
Warbixin: Lionel Andrés Messi Oo Xalay Dhaliyay Goolkiisii 500aad Ee Waayihiisa Ciyaareed Iyo Wax Waliba Oo Aad Uga Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato 500 Ee Xidigaan
Leo Messi ayaa dhaliyay goolkiisii koowaad ee waayihiisa ciyaareed sanadii 2005 kulankii ay kooxdiisa ka adkaatay Albacete wuxuuna ahaa kaliya 17 sano jir waxaana goolkaas ka caawiyay Ronaldinho.
Messi ayaa kooxdiisa Barcelona iyo xulkiisa Argentina u ciyaaray 631 kulan wuxuuna dhaliyay 500 oo gool wuxuu sameeyay 201 caawinaad, wuxuu kooxdiisa kaliya u saftay 525 kulan wuxuuna mudadaas ku dhaliyay 450 halka uu 50 jeer shabaqa u soo taabtay Argentina kadib 107 jeer uu xirtay maaliyada Albieceleste wuxuuna goolkiisii ugu horeeyay kooxdiisa u dhaliyay kulankii ay guuldarada 3-2 ah ka soo gaartay xulka Croatia.
Messi ayaa ah gooldhaliyaha ugu SAREEYA kooxda Barcelona halka 50 gool ee uu u dhaliyay xulkiisa ay ka dhigeyso inuu kaalinta labaad kaga jiro gooldhalinta abid ee uu heysto Gabriel Batistuta oo leh 56 gool, 64 gool waxay ahaayeen gool ku laad, 25laad xor ah ayuu dhaliyay, wuxuu 38 jeer ama wax ka badan dhaliyay sadexley, afar jeer ayuu dhaliyay afar gool halka ahl jeer uu dhaliyay shan gool, sidoo kale sideed xili ciyaareed ayuu dhaliyay 40 gool ama wax ka badan, habeenkiisii ugu weynaa wuxuu ahaaMarch 7, 2012 markii uu shan gool ka dhaliyayBayer Leverkusen kulanChampions League, goolasha ugu badan wuxuu dhaliyaa inta u dhexeysa daqiiqada 76aad ilaa tan 90aad wuxuuna dhaliyay 129 gool mudadaas, goolasha ugu badan wuxuu ka dhaliyay kooxahaAtletico iyoSevilla, uu ka kala dhaliyay26 iyo25 gool, halka Real Madrid uu ka dhaliyay 21 gool, laakin goolkiiisa 500aad ayaa yimid habeen la iska iloobo wuxuuna ku soo aaday xili ay kooxdiisa xaalad xun dhex maquuraneyso.
Boqolkiiba 51 goolasha Messi oo ah 254 wuxuu ku dhaliyay garoonka kooxdiisa ee Camp Nou, 406 kamid ah wuxuu ku dhaliyay lugta bidix, 71 lugta midig uu ku bixiyay, 21 madaxa ayuu ku dhaliyay, labada kale wuxuuu ku dhaliyay meelo kale oo jirkiisa ah.
Xili ciyaareedkii uu goolasha ugu badan dhaliyay xidigaan ayaa ahaa xili ciyaareedkii 2011-12, markaasoo uu dhaliyay 73 dhamaan tartamada waxayna 50 kamid ah goolashaas ahaayeen horyaalka La Liga halka 12 jeer uu shabaqa u soo taabtay Argentina.
Laakin dhibta ugu weyn ee Messi ayaa ah inuu heerka uu Barcelona gaarsiiyay ee ah 26 koob mudadii uu kooxda ka tirsanaa uu kula guuleystay inuu wadankiisa xitaa hal koob ugu qaado wuxuuna labo jeer ku guuldareystay ciyaar dhamaadka koobabka aduunka ee 2014 iyo Copa America ee 2015.
Warbixin: Lionel Andrés Messi Oo Xalay Dhaliyay Goolkiisii 500aad Ee Waayihiisa Ciyaareed Iyo Wax Waliba Oo Aad Uga Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato 500 Ee Xidigaan
Messi ayaa dhaliyay goolkiisii 500aad ee waayihiisii ciyaareed koox iyo xulba kadib markii uu shabaqa soo taabtay kulankii ay guuladarada ka soo gaartay kooxda Valenica ee xalay 2-1 ka ku dhamaaday, hadaba shabakada Laacib.net ayaa dib u eegeysa gool