HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES EE ARBACO 22-KA SEPTEMBAR 2021-KA

0
Wednesday September 22, 2021 - 09:11:19 in Wararka by
  • Visits: 523
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES EE ARBACO 22-KA SEPTEMBAR 2021-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Safiirrada dalalka Nigeria iyo Indonesia.

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyad-da Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqo-onsiga danjirenimo ka gudd-oomay safiirrada

cusub ee dalalka Nigeria Mu-dane Yusuf Yunu sa iyo Indonesia Dr. Mohamad Hery Sar-ipudin.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Ni-geria Mudane Yusuf Yunusa oo Madaxwey-naha soo gaarsiiyay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Muhammadu Buhari ayaa sheegay in uu dadaal muuqda ge-lin doono xoojinta xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta wanaagsan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Yusuf ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka diblom-aasiyadeed ee labada dal, gaar ahaan kor u qaadidda iskaashiga dhaqaalaha, amniga iyo la dagaallanka argagixisada ee dhibaatada ku haya labada shacab ee Soomaaliya iyo Nig-eria.

Dhankiisa, Danjiraha Cusub ee Jamh-uuriyadda Indonesia Dr. Mohamad Hery Sar-ipudin oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dal-kiisa Mudane Joko Widodo ayaa bogaadiyey horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay ee dhinacyada amniga, dib-u-dhiska ciidammada, iyo horumarinta dhaq-aalaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaa-lka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdul-laahi Farmaajo oo Danjiraha Cusub ee Indon-esia Dr. Mohamad Hery Saripudin ugu ham-balyeeyay xilka loo magacaabay, ayaa tilma-amay sida ay uga go’an tahay Soomaaliya iskaashi miradhal ah oo ku dhisan is-qaddarin, horumar iyo wax wada-qabsi.

Fahad Yaasiin oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa subaxnimadii hore ee Shalay soo gaaray la-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Far maajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo maalmi hiia soo dhaafay ku sugnaa dalka Turkiga.

Saraakiil dhinaca Hay’adaha Amniga ah ay aa Risaala u sheegay imaatinka Fahad Yaasiin oo diyaarad khaas ah ay ka keentay dalka Turkiga.

17-kii Bishaan diyaarad uu la socday Fahad Yaasiin ayaa laga celiyay dalka Jabuuti, iyada oo tallaabadaas Madaxtooyada Soomaaliya ay ku eedeysay inay ka dambeeyso dowladda Ja buuti, halka dowladda Jabuuti Warkaasi ay be enisay.

la-taliyaha Amniga Qaranka ee Ma daxwe yne Farmaajo Fahad Yaasiin ayaa qor shuhu ahaa in 18-kii Bishaan shir ay yeelan lahaaye en Guddiga Amniga Qaranka uu kasoo jeediyo Warbixin la xiriirta aqnaanshaha Ikraan Tahl iil oo ka tirsan Hay’adda NISA bal se uu shirk aasi dib u dhacay sababo la xiriira maqnaa nshaha Fahad Yaasiin.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in ay soo saari doonto waqtiga rasmiga ah ee uu qabsoomaho Shirka Guddiga Amniga Qar anka, waxaana todobaadyadii la soo dhaafay aad loo hadal haayay warbixinta uu soo jeedin doono Fahad Yaasiin maadaama maqnaansh aha Ikraan waxyaabo badan ay ku gada aman yihiin.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa dhawaan xilkiisii ahaa Agaasimaha Hay’adda NISA ku waayay kiiska maqnaanshaha Ikraan Tahliil, waxaana taasi ay sababtay in khilaaf xoogan oo aan weli xal loo helin uu ka dhex billaawdo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaa day ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xus een Rooble.

KULAN DHEXMARAY GUDDOOMIYAHA GUDDIGA DOORASHOOYINKA IYO WAKIILKA QM EE SOOMAALIYA.

Guddoomiyaha Guddiga doorashoo-yinka Heer Feseraal Maxamed Xasan Cirro ayaa Maanta kulannla qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb, James Swan.Qoraal kooban

oo kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Amb James Swan uu ku faraxsan yahay la kulanka guddoomiye Cirro.

labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen dadaallada lagu xaqiijinayo in dooras-hada Golaha Shacabka ay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay oo ay noqota mid loo dha-nyahay.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Feseraal Maxamed Xasan Cirro ayaa uga mahad celiyay Wakiilka Qaramada Mid-oobay ee Soomaaliya dadaalka uu ku bixinayo sidii dalka uga dhici laheyd doorasho loo wada dhan yahay.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomay Liiska Murashaxiinta Xildhibaa nada Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federa-alka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka guddoomay

liiska murashaxiinta Xildhibaanada Aqa-lka Sare ee Gobollada Woqooyi ( Somaliland), Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guu-leed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay soo gudbinta Liiska murashaxiinta Xildhiba-anada Aqalka sare ee Somaliland guul taariikhi ah oo laga gaaray dib-u-dhacyadii ku yimid, waxuna xusay in si deg-deg ah loo guda geli doonno doorashadooda. Eng. Rooble ayaa sheegay in doorashoo-yinka Aqalka sare ee BFS ay ku socdaan si habsami leh, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in lagu garab siiyo dhammaan dhinacyada ku howllan doorashada sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho nabadoon oo ku qabsoonta xiligii lagu heshiiyey.

Liiska kuraasta Aqalka Sare ku matalaya Gobollada Waqooyi oo ka kooban 11-xubnood ayaa waxaa ku tartamaya 24-murashax oo isugu jira rag iyo dumar. Iyadoo doorka Ra’iisul Wasaaruhu uu yahay hubinta liiska loo soo gu-dbiyay, sida ku cad war-murtiyeedkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee 22kii Agoosto 2021.

Below is the list:


Seat 1:
Abdi Hashi Abdullahi

Seat two:
Ahmed Mohamed Qorane
Bashe Ahmed Ismail
Seat three:

Leyla Ahmed Ismail
Mohamed Mohamud Abdi

Seat four:
Deeqa Hassan Hussein
Hodan Abokor Hassan

Seat five
Prof Mohamed Mohamud Allabari
Prof Abdi Ismail Samatar
Abdirahman Osman Ali

Seat six:
Bilal Idrish Abdullahi
Saynab Ahmed Boqore

Seat seven:

Salah Ahmed Jamah
Ibrahim Idle Saleban

Seat eight:
Saiid Abdi Hussein
Jamah Abdullahi

Seat nine:

Abdirizaq Ahmed Ali
Hassan Abdi Gaas
Ahmed Mohamed

Seat 10:

Osman Abokor Dube
Abdikariim Mohamed Hassan

Seat 11:

Muna Omar Hassan
Naima Hassan Mohamud
Suad Hassan Mohamed

---DHAMMAAD----

Rooble ‘oo lagu cadaadinayo’ inuu u tanaasulo Farmaajo…


Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsa me ahna musharax u taagan xilka mad-axwey nimo ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in Ra’iisul Wasaare Maxam ed Xuseen Rooble cada-adis xoogan lagu saar ayo sidii uu ugu tana-asuli lahaa madaxwey naha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Ma xamed Cabdullaahi Fa-rmaajo.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay-aa sheegay in xubnihii waan-waanta ka dhex waday labada mas’uul ay ka quusteen Farm-aajo, islamarkaana ay hadda xal bideen in Ro-oble culeys ku saaran inuu tanaasulo, si xii-sada xoogan ee 2ada dhinac xal looga gaaro.

"Waxaa boggaadin mudan waanwaan kasta oo xiisada lagu dejinayo, waxaanse ka xum-ahay in qoladii waanwaanta ku jirtay ay ka soo quusteen Farmaajo oo ay Rooble ku cadaadi-nayaan in uu tanaasulo. Tanaasul iyo gorgo-rtan lagama geli karo xagal daacinta cadd-aal ad u raadinta Ikraan Tahliil, iyo gabbaad siinta eedeysanayaasha kiiska, iyo in RW uu hoggaa miyo amniga iyo doorashooyinka da-lka,” ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur qoraal uu soo dhigay bariisa Facebook.

Dhex-dhexaadinta laga dhex-wado mada-xweyne Farmaajo iyo ra’iisul Rooble ayaa xa lay dib u billaabmatay, ayada oo la isku day ayo in heshiis la dhex dhigo labada nin, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Dadaalladan ayaa waxaa wada guddoomi-yaha golaha shacabka ee waqtigu ka dhacay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo madax-weynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo ay wehliyaan shan wasiir iyo 2 wasiir ku-xigeen, oo ka tirsan dowladda fede raalka.

Ilo-wareedyo ku dhow wasiirada qeybta ka ah waan-waanta ayaa sheegaya in howsha dhex-dhexaadinta iyo u kala dab-qaadida Far-maajo iyo Rooble ay tahay mid bilow ah, oo aysan fileyn in si deg deg ah guulo looga ga-aro, waxaa sidoo kale yar rajada laga qabo in heshiis la gaaro.

Qodobada la isku hayo ayaa ah kuwo aanu dhinacna ka tanaasuli karin, isaga oo aan u muuqan inaan laga adkaaday, waxaana si ga-ar ah aad u adag in ra’iisul wasaare Rooble uu ka tanaasulo kiiska Ikraan Tahiil Faarax, oo Fa rmaajo uu doonayo in la baabi’iyo.

Sidoo kale ma cadda, sida Rooble uga tan-aasuli karo xubnihii uu magacaabay sida wa-siirka amniga iyo taliyaha NISA, oo hadda si to os ah u shaqeeya, ugana sii daray xiisada ka la dhaxeysa madaxweynaha muddo xileed kii sa uu dhamaaday Xigasho:Caasimadda.Net

Wasiirka cusub ee amniga oo ogolaaday arrin muddo

 laga hortaagnaa qoyska Ikraan

Wasiirka cusub ee Amniga Soomaaliya C/hi Maxamed Nuur ayaa qaaday tallaabo weyn oo la xiriirta kiiska Ikraan Tahliil Faarax kadib markii uu xafiiskiisa ku qaabilay hooyada Ikr aan, Qaali Maxamuud Guhaad.

Wasiirka Amniga oo sax-aafadda la hadlay ayaa shee-gay in qoyska Ikraan Tahliil ay wasaaradda Amniga ka dalbadeyn inay ma gaalada Muq-disho ka dhigtaan banaanbax na badeed oo ay caddaalad ugu raadinayaan Ikraan, kaasi oo dhowr mar laga hor-istaagay.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradda oo cuksane yso dastuurka dalka ay qo yska Ikraan Tahliil Faarax u ogolaatay inay qabsadaan banaanbax nabadeed taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid dastuuri ah.

"Qoyska oo ay ugu horeyso maamada wa-xay iga dalbadeyn codsi ku aadan banaanbax nabadeed oo ay ku dalbanayaan xuquuqdii aan u raadinayey walaasheen Ikraan Tahliil Faarax, waxaan rabaa inaan qoyska iyo buls-hada Soomaaliyeed u xaqiijiyo in wasaaradda amniga ay siineyso fasax ku aadan ban-aanba xaas,” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

"Dastuurka dalka qodobkiisa 20-aad ayaa qeexaya in muwaadin kasta uu xaq u leeyahay inuu aragtidiisa usoo bandhigo si xor ah, haddii ay ahaan laheyd isku imaatin, dibadbax nab-adeed iyo haddii uu si shakhsi ah warbaahinta ula hadlayo,” ayuu sii raaciyey.

Wasiir Cabdullaahi ayaa ugu baaqay dad ka kasoo qeybgalayo banaanbaxaas inaysan ku xad gudbin xuquuqda dadka kale iyo dal-ka ba oo aysan dhibaato u geysan laamiyada iyo ganacsiyada isla markaasna uu bana-anbaxo oda noqdo mid nabadeed.

Sidoo kale, wasiirka ayaa hey’adaha Amn-iga faray inay sugaan amniga muwaadini-int aas, sida sharciga ah usoo dalbaday inay dhi gaan banaanbax nabadeed.

"Waxaan u arkeynaa ciddii banaanbaxaas ka hor timaado ama qashqashaado inay kaal-meenayaan ciddii dhibaatadaan geysatay, waa xaq dastuuri ah oo ay leeyihiin ma dhici karto in la qashqashaado sidii marar badan dhici jirt ay mana aqbaleyno,” ayuu yiri Wasiir Cab-dullaahi.

Ugu dambeyntii Wasiir Cabdullaahi ayaa qo yska Ikraan Tahliil u ballan qaaday inaan lagu dulmin doonin hey’adaha amniga ee hoos yim aado wasaaradiisa.

Qoyska Ikraan ayaa waxaa dhowr mar dib ad-baxyo ay ku dhigan lahaayeen Muqdi-sho ka hor-istaagay ciidamada ammaanka, intii uu dalka wasiirka amniga ka ahaa Xasan Xundu bey, oo xilkaas uu markii dambe ka qaaday ra’I isul wasaare Rooble.

Soomaaliya oo dib ula soo wareegtay mas’ uuliyadda Hay’ado ka maqnaa

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad ay dowladda Federaalka ah ee Soomaa liya ay Qaramada Midoo bay dib ugala soo wareegey say masuuliyadda Hay’adaha Falanqeynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqo-darrada (FSNAU) iyo hay’adda xog ururinta biyaha iyo dhulka Soomaaliya (SWALIM).

Munaasabadda la wareegitaanka oo ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Madax ka socotay Hay’adda FAO oo dhamaan ay wada hoostagayeen, kaa liyaha xoghayaha Wakiilka Qaramada ee So omaaliya iyo Wasiiro uu kamid yahay Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, waxaana hehiiska lagu go’aamiyay in Soomaaliya ay si buuxda ula soo wareegtay maamulka Hay’adaha (FSNAU) iyo (SWALIM).

Madaxa Hay’adda FAO ee Soomaa liya ayaa sheegay inay wax badan kasoo qabt een dhinaca horumarinta sugnaan ta Cuntada iyo Biyaha, isla markaana ay rajeeynayaan in Soomaaliya ay wax badan ka bedeli doonaan horumarinta mashaa fiicdaan.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Istaatiitika da Qaranka ayaa tilmaamay in hay’adaha ay la wareegeen ay muhiimad gaar ah u leeyihiin dalka waxbadana ay ka bedeli doonaan xogihii laga gudbin jiray Soomaaliya .

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farm aajo ayaa bogaadiyay dadaalka ay Hay’adda Istatistikada Qaranka Soomaaliyeed kula soo wareegtay masuuliyadda Hay’adaha (FSNAU) iyo (SWALIM) oo muddo dheer kadib maamulk eedu dib ugu soo laabtay gacanta Dawladda Federaalka Soomaaliya. Dowladda Soomaali ya ayaa horay waxaa ay ula soo wareegtay Hay’ado iyo Barnaamijyo kale oo ay Hay’ado kale iyo dowladdo gacanta ku hayeen 30-kii sano ee la soo shaafay, kuwaas oo hadda ay sitoos ah u maamuleysodowladda Somaaliy a

Madaxweynaha K/Galbeed oo Maanta magi caabay Xeer Ilaaliye cusub

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koon fur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Maanta oo tal-aado ah mag acaabay Xeer ilaaliyaha Gu ud ee Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa

Aadan Mukhtaar Suuriye u magacaabey inuu noqdo Xeer ilaaliyaha Guud ee Maamulka Ko-onfur Galbeed, kadib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa. Magacaabista Aadan Mukhtaar Suu riye ayaa waxaa lagu sheegay inay timid, kadib markii talo soo jeedin uu sameeyay Was iirka Cad-aalada Maamulka, kuna saabsan ma gacaabista Xeer ilaaliyaha Guud Xeerka mag acaabista ee uu sameeyay M-adaxweyne Cab dicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa dha qan galaya markii uu saxiixo, isla marka ana waxaa uu saxiixay Madaxwe-ynaha.

Hoos ka Akhriso WareegtadaMagacaabista ee kasoo baxday Lafta-gareen.


 

Sababta rasmiga ah ee aan loogu tartam eyn kursiga Cabdi Xaashi ee Aqalka Sare

Liiska musharaxiinta xildhibaanada Aqalka Sare ee goboladda Waqooyi ee loo yaqaano Somaliland oo maanta la shaaciyey, ayaa wa-xa kursiga 1-aad loo xiray Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi.

Toban ka mid ah kura asta ayaa waxaa ku tartami doona laba illaa saddex musharax, ha -lka Kursiga 1-aad uu musharax u yahay kaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, midaasi oo hadal hayn badan dhalisay.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Waqoo-yi ee u dhow Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Guddoomiyaha lagu maamusay kursigaas.

Waxa uu sheegay in la waayey cid la tart anta, kadib markii ay dadka la leh kursiga uu ku fadhiyo ee Aqalka Sare ay go’aans-adeen in aan lagula tartamin, isagana uu iska diiday musharax maqaar saar ah oo lala qoro, sida hore u sameeyen musharaxiin badan.

"Sharaf iyo karaamo ayey u tahay Gud-oom iye Cabdi Xaashi in dadka la leh kursiga uu ku fadhiyo (Aqalka Sare) ee Gobolka Waq-ooyi Galbeed si Volunteer ah u go’aansadaan in aa nay Kursiga kula tartamin oo uu yahay Nation al icon lama taabtaan ah, isla markaana Gudo omiyuhu diiday fikir ay dad ula yimaad-een oo ahaa in loo keeno qof waraabe utaag u no qda,” ayuu ku yiri Maareeye qoraal uu soo dhi gay bartiisa Facebook.

Maareeye oo saaxiib dhow la ah Cabdi Xa-ashi, ayaa xusay in Cabdi Xaashi uu yahay A-staan Qaran, halka uu sheegay in loo gartay in kursigaas uu noqdo lama taabtan, waana oday ga uga da’da weyn ee siyaasiyiinta kasoo jee da gobolada Waqooyi.

Liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqa-lka Sare, oo tiradooda dhan tahay 24 mus-ha rax ayaa waxaa maanta Mahdi Guuleed iyo Ca bdi Xaashi ka guddoomay Ra’iisul Wasa-araha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Roo ble.

Musharaxiinta ay soo gudbiyeen Mahdi Gu-uleed iyo Cabdi Xaashi ayaa waxay u tartami doonaan 11 Kursi oo Aqalka Sare ay ku lee-yi hiin gobolada Waqooyi ee hadda loo yaq-aano Somaliland.

Guddiga ka shaqeynaya ka bixitaanka AMISOM ee Somalia oo Shir u furmay

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta Muqdisho shir uga furay Gu ddi Farsamo oo ka kala Socda Dowladda Fe deraalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Guddigaan ayaa si wadajir ah uga soo shaq eyn doona diyaar-inta qorshe howleed ku qot oma sidii Dowladda Soomaaliya ay ula war eegi leheed Amniga Guud ee Dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in guddigaan uu ka shaqeyn doono sidii sanadka 2022-ka ay AM-ISOM ammaanka dalka ugu wareejin laheyd cii danka Qaranka Soomaaliyeed.

Guddigaan ayaa seddaxda bilood ee soo socota soo diyaarin doona warbixin ku saab-san la wareegitaanka amniga qaranka ee ciid-amada qaranka Soomaaliya, taas oo loo gu-dbin doono Midowga Afri ka iyo Golaha Amm-aanka ee Qaramada Midoobey.

Ugu dambeyntii Wasiir ku waxaa uu shee-gay in guddigaan garabka ka so cda dowladda Soomaaliya laga soo kala xulay wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga, arrim aha gudaha, arrimaha dibadda iyo xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

CALI YARE CALI oo si la yaab leh uga hadlay imaanshaha Fahad Yaasiin ee Muqdisho

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siy-aasadda ee maamulka gobolka Banaadirm Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa si la yaab-leh uga hadlay safarka la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin oo dib ugu soo lab tay Muqdisho.

Cali Yare oo wareysi siiyey Dal san TV ayaa shaaca ka qaaday in muddo kadib uu Shalay aroortii hore dalka dib ugu soo laabtay Fahad Yaasiin oo ay wehl iyaan saraakiil sar sare oo ka tirsan hay’adda NISA, wuxuuna tilmaamay in howlo shaqo ay u joogeen dalka dibadiisa. Guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Banaadir, sidoo kalena ka mid ah xubnaha aadka u taageero madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaad ay ayaa tilmaamay in xilli munaasab ah, isla-markaana aad la wada sugayey Fahad uu dib ugu soo laabtay dalka.

Sidoo kale Cali Yare oo hadalkiisa ayaa int aasi kus ii daray in ay maanta uga dhigan ta hay maalin aad u weyn oo farxadleh, sida uu hadalka u dhigay.

Xilli munaasab ah oo runtii la wada sugayo oo baahi weyn loo qabo fir-fircoonidiisii, kart-idiisii, talooyinkiisii iyo saameyntiisii, intaas oo dhan marka la’isku daro wax aan oran karaa maanta waa maalin weyn,” ayuu yiri Cali Yare.

Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay Cali Yare in tallabada xigta ay noqon doonto in la fuliyo awaamiirta kasoo baxda madaxweynaha mud-do xileedkiisu dhammaa day ee Maxamed Cab-dullaahi Farmaajo oo haatan khilaaf uu kala dhexeeyo Ra’iisul wasaaraha.

"Talaabada xigta waxa ay noqoneysaa wa-ddadii madaxweynuhu falo iyo awaamiirta mad axweynuhu bixiyo wadada koowaad ee la qaa daayo ayey noqon doontaa” ayuu raaciyey.

Si kastaba, muddooyinkii la soo dhaafay Cali Yare ayaa weeraro dhanka afka ah si toos ugu qaadayey ra’iisul wasaara ha, isaga oo taageero weyn u muujinayo madaxweyn aha muddo xileedkiisa uu dhamm aaday oo uu qeyb ka ahaa olo lihiisii doorashada ee sanadkii 2017-kii .Xigasho:caasimadda.net

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday garoonka Dayniile

Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday garoon diyaaradeed oo laga sameeyey degmada Dayniile, balse aan shaqeyn, sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogeyaal.

Al-Shabaab ayaa weerarkan oo la sheegay inay kasoo qa-adeen dhanka xaafadda Gu-bta waxay ku gubeen konteenaro yaallay hal-kaas, xafiisyo iyo agab kale, kadibna isaga tagay.Markii uu weerarka dhacayey ayaanay ci-dna joogin garoonka, mana la kulmin kooxdan wax iska caabin ah, sida aan xogta ku helnay. Lama sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarka.

Garoonka Dayniile ayaa laga dhisay dhul ay leeyihiin dad shacab ah oo la boobay, wax-aana marar badan fashilmay isku day la doo-nayey in dowladda federaalka ay ku ogolaato inuu shaqeeyo, sababo la xiriira in dhulkaas yahay dhul shacab leeyahay.

Dhinaca kale, weerar ay Al-Shabaab xalay ku qaadeen xaafadda Gubta, gaar ahaan Ciise Cabdi, ayaa sababay dhimashada sarkaal ka tirsanaa maamulka degmada Dayniile, sida ay ku sheegteen qoraal ay soo dhigeen warba ahintooda.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka deg-mada Dayniile ayaan weli ka hadal weerar-adan xalay dhacay.

Xog: Shir xasaasi ah oo Xalay Fahad Yaas iin iyo taliyeyaal ciidan yeesheen

Guriga uu Madaxtooyada Soomaaliya ka degan yahay Agaasimihii hore ee hey’adda NISA Fa-had Yaasiin ayaa waxaa hadda ka socda shir xas-aasi ah oo taliyeyaasha ciidam ada uu la leeyahay Fahad Yaasiin. Ilo-war eedyo ku dhaw shirka an ayaa Caa-simada Online u xaqiijiyey in guriga Fahad Yaasiin ee Madaxtooyada ku dhex yaalla uu shir uga socdo Fahad iyo taliye yaasha Booliska Je neraal Xijaar, Booliska Gobolka Ba-naadir Far xaan Qaroole, ku simaha NISA uu u maga caabay Madaxweyne Farmaajo Yaasiin Farey iyo saraakiil kale.

Lama oga qorshaha ka dambeeya shirk-aan caawa u socoda Fahad Yaasiin iyo taliyayaasha ciidamada, balse waxaa muuqato in Fahad weli uu saameyn weyn ku dhex lee yahay taliyeyaasha ciidamada, islamark-aana imaatinkiisa Muqdisho uu xaaladda iyo loolanka siyaasadeed ee dalka wax ka beddeli karo.

Fahad Yaasiin ayaa saakay dib ugu soo la-abtay magaalada Muqdisho, kadib maalmo uu ku xayirnaa dalka Turkiga, ayada oo wararka ay sheegayaan inuu ku yimid diyaarad khaas ah.

Maqnaanshaha Fahad ayaa loo arkay inay qeyb ka aheyd guul-darrooyinka siyaasadeed ee uu toddobaadyadii dhowaa wajahayey Far-maajo, oo warbaahintii iyo dhaqaalaha dowl-adda uu kala wareegay Rooble.

Kulankaan oo hadda ka socda gudaha Villa Somalia waxuu ku soo aadayaa, iyadoo maanta ay dhaceen kulamo dhowr ah oo ku saabsan waan waanta laga dhex wado Mada-xweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Ro-oble. Guddiyo ay hoggaaminayaan Madaxwe yn-aha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Gud-doomiyaha golihii waqtigu ka dhamaaday ee shacabka Maxamed Mursal ayaa dhawaan isku howlay inay xaliyaan khilaafka Farmaajo iyo Rooble, balse illaa hadda ma jirto wax hor umar ah oo laga gaaray wadahadalladii dha cay, inta la ogyahay


Sarkaal soo jeediyey arrin la xiriirta xaasas ka Al-Shabaab oo muran dhalisay

Kadib markii maalin ka hor ay Al-Shabaab qar xiyeen garoonka diyaaradaha magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, ayaa waxaa shalay shir jaraa’id qabtay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Buulo-Burde.

Abaandulaaha Ururka 41-aad Guutada 5-aad ee qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga da-lka Maxamed Muumin Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa si adag ugu dhaartay dadka gab-aadka siiya kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan caruurta iyo xaasaska kooxda, isagoo ka careysan tallaabadii ay ku burburyeen dhism-ihii garoonka diyaaradaha.

Laba maalmood ka hor ayaa xarigga laga jaray dhismaha ay Al-Shabaab qaraxa ku bu-rburiyeen, kaas oo loogu tala galay in loogu adeego dadka ka duulaya iyo kuwa ka soo degaya garoonka magaalada go’doonsan ee Buulo-Burde.

Abaandulaaha oo aad u careysnaa ayaa ku hanjabay inay beegsan doonaan guryaha ami-irada Al-Shabaab ee ku dhex yaalla magaa-lada iyo meel kasta oo ay dhisme ama hooy ku leeyihiin Al-Shabaab.

"Kuwa garoonka qarxiyey waa Shabaab ka soo jeeda magaaladaan Buulo-Burde, ciidanku waxay amar u qabaan inay guryaha ay dagan yihiin ku gubaan caruurta iyo xaasaska Al-Sha-baab, meel kastana waan uga daba tageynaa,” ayuu yiri Maxamed Muumin Cilmi.

Waxuu sheegay inay yaqaanaan guryaha ay caruurta iyo xaasaska Al-Shabaab ka dee-gan yihiin magaalada oo aysan waxaba u ge-ysan jirin, balse hadda kadib ay gubi doonaan.

"Waxay doonayaan inay indhaha ka ridaan dadka Soomaaliyeed, war guryihiina waan garaneynaa halkey magaalada uga yaallaan, war ilmihiina Buuloburde ayey degan yihiin waana ku dhaqaaleynaa, war waxaad burbu-rineysaan waa guryihii ay wada laheed uma-dda Soomaaliyeed, taasna idinka yeeli mey-nee guryihiina iyo buushashkiina ayaan dab-ada Taraq uga soo qabaneynaa,” ayuu hada-lkiisa ku sii daray Maxamed Muumin Cilmi Ab-aandulaaha Ururka 41-aad Guutada 5-aad ee qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka

Ku dhawaaqista xukunka ICJ ee Soom aaliya iyo Kenya – Tallaabooyinka xigi


 kara iyo filashada Somalia (Warbixin)

Sida caadiga ah Maxkamadda markii ay ge bogabayso dhagaysiga Dacwadda waxa ay ga shaa showr ay kaga doodayso Kiiska hor-ya alo "deliberations”, marka ay Garsooraya-ashau codeeyaan cod aqlabiyad ah ama go’aan kali kali ah hadba sida ay u dhacdo codaynta sida ay jideenayaan Qodobada 55, 57 Xeerka Maxk amadda ICJ iyo Qodobka 95/2 Xeer hoosadka Maxkamadda ICJ (rules of court, 1978), waxa uu farayaa Xeerka in la xadido ku dhawaaqista fadhi furan ama xiran marka ay jiraan xalado, laguna war-galiyaa dhinacyada Wakiiladoodo in lagu dhawaaqayo Dacwadda sida ku xusan Q. 94/1-aad ee Xeer-hoosaadka Maxkamadda "rules of court, 1978” iyo Qodobka 58-aad ee Xeerka Maxkamadda "ICJ STATUTE”.

Sida uu xaqiijiyey Ra’iisul Wasaare ku-xi-geenka, Mahdi Guuleed Maxkamadda waxay ku wargalisay dhinacyada in ay xukun kasoo saari doonto 12 October 2021, taas oo ka dhig an sida ay jidaynayaan qodobadaas in lagu dhawaaqayo Xukunkii Dacwadda Kenya iyo Soomaaliya, lana soo dhameeyey.

Awoodda Xukunka ICJ

Xukunka Maxkamadda ICJ kasoo baxaa waxuu qasab ku yahay dhinacyada uu ku soo baxay in ay u hoggaansamaan, sida ku cad Qo dobka 59-aad Xeerka Maxkamadda iyo Qod obka 94/2-aad ee Xeer-hoosaadka Maxk-ama dda, haddii dhinaca laga guulaystay si iskiis ah u fulin waayo waxaa loo gudbinayaa Golaha Amaanka QM si uu uga-qaado Tallaa-booyin amni sida ku cad Q. 94/2-aad ee Cahd-iga Qar amada Midoobay.

Mar hadii lagu dhawaaqo xukunka ICJ, dib maloo furi karaa mar kale?.

Xukunka Maxkamadda ICJ waa mid Kama da mbays ah, mana leh rafcaan sida ku cad Q. 60/1-aad ee Xeerka Maxkamadda balse waa dhici kato xaalado kooban oo dib-loo furi karo, Waxaa kamid ah xaaladahaas;

1- Marka uu ka yimaado dhinac codsi la xariiro Fasiraada xukunka ""Requests for the Interpretation" ama codsi fasiraad ba axada xukunka "scope of the judgment ".

Marka dhinaca wax codsaday uu soo gudbiyo meelaha uu rabo in la fasiro ama la cadeeyo dhinaca kale waxa uu xaq u leeyahay in uu ka soo jawaabo, waxaa nidaminayo Q. 98-aad ee Xeer-hoosaadka Maxkamadda

2- Waxaa kale oo dhinaca qasaaray uu dalban karaa dib u eegis in lagu sameeyo xukunka ha ddii uu helo xaqiiqooyin cusub oo wax-karat ayo Dacwadda kana maqnayd, taas oo aan ku dhicin gaabis dhankiisa ah, waana in lagu dalb adaa 6-bilood gudahood, waxaana dib loo furi karaa Dacwadda, sida ay nidaam-inayaan Q. 61-aad ee Xeerka Maxkamadda iyo Q. 99-aad ee Xeer-hoosaadka Maxkama-dda.

3- Haddii ay jiraan wax-kabadalo ama ku daris ay dhinacyada isku raacansyihiin una soo gu dbiyaan Maxkamadda maxkamadda waxay lee dahay tix-galin marka laga reebo xaalado koo baan "MODIFICATIONS PROPOSED BY THE PARTIES " sida uu Nidaaminayo Q. 101-aad ee Xeer-hosaadka Maxkamadda.

Maxay Soomaaliya filanaysa maxkamadda ICJ?

Dooda Soomaaliya ee qaabka Xaddeynta badda ee ku salaysan "Equidistance principle” waa mid wafaqsan Heshiiska Caalamiga ee ba daha, The United Nations Convention on the Law of the Sea "UNCLOS 1982” iyo Xeerarka badda Soomaaliya Xeer n. 37, 1972-dii, Xeer N. 5, 1989-kii iyo Xeerarka badda Kenya ” Terr itorial Waters Act 1972, Act No. 2 of 1972), "The Maritime Zones Act, 1989”.

Sidaas darteed waxay ka qabtaa rajo wayn in Maxkamadda ay taageeri doonto doodeeda, waxaa kale oon badnayn in ay dalbato Kenya Dib u eegis maadama aysan jirin xaqiiqooyin maqanan oo la ogyahay, horeyna ay isu dif-aaci waysay, balse way dhici kartaa in ay codsi fasiraad dalbato.

W/Q. Cali Sheekh Aadan Yusuf "Cali Somali”. Calisomali400@gmail.com


Caalamka oo Shalay looga dabbaald egay xuska Maalinta


 Nabadda Adduunka.

21-ka Sebtember ee Sannad kasta waxaa caalamka laga xusaa munaa-sabadda Maa linta Caalamiga ah ee Nabadda ka dib markiI Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoob ey ay ku dhawaaqday in maalintaasi ay tahay maalin u baahan xoojinta fikradaha kala duwan ee ka hadlaya nabadda.Ujeedada maalinta caalamiga ah ee nabadda ayaa ah in la dhiir igeliyo hal abuurka iyo fikirka dadka iyo sidii qof wa lba looga caawin lahaa soo kabsada,adkeysiga iyo sidii dunida loogu baddali lahaa mid Ilaalisa cadda aladda iyo sinnaanta.

Iyadoo la tixraacayo codsigii Xogh ayaha Guud , Golaha Ammaanku waxay si wa da jir ah u meel mariyey qaraar ku baaqaya Do wladaha Xubnaha ka ah inay taageeraan "ha kadda ,isla markaana la joojiyo cuqdadda, tako orka, iyo nacaybka .

Waa muhiin in la helo xabbad joojin loo ad eegsado colaadaha maxalliga ah, si loo hubiyo in dadka ay helaan marinno nabdoon oo ay ku gaari karaan Goobaha caafimaadka iyo mee laha kale ee ay u baahan yihiin.

Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda waxaa la aasaasay 1981 hasa yeeshee,Lab-aatan sano ka dib sannadkii 2001, Golaha Gu ud ayaa si wadajir ah ugu codeeyay in Ma-alin ta loo asteeyo inay tahay xilli aysan jirin rabsha do oo la fuliyo hab xabbad joojin ah.

Justin Trude oo markii 3aad ku guuley stay doorashada Canada

Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ku guuleystay doorashada guud ee ka dhacday dalkaas.

Waxaa dakaas ka socotay tiringgta codadka doorashada oo ay ku loll amayaan tiro xis biyo ah oo raad inaya in ay hela an xil dhi ba ano

ku filan dhanka baar alamaanka si ay u hog gamiyaan dalkaasi sannadaha soo socda.

Waa markii saddexaad ee Trudeau uu ku guul eysta doorashada federaalka balse dhaleece eya waxay sheegayaan in doorashadan wakht iga lagu lumiya uun.

Xisbiga uu hoggaamiyo Justun Trudeau ee Liberalka ayaa ku guuleystay doorashadii guud ee ka dhacda dalkaas wuxuu helay 156 ka mid ah kuraasta baarlamaanka dalkaas.

Halka xisbiga mucaaradka Canada uu helay 122 kursi. Justin Trudeau waxaa hadda laga sugaya dowlad wadaag ah maadama xisbig

iisa uusan ku guuleysan cod aqlabiyad ah

MINE ERDOGAN: XAASKA ERDOGAN MAXAY SOOMAALIYA UGA SHEGETAY


 BUUGGEEDA CUSUB EE AFRIKA KU SAABSAN?

Marwada koowaad ee Turkiga, Emine Erd ogan Emine Erdogan oo ah marwada 1aad ee dalka Turkiga, ayaa la filayaa inay Xarunta Q/ Midoobay ay ku soo bandhigto buug ay ka qor tay booqashooyin ay ku tagtay dalal Afrika ah oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Isniinta ayay markii ugu horreysay buuggan kula wadaagtay xaasaska madaxweyneyaasha kale ee ka qayb galaya shirkada New York ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobe ey,sida ay tabisay Wakaaladda Wararka Turki ga ee Anadolu.

Buugan waxay ku cabiraysaa khibradda ay ka heshay safarradii ay ku martay qaar ka mid ah wa-damada Qaaradda Afrika. Mada-xweyne Recep Tayyip Erdogan iyo xaaskiisa ayaa Axa dda u duulay Mar-eykanka, si ay uga qayb gala an shir madax-eedka sannadlaha ah ee Qara mada Mido-obay.

Buugga ay qortay Emine, oo ay ku magic owday "My Travels to Africa" -(safarradii aan ku tagay Afrika) - ayaa sidoo kale loo qaybin doonaa wakiillada ka kala socda hay'adaha aan dowliga ahayn ee loo yaqaanno NGOs iyo madaxda wasaaradaha Arrimaha Dibadda.

Emine Erdogan hooyadeed ayaa loo hibe eyay buuggan, waxa uuna si buuxda uga shee keynayaa safarradii ay xaaska Erdogan gash ay intii u dhaxeysay 2014-kii ilaa 2020-kii ee ay ku tagtay dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Alj eeriya, Itoobiya, Tanzania, Mozambique iyo Senegal.

Waxaa buuggan iib intiisa laga billaabi do onaa gudaha Turkiga billowga bisha Octo ber, waxaana lagu daa bici doonaa luuqadaha kala ah Turkish, Ingiriis, Faransiis, Carabi iyo Sawa axili.

Maxay Emine Erdogan ka tiri Soomaaliya?

Xaaska madaxweyne Erdogan ayaa qayba ha ay buuggeeda uga hadleysay safarkii ay ku tagtay Soomaaliya waxa ay ku sheegtay in ay ku soo aragtay xaalad si weyn u dhaqaajisay qalbigeeda. "Waligey uma aanan ooyin sida aan maalintaas u ooyay"

Iyadoo diiradda saareysay socdaalkii ugu ho rreeyay ee ay ku tagtay Soomaaliya, sannadkii 2011-kii, ayay shegetay inay ku soo aragtay "xusuus lama illoobaan ah oo aan ka go'eynin nolosheeda".

Marwada madaxweynaha Turkiga ayaa iy adoo cabireysa dareenkeeda ku saabsan boo qashadii Soomaaliya waxay tiri: "Wax turjim aan ah uma aanan baahneyn si aan u daree mo xanuunka ay dareemayeen hooyooyinka carruurtooda ku waayay gaajada awgeed. Wal igey uma ooyin sida aan maalintaas u ooyay.

"Illinta ayaa ah luuqadda uu qof walba fahmi karo.Waxaan aragnay carruur ay isku dhageen lafahooda iyo maqaarkooda. Waxaa naloo she egay in ilmo loo diray isbitaalka ay dhexda ku sii dhinteen." Emine Erdogan ayaa sheegtay inay diya arisay howl samafal oo ku wajahan Soomaal iya, waxayna tiri: "Ha iloobina Soomaaliya".

Dhanka kale, buugga ayay kusoo bandhig tay sawirro ay farsjaxamiisteyaal Turkiga ah oo iyada ku wehlinayay safarkii Soomaaliya ka sa meeyeen horumarrada uu Turkiga ka hirgali yay waddankan ku yaalla geeska Afrika.

'Qaarad fog'

Marwada 1waad ee Turkiga ayaa she getay in wixii ka hor reeyay "howlg alkii horumar inta Af rika" ee uu Turkiga billaabay 2005-tii ay qaar addu ahayd mid ka fog dadka reer Turki.

"Marka la soo hadal qaado Afrika, waxaa maanka ku soo dhacaya gumeysi, saboolnimo, baahi, carruur ooman," ayay tiri Emine.

"Fikraddaas waxay isbaddashay markii u-gu horreysay ee aan booqashada ku tagay Afri ka," ayay sii raacisay hadalkeeda, iyadoo wal iba sheegtay in ninkeeda ay u raacdo dhamm aan safarrada uu u baxo, intii karaankeeda ah.

"Mudnaan gaar ah ayaan siiyaa dhibaatooyin ka heysta dumarka iyo carruurta reer Afrika, waxaana doonayaa inaan ka mid noqdo dadka daweeya dhaawacyadooda. Naxariista nooca as ah waa dhaqan uu leeyahay waddankeyga aan ku dhashay, ku barbaaray," ayay tiri.

Waxay rajo ka muujisay in buuggeeda cus ub uu keeni doono wa naag, wadasha qeyn iyo isdhexgal dhinaca dhaqannada ah, uuna xoo jin doono saaxiib tinnimada ka dhaxeysa Turk iga iyo Afrika.

Sidoo kale waxa ay hoosta ka xarriiqday in safar walba oo ay ku tageysay dalalka Afrika ay ka horreysiineysay koorsooyin gaaban oo ay ku baraneysay waddan kasta dhaqankiisa iyo dabeecadihiisa.

Inta badan marwada madaxweyne Erdogan waxa ay booqataa xarumaha lagu xannaanee yo carruurta agoonta ah.

Waxa ay sheegtay in qalbi ahaan ay aad u taabatay marxaladdii ay ku aragtay mid ka mid ah xarumaha agoonta ee ku yaalla dalka Jab uuti, oo lagu magacaabo Daryeel.

"Waajib ayay nagu tahay inaan ka qayb qa adanno howsha culus ee ay hayaan dadka tab arta yar isla markaana aan ku dhiirrigelinno," ayay tri.

"Si aad u fahanto xaaladaha bani'aad ann imo, waxaad u baahan tahay inaad indhahaa ga ku ar agto. Aniga ahaan, safarrada aan dib adda ku aaday waxaan ka soo helay khibrado iyo xas uusinaya mas'uuliyad," ayaa ka mid ah waxya abaha ay ku qortay buuggeeda.

Buugga xaaska madaxweyne Erdogan ayaa marka la daah furo noqon doona mid caalami ah oo dalal badan gaara.    XIGASHO:BBC

WARARKII UGU DAMBEEYEY EE ISKU DAYKA AFGAMBI EE SUDAN

Wararka laga helayo dalka Suudaan ayaa sheegaya in saaka aroortii hore uu dalkaasi ka dhacay isku day afgambi, balse fashilmay, sida ay warisay warbaahinta maxalliga ah. Koox ka tirsan tirsan millitariga Suudaan ayaa lagu soo warramayaa inay isku dayeen inay gabi ahaan la wareegaan talada dalkaasi oo dhan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in mas-’uuliyiin haatan ka tirsan dowladda ka talisa Su udaan ay qeyb ka ahaayeen afgambiga dhi-cisoobay.

Qoraal kooban oo ay dowladdu ka soo saa-rtay dhacdadaasi ayaa waxaa dadka reer Suu-daan loogu baaqay inay isku soo baxaan, si loo difaaco dalka.

"Waxaa fashilmay isku day afgambi, dadku waa in ay kahortagaan arrintan” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Dhinaca kale golaha haya talada dalka Su udaan ee TSC ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen ciidamada sameeyey isku dayga af gambi, ayna haatan gacanta ku hayaan da-lka.

Dowladda ayaa sidoo kale shaacisay in la xiray illaa 40 sarkaal oo la sheegay inay horm uud u ahaayeen afgambiga dhicisoobay, kuwa as oo isku dayey inay marka hore beegs-ada an xarunta taliska ciidamada ee dalka Suu daan, Idaacadda iyo Telefishinka qaranka dal kaasi.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxa-ana qeybo badan oo ka mid ah Suudaan lagu arkayaa ciidamo oo badan lagu soo daadiyey waddooyinka waa weyn ee dalkaasi.

Afgambiga ayaa kusoo noq-noqday Suu-daan, waxaana ugu dambeeyey midkii xuku-nka looga tuuray Cumar Xasan Al-Bashiir 11-kii April ee sanadkii 2019, kaas oo isaga qud-hiisa xilka ku qabsaday afgambi uu ku sam-eeyey xukuumadii Saadaq Al-Mahdi sanadkii 1989-kii.

XIGASHO::-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip