oo amarro kusoo rogtay goobaha lagu jarto timaha

Kooxda Taalibaan ayaa ka mamnuucday goobaha lagu jarto timaha ee gobol ka Helmand in dadka ay garka u gaabiyaan ama ay ka xiiraan.

Waxay sheegeen in tallaabadan ay kasoo horjeedo shareecada Isla amka. Booliska Afghanistan waxay sheegeen in qof kasta oo jebiyay xeerkan mamnuucaya gar xiiridda tallaabo laga qaadi doono.

Sidoo kale xarumaha timaha lagu jarto ee ku yaalla caasimadda Kabul waxay dhankooda sheegeen in amarradan lasoo gaarsiiyay si ay u dha qangeliyaan.

Amarradan waxay muujinayaan in kooxda ay dib usoo celisay xeerarkii ad kaa xilliggii hore ay awoodda hayeen inkasta oo markii ay dhawaan qabsadeen Afghanistan ay sheegeen in xeerar dabacsan ay ku dhawaaqi doonaan marka ay xukuumadda soo dhisaan.

Tan iyo markii ay talada qabteen bishii lasoo dhaafay, Daalibaan waxay fuliyeen tallaabooyin adag oo ka dhan ah dadka kasoo horjeeda

.BBC SOMALI

Filsan Cabdullaahi Axmed oo iska casishay Golaha Wasiirada Abiy Axmed

Wasiirka Arrimaha Haweenka IItoobiya, oo ahayd sarkaalkii u horreeyey ee heer federal ah ee qirta inuu kufsi ka dhacay gobolka Tigray xilligii uu dagaalku ka socday, ayaa Isniinta Shalay xilkaasi iska casishay iyadoo aan sheeginsa babta ay xilka uga degtay.

"Xaalad kasta oo wax u dhimaysa anshaxayga waxa ay lid ku tahay mab da’ayga iyo qiyamkayga, qiyaamaynta caqiidooyinkaas ina waa jeb inta kalsoonida naftayda iyo muwaadiniinteena,” ayay farriin ay soo dhigtay Twitter-ka ku tiri Filsan C/hi Axmed, oo kasoo jeeda gobol ka Soomaalida.

"Sababo shaqsi oo aad ugu weyn damiirkeyda dartood, waxaan aniga oo ku faraxsaneyn gudbiyey warqaddeeda is-casilaadda, oo u dhaqan geleysa si deg deg.” Bishii February ayay Filsan sheegtay in "shaki la’aan” ay tahay in kufsi uu dhacay tobankii bilood ee uu socday dagaalka gobolka Tigray ee waqooyiga dalk aasi kaasi oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa jabhadda TPLF, iyadoo ku dhawaaqday guddi arrintaasi baara.

Bishii tegtay, Filsan ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegtay in warbixinta guddiga loo diray xeer-ilaaliyaha guud, islamarkaana ay u taallo saraakiisha hay ’adaha fulinta inay go’aan ka gaaraan xaddiga dambiyada & cidda mas’uulka ah.

Waxa ay intaas ku dartay inay rumeysan tahay in saraakiisha sharci-fulinta "ay sameynayaan intii karaankooda ah”laakiin ay rajeyneyso in shaqadu ay si dha qso leh horey ugu sii socon doonto.

Filsan kama jawaabin codsi loo diray Shalay oo ku saabsanaa inay faah-faa hin dheeri ah ka bixiso is-casilaaddeeda. Is-casilaaddeeda ayaa timid 7baad ka hor xilliga lagu wado in Abiy, oo xisbigiisa PP uu si weyn ugu guuleystay doora shooyinkii dhacay horraantii sanadkan, uu soo magacaabo dowlad cusub.

China oo markab dagaal iyo ciidamo u soo diray biyaha Soomaaliya iyo

 gacanka Cadmeed

Markabkii 39-aad ee Ciidanka Badda Shiinaha ayaa ka ambabaxay M/ Qing dao, oo ku taal G/Shandong ee bariga Shiinaha, si uu u fuliyo hawlgal laga fuli nyo gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya.

Markabkan ayaa waxaa saaran hubka wax burburiya, laba helicopter, waxaa na la socda daraasiin katirsan ciidamada sida gaarka ah u tab abaran ee fuliya hawlgallada khaaska ah.

Ujeedada Markabkan loogu diray biyaha Soomaaliya, ayaa ah la-dagaallanka argagixisada iyo la-dagaallanka burcad-badeedda, iyo sidoo kale kormeerka badda.

Ciidanka Badda China ayaa ka bilaabay hawlgallo gacanka Cadmeed iyo biy aha ka baxsan Soomaaliya December 2008.


CALAAMADDA GANACSIGA – OGEYSIISKA GUUD

(gudadaha dalka SOMALIA)

OGAYSIIS HALKAN WAXA LOO BIXIYAY YIWU PAIER ELECTRIC APPLIANCE CO., LTD, a Chinese company, with head office at No.17195, Zone 2, China Yiwu International Trade Mart, Futian Street, Yiwu City, Zhejiang Province, Chin

 

Waa mulkiilaha iyo mulkiilaha keli ah ee summadahan soo socda:

SOKANY

Astaanta ayaa lagu isticmaalay fasalada caalamiga ah7,8, iyo 11 ixtiraam darrada soo socota:

 

Fasalka 7: mashiinnada qasaya; subagga; mashiinnada hilibka [mashiinnada]/mashiinnada hilibka [mashiinnada]; mashiinnada bur; mashiinnada roodhida; mashiinnada cajiinka; mashiinnada diyaarinta cuntada, mashiinnada korontada ujeedooyinka guriga, soo -saareyaasha cuntada, korontada, wax -soo -saarayaasha casiirka, korontada

 

Fasalka 8: gadh-goynta; curlingtongs; cuticletweezers/cuticlenippers; crimpingirons; handimplements for timoircurling; mandiil, koronto-koronto; ciddiyaha, korontada; ciddiyaha ciddiyaha, biraha korontada/korontada qalabka korontada, korontada iyo korontada; manicureets, korontada; baalasha indhaha

 

Fasalka 11: foornooyinka wax lagu dubto, makiinadaha wax lagu karsado, korontada; makiinadaha wax lagu kariyo/kariyaha; gaas -gubtayaasha; roasters; autoclaves, electric, forcooking/cadaadcookers, koronto kootooyinka korontada, hawo -qaadeyaasha, soyamilk samaynta mashiinnada, korontada; kafeega, kafeega, faaruqinta, qalabka korontada, barafka iyo qalabka; humidifiers, timo -jare.

OGAYSIIS WAXAA KALOO BIXIYAY in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad kasta oo adeegsata ayaa sheegay in summad kasta oo ku dayasho leh, ama ka soo horjeedda cid kasta oo ku xadgudubta xuquuqda lahaanshaha summadaha.

 

Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan la xiriir:

Inventa International Email:

info@inventa.com


SOMALIA

TRADEMARK CAUTIONARY NOTICE

CARRIER

 

NOTICE IS HEREBY GIVEN that the above trademark is the trademark of

 

 

Carrier Corporation, a corporation organized and existing under the laws of the State of Delaware of One Carrier Place, Farmington, Connecticut 06032, United States of America

 

And is used in connection with:

 

Appliances for lighting, heating, steam generating, cooking, refrigerating, drying, ventilating, water supply and sanitary purposes, air conditioning apparatus; bed warmers, hot water bottles, warming pans, electric or non-electric; electrically heated cushions (pads) and blankets, not for medical purposes; electric kettles; electric cooking utensils & all other goods included in class 11.

 

Notice is also given that legal proceedings will be taken against any person or company who uses the said trademark or any limitations thereof or who otherwise infringes the rights of the said company.

 

Any enquiry relative thereto may be referred to:

Saba & Co. Intellectual Property s.a.l (Offshore)


P. O. Box 11-9421 Beirut – Lebanon
Tel: +961 5 45 48 88
Email:naf@sabaip.com


SOMALIA

OGEYSIISKADIGNIINTA EECALAAMADA GANACSIGA_____________

CARRIER


OGAYSIIS WAA BIXINAYAA in calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan tahay calaamad ganacsi:

 

Carrier Corporation, a corporation organized and existing under the laws of the State of Delaware of One Carrier Place, Farmington, Connecticut 06032, United Staes of America.

 

waxaana loo isticmaalaa iyadoo lala xiriirinayo:

Qalabka nalalka, kulaylinta, dhalidda uumiga, karinta, qaboojiyaha, qalajinta, hawo -gelinta, bixinta biyaha iyo ujeeddooyinka nadaafadda, qalabka qaboojiyaha; kuleyliyaha sariirta, dhalooyinka biyaha kulul, digsiyada kululaynta, korontada ama aan korontada ahayn; barkimooyinka korontada kuleylka leh (suufyada) iyo bustayaal, oo aan ujeedo caafimaad ahayn; ketles koronto; maacuunta karinta korontada & dhammaan badeecadaha kale ee ku jira fasalka 11aad.

 

OGAYSIIS WAXAA KA BIXIYAY in Dacwad Sharci Ah Laga qaadi doono qof Kasta ama Shirkadisticmaala calaamada ganacsiga ama wax kasta oo la midabtakooro ama kuwa kale ku xadgudboxuquuqda shirkaddaas.

Qof kasta oo qaraabo ah oo wax weydiin kara waxaa loo gudbin karaa:

Saba & Co. Intellectual Property s.a.l (Offshore)
P. O. Box 11-9421 Beirut – Lebanon
Tel: +961 5 45 48 88
Email:
naf@sabaip.com



 



UNOPS JOBS


Support Services - Travel Officer

 

Job categories              Administration

Vacancy code                        VA/2021/B5001/22621

Level                                       ICS-8

Department/office                 NYSC, Peace and Security Cluster

Duty station                                    Mogadishu, Somalia

Contract type International                    ICA

Contract level IICA-1

Duration Ongoing contract (Open-ended, subject to organizational requirements,

availability of funds and satisfactory performance)

Application period 24-Sep-2021 to 07-Oct-2021

 

Applications to vacancies must be received before midnight Copenhagen time (CET) on the closing date of the announcement.

 

Background Information - PSC


Peace and Security Cluster

 

The UNOPS Peace and Security Cluster (PSC) is a principal service provider in the field of mine action with the United Nations Mine Action Service (UNMAS), UNDP, UNICEF, Governments of mine-affected countries and other mine action partners. It is led by the Director, who has overall authority and accountability for the performance PSC on behalf of its clients. TheDirector is responsible for administering and providing oversight of the day-to-day management of the Project Field offices, both according to the client requirements and in line with UNOPS rules and regulations.

.
UNMAS

 

United Nations Mine Action Service (UNMAS) is a division of the Office of Rule of Law and Security Institutions (OROLSI) in the Department of Peacekeeping Operations (DPKO). UNMAS is mandated by the United Nations General Assembly (RES/68/72) to ensure an effective, proactive and coordinated response to the problem posed by a wide range of explosive hazards. Legislative mandates also recognize UNMAS technical expertise in responding to threats posed by unsecured and unsafe conventional weapons and ammunition stockpiles. As an office within DPKO, UNMAS supports peacekeeping and special political missions in accordance with Security Council mandates.

UNMAS as a component of the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) provides explosive hazard management capacities, including mitigation, to AMISOM as part of a logistical support package. Non-lethal tactical advice and analysis are delivered by UNMAS technical advisors located in each AMISOM Sector Headquarters and at AMISOM Force Headquarters, who support AMISOM planning and operations. UNMAS support includes both enabling ("operate in spite of IEDs”) and response ("defeat the device”).As a component of the UN Mission in Somalia (UNSOM) UNMAS also supports the Federal Government of Somalia, including the Somali Police Force, Somali Explosive Management Authority and National Security Advisor.

 

Functional Responsibilities


Under the supervision of the Senior Administration and Human Resources Manager, ...

Competencies


Treats all individuals with respect; responds sensitively to differences and enc...

Education/Experience/Language requirements


Education/ Experience/ Language Requirements a) ...

Contract type, level and duration


Contract type: ICA Contract level: I-ICA 1 (ICS8) Contract duration:Ongoin...

Additional Considerations


Please note that the closing date is midnight Copenhagen time Applications ...

Background Information - UNOPS


UNOPS is an operational arm of the United Nations, supporting the successful imp...



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip