9/11: Muxuu sameeyay nin dhowr ilbiriqsi kaliya uga fakaday qaraxyada

0
Saturday September 11, 2021 - 15:48:34 in Wararka by
  • Visits: 664
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    9/11: Muxuu sameeyay nin dhowr ilbiriqsi kaliya uga fakaday qaraxyada

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Twin towers on 9/11

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Qoraalka sawirka,

Andrew wuxuu ku sugnaa dhismaha Koonfureed markii ay diyaaraddii ugu horreysay ku dhacday halkaas, wuxuuna isku dayayay inuu soo dago markii ay diyaaradda labaad sababtay qaraxa

Labaatan sano ka hor, Andrew Cullen waxa uu goob joog u ahaa qaraxa diyaarad ku dhacday dabaq dheer oo ku dhagganaa meesha uu ku jiray, waxa uuna u dareemay si la mid ah sidii uu u maqlayay.

Maskaxdiisa ayaa go'aanno kala duwan usoo bandhigtay daqiiqadihii xigay, tallaabo kasta oo uu qaadana waxay ahayd mid saameyn weyn leh.

Go'aan labo labeyn ah oo uu ku taabtay qaybta hoos aadda ee wiishka dhismaha uu ku jiray ayaa noqday kii ugu weynaa ee noloshiisa soo mara.

Taabashada batoonka hoos aadayay, ilbiriqsiyo ka hor inta aysan diyaaraddii labaad ku dhicin daqaba koonfureed ee dhismaha Xarunta Ganacsiga Adduunka 11 September 2001, ayaa sabab u noqotay in Scot uu sii noolaado, qisadaasna ka sheekeeyo labaatan sano kaddib.

Andrew oo ku dhashay magaalada Motherwell ee ka tirsan North Lanarkshire, waxa uu ahaa 10 jir markii uu aabihiis shaqo ka helay Pittsburgh, uuna qoyskiisa u soo raray Mareykanka sanadkii 1980-kii.

Markii uu jiray 25 sano, waxa uu ka shaqeynayay shirkadda maalgashiga sameysa ee Keefe, Bruyette & Woods (KBR).

Maalintii 11-kii September, 2001, waxa uu tagay goobtiisa shaqada oo ku taallay dabaqa 89-aad ee dhismaha loo yaqaannay "South Tower". Waxa uu ka mid ahaa koox ka shaqeyneysay heshiis weyn oo lala galayay bangi.

Waxa ay ahayd maalin qurux badan.

Andrew Cullen

                   XIGASHADA SAWIRKA,ANDREW CULLEN Qoraalka sawirka,

Andrew Cullen wuxuu ka badbaaday weerarkii argagixiso ee 9/11

Isagoo la hadlayay barnaamijka subaxlaha ah ee BBC Radio's Drivetime, ayuu Andrew yiri: "Cirku wax daruuro ah ma lahayn, sidaas darteed haddii aad joogto dabaqa 89-aad wax walba waad arki kartaa, toos waxaad ugu jeeddaa taallada xorriyadda ilaa dhismayaasha qadiimiga ah ee Brooklyn.

"Sida caadiga ah, qiyaastii 06:45, ganacsatada, khubarada wax falanqeysa iyo dadka ka shaqeeya suuq raadinta ayaa billaaba inay shaqada soo galaan, markii ay shaqaalaha billaabeen in ay teleefannadooda wacaan ayaan maqalnay islamarkaana dareennay qarax aad u weyn oo ka dhacay Dabaqa Waqooyi.

"Wax fikrad ah kama aannaan heysanin waxa uu ahaa, balse saameynta qaraxa ayaa dhismaheenna gilgishay, waxaana arki kareynay burburka kasoo daadanayay dhinaca kale ee dhismaha."    

     Waxa uu yiri: "Waxaan kasoo kacay kursigeygii waxaana billaabay inaan u socdo dhinaca waqooyi, kaddib waxaan imaaday qaybta uu uu fadhiyay Derek Sword, oo aan isla shaqeyn jirnay. Waxaan u maleynayaa inuu markaas telefoonka kula hadlayay walaalkiis oo uu isku dayay inuu u sharraxo waxa dhacay.

"Islamarkaasba, aniga iyo saddex saaxiibbadii ila shaqeynayay ah waxaan go'aan ku gaarnay inaan ka baxno dhismaha, sidaas awgeedna waxaan u dhaqaaqnay dhinaca jaranjarada waxaana billownay inaan kasoo dagno dabaqa 89-aad ilaa aan ka imaannay dabaqa 44-aad, markaas ayay howlwadeennada nagu amreen inaan ku laabanno xafiisyadeenna si ay noogu diyaariyaan wiishash nasoo dejiya.

"Halkaas marka ay xaaladdu mareyso wiishka kor waa lagu aadi karay laakiin waxaan go'aansannay inaan hoos tagno, aniga ayaana gacanteyda ku taabtay batoonka noo qaadaya dhinaca hoose ilbiriqsiyo ka hor inta aysan diyaaradda labaad ku dhicin meesha naga korreysa."

Haddii wiishka uu aadi lahaa kor, waxay u badan tahay inay dhiman lahaayeen.

Wuxuu yiri: "Waxaa jiray buuq iyo qalalaase badan. Waxaa xoog nalooga soo saaray wiishka aniga iyo dhowr qof oo aan isla shaqeyneynay. Dhinacyada ayaan eegay waxaana soo aaday dhanka jaranjarada, qiyaastii 30 ilbiriqsi kaddibna saaxiibbadey waxay imaadeen dabaqa 43-aad waxaana go'aansannay inaan dhismaha uga soo baxno sida ugu dhakhsiyaha badan."

A wall of dust and debris

                             XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES  Qoraalka sawirka,

Boor iyo qiiq ayaa qariyay waddooyinka kaddib markii uu dumay mid ka mid ah dhismeyaasha Xarunta Ganacsiga Adduunka

Andrew iyo saaxiibbadiisa shaqada wali wax faahfaahin ah kama aysan heynin waxa dhacay. Sida kaliya ee ay ku qiyaasi kareen waxay ahayd inay u maleeyeen in dhismaha kale uu kusoo dul dhacay dhismihii ay ku jireen.

Hadda waxa uu dib ka fahmay in markii uu dhacayay qarixii weynaa ee labaad uu shidaalka diyaaradda kusoo daatay wiishka kaddibna uu sidaas ku burburay.

Wuxuu yiri: "Ma hubo inta qof ee ka badbaadday wiishka balse waxaa la ii sheegay inuu go'ay oo uu dhacay. Sidaas darteed annaga nasiib ayaan lahayn maadaama aad ku jirnay safkii hore.

Andrew waxa uu aaminsan yahay in maalintaas uu ku badbaaday sabab la xiriirta mid ka mid ah dhaqamada uu dabeecad ahaanta u leeyahay.

"Marka ay jirto khatar kugu soo wajahan, waxa ay tahayna aadan ogeyn, waxaa kuu furan labo jid," ayuu yiri. "Mid waa inaad wajahdo khatartaas midna waa inaad ka baxdo meesha ay xaaladdaas ka jirto.

"Waxa kaliya ee aan ogaa waa in qaraxa ka dhacay dhismaha koowaad uu ahaa mid aad u awood badan, mana aanan rabin inaan hawada sare sii galo. Waxaan ahay dadka sida aadka ah uga cabsada meelaha kore, sidaas darteed waxay ila tahay inaan arrintaas ku badbaaday."

Galinkii dambe ee maalintaas, Andrew waxa uu ka qayb qaatay howsha wicitaannada lagu sameynayay telefoonnada saaxiibbadii kale ee shaqada, ugu dambeynna waxay ogeedeen dadka badbaaday iyo kuwa aan badbaadin.

Derek Sword

                                XIGASHADA SAWIRKA,KBW    Qoraalka sawirka,

Scot Derek Sword waxa uu ka mid ahaa 67-kii qof ee ka shaqeynayay shirkadda KBW, oo halkaas ku dhintay

Derek, oo ahaa saaxiibkiis, waxa uu ka mid noqday dadkii ay tiradoodu ahayd 2,606 ee ku dhintay weerarkii lagu beegsaday daaraha mataanaha ahaa.

Labadooda waxay isku barteen, kuna saaxiibeen maalintii ugu horreysay ee shaqada, maadaama ay kasoo wada jeedeen Scotland.

Waxaa xafiiska kusoo dhaweeyay mid ka mid ah maamuleyaashii KBW, John Berry, oo sidoo kale dhintay. Shirkaddu maalinkaas weerarka ku weysay 67 ka mid ahaa shaqaalaheeda.

Shaqaalihii badbaaday waxay isbuucii xigay ku qaateen galista iyo ka bixista isbitaallada magaalada New York, iyagoo raadinayay wax calaamado ah oo muujinaya saaxiibadoodii ay halkaas ku waayeen, iyagoo rajeynayay inay arkaan wax ka badbaaday halkaas oo dhaawac ahaan loo dhigay isbitaallada la geynayay dadka.

9/11 memorial

                                           XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES      Qoraalka sawirka   ,                

Xuska sanad guuradii 20-aad ee kasoo wareegtay weerarkii 9/11 ayaa ka dhacay Mareykanka

Andrew oo hadda ay da'diisu tahay 51 sano, waxa uu macallin taariikhda iyo dhaqaalaha dhiga yahay gobolka South Carolina.

Tan iyo maalintaas waxa uu ka qayb galay dhowr xus, balse waxa uu jecel yahay inaan la arkin oo uusan isasoo shaac bixinin.

"Waad la noolaaneysaa xasuusta balse kaama go'eyso," ayuu yiri. "Waa hannaan socda. Waligaa waad xasuusnaaneysaa, wayna baddali kartaa noloshaada, balse ma aha inay joojiso nolosha."

Mareykanka ayaa maanta xusay sanad guuradii 20-aad ee kasoo wareegtay weerarradii 11-kii September, oo ay mas'uuliyaddooda sheegteen ururka Al-Qaacida.

Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in cashirka ugu muhiimsanaa ee laga bartay dhacdadaas uu ahaa in midnimada ay tahay awoodda ugu weyn ee Mareyanka

XIGASHO:-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip