Xog: Laba digniin oo culus oo ka jirta magaalada Muqdisho

0
Tuesday September 07, 2021 - 23:57:55 in Wararka by
  • Visits: 176
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog: Laba digniin oo culus oo ka jirta magaalada Muqdisho

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay aad u xoogeystay digniinta ka soo baxeysa xafiisyada amni ee ay hay’adaha ajnabiga ah ku leeyihiin Muqdisho, gaar ahaan xarunta Xalane iyo sirdoonka Soomaaliya, taasoo ku aadan in saacadaha soo socda ay Muqdisho ka dhici kaaraan weeraro culus.

Xogta ay bixiyeen khubarada amniga, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in weerarada qaraxyada ah eel aga cabsi qabo ee ka koobnaan; kara rag soo xirtay jaakadaha qarxa, gaadiid qaraxyo ah iyo qaraxyada gaadiidka lagu xiro ee badanaa lagu dilo wadaha gaariga.

Sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa ajnabiga ah ayaa sheegay in weerarada ay ka dhici karaan xarumo dowladeed, hoteelo, maqaayado iyo goobaha dadka isugu yimaadaan, sida garoomada kubadda cagta.

Sidoo kale digniinta la soo saaray ayaa waxaa qeyb ka ah in Muqdisho ay soo galeen tobaneeyo dagaalame oo ah kuwa Al-Shabaab u qaabilsan dilalka toogashada ah ee madax-jebinta loo yaqaano.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa qaba cabsi badan oo dhanka ammaanka ah, halka qaarkoodna ay u arkaan cabsi gelin iyo mowduuc lagu daminayo xiisada kiiska Ikraan Tahliil.

Xog: Laba digniin oo culus oo ka jirta magaalada Muqdisho

 

Hay’adaha amniga ayaa xilligan aad u dayacan, ayada oo hay’adda Nabad-Sugidda ee NISA ay hareysay fadeexad ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, taasi oo keentay in shaqo ka-joojin lagu sameeyey agaasimihii hay’adda Fahad Yaasiin.
XIGASHO:CAASIMADA.NET



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip