HALKAAN KA AKHRISO :-WAA WARARKA W.M.TIMES EE MAANTA OO AH TALAADO 26-KA SEPTEMBAR 2021-KA

0
Sunday September 26, 2021 - 08:02:57 in Wararka by
  • Visits: 502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO :-WAA WARARKA W.M.TIMES EE MAANTA OO AH TALAADO 26-KA SEPTEMBAR 2021-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Afhayeenka ciidanka boliiska oo Faahfaahin ka bixiyey Qarax Shalay Dad badan ku dhinteen

Faah faahino ayaa ka soo baxaya khasaara ha ka dhashay weerar ismiidaamin ahaa oo Shalay ka dhacay agagaarka Isgoyska

 

 

Ceelgaabta, oo ka mid ah kontoroolada laga ila aliyo amniga Aqalka Madaxtooyada ee Maga alada Muqdisho

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in gaarigaasi uu ku qarxay meel lagu baaro gaadiidka aadda dhanka Qasriga Villa Somalia.

Inta laga warqabo sideed qof ayaa ku dhim atay, sideed kalena way ku dhaawacantay qara xan, oo uu gaystay qof la socday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Dadka ku dhintay qaraxa waxaa ka mid ah hooyo iyo laba carruur ah ay dhashay. Sidoo kale gabar lagu magacaabi jiray Hibaaq Abuk ar, kana shaqeynaysay Xafiiska Ra’iisal Wasa araha ayaa ku dhimatay qaraxaasi.

Qaraxa ayaa sidoo kale waxa uu burbur ka soo gaaray dhismayaal ku yaala aaggaasi, hal ka tiro gaadiid ahna ay ku basbeeleen.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliye ed, Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa xaqiijiyay in sideed qof ku dhimatay qaraxaasi. Afhayeenka ayaa sheegay in toddobo ka mida dadkaasi ay rayid ahaayeen, halka kan kalena uu ahaa ask ari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Wadooyinka.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliya dda weerarkan ayaa dhanka kale sheegay inay ku dileen masuuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka ti rsan Dowladda Federaalka, inkastoo aanay wa rkooda ku sheegin tirada dadka ay ku waxyee leeyeen qaraxaasi.

Madaxweyne Farmaajo oo ka Tacsiyeey geer ida dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Ca bdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeey geerida dadkii ku dhintay qaraxii Shalay ka dhacay ma gaalada Muqdisho oo ay ugu yaraan siddeed qof ku dhimatay siddeed kalena ku dhaawacmeen, kadib markii gaari la gu soo rarray walxaha qarxa uu ku qarxay gaadiid taagnaa meel dhawr tallaabo u jirta bar kontorool oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, gaar ahaan is goyska ceelgaabta.

"Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliy eed ugu baaqay isku duubni, wadajir iyo sii jo ogteynta la shaqeynta laamaha ammaanka,” ay aa lagu yiri qoraal lagu shaaciyay bogga Villa Somalia.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa, waxayna intaa ku dartay in bartilmaa meedku ahaa masuuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan Dawladda Federaalka, balse kooxdu ma aanay sheegin tirada dadka ay dileen ama dhaawaceen.

R/Rooble oo ka Tacsiyeeyey dadkii ku geer iyooday qaraxii argagixisadu Shalay la be egsadeen Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha XFS Md.Maxamed Xuseen Rooble, R/Wasaare ku-xigeenka, Was iiru- dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha, Xoghaya ha joogtada ah ee XRW, Agaasimeyaasha iyo guud ahaan howl w adeennada Xafiiska R/Was aaraha XFS waxa ay Tacsi Tiiraanyo leh u dira yaan qoyska, ehelada iyo asxaabtii ay ka geer iyootay Allaha u naxariistee Hibaaq Abuukar Xasan oo ka mid ahayd la taliyeyaasha arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka ee R/Wasaaraha Soomaali ya oo ku geeriyootay qaraxii argagixisadu Shalay ka geysteen Muqdisho.

Hibaaq waxa ay ahayd gabar dhallinyaro ah oo firfircoon, howlkar ah, kuna sifowday daacad nimo iyo dal jaceyl. Jannadii Firdowso Allaha ka waraabiyo marxuumadda Samir iyo Iimaan na Allaha naga wada siiyo.

Sidoo kale, R/Wasaaraha ayaa qoysaskoo dii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bex een uga tacsiyeeyey dadkii ku geeriyooday qar axii argagixisadu Shalay kula beegsadeen Muqdisho.إنا لله وإنا إليه راجعون

Wasiirka Amniga oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Irida laga galo Madaxtooyada

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa cambaaree yay weerarkii argagixiso ee Shalay ka dhacay Muqdisho.wasiirka Amniga Gudaha XFS Md. C/hi Maxamed Nuur ayaa si adag u cambaar eeyay falkii argagixadu Shalay dad shacab ah kula beegsadeen D/Xamar jajab ee G/ B/dir

"Waxaan cambaareynayaa falkii waxshinima da ahaa ee Shalay ka dhacay Muqdisho, kaas oo argagixisadu ku laayeen dad shacab ah oo aan waxba Shalaysan” ayuu yiri Wasiir C/hi Max amed Nuur.

Wasiirka ayaa qoysaskooda iyo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay shacabkii ku ge eriyooday weerarkaas bahalnimada ah.

"Waxaan tacsi u dirayaa qoysaska shacabkii birimageydada ahaa ee ku naf waay ay falkaas bahalnimada ah ee argagi xisadu geysteen, anigoo Eebbe uga baryaya inuu naxariistii janno ugu de eqo, ehekoodiina Samir iyo iimaan ka silyo.

Waxaan sidoo kale caafimaad deg deg ah u rajeynayaa dadka dhaawacmay Wasiirka ayaa sheegay in falalka noocan ah ee argagixisadu u ga gol leeyihiin cabsi gelinta iyo carqaladeynta amniga aysan marnaba dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka horjoogsan doonin dadaalka ay ugu jiraan xaqijinta amniga dalka, isagoo shacabka ugu baaqay in ay dowladda ku gacan siiyaan cirib tirka cadowgan u soo tafa xeytay xasuuqa shacabka Soomaaliyeed

Macluumaad la xiriira gabadha ka shaqey naysay Xafiiska Rooble ee ku dhimatay qaraxa

Hibaaq Abukar Xasan oo ka tirsaneyd Xafi iska R/Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuse en Rooble ayaa ka mid noqotay sideedda qof ee ku dhimatay weerarka ismiidaaminta ee Shalay ka dhacay M/Muqdisho. Nin la socday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa isku qarxiyay bar kontorool oo lagu baaro gaadiidka ku wajahan dhanka Madaxtooyada Somaliya.

Hibaaq Abukar Xasan oo ka tirsaneyd qay bta haweenka ayaa u ololeyn jirtay arrimaha qoyska iyo haweenka.

Dadkii la shaqeynayay waxay sheegeen inay ah ayd gabar aad u firfircoon oo shaqada ku wanaagsan.

Afhayeenka Xukuumadda, Maxamed Ibraah im Macalimuu ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid gabadhaasi. iIlaah ha u naxariisto Hib aaq Abukar oo ka tirsaneyd Xafiiska R/Wasaar aha, oo ka mid ahayd dadkii Shalay ku dhintay weerar bahalnimo ah oo argagixisadu ay ka sa meeyeen bar koontorool oo ku taala Isgoyska Ceelgaab.” Ayuu yiri Afhayeenka oo warkan ku sheegay bartiisa Facebook.

Safaaradda Sweden ee Somaliya ayaa dha nka kale ka tacsiyadeysay geerida ku timid Hib aaq Abukar. Safaaradda ayaa geerideeda ku sheegtay khasaare weyn oo soo gaaray Soma liya.

"War aad looga naxo ayaa ka imaanaya Mu qdisho. Hibaaq waxay ahayd hormuudka dhab ta ah ee xuquuqda haweenka. Tacsi tiiraanyo leh ayaan u direynaa qoyska Hibaaq. Waa kha saare weyn oo soo gaaray Somaliya.” Ayaa la gu yiri qoraal ka soo baxay Safaaradda.

Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan.

Saciid Deni oo si kulul ugu jawaabay wasiir Jamaal

Madaxweynaha dowlad goboleedka Punt land Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka jawaabay eedeyn uu maalmihii lasoo dhaafay maamulk iisa u jeediyey wasiirka qorsheynta dowladda federaalka Jamaal Maxamed Xasan, oo she egay in maamulka Puntland uu kala kulmay is hor-taag, kadib markii laba maalin ka hor uu ka degay magaalada Garowe.

Wasiir Jamaal oo Khamiistii la soo dhaafay ka degay garoon ka diyaaradaha ee magaalada Garowe ayaa u ga sii gudbay degmada laga soo doorto ee Dhahar oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Shir jaraa’id oo magaalada Dhahar uu wa siir Jamaal ku qabtay ayuu ku sheegay in dad kii ku soo dhaqeyn lahaa Garowe ay hor-istaag ku sameeyeen qolyo uu ugu yeeray ‘siyaasiyiin iyo shakhsiyaad qowleysato ah.’

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo Shalay ka hadalayey xaaladaha siyaasadeed ee dalka ayaa sheegay in dad waayahaan ka maqnaa deegaanka ay hadda dacaayado raqi iska ah ka faafinayaan maamulkiisa.

"Dad badan oo beryahaan naga maqnaa oo nidaamkaan iyo degaanaantaan soo ilaaway ayaa raba inta deegaanka doorashada federal ka darteed u yimaadeen inay buuq nagu fura an, laakiin waxaan ugu nasteexeynayaa war da dkaan ka mid tihiine la qabsada sida ay wax u rabaan,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweynaha ayaa sheegay in gabi aha anba aysan jirin cid la hor istaagay, "Dacaay adaha raqiiska ah ee dadka mustaqbalkooda la gu xumeynayo halaga waantoobo, reer Punt land waa il-bax cid been u sheegi kartana ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Saciid Deni.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, "Saaxiibada siy aasadda ku jira waxaan kula talinayaa qof kas ta waxa uu ku hadlaayo waa la xisaabinaayaa, waxaana ku jaan go’naa doonta mustaqbalkiisa siyaasadeed.”

 

Axmed Daaci oo soo jeediyey in FARMA AJO laga saaro madaxtooyada oo la

 dejiyo..

Guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Wadajir,Md. Axmed Xuseen Cadow (Daaci) sidoo kalena ka mid ahaa musharixiinta Aqalka Sare ee sanadkan, balse laga guuleystay ayaa ka hadlay xiisada ka taagan magaalada Muqdisho.

Axmed Daaci oo wareysi si iyey Radio Kulmiye ayaa shaaca ka qaaday khilaafka u dhexeeya madaxweyna ha muddo xileedkiisa uu dhammaaday iyo R/ wasaaraha uu saameyn ku yeeshay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dardar-gelinta arrim aha doorashooyinka.

Siyaasiga caanka ah ee Axmed Daaci oo ha dalkiisa sii wata ayaa xusay haddii ay sidaan ku sii socota xaaladda inuu ka dhalan karo gacan ka hadal, ayna tahay in laga hortego.

Sidoo kale Md. Daaci ayaa ugu baaqay be esha caalamka in Farmaajo ay ka saarto Villa Soomaaliya, ayna dajiso Xalane, si loo qaboo jiyo xiisadda.

"Beesha caalamka iyo dowladaha Soomaali ya daneeyana waxaan leeyahay madaxtooyada madaxweynaha ha ka saaraano oo ha dajiyaan Xalane, sida ay hadda xaaladda kusii socoto ha ddii ay kusii socoto dhibaato ayaa dhaceysa oo gacan ka hadal ah,”ayuu yiri Daaci.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay R/wasaa raha Soomaaliya, Md.Maxamed Xuseen Roo ble inuu go’aan cad qaato, isla-markaana uu ka shaqeeyo dhammeystirka doorashada.

Hadalka Axmed Daaci ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan ay hakad-galeen wada-hadalla dii u dhexeeyey 2da dhinac ee ka socday xarun ta Villa Soomaaliya ee M/Muqdisho.

Si kastaba, khilaafka u dhexeeya madaxwey naha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo R/ wasaaraha ayaa saameyn ku yeeshay xaalad da dalka ee dalka & doorashooyinka.

Khilaaf soo gala dhex galay Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa oo hakiyay

 doorashadii Aqalka Sare

Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhex galay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/hi Xuseen Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hargar Dabageed kaasoo saameyn ku yeeshay doorashadii Aqalka Sare ee ka socotay M/ Jow har.

Khilaafka ayaa ka dhashay markii Madax weyne ku xigeenka Hir shabeelle uu dalbaday in si gaar ah loogu xiro kursi ka mid ah kuwo Aqalka Sare mid ka mid ah musharaxiintii uu watay haddii kale inaysan dhici doonin doora shada kursigaasi.

2da Masuul ayaa khilaafkooda waxaa uu kee nay in ay hakato doorashada socotay, waxaana hadda ku howlan sidii arintaasi dib loogu bilaabi lahaa gudoomiyaha baarlamaanka Hirshabee lle. 18-kii bishaan Doorashadii Aqalka Sare ee ka socotay M/jowhar ayaa lagu kala tagay mar kii buuq iyo gacan-qaad ka dhacay hoolka do orashada.

Description: http://dhacdo.net/wp-content/uploads/2021/09/Gudoomiyihii-Degmada-Doolow.jpg Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle ayaa bu uqa iyo gacan-qaadka bilaabay xilli ay dhamaa tay cod tirinta wareegga 1aad ee doorashada kursiga 6aad Aqalka Sare oo ay ku tartamaye en 5 musharax oo beesha Madaxweyne ku xi geenka ka soo jeeda oo mid ka mid ah tan aasulay. Falkaasi waxaa lagu eedeeyay inay fuliyeen xildhibaano taageersan madaxweyne ku xigeenka markii ay dareemeen in musharax ooda laga guuleysan rabo.

Dekedda Kalluumeysiga Hobyo oo xarigga laga jaray (SAWIRRO)

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa Shalay xarigga ka jaray Dek edda Kalluumeysiga D/Hobyo ee G/ Mudug.

Mashruucan ayaa waxaa iska kaashaday Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Dowladda Talyaaniga, iyadoona ay dekedan adeegsan

doonaan kalluumeysatada deegaanka.

Munaasabadda furitaanka Dekedda Kalluum eysiga Hobyo ayaa waxaa ka qaybgalay Wasi iro ,Xildhibaano Heer Federaal & Heer D/Gobol eed, Maamulka G/Mudug, Maamulka D/Hobyo, xubno ka kala socday Safaaradda Talyaaniga & Hay’adda WFP, shirkadda fulisay mashruu can iyo xubno kale.

Wasiirka Dekedaha & Kalluumeysiga Galm udug, Cabdisaabir Nuur Shuuriye ayaa munaas abadda ka sheegay in mashruucii weynaa ee la gu dhisayay Dekedda Hobyo u gebo-gabo ku dhowyahay.

Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Maca lin Fiqi ayaa dhankiisa sheegay in mashruuca lagu dhisay Dekedda Kalluumeysiga Hobyo uu waxtar u leedahay dhaqaalaha dadka deegaan ka iyo guud ahaan Galmudugba.

"Mashruuca dekedan kalluumeysiga ayaa waxtar badan u leh kordhinta nolosha iyo dhaq aalaha dadka reer Hobyaad iyo Galmudug, guud ahaan.” Ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Qaramada Midoobay oo War kasoo saartay Qaraxii Shalay ka dhacay Muqdisho

Xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya ayaa ca mbaareeeyay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee barqadii Shalay ka dhacay Barta koontarool ee laga ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada ee Isgoys ka Ceel-gaabta ee Muqdisho.

Waxaa sidoo kale QM ay tacsi u dirtay ehela dii dadkii ku dhintay qaraxaas oo tirro ahaan ga arayay 8 ruux oo ka mid aheyd haweeney ka ti rsaneyd Xafiiska R/Wasaare M.X. Rooble.

Qoraalka ka soo baxay Q/Midoobey ayaa sidoo kale lagu sheegay "waxaan markasta g arab taaganahay dhammaan Soo maalida si loo ga hortago falalka argagaxisada ah ee foosha xun”.

Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku dhimatay qaraxa, halka 9 kalena ay ku dhaaw acmeen, waxaana ma s’uuliyada qaraxaas Is-miidaaminta ahaa sheeg tay Al-shabaab iyaga oo tilmaamay inay la bee gsadeen Gaadiid ay la socdeen Mas’uiliyiin ku socotay Madaxtoyad

Gudoomiyihii Degmada Doolow oo Xalay ku hooyanaya xabsiga

Gudoomiyaha Maamulka G/Gedo, Axmed Buulle Gareed ayaa Shalay waxa uu xilka ka qaaday Gudoomiyihii D/Doolow, Cali Faarax Mire. Gudoomiyaha ayaa wareegto uu soo saa ray waxa uu Maxamed Xuseen Cabdi (Lafey) u gu magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha cus ub ee Degmada Doolow. Xilka qaadista Gudoo miyihii hore ayaa lagu sababeeyay ku takri-fal awoodeed iyo musuq maasuq. "Dhammaan laa maha amniga waxaa la farayaa inay la shaqee yaan Gudoomiyaha cusub ee De gmada Doolow, Md.Maxamed Xu seen Cabdi (Lafey), si uu u guto waajibaad ka adag ee horyaalla.” Ayaa lagu yiri wareegta da.

Dhanka kale wararka ka imaanaya Degmada Doolow ayaa sheegaya in Gudoomiyihii hore ee degmada lagu xiray degmadaasi.

Sarkaal ka tirsan Maamulka G/Gedo oo la ha dlay Universaltv ayaa yiri "Gudoomiyihii Degm ada waa la jirdilay, waana la xiray. Xabsi kunte enar ah oo ku yaala D/Doolow ayuu ku xiran ya hay.”

Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa yiri "Waddo sharci ah looma marin xariga Gudoomiyihii Deg mada. Gudoomiyaha G/Gedo xilka waa uu ka qaadi karaa, laakiin iskama xiri karo sharci aha an, waxa lagu eedeynayana waa inay marka ho re maxkamad ku caddeysaa, ka dibna la xiro, haddii la rabo in sharciga lagu dhaqmo.” XIGASHO:DHACDO.COM

Madaxweyne Deni oo si cad u sheegay in Farmaajo uu hore wareejiyay arimaha doorashooyinka

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka hadlay xiisada siyaasadeed ee dalka ku soo korortay ayaa ugu baaqay Madaxda in R/Wasa araha fursad u siiyaan inuu shaq adiisa guto.

Madaxweynaha Puntland ay aa caddeeyay in Madaxweyne Fa rmaajo uu si cad Baarlamaanka hortiisa uu mas ’uuliyadda Amniga iyo doorashooyinka ugu war eejiyay R/Wasaare Rooble, ka dib qalalaasihii April dhacay.

"27 May DFS&a iyo dowladaha xubnaha ka ah waxay Xamar ku saxiixeen heshiis iyo habr aacyo doorasho oo dhigaya in doorashada iyo amniga dalka inuu R/Wasaaraha hoggaamiyo, runtii wixii lagu heshiiyay inuu khilaaf ka yimaa do waxay ceeb ku tahay dadkii heshiiskaas sax iixay”Hadalka Md Dani ayaa kusoo beegmaya xilli uu xogeystay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo & R/wasaare M.Xuseen Rooble.

Ergayga Geeska Afrika ee xasilinta iyo nab adeynta oo ka baaqday safar uu ku imaan lahaa Muqdisho

Wafdiga Madaxweynihii hore ee Nigeria Olus egun Obasanjo oo lagu waday inuu Shalay soo gaaro dalka ayaa baaqday, waxa ana la fila yaa Inuu Axadda yimaado M/Muqdisho.

Midowga Afrika ayaa u maga caabay Ergay ga Geeska Afrika ee Xasilinta&Nabadeynta. Shaq ada Ergayga ayaa ah inuu kala shaqeeyo dhinacyada jilayaasha siyaasadda ee dalalka Afrikada Bari oo ay ka mid yihiin Soomaaliya oo xilligan wajahaysa xaalado kala guurah, maadama XFS ay taabagelisayy Doora shada Aqalka Sare.

.Mr.Olesugun Obasanjo ayaa ahaa madax weyni hii 8-jeer oo isku xig-xigta si dimuqraadiy ad leh loo doortay ee Nigeria ka hor inta uusan xilka ku wareejin Cumar Yaradua

URUR AY KU MIDAYSAN YIHIIN QAREENNO SOOM AALIYEED OO MAXKAMADDA ICC U GUDBIYAY

 DACWAD KA DHAN AH DOWLADDA SOOMAALIYA

Urur ay ku mideysaniyiin Qareennada Soo maaliyeed ee qurbajoogta ah oo fadhigiisu ya hay Magaalada Melbourne ee waddanka Austr alia ayaa dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya

u gudbiyay maxkamada ca alamiga ee dambiyada da gaalka ee ICC ee magaalada The Hague.

Ururkan waxay maxkamadda u gudbiyeen afar kiis oo kala ah, kiiska Ikraan Tahliil Faarax, Dadkii lagu laayay Baydhabo sannadkii 2018 xilligii doorashadii madaxweyne Lafta gareen, cuno-qabatayntii duulimaadyada Kismaayo iyo dhallinyaradii Eritrea tababarka loogu qaaday.

Guddoomiyaha ururkaasi Garyaqaan Yuu suf Cabdi Faarax, ayaa sheegay in maxkama dda ICC ay ka qabatay dacwadda, balse wuxuu sheegay ka dooddisteeda in ay ku xiran tahay fursada ay maxkamaddu haysato.

Garyaqaan Yuusuf, wuxuu sheegay ujeed ada ay dacwaddan uga gudbiyeen dowladda Soomaaliya, in ay tahay sidii dowladdaha soo socda u ogaan- lahaayeen in lagu daba galidoo no xadgudubyada ay geystaan.

Wuxuu sheegay dowladda hadda jirta in ay ka mid tahay dowladdihii ugu badnaa ee ku ka cay xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda Aadanaha.

Wuxuu sheegay in ay hadda gacanta ku haya an kiisas ka dhan ah xuquuqda Aadanaha oo ka dhacay Dhuusomareeb, Bariire iyo Buulo Xaawo, kuwaas oo ay dowladda federalka Soomaaliya ku lug leedahay.

Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed oo shir uga qeyb galay Nigeria

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalga shiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Ahmed Madoobe Nuunow iyo Wasiirka Wasa aradda Howlaha Guud Dib u-Dhiska iyo Guryeynta DGKGS Md.Moha med

Ali Hassan oo maalmahan ku Sugan Dalka Nigeria gaar ah aan Dowlad Goboleedka Kaduna State ayaa ka qeyb galay shirka Maalgashiga ee Kaduna oo loo soo gaabiyey (KADINVEST 6.0)

Shirkaan oo ay si wadajir ah Ufureen Mada xweyne ku Xigeenka Nigeria iyo madaxweyna ha Kaduna State Mudane Nasir Al-Rufai ayaa waxaa kasoo qeyb galey wafuud caalami ah oo ka kala socdey wadamo iyo shirkado maa lgashi.

Waxaana shirka inta uu socday lagu soo ba ndhigay fursadaha maalgashi ee ka jira guud ahaan dalka Nigeria gaar ahaa Dowlad Gobole edka Kaduna State.

Casuumaadan Wasiirada ka socdey DGK GS ayaa waxey daba socotaa booqasho Dhow aan Madaxweynaha DGKGS Md. Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hog aaminayey ku tageen Kaduna State kaasoo la gu mataaneeyey labada Maamul Kaduna iyo Koonfur Galbeed laguna kala saxiixdey heshiis iskaashi oo dhinacyo badan leh.

Morocco oo Diyaarado aan Duuliye Laheyn ka Heshay Turkey. Morocco ayaa horaantii bishan waxaa soo gaaray diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn (drones) ee Turkiga, sida ay wakaalad da wararka AFP ka soo xigatay warbaahinta Fa r-Maroc.Warbixinta, oo ay sidoo kale baahiyeen dhowr warbaahin oo maxalli ah, ayaa imaanay sa iyadoo ay toddobaadyadii la soo dhaafay xiisad ka dhex aloosan tahay Morocco iyo dal ka deriskeeda ah ee Algeria.

Labada dal ayaa inta badan isku haya dhulka la gu muransan yahay ee Saxaraha Galbeed, iy adoo Algeria ay bishii August xiriirka u jartay Morocco, sheegtayna in dalka deriskeeda ah uu qaaday "daandaansi iyo ficil cadowtinimo.”

Xiriirka labada dal ayaa markale sii xumaad ay toddobaadkan ka dib markii Algeria ay Arba cadii ku dhawaaqday in ay hawadeeda ka xir tay dhammaan duulimaadyada rayidka iyo ku wa milatariga ee Morocco.Sida ay baahisay Far -Maroc, boqortooyadan ku taalla Woqooyiga Africa ayaa bishii April waxa ay dalka Turkiga ka dalbatay 13 diyaaradaha drones-ka ee noo ca Bayraktar TB2, iyadoo bishanna heshay qaybtii ugu horraysay ee diyaaraddan aan duu liyaha lahayn.

Rabat ayaa sida ay warbixintu sheegtay wa xa ay doonaysaa in ay "casriyeyso hubka ciid anka Morocco (FAR) si ay ugu diyaar garowdo khatar kasta iyo colaad”, laakiin ma aysan bixin faahfaahin.

Hase ahaatee, waxa ay sheegtay warbixintu in saraakiil ciidan oo Moroccan ah ay tababar 7yadii la soo dhaafay ku soo qaateen Turkiga si ay u bartaan habka ay u shaqeeyaan diyaarad aha aan duuliyaha laheyn.

Wararka warbaahinta ayaa warinaya in Mor occo ay heshiis ku kacaya 70 milyan oo dollar la saxiixatay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Baykar ee Turkiga.

Shirkadan waxaa maamula wiil uu soddog u yahay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, iya doo muddo sanado ah diyaaradaha aan duuliy aha laheyn nooca Bayraktar TB2 u dhoofiney say dalalka Ukraine, Qatar iyo Azerbaijan.AFP

Kenya oo heegan ugu jirta in ay diiddo go’ aanka murunka soohodinta badda ee Max kamadda

 Caalamiga ee Caddaaladda (ICJ)

Dowladda Kenya ayaa heegan sare uga jirta xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cad daaladda (ICJ), ay bisha soo socota ka gaari doonto dacwada ku saabsan muranka soohdin ta Badweynta Hindiya ee Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda ICJ ayaa go'aankeeda ku dhawaaqi doonta 12-ka Oktoobar, iyadoo soo afjaraysa dacwad daba-dheeraatay oo u dhax aysay labada dal ee deriska ah.

Maxkamaddu waxa ay go'aan keeda ku saleyn doontaa iya doo cuskanaysa xeerarka caala miga ah, dhammaystirka xud uud badeedka kala qeybiya Soomaaliya iyo Ke nya ee Badweynta Hindiya.

Waqtiga xukunka ayaa wuxuu ku soo bee gmayaa sannad guuradii 10-aad ee ka soo war eegtay markii ay ciidamada Kenya soo galeen gudaha Soomaaliya si ay ula dagaallamaan ko oxda al –Shabaab, waxaa sidoo kale taas loo arkaa "dharbaaxi wejiga looga dhuftay Kenya”.

Wargeyska afka dheer ee The Nation ee kasoo baxa Kenya, ayaa ku waramaya in Kenya aysan aqbali doonin xukunka maxkamadda, iyo in madaxda ugu sareysa dowladda Kenya ay qaadan doonaan go'aan ay kaga hor imaan doonaan xukunka maxkamadda.

Dowladda Mareykanka ayaa hadda ka hor diidday go’aamo ka soo baxay Maxkamadda sa nadihii 1986 iyo 2018. Kenya waxa ay go’aanka Maxakamdda ICJ ee muranka soohodinta badda u arki doontaa mid aanan loo marin "wa ddo xalaal ah”. Kenya waxa ay ku doodeysaa inaanan la tixgelinin codsiyo badan oo ay u soo gudbisay Maxkamadda, waxaana ka mid ah in garsoorayaasha kiiska laga saaro ninka Soom aaliga ah ee la yiraahdo Axmed Yuusuf.

Kooxda Daalibaan oo sameysay dhacdo dad badan ay ka Argagaxeen

Kooxda Daalibaan ayaa sheegtay in meyd ad afar ah ay kusoo bandhigeen goob fagaare ah oo ku taalla magaalada galbeedka dhacda ee HeratMeydadkan ayay ka soo laalaadiyeen goob si dign iin ay ugu diraan kooxaha wax afduubta, afarta qof ee la dilay ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen falal afduub ah oo laga fuliyay halkaas.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa imaaneysaa xilli sarkaal sare oo ka tirsan Daalibaan uu she egay in ciqaab xad dhaaf ah sida dil iyo gacan goyn ay ka billaaban doonaan Afghanistan.

Raggan meydadkooda lasoo bandhigay ay aa la dilay kadib markii ay rasaas isweedaarsa deen iyaga iyo Taliban, waxaana lagu eedeey ay inay qafaasheen nin ganacsade ahaa iyo wii lkiisa, sida saraakiisha gudaha ay sheegeen.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa waxaa loo sheegay in mid kamid ah meydadka laga soo laalaadiyay wiish gudaha magaalada si farriin loogu diro kooxaha dadka afduubta.

Madaxweyne Maxamuud Cabaas oo farriin hanjabaad ah u diray Israa’iilMadaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa Israa’iil siiy ay muddo hal sano ah oo ay kaga baxaan dhul ka ay ka haysataan, isagoo dhinaca kale ku hanjabay in ay ka laaban doonaan qoonsiga Israa’iil.

Adaladaan ayaa ka dambeeyay khudbad uu ujeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoob ay maalinimadii Dorraad, wuxuuna intaa ku daray in Israa’iil ay haysato hal sano oo aykaga baxdo dhulka Falastiin ee ay qabsatay 1967,taas oo ay ku jirto Bariga Qudus.

Hogaamiyaha Falastiin ayaa sidoo kale ugu baaqay Xogh ayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres "inuu qabto shir nabadeed oo caalami ah ,wuxuuna dhiniciisa muujiyay in uu diyaar u ahay in Israa’iil uu kala shaqeeyo arrimaha bix itaanka.

Madaxweyne Cabaas waxa uu caddeeyay inuu ka horjeedo khariidadaha gobolka ee muu jinrysa isballaarinta Israa’iil,iyadoo dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay ay qabsadeen deegaanno badan oo ay leeyihiin Falastiin.


 

Rooble oo joojiyay baahinta muuqaal laga duubay wasiir Dubbe + Qorshaha laga lahaa

Sida ay Caasimada Onlinesheegtay in ay u sheegeen xubno ka tirsan Wasaaradda Warfaa finta Soomaaliya ,Ra’I isul Wasaaraha Sooma ali ya Maxamed Xuse en Rooble ayaa amray in la joojiyo baahinta muuqaal uu duubay Wasiirka Warfaafinta Somaaliya Cusmaan Abuukar Du bbe, kaa soo jawaab u ahaa ma amulka Somaliland.

Wasiir Dubbe ayaa duubay muuqaal jaw aab u ah warqad ay dhowaan Somaliland u dir tay xubnaha beesha caalamanka iyo ururada caala miga, warqadaas oo ay ku sheegtay in aysan Somaliland wax shaqo ah ku laheyn doorasha da ka socoto Soomaali ya oo ay ku tilmaamtay in uu ka jiro maamul fadhiid ah.

Muuqaalka Wasiir Dubbe ee la joojiyay ay aa ahaa mid u badan hadalo durid ah una badan suugaan si dad ban loogu weeraryo Somaliland oo uu wasiirka ka soo jeedo.

"Hadalkiisa waxaa ku jiray in Somaliland ay tahay maamul goba leed ka tirsan Soomaal iya, 30 sano oo baadi goob madaxbanaani ay tahay maaweelo lagu seexiyo dadka reer waq ooyiga ah oo badank ood diyaar u aheyn go oni isu taagga balse ay wataan dad gaar ah ay uu ahaa hadalka Wasii rka,” ayuu yiri qof kamid ah xub naha maamul ka Telefishinka Qaranka oo daaw aday muuqa alka.

"Badanaa wararka xanafta leh maalmahaan waa lala socodsiiyaa xafiiska Rooble, waxaana aad ula socda wararka Telefishinka Wasiir ku-xi geenka Warfaafinta iyo dad gaar ah oo katirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya maada ama ay jirto xiisad siyaasadeed,” ayuu hadal kiisa sii raaciyay masuulka aan la hadalnay oo aan ka gaabsanay baahinta magaciisa.

Cusmaan Abuukar Dubbe oo ka tirsan Go laha Shacabka ee Baarlamaankii 10-aad ee wa qtiga dhamaaday ayaa hadda ka mid Murasha xiinta Aqalka Sare ee lasoo saaray liiskooda doorashada, toosoo todobaadkaan ka qabsoo mi doonto Muqdisho sida ku cad jadwalka Guddiga.

Sababta uu u joojiyay Rooble ayaa lagu she egay in laga cabsi qabo in hadalkaan ay dhib sadaan maamulka iyo bulshada Somali land oo dhibaatooyin badan ka tabanayey Farm aajo ee 4-tii sano ee uu madaxweynaha ahaa. Xigasho:caasimadda.net

Guddiga doorashada K/galbeed oo la kul may Odayaasha dhaqanka.

Gudiga hirgelinta Doorashada Dowlad Gobol eedka Koonfur Galbeed oo uu Hoggaaminayey Gudoomiyaha Gudiga Mudane Yuusuf Cabd ulqaadir Maxamed ayaa kulan la qaatay Odaya asha Dhaqanka Koonfur Galbeed.Kulanka Ode yaasha iyo Gudiga ayaa ahaa Isbarasho iyadoo odayaasha loo sharxay Habraacyadii ay soo Sareen Golaha Wadatashiga Qaran Cida soo Xulaysa Ergada.

Odayaasha dhaqanka ayaa bogaadiyay shaqada adag ay guddiga doorashada maamu lka koonfur galbeed Bulshada u hayaan.

Ololaha Doorashada Deegaanka Sooma lida oo Shalay lasoo gabagabeynayo.

Waxaa Shalay lagu wadaa in lasoo gabag abeeyo ololaha doorashada Baarlamaanka he er Federaal & mid ismaamul ee Dowlad Dee gaanka Soomaalida si doorashadu ay u dhacdo 30-ka September 2021 oo ku beegan Kham iista Todobaadkaan.

Musharixiinta iyo xubnaha Xisbiyada taage ersan tallaabadaan sida kan talada haya ayaa soo dhaweeyay Xisbiyada siyaasadda ee Dii waangashan, inkasta Axsaabta mucaaradka ay si cad uga hor yimaadeen ka qaybgalka ololaha socda.

Baarlamaanka Cusub ee Itoobiya ayaa lagu wadaa in kalfadhiisa ugu horreeyo yeesho 4-ta October 2021 sidaas awgeed Guddiga Do orashada maamulaya ayaa go’aan ku gaaray in la dedejiyo doorashada Xildhibaannadii ku metali lahaa Dowlad-Deegaanka Soomaalida.

Xisbiga Talada haya waxa uu meesha ka saaran cabashada axsaabta mucaaradka ah ee la xiriirta in aanay loo simin ololaha iyo in awood gaar ah la siiyay Xisbigaas si kuraasta ugu badan uu u helo sida hadalka loo dhigay.

Guddiga maamulaya Doorashada Baarlamaan ka Federaalka & kan Dowlad Deegaanka Soom aalida ayaa horay dib ugu dhigay sabab la xir iirta faafitaanka Covid-19, haatan ayaa la qor sheeyay in howshaas la qabto.

Gudiga Doorashooyinka Puntland oo Caba sho laga gudbiyay.

Ururrada Mustaqbal, Ifiye iyo Dhallinyarada ayaa cabasho wadajir ah oo ka dhan ah Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland u gudbiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cab dullaahi Deni, ogeysiiyeyna beesha caalamka.

Seddexda urur waxay ku tilmaameen doorashada tijaabbada ah mid baalmarsan dastuurka Puntland laguna qancinayo qaaraan-bixiyeyaasha.

Waxay ku baaqeen in laga dhursugo dhammaystirka Maxkamadda Sare, in meesha laga saaro habka liiska xiran ee doorashada goleyaasha deegaanka iyo maamulka Deni uu bixiyo yaboohii loogu talagalay ururrada siyaasadda diiwaangashan.

Waxay seddexda urur soo jeediyeen shirweyne ururrada siyaasadeed ka qeybgalaan si wax looga qabto daahfurnaan la’aanta Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland.

Seddexda urur waxay u arkaan doorashada TPEC korjoogtaynayso mid tijaabo uun ah oo ururradu aysan ku kala badin doonin waayo ururro aan looga codaynin dhammaan degmooyinka ay Puntland ka taliso ma yeelan doonaan sharciyad siyaasadeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo magic aabay Guddi cusub (Wareegto)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Ko onfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Shalay oo sabti ah magacaabay

Guddoomiye ku-xige enka amniga Gobolka Baay, isagoo xilka qa adis ku sameeyay Gud doomiye ku-xigeenkii hore.

Wareegto kasoo baxd ay Xafiiska Mad axweyne Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa waxaa xilka Guddoomiye ku-xigeenka amniga Gobol ka Baay ee Koonfur Galbeed loogu magacaa bay Isaaq Maxamed Isaaq oo bedelaya Gudd oomiye ku-xigeenkii hore.

Sidoo kale Madaxweynaha dowlad Gobol eedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Laftagare en ayaa isla Shalay magacaabay Guddiga ad eega Garsoorka deegaanada Maamulkaas .

Guddiga uu magacaabay Lafta-gareen ayaa ka kooban 7-xubnood, waxaana Guddoomiye looga dhigay Axmed Cali Muuse, isla markaana waxaa Guddiga qeyb ka ah Xeer ilaaliyaha guud ee Maamulka Koonfur Galbeed Aadan Mukhtaar Suuriye.

Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.

 

SHIRKADDA ISGAARSIINTA SOMTEL AYAA ABAALMARISAY KU DHAWAAD 1000 MACAAMIIL TODOBAADKII 10AAD MUNAASABADLAGU QABTAY BEERTA NABADA EE MAGAALADA MUQDISHO.. {WAR-MURTIYEED}

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xildhibaano ,Gudoomiyayaasha Degm ooyinka Gobalka banaadir qaarkood, Ururada dhalinyada ,Ururada bulshada rayidka Mas’u uliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta somtel,.

Ugu horeyntii Waxaa Munaasabada had al-jeedin rasmi ah ka sameeyay Madaxa xafiiska suuq-geynt shirkadda isgaarsiinta somtel Mudane Axmed Ciise xaaji Oo aad u bogaadiyaya Somtel kuna Tilmaamay Ololaha ku Shubo Oo Guuleyso 10,000 Hadiy adood Mid ayubaahnaayeen bulshada soomaaliyeedmacamiil walba oo sameeya kushubasho Wuu u tartami karaa

"Waa barnaamij macaamiisha si daah-furan nasiibkooda u tija abiyaan iyagoo sameeynaya ku shubashada karaka ku hadalka & Data internet-ka Kuna helayaan hadiyado qaali ah sida gaariga Hyundai-ga Waxaan balan qaadeeynaa in todobaadka soo socdo loo tartami doono gaariga Hyundai Waliba nuuca shaqada iyadoo macaamiisheenuu fura ntahay fursadaan qaaliga Waxaan aad ugu farxay in gaariigii ugu horeey ay Hyundai ay ku guuleysatay Mamo beeraleey dan yar ah oo mudneyd in lagu abaalmariyo waxaan rajeeynayaa in gaariga Hyundai -ga cusub u uku guuleyso qof ka mid ah macaamiisheena Xmar ha joogo ama Gobo lada Ha joogo ka Somtel ahaan macaamiisheenu wey inoo siman yihiin meel kasto ay joogaan”

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Xildhibaan idris Cabdi Dhakhtar oo ku dheeraaday ahmiyada Ololaha Ku shubo oo guuleeyso 10,000 Hadiyadood "Waxaan u hambalyeeynayaa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ah Shirkadii ugu horeysay ee macaamiisheeda kucelisa 10,000 Hadiyadood daqligii yaraa ay macaamiisha shirkadda ku soo celiyeen waa talaabo amaan & bogaadin-ba mudan waxaan marqaati ka nahay in macamiisha guuleysatay si toos ah loogu wareejiyay abaalmari nadii ay ku guuleysteen waxa’ ay shirkaddu nagu sharaftay inaan si toos ah u gudoonsiino macaamiisha guuleysatay todobaadkan Waxaan si ga ar ah uga codsanayaa in shirkaddu xooga saarto deeqda waxbarasho taasoo waxtar u leh ardayda soomaaliyeed Waxaan si dhow ula socday Munaasabada daah-furka ololaha ku shubo oo guuleyso 10,000 hadiyad ood Waa barnaamij taabagalay oo tadobaadkii 10aad aan xaadir u ahay hadiyadaha la gudoonsiinayao macaamiisha guuleysatay waa talaabo ku dayasho mudan in bulshada soomaaliyeed waxa lagu celiyo waliba aba almarino wax tar uleh bulshada soomaaliyeed la gudoonsiiyo Sida Dah ab-ka Bajaajka, Gaariga Hyndai Kuwaasoo wax ka taraya shaqo abuur ka dhalinta soomaaliyeed Kuwooda wax bartay & kuwa aan mutacalimii nta ah intaba”

    Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Madaxa waaxda gana csiga somtel Mudane; C/laahi Cali Caamir oo aad u bogaadiyay kalinta shaqo abuurka shirkadda isgaarsiinta somtel

"Waxaan bogaadinayaa somtel oo shaqo abuur u sameeysay dhalin yaro soomaaliyeed qaarkood iyagoo wax bartay xaafadaha iska fadhiya waxaan bixinay labaatan bajaaj todobaad kasta labo bajaaj ayey maca amiishu ku guuleystaan waxaan ku faraxsanahay inaan badbaadinay qoysas soomaaliyeed oo ay soo food saartay xaalado nololeed waliba macamiisheena ku guuleysatay qaaliga sida bajaajyada, gaariga Hyund ai aan bishii hore macaamiilkii ku guuleystay ku abaalmarinay waa mac aamiishii ugu habooneyd ee shirkaddu abaakmariso nasiibkooduna uu saacido marka ay sameeyeen ku shubasho ku hadal ama Data internet-ka Somtel”

Waxaa sidoo kale munaasabada ka hadlay daahir Mxamed Maxam uud oo ku guuleystay bajaaj todobaadkan‘Ma filaneynin ijn somtel igu ab aalmarineyso bajaaj waxaan uga faa’ideynayaa ehelkeyga waa shaqo ab uur aan aad ugu baaahneyn xaqiiqdii marka somtel wey ku mahadsan ta hay inay macaamiisheeda dhiiragelin la taaban karo ay u sameeysay waa wax lagu faano”Waxaa erayo kooban munaasabada ka yiri Jibriil ibr aahiim Cali oo ku guuleysatay 10gr oo dahab ah

"Waxaan u heystay markii ugu horeysay ee leey soo wacay in prank leygu sameynayo waxaan galay page-ka shirkadda waxaan ogaaday in si sax ah aan u guuleystay somtel ay abaalmarineyso xaqiiqdii farxad dar ted ayaan la ilmeeyay Shalay waa leey gudoonsiiyay”

Ugu danbeyntii waxaa Shucuurtiisa Cabiray Shariif xasan Maxamuud oo ku guuleystay Cooking Machine

‘Waxaan ahay ardayad wax ka barata mid ka mid ah jaamacadaha muq disho aad ayaan ugu baahi qabay hadiyadaan qaaliga ah ma filaneyn in somtel igu abaalmarineyso waxan uga faa’ideysan doonaa qorida buuga qalin badalshada jaamacada oo aan dhawaan qoraayo” Si kastaba ha ahaatee macaamiisha Shirkadda Somtel waxaan u rajeynaynaa inay ku guuleystaan 10,000 hadiyadood , Shirkaddu ugu talagalnay Macamii sheeda sharafta leh hadiyadahaan oo Ugu sareeyo gaariga hyundai kaa soo todobaadka soo socda aan bixin doono gaarigii labad waxaan leena hay ka macaamiisheena ka faa’ideysta ilaa Shalay inta laga xusayo mac aamiilka guuleeystay waad u tartami kartaan fadlan samee ku shubasha sho karaka hadalka ama data internt adigoo uga shuban kara adeegga eDahab *101# ama ku shubo scratch card-ka la xoqdodo, ugu dambeyn tii uga shubo adeegga eDahab ama adeegga Easy load

Waxaa xusid mudan in horay ugu guuleysatay Mamo beeraleey dan yar ah oo ku nool baadiyaha gobalka hiiraan Waxan rajeeynayaa in bi shaan uu ku guuleysto macaamiil aad ugu baahi badan uguna haboon si shirkadda ajar fara badan ugu hesho”

TURKIGA AYAA KU SOO BANDHIGAY MURUQYADIISA MILATERI BANDHIG DRONE AH TEKNOFEST ISTANBUL.

Teknofest, oo Turkigu ku andacoonayo inuu yahay damaashaadka te knolojiyadda adduunka ugu weyn, ayaa ka dhacaya Istanbul laga bilaabo Sebtember 21-26. Oo ay la jirto, fursad ay ciidanka Turkigu ku soo ban dhigaan jawharaddiisa cusub: diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Weri yayaasha Jowhar ee Istanbul, Shona Bhattacharyya & Ludovic de Fouc aud ayaa warbixinaya waxay ahayd maalin ku habboon safar hawleed, & bandhigga hawada ayaa iftiimiyay quluubta dhallinyarada leh hanka qar anka Turkiga, oo ay ku jiraan carruur muujiyey waddaniyaddooda.

Gaadiid lacag la’aan ah iyo gelitaan, ma noqon doonto wax la yaab leh haddii daabacaadda sannadkan ay gaarto laba milyan oo qof oo ka qeybgalaya Teknofest 2019. In kasta oo qabanqaabiyeyaashu ay shee ganayaan in xafladda ay soo bandhigto inta badan tikni yoolajiyadda rayidka.

haddana diyaaradaha dagaalka ayaa helaya feejig naan dheeraad ah, gaar ahaan diyaaradaha aan duuli yaha lahayn ee ay soo saareen walaalaha Bayraktar. Ka dib ololayaal lagu guuleystay oo ka dhacay Liibiya iyo Azerbaijan, di yaaraddii TB2-ta ayaa noqotay tiirarka caadiga u ah warshadaha difaaca Turkiga. Moodalka cusub, oo ah Akinci drone, wuxuu leeyahay matoor mataan ah, wuxuu leeyahay baalal dhan 20 mitir, culeyskiisuna waa lix tan marka uu duulayo.

Ku dhawaad ​​sida loogu jecel yahay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waa lammaanaha sameeyay: Seljuk Bayraktar, soddogga Madaxweyne Erdogan, iyo walaalkiis Haluk. Shirkaddiisu waxay ka keentay diyaaraddii Akinci diyaaraddii nooca ahayd ilaa alaabtii dhammaatay laba sano gud ahood,

"Turkigu wuxuu qaatay 20 sano ka hor in Turkigu uu taageero shir kadihiisa gaarka ah,” ayuu yiri Haluk Bayraktar, oo ah maamulaha Bay kar. "Marka diyaaradahan drones -ka ah waxay noqon doonaan kuwo u dhashay, sidaa darteed Turkigu wuxuu taageeray shirkadihiisa iyo bilow gooda. Waxaan ahayn shirkad soo baxaysa 20 sano ka hor, 7ba qof ”.

Turkigu wuxuu sharraxayaa in ciyaartooyda maxalliga ah ee yar yar ay u oggolaan doonaan isku-filnaansho weyn oo ay u horseedi doonaan ciidammada qalabka sida isku filnaansho buuxda, iyagoo abuuraya do onyo dilaa ah oo qiimo ahaan lagu iibsan karo… tixgeli.

Foolkaano ka Qarxay Jaziirad ku taal Spain oo khasaare sababay

Qaar ka mid ah Shirkadaha diyaaradaha ayaa baajiyey ilaa 30 duu limaad Jimcihii kuwaas oo ay ku tegi jireen jasiiradaha Spain ee La Pal ma iyo La Gomera sababo la xiriira daruuro dambas ah oo ka dhashay foolkaano qarxay.

Shirkadaha Iberia, Binter, Canaryfly iyo Vueling ay aa ka mid ah shirkadaha duulim aadyada ee joojiyay du ulimaadyada inkasta oo garoomada

diyaaradaha lagu dhawaaqay inay shaqeynayaan,sida ay warisay wakaaladda wararka ee Efe.

Fulkaanahaqarxay ayaa la shegayaa inuu burburiyay ku dhawaad ​​400 oo guri iyo 200 hektar (494 acres) oo dhul ah



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip