HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES, SABTI 18-SEPTEMBAR 2021

0
Saturday September 18, 2021 - 09:18:22 in Wararka by
  • Visits: 463
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES, SABTI 18-SEPTEMBAR 2021

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Farmaajo oo sheegay inuu hakiyey awoodihii R/W Rooble

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/hi Farmaajo ayaa sheegay inuu ha kiyey awoodihii R/Wasaare M. Xuseen Rooble. Ho os ka aqriso qoraal uu soo saaray Farmaajo. War-saxaafadeed

Madaxweynaha JFS Md. M. C/hi Fa rmaajo; Markuu arkay tallaabooyinka khilaafsan Da stuurka KMG ah ee uu qaaday R/W//ha XFS Md.M. Xuseen Rooble sida ku cad Qodobka 87aad, Xarfa ha (b) iyo (c) iyo Qodobka 90aad, Xarfaha b,c, &e;

Markuu ka weecday waajibaadkii loo igmaday Xukuumadda ee ahaa ka shaqeynta doorashooyin ka& amniga doorashooyinka sida ku caddayd khu dbaddii uu Madaxweynaha JFS Md.M. C/hi Farmaa jo ka jeediyay Golaha Shacabka 1dii May 2021, Go luhuna uu tixgeliyay soojeedintaas;

Markuu arkay in R/W/ha uu qaadanayo tallaabo oyin aan laga fiirsanin oo dalka u jiheyn kara qalaa se siyaasadeed iyo mid amni;

Markuu arkay in Wasiirka 1aad uu sameynayo is ku day ku xadgudub xuquuqda & mushaaraadka Cii damada Qalabka sida iyo awood si khaldan u isticm aalid hay’adaha qaarkood;

Markuu xaqiiqsaday in R/W/ha latashi & wada shaqayn la lahayn Madaxweynaha, isaga oo ku dha qaaqay inuu soo saaro go’aanno ku keli ah oo aan waafaqsanayn shuruucda & Dastuurka dalka taas oo ay ka dhalatay xil-gudasho la’aan;

Maadaama Madaxweynuhu yahay Astaanta mid nimada qaranka, Ilaaliyaha & horumariyaha maba adi’da asaasiga ah ee Dastuurka;

Madaxweynuhu wuxuu xeeriyay qodobadan;

1. Maadaama Wasiirka1aad ee XFS uu jabiyay Dastuurka KMG ah, waxaa la hakiyay awoodaha Wasiirka 1aad & dhammaan warqadaha kasoo ba xa, gaar ahaan xilkaqaadis ama xilmagacaabis, inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka oo ay u xilsaaran yihiin Guddiyada Madaxabannaan ee mag acaaban.

2. Inta lagu jiro xaaladdan, hay’adaha kala duw an ee dowladdu waxay sii wadayaan hawlaha ay shacabka ugu adeegayaan ee lagama maarmaanka u ah socodsiinta hawlaha xukuumadda, si waafaqs an Qodobka 102aad ee Dastuurka kmg ah oo si cad u qeexaya in Wasiir kasta uu isagu masuul ka yah ay Howlaha Wasaaraddiisa, ayna tahay in lagu tix geliyo, iyagoo aan ku dhaqaaqi karin xil ka qaadis & xil magacaabis inta laga dhammeystirayo doorasho oyinka dalka.

3. Maadaama ay dhammeystirmeen dhismaha guddiyada doorashooyinka ee Heer Federal (FEIT) & kuwa heer D/Goboleed (SEIT), Xallinta Khilaafaa dka,si buuxdana loogu heshiiyay habraacyada, mii saaniyadda, qorshaha amniga doorashada & dha mmaan waxyaabihii ay ku xirnayd qabsoomidda do orasho waafaqsan heshiiskii17ka Sebtembar 2020 & habraacyadii lagu xalliyay tabashooyinkii ka soo laabtay 27ka May 2021, lana guda galay doorasho oyinka Labada Aqal.

Sidaas darteed, waxaa lagu dhiirrigelinayaa dh ammaan hay’adaha ay khuseeyso hawlaha doora shooyinka inay dardargeliyaan si waafaqsan Jadwal ka Doorashooyinka ee la faafiyay. DHAMMAAD

ROOBLE OO JAWAAB KULUL KA BIXIYEY WARKII KASOO YEERAY ARMAAJO

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, M.Xuseen Ro oble ayaa jawaab kulul ka bixiyey ware egtadii uu Shalay soo saaray madaxwe ynaha muddo xileedkiisa dhamaaday, kuna tilmaamay mid baal marsan dastu urka dalka ee kasoo baxay xafiska Madaxweyna ha.

Hoos ka aqriso bayaanka uu Wareegtada Farmaajo kaga jawaabay Ra’iisul Wasaare Rooble

Ka dib markii uu R/Wasaaruha XFS Md. M. Xuseen Rooble ka arkay Warbaahinta Warqad baalmarsan Shuruucda dalka oo ka soo baxday Xafiiska Mada xwaynaha,

wuxuu soo saaray; A- Ku xadgudubka sharciga

1- Warqadda ka soo baxday Madaxwaynaha ee cinwaankeedu ahaa hakinta Awoodaha Wasiirka 1aad iyo dardargalinta Doorashada dalku, waa mid si cad u hareer marsan Dastuurka KMG ah ee Qar anka wuxuuna si cad ugu been abuurtay qodobada 87-aad & 90-aad ee Dastuurka oo aan meelna loo ga xusin in uu Madaxwaynuhu faragalinkaro Awoda ha Dastuuriga ah ee R/Wasaaraha & Xukumadiisa .

2- Madaxwaynuhu wuxuu si ku talo gal ah ugu tu ntay Qodobka 99-aad ee Dastuurka Xarfihiisa {A} {B} {C} {D} {E} {F} {G} {H} kuwaas oo dhamaantood qeexaya in Xukuumaddu awood buuxda u leedaha hay dajinta siyaasadda Guud ee Xukuumadda & dhaqangalinteeda, Ogolaanshaha & Fulinta Xeerar ka Maamulka, Diyaarinta Miisaaniyad Sanadeedka & Xisaabxirkeeda, Dhaqangalinta Shuruucda, Sugi dda Nabadgalyada Dalka,Ilaalinta Danaha Dawlada ,Magacaabista & xil ka qaadista Saraakiisha sar sa re ee Dowladda, wuxuu sidoo kale Madaxwaynuhu jabiyay qodobka 100-aad oo R/Wasaaraha awood u siinaya Magacaabista & Xilka qaadista G/Wasiirada

3- Madaxwaynuhu wuxuu jabiyay Qodobka 103-aad ee Dastuurka KMG ah oo R/Wasaaraha & Xuk uumadiisa Xaq u siinaya inay hayaan awoodda fulin ta ee dalka inta u dhaxaysa taariikhda Doorashada Guud & marka la dhaariyo R/Wasaare cusub iyagoo waajibaadkooda u fulinaya si caadi ah.

4-Madaxwaynuhu wuxuu iska indhatirayaa Qod obka 91-aad ee Dastuurka oo qeexaya mudada xil-haynta Madaxwaynaha oo ah 4 Sano oo ka bilaaba ta maalinta Xilka loo dhaariyo kuna ekayd 8-Febara ayo ee Sanadkaan isagoo isku dayaya inuu faragal Iyo Awoodaha Dastuuriga ah ee Xukuumadda si uu u abuuro fowdo iyo deganaasho la’aan.

5- Haddaba iyadoo laga duulayo sarraynta Sharc iga, R/Wasaaruhu isaga oo xiganaya Qodobka 4-aad Faqradiisa 1aad ee Dastuurka KMG oo qeexey sa in Xukuumaddu u hoggaansameyso oo kaliya Go’aannada waafaqsan Dastuurka wuxuu cadayna yaa inaanay waxba ka jirin Warqadda Sharci darra da ah ee ka soo baxday Madaxwaynaha loona hogg aansamaynin.

B-Carqaladaynta Doorashooyinka & Siyaasada ynta Nabadgalyada & Dhaqaalaha Dawladda.

1- Madaxwaynaha oo Mas’uuliyadiisu ay ahayd in uu dalka ku hago Doorashooyin daahfuran oo dim uquraadi ah ayaa ku guul daraystay inuu fuliyo waa jibaadkaas Dastuuriga ah taas oo keentay in la gaa ro heshiiskii 17-kii September 2020 oo R/ Wasaa raha loogu igmaday inuu fuliyo heshiiskaas si ay dal ka uga dhacdo Doorashadii lagu heshiiyay.

2- Nasiib darro, Madaxwaynuhu isagoo isticmaa laya qaar ka mid ah Hay’adaha Amniga & Xafiiskii sa wuxuu maalmo gudahood bilaabay inuu ku dhaq aaqo falal uu ku fashilinayo Doorashada, jabinaya Heshiiskii la gaaray,waxyeelaynaya Awoodda R/l Wasaaraha isla markaana abuuray Khilaaf baahsan taasoo ugu danbayn uu Madaxwaynuhu qaaday is ku daygii dhiigu ku daatay ee Muddo korarsiga ahaa oo aanu wali ka tanaasulin Madaxwaynuhu.

3- Madaxwaynuhu wuxuu bilihii la soo dhaafay qaadayay talaabooyin uu ku carqaladaynayo awoo dihii Dastuuriga ahaa ee uu Baarlamaanka hortiisa dib ugu celiyay R/Wasaaraha, ee hoggaaminta Amn iga & Doorashooyinka Dalka, wuxuu sidaas oo kale isku dayay burinta heshiiskii 27-May 2021 oo lagu soo afjaray qalalaasihii ka dhashay Go’aankii mu ddo kororsiga ee Madaxwaynaha ee 12-April 2021.

4- Si la mid ah xasaradihii uu abuuray Madaxwaynu hu 25-kii Bishii April ee keenay kala jabkii Ciidanka Qaranka & barakicii Dadweynaha Muqdisho, Warqa dda Sharci darrada ah ee uu soo saaray Madaxway nuhu waxay daliil ut ahay inaanu wali ka tanaasulin damaciisii ahaa inuu dalka ku celiyo Colaad Sokee ye ama si aan Sharciga waafaqsanayn ku joogo xaf iiska Dalka ugu sarreeya.

C- Dardargalin howlaha Hay’adaha Dowladda iyo Doorashooyinka.

1- Si waafaqsan qodobada 99-aad, 100-aad & 103 ee Dastuurka, R/Wasaaruhu, wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha Dowladdu inay si caadi ah u gutaan waajibaadkooda Shaqo ee u adeegista Shac abka Soomaaliyeed & ilaalinta Danaha Qaranka.

2- Si waafaqsan heshiisyadii 17-September 2020, 27-kii May 2021,& 22-kii August 2021 ee uu gaaray Golaha Wadatashiga Qaranka, R/Wasaaruhu wux uu farayaa dhammaan Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal & heer D/Goboleed inay dardarge liyaan dhameystirka Doorashooyinka 2da Aqal ee Baarlamaanka iyagoo ilaalinaya jadwalka guud ee doorashooyinka Dalka.

3- R/Wasaaruhu wuxuu ku boorrinayaa Madax waynayaasha D/ha Xubnaha ka ah DFS inay u fud udeeyaan Guddiyada Doorashooyinka gudashada waajibaadkooda shaqo si loo dhammeystiro Doora shooyinka Dalka.

4- Si waafaqsan Qodobka 127-aad Faqradihiisa {B} {C} {E} ee Dastuurka Qaranka, R/Wasaaruhu wuxuu farayaa Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida inaanay ku milmin arrimaha Siyaasadda, dhawr aan Talinta Sharciga ee Hay’daha Dimuquraadiga ah iyo ilaalinta Dastuurka, isla markaana sii wataan waajibaadka ka saaran ilaalinta Nabadgalyada Mu waadiniinta Soomaaliyeed & Xasiloonida guud ee Qaranka.

5- R/Wasaaruhu waxa uu qaybaha kala duwan ee CQ S ku bogaadinayaa sida geesinimada & naf-hurista leh ee ay ugu adeegayaan dalkooda, wuxu una u xaqiijinayaa in xukuumadda ay ka go’antahay joogteynta Xuquuqda Ciidamada & qaadista talaabo kasta oo garab -istaag u ah Geesiyaasha u taagan Difaaca Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

6- R/ Wasaaruhu waxa uu hoosta ka xarriiqayaa in aan la aqbali karin in Miisaaniyadda qaybo ka mid ah Hay’adaha dowladda loo isticmaalo si ka baxsan nidaamka hufnaanta maaliyadda ee Dalka waana in hay’adaha Maaliyaddu ku taagnaataa u hoggaansa naanta Wareegtadii R/Wasaaraha ee soo baxday 09-kii Bishaan oo ku salaysnayd isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta.

BAAQ.

1- Sida uu qabo Qodobka 3-aad ee Dastuurka KMG ah, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusuusinayaa Madaxwaynaha in uu ilaaliyo mabaadi’da aasaasig a ah ee kala soocnaanta Awoodaha hay’ada ha Do wladda,joojiyaanna faraglinta uu ku hayo xukuumad da & Garsoorka oo tusaale ay u tahay sida uu isugu dayayo inuu hor-istaago Caddaalad u helista Ikraan Tahliil Faarax.

2- R/ Wasaaruhu isagoo ilaalinaya Danta Guud ee Qaranka & nidaamka Dawladnimada, wuxuu ugu naseexaynayaa Madaxwaynaha inuu joojiyo ku xad-gudubka Dastuurka Qaranka, Jabinta Heshiisyadii Doorashooyinka,Carqaladaynta hawlaha Xukuumad da abuurista Xasiloonidarrada & isku dayga sadbur siga Doorashooyinka oo ay tahay inay u sinaadaan dhamman Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxw aynaha.

3- R/Wasaaruhu, wuxuu ugu baaqayaa Shacab ka Soomaaliyeed inay muujiyaan daganaasho, ilaa liyaan Nabadgalyada, kuna garab-istaagaan Xuku umadda inay dhamaystirto Doorashooyinka Dalka oo ah waddada kaliya ee furan si aan uga baaqsa no dib unoqosho.

4-R/Wasaaruhu, isagoo uga mahadcelinaya door kooda, wuxuu ugu baaqayaa beesha Caalamka in ay ku gacansiiyaan Xukuumadda dhamaystirka Do orashooyinka & ka hortagga isku day kasta oo lagu carqaladaynayo Doorashooyinka, wuxuuna si gaar ah u xusuusinaynaa in il gaar ah lagu hayo shaqsi yaadka ku hawlan fashilinta Doorashooyinka & ab uurista Xasiloonidarro Siyaasadeed iyo mid Amni.

Balanqaad.

XFS waxeey u Balanqaadaysaa Shacabka Soom aaliyeed & beesha Caalamka inay xoogga saaray so dhamaystirka Doorashooyinka, Ilaalinta Nabadg alyada,& dhawrista Nidaamka Dawladnimada si ho

Gaanka dalku loogula kala wareego si nabadgalya ah DHAMMAAD

Musharaxiinta oo 10 qodob kasoo saaray tallaa badiii uu qaaday Farmaajo (Aqriso)

War ka soo baxay GM/usharixiinta ayaa looga ha dlay Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan go’aanka Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday M.C/hi Farmaajo uu ku sheegay inuu hakiyay awoo dda Ra’iisul Wasaaraha XFS.

G/M/Musharixiinta ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid kahor imaaneysa Da stuurka Dalka isla markaana xad gud ub ku ah howlaha shaqo ee Wasiir

ka 1aad ee XFS M. X. Rooble. "Maxa med C/hi Farmaajo waxa uu dalka u ho rseeday Xasarad siyaasadeed & Qalalaase amni oo halis gelin kara Xasiloonida Soomaaliya, qoraalka uu soo saaray waxa uu muujinayaa inuusan ka tan aasulin damicii ahaa muddo kororsiga” ayaa lagu yi ri Xaanshida ka soo baxday G/M/M/ta.

Golaha ayaa si jeediyay in beesha Caalamku ay u aqoonsato Farmaajo & la taliyaashiisa "Qaswada yaal” waxa ayna ka dalbadeen shacabka Soomaaliy eed in la garan istaago Ra’isul wasaaraha.

Midowga Musharixiinta ayaa sheegay inay go’a ankii kasoo baxay Farmaajo u arkaan:

1-In Madaxweynaha muddo-xileedkiisa dhamm aaday uu si bareer ah ugu tuntay Dastuurka dalka, ka na beensheegay qodobbadiisa. taasoo ka marqa ati kacaysa inuusan ka soo bixin mas’uuliyaddiisa il aalinta Dastuurka unna muuqdo shakhsi aan degen aansho siyaasadeed lahayn oo aan lagu aamini kar in xilka ugu sarreeya ee dalka.

2-In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamma aday uu xagal daacinayo caddaalad u helidda kiska Ikraan Tahliil, gabbaadna siinayo eedaysanayaasha ku lug leh kiska, isla markaana carqaladeynayo ha bsami u socodka hawlaha doorashooyinka, gaar ah aan kuwa xildhibaannada G/lada waqooyi ee Soma liland & Beelaha Banaadiriga oo 2duba ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

3-In M/ha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu si joogta ah u jebiyo heshiiskii la gaaray 27ka Maajo, wiiqana awoodda R/wasaaraha, isla markaana awo od gaar ah siiyo shabakado qarsoon oo barbar soc da hawlaha R//ha, kuwaasoo loo gorsheeyey inay M/ha muddo-xileedkiisu dhammaaday u boobaan doorashooyinka.

Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay sidoo ka le soo saareen 7 Qodob oo badankood ay ku muuj inayaan inay garab taagan yihiin R/W/ha, kuwaas oo kala ah.

1- In R/w/ha xukuumadda xil-gaarsiinta uu dardar geliyo hawlaha doorashooyinka, &caddaalad u helid da kiiska lkraan Tahliil.

2- In G/Wadatshiga Qaran uu shir deg-deg ah is ugu yimaado si loo hawlgeliyo qorshaha doorasho oyinka, dalkana looga saaro xaaladda kala guurka ah iyo khalkhalka siyaasadeed.

3-In M/weynaha muddo-xileedkiisu dhammaad ay loo aqoonsado isaga &la taliyayaashiisa qaswad eyaal liddi ku ah xasilloonida dalka.

4- In Ciidanka Qalabka-sida ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda sida uu qabo qoddobka 127 ee Dastuurka dalka iyo heshiiskii 27 Maajo.

5-In shacabka Soomaaliyeed, D/Goboleedyada Beesha caalamkaba ku garab istaagaan R/-wasaa raha sidii u uu cadaalad ugu heli lahaa Kiiska Ikraan Tahliil iyo sidi deg-deg loogu qaban lahaa doorasho la isku raacsan yahay oo jawi xasillooni & nabad leh ku dhacda.

6- In laga fogaado wax kasta oo xasarad & dhillo colaadeed abuuri kara, meelna looga soo wada jees to cid kasta oo isku dayda inay dalka qalalaase amni ka abuurto.

7- Goluhu wuxuu markasta diyaar u yahay tallaa bo kasta oo lagu xoojinaayo amniga iyo xasilloonida dalka.

DHAMMAAD

Baashiir Raage Shiiraar oo geeriyooday (Taariikh kooban)

Alle ha u naxariistee Waxaa Shalay ku geeriyoo day M/Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya gana csadaha Caanka ahaa ee Bashiir Raage Shiiraar oo aad looga yaqaan caasimadda iyo guud ahaan Soo maaliya.

Bashiir Raage ayaa la sheegay inuu geeriyood ay ka dib markii uu wadnaha istaagay, waxaana geeridiisa xaqiijiyey qaar ka tirsan eheladiisa.

Taariikhdiisa oo koban Ganacsade Bashiir Raa ge Shiiraar ayaa ah sida tan Bashiir Raage waxaa uu ku dhashay caasimadda Soomaaliya ee Muqdi sho 2 sano ka dib xorriyaddii, waa sanadkii 1962-dii.

Bashiir, waxaa uu wax ka bartey dugsiga hoose/ dhexe Wardhiigley halka dugsi sare sanadkii 1979-kii ka dhameeyay dugsiga sare ee 15 May.

Bashiir Raage, waxaa uu muddo dheer ahaa gan acsade, shaqooyinkii ugu muhiimsanaa waxaa uu sheegayaa iney tahay inuu ahaa ganacsade isagoo ahaa Aas-aasaha & Milkiilaha shirkadda Camel Log istics, waxaa kaloo uu dhisey muddadii dagaallada sokeeye garoonka diyaaradaha Cisil ey oo dhanka waqooyi ka xiga M/ Mu qdisho.

Sidoo kale waxaa uu aas-aasay Idaacad Fm ah oo Bariga Afrika la or an jiray Muqdishona ka howlgeli jirtay Bashiir Raa ge Shiiraar, waxaa uu ka mid ahaa hoggaamiye ko oxeedkii la dagaaley Maxaakiimta Islaamiga, Isagoo ugu danbeyn noqday 2016-kii Musharrax madaxw eyne Soomaaliya

dhan kale alle ha u naxariistee Marxuum Bashiir raage ayaa xilliyadaan ahaa nin aad ugu hadla sidii dalka uu u heli lahaa degaanaansho iyo nabad isa goo madaxda kula talin njiray in dagaal aan la gelin ummadda maslaxdadeedana lag shaqeeyo

TACSI TIIRAANYO LEH

Maamulka iyo howladeenada wargeyska Mogadishu times iyo bahda saxaafadda Qey baheeda kala duwan Ee Dalka Iyo Dibadda Ku kala Sugan waxaay Tacsi Tiiranyo leh u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka Geeriyooday GANACSDE BARSHIIR RAAGE SHIIRAARqaasatan waxaa loo tacsiyadenayaa walaahihiis Xareed Raage Shiir aar, Xuseen Raage Shiiraar Iyo Xaaskiisa & Carruurta uu ka tagay Marxuumka waxaayan alle ugu barayayaan inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo Marxuumka Ehelka iyo Axsaabtana Samir iyo iima an Saadaq ah ka siiyo

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAAHI RAAJUCUUNAAMIIN AAMIIN.

Aamiin Aamiin

Tallaabadii C/llaahi Yuusuf ee December 14, 2008 iyo midda Farmaajo ee Shalay



Wax lala yaabay ayuu madaxweyne C/hi Yuus uf (AUN) ku dhaqaaqay December 8, 2008. Wuxuu ku dhawaaqay inuu wa reegto xilka uga qaaday RW Nuur Cadde (AUN) oo ku howlanaa na baddoonima da shirkii Jabuuti & soo af jarridda colaad siyaasade ed oo ay dad badani ku naf waayeen. Waxay ahayd arrin sharci darro ah maaddaama RW xilka looga qa adi karo oo keliya mooshin baarlamaan.

Aragtida nabadeynta Nuur Cadde ee shirka Jabuuti ee lagu heshiisiiyay mucaaradkii Asmara fadhiyay waxaa taageeranaa beesha caalamka & sha cabka Soomaaliyeed intooda badan.

Sharci darradii ayuu madaxweyne C/hi Yuusuf ku adkeystay, wuxuuna Maxamed Max amuud Guuleed (Gacma Dheere) u mahacaabay RW. Dec 24, 2008, Gacmadheere oo ma laha dar eemay inaysan sheekadaas soconeyn,ayaa shaaciy ay inuu iska casilay xilkii loo magacaabay.

Col.kii tan iyo dhallinyaronimadiisa ku taamayay inuu mar uun Soomaaliya hoggaamiyo, una soo ga lay halgan dheer oo nabad, colaad iyo xabsiba leh, ayaa garwaaqsaday inuu iska daaye uu dalka sii he ysto, aysan suura gal ahayn inuu dhamaysto muddo xileydkiisii oo ay ka dhineyd muddo sanad ah! Dec ember 29, madaxweyne C/hi Yuusuf ayaa Baarlama ankii Baydhabo fadhiyay u sheegay inuu xilka iska casilay! Waxaa laga bartay dhowr cashar: ina an Sooma aliya xoog lagu heysan karin; in qofka na badeynta wada ay Soomaali ka jecel yihiin kan col aadda wa da; & in qofka wax garadka ah uu yahay kan fahma marka ay dabeyshu dhankisa u socoto &marka kale

Waddadii…..

W/Q: Hassan Adam Hossow

Muungaab "Warqada uu soo saaray Farmaajo waa is-miisaamin siyaasadeed” Gudoomiyihii hore ee G/ Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa wax lala yaabo ku tilmaam ay warqadii shaqooyinta lagu sheegay ee lagu daa bacay barta Facebook ee Madaxtooyad da Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in

Sababta uu u soo saaray inay tahay inuu doonaayo inuu dalka galiyo khalalaalse siyaasadeed.

"Tallaabada uu Shalay qaaday Mada xweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday ee M.C/hi Farm aajo, waa sharci darro,mana jirto meel ay Dastuurka KMG ah uga qoran tahay inuu Madax weyne shaqa da ka joojin karo R/ Wasaa raha ’Warqadda uu soo saaray Farmaajo waais-mii daamin siyaasadeed, fa laad & foori diiran, sii hurin khilaafkii siyaasadda & abuurista jawi keena qal alaase amni” ayuu yiri Mun gaab.

Waxaa uu intaasi kusii daray "R/ Wasaaraha & Xukuumadda markay waayaan kalsoonida Baarlam aanka JFS kaliya ayuu Madaxweynuhu xilka ka qaa daa sida ku cad qodobka 90-aad, Xarafka (d) ee Da stuurka KMG ah, Ujeedada ugu weyn ee uu ka leey ahay waa inuu ku hor istaago dadaalada lagu doo nayo in Kiiska Ikraan Tahliil laga gaaro caddaalad, lana caddeeyo ciddii mas’uulka ka ahayd,Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baqayaa inay garab ista agaan dadaalada uu wado R/wasaare Rooble ee lagu doonayo in Dalka ay ka dhacdo Doorasho huf an iyo in Ikraan Tahliil ay hesho Caddaalada”

Fallanqeyn sharci: Farmaajo ma hakin karaa awoodaha ra’iisul wasaare Rooble?

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaad ay ee Maxamed C/hi Farmaajo ayaa Shalay soo sa aray wareegto uu ku sheegayo inuu hakiyey awood ihii R/wha Soomaaliya, M.X.Rooble, ka dib khilaaf soo kala dhex galay.

Haddaba, Sharciyan Farmaajo xilligaan awood ma u leeyahay inuu qaado tallaabadaas?

Garyaqaan Daahir Maxamed Carab oo ah sharc iyaqaan ku sugan Muqdisho oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in marnaba uu madaxweyn aha muddo xileedkiisa uu dhamaaday awood u lah eyn inuu tallabadaas qaado, maada ma uu dham aaday muddo xileedki isa sharciga ah.

Garyaqaanka ayaa isaga oo soo xiganaya Dast uurka KMG waxa uu sheegay in Ba arlamaanka uu kalsoonida siiyay xukuumadda, isla markaana uu Dastuurka uu awooda u badan siiyay xukuumadda xil-gaarsiinta.

"Mar hadduu dhamaado muddo xileedkii madax weynaha iyo kii baarlamaanka, awoodihii Dastuuri ga ahaa ee 2daas Hay’adood halka as ayey ku dha maadeen, laakiin xukuumaddu waa ka duwan tah ay,” ayuu yiri.

"Awoodaha Hay’addaha waxaa bixiya Dastuur ka, Madaxweynaha sida ogsoonahay waa lasoo do orta waa 4 sano oo ka billaabaneysa marka la dha ariyo, laakiin xukuumadda maadama laga rabo sha qo maalinle ah lagama maarmaan ay tahay inay bul shada u adeegto waxaa awood loo siiyo in shaqada sii wado ilaa xukuumad kale laga soo dhisayo si fira aq Dastuuri ah u dhicin.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inuusan jirin qoddob Dastuuri ah oo siinaya in Madaxtooyada iyo Baarla maanka ay sii wadi karaan shaqada, isagoona xus ay in shaqadii caadiga aheyd ee hore u socday uu dar-dar geliyo R/ Wasaaraha oo uu ka go’aan gaari karo ammaanka qaranka, xasiloonida & daganaa shaha guud ee bulshada. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in hay’adda keliya ee Dastuurka uu xilligan awooda siiyey ay tah ay xukuumadda oo uu hogaamiyo R/W/re Rooble, taasi oo ka dhigan in wareegtada Farmaajo aysan sharciyad ku dhisneyn.

Madax goboleedyada oo QORAAL wadajir ah kasoo saaray khilaafka FARMAAJO iyo Rooble iyo kiiska Ikraan

Madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ee Soomaaliya ayaa war-murtiyeed wadajir ah ka soo saaray khilaafka ka dhaxeeya madaxweyne Far maajo & R/wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Hoos ka aqriso qoraalka. War-saxaafadeed

Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah DFS ee Puntland, K/Galbeed, Jubaland, Galmudug & Hirshabelle; Madaxweyne Saciid C/hi Deni, M/weyne Cabdicasiis Xasan Ma xamed Laftagareen, M/eyne Ax med Maxamed Islaan, M/weyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo M/wyne Cali C/hi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Xalay waxay khadka telefoonka uga wada hadleen xaala dda amni iyo siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya.

Madaxweynayaasha D/ha Xubnaha ka ah DFS waxay ka xun yihiin khilaafka soo noq noqonaya ee hay’adaha FS oo ah mid aan u adeegeyn danta Qar anka, horseedina kara xasilooni darro amni iyo dib u dhac dowladnimada Dalka Soomaaliya ee xiliga ka la guurka ah.

Sidaa darteed, Madaxweynayaasha D/ha Xubna ha ka ah

DFS waxay soo jeedinayaan qodobada soo socda:

1. In dhammaan wixii khilaafaad ah lagu xaliyo tu bta wada hadalka, lana joojiyo qoraalada sii fogey naya xal u helista khilaafka. Sidoo kalena, la tixgeli yo ku dhaqanka Dastuurka Kmga ee DFS.

2. In la ixtiraamo, laguna dhaqmo heshiisyadii ay horey u gaareen Madaxda DF iyo D/ha Xubnaha ka ah ee 17 September 2020, 27 May 2021 iyo 22 Aug ust 2021. Lana sii xoojiyo wada shaqeyntii guulaha lagu gaarey ee u dhaxeysa Madaxda DF iyo D/ha Xubnaha ka ah ee lagu fududeynayo qabsoomidda doorashada Dalka.

3. In Xaaladda baaritaanka Sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax loo maro hannaanka Qaanuunka Dal ka, iyadoo loo madax banaynayo hay’adaha ku sha qada leh.

4. Madaxweynayaashu waxay ugu baaqayaan Guddiyada Farsamo ee hirgelinta doorashada ee 2da heer (FEIET iyo SIEIT) in ay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashada ee la saxiixay 22 August 2021.

5.Madaxweynayaashu waxay Ummadda Sooma aliyeed guud ahaan ugu baaqayaan in laga wada qayb qaato xasiloonida iyo in Dalka ay ka dhacdo doorasho hufan oo nabad ah si Dalku u helo horum ar dhinac kasta ah.

6. Madaxweynayaashu waxay Beesha Caalam ka ka codsanayaan inay dadajiyaan taageerada farsamo iyo dhaqaale ee hirgelinta doorashada.

7. Ugu dambeyn, Madaxweynayaasha D/ha Xub naha ka ah DFS waxay shir isugu imaanayaan M/ Garowe 21 – 23 September 2021 si ay uga arrinsa daan dardargelinta qabsoomidda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Dalka. DHAMMAAD

Xaaji Maxamed Yaasiin: Cudur la filayey loo ma xauunsado

Kursi Laaluush iyo nacalada Allah lagu kas baday lagama filayn in lagu helo tawfiiq, wadajir iyo horumar.

Yaa gardaran Farmaajo iyo Rooble?

1- Farmaajo wuxuu khasaariyey 4 sano oo loo igmaday inuu:

– Dhamaystiro dastuurka qabyada ah.

– Inuu dhiso maxkamadda dastuurka si aysan u dhicin qalaalasaha siyaasaddaa dalkeena ragaadiyey.

– In dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo codkiisa.

– Inuu si fiican uga fiirsado qofka uu u magaac abayo Ra’iisal Wasaare, isagoo eegaya aqoontiisa, waayo aragnimadiisa iyo daacadnnimadiisa.

– Madaxwaynaha waa inuu yahay hoggaamiye de ggan oo sabur leh, fahmi kara sida looga dabaasho xiliyada adag isagoo u turaya dalka iyo dadka..

Haddaba, maxaa xal ah?

Jaalle Madaxwayne, adigaa inoo keenay Khayre iyo Rooble, sidaa awgeed, waxay bi’yaan adaa ma suul ka ah..blame yourself. Jaalle Madaxwayne, madal markhaati leh ayaad Rooble ku wareejisay awoodihii dawladda..Pay your price!, Jaalle Madaxw ayne, Qadiyadda murugsan ee Ikraan Tahliil waxa mas’uul ka ah kooxdaada, Rooble "Suudaanta” ma keenin.

Jaalle Madaxwayne, waxaad lumisay kalsoonidii shacabka madaama aad fulinwaysay balamadii aad qaadatay, garabkaaga waxa ka baxay qaybtii fulinta ee dawladda, qaybtii garsoorka, maamul goboleey ada, murashaxiinta, ururada bulshada, culimada, iyo beesha caalamka.

Jaalle Madaxwayne, waad ogtahay inaad maga caabi karto R/wasaare laakin aadan lahayn awood dastuuri ah aad ku ceeriso ama awoodda R/wasaar aha aad ku xakamayso.

Jaalle Madaxwayne, waxaad ogtahay in waqtigii laguu igmada kaa dhammaaday, fadlan madaxaaga ka cesho ciidda, islamarkaana dalka &dadka badba adi. Ugu dambayn, Jaalle madaxwayne, waxaa kuu soo jeedinayaa inaad raacdo qaabkii uu ku tan aasulay madaxwayne C/hi Yuusuf (Aun).

Allow markhaati ka noqo inaan walaalkay, Jaalle Farmaajo, u naseexeeyey.

Alloow Somaali tawfiiqda& tubta toosan waafaji. Aamiin

W/Q: Xaaji Maxamed Yaasiin Cabdixakiin Cilmi XasanNairobi, Kenya

Wasiir ka tirsanaa Maamulka Hir-Shabeelle oo muqdisho ku geeriyooday

Alle ha u Naxariistee waxaa Shalay M/ Muqdi sho ku geeriyooday W/dowlihii W/Warfaafinta DG/ Hir-Shabeelle kana mid ahaa Baarlamaanka Hir-Shabeelle Maxamed Axmed Faarax ( Kolombo)

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabee lle ayaa Risaala u xaqiijiyay geerida wasiiru dowl aha, iyaga oo sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu xanuunsanaa sidaas

inuu Shalay ku geeriyooday.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska G/ Baarlamaanka D/G/Hir-Shabeelle oo loogu tacsiyadeeynayay Wasiirka geeri yooday ayaa waxaa lagu yiri”

"Guddoomiyaha B/D/G/Hirshabelle Dr.Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed isagoo ku Hadlaya Magac iisa, kan Guddoonka, iyo Magaca xildhibaanada Ba arlamaanka D/G/Hirshabelle Waxuu ka Tacsiyadey nayaa Geerida Naxdinta leh ee ku timid Xildhibaan Marxuum Mohamed Ahmed Farah (Kolombo) oo ka mid ahaa xubnaha ugu fir fircoon ee Barlamanka D/ G/Hirshabelle kaas oo ku geeriyodayM/ Muqdisho.

