HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES, SABTI 25-KA SEPT 2021-KA

0
Saturday September 25, 2021 - 09:37:24 in Wararka by
  • Visits: 496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES, SABTI 25-KA SEPT 2021-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xafiiska Farmaajo oo ka hadlay fashilka wadahadallada

Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa beeniyay inay fashilmeen wadahadalladii u dhexeeyay madaxweyne Farmaajo iyo Ra’ iisal wasaare Rooble oo isbuucyadii dhawaa uu dhexmaray khilaaf ballaaran oo saa ameyn ku yeeshay howlaha dolwadda.

Warar soo baxay mar sii horreysay ayaa muu jinaya in ay guuldareysteen dadaalo lagu doo nayay in lagu soo afjaro khilaafka u dhax eeya madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Fa rmaajo iyo Raysal wasaare Maxamed Xus een Rooble.

Dadaalkan ayaa waxaa gar-wadeen ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Max amed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo mad axweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), sida horey loo baahiyay.

Wasiir dowlaha madaxtooyada Galmudug Cumar Axmed Shido ayaa baraha bulshada ku faafiyay inay "fashil ku soo dhamaadeen” dedaaladii ugu dambeeyay ee lagu xalinayay khilaafka labada masuul.

Ma jira ilaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, balse mas’uul ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa BBC -da u sheegay in wadahadallada ay wali socdaan, filayaana inay guul ku soo dhamm aadaan

"Waxay na bogaadinayaan dedaalada guddo omiye Mursal iyo madaxweyne Qoorqoor. Waxaan ku kalsoonahay dedaalka socda in uu guul ku dhammaanayo,” ayuu yiri sarka alaasi oo ka gaabsaday in magaciisa.

Siyaasiyiin dalab cusub soo jeedi yey kadib burburkii wada-hadallada Rooble

 iyo Farmaajo

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo kamid Mu sharaxiinta Mucaaridka ayaa dalbaday in guddiga waan-waanta ka dhex wada mada xweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, cadeeyan mowqifkooda.

Waxay sheegen inay lagama maarman ta hay in dadkii wada-hadaladaas waday ay um adda u cadeeyaan xaqiiqda jirto iyo cidda xal ka diiday, si loo ogaado mas’uulka diidan in horumar laga sameeyo arrimaha taagan.

Sidoo kale waxay si wada-jir ah garab ist aag ugu muujiyeen Ra’iisul Wasaare Maxam ed Xuseen Rooble, ayaga oo ku booriyay in uu hore u sii wado arrimaha doorashooyinka,

maadama ay tahay midda keli ah ee xiligan isbedel horseedi karta.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri: Ujee dka ugu wayn ee uu Farmaajo ka lahaa wad ahadalka waa in kiiska Ikraan la xagal daa ciyo, waqti la iibsado, si uu uga soo kabto fil asha waagii xilka looga qaaday agaasimihii hore ee NISA, iyo in la hakiyo dardarta RW ee gacan ku haynta hay’adaha amniga.

Dad badan ayaa is waydiinaya muxuu ku diiday tanaasulkii uu Rooble sameeyey. Wu xuu doonayey in uu kalsoonida ka dilo dadka uu Rooble magacaabay, loona tusiyo in uu ka tegi karo.

Haddaba, Farmaajo tanaasul iyo xal laga sugi maayo ee qoladii dhexdhexaadinta wad ay mowqifkooda shacabka ha u caddeeya an.Shacabka, Dowlad Goboleedyada, Mid owga Murrashaxiinta, iyo beesha caalamka ba laba labaynta ha iska daayaan ee RW ga rab buuxa ha siiyaan,hawlaha doorashada hala dar dar geliyo, Ikraana caddaalad ha loo helo. Isaguna labaclabacda iyo waqti lumiska ha joojiyo, waaya-aragna maalmo ha noogu

kaadiyo.Xigasho:caasimadda.net

Axmed Madoobe oo lagu qalay dalka JARMALKA

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Ax med Maxamed Islaam "Axmed Madoobe” ay aa la dhigay Isbitaal ku yaala dalka Jarmal ka, kadib markii laga saaray Isbitaal kale

oo ku yaala dalka Imaaraadka Carabta,

Axmed Mad oobe ayaa saddex qalliin oo qabsinka ah uu ku galay Isbitaal weyn oo ku yaalla dalka Jarmalka oo kamid ah wadama da ugu tayada wanaag san dhanka adeeg yada caafim aadka.

Xogta aan he lnay ayaa sidoo kale sheeg aysa in markii hore la qorsheeyay in lagu qa lo Isbit aal ku yaalla dalka Imaaraadka Carab ta, balse dhaqaatiirta ay ku taliyeen in loo qaado Jarmalka.

Sida aan xogta ku helnay, dhaawac mud do dheer ka hor soo gaaray soo gaaray iyo xan uuno kale oo dhanka caloosha ah ayaa la sheegay in muddooyinkaan uu aad dare em ay madaxweyne Axmed Madoobe.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooy ada Jubaland ayaa sheegay in Madaxweyna ha uusan ku jirin marxalad adag, ayna xaal addiisa aad u wanaagsan tahay kadib markii uu qaliinka maray.

Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa dhowr jeer oo hore waxaa lagu fuliyay qalii nno u badnaa dhinaca barida ah oo uu ka qabo dhaawac hore.Xigasho:caasimadda.net

Maxkamadda ICJ oo shaacisay xilliga ay ku dhawaaqeyso natiijada dacwadda

 Badda

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa shaacisay xilliga ay ku dhaw aaqeyso in ay go’aan ka gaarto dacwadda badda ee u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in 12-ka bisha soo socota ee October ay maxkamaddu soo saari doonto go’aankeeda Xadaynta Badda ee Badweynta Hindiya ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda ayaa sheegtay in dhagaysiga furan ee maxkamaddu uu dhici doona saac addu marka ay tahay 3-da Shalaynimo ee xilliga dalka Holland, waxaaana uu ka dhici doonaa guriga Nabadda ee magaalada Ha gue, xilligaas oo Madaxweynaha ICJ, Gars oore Joan E. Donoghue, ay aqrin doon to go’aanka Maxkamadda.

"iyadoo uu jiro cudurka safmarka ah ee COVID-19, kaliya Xubnaha Maxkamadda iyo wakiillada labada dal ayaa joogi doona Hoolka Weyn ee Caddaaladda. Xubno ka tirs an diblomaasiyiinta, warbaahinta iyo dadw eynaha ayaa awoodi doona inay la socdaan akhrinta go’aanka iyadoo ay si toos ah ugala socon doonaan webseedka Maxkamadda, iyo sidoo kale TV -ga Qaramada Midoobay,” ayaa lagu yiri bayaanka maxkamadda.

Kiiskaan ayaa waxaa si aada indhaha ugu haya shacabka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Sheekh Soomow oo sheegay arrin aysan diinta ogoleyn oo la xiriira

 xildhibaanada la dooranayo ee BF

Sheekh Cabduqaadir Soomow ayaa sheegay in Diinta Islaamka aysan ogoleyn Dadka ayagu xil doonka ah ee aysan wadan bulshada ay matalayaan ama raali ka aheyn, sida uu sheegay.

Sheekh Soomow oo si gaar ah uga hadlayey doorashada labada Aqal ee BFS oo dhaw aan ka bilaabatay dalka, ayaa sheegay in Qofka xiligaan xildhibaanimo isku soo taaga Gabar ama Nin ha noqdeen Diintu raali kama aha, sida uu sheegay.

"Cid soo doonanatay maya, cid lagu dirq inayoo Aqoonteeda/Aqoontiisa fiican tahay aan wasiir ka dhigano Culimada waa ok ayey leedahay, laakiin wiilka/gabadha soo doonta yaan la siin ayaa leenahay,” ayuu yiri.

"Gabar ama Igaar kursiga raba in aan arkeyn iga ballan-qaada, Soomow uma diidin ee Diinta ayaa u diiday, haddaa Diin rabto kursiga aad soo doonantay lagu siin maayo ee waa in lagu keeno.”

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in xuquuqda ay Diintu u sinto Haweenka iyo Ragga, wuxuuna sheegay inay rabaa qof wa naagsan oo umadda u naxa, islamarka ana hogaan u noqon kara.

"Lama ogola Nin/Gabadh lacag la ordey sa, waxaa rabnaa dad qiyam leh oo umadda u naxaya, Soomow uma diidin ee Diinteena

sidaas dhahday.”


Falcelin ka dhalatay fashilka ku yi mid dhex-dhexaadintii Farmaajo & Rooble

Tan iyo markii ay soo baxday inay fa shi lmeen kulamada lagu dhex-dhexaad inayay Madaxwe ynaha .uddo xileedkiisa

uu dhamaaday ee Ma xamed Cabdullaahi Far maajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiin ta ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga had lay qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida.

Falcelinta ka dhalatay kulamada dhex-dhe xaadinta ah ee fashilmay ayaa waxaa intoo da badan eeda dusha laga saaray Madax weynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si dhow ula socday kulamada dhex-dbexaadinta ayaa sheegay in ujeedka ugu weyn ee uu Farmaajo ka lahaa ay aheyd xagal saacinta kiiska ikraan, isla markaana uu doonayo in uu kasoo kabsado sidii deg dega aheyd ee xilkii looga qaaday Agaasi mihii NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

” Ujeedka ugu wayn ee uu Farmaajo ka la haa wadahadalka waa in kiiska Ikraan la xag al daaciyo, waqti la iibsado, si uu uga soo ka bto filasha waagii xilka looga qaaday agaasi mihii hore ee NISA, iyo in la hakiyo dardarta RW ee gacan ku haynta hay’adaha amniga. Dad badan ayaa is waydiinaya muxuu ku dii day tanaasulkii uu Rooble sameeyey. Wuxuu doonayey in uu kalsoonida ka dilo dadka uu Rooble magacaabay, loona tusiyo in uu ka tegi karo ayuu yiri” Cabdiraxmaan Cabdishak uur.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Farma ajo uusan aheyn Nin tanaasula, waxaana uu ugu baaqay mas’uuliyiinta dhex-dhexaadinta wada inay cadeeyaan mowqifkooda, wuxuu na sidoo kale uu ugu baaqay Midowga Mu sharixiinta , Maamul Goboleedyada & Bee sha Caalamka inay doorashada ku garabbist aagaan Ra’iisul Wasaaraha.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin ayaa sheegay in waan waantii uu wax ka waday Madaxweyna ha Galmudug ee uu ogolaaday ay wax ka socon waayeen Madaxweyne Farmaajo.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ay uu ku sheegay Wasiir Fiqi in ay muhiim tahay in aan waqti dambe lagu lumin musharax quus ku sii dhow oo raba talada dalka inuu rahmad isaga haysto, isla markaanaRW Rooble ay la gudboon tahay in waqtigiisa uu siiyo doorashada , Lana bilaabo doorashada golaha shacabka, sanduuquna uu noqdo garsooraha musharixiinta.

Khilaafka ka dhashay kiiska maqnaansh aha Ikraan Tahliil ee u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble ayaa weli taagan, kaas oo same eyay Hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya oo sa meeyay howlgal dad lagu qab qabtay

Howlgalkaan oo dad badan lagu qab qab tay ayaa Ciidamada Nabadsugida iyo Sird oonka Qaranka Soomaaliya waxaa ay ka sa meyeen xaafadaha Degmada luuq ee gobolka Gedo. Saraakiisha howlgalka hogga amineysay ayaa waxaa ay sheegeen in u jeedkooda uu ahaa sugida Amniga degmada iyo degaannada hoostaga, si looga hortaggo inay falal amni darro dhacaan.

Ciidamada Mabadsugida Soomaaliya oo qaarkood watay Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa howlgalka oo ahaa mid guri guri ah ka sameeyay Xaafadaha degmada luuq, waxaana uu ka dambeeyay kadib markii we erar bambaano lagu qaaday Garoonka diyaa radaha degmada luuq ee Gobolka Gedo.

Taliyaha Hay’adda Nabadsugida degmada luuq Xasan Aadan Xilkeey ayaa sheegay in howlgal ka lagu qabtay ku dhawa ad 100 ruux ,isla markaa na ay wadaan baaritaano lagu kala saarayo dadkaas.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamada Nabadsugida degmada luuq ay diyaar u yihiin habeen iyo maalin ka Shaqeyn ta Amniga, bulshadana looga baahan yahay inay Ciidamada la Shaqeeyaan.

Howlgalkan Ciidamada Nabadsugida ka sam eeyeen degmada luuq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli degmad aas todobaadyadii la soo dhaafay ay kusoo kordheen falalka amni darro.

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay ka hortagga Covid 19

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Drs Fawziya Abikar Nu ur ayaa Shalay xarunta Wasaaradda Caafim aadka ku qaabishay safiirka dalka China u fadhiya Soomaaliya Mudane Feishengcho.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xaalada ha Caafimaadka guud ee Wadanka iyo arrimaha Ca abuqa COVID-19 iyo mee sha ay marayaan qaadashada Tallaalka ka horaga Caabuqa COVID-19.

Dowladda China ayaa si dhab ah uga caawin aysa Wasaaradda Caafimaadka qeybaha Tallaalka ka hortaga Caabuqa COVID-19 iyo kor u qaadidaadeega Caafimaadka, Wasiir addaCaafimaadka ayaa ka mahadcelisay garab istaga ay Dawladda China ay marwal ba diyaarka u latahay shacabka Soomaaliy eed.

Safiirka ayaa cadeeyay in ay diyaar u yihiin in ay sii xoojiyaan taageerada ay u hay aan Soomaaliya gaar ahaan ka hortagga cudurka Covid 19.

Kulan looga hadlayay ka hortagga xaaluf inta Dhuxusha oo lagu qabtay Muqdisho

Kulankaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Deegaanka, Isbadalka Cimilada iyo horumarinta reer Miyiga ee dowlad gob aleedka Galmudug oo ay ka qeyb galeen xu bno matalayay qeybaha kala duwan ee bulsh ada Gaalkacyo iyo mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Galmudug ayaa Shalay lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Kulanka oo ahaa mid looga hadlayay sida looga wada qeyb qaadan karo ka hort agga xaalufinta Dhirta iyo ka ganacsiga Dhux usha ee xad dhaafka ah ayaa waxaa ugu hor eyn ka hadlay ku xigeenka duqa Degmada Gaalkacyo Injineer Maxamed oo sheegay in maamulka Degmadu uu go’aan adag ka qaa tay xakameynta ka ganacsiga dhuxusha. Guddoomiyaha gobalka Mudug Cabdiraxm aan Cali Diiriye isxal ayaa sheegay in xa al ufin badan lagu hayo deegaanka loona ba ahan yahay in laga wada qeyb qaato ka hortagga xaalufinta deegaanka.

Qaar ka mida xubnihii ka qeyb galay kulanka ayaa balan qaaday in ay ka qeyb qaadan doonaan wacyi gelinta ka hortagga xaalufinta deegaanka.

Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda deegaanka isbadalka cimilada iyo horumarinta reer miyiga ee dowlad gobaleedka Galmudug Xuseen Axmed Maxamuud ayaa xusay in Wasaaraddu ay wado dadaallo looga maarmi karo isticmaalka dhuxusha.

Ajikis iyo dadka kale ee caanka ah ee la sheegay geeridooda iyaga oo nool

Majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo Habeen hore warbaahinta Universal ay Habeen hore baahisay inuu xanuunsanaya ayaa baraha bulshada Shalay lagu baahiyay inuu geeriyooday inkastoo markii damble la xaqiijiyay in geerida Ajakis ay tahay waxba kama jiraa.

TV-ga Universal ayaa xaqiijiyay in warkaasi baraha bulshada la isla dhexmarayay uu yahay been abuur.

"Majaajiliiste Ajakis, waa nool yahay, wee yna soo hagaageysaa xaaladiisa Cafimaad . Waa been abuur wararka sheegaya in uu ge eriyooday," ayay booggeeda ku qortay Univ ersal TV.

Xanuunka Ajakis waxaa Habeen hore ba ahiyay TV-ga Unversal oo uu ka mid yahay howl-wadeenadeeda.

"Majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo kamid ah howl-wadeenada TV-ga Unver sal ayaa Muqdisho ku xanuunsanaya Xalay."

"Ajakis, waxaa ku soo booday xanu un,wuxu una hadda ku jiraa mid kamid ah isbi taalada Muqdisho, dhaqaatiirta ayaana lata caalaya xaaladdiisa caafimaad."

Baraha ay bulshada ku wada xiriirto ee So omalida ayaa waxaa marar badan lagu baa hiyaa warar been abuur ah geerida dad caan ah, waxaa horay u dhacday in geerida dad caan ah lagu baahiyo baraha bulshada balse markii been noqotay. Waxaana dadkaasi ma mid ah:

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xas an Sheekh Maxamuud Bishii Febaraayo ee sannadkii 2014-kii ayaa waxaa magaalada Muqdisho iyo magaalooy inka kale ee dalka ku baahday hadal heyn ku aadan war soo baxay oo sheegayay in uu madaxweyne Xas an sheekh Geeriyooday.

Warkaasi sheegayay in madaxweynahii xil ligaas ee dowlada federaalka Soomaaliya uu geeriyooday ayaa gil gilay magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya. Hase yeeshee mar kiiba waxaa soo baxd ay in warkaasi uu ya hay mid aan waxba ka jirin oo been ah. Afh ayeenkii Madaxweyna ha Dowlada federa al ka Somaaliya ee markaasi Abdirahman Om ar Osman Yariisoow AUN ayaa shaaciy ay in madaxweynaha aanu qab in wax dhib ah oo daran caafimadkiisuna uu wanaagsanyahay.


Dad hor leh oo Cudurka COVID-19 ugu geeriyooday M/Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xogta Fey ruska Karoona ku sheegtay in 24-tii saac ee lasoo dhaafay la baaray 3,641, balse la cud urka laga helay 348 Ruux, kuwaas oo laga diiwaangeliyay Muqdisho & Gobolada dalka.

Dadka Cudurka laga helay ayaa waxaa ay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya she egtay inay kala joogaan, Gobolka Banaadir 15 ruux ,Puntland 70 qof, Somaliland, 239, Galmudug 19 iyo Jubbaland oo laga diiwaangeliyay 5 Ruux.

Sidoo kale War kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dadka cudurka laga helay ay kala yihiin 217 Rag ah iyo 131 Dumar ah, halka cudurka ay ugu geeriyoodeen 20 ruux , iyada oo ay ka bogsadeen 95 qofood.

Guud ahaan Cudurka safmareenka ah ee COVID-19 ayaa waxaa Soomaaliya laga diiwaangeliyay 19,583 xaaladood 1,099 dhimasho ah, halka ay ka bogsadeen 9,345, kuwaas oo ku sugan Magaalada Muqdisho & Gobolada dalka.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshadaFannaanad luul Jeylaani

Luul JeylaaniLuul Jeylaani, oo ku nool magaalada Minneapolis ayaa waxaa dabayaqaadii bishii April ee sannadkan la baahiyay warar sheegaya in Fanaanad Luul Jeylaani ay geeriyootay.

Warkaan ayaa aad baraha bulshada iyo xitaa warbaahinta qaar ee Soomaalida lagu baahiyay inkastoo markii dambe ay la shee gay inay nooshahay oo warkaasi been ya hay.

Marka laga soo tago baraha bulshada, warbaahinada caanka ah ee Soomaalida ee baahiyay geerida Luul ayaa markii dambe raalli gelin ka bixiyay.

Fanaanadda Luul Jeylaani Cali (Luula) 

ayaa markiiba beenisay wararka been abuurka ah ee laga faafiyay. Wareysi muuqaal ah oo ay siisay ay Radio Muqdisho ayay ku sheegtay:

"Qofkasta waa uu dhimanaya geeridana waa

xaq, balse Soomaalida dhammaan waxaan u

sheegaya inaan nolahay"Waxay sheegtay in saameyn weyn uu warkaasi been abuurka ku yeeshay dhammaan eheladeeda iyo asxaabt eeda ee ku kala nool dunida dacall

adeeda.

Maxkamadda ciidamada oo Shalay xukun adag ku riday ajaaniib ka tirsan

 SHABAAB

Maxkamadda darajada koowaad ee cii damada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Shalay xukun adag ku ridday laba nin oo aja aniib ah, isla-markaana muddo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalan ta gudaha Soomaaliya.Labada nin ee la xukumay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Dereyn Antonio Perez oo 44 jir ah, una dhashay Britain iyo Axmed Mustaqiim Binu Cabdixamiid oo 34 jir Malaysian ah.

Maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay in raggan ay kooxda Al-Shabaab ku soo biireen sanadihii 2009-kii iyo 2010-kii, si ay xoog iyo xeelad-ba ugu biiriyaan Shabaab.

Sidoo kale maxkamadda ciidamada ayaa shaaca ka qaaday in Darren Anthony Byrness uu ka qeyb-qaatay dagaallo ka dhacay Muqdisho, Galgaduud,Gedo iyo Shabeelooyinka.

Darren Anthony ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu qeyb ka ahaa weerar kooxda Al-Shabaab qorsheeyeen inay ka fuliyaan dalka Faransiiska, isaga oo qorshaha qaybta uu ku lahaa ay aheyd inuu kireeyo guriga ay degayaan kooxda weerarka fulinaysa.

Ninkan ayaa sidoo kale hay’adaha amniga u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay guryo qarsoodi ah ku leeyihiin dalalka Kenya, Burundi, Senegal, Uganda iyo dalal kale oo ku yaal galbeedka iyo bartamaha Afrika.

Axmed Mustaqiim Binu Cabdixamiid oo ahaa ninka labaad ee la xukumay, una dhashay wadanka Malaysia ayaa dhankiisa Al-Shabaab ka caawin jiray adeega gurmadka deg-dega ah, wuxuu isna ka qayb galay dagaallo ka dhacay Muqdisho iyo Dhuusamareeb, sida ay sheegtay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Maxkamadeynta raggan ayaa heerar kala duwan soo martay, iyada oo 18-kii bishii April ee 2019-kii ay u gacan galeen Puntland, kadibna loo soo wareejiyey dowladda dhexe.

Ugu dambeyn maxkamadda ciidamada sida ayaa Darren Anthony iyo Axmed Mustaqiim ku kala xukuntay mid-kiiba 15 sano oo xabsi ciidan ah,sida uu ku dhawaaqay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, wuxuuna xusay inay heystaan fursad ay ku dalban karaan rafcaan.

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqd isho & Booliska oo ka hadlay

Qarax is-miidaamin oo uu geystay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa Shalay ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taalla agagaarka Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa la sheegau in uusan geysan wax khasaaro ah marka laga reebo dhimashada qofka isqarxiyey, sida uu shaaciyey Taliska Booliska Sooma aliya.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yiri, "24-09-2021 Abaaro 15:03 PM waxaa Qarax ismiidaamin qof naftii halliga ah isku qarxiyey inta u dhaxaysa Isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba, ma jiraan wax khasaare ah ee uu geystay qaraxaas, marka laga reebo qofka naftiisa haligay.

Booliska Kenya oo sheegay in qatar amni aysan ka jirin dhismihii Islii ee lagu

 kala cararay

Khubrada bambaanooyinka ayaa Shalay loo daagureeyay dhismo ku yaalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ka dib markii warqad hanjabaad ah looga dhex tagay wiishka dabaqyada lagu koro.

    Dad aan la aqoon ayaa wiishka uga dhex tagay warqad ay ku qoranayd in walxaha qarxa uu ku jiro dhismaha Yare Plaza.

Taliyaha saldhigga booliiska Starehe Julius Kiragu ayaa sheegay in dhismahaasi loo diray khubarada bambaanooyiinka ku takhasusay si ay u baaraan.

Sida ay booliiska sheegeen warqada ayaa waxaa ku qornaa in bambaanadani ay xilli kasta qarxi karto.

Dhammaan dadkii ku sugnaa dhimaha Yare Plaza ayaa halkaasi laga daadgureeyay.

Ugu dambeyntii ciidanka booliska ayaa sheegay in warqadaasi uu dhejiyay qof waalan ama xanuunsan oo aysan ku jirin dabaq wax qarax ah.

Madaxweynaha Jabuuti oo warbixin ka siiyay Qaramada Midoobay

 xaaladaha Soomaaliya & Itoobiya

Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa Habeen hore khudbad horay loo duubay ka jeediyay shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka, isaga oo ka hadlay arrimo dhowr ah.

Madaxweyne Geelle ayaa khudbadiisa waxaa uu uga hadlay xaaladda Soomaaliya, dagaalka Itoobiya iyo sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa Jabuuti iyo Eritrea.

Waxaa uu sheegay in jabuuti ay ka go’an tahay sidii ay ugu tilaabsan laheyd wadamada geeska Afrika mustaqbal ku dhisan nabadgelyo iyo xasilooni leysku haleyn karo iyo maskax dhaqaalenoo ay ka wada faa’iideystaan dhamaan wadamada Geeska Afrika, sidoo kalena uu ka xun yahay qaabka sidii loo baahnaa ay ugu socon waayeen dadaalkii la isugu soo dhaweeynayay dalalka Jabuuti iyo Ereteriya.

” Jabuuti waxaa ka go’an inay markasta ka Shaqeyso dhismaha mustaqbal wanaagsan nabad waarta iyo isdhex-gal dhaqaale oo adag oo heer degmo ah oo ay ka wada faa’iidyestaan dhamaan dadyowga ku nool dalalka Geeska Afrika ayuu yiri” Madaxwe yne Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlayay Arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowla dda Jabuuti ay soo dhaweyneyao horumar ada ka socda Soomaaliya, sidoo kalena Golaha Ammaanka ee QM ay la wadaageyso walwalka ay ka qabaan xaaladda hadda ay mareeyso Soomaaliya.

Khudbadda Madaxweynaha Jabuuti Ismaa ciil Cumar oo aad u dheereed ayaa waxaa uu ka ga hadlay xaalada Itoobiya, waxaana uu sheegay in ay la socdaan xaalada kajira Itoo biya, isla markaana uu rajo ka qabo inay dad ku si nabadgelyo ah u wada deganaadaan.

Xildhibaan Yuusuf Xasan : Qof maskaxda ka xanuunsan ayaa ka dambeeyay

 cabsidii laga dareemay suuqa Islii

Xildhibaan Yuusuf Xassan Cabdi oo ah xildhibaanka lagasoo doorto degmada Kamukunji ee magaalada Nairobi, ayaa sheegay in qof maskaxda ka xanuunsan uu ka dambeeyay cabsi Dorraad laga dareemay suuq kuyaalla xaafadda Islii oo la sheegay in qarax lagu xiray.

Xildhibaanka ayaa sheegay in aanay jirin wax cabsi ah oo ka taagan xaafadda Islii, isagoo sheegay ciiddamada amnigu in ay xaqiijiyeen in ay qof dhimirka ka xanuunsan uu warqad kaga tagay dhismaha suuqa.

Dhismaha daarta ganacsi yare oo ka kooban toban dabaq ah ayaa Dorraad Shalay halmar laga kala cararay, kadib markii la helay warqad ay ku qoran tahay in qaraxyo ay ku xiran yihiin daarta

Ciidamada miino baarista dalka Kenya ayaa markii dambe xaqiijiyay in ay aanay jirin wax qarax ah oo ku xiran daarta, waxayna dadka ku wargaliyeen in ay dib ugu laabtaan ganacsiyadooda.

Daarta yare oo dhawaan la furay, waxaa ganacsiyo badan ku leh Soomaalida xaafadda Islii, waana meel aad u saxmad badan.

Abaaro saameyn xoog leh ku yeeshay xoolaleyda ku dhaqan degmada

 Badhaadhe.

Degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose waxaa saameyn xooggan ku yeeshay abaaro, kuwaasi oo galaaftay xoolihii ugu badnaa, waxaana sii kordheysa qeyla dhaanta ka imaaneeysa dadka deegaankaas. 

Masuuliyiinta maamulka Jubaland u qaabilsan degmadaas ayaa soo saaray baaq ku aadan arrinkan.

Cabdinaasir Maxamed Jaamac, oo ka soo jeeda degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose oo u waramay VOA-da ayaa sheegay in degmadaasi iyo deegaanada hoos taga ay ka jirto abaar ‘‘halis’’ badan oo saamaysay dadka iyo duunyada.

"Abaartu waxa ay aad saamaysay degmada Badhadhe iyo deegaanada ku yaalla miya fog, waxa ayna aad u saamaysay dadka xoollo dhaqatada ah xaaladaan ma’ahan mid lagu sheekayn karo” ayuu yiri Jaamac. Badhaadhe iyo deegaanada hoosta oo ku dhafiya qiyaastii 363 km2 ayaa abaartu si ba’an u saamaysay, waxaana deegaanada ay aadka u saamaysay ka mid ah Kulbiyoow, Jadeecaalay iyo deegaano kale hoos taga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose.

"Biyaha oo kale in la helo aad ayay u adag tahay oo jirgaanka biyaha ah waxaa la iibiyaa 20 kun oo u hada u dhiganta $1” ayuu yiri Cabdinaasir oo ka dalbaday maamulka Jubbaland in uu deegaankaasi la gaaro gurmad deg deg.

Yuusuf Maxamed Kawnayn, gudoomiye ku xigeenka degmada Badhaadhe, oo ka hadlay abaarahaasi waxa uu sheegay in dhibka ugu badan ay hada dadka deegaanka ku qabaan biyaha oo aan markaste la heli Karin.

"Deegaanka waxaa ka jira abaar ba’an, waxaana ugu daran biyo la’aan, deegaanada hada biya la’aantu ka jirto waxaa mid ah Kulbiyoow, Santaaro, Wadajir iyo deegaano kale” ayaa yiri Kawnayn.

Deegaanada xeebaha ku yaalla ee abaaruhu ka jiraan waxaa ka mid ah Raas-kambooni, Buurgaabo iyo Kudhaa sida uu sheegay Yuusuf Maxamed Kawnayn, gudoomiye ku xigeenka degmada Badhaadhe.

"Xoollihii gaar ahaan lo’dii ayaa iska dhimanaya oo meelwalba waxaad ku arkaysaa baqtiga xoollaha” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dagmada badhaadhe waa dagamo balaaran oo ay hoos tagaan dhowr deegaan waxay ku taalaa koonfurta fog ee Soomaaliya gobolka Jubada hoose waana dhul hood ah oo dhir badan marka la fiiriyo Juquraafi ahaan.

Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Koon fur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa muwaadin Soomaaliyeed ku dileen degaanka la yiraahdo Hermanus oo 121 km u jira Magaalada Cape Town, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Axmed Jaqafeey ayaa xilliga la dilayay waxaa uu kasoo baxay Hooygiisa, waxaana lagu rasaaseeyay gaari uu watay, isaga oo isla goobta ku geeriyooday, sida ay sheegeen in qaar kamid ah ehelkiisa.

Ciidamada Booliiska Koonfur ayaa waxaa la

sheegay inay wadaan baaritaano la xiriira sidii gacan loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay dilka muwaadinka Soomaaliyeed.

Dalka Koonfur Afrika ayaa sanadkaan 2021 lagu dilay in ka badann 20 dhalinyaro Soomaali aj, iyada oo sanadkan 221 dalkaasi lagu dilay in ka badan 20 dhalinyaro Soomaali ah, waxaana dilalkaas weli ka hadlin dowladaha Soomaaliya iyo Koonfur Afrika

Soomaalida Canada oo billaabay Dadaallo looga hortagayo falalka Islaam

 naceybka

Muslimiinta gobolka Alberta ee dalka Canada oo ay Soomaalidu qeyb ka yihiin ayaa wada kulammo ay ugu tashanayaan Islaam naceybka oo ku soo badanaya gobolkaasi.

Arrintaan ayaa timid kadib markii dhowr dumar oo saddex kamid ah ay Soomaali yihiin dhibaatooyin la xiriira naceybka loogu geystay gobolkaasi.

Dowladda Federaalka iyo tan gobolka Alberta ayaa ku celceliya in naceybka uusan meel ugu bannaaneyn Canada.

Soomaalida kunool gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa todobaadyadii la soo dhaafay dareemayay cabsi dhanka amniga ah kadib markii gobolkaas ay ku bateen dadka muujinaya islaam naceybka.

”Covid-19: Ninkii sameeyay "daawadii riyada uu ku arkay ee coronavirus" oo xanuunka u geeriyooday

Wadaad u dhashay dalka Sri Lanka oo soo saaray daawo uu ku sheegay in ay dadka ka difaaceyso xanuunka Covid-19 ayaa u geeriyoodya cudurka, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa.Eliyantha White wuxuu xiddigo cayaartoy ah iyo siyaasiyiin sare ku daweeyay daawada uu sameeyay oo uu ku sheegay inuu riyo ku arkay.

Wuxuu sheegay in dawadan oo lagu shubo webiyada ay cirirbtiri karto xanuunka safmarka ah ee ka jira Sri Lanka iyo dalka deriska la ah ee Hindiya.

NInkan ayaa horraantii bishan la xanuunsaday cdurka waxaana loola cararay isbitaalka, halkaas oo ay xaaladdiisa ka sii dartay.

Dawada uu sameeyay waxaa bulshada u soo bandhigay wasiirkii hore ee caafimaadka Sri Lanka, Pavithra Wanniarachchi, oo qudhiisa labo toddobaad Covid u jiifay qeybta daryeelka gaarka ah ee isbitaalka.

White ayaa sanadihii la soo dhaafay caan baxay kaddib markii uu cayaartoy Hindiya u dhashay ka daaweeyay cudurka, balse waxaa qaab daaweyntiisa ka soo horjeestay dhaqaatiirta waaweyn ee dalkaas.

Sanadkii 2010, cayaartoyga caanka ah ee Sachin Tendulkar ayaa uga mahad celiyay isagoo sheegay inuu wadaadka ka daaweeyay dhaawac jilibka ka soo gaaray.

Wuxuu sidoo kale la talin siiyay Ra'iisul Wasaaraha dalkaasi Mahinda Rajapaksa, oo bartiisa Tiwtter-ka tacsi uga diray wadaadka.

"Xusuustiisu way nagu dhex noolaa doontaa, wuxuu daaweeyay xanuunno badan," ayuu yiri Mr Rajapaksa.

Sri Lanka waxaa bishii la soo dhaafay saarnaa bandow sababo la xiriira faafitaanka nooca Delta.

Dowladda ayaa sheegtay in ilaa 12,000 oo qof ay xanuunka ugu dhinteen dalkaas, iyadoo in ka badan hal milyan oo kalena ay qaadeen fayraska, balse dhaqaatiirta ayaa sheegay in tirada dhimashada ay laba laab intaas ka badan karto.


Maxkamad dil ku xukuntay Donald Trump iyo Bin Salman

Maxkamad ku taal dalka Yemen ayaa xukun dil ah ku xukuntay 10 qof oo ay ku jiraan madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump iyo dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Maxkamadda ayaa sidoo kale liiska 10-ka ee la xukumay ku dartay Boqorka da’da ah ee Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, waxaana dadka la xukumay loo heystaa xasuuq laba sano ka hor lee geystay arday reer Yemen ah.

Riyaad al-Ruzaami oo ah garsooraha xukunka riday ayaa sheegay inuu seddexdaan eedeysane xukunka ku riday iyagoo ka maqan maxkamadda horteeda isla markaasna mar uun lagu fulin doono xukunka dilka ah ee lagu riday.

Maxkamadda xukunka riday ayaa ku taalla gobolka Sacda ee dhaca dhinaca waqooyi-galbeed ee dalka Yemen, waxaana xukunka ay soo saartay si weyn u hadal hayo warbaahinta caalamka gaar ahaan kuwa Carabta.

Xasuuqa loo heysto 10-kaan qof ayaa waxaa fuliyey diyaaradaha xulafada Sacuudiga, waxaana sanadkii 2018 lagu beegsaday Bas ay saarnaayeen carruur iskuuleey ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Yemen ee SABA.

Baska ardayda waday ayaa gantaal lagu dhuftay isagoo dhex maraya suuq ku yaalla magaalada Dahyan ee gobolka Sacda. 50 qof oo rayid ahaa, oo u badnaa carrur arday ah ayaa ku dhintay halkaas, ku dhawaad 80 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Garsooraha Xukunka riday ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan 10-ka la xukumay laga rabo inay bixiyaan ganaax lacageed oo dhan 10 bilyan oo doolar, taasoo la siin doono ehelada dadkii ku dhintay duqeynta.

Dadka kale ee xukanka kasoo muuqday ayaa waxaa kamid ah madaxweynihii xukuumadda Riyaad taageerada ka heystay ee Yemen, Cabdi Rabu Mansuur Haadi, Amiir Turki bin Bandar bin Maxamed bin Cabdiraxmaan Aala Sacuud – oo ka tirsan amiirrada boqortooyada Sacuudiga – xoghayihii hore ee waaxda gaashaandhigga Mareykanka James Mattis iyo saraakiil hore oo ka tirsanaan jiray dowladaha Mareykanka iyo Yemen..

Faah faahin:-Ciidamo Kenyaati ah oo dhim asho iyo dhaawac ku noqday

 Qarax xoogan



Wararka aan ka heleyno degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in Shalay halkaas uu ka dhacay Qarax geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxaas oo ahaa miino nuuca dhulka la geliyo ah laguna aasay afaafka hore Saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Ceelwaaq, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan oo ay fureen Ciidanka.

Inta la xaqiijiyay qaraxa dhacay ayaa waxaa ku geeriyooday saddex Askari oo ka tirsan Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, halka lix kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kuwaasi oo ku sugnaa banaanka Saldhiga uu qaraxu ka dhacay.

Ciidamada dowladda Kenya ayaa sidoo kale afduubtay labo qof oo shacab ah oo ka agdhawaa goobta u qaraxa ka dhacay, kuwaas oo ahaa dhalinyarada ku xamaalato mootadda, welina lama oga hadla ay la aadeen raggaas.Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada Ceelwaaq ee Gobolka ee Koonfurta Soomaaliya oo ay uga hadlayaan afduubka Ciidanka Kenya u geysteen laba dhalinyaro oo kamid ah dadka deegaanka degmada, isla markaana ahaa darawalo Mooto.

Q/Midoobay oo ku talisay inta goori goor tahay in wax laga qabto

 Mayanmar

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka, Michelle Bachelet, ayaa ka digtay dhibaatooyin dhanka bini’aadanimada ah oo ay geystaan Xukumadda Milateriga ee dalka Myanmar ku qabsaday afgambiga ciidan.

Bayaan ay soo saartay Khamiista ayeey ku sheegtay in Beesha caalamku ay laba -laabtaan dadaalladooda ku aaddan soo -celinta dimuqraadiyadda iyo ka -hortagga iskahorimaadyada ka jira dalkaasi.

Wakiilka ayaa ku boorisay Beesha Caalamka in inta goori goor tahay in wax laga qabto amatallaabo laga qaado xukuumadda mileteriga ah ee Mayanmaar,

Myanmar ayaa ku jirtay qalalaase tan iyo markii militariga ay awoodda ku qabsadeen afgambi 1 -dii Febraayo, taasoo soo afjartay 10 sano oo dalkaasi ku jiray dimoqraadiyad iyo horumar kale.

In ka badan 1,120 qof ayaa la dilay tan iyo markii uu dhacay inqilaabkii Mayanmaar, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay,waxaana dilalkaasi ay dhaceen xilli ciidamada dalkaasi ay doonaayeen in ay joojiyaan bannaanbaxyo looga horjeeday xukunka mileteriga ah.

Khasaare ka dhashay weerar kooxo hub eysan ka geysteen Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya Galgaduud ayaa sheegaya Maleeshiyaad hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad ganacsato ah, kuwaasi oo markii hore ka ambabaxay degmada balanballe ee gobolka Galgaduud islamarkaana ku sii jeeday dowlad deegaanka soomaalida itoobiya.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka garsle oo hoostaga dowlad deegaanka soomaalida, sida ay ii sheegeen dadka deegaanka.

Inta la xaqiijiyay weerarka ayaa waxaa ku geeriyooday 2 qof, halka hal qof oo kalana weerarka uu ku dhaawacmay.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka garsle ayaa sheegaya haatan dagaal qaraar oo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed oo ka soo ka soo kala jeeda deegaanka garsle iyo degmada balanballe uu ka socdo halkaasi.


DAA’UUD SHIRE MAXAMED "WAA MUHIIM DHI IRIGELINTA SHIRKADDAHA

 GANACSIGA EE HOR OMARINTA XIRIIRKA KUBADCAG YARAHA”


Guddoomiye Saacid Xuseen Cabdi "Hiigsigeenu Waa In Aan Fursad Siinaa Shan Milyan Oo Dhalinyarada Soomaaliyeed”

Xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha mudane Daa’uud Shire Maxamed oo ka hadlay xaflada ay magaalada Muqdisho ku qabsadeen kooxda Halgan ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin horomarinta Kubadcag yaraha Soomaaliya iyo guulaha uu gaaray.

"Waan u mahadcelinaynaa maaamulka, macallimiinta iyo ciyaartoo yda kooxda Halgan , runtii waxay muujiyeen da’daal wanaagsan wax ayna Shalay ka mid yihiin kooxaha heerka ee Kubadcag yaraha Soomaaliya” ayuu sheegay Mudane Daa’uud Shire Maxamed Xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha.

Xoghaye Daa’uud Shire Maxamed wuxuu soo dhaweeyay ganacstada iminka bilaaway dhiiirginta kooxaha Kubadcag yaraha, wuxuuna arintaas ku tilmaamay guulo weyn ay gaareyn madaxda Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya iyo kooxaha kala duwan ee kubacag yaraha dalka.

"Waxaan ganacastada Soomaaliyeed ee diyaarka u ah horomarinta iyo dhiirigelinta kooxaha Minifootboolka u balanqaadayaa in aan waxqabadkooda tusin doono Caalamka, waxaana sidoo kale ka rabnaa in ay door wanaagsan ka qaataan guulaha Xulka Qaranka Kubadcag yaraha Soomaaliya” ayuu xoghayaha Xiriirka Kubadcag yaraha Da’uud Shire Maxamed u sheegay Ganacastada Soomaaliyeed ee diyaarka u ah horomarinta Minifootbolka dalka. Xoghaye Daa’uud Shire Maxamed wuxuu amaanay da’daalka wanaagsan ay wadaan madaxda kooxaha kala duwan ee Kubadcag yaraha Soomaaliya, isagoo u rajeeyay guul iyo horomar.

"Waan u hambalyaynaa is badalka wanaagsan ay wadaan mas’uuliyeenta naadiyada Kubadcag yaraha ,runtii waa wax lagu farxo waana sababta loo aas aasay kooxaha ay yihiin in la helo xidigo tayo wanaagsan oo matala Xulka Qaranka Kubadcag yaraha Soomaaliya” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Xoghayaha guud ee Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Daa’uud Shire Maxamed. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip