
HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES MAANTA OO AH TALAADO 14-SEPTEMABAR2021-KA
Farmaajo oo Magacaabay Guddi Qaran oo baaritaan ku sameeya Kiiskii Ikraan Tahliil
Madaxweynaha DFS Md.Maxamed C/hi Ma xamed farmaajo ayaa magacaabay Guddi Qaran oo baaritaan ku sameyeeya Kiiskii Marxuumad Ikraan Tahliil faarax.
Guddiga uu Magacaabay farmaajo ayaa wa xaa hoggaaminaya Xeer Ila aliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ila aliyaha Guud ee Maxkamadda Ciida mada Qalabka Sida. "Md,armaajo oo mudnaan siinaya in baarit aan daah furan lagu sameeyo Ki iska Sarkaal Ikraan Tahliil Faarax ayaa u magaca abay Guddi Qaran oo ay hoggaaminayaan Xeer Ilaaliya ha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda C/Q/Sid” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Villa Somalia.
Hoos ka akhriso Warqadda Guddiga lagu magacaabay
Hooyo Qaali oo si qiiro leh uga jawaabtay tallaabadii uu
qaaday Farmaajo..
Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad oo dhashay Ikraan Tahliil Faarax ayaa ku gacan-seyrtay gud diga uu caawa Farmaajo u magacaabay baarita anka kiiska gabadheeda, iyadoo sheegtay in kii skaas ay baaritaankiisa u daba fadhiyaan guddigii uu magacaabay R/Wasaare Rooble.
"Kuma qanacsanin, mana aqbali doon no guddiga uu madaxweyne Farmaajo u xil-saaray baritaanka kiiska Ikraan, waxaan ku qanacsanahay maxkamad da ciidamada oo aan horay ugu gudbinay dacw adda kiiska gabadheyda,” ayey tiri Hooyo Qaali Maxamuud.
Waxay sheegtay in hadii Farmaajo uu sii wado is hortaaga baaritaanka kiiska gabadheeda ay u qaadanayaan in isagu uu bixiyey amarka lagu afd uubtay.
"Hadii is hortaagaan uu ka waantoobi waayo waxaan Madaxweynaha ka gudbineynaa dacwad, dal iyo dibadna waan ka dacwey doonaa Farma ajo,” ayey hadalkeeda ku sii dartay hooyo Qaali.
Rooble oo qaaday tallaabo kale oo uu ku xaji sanayo maamulka maaliyadda dalka
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay aa shalay kulan la qaatay hay’adaha maaliyada dalka, sida Wasaaradda Maaliya dda, Bangiga dhexe iyo Xisaabi yaha guud, xilli uu sii adkeynayo maamulka maaliyadda dalka.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha, kulankaan ay aa qeyb ka ah waajibaadkiisa korjoogreynta, la xi saabtanka iyo xiriirinta shaqooyinka hay’adaha dowladda.
"Kulanka ayaa looga hadlay daahfurnaanta Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, joogteyn ta bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka, kharashaadka wasaaradaha iyo hay’ adaha kale ee dowladda, xoojinta wadasha qeynta dhexdooda ah iyo dardar gelinta howlaha deyn cafinta,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale, kulankaan ayaa daba socda amar uu R/Waaraha dul dhigay wasaaradda maaliyadda, kaasi oo dhi gayey inaysan bixin karin lacag uusan isaga soo saxiixin, islamarkaana aan ogolaansho looga heysan.
Warqadda amarka lagu bixiyey oo loo diray W/Maaliyadda 9-kii bishan ayaa waxaa sidoo kale la ogeysiiyey Xisaabiyaha guud, Gud/yaha Bank iga Dhexe iyo hanti dhowraha guud ee qaranka.
R/Wasaaraha ayaa sidoo kale si gaar ah u xay iray in ogolaansho la’aantiisa la isticmaalo lacag ta Hay’adda IMF ee qoondada DFS ee loo yaq aan SDRs.
Mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha, raashin ka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee khar ash lagama maar-maan u ah adeegga dowladda, ayaa marka mas’uuliyiinta W/Maaliyaddu waajib aadkooda shaqo ka gutaan, ayaa dhigay in oggol aansho ka helaan R/wasaaraha inta aan la bixin wax lacag ah.
Rooble ayaa tallaabooyinkan ku xaqiijinaya in wax is-daba-marin iyo musuq-maasuq lagu same yn hanaanka kharash-bixinta dowladda, xili uu dal ka marayo marxaladda kala-guurka, islamarkaa na baahi weyn loo qabo in taxaddar dheeraad ah loo yeesho isticmaalka qoondada lacagta hay’ad da IMF
GAAS oo soo jeediyey arrin xal u noqon kar ta loolanka Farmaajo iyo R/W Rooble
Waxaa sii xoogeystay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed C/hi Farmaajo iyo R/Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Dhex-dhexaadin laga dhex waday 2da mas’u ul ayaa kusoo dhamaatay fashil, haddaba maxaa xal u noqon kara khilaafka Rooble iyo Farmaajo?
R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya, C/WIli M.Cali Gaas oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in 2da dhinac ay iskugu soo dhawaan kara an, isla markaana xal u noqon kar ta khilaafkooda siyaasadeed in meesha laga saa ro tallaabada wasiir xilka looga qaaday.
Gaas ayaa qaba in Rooble uu sameeyo isku shaandheyn, iyada oo wasiirka uu wasaarad u qu udhsado u dhiibo wasaarad kale, si loo ilaaliyo is-dhinac saarka siyaasadeed ee xiisada kiciyey.
"Waxyaabaha yar yar ee la isku hayo waa la to osin karaa. Aniga kuma taliyeen saacaddan in wasiir la baddalo, laakiin R/Wasaaruhu wuxuu aw ood u leeyahay in haddii uu shaqada amniga ku aamini waayay Xundubeey u dhiibo wasaarad kale,” ayuu yiri Cabdiwali Gaas.
Sidoo kale waxa uu soo jeediyey in agaasima ha NISA loo magacaabo qof 3aad, oo 2da dhinac kalsoonidooda siin karaan, maadama xiisada ugu culus ka dhalatay gacan ku haynta booskaas mu hiimka ah, oo Rooble sarkaal u magacaabay, hal ka Farmaajo-na u magacaabay sarkaale uu wato.
"Madaxweynaha iyo R/Wasaaruhuna waxay kala magacaabeen 2 qof waxaa habboon in la isku af garto qof saddexaad oo aan labadaas midna ah ayn,” ayuu yiri R/ Wasaarihii hore.
Waxa kale oo la qabaa in labada dhinac ay is la qaatan in marnaba aan laga wada-hadli karin, xal banaanka ahna laga gaari karin baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil, oo ah halka ay ka bilaabatay xiisadu.
Qodobka uu ka dhashay muranka ugu weyn ayaa ahaa kiiska gabadha ka tirsaneyd Hay’adda Sirdoonka qaranka, walina wax xal ah looma he lin, waxaana muhiim ah in baaritaan habboon la u sameeyo sida lagu waayay gabadhaas oo ka tirsaneyd hay’adda Nabadsugida.
QM oo war ka soo saartay kiiska Ikraan Tahliil Faarax
Ku-xigeenka xoghayaha guud ee QM Amina Mohammed oo daraad booqasho ku timid Muqd isho ayaa qoraal ay soo saartay uga hadashay ki iska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar lagu la’yahay gacanta hay’adda NISA.
Amina ayaa taageertay in kiiska gabadhaas la mariyo cadaaladda, taasi oo ah mowqif raacsan kan ra’iisul wasaare Rooble, qoyska gabadha, iyo inta abdan shacabka Somali yed.
"Sareynta sharciga iyo caddaalad helista waa u muhiim in haweenka la ga ilaaliyo rabshadaha, waana wax ay xuquuq u leeyihiin dhammaan ha weenka,” ayey tiri. R/Wasaare Rooble ayaa daraad uga mahad-celiyey QM inay taageertay mowqifkiisa ah in qoyska Ikraan Tahliil Faarax ay helaan caddaalad.
Qoraalka kasoo baxay xafiiskiisa ayaa lagu yiri "Eng. Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii ay caddaa lad ku heli lahaayeen qoyska Ikraan Tahaliil Faar ax, isagoo xusay in aysan habbooneyn in arrinta as la siyaasadeeyo.”
Wada-hadalladii Farmaajo iyo Rooble ayaa bu rburay ka dib markii Farmaajo uu dalbaday in qo yska Ikraan la siiyo diyo, kiiskana halkaas lagu xiro, halka Rooble uu sheegay inay maxkamadda ciidamada ay baareyso kiiskan, islamarkaana caddaaladda la marinayo.
Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa horey u sheegay inay ka walaacsan yihiin in muranka ku gedaaman waayitaanka Marwo Ikr aan Tahliil Faarax uu abuurayo xiisado siyaasade ed oo saamayn ku yeelan kara habsami u socod ka shaqada DFS carqaladeyn karana hannaanka doorashada.
"Waxaan sii wadaynaa xiriirka aan la yeelano madax Soomaaliyeed oo badan si aan ugu boorin no in si degdeg ah loo xalliyo khilaafkan, oo ay ku jirto baaritaan lagu kalsoonaan karo oo ku saab san waayitaanka Ikraan iyo dhammaystirka gee ddi socodka doorashada iyada oo aan dib u dhac kale dhicin,” ayaa lagu yiri qoraalkii ay beesha caalamka soo saartay.
Qoor Qoor oo saddex qodob kala hadlay danjiraha cusub ee Midowga Yurub?
Madaxweynaha D/G/Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa shalay M/Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay ergeyga cusub ee M/Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ms. Tiina Intelmann. 2da mas’uul ay aa ka wada-hadlay xaaladda gu ud ee dalka, gaar ahaan doora shooyinka, ammaanka iyo xooj inta taageerada M/Yurub ee So omaaliya, gaar ahaan Galmudug
"Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arr imaha doorashooyinka iyo amniga iyo sidii sare loogu qaadi lahaa taageerada iyo mashaariicda M/Yurub ay ka wadaan deegaanada Galmudug,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha D/G/Gal Muudug.
Midowga Yurub ayaa mashaariic horumarineed ka fuliya deegaanada Galmudug, iyada oo uu Qo orQoor si gaar ah kala hadlay Ms. Tiina Intelm ann sidii sare loogu sii qaadi lahaa.
Tiina oo dhowaan loo soo magacaabay danj irada Ururka M/Yurub ee Soomaaliya ayaa beda shay Nicalos Berlang oo 3dii sano ee la soo dhaa
fay ku sugnaa dalka.
Siyaasiyiin jawaab deg deg ah ka bixiyey tallaabadii uu xalay qaaday
Farmaajo
Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Cab dishakuur, Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdikariin Xu seen Guuleed ayaa durba ka fal-celiyey warqadii caawa ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo, taas oo lagu shaaciyey guddi uu u magacaabay baaritaanka ki iska Ikraan Tahliil, oo horay loogu eedeeyey inuu isagu caqabad ku yahay. Ugu horeyn Axmed Ma calin Fiqi ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri:
"Oday Farmaajo kiiska Ikra an dhexdhexaad ma ka yah ay marka hore? Guddiga ba araya see NISA oo gabadha afduubkeeda loo aanaynay ey xubin uga noqonaysaa? Marka baaritaankan la sheegay la soo dhameeyo ma Farmaajo ayaa maxkamad ah oo loo soo gu dbinayaa?
Mas’uuliyiin dekereeto Farmaajo horey ugu magacownaa haddana guddi ahaan loo qortay sidee looga filan karaa cadaalad?!
Sow uma muuqato warqaddani mid isbaaro lo ogu dhiganayo maxkamadda ciidanka ee kiiskan RWRooble horey ugu gudbiyey? Tan kale se, ehe lka Ikraam waxay gal dacwadeed geysteen max kamadda CQS oo ay xaq u lahaayeen sow ayana carqalad la hordhigay uma muuqanayso!?
Si kastaba gacan daahir ah ayaa wax daahir isa, natiijada laga filan karo guddigaana waa la ya qaan oo waa waqtiga oo la jiido, waxbixin dhinac u janjeerta iyo kiiska oo afka meel kale loo aadiyo ayadoo laga leexinayo kuwii ku lugta lahaa!”
Sidoo kale Cabdikariin Guuleed ayaa isna qor aal uu soo saaray ku yiri
"Cadaaladdu waa aasaaska nolosha iyo dowladn imada, cadaalad la,aantuna waa waxii dumiyey hanaanka dowladnimadeena, bulshadeenana dhex dhigay colaadda iyo uurkutaalooyinka maha dhada noqday.
Gudiga uu Farmaajo u magacaabay kiiska Ikr aan Tahliil waxaan u arkaan inuu yahay isku day la rabo in lagu marin habaayo bulshada Soomaal iyeed. Laguna baaba,iyo kiiska, waxba kama jiraanna looga soo qaado.
Sida aan wada ogsoonahay kiiska gabadhu waxuu horyaala maxkamad ee waa in maxkamad da loo daayo, iyadu ha ka gungaarto baritalkeda.
Haddiiba kiiska loo magacaabayo gudi soo baara waxaa lagama maarmaan ah inuu noqdo guddi madax banaan oo kaashanaya khubaro iyo xeeldheerayaal caalami ah. Haddii kale kiisku waxuu horyaala maxkamade ha loo daayo, iyadu ha ka gungaarto baaritaalkeeda.”
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale qoraal uu soo saaray ku yiri:
"Xilligii Cusmaaniyiinta ay dunida Islaamka ka talinayeen ayaa labo nin oo Turki ah waxey siya aro u soo aadeen qabriga Sh C/qaadir Jaylaani oo reer Ciraaq ahaa. Jidkii ayey ka lumeen, nin ay salaadda wajigiisa ka muuqato, bashaash far ax badana ah, afkana aan wardiga ka qaadin ay aa ku soo baxay. Waxey is yiraahdeen Ilaaheey ayaa idiin soo diray. Meel-dhexe markii ay mar ayaan ayaa la seexday, ninkii lacagtii iyo saadkii ay wateen ayuu ka xaday waana tegey. Sidii ay u baadi-goobayeen ayey ugu danbayn gacanta ku soo dhigeen, waxaa ku soo baxay booliskii, wux uuna u geeyey qaaddigii deggaanka.
Qaaddigii ayaa tuuggii qol iskula xiray si uu su’ aalo u waydiiyo. Qaaddigii oo qaylinaya ayaa soo baxay, labadii nin ayuu ku qayliyey, wuxuuna ku yiri waad masibadateen ninkan ee baxa taga. Nin wanaagsan oo reer Baqdaad ahaa oo arrinka kor kala socday ayaa tuuggii la faqay, wuu waaniyey, wuxuu ku yiri "Xoolaha xaaraanta ah iska celi, aniga dahab xalaal ah ku siinayee” laakiin tuuggii wuxuu yiri "War xoolo ma hayo ee ninka baliiska ah iyo qaaddiga way ii hanjabeen, haadii aan qi rto in aan lacagta xadayna way i dilayaan, lacagt iina iyagaa qaybsaday”
Ninkii saalixa ahaa inta yaabay ayuu yiri oora ah caan baxday oo aheyd ; حاميها حراميها
"Kii la raacshay ayaa lunsaday” Warqadaan wa x kale maaha ee waxaa gabbaad looga dhigayaa kuwii danbiga galay.” Xigasho:Caasimadda.net
Xaaji Muuse Suudi oo khudbad lama filaan ah u jeediyay xildhibaannada
Senator Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ah Musharaxiinta Aqalka Sare ee shalay khudbada ka hor jeediyay mudaneyaasha baarlamaanka D/G/ HirShabelle, ayaa si ka duwan musharaxiin ta kale uga dalbaday codkooda.
Senator Muuse Suudi ayaa ka muquurtay in ballan-qaad ka hor sameeyo baarl amaanka hortiisa, halka musharaxiin ta ka horeysay ay sameeyen, wuxu una ku gaabsaday "in uusan ogeyn waxa uu qaban doono maadama uu qaa’ib ka ya hay”, arrintaasi oo lama filaan ku noqotay dad badan.
"Warkeyga ma badnaan doono, waxa aan soo qabtay ma aqaano ma ii miisaana, waxa aan qab an doonana ma ogi, qaa’ib aan ka ahay, waxaa id inka codsanaa Senator Aqalka Sare ahay, hadda an u qalmana igu celsha, haddaa i dhibsateen iga reeba,” ayuu yiri.
"Waxaa u mahadcelinaa madaxweynaha Hir Shabelle, Cali C/hi Xuseen iyo madaxweyne ku-xi geenka, madaxda kale kuligood waa u mahad-celinaa.”
Kursiga uu ku fadhiyo Muuse Suudi ee uu ma rkale u tartamayo ayaa waxaa kula loomaya 3 Mu sharax oo kale, kuwaasi oo kala ah; C/hi Sheekh Xasan, Axmed Daaci iyo Xasan Cadaay Cali, wa xaana ka tanaasulay Xaaji Muxidiin Xasan Afrax oo ku soo baxay liiskii uu soo saaray madaxwey ne Guudlaawe.
Sida la sheegayo Villa Somalia ayaa si weyn u daneynaysa in kursigaas lagu ciriiriyo Muuse Suudi, loolan adagna lala galo, maadama ay ku guul-dareysatay in Guudlaawe uu ka reebo liiska
Maxaa dhacaya, haddii ay cadaalad heli weyso Ikraan Tahliil Faarax?
Sheekh Cabdiraxmaan Shariif oo ka mid ah Culimada caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa ma rkii ugu horreysay si adag uga hadlay kiiska Ikra an Tahliil Faarax oo hay’adda nabad sugidda ay shaacisay inay dileen xoogaga kooxda Al-Shab aab.Sheekha oo la hadlay telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday, haddii aan wax laga qa ban arrinta Ikraan in gabdho badan oo Soomaa liyeed ay saameyn k
u yeela doonto dhacdadaan, ayna soo wejihi doonto cabsi la mid ah waxa ku dhacay Ikraan Ta hliil Faarax. "Ikraan Tahliil waxa ay u aheyd Role Model iyo in lagu deydo gabdho fara badan oo soo kacayey, haddii arrinteyda wax laga qaban waayo gabdha fara badan baa oranaya waddadii Ikraan in la’ii mariyo ma rabo, saas darteed dow ladba uma shaqeynayo” ayuu yiri Sheekha.
Sidoo kale wuxuu til maamay in loo baahan-yahay in si weyn loogu doodo Ikraan, si ay cad aalad u hesho, isla-markaana ay arrinteeda u noq oto mid lama illaawan ah."Wax aan dooneynaa arrintan in dood adag iyo meel adag la gaarsiiyo in loo dood in laga hadlo in la yiraahdo Ikraan wa xay mudatay inay cadaalad hesho waxaan rab naa inay noqoto darsi iyo mid lama illaawaan ah,” ayuu markale yiri Sheekh Cabdiraxman Shariif.
Ugu dambeyn wuxuu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay u istaahaan kiiska Ikraan, si lo oga dhigo mid caalami ah, sida dilka ninkii mad owga ahaa ee Mareykanka George Floyd. "Waxaa doonaynaa in Kiiska Ikraan Tahliil ay noqoto sidii kii George Floyd oo caalamka rux ay,”ayuu sii sii raaciyey Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed.
XIGASHO:CAASIMADDA.NET
Ku xigenka Xogayaha Guud ee QM oo ka warb ixisay kulamadii ay la qadatay madaxda dalka
Ku xigeenka xogayaha guud ee Q/Midoobay Amina Jane Mohamed oo daraad timid M/ Muqd isho ayaa kulan la qaadatay Madaxweyne Farm aajo, Ra’iisul Wasaare Roob le, & Xubnaha G/wa datashi ga Qaran ee Maamul Gobolee dyada.
War qoraal ah oo ay ka soo saartay kulankii ay la qaadatay Rooble iyo madaxda wadatashiga qa ran ayay ku sheegtay in masuuliyiinta ay u muuji yeen hogaamin wanaagsan iyo iney ka go’antay sidii loo hormarin lahaa doorka haweenka Soo maaliyeed ee siyaasada ku jira iyo dhimista laca gta laga qaadayo haweenka Musharaxiinta ka midka ah.
"R/ Wasaare Rooble iyo madaxda G/ Wadata shiga qaranka waxay muujiyeen hogaamin weyn iyo ka go’anaasho si loo hormariyo ka qaybgalka haweenka ee Siyaasadda oo ay kujiraan talaabo oyin gaar ah sida dhimista lacagta laga qaadayo musharaxiinta haweenka ah, iyo magacaabista xubno u doodaya in wax weyn lagu daro arrant aasi waxaa kaloo muhiim ah in leysku raaco hab gaar ah oo lagu gaari karo qoonada 30% doora shada soo socota” ayay tiri ku xigeenka xogaya ha guud ee QM Amina Jane
Waxay sido kale ka hadashay Amina Jane arri nta Ikraan Tahliil oo sheegtay in muhiim ay tahay in Ikraan hesho Cadaalad si looga hortago wax kasta oo xadgudub ku ah xaquuqda haweenka oo dhan."Waxaan ku kalsoonahay hoggaanka Soom aaliya inay dejiyaan xiisad kasta ayna ka fogaada an talaabo horseedi karta rabshado oo dib u dhac ku keeni karta doorashada ama wiiqi karta kal so onideeda”ayay tiri Amina Jane Mohamed ku xigeenka xogayaha guud ee Q/Midoobay.
Safarka Muqdisho ay ku timid ku xigeenka xo gayaha guud ee QM ayaa imaanaya xili khilaaf aad u xoogan uu ka dhaxeeyo madaxda ugu sar eysa dalka Farmaajo iyo Rooble.
Majaajiliistaha caanka ah ee Basadiir oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho
Majaajiliistaha caanka ah ee Ibraahim Must afa, isla-markaana ay Soomaalida u taqaano Bas adiir ayaa soo gaaray M/ Muqdisho.Basadiir oo u dhashay dalka Tanzania ayaa wax aa garoonka di yaaradaha ee Aad an Cadde shalay ku soo dhaw eeyey saaxibkiis Farxaan Diraac oo wiil dhaliny aro ah, isla-markaana Af Soomaali u beddala mu uqaallada Basadiir oo si weyn loogu wadaago bar aha bulshada.
Sidoo kale waxaa soo dhoweeyntiisa ka qeyb qaatay dhalinyaro kale iyo wariyeyaal, kuwaas oo si diiraan ugu soo dhoweeyey magaalada Muqdi sho ee caasimada Soomaaliya. Ibraahim Mustafa Basadiir socdaalkiisa Muqdisho waa mid horey loo shaaciyey, isla-markaana si aad ah looga had al hayay baraha ay ku xiriirto bulshada.
Sidoo kale wuxuu inta uu Muqdisho joogo Bas adiir qaban doonaa bandhig weyn, maadaama uu sidoo kale uu yahay fannaan caan ku ah Raabka, sidoo kalena uu dadweynaha la wadaagi doono muuqaallo xiiso leh, kana mid ah kuwiisa majaajil ada ah.
Farxaan Diraac oo ka hadlay munaasabadda soo dhoweynta ayaa shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan yahay inuu caasimada ku soo dhowee yo saaxiibkiis Basadiir, maadaama uu isagu sab ab u noqday in Soomali badan ay bartaan Majaa
jiliiste Ibraahim Mustafa (Basadiir).
Musharaxiin badan oo ka haray tartanka Aqalka Sare ee HirShabelle +
Magacyada
Baarlamaanka HirShabeelle ayaa shalay dha geystay khudbada ku dhowaad 30 mushariax oo u taagan tartanka xubnaha Aqalka Sare ee kasoo galayo maamul goboleedkaas.
Musharixiinta oo markii hore kor u dhaafiyey illaa 30 musharax ayaa had da hoos u dhacay kadib mar kii qaar ka tirsan musharixiin ta ay go’aansadeen inay isa ga haraan tartanka xilli ay daraad ku ekeyd is-dii waan gelinta musharixiinta.
Musharixiinta is-casilay ayaa iskood u go’aans aday inay isaga haraan tartanka, waxaana xusid mudan inaysan dhiibin lacagta is diiwaan gelinta oo aheyd 20 kun oo Dollar, taasi oo qaar badan ku adkaatay
Lixda musharax ee isaga haray tartanka ayaa waxay kala yihiin: 1- Mukhtaar Xuseen Afrax, 2- Dr. Cabdiraxmaan Muuse Xabbad, 3- Muxyadiin Xasan Afrax, 4- Maryan Maxamed Kuulow, 5- Ca bdalla Maxamuud Cusmaan, 6 – Adna Xasan Ma had Cabdi
Hoos ka aqris liiska musharaxiinta la diiwaan-geliyey ee isku soo haray
A): 1- Muuse Suudi Yalaxow
2- Cabdullahi Sheekh Xasa
3 -Axmed Xasan Caddow
4 -Dr. Xasan Cadaay Cali
B) 1- Maxamed Amin Shiikh Cusmaam
2- Daaha Muhudiin Sh. Daaud
3- Axmed Maxamed Call (Afcadeey)
4- Yussuf Macalin Xasan (Filla-Dheere)
C) 1- Maxamed Axmed Nuur (Tarsan)
2 – Raage Xasan Cusmaan (Xuuti)
3- Dr. Cusmaan Maxamuud Maxamed (Dufle)
D) 1- Prof. Maxamed Cusmaan Dhega-Juun
2 – Nuur Maxamed Geedi (Canjeex)
E) 1- Call Shacbaan Ibraahim
2- C/Qaadir Xanafi Sheekh Bashiir
3- Cabdullahi Axmed Tawaad
4- Caasho Xuseen Abuukar
5- Cabdalle Cabdi Xuseen
F) 1- Xasan Iidow Muxumed Kobac
2- Cusmaan Axmed Macow
3- Cabdinuur Ibraahim Nuur
G) 1- Fartuun C/Qaadir Faarah Karaama
2- Sacdiya Yarrow Aadan
H) 1- Naciimo Ibraahim Yuusuf
2- Zamzam Cabdullahi Xuseen
3- Maxamed Macallin Xasan Kulmiye
4- Abuukar Xasan Call (Maqaneey)
Kuuriyada Waqooyi oo mar kale tijaabisay gantaalo halis ah
Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay gantaal no oca riddada dheer ah oo awood u leh inuu ku dhu fto inta badan Japan, sida ay sheegtay warba ahinta dowladda Isniintii.
Dabayaaqadii isbuuca ayaa la arkay gantaallo socda masaafo dhan illaa 1,500km, sida ay shee gtay wakaaladda KCNA.
Tijaabadan ma jabineyso qaraarkii Golaha Am maanka ee Qaramada Midoobey- ee ay Kuuri rada Waqooyi ku muteysatay cunaqabateyn adag in lagu soo rogo.
Laakiin waxay muujinaysaa in waddanku weli awood u leeyahay inuu soo saaro hub iyada oo ay jirto in dalkaasi ay soo food saartay cunto yar aan iyo dhibaato dhaqaale o kale.
Tijaabada gantaalkan oo ah nooca kuruuska ayaa muujinaysa "ahmiyadda istiraatiijiyadeed oo wax ku ool ah oo macnaheedu yahay in si kalsoo ni leh loo sugo amniga dowladnimad eena oo si xoog leh loo xakameeyo dhaqdhaqaaqyada mil atari ee xoogagga cadawga ah,” ayaa lagu yiri ba yaanka lagu baahiyay wakaalada wararka ee KCNA.
Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in tijaa badan ay muujineyso Kuuriyada Waqooyi "sii wad do diiraddana saarto horumarinta barnaamijkee da milateri iyo halistooda ku wajahan deriskeeda iyo beesha caalamka.”
Wasiir Toorno "Somaliland waxay ka dowl adnimo wanaagsantahay 68"
Wasiirka wasaarada waxbarashada Somali land, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa she egay in Somaliland ka dowladnimo wanaagsan tahay 68 dal oo caalamka ku yaala.
Wasiirka ayaa sheegay in Somalila nd ay ka dowladnimo Wanaagsan ta hay, kala badh dalalka Afrika, dham aan dalalka Jaamacadda Carabta marka laga reebo waddanka Tunu sia oo Somaliland isku heer yihiin dhinaca dowlad wanaaga.
"Somaliland waxay ka dowladnimo wanaag santahay 68 dal oo adduunyada ku yaala oo ay ku jiraan labo kuwa awooda leh ah, waxay ka do wladnimo wanaagsantahay kala badh dalalka Afr ika, waxay ka dowladnimo wanaagsantahay urur ka Jaamacadda Carabta dhamaan, marka laga reebo Tunusia oo inala heer ah" ayuu yidhi wasiir Toorno.
Inkasta oo aanu wasiir Toorno sheegin mee sha uu ka keenay xogtan iyo cida soo saartay, ha dana Somaliland waxa lagu tilmaama dimuqura adiyadda ugu fiican ee ka jirta Bariga Afrika sida ay qoreen wargaysyada The economist iyo The elephant.
Dhinaca kale warbixin uu sanadkii 2017 soo saaray Aqalka Xoriyada Maraykanka (Freedom house) ayaa lagu sheegay in xaqa shacabka So maliland ka helaan xukuumadooda uu ka badan yahay xaqa ay waddamada kale ee Geeska Afr ika shacabkoodu ka helaan xukuumadahooda.
Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil oo duqeyn Cirka ah ka geysatay marinka Qaza
Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeyn xagga cirka ah ku qaaday 3goobood oo kala du wan oo ku yaalla marinka Qaza, sida laga soo xig tay ilo wareedyo maxalli ah horaantii shalay oo Isniin ah.
Weeraradaasi ayaa lala beegsaday deegaana da Rafah, Khan Yunis iyo Beit Lahia oo ku yaal k/furta Gaza,mana jiraan wax khasaare ah oo weli la soo sheegay.
Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa goor dambe sheegay in ay duqeeyeen 4 xarumood oo Xam aas u adeegsan jirtay tababarka ciidanka iyo bara shada hubka. Israa’iil ayaa ku dooday in saddex gantaal laga soo tuuray Gaza 48 -dii saac ee la soo dhaafay,isla markaana ay burburiyeen nida amkooda difaaca cirka ee Iron Dome.
Maxaa ka jira ‘inuu dhintay’ Mullah Abdul Ghani Baradar?
Mid ka mid ah aas-aasayaasha Taalibaan, ha ddana ah R/ wasaare ku-xigeenka xukuumadda kmg ah ee Afghanistan ayaa shalay baahiyey cod uu ku sheegayo inuu nool yahay, islamarkaa na caafimaad qabo, kadib markii baraha bulsha da ay qabsadeen warar sheegaya inuu dhintay.
Mullah Abdul Ghani Baradar, oo toddobaad kii tegay loo magacaab ay ninka ku xiga Mullah Mohammed Hassan Akhund oo hoggaamina ya xu kuumadda ku-me el gaarka ah ee Taalib aan, ay aa "dacaayad be en abuur ah” ku tilmaa may xanta ku saabsan dhimashadiisa.
Wararkan la xiriira dhimashiisa ayaa aad u qa bsaday baraha bulshada –gaar ahaan dalka India — halkaasi oo lagu sheegay in lagu dhaawacay hoobiye kadib iska horimaad madaxtooyada Afghanistan ku dhex-maray laba koox oo ka kala tirsan Taalibaan.
"Waxaa warbaahinta ku jira warar ku saabsan dhimashadeyda,” ayuu Baradar ku yiri cod ay ba ahisay Taalibaan.
"Dhowrkii habeen ee tegay, waxaan ku maqn aa safar. Meel kasta oo aan hadda joogo, waan wanaagsannahay dhammaanteen, walaalahey iyo saaxiibadey,” ayuu yiri.
"Warbaahinta waxay mar kasta daabacaan da caayad been abuur ah. sidaas darteed, si geesini mo leh isaga diida beentaas, waxaana 100% idiin xaqiijinayaa inaysan waxba jirin, oo aan wax dhib aato ah qabin,” ayuu yiri.
Suurta-gal ma aheyn in si madax-banaan loo xaqiijiyo codka, hase yeeshee waxaa lasoo dhi gay bogagga rasmiga ah ee kooxda – oo uu ku jiro midka afhayeenka xafiiska siyaasadda ee xukuumadda cusub.
Hoggaamiyaha sare ee Taalibaan Hibatullah Akhundzada ayaa sidoo kale dhowr sano la isla dhex-marayey inuu dhintay kahor inta aanu afha yeenka kooxda sheegin "inuu ku sugan yahay Ka ndahar” laba toddobaad kadib markii ay qabsade en. Dalalka Pakistan iyo Afghanistan ayaa xantu aheyd inuu u dhintay cudurka COVID-19, ama lagu dilay qarax.AFP + VOA
Ra’iisul wasaare Israa’iil ka socda oo 10-sano kadib booqasho rasmi ah ku tagay Masar
R//wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett, ayaa wa dahadalo kula leh Madaxweynaha Masar Abdul Fattah al-Sisi magaalada loo dalxiis tago ee Badda Cas ee Sharm el-Sheikh.Waa safarkii ugu horreeyay ee rasmi ah oo uu ra’iisul wasaare Israa’iil ku tago Masar muddo toban sano ah.
Madaxtooyada Masar ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay ka wada hadli doonaan arri maha labada dhinac iyo gobolka, iyo sidii loo soo nooleyn lahaa ge eddi-socodka nabadda ee Israa ’iil iyo Falastiin.
Mr Bennett, oo Bishii Lixaad beddelay Benjam in Netanyahu, ayaa bishii hore aqbalay casuuma ad uu ku tagayo dalka Masar.
Mr Netanyahu ayaa ahaa madaxii ugu dambe eyay ee Israa’iil oo booqasho rasmi ah ku taga Masar sannadkii 2011-kii, markaas oo uu la kulm ay madaxweynihii xilligaas Xusni Mubaarak, wax ka yar bil, ka hor intii aan xukunka laga tuurin.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar oo Kulan la leh Taalibaan
Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Qatar Maxamed Bin C/raxmaan Althani ayaa booqasho ku tegay caasimada dalka Afganistan ee Kabul, isagoo Kulamo la leh Hoggaamiyayaasha Taalib aan.
Afhayeenka Taalibaan, Suhayl Shahiin ayaa u xaqiijiyey Suxufiyiinta booqa sha da Wasiirka Arrimaha Dib edda ee Qatar, wuxu una xus ay inuu Kulamo la leeyahay Madaxa Do wladda Imaaradda Islaam iga Afganistan, Max amed Xasan Akhund.
Afhayeenka ma bixinin Faahfaahin dheeraad oo ku Aadan qoddobadii looga hadlay Shirkaasi
SOMALIA
TRADEMARK CAUTIONARY NOTICE
PRATT & WHITNEY
NOTICE IS HEREBY GIVEN that the above trademark is the trademark of
United Technologies Corporation, a corporation organized & existing under the laws of the State of Delaware of One Financial Plaza ,Hartford ,06101, Connecticut, United States of America .
And is used in connection with:
Aircrafts construction including engines for use in powering aircraft, watercraft & stationary land installations & replacement parts therefor; diverse machines & equipment & their parts & all other goods included in classes 11 & 12.
Notice is also given that legal proceedings will be taken against any person or company who uses the said trademark or any limitations thereof or who otherwise infringes the rights of the said company.
Any enquiry relative thereto may be referred to:
Saba & Co. Intellectual Property s.a.l (Offshore)
P. O. Box 11-9421 Beirut – Lebanon
Tel: +961 5 45 48 88
Email:naf@sabaip.com
SOMALIA
OGEYSIISKADIGNIINTA EECALAAMADA
GANACSIGA_____________
PRATT & WHITNEY
OGAYSIIS WAA BIXINAYAA in calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan tahay calaamad ganacsi:
United Technologies Corporation، oo ah shirkad Abaabulan oo hirgelisay sharciyada Gobolka Delaware of One Financial Plaza , Hartford, 06101 ,Connecticut, United State of America .
waxaana loo isticmaalaa iyadoo lala xiriirinayo:
Dhismaha diyaaradaha oo ay ka mid yihiin mishiinka loo adeegsado diyaaradaha tamarta، biyahaiyo qalabka dhulka lagu rakibo iyo qaybo kala duwan ؛ makiinadaha iyo qalabka kala duwan iyo qeybtooda iyo dhammaan alaabooyinka kale ee ku jira fasallada 11 & 12.
OGAYSIIS WAXAA KA BIXIYAY in Dacwad Sharci Ah Laga qaadi doono qof Kasta ama Shirkadisticmaala calaamada ganacsiga ama wax kasta oo la midabtakooro ama kuwa kale ku xadgudboxuquuqda shirkaddaas.
Qof kasta oo qaraabo ah oo wax weydiin kara waxaa loo gudbin karaa:
Saba
& Co. Intellectual Property s.a.l (Offshore)
P. O. Box 11-9421 Beirut – Lebanon
Tel: +961 5 45 48 88
Email:naf@sabaip.com
UNOPS JOBS
Transport Analyst
Job categories Administration,
Procurement
Vacancy codeVA/2021/B5001/22516
LevelICS-8
Department/office NYSC, Peace and Security Cluster
Duty station Mogadishu, Somalia
Contract type International ICA
Contract level IICA-1
Duration Ongoing contract (Open-ended, subject to organizational requirements,
availability of funds and satisfactory performance)
Application period 08-Sep-2021 to 21-Sep-2021
Applications to vacancies must be received before midnight Copenhagen time (CET) on the closing date of the announcement.
Peace and Security Cluster
The UNOPS Peace and Security Cluster (PSC) is a principal service
provider in the field of mine action with the United Nations Mine Action
Service (UNMAS), UNDP, UNICEF, Governments of mine-affected countries and other
mine action partners. It is led by the Director, who has overall
authority and accountability for the performance PSC on behalf of its
clients. TheDirector is responsible for administering and providing
oversight of the day-to-day management of the Project Field offices, both
according to the client requirements and in line with UNOPS rules and
regulations.
UNMAS
United Nations Mine Action Service (UNMAS) is a division of the Office of Rule of Law and Security Institutions (OROLSI) in the Department of Peacekeeping Operations (DPKO). UNMAS is mandated by the United Nations General Assembly (RES/68/72) to ensure an effective, proactive and coordinated response to the problem posed by a wide range of explosive hazards. Legislative mandates also recognize UNMAS technical expertise in responding to threats posed by unsecured and unsafe conventional weapons and ammunition stockpiles. As an office within DPKO, UNMAS supports peacekeeping and special political missions in accordance with Security Council mandates.
UNMAS as a component of the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) provides explosive hazard management capacities, including mitigation, to AMISOM as part of a logistical support package. Non-lethal tactical advice and analysis are delivered by UNMAS technical advisors located in each AMISOM Sector Headquarters and at AMISOM Force Headquarters, who support AMISOM planning and operations. UNMAS support includes both enabling ("operate in spite of IEDs”) and response ("defeat the device”).As a component of the UN Mission in Somalia (UNSOM) UNMAS also supports the Federal Government of Somalia, including the Somali Police Force, Somali Explosive Management Authority and National Security Advisor.
Under the general
direction of the Head of Procurement and Logistic Officer, the...
Treats all
individuals with respect; responds sensitively to differences and enc...
Education/Experience/Language requirements
a)
Education ●...
Contract type, level and duration
Contract type:
International Individual
Contractor
Agreement (IICA) Contract...
Please note that the
closing date is midnight Copenhagen time Applications ...
Background
Information - UNOPS
UNOPS is an
operational arm of the United Nations, supporting the successful imp..
HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES MAANTA OO AH TALAADO 14-SEPTEMABAR2021-KA
...