Gudoomiye Luqmaan ayaa Yiri waxaan tacsida & tiiraanyada laqeybsanayaa Qoyska, Ehelka & Dham aan D/G/Hirshabelle Geeridii Naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Xildhibaan Kolombo waxuuna All e uga Baryey inuu Janatul Fardowsa Hoygiisa ka dhigo Samir iyo Iimaana Ilaahay naga wada siiyo.Aamiin

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in Fahad Yaasiin lagu xannibay Jabuuti


Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa she egay in D/Jabuuti ay xirtay taiyihii hore ee Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin oo dhowaan loo magacaabay inuu noqdo la-taliyaha amniga qa ranka ee Madaxweyne M.C/hi Farmaajo.

Af-hayeen u hadlay madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa arrintaas u tilmaamay mid aan sharci ahayn oo aan sii xoojinayn xiriirka 2da dawladood.Waxa u sheegya in D/So omaaliya ay ka xuntahay falka ku xad gudubka ah ee xuquuqda musaafiriinta & shuruucda caalamiga ah, sida uu hadalka u dhigay.

War saxaafadeed kasoo baxay Af-hayeenka ma daxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in D/Jabuuti ay Fahad Yaasiin ku xannibtay garoonka diyaaradaha ee Jabuuti.

Dhinaca kalena, Ilo lagu kalsoon yahay oo ku su gan Jabuuti ayaa VOA u sheegay in Fahad Yaasiin oo ay la socdaan ilaa 40 qof, diyaaradda Turkish Air lines, iyagoo ku sii jeeday Muqdishu, hase yeeshee ay diyaaraddu heshay amar ah inaysan rakaabkaasi iman karin Muqdishu.

Warar kale ayaa sheegaya in tirada la socotay Fahad Yaasiin ay ahayd lix qof. Sarkaal ka tirsan Ja buuti oo diiday in magaciisa la sheego sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta ayaa sheeg ay in haddii Fahad iyo wafdiga la socda aysan u sa fri karin Muqdishu ay ku celin doonaa halkii uu asal ahaan safarkiisu kasoo bilowdya oo ah M/ Istanbul ee dalka Turkiga.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee xisbiga RPP, ahan Wasiirka Dhaqaalaha & Maaliyadda ee Djibou ti Ilyas M.Dawaleh ayaa bartiisa twitter kaga jawaab ay eedda ka timid afhayeenka madaxtooyada Som alia.

"Maaddaama aad tahay sarkaal sare oo ka tiran Villa Somalia iyo Isu duwaha warbaahinta, waxaan si walaaltinimo leh kaaga codsanayaa inaad ka joo gsatid haddallada aan habbooneyn ee aan salka la hayn. Waxaa kuu wanaagsan inaad xaqiiqada ra adisid. Djibouti waxay dhawaan soo saari doontaa hadal rasmi ah oo ka soo baxa Wasiirka Arrimaha Dibadda.” ayaa lagu yiri fariinta wasiir Dawaleh.

XIGASHO:VOA

Dowladda Jabuuti oo war rasmi ah kasoo saartay arrinta Fahad iyo diyaaradii baaqatay

D/ Jabuuti ayaa war rasmi ah kasoo saartay wixii Shalay ka dhacay garoonka diyaaradaha Jabuuti, xilli ay DFS sheegtay inay xanibtay la-taliyaha am niga qaranka Fahad Yaasiin.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in sababta aysan Shalay Jabuuti uga soo bixin diya aradda Turkish Airlines ay tahay cilad farsamo, sida ay sheegtay, buu yiri shirkadda Turkish Airlines.

"Mid ka mid ah duuliyayaasha wuxuu haystay fas ax gaar oo ah inay soo caga dhigan karto Muqdi sho,”ayuu yiri Wasiirka, oo tixaraacaya wararka she egaya in hay’adaha amniga Soomaaliya ay diideen in diyarad sida Fahad aysan iman karin Muqdisho.

"Dhammaan rakaabka saaran duulimaadkii Turk ish Airlines ee Muqdisho waxay ku laaban doonaan Istanbul, si ay usoo raacaan duulimaad kale oo ku wajahan Muqdisho,” ayuu yiri wasiirka. Dadka duul imaadka saaran ayaa gaaray 40 qof, waxaana ka mid ah Fahad Yaasiin.

Wasiirka ayaa sheegaya in wararka kale ee arra ntan la xiriira ay yihiin kuwa been abuur ah oo lagu sameynayo jahwareer, isla markaana Jabuuti luga ha loogu gelinayo xasaradda iyo khilaafka gudaha Soomaaliya.

"Waxaan garab taagnaan doonaan walaalaheen Soomaaliya, hase yeeshee marnaba ma faro-gelin doonni arrimahooda gudaha,” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa horey ugu eed eysay Jabuuti inay xannibtay Fahad Yaasiin.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qor aal ay soo saartay ku tiri "DFS waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta & shuruuc da caalamiga ah ee D/Jabuuti ay gar oonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Md Fah ad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliy eed ee wehelisa.” Qoraalka ayaa intaas ku daray "Waxaan u sheeg eynaa D/Jabuuti inay masuuliyii ntaas u fududeyso safarkooda

Beesha caalamka oo qoraal kulul kasoo saartay khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Beesha Caalamka ayaa war-Saxaafadeed ka soo saartay khilaafka adag ee soo kala dhex-galay Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed C/hi Farmaajo iyo R/Wasaaraha Soomaaliya Max amed Xuseen Rooble, waxaana 2da dhinac loogu baaqay inay xakameeyaan is-weydaarsiga qoraalla da xaaladda ka sii daraya.

Sidoo kale beesha caalamka oo qoraal keedu u muuqdo mid dhex-dhaxaad ah aya a madaxweyne Farm aajo & R/wasaare Ro oble ugu baaqday inay deg deg u xaliyaan khilaaf kooda, isla markaana la dardar geliyo fulinta heshiis yadii doorashada.

Qoraalka beesha caalamka oo ahaa mid aad loo sugayey ayaa ku soo aadaya sanad kadib Xalay oo kale markii Muqdisho lagu kala saxiixday heshiis kii doorashada ee 17-kii September, sidoo kalena uu Madaxweyne Farmaajo soo magacaabay R/wa saare Rooble oo haatan uu khilaaf adag kala dhaxe eyo.

Hoos ka aqriso qoraalka beesha caalamka oo dhameystiran

Muqdisho, 17 Sebtembar 2021 – Iyadoo dadka Soomalaiyeed ay xusayaan sannad-guuradii 1aad ee kasoo wareegtay Heshiiskii 17kii Sebteembar, ay aa saaxiibbada beesha caalamka* waxay aad uga walaacsanyihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhexe eya Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha uu wiiqi doo no xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqal adayn doono geeddi-socodka doorashada.

Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha & R/ Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkoo da, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada gu ud ee aan waxtarka u lahayn bulshada & ogeysiisy ada hawlwadeennada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii wa qtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale dhicin.

Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin oo ay mudan yihiin maamul dowladeed oo wax ku ool ah oo loo dhan yahay. Kala-qaybsanaanta socota & siyaasadeynta hadda socota waa halis wiiqi karta horumarka muhiimka ah ee lagu tallaabsaday.

War-saxaafadeedkaan waxaa wadajir u soo saa ray dalalka & ururrada kala ah, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Egypt, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Fin land, Faransiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IG AD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Jaamacadda Cara bta, Norway, Qadar, Iswiidhan, Swisarlandh, Turk ey, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Goodax Barre oo Rooble ugu baaqay tallaabo xasaasi ah

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya, ah na xildhibaan ka tirsan golaha shacabka oo muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Cabdullaahi Go odax Barre ayaa ka hadlay khilaafka sii xoogeystay ee u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo R/Wasaaraha Soomaaliya.

Goodax Barre ayaa ugu horeyn tii sheegay in Farmaajo uu kasoo daray, ka dib markii uu Dorraad soo saaray Wareegto uu ku sheegay inuu ku hakiyay awoodihii R/Wasaa re Maxamed Xuseen Rooble, isagoona u soo jeediy ay Wasiirka koowaad ee xukuumadda in uu qaado tallaabo adag.

Wareegtadaas oo R/Wasaaraha ku tilmaamay mid baalmarsan sharciga, ayaa waxa uu Goodax ku macneeyay mid awood aan jirin uu isku bidayo Max amed C/hi Farmaajo, ayna cadeyn u tahay in mada xweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu go’ aansaday in isbaaro aan dhamaad laheyn uu hor dhigo doorashooyinka dalka. "Waxaa cad oo marqa ati ah oo umadda Soomaaliyeed u muuqata in R/ Wasaaraha uu aad u qadariyey oo ugu samray in madaxweynaha wax badan oo isbaaro ah oo wadan ka dhibaato ku ah, waxaa leeeyahay intaas ha ku filnaato sharaftii iyo qadarintii la siiyey madaxweyna ha,” ayuu yiri.

"Mar hadduu cadeystay inuu hor-istaago umadda Soomaaliyeed waxay ila tahay in tallaabo ka duwan sidii loola dhaqmi jiray uu Ra’iisul Wasaaraha ula dhaqmo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in R/Wasaaraha uu qeyb ka qaadayo mas’uuliyada waddanka lagu cu ryaaminayo haddii uu qaadi waayo tallaabo adag oo looga hortagayo isbaarooyinka horta leh ee uu Far maajo hordhigayo dadaalada R/Wasaare Rooble.

Goodax ayaa ugu dambeyntiina arxan darro ku til maamay waxa hadda socda, waxa kali ah ee daawo u ah ay tahay qabsoomida doorashada dalka, isag oona carrabka ku adkeeyay in madaxweynaha mud do xileedkiisa uu dhamaaday uu door ku laheyn arr intaas, oo ay shaqadooda billaabaan madaxweynay aasha dowlad goboleedyada.

Xisbiga Waddani oo xukuumada Somaliland ku dhaliilay amaan darada Laascaanood

Xogeeyaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xu seen Cabdi, ayaa xukuumada Somaliland ku eede eyay inanay daacad ka ahayn sugida amaanka M/Laascaanood. Xogeeyaha ayaa sheegay in wa siir Maxammed Kaahin oo xukuu mada u qaabilsan amaanka uu safar ku tagay gobo lada galbeed ee Somaliland, i

sagoo sheegay in looga baahnaa in uu tago gobol ka Sool uu u kuur galo xaalada amaan ee gobolka.

"Wasiir keena arrimaha gudaha hadii ay dhab ka tahay jacaylka reer Laascaanood Borama & Gabilay kamuu soo dhaanteeyeen maydkii Laascaanood oo yaala, wuu la xanuunsan lahaa wuu u tagi lahaa, mushkilada jirta ayuu soo eegi lahaa" ayuu yidhi xo geeyuhu.

"Intaan xogta ku hayno majirto war ay xukuuma du kasoo saartay mushkiladaha Laascaanood ka dhac dhacaya, Dorraad oo ugu danbaysay guddi ay reer Laascaanood samaysteen ayay xukuumadu gu ddi kaga jawaabtay, markaa xukuumada wexeedu ma jawaab uun baa" ayuu hadalkiisa ku daray.

Xukuumada Somaliland ayaa guddi wasiiro ah u magacowday u kuur galista xaalada amaan daro ee ka jirta gobolka Sool ee bariga Somaliland, iyadoo dilal is xig xigay dablay aan haybtooda la aqoonsan ugu gaysteen masuuliyiin xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka ka tirsan.

Minnesota: Maxkamadda Sare ee oo laashay xukunkii lagu riday Maxamed Nuur

Maxkamadda Sare ee Minnesota ayaa Arbacada Shalay ah laashay xukunkii dilka darajada-saddex aad ahaa ee lagu riday Maxamed Nuur, oo ahaa So mali-American ka tirsan booliska Minneapolis, kaasi oo afar sano kahor toogtay gabar soo wacday 911.

Maxamed Nuur ayaa sidoo kale lagu helay dil kama’ ah oo daraja da-labaad ah oo la xiriira dhimash adii Justine Ruszczyk Damond ee 15-kii July 2017, xukunkaas oo weli taagan

Sarkaalkaas hore ayaa hadda dib loogu xukumi doona dilka kama’ ah oo kaliya, si ka duwan xukun ku 12-ka sano & barka ahaa ee lagu riday 2019-kii.

Maxamed ayaa hadda wajahaya xukun u dhaxee ya 41 illaa 57 bilood, sida ay sheegtay afhayeen u hadashay xeer-ilaalinta degmada Hennepin County.

Haddii Maxamed lagu rido xukun 4sano oo ah dil kama’a oo darajada 2aad ah, wuxuu sharci u yeelan doonaa in lasii daayo, sababtoo ah wuxuu mar hore qaatay 2 meelood 3meel xukunka, sida uu sheegay qareenkiisa racfaanka Peter Wold.Maxamed Nuur ayaa xabsiga ku jiray tan iyo 30-kii April 2019. "Shalay ayaan la hadlay Maxamed, waa farxad,farxad weyn,”ayuu Wold u sheegay taleefi shinka NBC News.

Maxkamadda sare ayaa xukmisay in dacwad-oog ayaasha aysan caddeyn in Maxamed uu ficilka dilka sameeyey "ayada oo maskaxdiisa ay dulmi ku talo-gashay, oo aan txigelineyn noloshada aadanaha,” taasi oo loo baahan yahay si loo rido xukun dil daraj ada-saddexaad ah.

Dacwad-oogayaasha ayaa ku dooday in Maxam ed uu buuxiyey qeexitaankaas, sababtoo ah toga shadii uu ku dilay Damond, waxay sidoo kale dhaaw ici kartay sarkaal boolis ah oo la socday ama qof meesha marayey.

Si kastaba, maxkamadda sare ayaa xukuntay In ay caddeyd Maxamed Nuur uu beegsanayey kaliya haweeneyda uu dilay.

Gabadha la dilay ee Damond ayaa wacday 911, xilli habeen saq-dhexe ah, ayada oo aaminsan inay maqashay haweeney ay deris yihiin oo lasoo weer aray. Markii ay Damond usoo baxday bannaaka si ay ula hadasho Maxamed iyo sarkaal la socday oo lagu magacaabo Matthew Harrity ayey cabsi gelis ay. Maxamed oo argagaxay ayaa ka dib toogtay Damond.

Hoggaamiyihii Kooxda Daacishta Waqooyiga Afrika oo la dilay

Hoggaamiyahaasi oo lagu magacaabi jirey Cad naan C/Waliid Al-saxraawi ayaa la sheegay in ciidd an u dhashay dalka Faransiiska dileen, sida uu Qo raal uu soo dhigay Bartii sa Twitter-ku sheegay Madaxweynaha dalkaas Em manuel Macron.

Hoggaamiyaha Kooxda Daacishta ee Lama-degaanka Weyn ee Waqooyiga Afrika (Isla mic State in the Greater Sahara) ayaa lagu eedeey ey inay Kooxdiisa ka dambeeyeen weeraro lagu dil ay Muwaadiniin Maraykan, Faransiis, Nigerian & ku wo kale. D/Maraykanka waxay Hoggaamiyahaasi dul dhigtay lacag dhan 5 million oo Dollar, ka dib, dil kii ay Kooxdiisa u geysteen 4 Muwaadin oo Marayk an ah oo lala dilay 5 u dhalatay dalka Nigeria.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan Warar Madax bannaan oo xaqiijinaya dilka Hoggaamiyaha kooxda Daacishta Lama-degaanka weyn ee Waqooyiga Afr ika, Cadnaan C/Waliid Al-saxraawi.

Madaxweynihii Hore Ee Aljeeriya Abdelaziz Bouteflika Oo Geeriyooday

Madaxweynihii hore ee Aljeeriya, Abdelaziz Bou teflika, ayaa geeriyooday kadib markii uu muddo dheer xanuunsanaa isagoo 84 jir ah. Bouteflika ay aa dalka Aljeeriya hoggaaminayey ku dhawaad ​​20 sano, isaga oo xilka ka degay 2019 kadib markii uu u tartamay markiisii ​5aad ee xilka uu sababay mud aaharaadyo waaweyn oo waddooyinka ka dhacay.

Wuxuu kaalin muhiim ah ka qaatay dagaalkii xorni mada ee Aljeeriya sanadihii 1950 -meyadii iyo 60 -meeyadii.

Sannadkii 1999 -kii, markii Aljeeriya ka soo baxd ay dagaal sokeeye oo arxan -darro ah oo ay ku dhin teen ku dhawaad ​​200,000 oo qof, ayuu madaxwey ne ka noqday kadib markii ay Milatariga ka dalbad een.

Xirfadiisa siyaasadeed waxay bilaabatay xilli ho re, Ka dib markii ay Algeria xornimada ka qaadatay Faransiiska 1962-kii, wuxuu noqday wasiirka arri maha dibadda ee dunida ugu da’da yar.

Ninka loo yaqaan "Boutef” wuxuu ku guuleystay In uu nabad dhex dhigo ciidanka iyo xoogag Islaamiy iin hubaysan oo la dagaallamayay dagaalladii sok eeye ee dalka.

Sannadkii 2008, wuxuu bilaabay is-beddel ku yi mid dastuurka Aljeeriya kaas oo meesha ka saaray xaddiddii labada xilli ee madaxweynayaasha-wax aana si habsami leh dib loogu doortay laba jeer, in kasta oo lagu soo oogay dacwado khiyaano.

Markii lagu dhawaaqay in madaxweynaha xanuunsan uu mar shanaad u tartami doono doorashada 2019, dibad -baxyada ayaa ku faafay dalka oo dhan.

 


UNPS JOBS


Operations Associate



Job categories Project Management, Programme Management

Vacancy code VA/2021/B5001/22523

Department/office NYSC, Peace and Security Cluster

Duty station Mogadishu, Somalia

Contract type Local ICA Support

Contract level ILICA-6

Duration Ongoing contract (Open-ended, subject to organizational requirements,

availability of funds and satisfactory performance)

Application period 14-Sep-2021 to 27-Sep-2021



Applications to vacancies must be received before midnight Copenhagen time (CET) on the closing date of the announcement.


Background Information - PSC


Peace and Security Cluster

 

The UNOPS Peace and Security Cluster (PSC) is a principal service provider in the field of mine action with the United Nations Mine Action Service (UNMAS), UNDP, UNICEF, Governments of mine-affected countries and other mine action partners. It is led by the Director, who has overall authority and accountability for the performance PSC on behalf of its clients. TheDirector is responsible for administering and providing oversight of the day-to-day management of the Project Field offices, both according to the client requirements and in line with UNOPS rules and regulations.

UNMAS

United Nations Mine Action Service (UNMAS) is a division of the Office of Rule of Law and Security Institutions (OROLSI) in the Department of Peacekeeping Operations (DPKO). UNMAS is mandated by the United Nations General Assembly (RES/68/72) to ensure an effective, proactive and coordinated response to the problem posed by a wide range of explosive hazards. Legislative mandates also recognize UNMAS technical expertise in responding to threats posed by unsecured and unsafe conventional weapons and ammunition stockpiles. As an office within DPKO, UNMAS supports peacekeeping and special political missions in accordance with Security Council mandates.

UNMAS as a component of the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) provides explosive hazard management capacities, including mitigation, to AMISOM as part of a logistical support package. Non-lethal tactical advice and analysis are delivered by UNMAS technical advisors located in each AMISOM Sector Headquarters and at AMISOM Force Headquarters, who support AMISOM planning and operations. UNMAS support includes both enabling ("operate in spite of IEDs”) and response ("defeat the device”).As a component of the UN Mission in Somalia (UNSOM) UNMAS also supports the Federal Government of Somalia, including the Somali Police Force, Somali Explosive Management Authority and National Security Advisor

Functional Responsibilities


Under the direct supervision of the Project Manager for Capacity Buidling (CB) i...

Competencies


Treats all individuals with respect; responds sensitively to differences and enc...

Education/Experience/Language requirements


Education: A First Level University Degree (Bachelors of equivalent) wi...

Contract type, level and duration


Contract type: Local Individual Contractor Agreement (LICA) Contract level: ...

Additional Considerations


Please note that the closing date is midnight Copenhagen time Applications ...

Background Information - UNOPS
UNOPS is an operational arm of the United Nations, supporting the successful imp...



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip