Maxaad ka taqaanaa xayawaanka Caasha badhida?

1
Thursday September 23, 2021 - 12:22:19 in Wararka by
  • Visits: 963
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad ka taqaanaa xayawaanka Caasha badhida?

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

CAASHA BADHIDA

Dr.ibraahin dhuxul.

Caasha badhidu waxa ay kamid tahay boqortooyada xayawaanka (Animalia), bahda lafdhabarleyda ah (Chordata), gaar ahaan bahweynta xammaaratada (Reptilia). Sidoo kale waxay ku jirtaa qoyska hoose ee xammaaratada leh maqaarka dhibic-dhibicda ah (Squamata), kaas oo ay kuwada jiraan bahweynta Mulacyada iyo Masasku. Bahda cilmiga saynisku waxay ugu yeedhaan (dwarf shield-tailed agama). Asal ahaan waxay kasoo jeedaa qaaradda afrika, gaar ahaan deegaanada Itoobiya iyo Soomaalida. Luuqadda ingiriisida waxaa loogu yeedhaa (Xenagama taylori) ama (shield-tailed agama), Afka Soomaaligana Caasha badhi ama Dabasaqaf. Waxa ay ku nooshahay dhulalka oomanaha ah, buuraleyda iyo dhulka bacaadka ah ee leh ciid adag.

Caasha badhida ta lab ayaa ka weyn ta dheddig, waxayna leedahay dahaadh ama qolof sare oo adag, waxa ay dhashaa markii kali ah sideeda xabo oo ukun ah, kuwaas oo ay ka dillaacaan afar ama shan midh, badanaa ta dheddig ayaa aasta beedka marka ay dhasho 8 ilaa 10 senti mitir oo dhulka hoostiisa ah. sidoo kale ka lab waxa uu xagga hoose ku leeyahay midab buluug ah kaas lagaga garto ta dheddig. Caasha badhidu markay qaangaadho dhererkeedu wuxuu gaadhaa 10 senti mitir, halka uu culayskeeduna gaadho saddex garaam. Caasha badhidu waxa ay u hooyataa godadka hoostooda kuwaas oo kuyaala meelaha geed gaabka ah ama buuraha hoostooda, wuxuuna jidhkeedu u adkaysan karaa dhulka uu heerkulkiisu yahay 45-50 digrii.

Waxa ay qudataa badanaa cayayaanada, xasharaadka iyo qaybo ka mid ah caleemaha dhirta cagaaran iyo midhaha, iyadoo wax quudata maalintii (Diurnal). Caasha badhidu waa xayawaannada u kora si dhakhso ah, waxa ayna dibkeeda danbe iskaga difaacdaa xayawaannada wax ugaadhsada habeenkii, taas oo kusoo awda afka laga soo galo godka ay u hooyato. Nin saynis yahan ah oo lagu magacaabo Tomas Mazur, kaas oo u dhashay jamuuriyadda jeek, kuna takhasusay cilmiga xammaaratada (Herpetology), ayaa waxa uu cadeeyay in laba nooc oo kamid ah caasha badhida laga helo deegaanada soomaalida, kuwaas oo kala ah Xenagama batillifera, iyo Xenagama taylori. Caasha badhidu waxay ka mid tahay xayawaannada leh dhiigga qabow (Cold blooded), sidoo kale waxay leedahay 40 hiddo-side.

Mulacyada kale ee laga helo deegaanada ay soomaalidu degto, kuwaas oo ay isku bahda yihiin Caasha baadhida waxaa kamid ah: Malawga, Goodaadda, Siilaanyadda, Qorrotada, Geelkaga cabaadista, Qulka, Buuryo jebiska, Wasakhadda, Xayraxadaha iyo Mascagaleydda ama Masalugoleydda. Ugu danbayntii waxaa saddexdii sanno ee ugu danbeeyay Soo noqnoqday, dhacdooyin lagu qabqabtay caasha badhi waddanka lagaga dhoofinaayay si aan sharciga waafaqsanayn, taas oo ay sababtu tahay in wakhtiyadan danbe la ogaaday noocyo kamid ah xammaaratada in loo isticmaalo sunta ama dheecaannada jidhkooda ku jira, samaynta dawooyinka qaar lagula tacaalo xanuunada halista ah, ama se u isticmaalida madaxyada hubabka halista badan.



Dribraahimm@gmail.com

Mayeedhaan Magazine.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip