Qoor Qoor oo saddex qodob kala hadlay danjiraha cusub ee Midowga Yurub?

0
Monday September 13, 2021 - 11:57:05 in Wararka by
  • Visits: 172
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoor Qoor oo saddex qodob kala hadlay danjiraha cusub ee Midowga Yurub?

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay ergeyga cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ms. Tiina Intelmann.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka, ammaanka iyo xoojinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, gaar ahaan Galmudug.

"Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga iyo sidii sare loogu qaadi lahaa taageerada iyo mashaariicda Midowga Yurub ay ka wadaan deegaanada Galmudug,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Galmuudg.

Midowga Yurub ayaa mashaariic horumarineed ka fuliya deegaanada Galmudug, iyada oo uu Qoor Qoor si gaar ah kala hadlay Ms. Tiina Intelmann sidii sare loogu sii qaadi lahaa.

Tiina oo dhowaan loo soo magacaabay danjirada Ururka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa bedashay Nicalos Berlang oo saddexdii sano ee la soo dhaafay ku sugnaa dalka.

Kulankan ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah oo ay magaalada Muqdisho ka taagan tahay xiisad ka dhalatay kiiska Ikraan Tahiil Faarax oo ay NISA shaacisay inay dishay Al-Shabaab.

   Si kastaba, Qoor Qoor ayaa ka mid ah madaxda Soomaaliyeed ee haatan ku howlan dhex-dhexaadinta madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, si xal looga gaaro khilaafka dalka.

Qoor Qoor oo saddex qodob kala hadlay danjiraha cusub ee Midowga Yurub?




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip