XAAD oo shaaciyey tallaabo ay qaadayaan oo la xiriirta kiiska Ikraan Tahliil (Daawo)

0
Wednesday September 15, 2021 - 20:40:03 in Wararka by
  • Visits: 345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XAAD oo shaaciyey tallaabo ay qaadayaan oo la xiriirta kiiska Ikraan Tahliil (Daawo)

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

     Afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka hadlay kiiska Ikraan oo xiisad hor leh abuuray, ayaa shaaciyey in haddii uu Farmaajo diido cadaalada ay billaabi doonaan mudaharaado waaweyn.

     Nabadoon Xaad ayaa sheegay inaysan marnaba ka yeeli doonin madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday wax ka baxsan wixii loo doortay, islamarkaana ay iska ceyrin doonaan, sida uu sheegay.

        "In uu dowladnimada gumeeyo oo dalka oo dhan ku ciyaaro ka yeeli mayno. Hadda nabad ma muuqato saan-saanteeda ma leh, qof cadaalad daro lagu sameeyay cadaaladeeda lagama shaqeyn karo, doorasho lagama wadi karo,” ayuu yiri.

      "Qof doorasho diidi kara, dowlad diidi kara ama bulshada Soomaaliyeed ay rabto oo diidi kara majiro. Dagaal waa dagaal meesha uu asaga rabo ayuu aadaya meesha aad rabto ma aadayo, dagaal lama jiheyn karo.”

      Sidoo kale, waxa uu sheegay in qofkii dulmi ka shaqeeya in uu dusha u ridanayo waxyaabaha ka dasha dulmiga, isagoona madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ku eedeyay in uu khal-khal gelinayo doorashada dalka oo maalinba uu waraaqad kasoo daba saarayo Ra’iisul Wasaaaraha.

Waxa uu soo jeediyay in xuquuqda dalka uu leeyahay si wada-jir ah loo raadiyo, islamarkaana laga horyimaado rabitaanada guracan ee madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

       "Madaxweynaha meel uu ka galo (kiiska Ikraan) majirto, wuxuu warkiisa uu ku soo dhamaaday in uu ogoleyn cadaalad, doorasho iyo dowladnimo.”

XAAD oo shaaciyey tallaabo ay qaadayaan oo la xiriirta kiiska Ikraan Tahliil (Daawo)





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip