Xaad oo soo jeediyey arrin ka dhan ah Farmaajo oo lagu dhaqaaqo kahor doorashada

0
Monday September 20, 2021 - 22:23:48 in Wararka by
  • Visits: 390
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaad oo soo jeediyey arrin ka dhan ah Farmaajo oo lagu dhaqaaqo kahor doorashada

    ,,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,,

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo maanta hadal ka jeediyey kulan ay isugu yimaadeen odayaasha iyo waxgaradka Soomaaliyeed, kaas oo loogu magac daray samata bixinta qaranka iyo taageerada Ra’isul Wasaare Rooble, ayaa ka hadlay khilaafka ka dhashay caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil ee u dhaxeeya madaxweynaha waqtiga dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Rooble.

Xaad ayaa ugu horreyn sheegay in aysan dalka ka dhici karin doorasho kahor inta aan la iska qaban Farmaajo, wuxuuna yiri "Madaxweynaha mudo xilkeedkiisa dhammaaday ee Farmaajo waa in aan iska qabanaa, sababtoo ah diyaar uma ah in dalka ay ka dhacdo doorasho.”

Wuxuu sidoo kale sheegay inaysan jirin wax ka fiican in taageero loo muujiyo Ra’isul wasaare Rooble iyo in la badbaadiyo Qaranka Soomaaliyeed oo wajahaya khilaaf iyo dib u dhac doorasho.

"Sidaad ogtihiin waxaa lagu jiraa xilli kala guur, dalkana wuxuu ku jiraa doorasho, waxaana jiro caqabado badan oo hor taagan doorashada, in maanta Qaranka la samata bixiyo waa arrin muhiim ah oo dalka iyo dadkaba faa’ido u ah, waa inaad iska difaacdaan cidda dooneysa in qaranka ay dumiso,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Nabadoon Xaad ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoo xusay inay waligood taageeri jireen uuna mudan yahay in la dhiira geliyo, isla markaasna si wanaagsan loola shaqeeyo.

"Waan taageereynaa Ra’isul wasaaraha, waligeyna waan taageeri jirnay, waxaana ku taageereynaa geedi socodka doorashada, iyo go’aanadii uu dhawaan qaatay, kuwaas oo aan u aragno inay yihiin badbaado qaran,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

     Nabadoonka ayaa sheegay in dalka iyo dadkaba ay kasoo daaleen khilaaf iyo dhibaatooyin, isagoo xusay in hadda uu dalka gacanta ugu jiro qolo ay fowdadu ku cusub tahay oo aan daalaneyn, sida uu sheegay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Ra’isul wasaare Rooble inuu heysto taageerada Shacabka Soomaaliyeed, Maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka, wuxuuna xusay inuu ku taagan yahay wadada saxda ah.

"Waxaa nala gudboon inaan hal dhinac uga soo wada jeesano kuwa doonaya in dalka fowdo kale la geliyo, qofka fiican ee ku taagan wadada saxda ahna waa inaan taageerno, qofkii wax naga qaldayana waa inaan gacanta ka qabano oo yac dhahno, Ra’isul wasaare Rooble wadada saxda ayuu ku taagan yahay, shacabka Soomaaliyeed oo dhan ayaana taageersan,” ayuu Nabadoon Xaad hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in awoodda ugu badan ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay iska ilaaliyaan siyaasiyiinta boorsada la yimid ee berrina diyaaradda ka raacaya haddii uu dalka burburo.

"Shacabka waa awoodda ugu weyn ee ummad yeelato, awoodda oday dhaqameedka maahan siyaasiyiinta, ee waa shacabka, waxa laga rabo awoodda ugu weyn waxay ka halaabayaan waa Shacabka, maxaa yeelay nin boorso la yimid oo haddii ay wax ka halaabaan siduu rabo yeeli kara oo diyaarad raaci kara iyo anaga isku baahi ma nihin, wixii aan na anfaceyn awood aan ku diidno ayaan leenahay, balse waa inaan ognahay oo naqaan awoodeena,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.

Xaad oo soo jeediyey arrin ka dhan ah Farmaajo oo lagu dhaqaaqo kahor doorashada



Hoos ka Daawo



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip