Cadaaladda Dacwada Ikram Tahliil iyo Xilka Qoowmu Luud

0
Tuesday September 14, 2021 - 11:31:59 in Wararka by
  • Visits: 817
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cadaaladda Dacwada Ikram Tahliil iyo Xilka Qoowmu Luud

    ,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,

Ku: Madaxtooyada Dalka iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Waa Run Arrinta Ikram waxa ey u baahan tahay in laga gaaro Xal cadaalad ah iyo in ey hesho Garsoor lagu kalsoon yahay oo Bulshadu aqbali karto, sida ey codsadeen Waalidkeed iyo Bulshada inteeda badan. ( F.S: 1aad).
Cadaaladda Dacwada Ikram Tahliil iyo Xilka Qoowmu Luud.

 
A) ku : Madaxtooyada Dalka.
 
Sida ku cad Qoraalka Sumadiisu tahay XM.Lr. 443, ee soo Baxay 13/9/ 2021( F.S: 2aad)
Dhinaca Sharciga:
1. Haddii Maxkamadi aqbasho in ey qabato Gal dacwo oo dhameystiran, lagama soo celiyo inta ey go’aan ka gaareyso, haddii dhinacyadii dacwadu ka dhexeeysay eynan ka gaarin Go’aan Dacwo ka noqosho.
2. Haddii Guddi kale laga dhinac abuuro waxa ey noqonee wax aan isqaadan karin Sharci ahaan "incompatibility of Law”. Haddii Go’aanka Maxkamadda ka hor Guddigu uu Go’aan gaaro ma noqonayo Sharci.
3.Xeer ilaaliyihii Maxkamadda Ciidamada ee Gal Dacwadeedka Gacanta ku hayay, ayaa haddana ka mid ah Guddiga. Midkuu la shaqeynaa? taasi waxa ey keenee in ey saameeyn ku yeelato Cadaaladda Go’aankiisa, waana Laba arrin oo ah "incompatible” oo Sharciyan isku mar aan is qaadan karin.
 
Dhinaca Bulshadda:
 
Ikram ma ahan Qof Macsuum ah, Dambi waa gali kartaa, laakin waxaa loo baahanyahay Cadeeyn iyo Maxkamad Go’aan ka gaarto haddii ey Dambi gashay.
 
Ma ahan in Bulshada lagu mashquuliyo, Su’aalaha ah: yaa Gudiga ku jiro? Dacwadii Maxkamadda tiil, miyaa la baabiyay ? Taliyayaasha la magacaabay ma u Madax banaan yihiin in ey soo xulaan Xubnaha ku matalayo? qaarkood waxa ey xubno ka ahaayeen Guddi hore loogu saaray?. waa kuma Taliyaha NISA ee Xubinta soo magacaabi doono?.
 
Dadka miyaa lagu Qancinaa in aan la diidaneyn in la baaro Dacwada, oo marmarsiyo laga dhigto, iyo in la yiraa: in aan Dacwada la diidaneyn waa taa Gudiga loo saaray.
Waa iga Talo.
 
Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu haka fiirsado oo yaan Hoosta loo galin, Talaabo isaga ku soo noqon doonto.
 
Bacdamaa eyna ii suura galeeyn in aan Labadaa xafiis toos ula xiriiro, Tala jeedinteeydu waa intaa.
FG:Arragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii ka khaldan ka sax. wixii ka dhimanna ku dar.
 

Qore: Yahay Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip